Ahsaan omaar

Ahsaan omaar Ahsaan waa astaanta page ka

halkan looma ogola wax aan waa faqsanayn shuruucda page ka iyo tan social media haba

Ma taqaanaa waxa ay dhakhaatiirta cilmu nafsigu ku sheegeen xilliyadii ugu quruxda badnaa ee qofka soo mara.Khubarada ci...
30/07/2022

Ma taqaanaa waxa ay dhakhaatiirta cilmu nafsigu ku sheegeen xilliyadii ugu quruxda badnaa ee qofka soo mara.

Khubarada cilmu-nafsiga waxay yidhaahdaan xilliyada ugu farxada badan qofka noloshiisa waa:

1 - Inaad wax jacalaato.

2- Galida imtixaankaagii ugu dambeeyay.

3- Inaad hurdada ka kacdo xiligaad qoondaysatay oo aad ogaato inaad hurdo yar qaadan karto.

4- Inaad ka hesho wicitaan qof aanad sugaynin / si kadis ah.

5- Inaad eegto qofka aad jeceshahay oo aad
aragto iyada\isaga oo ku eegyasa ama ku eegaya.

6 - Inaad mar labaad aragtid asxaabtaadii h**e oo aad dareento inaysan waxba iska beddelin xidhiidhkiini.

7 - Inaad taabatid faraha caruurta yar yar.

8- Inaad ka heshid wicitaan ama farriin qofka aad jeceshahay markaad kaligaa tahay.

9- Keliya lugee habeenkii adiga oo aamusan, adigoo ka fekeraya xusuusahaaga quruxda badan.

10 - Inaad dareento inuu qof si dhab ah kuu danaynayo.

Su’aal; Qodobkee adiga kaa turjumaya.?

28/07/2022

Baarlamaanka Puntland ayaa soo jediyay talo ku aadan kaniiniga Vi**ra - haddaba warbixin ayaan ka diyaarinnay sida kaniinigaas looga isticmaalo magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Deeq WaxbarshoMaamulka, Macallimiinta & hawl-wadeenada Dugsiga Daarul qur-aan oo isku duuban waxa ay u mahad-celinayaan,...
21/07/2022

Deeq Waxbarsho

Maamulka, Macallimiinta & hawl-wadeenada Dugsiga Daarul qur-aan oo isku duuban waxa ay u mahad-celinayaan, Jaamacadda Culuumta caafimaadka oo abaal marin deeq waxbarasho, oo 4-sano (Dugsiga sare) ah, siisay ardaygii ugu sareeyey Gobolka Bari, ahna ardaygii kaalinta 2-aad u galay imtixaankii Dugsiyada dhexe ee Puntland 2022.

Mahadsanidin bahda Jaamacadda Culuumta Caafimaadka.

Xafiiska Warbaahinta iyo Nashaadaadka Dugsiga Daarul-qur'aan.

     1- cali ibraahin maxamamuud(kaalinta 2aad) 2- c/raxmaan maxamuud cabdi3- maxamed xasan maxamuud4- sumayo cali yuusu...
19/07/2022


1- cali ibraahin maxamamuud(kaalinta 2aad)
2- c/raxmaan maxamuud cabdi
3- maxamed xasan maxamuud
4- sumayo cali yuusuf ismaaciil
ayaa kamid noqday 10-ka arday ee ugu sarreeya imtixaanka shahaadiga Dugsiyada H/DHEXE - PUNTLAND

Dugsiyeedka: 2021-2022

Primary/intermediate school wuxuu noqdoy Dugsiga kaliya ee 4 kaalin kahelay 10 kii arday ee ugu saraysay imtixaanka shahaadiga fasalka 8aad ee Puntland

Nin gabar dhalay ma gaajoodo!Maalin walbo intaan gurigayga u laaban waan soo qubeysan jiray si aysan gabdhahayga u ogaan...
15/07/2022

Nin gabar dhalay ma gaajoodo!

Maalin walbo intaan gurigayga u laaban waan soo qubeysan jiray si aysan gabdhahayga u ogaan shaqada aan ka shaqeeyo.

Maalin ayay gabadhayda yar i waydiisay shaqada aan qabto?

