07/11/2023
Yaa ka dambeeyay iska hor imaadka Garowe ee khasaaraha dhaliyay?
Xaalada Magaalada Garoowe ayaa hadda deggan kadib markii maanta uu ka dhacay iska hor imaad dhaliyay dhimasho iyo dhaawac oo u dhaxeeyay ciidamo la sheegay in ay la socdeen nin Youtuber ah oo lagu magacaabo Kabtan Ayuub iyo rag kale oo hubeysnaa.
Iska hor imaadka oo ka dhacay Barxadda Garoowe ayaa la sheegay inay ku dhinta hal qof laba kalana ay ku dhaawacmeen.
Maamulka gobolka Nugaal ayaa dhacdadaas ku eedeeyay dad uu ku sheegay inay yihiin xilal doon hase yeeshee mucaaradku way iska fogeeyeen in arrintaa ay ku lug lahaayeen.
“Baraxadda Garowe ayaa waxaa maanta ka dhacay xoogahaa is rasaaseyn ah, dhisamasho iyo dhaawacna waa jiraan niman shufto ah oo shoobaristeyaal ah ayaa arinkaas sameeyay oo u madda oo dhan ay garaneyso, ilaa xalay iyo maantana nabad doonadana waa ku jireen waana u maarawaayeen, ” ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdiraxmaan Xaaji Abshir
Dhanka kale guddoomiyaha ayaa tibaaxay in sababta dhacdada ay ka dambeyso ka dib markii ciidankii booliska ee waardiyeeynayay barxadda iyo niman “shufta ah” oo dabaq saaran ay yirahdeen Kabtan Ayuub ma istaagi karo barxadda sidaasna ay xabbadaha ku bilaabeen.