Abdiraafic cabdi Osman

Abdiraafic  cabdi Osman Boga rasmiga ah

Roob lagu qabowsaday oo qoriile ka da'ay.
18/04/2024

Roob lagu qabowsaday oo qoriile ka da'ay.

Gantaaladii ay iraan kugaraacday Israa'iil maxay soodadajinysaa dawlad falastiin leedahay si indhaha dunida muslimka ah ...
17/04/2024

Gantaaladii ay iraan kugaraacday Israa'iil maxay soodadajinysaa dawlad falastiin leedahay si indhaha dunida muslimka ah looga jeediyo Israa’iil
dagaalka Israa’iil kuhaysay falastiina loogu weeciyo xaga Iran.

Waxyaabaha dhacay habeenkii weerarka Iiraan waxaa kamida: - Waxaa weerarka iyo difaaca ku lug yeeshay ilaa 10 waddan — I...
15/04/2024

Waxyaabaha dhacay habeenkii weerarka Iiraan waxaa kamida:

- Waxaa weerarka iyo difaaca ku lug yeeshay ilaa 10 waddan — Iiraan, Ciraaq, Suuriya, Lubnaan iyo Yemen oo ahaa dhinacyada ay Iiraan iyo xuladadeedu kasoo weerartameen iyo dhinaca kale dalka Israa'iil, Maraykan, Ingiriiska, Faransiiska iyo Joordan oo ka safnaa dhinaca difaaca Israa'iil.

- Waxaa habeenkii la xidhmay oo aan habayaraatee wax duulimaad ahi ka socon hawada 5 dal.

- Muddo laba sacaadood gudahood ah, waxaa qalabka qaraxyada ka diga ee Israa'iil laga yeedhiyay 750 goobood, gudaha Israa'iil.

- Qiimaha hubkii ay muddo laba saacadood ah isku difaacaysay Israa'iil waxa uu kor u dhaafay hal Bilyan oo doolarka Maraykanka ah.

- Gantaalaha Iiraan kuwoodii gudbay nidaanka difaaca waxay gaadheen goobaha ugu xasaasisan Israa'iil oo ay kanid-yihiin: Xeradaha diyaarada ay Israa'iil iyo Maraykan ku dhaataan ee F - 35, xarunta sirdoonka ee Goolaan iyo tan milatariga ee isla goolaan.

- Hawada Israa'iil waxa ay habeenkaa dayax iyo xidigo u ahaa gantaalaha iyo qaraxyada weerarka iyo difaaca ah.

- Awoodda iyo baaxadda weerarka xakamaysan ee Iiraan waxa uu fajiciso ku noqday reer galbeedka gaar ahaan Maraykan oo hadda taagan "Israa'iil hadday dib u weerarto Iiraan shuqul kuma lihin, tan oo aan ahayn naxariis ee lagu fasiray in uu ciidankiisa teedsan bariga dhexe iyo danihiisa u baqayo.

- Dalalka diiday inay cambaareeyaan weerarka Iiraan, waxaana kamida Sucuudiga, Ruushka iyo kuwa kale.

Intaasiba waxay dheceen;
- iyada oo masaafada ugu gaaban ee ay Israa'iil iyo Iiraan isu jiraan ay tahay 1,000km markii laga sii dul boodo xuudaha dalal kale.
- iyada oo ayna Iiraan adeegsan nooca ugu casrisan diyaaradaheeda iswada iyo gantaalaheeda guuxa ka dheereeya.
‐ iyada oo aan kutala-galka Iiraan ahayn dagaal toosa laakiin uu ahaa aargoosi-digniineed oo Israa'iil ku socda iyo farriin dhifa oo nuxurkeedu ahaa "laga billaabo hadda wuu dhamaaday wakhtigii Israa'iisha lama taabtaanka ahayd – haddaad far fiiqdaan, shan baa la idinku fiiqi".

Qiimaha ku baxay in Israa'iil hawada ku burburisay gantaallada Iran kusoo weerartay waxuu gaarayaa $1 billion, sida uu q...
15/04/2024

Qiimaha ku baxay in Israa'iil hawada ku burburisay gantaallada Iran kusoo weerartay waxuu gaarayaa $1 billion, sida uu qoray Wargeyska Yedioth Ahronoth. Habka difaaca cirka Israa'iil waxaa taageerayay Mareykanka, Ingiriiska iyo Faransiiska.

