Warbaahinta G. Mudug

Warbaahinta G. Mudug Halkan kala soco warar iyo barnaamijyo kale

Sawiro: Degmada Xarfo oo Si weyn looga Xusay Dhalashada Nabigeena Muxamed (NNKH)
26/09/2023

Sawiro: Degmada Xarfo oo Si weyn looga Xusay Dhalashada Nabigeena Muxamed (NNKH)

Sawiro:Q.1aad Xaflada Xilwareejinta Maamulka H**e iyo Maamulka Cusub Ee Degmada Xarfo
23/09/2023

Sawiro:Q.1aad Xaflada Xilwareejinta Maamulka H**e iyo Maamulka Cusub Ee Degmada Xarfo

Manhajka wasaaradda waxbarashada Puntland ay daabacday waxa lagu arkay habka uu u sharaxaayo calanka  Soomaaliya.Waxa me...
22/09/2023

Manhajka wasaaradda waxbarashada Puntland ay daabacday waxa lagu arkay habka uu u sharaxaayo calanka Soomaaliya.

Waxa meesha laga saaray halyeeyadii SYL iyo Alle ha u naxariiste Maxamed Cawaale Liibaan oo ahaa shaqsigii keenay Fikradda calanka Soomaaliya.

Maxaa ka qaldan minhajka cusub? Sitimaanka gabagabada ah waxaa aad u soo if baxay qaladaad laga soo tabinayay minhajka c...
22/09/2023

Maxaa ka qaldan minhajka cusub?

Sitimaanka gabagabada ah waxaa aad u soo if baxay qaladaad laga soo tabinayay minhajka cusub ee ay soo saartay Wasaaradda Waxbarashada , Hiddaha iyo tacliinta sare ee maamulka Dawladda puntland soo saartay 2022 .

Xogta aan ka ogahay anigu , waxa aan dhigaa qaar ka mid ah Maadooyinka eedaynta ugu badan loo soo jeediyay sida Cilmi-busho iy saynis-ka .

Muddadii aan dhigayay minhajkaas waxaa ii soo baxday in uu yahay minhajka wanaagsan ayna diyaariyeen dad soomaali ah . Waxaa kale oo ii soo baxay in ay jiraan qaladaad yar yar oo loo baahan yahay in la saxo , daabacaadda labaad ee minhajka.

Meelaha la dhaliilayo qaarkood waxa ay iila muuqdeen wax sax ah oo ah cilmiga sayniska , minhajka ka horna sidaas ardayda loo barijiray. Sida rainbow 🌈 (qaaso-roobaadka ). Oo ah tusaalaha ugu habboon ee midabada iyo ilayska .

Waxaa kale oo iyana ila saxan in la fiiriyo fasiraaddii uu ka baxshay halgamaagii , cabqarigii , hal-abuurkii , muhandiskii weynaa Alle ha Raxmee maxamed cawaale liibaan calanka Qaranka soomaaliyeed ee uu asagu hindisay. Insh allh Calanka waxa aan ka samayn doonaa war bixin intaas ka faahfaahsan.

Allaa mahad leh nin aaminay baa amaan leh .

Deegaanka   ee duleedka Garowe  saddex maalmood ayay u qabteen shirkadda     hadii Cabashadayada ka soo jawaabi waydo jo...
22/09/2023

Deegaanka ee duleedka Garowe saddex maalmood ayay u qabteen shirkadda hadii Cabashadayada ka soo jawaabi waydo joogimayso deegaankayaga waa iska dhicinaynaa

Xigasho Kilwe Media

Gaari noca xamuul ah ayaa shil ku galayinta u dhexaysa magaalada Dangorayo iyo Tuulada xaaji-khayr. Mana jiraan wax dhib...
22/09/2023

Gaari noca xamuul ah ayaa shil ku galay
inta u dhexaysa magaalada Dangorayo iyo Tuulada xaaji-khayr.

Mana jiraan wax dhibaato ah oo soo gaaragay dadkii saarna gaariga marka laga yimaado khasaaraha soo gaaray gaariga.

Elmi Isse

  Mudug Puntland Soomaaliya
22/09/2023

Mudug Puntland Soomaaliya

Taliyaha saldhiga Bari ee magaalada Garowe caasimadda Puntland Kabtan Abdiyare Juu joule oo  shaqaynaya amniga soo dhawe...
20/09/2023

Taliyaha saldhiga Bari ee magaalada Garowe caasimadda Puntland Kabtan Abdiyare Juu joule oo shaqaynaya amniga soo dhaweynta koobka gobolada Puntland ee xulka gobolka Nugaal.