Waxaan ku iri beera leey ayaan ahay!

Lacagtaan helo oo dhan waxaan ku bixin jiray waxbarashad gabdhahayga, maalinna ma gadan dhar cusub sababtoo ah ayagaan bugaag ugu gadi jiray waxaan helo,waxaan rabay waxay ahayd in gabdhahayga la ixtiraamo madama shaqadayda ahayd inaan bullaacadaha ka shaqeeyo

Markay iskuulka dugsi sare dhameysay gabadhayda weyn, waxaan waayay lacagtii jaamacadda qofka marka uu galayo la bixiyo,

Waxaan fariistay meel bullaacadaha u dhaw anigoo qarinayo ilinteyda, saaxibadayna waxay iska wateen shaqadooda ma aysan ii imaan mana ila hadlin, galabkii markay shaqada soo dhameeyeen ayay ii yimadeen anigoo meel fadhiya waxayna igu yiraahdeen manoo aragtaa inaan walaalo nahay?

Intaan jawaabta afka kasoo bixinba waxay soo saareen lacagtii ay shaqeeyeen maalinkaas ayagoo isku dar daray ayay farta iga saareen!

Markaan damcay inaan diido waxay igu yiraahdeen maya,reeraheenna oo dhan hal maalin way gaajoon karaan laakiin gabadhaada wa inay gashaa jaamacadda!

Maalintaas ma qubeysan anigoo urayo ayaan gurigayga tagay si ay gabadhahayga u ogaadaan waxaan qabto

Maalmo dhaw kadib gabadhayda ugu yareeyd ayaa jamacadda dhameynaysa labdii ka waa wayneyd way shaqeeyaan,waxayn ii diideen mar kale inaan ka shaqeeyo waxaan qaban jiray.

Mar walboo ay fasax helaan waxaan aadna maqaayada si aan uga cunteyno waxayna u yeeraan saaxbidaydii shaqada ee i caawiyay,waxay waydiiyeen maxaad mar walbo noogu yeerta maqaayadda

Gabadhayda waxay ku jawaabtay maalin ayaad dartayda u gaajooteen idin ma iloobi karo.

Nin gabar dhalayna ma gaajoodo!

15/07/2022

Nabigeenu SCW waxa uu inoo sheegay in marka uu ILAAHAY qof jeclaado uu Malaku jibriil u yeedho oo uu ku yidhaahdo “waxan jeclaaday adoonkayga hebel ee adna jeclow”. Malaku jibriilna inta uu jeclaado ayuu malaa’iikta samada joogta ku yidhaahdaa Hebel Ilaahay ayaa jeclaadee jeclaada markaasay jeclaadaan. Kadib ILAAHAY waxa uu arlada ku soo dajiyaa jacaylka adoonkaasi uu jeclaaday sidaas ayayna Umadu ku jeclaataa qofkaas. Hadii aad aragto qof umadu jeceshahay ogow ILAAHAY ayaa jecele.

Suugaanyahankii weynaa ee reer hindiya Basham Sahni ayaa yiri:Waagii caruurnimada waxaan sigaar ka xadi jiray aabbahay, ...
15/07/2022

Suugaanyahankii weynaa ee reer hindiya Basham Sahni ayaa yiri:

Waagii caruurnimada waxaan sigaar ka xadi jiray aabbahay, markaas aabbahay waxa uu ogaaday in ay jirto cid qoyska kamid ah oo sigaar cabta iyo in lala isticmaalo baakadiisa, waxa uu farta ku fiiqi jiray walaalkay iga weyn markasta oo an sigaar ka xado waxa uu garaaci jiray walaalkey, isaga oo aan haba yaraatee iga shakin...

Inkastoo walaalkey iga weyn uu aabbahay ugu dhaaran jiray wax kasta oo xurmo ah, balse aabbahay marna ma rumaysan dhartiisa, aabe si uu u yaqiinsado shakiga uu kaqabo walaakey maalin ayuu seexday qolka jiifka isagoo iskadhigaya wax hurdaya, sugayana in walaalkay uu sigaarka xado, aniga war umahayn jiifka aabbe in uu yahay shirqool aabbe ayaana iqabtay anigoo baakada sigaarka gacata kula jira.