‘Dunida Muslimku waxay u dabaal dagi doontaa xoriyadda Falastiin’ KhameneiHogaamiyaha ugu sareeya Iran Ayatollah Ali Kha...
15/04/2024

‘Dunida Muslimku waxay u dabaal dagi doontaa xoriyadda Falastiin’ Khamenei

Hogaamiyaha ugu sareeya Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa muuqaalkan oo muujinaya weerarkii cirka ee Iran ku qaaday israa'iil soo galiyay barta uu ku leeyahay X oo h**e oo odhan jiray twitter

muuqaalkan oo uu Khamenei cinwaan uga dhigay qoraal ku qoran luuqada cibraaniga (Hebrew-ga) oo u dhignaa sida tan

“Al-Qudus waxa ay ku jiri doontaa gacanta Muslimiinta, dunida Muslimkuna waxa ay u dabbaal degi doonaan xoriyadda Falastiin”

dhanka kale Ciidamada Israel ayaa mar kale duqaymo dhimasho iyo dhaawacyo sababay ka fuliyay xerada qaxoontiga ee Nuseirat ee ku taal badhtamaha Qaza,

Sawirka ugu caansan dunida! "Bliss" waa sawirka ay caan ku tahaay shirkada Microsoft ee Windows XP. Waa sawir aan la taf...
14/04/2024

Sawirka ugu caansan dunida! "Bliss" waa sawirka ay caan ku tahaay shirkada Microsoft ee Windows XP. Waa sawir aan la tafatirin ama aan wax editing ah lagu samayn xiligaas oo ay goobta doog ahayd. Goobtan waxay ku taalaa Aagga Viticultural American ee Los Carneros, California.

Sawirka waxaa qaaday Charles O'Rear bishii Janaayo 1996, Microsoftna waxay iibsatay xuquuqda 2000- kii waxayna uga iibsatay lacag gaaraysa $100,000

Sawirka hoose waa goobta oo lagaqaday sawir xili abaar.

Ma jiraa sawirkale oo ad isleedahay kan ayuu ka caansanyahay?

Isbarbardhiga awoodaha Iran 🇮🇷 vs Israel 🇮🇱Iran 🇮🇷: Shacabkeeda waa 87.6 Million Israel 🇮🇱: Shacabkeeda 9.04 Million Awo...
14/04/2024

Isbarbardhiga awoodaha Iran 🇮🇷 vs Israel 🇮🇱

Iran 🇮🇷: Shacabkeeda waa 87.6 Million
Israel 🇮🇱: Shacabkeeda 9.04 Million

Awoodda Militeri

Iran 🇮🇷: Waxay leedahay 610 kun oo askari oo howlgala
Israel 🇮🇱: Waxay leedahay 170 kun oo askari oo howlgala

Ciidanka keydka

Iran 🇮🇷: 350 kun oo askari
Israel 🇮🇱: 465 Kun oo askari

Diyaaradaha dagaallka

Iran 🇮🇷: 186
Israel 🇮🇱: 241

Taangiyadda

Iran 🇮🇷: 1,996
Israel 🇮🇱: 1,370

Maraakiibta dagaalka

Iran 🇮🇷: 101
Israel 🇮🇱: 67

Dhaqaalaha ku baxa militerigooda

Iran 🇮🇷: $9.95 billion
Israel 🇮🇱: $24.4 billion

Shidaalka

Iran 🇮🇷: 3.45 million oo barmiil
Israel 🇮🇱: 0 barmiil

Isha: World of Statistics

Iran oo uga digtay Mareykanka inuu gacan ka siiyo Isreal weerar rogaal celis ah oo ay ku qaado Iran, waxaanay sheegtay h...
14/04/2024

Iran oo uga digtay Mareykanka inuu gacan ka siiyo Isreal weerar rogaal celis ah oo ay ku qaado Iran, waxaanay sheegtay haddii ay taasi dhacdo in ay weerari doonto Saldhigyada Mareykanku ku leeyahay Bariga Dhexe

Saldhigga diyaaradaha ee Ramon oo ahaa kii laga weeraray qunsuliyadii Iran ku lahayd Suuriya ee saraakiisha muhiimka ah ...
14/04/2024

Saldhigga diyaaradaha ee Ramon oo ahaa kii laga weeraray qunsuliyadii Iran ku lahayd Suuriya ee saraakiisha muhiimka ah lagaga dilay Iran ayaa lagu soo waramayaa in la duqeeyey sida ay ku waramayso warbaahinta Iran.