20/09/2023

"Qoorka ayaan rabaa inuu igu labaystay"Shucuurta mida ka mida taageerayaasha xulka Gobalka Nugaal oo caasimada Soo gaaray.

"Murursade, Waceysle iyo Duduble ayeey xoog ku heystaan AS""Shaah macabe, Xasan Tuure waxaa shahiidiin laba....."Xildhib...
20/09/2023

"Murursade, Waceysle iyo Duduble ayeey xoog ku heystaan AS"

"Shaah macabe, Xasan Tuure waxaa shahiidiin laba....."

Xildhibaan Cabdiraxmaan C/Shakuur.

20/09/2023

Laac dheere ilaa Garowe koobkii gobolada Puntland xulka gobalka Nugaal

Xarfo: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid...
20/09/2023

Xarfo: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa iyo wefti uu hogaaminayo ayaa lagu soo dhoweeyey Degmada Xarfo

19/09/2023

Waa Tuma Haweyneyda AS U Tashkiilin Jirtay Dhalinta Muqdisho

Gaalkacyo xaruunta Dawladda hoose ayaa wax shaqo ah ka socon Maanta , kadib markii shaqaliihi xaruunta ama xafiisyada bu...
19/09/2023

Gaalkacyo xaruunta Dawladda hoose ayaa wax shaqo ah ka socon Maanta , kadib markii shaqaliihi xaruunta ama xafiisyada bulshada loo diiday inay galaan si ay ugu shaqeeyaan .

Shaqalaha dowladda hoose oo ilaa hadda dhooban irida h**e xaruunta ayaa noo sheegay in aysan sababta aqoon balse ay rumaysan yihiin in loogu diiday amar ka soo baxay Gudoomiyaha Degmada Xasan Maxamed jamac ( xasan jidka ) .

New York: Raysal wasaare Xamse Barre ayaa xildhibaan Ilhaan Cumar kala hadlay sidii Mareykanku u balaadhin lahaa taageer...
19/09/2023

New York: Raysal wasaare Xamse Barre ayaa xildhibaan Ilhaan Cumar kala hadlay sidii Mareykanku u balaadhin lahaa taageerada uu siiyo Soomaaliya.

DEG DEG - Xaruntii maamulka Degmada Carmo waxaa la wareegay ciidamo malayshiyo ah oo is hortaag ku samaynaya dhismaha ma...
19/09/2023

DEG DEG - Xaruntii maamulka Degmada Carmo waxaa la wareegay ciidamo malayshiyo ah oo is hortaag ku samaynaya dhismaha maamulka Golaha Deegaanka oo maanta loo balansan yahay .

Malayshiyaadkan hubaysan ayaa ka amar qaadanaya qaar kamid ah xubnihii xildhibaanada ee KAAH katirsanaa oo diidan hashiis hoosaad laga gaaray in gudoomiyihii iyo ku xigeenkii degmadaasba la siiyo Ururada Mustaqbal iyo Ifiye.

18/09/2023

DEG-DEG: Sirta guusha Nugaal oo la ogaadey!

Ciidanka PMPF oo qeyb weyn ka ahaa maanta xiritaanka koobka 9-AAD ee ciyaaraha Gobolada PUNTLAND.
18/09/2023

Ciidanka PMPF oo qeyb weyn ka ahaa maanta xiritaanka koobka 9-AAD ee ciyaaraha Gobolada PUNTLAND.

18/09/2023

. XARFO ee gobolka Mudug; Xaflada Dhaarinta Xildhibaanada Golaha deegaanka degmada Xarfo Iyo Doorashada Gudoomiyaha Iyo Kuxigeenkiisa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kadib markuu tixgaliyey baahida loo qabo in ...
10/11/2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kadib markuu tixgaliyey baahida loo qabo in dib u habeyn lagu sameeyo Golaha Dhaqaalaha Qaranka si loo waafajiyo arrimaha mudnaanta leh ee horumarinta dhaqaalaha dalka waxa uu soo saaray Xeer Madaxweyne LR. 61 iyo Xeer Madaxweyne LR.62.
Golaha Dhaqaalaha Qaranka uu Guddoomiye ka yahay Madaxweynaha J.F.S, halka Ra’iisul Wasaaruhuna yahay Guddoomiye ku xigeen, oo ka koobnaa saddex heer, ayaa waxaa lagu soo koobay laba heer:
1-Heerka Jaangooynta Siyaasadda iyo Go’aamada Dhaqaale ee Masiiriga ah oo aan waxba laga badelin waxaa xubno ka ah:

Madaxweynaha J.F.S, Ra’iisul Wasaaraha, Guddi-hoosaadka Dhaqaalaha ee Golaha Wasiirada, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe iyo Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka marka loo baahdo go’aan ka gaarista qodobbo saamaynaya.

