Ali deck

Ali deck Soo dhawaw walaal

Waagii h**e dadka maalqabeenka ah ee reer Yurub waxa ay caruurtooda waxbarasho ugu diri jireen Andalus, markii ay soo qa...
08/02/2024

Waagii h**e dadka maalqabeenka ah ee reer Yurub waxa ay caruurtooda waxbarasho ugu diri jireen Andalus, markii ay soo qalin jabiyeen ee ay soo laabteenna waxa la arkayay qaar marka ay h hlayaanadalkooda ku dhex darayay erayo Carabi ah si ay u tusaan dadka ku xeeran in ay wax soo barteen!! !

Maanta si aaynu u muujino in aaynu wax baranay nahay aqoon yahan hadaladeenu waa in aan ku darno erayo kamid ah luuqada enlishka

Aduunku wuu is badalayaa waliba si xawli ah aaynu horumarino luuqadeenu

12/03/2022
MAHADNAQO                    Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee Soomaalidu wuxuu u mahad naqayaa Jaaliyada Dawlada Deegaanka S...
14/12/2021

MAHADNAQO


Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee Soomaalidu wuxuu u mahad naqayaa Jaaliyada Dawlada Deegaanka Soomaalida ee ku nool Koonfurta Afrika taageerada ay u miijiyeen Xukuumada uu Gadhwadeenka kayahay Raysal Wasaare Dr. Abiyo Axmed ee Federaalka iyo Xukuumada uu Horuudka kayahay Madaxwayne Mustafe Muxumed Cumer ee Deegaanka Soomaalida

Shirkii Soomaalida ee Aragit waaddaga oo maalintiisii 2aad ka socda waddanka Jabbuuti. Waxaa maalintii 2aad galay shirka...
14/12/2021

Shirkii Soomaalida ee Aragit waaddaga oo maalintiisii 2aad ka socda waddanka Jabbuuti.

Waxaa maalintii 2aad galay shirka aragti-wadaagga mac'hadka Heritage oo ka socda aqalka ummadda ee waddanka Jabbuuti. kulankan ayay masuuliyiinta iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed ee ka soo qeyb-galay ay kaga doodayaan qaabkii xasillooni waarta looga dhalin lahaa geeska Afrika.

Doodda kulanka maanta waxaa miiska fadhiyay masuuliyiin ka kala socotay dhulalka Soomaaliyeed oo uu ka mid ahaa wasiirka Xafiiska Madaxweynaha DDS dr. Xuseen Xaashi Qaasim. waxaana lagaga dooday doorka siyaasadda Soomaalida iyo dimuqraaadiyadda.

Shirkan sannadlaha ah ee ay ku kulmaan bulshada Soomaaliyeed ee geeska ayay dulucdiisu tahay in laga doodo, islamarkaasina lagu soo bandhigo fikirro iyo talooyin ku habboon xasilinta siyaasadda iyo nolosha bulshada Soomaaliyeed maaddaama geeska Afrika dalalka ku yaalla qaarkood ay yihiin kuwo Soomaaliyeed, halka kuwa kalrna ay Soomaalidu ku leedahay saamiyo aad u badan.

Waxaan mahad balaadhan u dirayaa Jaaliyadda DDS ee South Africa taageeradda Xukumadda Deegaanka iyo Raisalwasaaraha Dalk...
14/12/2021

Waxaan mahad balaadhan u dirayaa Jaaliyadda DDS ee South Africa taageeradda Xukumadda Deegaanka iyo Raisalwasaaraha Dalka.

***
Many thanks to Somali Region diaspora in South Africa for your support to the regional government and Prime Minister of the country.

Madaxweyne mustafe

Safaaradaha Maraykanka Ee Geeska Afrika Oo Eedayn Culus Usoo Jeediyay Tacadiyada Naf Iyo Maalba Leh Iyo Xuquuqul Insaank...
13/12/2021

Safaaradaha Maraykanka Ee Geeska Afrika Oo Eedayn Culus Usoo Jeediyay Tacadiyada Naf Iyo Maalba Leh Iyo Xuquuqul Insaanka Ee Ay Gaysteen Ururka Argagixisada Ah Ee TPLF.

Maraykanka ayaa walaac xoogan ka muujiyay tacaddiyada xunxun ee ka dhanka ah xuquuqul insaanka, iyo burburinta kaabayaasha dhaqaale ee rayidka sida hospitaalada, jaamacadaha, garoomada diyaaradaha, ee ay gaysteen ururka argagixisada ah ee TPLF.

Safaarada maraykanka ayaa ugu baaqday dhammaan ururka argagixisada ah ee hubeysan inay ka waantoobaan xadgudubyada ka dhanka ah rayidka.

Waxayna sidoo kale safaaradu codsatay in baadhitaano madax banaan lagu sameeyo tacadiyada ka dhacay deegaanadii ay qabsadeen horaanti bishan ururka argagixisada ah ee TPLF si loola xisaabtamo dhinacyada mas'uulka ka ah.

