Xafiid online market

Xafiid online market wariye nimo

07/07/2021
05/07/2021

Fadlan ku xidhnow pageka xaafid online marketing like saar mahadsanid

Fadlan ku xidhnow Xaafid online marketing
26/06/2021

Fadlan ku xidhnow Xaafid online marketing

05/06/2021

Maansadi dalxiis iyo abwan Asad ismaciil Qalib

Qaar ka mid ah musharaxiintii u tartamaayey golaha deegaanka Degmada Burco iyo wakiilada ee Gobolka Togdheer oo warbaahi...
05/06/2021

Qaar ka mid ah musharaxiintii u tartamaayey golaha deegaanka Degmada Burco iyo wakiilada ee Gobolka Togdheer oo warbaahinta la hadlay ayaa ka biyo diiday natiijada hordhaca ah ee ay ku dhawaaqeen komashinka doorashooyinka Somaliland waxaanay codsadeen in dib loo tiriyo codadkii la dhiibtay.

Aragtidaada?

Degmooyinka Saylac iyo Lughaya ayaa lagu dhawaaqay natiijada Doorashadii Goleyaasha Deegaanka.Saylac oo xildhibaaanadeed...
02/06/2021

Degmooyinka Saylac iyo Lughaya ayaa lagu dhawaaqay natiijada Doorashadii Goleyaasha Deegaanka.

Saylac oo xildhibaaanadeedu dhan yihiin 11 xubnood ayaa loo kala helay sidan.

4 Waddani ah
4 Kulmiye ah
3 UCID ah.

Lughaya ayaa iyana loo kala helay.

5 Kulmiye ah
2 Waddank ah
2 UCID ah.

NB: markasta natiijadani waa hordhac guddida Doorashadu shaaciyay.

01/04/2021

Ka qayb qaado wacyi galinta karoonaha

Masjidka AayaSoofiya. Magaalda Istanbuul.Sawirkan Waxaa la qaaday Sanadkii 1880dii.Allaah swt Ayay mahad Oo idil u sugna...
01/04/2021

Masjidka AayaSoofiya. Magaalda Istanbuul.

Sawirkan Waxaa la qaaday Sanadkii 1880dii.

Allaah swt Ayay mahad Oo idil u sugnaatay, In ka badan 80sano oo uu matxaf Ahaa waxaa Sanadkii h**e dib looga dhigay Masjid ay dadku ku tukadaan.

Fadlan pageka like saar mahadsanid

Da.aad dhixiyo da.a.wayn malahoo Daa.ad yaryabu dunida dhaafshoo Dadki milyaanu la dadagayoo Dawana malahan ahayn dahiir...
27/03/2021

Da.aad dhixiyo da.a.wayn malahoo
Daa.ad yaryabu dunida dhaafshoo
Dadki milyaanu la dadagayoo
Dawana malahan ahayn dahiiriyo
Inaad dadka kale kaasi durugtoo

Dalaga suqiyo hadaad danlay tahay
Afkaga dado Sidii daahi afsaar ku dabool
Dareen ulahaw inaadan duhuuriyo
Habeenka dadaan nadafada dayn
Gacmaha dakhilkiyo dushoda k**aydh

Daway nooqotee ha daarin umadee
Ku Dabool Dabnaha suxulkoo
Hindhisada durayga dadkaga ka dhawr

Hadanay durufi ku gayn dibaadaa
Daarada hoygiyo hadhafin dagalke
Dugsiiga gurigiyo Aqalka ku dake

Xigasho Abwaan Asad ismaaciil

Fadlan ku xidhnow war.jire news pageka like saar mahadsanid Qore : Barkhad Jaamac BatuunDoodda ay dadwaynuhu sida weyn u...
26/03/2021

Fadlan ku xidhnow war.jire news pageka like saar mahadsanid

Qore : Barkhad Jaamac Batuun

Doodda ay dadwaynuhu sida weyn ugu riyaaqsanyihiin ee u dhaxay doonta Xoghayaha guud ee Xisbigayaga WADDANI, iyo Wasiirka Gaadiidka. Waxa aan ku rejaweynahay in ay noqon doonto mid reebi doonta mahadhooyin siyaasaddeed iyo magacyo cusub!