2-Heerka La-talinta iyo Xog-heynta oo kooban 9 xubnood oo La-taliyayaal ah iyo Xog-heynta oo lagu soo xulay aqoontooda iyo khibraddooda, ayaa hoos imaanaya Xafiiska Madaxweynaha.
Heerka la-talinta iyo iyo xog-heynta waxaa agaasime guud u ah La-taliyaha Sare ee Dhaqaalaha Madaxweynaha, kaas oo mas’uul ka ah isku-duwidda maamulka heerkaan ee Golaha.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale Xeer Madaxweyne LR.62 ku kala diray xubnihii h**e ee Golaha Dhaqaalaha Qaranka ee isugu jiray 5 xubnood oo Soomaali ah iyo 4 xubnood oo aan Soomaali ahayn,
Waxaa uu Madaxwaynuhu u magacaabay mudanayaasha iyo marwooyinka magacyadoodu hoos ku xusan xubnaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka ee heerka la-talinta iyo xoghaynta:

1-Xasan Aadan Hoosow, La Taliyaha Sare ee Madaxweynaha, ahna Agaasimaha Guud
2-Cabdullaahi Cali Cabdi, Xubin
3- Kamaaludiin Axmed Sheekh, Xubin,
4-Adam Xuseen Rooble, Xubin
5- Nimco Maxamuud Sakal, Xubin
6- Maluuka Dheere Sheekh Cabdulqaadir, Xubin
7-Mahad Maxamed Sheekh Xasan, Xubin
8-Maxamed Cusmaan Maxamuud, Xubin
9-Cabdisalaam Cabdiraxmaan Maxamed, Xubin
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay xubnaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka ee uu magacaabay in ay ka shaqeeyaan horumarinta dhaqaalaha dalka iyo sare u qaadida nolosha muwaaddiniinta Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage oo uu wehliyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga X...
04/11/2022

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage oo uu wehliyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Xildhibaan Cabdifitaax Qaasim ayaa gaaray deegaanka Masaajid Cali Guduud ee gobolka Shabeellada Dhexe,

Socdaalka mas’uuliyiinta ayaa daaran dardar galinta howlgalka xoreynta deegaanada Al-shabaab kaga sugan yihiin deegaano kamid ah Shabeellaha Dhexe, waxaana deegaankaas ka socda dhaqdhaqaaq xoog leh.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa booqday...
04/11/2022

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa booqday dhaawacyada Qaraxyadii Soobe ee wali lagu dabiibayo Isbitaalka Erdogan Ex Digfeer ee Magaalada Muqdisho,

Wasiirka ayaa Maamulka iyo Dhaqaatiirta Isbitaalka Recep Tayyip Erdoğan (Ex Digfeer) ka dhageystey warbixin ku saabsan xaaladda dhaawacyadii ka dhashey Qaraxii 29-kii October ka dhacay Isgoyska Soobe ee Magaalada Muqdisho oo wali xaaladdooda Caafimaad lagula tacaalayo Isbitaalka,

Wasiirka ayaa dhaawacyada u dul istaagey mid mid isagoona xog wareysanayey Ehellada dhaawacyada ku jira Isbitaalka Erdogan si uu u hubiyo in ay helleen Daryeel Caafimaad midka uga wanaagsan waxa sidoo kale booqdey dhamaan bukaanada ku jira Isbitaalka ee xaaladdooda Caafimaad la dabiibayo Isbitaalka.

Maamulka oo uu wehelinayay Guddoomiyaha Gurmadka Caafimaad ee heer Wasaaradda Caafimaad Dr. Gulled Abdijalil iyo Dhaqaatiirta Isbitaalka ayaa rajo fiican ka muujiyey xaaladda Caafimaad ee dhaawacyada waxaana jira dhaqaatiir ka kala timid Dalalka Turkiga, Jabuuti iyo Itoobiya oo qeyb ka noqon doona dhaqaatiirta la tacaaleysa dhaawacyada Qaraxyadii Soobe ee ku jira Isbitaalada Magaalada Muqdisho,

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa dhaawacyada Alle ugu baryey in Caafimaad Sariic ah siiyo, sidoo kalena sheegey in Wasaaradda Caafimaadka ay si hoose ugu warbixiyay doonto talaabooyinka la xiriira baxnaanintooda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa Mag...
04/11/2022

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa Magaalada Garoowe ka furay shirka Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka BJFS oo socon doona muddo hal todobaad ah,