Masuuliyiin uu hoggaaminayo madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa gaadhay magaalada Jabbuuti ee caasimadd...
12/12/2021

Masuuliyiin uu hoggaaminayo madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa gaadhay magaalada Jabbuuti ee caasimadda waddanka Jabbuuti.

Madaxweynaha ayay socdaalkan ku weheliyaan madaxwayne-ku-xigeenka mudane Ibraahim Cusmaan Faarax, madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee Soomaalida Inj. Maxammed Shaalle Isaaq iyo wasiirka Xafiiska War-faafinta mudane C/qaadir Rashiid Ducaale.

Waftiga waxaa xudduuda waddamada Itoobiya iyo Jabbuuti ku qaabbilay masuuliyiin uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha waddanka Jabbuuti mudane Siciid Nuux iyo guddoomiyaha gobolka Cali Sabiix, mudane Muuse Aadan.

Masuuliyiinta ayaa berri kaga qeyb-gali doona waddanka Jabbuuti shirka madasha aragti-wadaagga ah oo uu soo agaasimay mac'hadka Heritage oo uu marti-galiyay madaxwaynaha waddanka Jabbuuti, mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Madasha shirka Heritage ayay Soomaalida gobolka iyo kuwa caalamkuba isku waraystaan, islamarkaasina uga doodaan danaha guud ee ka dhaxeeya Soomaalida. tan iyo aas-aaskii mac'hadka waxaa la qabtay shan kulan oo midkii ugu danbeeyay uu ka qabsoomay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ee waddanka Soomaaliya.

Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa shir dhanka taleefoonka ah la yeeshey hoggamiyayaasha Geeska Afrika, iyaga oo ...
08/12/2021

Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa shir dhanka taleefoonka ah la yeeshey hoggamiyayaasha Geeska Afrika, iyaga oo ka wada-hadlay midnimada qaaradda iyo sidii ay u heli lahayd kursi-joogto ah oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ah.

RW Abiy oo wada-hadallo midho-dhal ah la yeeshay madaxda dalalka deriska ah.Raysal-wasaare Abiy Axmed ayaa sheegay in uu...
08/12/2021

RW Abiy oo wada-hadallo midho-dhal ah la yeeshay madaxda dalalka deriska ah.

Raysal-wasaare Abiy Axmed ayaa sheegay in uu wada-hadallo midho-dhal ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha lix dal oo deriska ah.

Farriin uu raysal-wasaaruhu soo dhigay bartiisa baraha bulshada ayuu ku sheegay in uu wada-hadallo midho-dhal ah la yeeshay madaxda dalalka Jabbuuti, Kenya, Uganda, Soomaaliya, Ereteriya iyo Koonfurta Suudaan.

Intii uu socday kulanka ayaa la isku af-gartay in laga wada shaqeeyo arrimaha labada dal iyo kuwa gobolka.

Waxaa uu sheegay in Itoobiya ay muhiimadda koowaad siin doonto xoojinta xidhiidhka ay la leedahay dalalka deriska ah.

Magaalada Doollo-addo ee gobolka Liibaan oo laga hirgalinayo idaacadda bulshada(Community Radio). Team ka socda Xafiiska...
08/12/2021

Magaalada Doollo-addo ee gobolka Liibaan oo laga hirgalinayo idaacadda bulshada(Community Radio).

Team ka socda Xafiiska War-faafinta DDS oo uu wehelinayo agaasinka waaxda farsamada ee Wakaaladda War-baahinta Deegaanka Soomaalida ayaa daraasaad iyo indho'indhayn ku soo sameeyay goobta ay ku shaqeyn doonto raadiyaha ee magaalada Doollo-addo.

Agaasinka horumarinta war-baahinta mudane isaak cabdi carab ayaa sheegay in bulshada Doollo-addo ay idacaaddani ka haqab-tiri doonto baahiyaha, sida oo kalena waxa uu sheegay in idaacaddani laga dhageysan doono 65 km oo dhinac walba ah .

Maamulka gobolka Liibaan ayaa u mahadceliyay dadaalka uu wado xafiiska warfaafinta DDS oo hirgalinaya idaacaddan FM Doollo-addo, waxaa kale oo ay sheegeen in ay idaacaddani ka qeyb-qaadan doonto arrimaha horumarka ee dhinaca xogta.

Gabadhan Aya Tiri "Ninka igursanayow aniga iyo hooyada (sodohdeed) Nakala dheere oo  isku Meel Hana dajinin , Hooyada ig...
08/12/2021

Gabadhan Aya Tiri

"Ninka igursanayow aniga iyo hooyada (sodohdeed) Nakala dheere oo isku Meel Hana dajinin , Hooyada iga dheere marabe ayey KU celcelisay waxayna Sido kale sidaas kula talisay Gabdhaha somaliyed ,

Gabadhan Aya sheegtay in hooyoyinka Dhalay Wilasha Somaliyed Ay caqabad kuyihiin Dhismaha Qoyska ama Jiritanka Lamaanaha ,

Hadaba wiilow Hooyada ma iska fogeen lahed oo maka dheeran lahed adigo adeecaya gabadha aad gursatay ama xaaskada ?
Adna Gabadhey Ma taagersan Tahay hadalka gabadhan ?