Waxa aan rejaynayaa inay noqon doonto mid si cilmi, iyo caqli ah loo doodi doono; mid cadho iyo cay ka reebantahay, mid milgo iyo maamus huwan, lagana barandoono bisayl siyaasadeed. Waxa aan hubaa in uu Xoghayaha guud yahay shaqsi leh aqoon iyo aftahannimo hafin doonta Wasiirka, dadkana daaha uga qaadi doonta dayaca dawladnimaddeena gaadhay 4tii sanno ee Kulmiye Xilka umadda hayey.
Waa innoo dood duruus siyaasadeed laga barto oo aan dacaayad iyo dagaal innaga noqon.

Fadlan ku xidhnow war.jire news pageka like saar mahadsanid Maamulka Oromiya ayaa Caws ugu deeqay xoolaha deegaanka Soom...
23/03/2021

Fadlan ku xidhnow war.jire news pageka like saar mahadsanid

Maamulka Oromiya ayaa Caws ugu deeqay xoolaha deegaanka Soomaalida ee abaartu Saamaysay.
Gadiid calafkaasi sida ayaa gaadhay deegaanka.

Fadlan ku xidhnow war.jire news pageka like saar mahadsanid Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland ayaa maant...
21/03/2021

Fadlan ku xidhnow war.jire news pageka like saar mahadsanid

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland ayaa maanta ka laabatay Ganaax ay h**e u saartay xulalka gobollada Togdheer iyo Hawd.

Xigasho; Hassan Gallaydh

Fadlan ku xidhnow war.jire news pageka like saar mahadsanid Ra'iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa baaq k**a danbay...
21/03/2021

Fadlan ku xidhnow war.jire news pageka like saar mahadsanid

Ra'iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa baaq k**a danbays u diray hogaaminta sare ee TPLF.

Warqad kasoo baxday xafiiska ra'iisal wasaaraha ayaa loogu baaqay inay isasoo dhiibaan si sharciga iyo caddaaladda loo hor keeno.

Abdirahman Buux

Fadlan ku xidhnow war.jire news pageka like saar mahadsanid Shanta sano ee soo socota dalka Tanzania waxa hogaamin doont...
18/03/2021

Fadlan ku xidhnow war.jire news pageka like saar mahadsanid

Shanta sano ee soo socota dalka Tanzania waxa hogaamin doonta Marwo Samia Suluhu Hassan, ka dib markii uu dhintay Madaxweyne John Magafuli.

Waxa ay noqonaysaa Taariikhda Afrika haweenaydii Saddexaad ee dal Madaxweyne Ka noqota maadaama ay ka h**eeyeen Ellen Johnson Sirleaf oo mar loo doortay madaxweynaha dalka Liberia iyo Madaxweynaha Dalka Ethiopia oo Marwo Sahle-Work Zewde.

Madaxweynaha Ethiopia ayaanu dastuurku siinin awood badan, waxaana taas bedelkeeda maamulka oo dhami uu gacanta ugu jiraa Raysal Wasaaraha, waxaanay Saamia dhinaca kale sidaas ku noqotay madaxweynihii ugu h**eeyay ee Haweeenay ah ee ka arrimisa mid ka mid ah wadamada bariga afrika ku yaala.

Marwo Saamiya ayaa iminka ahayd Madaxweyne Ku Xigeenka Dalka Tanzania, waxaana uu dastuurka wadankaasi u yaalaa uu dhigayaa in haddii uu meesha ka baxo madaxweynuhu ku xigeenkiisu uu inta ka dhiman muddo xileedkiisa sii dhamaystiro.