Shirka oo ay furitaankiisa ka qeyb galeen Guddoomiyaha Golaha shacabka BJFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar iyo Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa waxaa ugu h**eyn Shirka faahfaahin ka bixiyey Xog-hayaha Guud ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabiri oo sheegay in shirkan muhiimadiisu ay tahay in la isla meel dhigo howlaha hortebinta u leh Kalfadhiga Labaad ee Golaha Shacabka BJFS,

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa ku dheeraaday muhiimadda uu shirkan leeyahay maadaama looga doodi doono mudada uu socdo ajendayaal muhiim u ah Kalfadhiga Labaad ee Golaha Shacabka BJFS.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa guddoomiyey shirka Golaha Wasiirrada o...
03/11/2022

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa guddoomiyey shirka Golaha Wasiirrada oo warbixinno looga dhageystay Guddiga Qaran ee Gurmadka Qaraxii KM5, Wasaaradaha Gaashaandhigga, Amniga iyo Maaliyadda,

Guddiga Qaran ee Gurmadka Qaraxii isgoyska Soobe ka dhacay 29-kii bishii h**e ayaa golaha uga warbixiyey halka ay marayaan howlaha gurmad ee ay wadaan, iyagoona tilmaamay in qaar kamid ah dhaawacyadii darnaa loo qaaday dalka dibeddiisa, welina gurmadku socdo, isla markaana ay dalka soo gaareen dhaqaatiir iyo daawooyin ka yimid dalalka saaxiibada la ah Soomaaliya,

Golaha ayaa warbixin la xiriirta howlgallada xorreynta iyo xasillinta dalka ka dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga oo tilmaamay in ay si xawli ah ku socdaan howlgallada xorreynta iyo xasillinta goobaha ay ku sugan yihiin Al-shabaab,

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa tilmaamtay deegaanno muhiim ah oo ay gacanta ku hayeen Al-shabaab in lagala wareegay, welina ay socdaan howlgalo kale,

Sidoo kale Wasaaradda Maaliyadda ayaa Golaha Wasiirrada u soo bandhigtay warbixin ku saabsan halka ay marayaan howlaha deyn cafinta iyo safarkii Wasiirka Maaliyadda uu ku tagey dalka Mareykanka oo kula soo kulmay hay’adaha maaliyadda caalamka, iyadoo la rajeynayo ilaa dhamaadka sanadka danbe in la soo dhameystiro barnaamijka dayn cafinta.

Ugu yaraan hal qof oo carruur ah ayaa dhintay, 11 kalena way dhaawacmeen kadib qarax ka dhacay degmada Dayniile ee Magaa...
03/11/2022

Ugu yaraan hal qof oo carruur ah ayaa dhintay, 11 kalena way dhaawacmeen kadib qarax ka dhacay degmada Dayniile ee Magaalada Muqdisho,

Qaraxa ayaa ahaa miino lala beegsaday gaariga guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere oo ku magac dheer Cali Yare,

Guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in dadka dhaawacmay ay ku jiraan carruur,

Qaraxan ayaa sidoo kale guddoomiye ku xigeenku sheegay inuu waxyeello weyn gaarsiiyey dad shacab ah oo la socday baabuur kuwa dadweynaha ah,

Guddoomiye ku xigeenka oo aan la socon baabuurka markii uu qaraxu dhacay ayaa waxaa kale oo uu xaqiijiyey in qaar ka mid ah ilaaladiisa ay weerarka ku dhaawacmeen.

03/11/2022

Warar dheraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dagaal culus oo Maanta degaanka Ceelhareeri oo u dhaxeeya degaanka Tardo iyo Moqokori ee Gobolka Hiiraan ku dhexmaray Ciidanka dib-u xoreynta deegaanka iyo Al-Shabaab,

Dagaalka ayaa yimid kaddib markii ciidamada Dib u xoreynta deegaanka ay weerar ku qaadeen fariisin Al-Shabaab ku lahaayeen degaanka Ceel-hareeri oo hoostaga degmada Jalalaqsi, waxaana dagaalka ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo kala gaaray labada dhinac,

Saraakiil ka tirsan Ciidamada degaanka ayaa sheegay in Ciidamada ay ka war heleen xubno katirsan Al-Shabaab oo isku aruursanayay degaanka Ceelhareeri, taasina ay keentay inay weeraraan si ay uga hortagaan weerar ay qorsheeyeen,

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamo kamid ah kuwa degaanka oo gurmad ahaan uga tegay degaanka Tardo ay dagaalka ka qeyb galeen, waxaana wararka qaar ay sheegayaan inay ciidamada degaanka la wareegeen degaanka Ceel Hareeri,

Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa degaano iyo degmooyin katirsan Gobolka Hiiraan ka socday dhaq dhaqaaqyo Ciidan, iyada oo ciidamada degaanka ay gaarayeen degaano hor leh oo muddo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Waxaa Maanta dowladda Jabuuti ay Magaalada Muqdisho gaarsiisay Dhaqaatiir iyo deeq dawo ah oo loogu talo galay gurmadka ...
03/11/2022

Waxaa Maanta dowladda Jabuuti ay Magaalada Muqdisho gaarsiisay Dhaqaatiir iyo deeq dawo ah oo loogu talo galay gurmadka dadkii ay waxyeelada kasoo gaartay qaraxyadii is xig xigay ee 29-kii Bishii h**e ka dhacay Magaalada Muqdisho, kuwaas oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah,

Wafdiga ayaa waxaa hoggaaminaya wasiirka waxbarashada Jabuuti ahna siihayaha xilka wasiirka Caafimaadka Mustaf Maxamed Maxamuud, waxaana garoonka diyaaradaha Muqdisho kusoo dhaweeyay Xubnaha Guddiga Gurmadka Qaraxii 29-kii October ee uu magacaabey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Dalka Mareykanka Joe Biden ayaa uga digay musharrixiinta diida in laga guulaysto doorashada xilliga dhexe e...
03/11/2022

Madaxweynaha Dalka Mareykanka Joe Biden ayaa uga digay musharrixiinta diida in laga guulaysto doorashada xilliga dhexe ee toddobaadka soo socda inay qaranka u horseedi karaan wadadii fowdada,

Mr Biden oo la hadlay talefishinka qaranka ayaa ku booriyay dadka Mareykanka inay u midoobaan mucaaradka doonaya in rabshado siyaasadeed ay u adeegsadaan codbixinta 8-da November,

Biden oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ayaa sheegay in madaxweynihii h**e ee Donald Trump iyo taageerayaashiisa ay ka ganacsanayaan beenta shirqoolka iyo xumaanta,halka Jamhuuriyinta ay tilmaameen in Biden uu doonayay inuu kala qaybiyo oo uu leexiyo fikirka xisbiga,

Waxaa la saadaalinayaa in xisbiga Jamhuuriga ay ku guuleysan doonaan xukunka Aqalka Wakiilada, halka Aqalka Senetka aan la ogeyn xaaladda uu ku dambeyn karo,

Todobaadka soo socda ayaa la filayaa in dalka Mareykanka ay ka bilaabato tartanka loo galayo doorashada xilliga dhexe, taas oo lagu dooran doono labada aqal ee Congress-ka, gudoomiyaasha gobolada iyo tan golayaasha deegaanka.

Cabdulle Axmed Muudey oo 24 jir ah iyo Cumar Aadan Maxamed oo 29 jira oo h**ey loogu helay inay ka tirsan yihiin Al-Shab...
03/11/2022

Cabdulle Axmed Muudey oo 24 jir ah iyo Cumar Aadan Maxamed oo 29 jira oo h**ey loogu helay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, ayna dileen labo ka tirsan ciidamada amniga ayaa saaka toogasho lagu la fuliyay school Boliisiya Ee Magaalada Muqdisho,

Cabdulle Axmed ayaa lagu helay inuu dilay Cali Cabdulle Maxamed oo ka tirsanaa ciidamada amniga bishii November 2019, halka Cumar Aadan Maxamed isna lagu helay inuu dilay Cabdullaahi Maxamed Hilowle bishii Oktoobar 2019,

Maxkamadda ayaa xukunkaas ku ridday labadooda bishii Diisambar 2020-kii.

Haweeney u dhalatay dalka Mareykanka oo qiratay inay hoggaamineysay guuto ka tirsan dagaalyahanada haweenka ah ee ururka...
02/11/2022

Haweeney u dhalatay dalka Mareykanka oo qiratay inay hoggaamineysay guuto ka tirsan dagaalyahanada haweenka ah ee ururka la magac baxay dowladda Islaamka ee bariga dhexe ayaa waxaa 20 sano oo xarig ah ku ridday maxkamad ku taalla Mareykanka,

Allison Fluke-Ekren waxay qiratay dambiga ah inay tababar militeri siisay in ka badan boqol haween ah,

Haweeneydan ayaa waxay h**ey falal argagixiso uga geysatay dalalka Ciraaq, Suuriya iyo Liibiya muddo 8 sano ah oo ay ku sugneyd halkaas.

Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa maanta qabatay kulan duco iyo xus ah oo loo dhigay dadkii ku dhintay  Isgoysk...
02/11/2022

Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa maanta qabatay kulan duco iyo xus ah oo loo dhigay dadkii ku dhintay Isgoyska Zoobe Ee Magaalada Muqdisho 29.10.2022,

Kulankan ducada iyo xuska ah waxaa goobjoog ka ahaa wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, agaasimaha guud ee wasaaradda Caydaruus Macalim Xasan, agaasime waaxeedyada iyo shaqaalaha wasaaradda,

Kulanka inta uu socday ayaa waxaa ka hadlay wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallin Fiqi, agaasimaha guud Caydaruus Cabdulle, agaasimaha waaxda arrimaha bulshada Boqor Muuse, agaasimaha waaxda dib u heshiisiinta Cabdiraxmaan Jabiin, agaasimaha mahcadka dowladaha hoose Cumar Maxamed Caalin, madaxa xuquuqul insaanka wasaaradda Fartuun Rooble iyo la taliyaha maamul daadejinta Cabdifitaax Cali Xasan.

Ciidanka Booliska Gobolka Bari ayaa howlgallo waxaa ay ka sameeyeen xaafado katirsan Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobol...
02/11/2022

Ciidanka Booliska Gobolka Bari ayaa howlgallo waxaa ay ka sameeyeen xaafado katirsan Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari,

Howlgalka oo uu hoggaaminayay kusimaha Taliyaha qeybta Booliska Gobalka bari ahna Taliye Ku xigeenka qeybta Booliska Gaashaanle Dhexe Khaalid Maxamed Cabdirixmaan ( Ukun ) ayaa ujeedkiisu ahaa mid lagu xaqiijinayay amniga, iyada oo dad farabadan lagu qab qatay,

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa sheegay inay ku baadi goobayeen kuwa ka ganacsada Mukhadaraadka, Ciyaal weerada & kuwa falalka Amni darro ka geysta Magaalada Boosaaso,

Ciidamada ayaa sidoo kale baaritaan ku sameynayay qaar ka mida hotelada, guryaha iyo gadiidka, waxaana badi howlgalka lagu qabqabtay dhalinyaro lagu tuhmayo inay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab & Daacish,

kusimaha Taliyaha qeybta Booliska Gobalka bari ahna Taliye Kuxigeenka qeybta Booliska Gaashaanle Dhexe Khaalid Maxamed Cabdirixmaan ayaa sheegay in dadka howlgalka lagu qabqabtay baaritaan lagu sameyn doono, isla markaana ciddii dambi lagu helo tallaabo laga qaadi doono.

Booliiska dalka Kenya ayaa sheegay in maleeshiyo loo maleynayo inay ka tirsan yihiin Al-shabaab ay laba ka mid ah shaqaa...
02/11/2022

Booliiska dalka Kenya ayaa sheegay in maleeshiyo loo maleynayo inay ka tirsan yihiin Al-shabaab ay laba ka mid ah shaqaalaha caafimaadka, darawalkii waday gaari nooca ambalaas ah iyo bukaankii ay wadeen ay ka afduubteen meel ku dhow xadka Kenya ay la wadaagto Soomaaliya,

Kooxda weerarka soo qaadday ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday gaari ambalaas ah oo ay leedahay dowlad goboleedka Mandera ee waqooyi bari dalkaasi, xilli ay bukaanka u qaadaysay isbitaal ku yaala deegaanka,

Booliska saldhiga Lafey ee Mandhera ayaa sheegay in Ambalaasta iyo shaqaalaha caafimaadka ay kusii jeedeen isbitaalka Ceelwaaq si loogu gudbiyo bukaan, iyada maleeshiyada looga shakisanyahay Al-shabaab ee qafaashay baabuurka iyo shaqaala ay ula baxsadeen dhinaca Soomaaliya,

Iyadoo sanadihii ugu dambeeyay ay yaraadeen weerarada Al Shabaab ay ka geysanayaan gudaha dalka Kenya ayaa hadana waxaa xusid mudan in kooxdu ay h**ey u beegsatay ciidamada amaanka, iskuullada, gaadiidka, magaalooyinka iyo isgaarsiinta waqooyi bari iyo bariga Kenya, taasi oo qeyb ka ah ololaha ay Kenya ku cadaadineyso, si ay ciidamadeeda u gala baxdo Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka Al-jeeriya uga qeyb galaya Shir M...
02/11/2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka Al-jeeriya uga qeyb galaya Shir Madaxeedka dalalka Jaamacadda Carabta ayaa halkaas kulan kula qaatay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey António Guterres, isaga oo kala hadlay dagaalka dowladdu ay kula jirto Al-shabaab iyo muhiimadda ay leedahay taageerada beesha caalamka,