Dhanka kale Gantaalada Ballistic-ga ah ee ay rideen Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan ayaa bartilmaameedsaday Saldhigga Ciidanka Cirka ee Navatim oo ku yaalla Koonfurta dhulka Israa’iil xooga ku haysato.

13/04/2024

Nabi Ibraahim ( CS ) ayaa soo ka xeeyey qof dumar ah oo uu qabay oo umul ah || Sh Mustafe Xaaji || 🍀

13/04/2024

Muqdisho
Nin isku qarxinaya dad shacab ah oo muqaaxi iska fadhiya.

Ciid  Mubaarak dhamaan muslimiinta. Ciidan ciideeda Allaha nagu gaadhsiiyo nabad iyo barwaaqo. Acmaasheenii wanaagsanayd...
09/04/2024

Ciid Mubaarak dhamaan muslimiinta. Ciidan ciideeda Allaha nagu gaadhsiiyo nabad iyo barwaaqo.

Acmaasheenii wanaagsanayd Allaha inaga aqbalo.

07/04/2024
07/04/2024

Nin beer qodanaya aya arkay ciidankii Nebi suleyman csw isagoo la yaabay ciidankii ! sh cabdirashiid sh cali suufi

Ma ogtahay in Markii uu sanadku ahaa 1969 ay 3 wiil oo Dhalinyarro ah bilaabay ganacsi lagu magacaabo delivery, ayna una...
06/04/2024

Ma ogtahay in Markii uu sanadku ahaa 1969 ay 3 wiil oo Dhalinyarro ah bilaabay ganacsi lagu magacaabo delivery, ayna una bixiyey DHL (Dalsey, Hillblom, Lynn) 3daas ayaa kala ahaa.

1- Adrain Dalsey.
2- Larry Hillblom.
3- Robert Lynn.

Xili hada laga jooga 55 sanno kadib shirkaddan ayaa yeelatay 250 Diyaradood, 40,000 Gaari iyo shaqaale kor u dhaafay ilaa 600kun oo shaqaale ah oo ku kala baahsan dunidda dacaladeydi.

27/03/2024

Taliye Diin Qale oo ah sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska Somaliland oo dhawaan sheegay in shan qof oo ku sugan Hargeysa isku mar laga helay Xanuunka halista ah ee HIV AIDS ayaa lagu soo warramayaa in Xabsiga loo taxaabay.

Cisbitaalka magaalada Hargeysa ayaa h**e u beeniyey in ay jiraan shan qof oo isku mar laga helay xanuunka halista ah ee HIV AIDS.

Haddaad dhafarto habeenkii maxaa kugu dhacaya?Dhakhaatiir cilmi-nafsiga bartay oo u dhashay Sweden waxay daraasad ku oga...
27/03/2024

Haddaad dhafarto habeenkii maxaa kugu dhacaya?

Dhakhaatiir cilmi-nafsiga bartay oo u dhashay Sweden waxay daraasad ku ogaadeen in celcelis ahaan in qof hurda habeenkii kaliya 2-4 saac kaliya laba habeen oo isku xigta u ekaado muuqaal ahaan qof ka wayn da'da uu jiro markaas afar sano.

Dadka la wareystay qaarkood ayaa sheegay in hurdo la'aantu ku dareemeen inay ka weyn yihiin tobaneeyo sano da'dooda.

Khubaradu waxay ku talinayaan in dadka waaweyn ay seexdaan inta u dhaxaysa 7 ilaa 9 saacadood habeenkii. Dadka waaweyn ee hurda wax ka yar 7 saacadood habeenkii waxaa laga yaabaa inay u keento dhibaato caafimaad.

27/03/2024

Dawlada hada jirtaa sidan xilka kubixisa hadaad dadka kusookiciso gudomiye gobol baad shegiye wazir Bay kaadhigi

Ku darso inta aad ka ogtahaySida dalalku u kala badan yihiin xaawaaraha Internet-ka Mobile-ka🇦🇪 UAE: 179.6 Mbit/s🇶🇦 Qata...
27/03/2024