Fadlan ku xidhnow war.jire news pageka like saar mahadsanid DEGDEG - Talaalka  Wakaaladda Dawada ee midowga Yurub oo EMA...
18/03/2021

Fadlan ku xidhnow war.jire news pageka like saar mahadsanid

DEGDEG - Talaalka

Wakaaladda Dawada ee midowga Yurub oo EMA magaceeda loo soo gaabiyo ayaa taageertay badqabka talaalka coronavirus ka ee ‘Astra Vaccine’ oo muddooyinkii dambe laga deyrinayey badqabka isticmaalkiisa.

Wakaaladdan oo ah laanta sharciyeynta Dawada u qaabilsan midowga Yurub waxa ay sheegtay in faa’iidooyinka uu leeyahay tallaalka AstraZeneca ay ka miisaan badanyihiin heerka khatarta lagu sheegayo.

Waa markii labaad ee wakaaladdan Dawada ee Yurub ay ogolaato isticmaalka talaalkan, iyada oo ay sii kordhayaan warbixinaha sheegaya in dad qaatay lagu arkay dhiigga oo xinjirooba.

Weli ma jirto caddayn cilmiya oo isku xidhaysa talaalkan iyo xinjirowgaas dhiigga ee dadka qaar lagu arkay, dalal badan oo adduunka ah iyo hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan caafimaadka ee WHO na waa ay taageersan yihiin isticmaalkiisa, si kastaba ha ahaato ee waxaa sii kordhaya dalalka hakiyey isticmaalka AstraZeneca si ay u hubiyaan raadadka taban ee ka dhalan kara. Waxaa dalalkaas ka mid ah; Ingiriiska, Faransiiska, Isbayn, Jarmalka, Ustareeliya, Thailand iyo Burtaqiiska.

Barnaamijka COVAX ee qaramada midoobey horkacayso oo ujeeddiisu tahay in dalalka Saboolka ah lagu caawiyo talaalka COVID-19 ayaa maalmihii u dambeeyey Muqdisho iyo Hargeysa gaadhsiiyey talaal wadartiisu gaadu dhantahay 300 oo kun oo loogu talagalay dadka ka shaqeeya caafimaadka iyo meelaha u nugul in xanuunku ku faafo.

Madaxweynaha Somaliland oo manata 17 March hadal jeediyeyna waxa uu sheegay in sabtida 20 ka March la bilaabi doono talaalka isaguna uu noqon doono qofka ugu horreeya ee qaata Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa yidhi "Talaalkii shalay yimid waa mid caalamka oo dhan yimid, Sabtida ayuu bilaab-mayaa , An...
17/03/2021

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa yidhi "Talaalkii shalay yimid waa mid caalamka oo dhan yimid, Sabtida ayuu bilaab-mayaa , Anigga ayaana kaw ka ah talaal-kaasi oo qaadanaya ".

Fadlan ku xidhnow war.jire news pageka like mahadsanid Waan ka soo horjeednaa in badda Soomaaliyeed la damaaciyo, waana ...
14/03/2021

Fadlan ku xidhnow war.jire news pageka like mahadsanid

Waan ka soo horjeednaa in badda Soomaaliyeed la damaaciyo, waana in dhammaan Soomaalidu arrintaas isu raacdo Xoghayaha Xisbiga Waddani

Fikirkaaga waa muhiim

Fadlan ku xidhnow war.jire news pageka like saar mahadsanid Goolhayihii gobolka Jarar ee deegaanka Soomaalida Cabdirisaa...
08/03/2021

Fadlan ku xidhnow war.jire news pageka like saar mahadsanid

Goolhayihii gobolka Jarar ee deegaanka Soomaalida CabdirisaaqHiiroo, ayaa muddo 10 Sannadood ah laga ganaaxay ciyaaraha Deegaanka Soomaalida kadib markii lagu eedeeyay Anshax darro iyo kicin dadweyne oo uu sameeyay Ciyaartii shalay.

Wasiir ku-xigeenka Ciyaaraha ayaa sidaasi Warbaahinta u sheegay.