Madaxweynaha ayaa Xoghayaha guud la wadaagay horumarada ciidamada Soomaaliyeed oo kaashanaya Shacabka ay ka sameeyeen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabab, waxa uuna xusay In cunaqabateynta hubka oo laga qaado Soomaaliya ay si weyn u caawineyso dagaalka lagu hayo Al-Shabaab Somaaliya, tan Gobolka iyo Caalamka,

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo tilmaamay in dowladdiisa ay ka go’an tahay la dagaalanka Al-shabaab ayaa Qaramada Midoobay ka codsaday in ay sii kordhiso taageerada bani’aadannimo iyo tan farsamo ee ay siiyaan dowladda Soomaaliya si loo xaqiijiyo xasiloonida dalka iyo in ciidanka Soomaaliyeed ay la wareegaan kuna filnaadaan amaanka dalka,

Xoghayaha Qaramada Midoobey António Guterres ayaa bogaadiyay sida dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah ay uga mideysan yihiin amaanka dalka iyo dhameystirka dowlad dhiska Soomaaliya, isaga oo intaas ku daray in Qaramada Midoobay ay Soomaaliya ka taageerayaan dagaalka waxa ay ugu yeeraan argagixisada, tayeynta ciidanka qalabka sida iyo arrimaha la xiriira Isbedelka cimilada iyo deegaanka,

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn uga mahadceliyey Qaramada Midoobey taageerada ay siiyaan dowladda Federaalka Soomaaliya, waxa uuna adkeeyay in ay sii wadaan garab istaagga ay dalka iyo dadka Soomaaliyeed u muujiyeen.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalay furitaanka meertada 31-a...
02/11/2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalay furitaanka meertada 31-aad ee Shir-madaxeedka Ururka Jaamacadda Carabta oo ka furmay magaalada Aljeris ee dalka Aljeeriya,

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa shirkan ka jeedin doona khudbad uu kaga hadlayo dhibaatooyinka kooxaha dowladda kasoo horjeeda ay ku hayaan nabadda, horumarka iyo dowladnimada Soomaaliya iyo sidoo kale guulaha dawladda iyo shacabka oo wadajira ay ka xaqiijiyeen dagaalka ka Dhanka,

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay Aljeeriya waxa uu kulan doceedyo la yeelan doonaa Madaxda dalalka Carabta, hoggaanka hay’adaha iyo ururrada caalamiga ah ee ka soo qeybgalay meertadan,

Madaxweynaha waxaa ku wehelinaya shirkan Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Abshir Cumar Huruuse, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dr. Cilmi Maxamed Nuur, Safiirka Soomaaliya ee dalka Masar ahna Wakiilka Soomaaliya ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ilyaas Shiikh Cumar Abuubakar iyo Safiirka Soomaaliya ee dalka Aljeeriya mudane Danjire C/wahaab Macallin Maxamed.

01/11/2022

“Kooxda hubeysan ee Al-Shabaab waa in ay joojisaa weerarada aan loo meel dayin ee ay ku heyso dadka rayidka ah, sidoo kale mas’uuliyiinta Soomaaliya waa in ay xaqiijiyaan in la ilaaliyo dadka rayidka ah,” ayay tiri hay’adda xuquuqul insaanka ee Amnesty International,

Hadalka Amnisty ayaa imanaya kadib markii laba baabuur oo ay walxaha ka buuxaan Sabtidii aynu soo dhaafnay lagula beegsaday magaalada Muqdisho, oo ay mas’uuliyaddeeda sheegatay Al-Shabaab, laguna dilay dad boqol kor u dhaafaya, sidoo kalana in ka badan 300 oo kale ay ku dhaawacmeen,

“Amnesty International waxay tacsi u direysaa dhamaan dadkii ku waayey eheladooda kadib weerarradii naxdinta lahaa ee Sabtidii, Falalka naxariis darada ah ee al-Shabaab waa dambiyo marka loo eego sharciga caalamiga ah, waxaana aad muhiim u ah in dhamaan kuwa lagu tuhunsan yahay in ay mas’uul ka yihiin dambiyadaan ay wajahaan maxkamadeyn caddaalad ah,” ayuu yiri Muleya Mwananyanda, Agaasimaha Amnesty International ee Bariga iyo Koonfurta Afrika.