Ku darso inta aad ka ogtahay

Sida dalalku u kala badan yihiin xaawaaraha Internet-ka Mobile-ka

🇦🇪 UAE: 179.6 Mbit/s
🇶🇦 Qatar: 160.3
🇰🇷 South Korea: 138.5
🇳🇴 Norway: 131.2
🇩🇰 Denmark: 123.7
🇰🇼 Kuwait: 119.8
🇨🇳 China: 116.7
🇳🇱 Netherlands: 114.3
🇸🇦 Saudi Arabia: 101.9
🇧🇬 Bulgaria: 97.6
🇫🇮 Finland: 91.3
🇸🇪 Sweden: 89.0
🇦🇺 Australia: 86.2
🇨🇦 Canada: 84.9
🇺🇸 USA: 82.3
🇦🇹 Austria: 69.6
🇵🇹 Portugal: 69.1
🇫🇷 France: 69.1
🇧🇪 Belgium: 57.5
🇩🇪 Germany: 57.2
🇬🇧 UK: 48.3
🇷🇴 Romania: 47.0
🇮🇹 Italy: 44.2
🇯🇵 Japan: 44.2
🇵🇱 Poland: 43.8
🇪🇸 Spain: 38.4
🇧🇷 Brazil: 36.9
🇮🇳 India: 31.0
🇹🇷 Türkiye: 30.3
🇲🇽 Mexico: 26.1
🇦🇷 Argentina: 24.0
🇷🇺 Russia: 22.9
🇪🇬 Egypt: 22.9
🇳🇬 Nigeria: 22.4
🇺🇦 Ukraine: 20.6
🇧🇩 Bangladesh: 16.1
🇪🇹 Ethiopia: 16.1
🇵🇰 Pakistan: 15.2
🇻🇪 Venezuela: 6.3
🇦🇫 Afghanistan: 4.0

(megabits per second).

26/03/2024
Dawladda Maraykanka ayaa Walaac ka Muujisay Qulqulatooyin iyo dhiig ku daadanaya Gudaha Ethiopia.Safiirka Maraykanka u f...
26/03/2024

Dawladda Maraykanka ayaa Walaac ka Muujisay Qulqulatooyin iyo dhiig ku daadanaya Gudaha Ethiopia.

Safiirka Maraykanka u fadhiya Addis ababa, Ervin Jose Massinga, ayaa ku baaqay in la joojiyo dadka lagu laynayo laguna Barakiciyay gudaha gobolka Amxaarada gaar ahaan waqooyiga Shewa, oo deegaan ay ku nool yihiin dad oromo ah oo dhex degen gobolka Axmaarada.

"Waxaan ku boorinaynaa ilaalinta dadka rayidka ah iyo in wadahadal wax lagu xaliyo si wax looga qabto caqabadaha siyaasadeed iyo kuwa ammaanka ee ka jira Itoobiya," ayuu yidhi danjiraha Maraykanku.

Muhiimada ay leedahay in maskaxda la tuujiyo oo la fakaro? Malaayiin qof baa arka tufaax geed ka soo dhacaya balse Isaac...
26/03/2024

Muhiimada ay leedahay in maskaxda la tuujiyo oo la fakaro?

Malaayiin qof baa arka tufaax geed ka soo dhacaya balse Isaac Newton wuxuu noqday qofka kaliya oo is waydiiyay sababta uu tufaaxu dhulka ugu soo dhaco?

Kacaankii cilmiga :

Isaac newton oo u dhashay ingiriiska wuxuu ku xeeldheeraa cilmiga fisikiska sanadkii 1,666-dii asagoo fadhiya geed kuyaala beerta gurigiisa ayaa tufaax kuso dhacay dhulka wuxuuna iswaydiiyay sababta keentay in uu dhulka kudhaco oo uusan kor kor ukicin, fikir dheer kadib wuxuu hindisay xisaabta calculus iyo gravitation oo uu ku cadeeyay in dhulka iyo shaywalba isa soo jiidanayaan.

Gravity waa waxa isku soo jiida shayga kor ka soo dhaca ama kor lootuuray iyo dhulka. Marka shay kor loo tuuro khasab waa kii dhulka ku soo dhaca sidoo kale hadi uu geed ka soo go’o wuxuu ku so dhacayaa dhulka. Hadii xoog si gees gees ah loo tuuro weli dhulka ayuu ku soo dhacaa balse markaan meeshii aad taagnayd meel ka duruqsan waana sababta uu dayaxu dhulka ugu wareego! Sidoo kale gravitation force waa sababta dadku dhulka ugu taaganyihiin oo aanay hawada u sabayn.

Sawirka hoose waa geedkii tufaaxa ee uu fadhiyay Isaac newton sida la xaqiijiyay waa geedka kaliya oo ku yaalay beerta gurigiisa waxana sawirkaan la qaaday kadib duufanti 1816 hadana geedku wuxuu jiraa in kabadan 350 sano.

Hadii aad aragtid tufaax soo dhacay macunilahayd, ma ka ganacsanlahayd, mise sida Isaac ayaad su’aalo ka keenilahayd???