Fadlan ku xidhnow war.jire news pageka like saar mahadsanid Xarunta la dagaalanka Argagixisada iyo Tababarada Aas-aasiga...
02/03/2021

Fadlan ku xidhnow war.jire news pageka like saar mahadsanid

Xarunta la dagaalanka Argagixisada iyo Tababarada Aas-aasiga ah ee magaalada Sparta ee Wadanka Turkiga 🇹🇷 ayay tababar ku Qaadanayaan Cutubya Cusub oo kamid Noqonoyo Gor-gor.

Turkiga ayaa sheegay in uu sii wadi Doono ka Caawinta Soomaaliya xagga Tababarka Ciidamada.

Fadlan ku xidhnow war.jire news pageka like saar mahadsanid Dalka Burkiina Faaso caada dhaqameedka ka jira waxaa kamid a...
02/03/2021

Fadlan ku xidhnow war.jire news pageka like saar mahadsanid

Dalka Burkiina Faaso caada dhaqameedka ka jira waxaa kamid ah, in gabadha uu ku istaago ninka guursanayo si loo tijaabiyo raaliya-nimadeeda!

Gabdhaha, Adiga ma ogolaan laheyd?
Wiilasha, sxbtaa maku sameyn laheyd?

Fadlan ku xidhnow war.jire news pageka like saar mahadsanid Gabadha Garoowe ugu dhimatay xabbadda ku fakatay ee kamid ah...
25/02/2021

Fadlan ku xidhnow war.jire news pageka like saar mahadsanid

Gabadha Garoowe ugu dhimatay xabbadda ku fakatay ee kamid ahayd kooxda Jilayaaasha ah, waa kan sawirkeeda saxda ah, magaceeduna waa Aniisa Cabdicasiis Siciid. AUH.

Dad badan ayaa faafiyey sawirka gabadh kale oo nool.

Booliska Puntland oo dhacdan xaqiijiyey waxay sheegeen in ay baadhitaan wadaan, dhallinyaradii kalena la xidhay.

Mohamed Salh

Fadlan ku xidhnow war.jire news pageka like saar mahadsanid Gobolka Jarar iyo Maamulka Magaalada Jigjiga ayaa maanta wad...
21/02/2021

Fadlan ku xidhnow war.jire news pageka like saar mahadsanid

Gobolka Jarar iyo Maamulka Magaalada Jigjiga ayaa maanta wada ciyaaraya. Xiisaha ciyaartu ay leedahay garoonka ayay ka muuqataa oo aad baa loo soo buux dhaafiyay.

Fadlan ku xidhnow war.jire news pageka like saar mahadsanid Wariye Hoodo Garays, ayaa sheegtay in jidh dil ay u gaysteen...
21/02/2021

Fadlan ku xidhnow war.jire news pageka like saar mahadsanid

Wariye Hoodo Garays, ayaa sheegtay in jidh dil ay u gaysteen Ciidamada Booliska Somaliland.

Laamaha Ammaanku weli k**a jawaabin eedaynta Hoodo, oo ka mid ah bahda Saxaafadda Somaliland.

Fadlan ku xidhnow war.jire news pageka like saar mahadsanid Wiilkan dhalinyarta ah oo lagu magacaabo   waxa uu ku nool y...
20/02/2021

Fadlan ku xidhnow war.jire news pageka like saar mahadsanid

Wiilkan dhalinyarta ah oo lagu magacaabo waxa uu ku nool yahay magalada wadanka Ciraaq , Barashada cilmiga waxa uu ka gaadhay Darajada sare Ee Master Degree Subax walba waxa uu uso kalaha Suqa magalada si uu Kabaha U baalasheyo , (Caseeyo) Isaga oo xidhan dharki Qalijabinta.

~Dr Abdishakur Arte.

Qaar Kamid Ah Masuuliyiinta Maamulka magaalada Tog-Wajaale Ayaa kormeer kutagay Ceel Biyood Laga Qoday Duleedka Magaalad...
10/02/2021

Qaar Kamid Ah Masuuliyiinta Maamulka magaalada Tog-Wajaale Ayaa kormeer kutagay Ceel Biyood Laga Qoday Duleedka Magaalada Tog-Wajaale.