Kadib dib u eegistii istaraatiijiyadeed ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay uu ku sameeyay Howlgalka xafiiska Qaramad...
01/11/2022

Kadib dib u eegistii istaraatiijiyadeed ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay uu ku sameeyay Howlgalka xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNSOM Golaha Amaanka ayaa kordhiyey muddadii hawlgalka ee ay ka wadeen Soomaaliya iyada oo lagu daray hal sano oo cusub,

Xubnaha golaha ayaa sidoo kale cambaareeyay weerarkii labo maalmood ka hor ka dhacay magaalada Muqdisho.Goluhu waxa uu ka codsaday UNSOM in ay ilaaliso isla mar ahaantaana xoojiso joogitaankeeda guud ahaan Soomaaliya iyo in ay sii wadaan wada shaqeynta ay la leeyihiin dalka iyo howlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya ATMIS,

Waxaa goobta ku sugnaa oo ka hadlay safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Abuukar Cismaan Baalle oo mahadcelin kadib sheegay in Qaramada Midoobay looga baahan yahay inay dib u cusboonaysiiso ballan qaadkeeda ku wajahan shacabka Soomaaliyeed, ayna xoojiso isku xirka hay’adaha kala duwan.

Wasiirka wasaaradda Arrimaha dibedda Xukuumadda Federaalka Soomaliya abshir cumar jaamac ayaa kulan kula qaatay caasimad...
01/11/2022

Wasiirka wasaaradda Arrimaha dibedda Xukuumadda Federaalka Soomaliya abshir cumar jaamac ayaa kulan kula qaatay caasimadda dalka Algeria ee Algiers dhiggiisa Arrimaha dibedda ee Dawladda Kuwait Sheikh Salem Abdullah Al-Jaber Al-Sabah,

Wasiirka Arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa kala hadlay dhiggiisa kuwait sidii Soomaaliya loo garab istaagi lahaa loogana caawin lahaa dhibaatada kooxaha dowladda kasoo horjeeda ay ka geysteen magaalada Muqdisho,Cafinta deymaha Soomaaliya lagu leeyahay iyo sida ugu haboon ee Soomaliya uga faa’iidaysan karto kaalmada ay dawladda Kuwait ugu talo gashay horumarinta waxbarashada,

labadda Wasiir ayaa sidoo kale ka wada hadlay adkaynta xiriirka iyo sidii loo sii wadi lahaa iskaashiga dhinacyada badan ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah,kulanka ayaa waxa wasiirka Arrimaha dibedda Soomaliya ku weheliyey safiirada Soomaaliya u kala fadhiya Masar, Algeria iyo Agaasimaha waaxda Carabta ee wasaaradda arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay gaaray magaalada Khartuum ee da...
01/11/2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay gaaray magaalada Khartuum ee dalka Suudaan si uu ugu sii gudbo dalka Aljeeriya,

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Magaalada Khartuum kula kulmay Wasiirka Gaashaandhigga dalka Suudaan Sarreeye Guud Yaasiin Ibraahim Yaasiin, iyaga oo ka wada hadlay iskaashiga la xiriira dhanka amniga,

Warsaxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweynaha oo xoogga saaraya sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa dagaalka ka dhanka Al-Shabaab uu ka qeyb-galayo Shir Madaxeedka Dalalka Jaamacadda Carabta oo ka dhacaya dalka Aljeeriya,

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa waxaa ay kulamo doceedyo kala duwan la qaadan doonaan Madaxda dalka Aljeeriya uga qeyb galeysa Shir madaxeedka 31aad ee dalalka Carabta.

Waxaa sii kordhaysa tirada dadka ku dhintay qaraxyadii is xigxigay ee Sabtidii ka dhacay dhismaha wasaaradda waxbarashad...
31/10/2022

Waxaa sii kordhaysa tirada dadka ku dhintay qaraxyadii is xigxigay ee Sabtidii ka dhacay dhismaha wasaaradda waxbarashada oo ku taalla isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho, waxana saacadihii ugu dambeeyay maydad kale laga soo saaray dhismayaasha ku burburay qaraxyada,

Wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliya ayaa sheegtay in tirada dhimashadu ay haatan marayso 120 qof,

Dhinaca kale waxa socda gurmad loo samaynayo dadka ay dhibaatadu ku gaartay qaraxyadii lagu hoobtay ee Sabtidii Magaalada Muqdisho ka dhacay,

Dawladda ayaa shalay magacowday Guddi heer wasiirro ah oo isku dubarida hawlaha gurmadka ee socda, waxaana gudoomiye u ah wasiirka caafimaadka Dr Cali Xaaji.

Address

Garoowe

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Warbaahinta G. Mudug posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Share


Other News & Media Websites in Garoowe

Show All