Bangiga ganacsiga Itoobiya ayaa sheegay in lacagtii laga dhacay dhawaan ay dhan tahay 801.4 milyan oo birr.Ilaa hada wax...
26/03/2024

Bangiga ganacsiga Itoobiya ayaa sheegay in lacagtii laga dhacay dhawaan ay dhan tahay 801.4 milyan oo birr.
Ilaa hada waxaa dib loosoo celiyay 622.9 milyan oo birr.
Waxaa maqan oo aan wali la helin 567 macmiil oo qaatay 9.8 milyan oo birr.
9,281 qof oo lacagahaas dhacay ayaa si iskood ah usoo celiyay 223.47 milyan oo birr.
57% dadka lacagaha dhacay ayaa ah ardeyda jaamacadaha sida uu sheegay Madaxa Bangigu.

Doorashadii dalka Senegal waxay soo saartay Bassirou Diomaye oo noqonaya Madaxweynihii ugu da’da yaraa ee dalkaas. Waa 4...
26/03/2024

Doorashadii dalka Senegal waxay soo saartay Bassirou Diomaye oo noqonaya Madaxweynihii ugu da’da yaraa ee dalkaas. Waa 44 jir waaxda dabagalka canshuuraha ka shaqayn jiray, todobaad ka hor ayaa xabsiga laga soo daayey, isagoo muddo 11 bil ah u xirnaa qoraal uu bartiisa Facebook ku soo daabacay.

Bishii h**e ayaa Maxkamadda dastuuriga ee Senegal ka diidday Madaxweynaha dalkaas Macky Sall muddo kororsi sanad ah. Xukunku waa deeq Ilaaheey bixiyo.

Tobanka dal ee dadka ugu badan ee bilyineerada ah ay ku nool yihiin (tiro koobkii 2023) 🇺🇸 United States: 735🇨🇳 China: 4...
25/03/2024

Tobanka dal ee dadka ugu badan ee bilyineerada ah ay ku nool yihiin (tiro koobkii 2023)

🇺🇸 United States: 735
🇨🇳 China: 495
🇮🇳 India: 169
🇩🇪 Germany: 126
🇷🇺 Russia: 105
🇭🇰 Hong Kong: 66
🇮🇹 Italy: 64
🇨🇦 Canada: 63
🇹🇼 Taiwan: 52 (Badi dal looma aqoonsana)
🇬🇧 United Kingdom: 52

Geedka nabada qayladu mawaxay idinka soo gaadhay barakaca reer jarareedka ee heegaale ku xero oodan war heerka meesha so...
25/03/2024

Geedka nabada qayladu mawaxay idinka soo gaadhay barakaca reer jarareedka ee heegaale ku xero oodan war heerka meesha soo dhaafiyo.

Warar aan ka Helayno centerka Heegaale ee Degmada Danood ayaa Tibaxaya in Maamulka Degmada Danood uu saka is Hor istaag ku sameeyay Raashin ay qaybinayeen hayadaha UNHCR NRC SSR WFP Raashinkaas oo lagu tala galay Barakacayasha ku sugan Centerka Heegaale.
Maamulka Degmada Danood ayaa la sheegay in ay rabaan in maamulkoodu Awood buuxda loo siiyo Qaybinta Raashinka iyo qoondada Qoysaska la siinayo isla markaana lagu wareejiyo Furayasha bakhaarada Raashinko yaalo,halka hayadaha shaqada leh ay ku Doodayaan inaysan Haynin sharci Sheegaya in maamul Degmo lagu wareejiyo Maamulka Qaybinta raashinka ee Barakacayasha.
Isman dhaafka u dhaxeeya Maamulka Hayadaha iyo Kan Degmada ayaa sababay in saka la baajiyo raashin hayadaas ay rabeen in sakaba la Qaybiyo..

Ku darso inta aad ka ogahay:Caalamka oo idil waxaa ka jira laba dal oo aadan ka helayn cabitaanka Coca Cola xitaa haddii...
24/03/2024

Ku darso inta aad ka ogahay:

Caalamka oo idil waxaa ka jira laba dal oo aadan ka helayn cabitaanka Coca Cola xitaa haddii daawo kuu qabato yacni lagama helo oo ka mamnuuc.

🇨🇺 Cuba
🇰🇵 North Korea

Address

Jigjiga
Jijiga
4518

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Abdiraafic cabdi Osman posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Abdiraafic cabdi Osman:

Videos

Share