Ceelkan waxaa uu kamid yahay 4 ceel oo laga qoday nawaaxiga maamulka magaalada tog-wajaale, mid kamida ayaana gabi ahaanba lasoo gabo gabeeyay qodidiisii,waxaana mudo labo maal mood ah socda tijaabada ceelkan iyadoona bulshada dagan nawaaxiga ceelka ay sheegeen in ay durba kudiirsadeen biyaha tijaabada ah maadaama ay baahi badan uqabeen dhanka biyaha oo ay meelo fog udoonan jireen.

Ceelkan oo uu qoday xafiiska khayraadka biyaha DDS ayaa waxaa kubaxday lacag dhan 7milyan oo birr,waana mid wax way katari doona baahiyaha biyaha ee kajirtay maamulka magaalada wajaale iyo nawaaxigeeda sida uu sheegay maayirka magaalaada tog-wajaal eng mukhtaar abiib oo kormeer kutagay ceelkaasi tijaabadiisa.

Geestiisa Injinerka gacanta kuhayay qodista ceelkan ayaa isaguna sheegay in uu ceelkani yahay mid biyo badan noqonayana kii ugu h**eeyay Ee noociisoo kale ah oo laga qoday Aagani.

Fadlan ku xidhnow war.jire news fadlan pageka like saar mahadsanid Biyo dhiig u eg oo qabsaday dariiqyada tuulo ku taal ...
07/02/2021

Fadlan ku xidhnow war.jire news fadlan pageka like saar mahadsanid

Biyo dhiig u eg oo qabsaday dariiqyada tuulo ku taal Induniisiya!

Dariiqyada tuulo ku taal dalka Induniisiya ayaa waxaa buux dhaafiyay biyo casaan (guduud) ah kaddib markii daadad xooggan ay ku dhufteen warshad dharka lagu nakhshadeeyo oo ku taal deegaankaasi.

Deegaankaasi oo ku yaal koonfurta magaalada Pekalongan, ayaa caan ku ah naqshadeynta dharka lagu aslo ama riinjiyeeyo midabbo kala duwan, iyadoo la adeegsanayo farsamo dhaqameed soo jireen ah oo halkaa laga yirahdo Batik.

Kumannaan qof oo ka mid ah dadka isticmaala baraha bulshada ayaa wadaagayay sawirro muujinaya dhacdadan.

~BBC

Fadlan ku xidhnow war.jire news page  like saar mahadsanid Kulmiye Axmed Siillaanyo, Wuxu igu Yidhi Lambar ii Garaac, As...
20/01/2021

Fadlan ku xidhnow war.jire news page like saar mahadsanid

Kulmiye Axmed Siillaanyo, Wuxu igu Yidhi Lambar ii Garaac, Askarta Madaxtooyadu i garan maayaan, si la ii sii daayo oo aan guddaha u galo"

Muddo aan ku qiyaasayo sanadkii 2013-kii, ayaa maalin waxaa madaarka ka dhoofayey Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ah ninkan dhaliyarada ah ee aad sawirkiisa aragtaan, anna waxaan ka shaqaynayey madaarka Egal International Airport, weliba qaybta protocol madaarka oo ay maraan dadka madaxda ahi.

Kulmiye waxaa ku socday dalka Kenya, isaga oo uga sii gudbiyayey Suudaan oo uu shaqo ka hayey sida uu ii sheegay, weliba shaqo United nations ah.

Isaga oo ila jooga oo dadkii madaarka keenayna ay ka tageen ama ka noqdeen ayaa na loo sheegay in ay diyaaradii baaqatay uu raaci lahaa Kulmiye iyo dad kaleba.