Fadlan fikirkiina Nala wadaaga Gabadhan ma khaldan tahay misna way saxan tahay

Ergada dooran doonta qaar ka mid ah kuraasta Somaliland ayaa la diwaangeliyey, waa markii ugu horaysay oo ergo la diwaan...
08/12/2021

Ergada dooran doonta qaar ka mid ah kuraasta Somaliland ayaa la diwaangeliyey, waa markii ugu horaysay oo ergo la diwaangeliyo suulkana astaan ahaan looga qaado. Walow maalinka ay codaynayaan la soo arkay iyagoo afka iyo wajiyadoodaba qarsaday. Taasoo su’aal gelisay xalaalnimada codaynta doorashadan la isku diidan yahay ilaa iyo hadda.

Fikirkaaga cabir
Xor baad tahay

Ergada dooran doonta qaar ka mid ah kuraasta Somaliland ayaa la diwaangeliyey, waa markii ugu horaysay oo ergo la diwaan...
08/12/2021

Ergada dooran doonta qaar ka mid ah kuraasta Somaliland ayaa la diwaangeliyey, waa markii ugu horaysay oo ergo la diwaangeliyo suulkana astaan ahaan looga qaado. Walow maalinka ay codaynayaan la soo arkay iyagoo afka iyo wajiyadoodaba qarsaday. Taasoo su’aal gelisay xalaalnimada codaynta doorashadan la isku diidan yahay ilaa iyo hadda.

04/10/2021

Deg Deg.

Tagesse Chafo, oo xilkiisii kusoo laabtay markale loona dhaariyay afhayeenka golaha Baarlamaanka dalka itoobiya.

Sdm
Qalinka Soojeeda

Deg Deg:- Hambalyo Umada Soomaliyeed.Walaasheen Faisa Mohamed (Amaadin) oo ah Gabadh soomaaliyeed ayaa loo doortay afhay...
28/09/2021

Deg Deg:- Hambalyo Umada Soomaliyeed.

Walaasheen Faisa Mohamed (Amaadin) oo ah Gabadh soomaaliyeed ayaa loo doortay afhayeen ku xigeenka golaha wakiilada ee magaalada Addis Ababa.

Sdm
Qalinka Soojeeda

Deg Deg.Marwo Buzena Al-qadir oo loo doortay afhayeenka golaha deegaanka ee magaalada Addis Ababa.Gabadhan ayaa horay u ...
28/09/2021

Deg Deg.

Marwo Buzena Al-qadir oo loo doortay afhayeenka golaha deegaanka ee magaalada Addis Ababa.

Gabadhan ayaa horay u ahayd wasiiru dawlaha wasaarada dhaqanka iyo dalxiiska dalka itoobiya.

Sdm
Qalinka Soojeeda

Bal na fahansii
28/09/2021

Bal na fahansii

Hadal jeedinta Musharixiinta u tartamaysa kuraasta Aqalka sare ee gobolada Waqooyi ama Somaliland oo goordhow ka bilaaba...
28/09/2021

Hadal jeedinta Musharixiinta u tartamaysa kuraasta Aqalka sare ee gobolada Waqooyi ama Somaliland oo goordhow ka bilaabanaysa Muqdisho.

28/09/2021

Qardho:Waa maalintii saddexaad ee o'lolaha doorashada Puntland, fagarayaasha ay urur-siyaasadeedyadu ku o'loleeyaana saaka waa haawanaya. Welina lama hayo taageerayaasha urur-siyaasadeedka Shaqaalaha-xoogsatada ah oo iyagu ay tahay maalintoodii o'lolaha.

Halkan ka wac taageerayaasha Shaqaalaha-xoogsatada.

28/09/2021

WARGALIN MUHIIM AH

Maalinta Khamiista ah ee fooda inagu soo haysa ee 20 bisha Maskaram ayaa ah maalinta ku beegan cod-bixinta doorashada 6aad ee deegaanka ka qabsoomaysa.

Hadaba waxay Xukuumada DDS la socodsiinaysaa dhamaanba shaqaalaha DDS inay maalintaasi tahay maalin fasax ah, si loogu dareero dhamaanba cod-bixinta maalintaasi.

xafiiska warfaafinta dds

27/09/2021

Jaho cusb in la qaaday dhalinyarta ayaa ka marqaati kacday

Khamiistii waxaa loo dareerayaa doorasho aay bulshada sida:- aqoonyahnka dhalin yarta hooyooyinka aay dhag taagayan natiijada kasoo bixi doonta iyo codkooda mirahiisa

Aynu gudano waajibaadka dastuuriga ah ee aaynu leenahay

Afsoomaligu yaan lagu ciyaarin waxu waa nirgee
27/09/2021

Afsoomaligu yaan lagu ciyaarin waxu waa nirgee

Address

Sayidka
Jijiga

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ali deck posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Ali deck:

Videos

Share