Todobaadka & Cabbirka Siyaasadda

Todobaadka & Cabbirka Siyaasadda CABIRKA wararka & dhacdooyinka asbuuca

13/10/2019

DHACDOOYIN DEEGAANKU WAA LABA LABA ASBUUCAN.

LABADII maalmood ee u dambeeyay dhacdooyinkii ka dhacay deegaanka soomaalida ayaa ahaa kuwo isdaba-joog ah.

-Maleeshiyaadkii dhul-raadis ah ee CANFARTA ayaa soo qaaday laba weerar oo is-xigxiga asbuucan, iyadoo saaka subaxii h**e shacabka reer SITTI ay si k**a dambays ah u quusiyeen cawaantii soo duushay oo laga dhigay wax la dilo iyo wax baxsada. M/W deegaanka oo ka hadlayay banaanbax lagu soo dhaweynayay, abaalmarintii la siiyay r/w Abiy Ahmed oo deegaanka oo idl ka qabsoontay, ayaa sheegay in dawladda deegaanku qaadi doonto tallaabada ku habbon, iyadoo difaaci doonta shacabka deegaanka. M/W Mustafe ayaa shacabka soomaaliyeed u gu baaqay inay taageero la garab galaan walaalahood reer SITTI

- M/W deegaanka md. Mustafe Cumar ayaa dhagax-dhigay, LABA mashruuc oo waaweyn oo ah waddooyin isku xidhi doona magaalooyinka kala ah: Q/dahar & Wardheer oo laami ah iyo waddo kale oo isku xidhi doonta caasimadda deegaanka iyo gobolka SITTI. Labadan mashruuc ayaa ku kici doona aduun ka badan LABA BILYAN oo Birr, iyadoo ay shaqo ka heli doonaan boqolaal dhalinyaro soomaali ah.

- Waxaa la billaabay gadashadda & iibinta saamiyadda LABA BANGI oo la ga lee yahay deegaanka soomaalida. SHABEELLE & NAJAASHI BANK, ayay noqon doono bunuugtii koobaad ee ay yeeshaan muwaadiniinta kasoo jeedda deegaanka soomaalida. M/W Mustafe Cumar oo ka hadlayay xafladda bangigga SHABEELLE ayaa soo dhaweeyay furitaanka banigga isagoo sheegay in xukuumaddu lahayd fekradda la gu furayo, bangiyaddan, islamarlaana ay aaminsan yihiin inay qeyb ka qaadan doonaan maalgelinta iyo horumarinta deegaanka, si lamid ah deegaannada kalee dalka. MUWAADIN GAADH intaan saamiyadu kaa dhammaan.

- Wareysi uu Buur-gaabo oo universal tv ka tirsan la yeeshay LABA NIN oo sheegay inay ka dambeeyeen isbedalkii deegaanka ka dhacay- waa siday sheegteene, ayay ku eedeeyeen xukuumadda deegaanka, inay dhintay lacagihii nabadgalyadda, iyagoo ku eedeeyey inay xidhiidho kala duwan la yeelatay wax ay u gu yeesheen Β«SHAWA ELITEΒ». Dad badan isweydiiyay sababta ay nimanka u gu soo bandhigi waayeen wareysiyadooda iyo aragtidooda caasimadda deegaanka maadaama aysan jirin cid ku qabsanaysan aragtiddooda, haddii aysan wax kale u jeedin.

Ugu dambayn, maanta oo kale 13-october, 1531, waxaa ay jabiyeen ciidamo uu hogaaminayay, IMAAM Axmed GUREY, askartii boqorkii xabashida LEBNA DENGAL, iyagoo ka qabsaday koonfurta dalka itoobiya. Sidoo kale, waxaa maanta oo kale 13.oct. 189, magaalada Harar ku dhashay, BOQOR Xayle Sellaase oo dalka xukumayay muddoo dheer.

11/10/2019

Qormooyin ku saabsan Dhacdooyinka asbuuca u gu waaweynaa deegaanka sooamalida
Caawa halkan kala
Soco..!!

SOO DHAWAADA DHAMMAANTIINKALA SOCODA PAGE-KAN CUSUB,  FALANQEYNTA & CABBIRKA SIYAASADA & TODOBAADKA’ oo diiradda saari d...
08/10/2019

SOO DHAWAADA DHAMMAANTIIN

KALA SOCODA PAGE-KAN CUSUB, FALANQEYNTA & CABBIRKA SIYAASADA & TODOBAADKA’ oo diiradda saari doona, dhacdooyinka iyo wararka Deegaanka soomalida.

Share- garee oo asxaabtaada la wadaag.

Address

Jijiga

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Todobaadka & Cabbirka Siyaasadda posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share



You may also like