Waxaa uu iga codsaday in aan qaado oo magaaladii ku celiyo mar hadii ay diyaaradii baaqatay, shaqadii baan ka soo fasax qaatay oo waan soo qaaday, jidka markii aanu soo soconay buu igu yidhi telefoon ii garaac si askarta madaxtooyada loogu sheego in ay ina soo daayaan waayo ima garanaya askartu.

Ka dibna waan yaabay waxaan is idhi sidee Kulmiye oo madaxweynihii qaranku dhalay aan madaxyooyadii looga garanayn!!!!!

Su'aashii baan weydiiyey oo aan ku idhi miyaan askarta iyo hawlwadeenada madaxtooyadu aanay ku garanayn?

Waxaa uu igu jawaabay ima garanayaanoo dalka waxaan u imadaa in aan sii arko aabo iyo hooyo wax kalena dalka uma imaado, intaa yar ee aan dalka joogona waan is qariyaa si aan loo odhan ina Axmed Siilaanyo ayaa halkan marayey, sababtaas baan askarta iyo cid kale toona ii garanayn oo madaxtooyada ka shaqeeyaa aanay ii aqoon.

Telefoonkii buu xaafadii kula hadlay oo codsaday in askarta lagu balamiyo si loo soo daayo, askartii laguma odhan Kulmiye Siilaanyo soo daaya, balse waxaa lagu yidhi labada nin ee gaadhiga noocaas ah wata soo daaya, markii aanu albaabkii isa soo taagnayna gaadhigii iyo labadayadiiba waa nala baadhay, markii askarta na baadhaysay ma ay garanayn in uu ina Siilaanyo yahay.

Ninkii Kulmiye sawirkiisa ayaan maanta arkay ka dibna waxaan xasuustay dhacdadii 2013-kii.

Waxa Qoray: Cabdilaahi axmed caarshe

Fadlan ku xidhnow war.jire news pageka like saar mahadsanidAskari udhintay Dawo Qaldan Oo La Siiyay...Kadib Laba Cisho o...
16/01/2021

Fadlan ku xidhnow war.jire news pageka like saar mahadsanid

Askari udhintay Dawo Qaldan Oo La Siiyay...

Kadib Laba Cisho oo la baadhayay Maydka Askarigan waxa la cadeeyay inuu udhintay Dawo Qaldan oo Lagu muday.

Alle ha unaxariistee saleebaan Jaakuli oo ka mid ahaa ciidanka dabdamiska ee Burco ayaa la sheegay inuu udhintay Daawo qaldan oo uu siiyay Farmasi ku yaala xaafada qasabka ee Magaalada Burco.

Gudida Nabadgelyada Gobolka Togdheer ayaa ku qancay natiijada uu soo gudbiyay maanta Cisbitaalka Guud ee Burco oo baadhitaan ku waday labadii cisho udanbeeyay Maydkaasi.

Sidoo kale odayaasha ka kala socday Eedaysanaha iyo marxuumka ayaa ku qancay natiijadaasi.

Marxuumka dhintay ayaa la sheegay in lagu muday dawo mudo dhaaftay.

Salaada Makhrib ayaa la Aasayaa Maydka Askarigaasi AHUN Saleban Jaakuli.

Qore: Xabiib Cige

Kusali nabigeena muxamed Salalahu calayhi wasalamKadibna Ku xidhnow warjire news fadlan like saar pageka  mahadsanid
31/12/2020

Kusali nabigeena muxamed Salalahu calayhi wasalam

Kadibna Ku xidhnow warjire news fadlan like saar pageka mahadsanid

Fadlan ku xidhnow war.jiren news like saar pageka mahadsanidAbwaan Hadraawi Allaah ha shaafiyo marka h**e, kollayba wixi...
28/12/2020

Fadlan ku xidhnow war.jiren news like saar pageka mahadsanid

Abwaan Hadraawi Allaah ha shaafiyo marka h**e, kollayba wixii uu ina gashaday ummad ahaan gudi kari maynee Ilaahay miisaankiisa xasanaadka ha ugu biiriyo. Maskaxdiisa ayuu inta ugu badan inoo tuujiyay, duurka ayuu galay si aan innagu nolol fiican u helno, waxa uu diiday inuu waxeenna xaaraan ku cuno. Abwaan Hadraawi haddii uu ummad kale ka dhalan lahaa waxa uu noqon lahaa kuwa dhigaalkooda aqooneed boqolaal sanno la hadal hayo sida Adam Smith iyo ragga la midka ah.

Runtu waxa ay tahay in uu maanta inagu dhex dayacanyahay oo xukuumaddii daryeeli lahaydna la baafinayo, laakiin waxa aan hubaa in Ilaahay xagiisa wixii uu wanaag ina gashaday aan laga dayici doonin.

Qore : Khadar Xuseen Cabdi.
Xoghayaha Guud ee Waddani

Fadlan ku xidhnow war.jire news pageka like saar mahadsanidMadaxweynaha Jabbuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa qaabilay m...
23/12/2020

Fadlan ku xidhnow war.jire news pageka like saar mahadsanid

Madaxweynaha Jabbuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa qaabilay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, oo maanta socdaal ku tegay waddankaasi.

Labada madaxweyne may sheegin waxyaabo cusub oo ay ka wadahadleen.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in aan sinaba Kenya ugu adeegsan karin Somaliland arrimaha kala dhexeeya Soomaaliya...
15/12/2020

Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in aan sinaba Kenya ugu adeegsan karin Somaliland arrimaha kala dhexeeya Soomaaliya.

Biixi, oo u warramay BBC-da ayaa sheegay in waxa keliya ee ay samayn karaan tahay in ay dhexdhexaadiyaan labada dhinac haddii labaduba aqbalaan.

"Qofna ma rabno in aan dulmi ku sameyno. Waxa labada dal ka dhaxeeya haddii ay dhex gal waayeelnimo naga codsadaan, waynu kala dhex galeynaa, in aan xallino iyaga oo wada socda, haddii dal qura naga codsadana dhex geli meyno. Mid Kenya na, noo quuri meyso kana aqbali meyno, annaguna ma nihin dad loo adeegsado dad kale."

Kusali nabiga kadibna Ku xidhnow warjire news fadlan like saar pageka  mahadsanid
10/12/2020

Kusali nabiga kadibna Ku xidhnow warjire news fadlan like saar pageka mahadsanid

Fadlan ku xidhnow war.jire news page like saar mahadsanidWar caawa kasoo baxay gaashaandhigfa Maraykanka ayaa lagu sheeg...
05/12/2020

Fadlan ku xidhnow war.jire news page like saar mahadsanid

War caawa kasoo baxay gaashaandhigfa Maraykanka ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump uu ku amray Waaxda Difaaca iyo Taliska Ciidanka Mareykanka ee Afrika inay meelo kale u raraan inta badan ciidanka maraykanka ee ku jira gudaha Soomaaliya iyo qalabkoodaba, horaanta sanadka 2021.

Nuxurka war qoraal ah oo kasoo baxay gaashaandhigga Maraykanka ayaa lagu sheegay

"Go'aankan dartiis, ciidanka qaar waxaa laga yaabaa in loo qaado meelo ka baxsan Bariga Afrika,Ciidamada soo hadhayna waxaa dib looga celin doonaa wadamada deriska ah la ah soomaaliya si ay hawlgalada uga samayn karaan xuduudaha una caawiyaan ciidanka soomaalida ee la shaqeeya kuwa maraykanka si loo joogteeyo cadaadiska ka dhanka ah ururada xagjirka ah ee ka howlgala Soomaaliya"

~Pentagon.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa Danjire Yuusuf-Garaad Cumar, u magacaabay Ergayga Gaarka ah e...
02/12/2020

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa Danjire Yuusuf-Garaad Cumar, u magacaabay Ergayga Gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ee Soomaaliya.

Muuxu kabadali kara ruug cadagani xilka lo magacabay?

Address

Hargisa
99

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xafiid online market posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Share