Laakin arinta yaabka leh ayaa ah in uu i xiray isagoo aan waxba igu sameyn, wuxuu yiri: waxaan hubaa in walaalkaa kaa weyn uu kuu soo diray sigaarka oo iisoo xad kudhahay, markaas buu u tagay walaalkay si xun aya loo garaacay mar kale.

SHEEKO GAABAN DAREENA WADATO  AKHRI.....................Wey fadhiday, sida caadada aheyd ilaa uu u yimid KABALYEERIGII w...
14/07/2022

SHEEKO GAABAN DAREENA WADATO AKHRI.....................

Wey fadhiday, sida caadada aheyd ilaa uu u yimid KABALYEERIGII wuxuu ku dhahay;

Soo dhawoow qaxwada(kofeeyga lacabo)ayaan kuu keenay marwo
Waxay ugu jawabtay: mahadsanid
Kadib wuxuu yiri:lkn qaxwadan waa midkii sedexaad aan kuu keeno mana cabeysid ,maxaa dhacay marwo?
Waxay ku tiri: Sababtoo ah aniga qaxwada macabo !!
Wuxuu yiri:maxaad udalbatay markaa?
Waxay ku tiri: shaqo kuma lihid ;
Wuxuu yiri:Aniga meeshan ayaan shaqaale ka ahay waana ka shaqeeya maqaayadan,lkn aniga waxaan kula dhigtaa is la jaamacada aad dhigatid adiga!!"waxaan umalaynayaa in aadan ogeyn arintan lkn aniga si adag ayaan kuu raac raaca waana ku daawanayaa markasta. ;

Waxay ku tiri:sabab ....????
Wuxuu ku jawaabay:waxaan dareemayaa inaad tahay qof cajiib ah oo aad marwalba dareen badan tahay ,waxaan ku arkaa adigoo qoslaya lkn si lama filaan ah aad u ooydo ama aad umurugooto isla daqiiqadii...!!;
Aniga shaqada ayaan imaadaa maalin walbo, waana jeclaaday shaqada adiga dartaa, adiga ma ogid waxaan sameeyo.....
Waxaan dhibaa oon nafta ukeena shaqsi kasta oo adiga ku dhiba oo kugu jees jeesa...:;!!

Waxay ku tiri:maxaa dhacay??

Asiga: haa, aniga ma dareemo daganaan ilaa aan adiga ku arko mooyee! Maalin walibana waa ku daba raaca,........ icafi marwo aad ayaan uga xumahay!!!?

Iyada:waan ka xumahay!! Sabab??? Maxaad ka xuntahay?

Asiga:waan ka xumahay:: waan kudaawada mar waliba, waxaana kuu raaca gurigaada adiga aan i ogeyn habeen kasta,,!!
Iyada: hagaag! ......... aan kusoo laabano mowduuceena?
Asiga: lkn mowduuca k**a aanan hadlin waa maxay mowduuca??
Iyada: haa ,mowduuca wakan: Sooma aadan iweydiin sababta aan kaaga dalbado qaxwada (kofeeyga) hadan aan u cabeeynin???
Asiga: Haa sidaas ayaan ku dhahay!
Iyada:aniga dhab ahaan ma jecli qaxwada, lkn waan kaa dalbadaa si aan adiga kuu arko!!!.🤨😰

Waxaa la yidhi: qofka aad dareento adna sidoo kale wuu ku dareema mahan waxan iska dhigayno anaga , ee luqadu nafluhu waa mid aan ku khaldamin qofka ay aktiisa daganaan iyo nabad galyo ka hesho 😰🥲❣

فاين العاشقين الله يسعدكم ويحفظكم يارب 😍😋

Cadaani follow me ✍

09/07/2022


08/07/2022

Siduu ahaa Xajka Carafa ee maanta?
Markii ugu h**eysay muddo laba sano ah, muslimiin badan ayaa isaga yimid daafaha caalamka, kadib safmarkii Karoona.

Galab dhac iyo banka
08/07/2022

Galab dhac iyo banka

08/07/2022
08/07/2022

Waa dareen aad u cajiiba

08/07/2022

QISADA NINKII ASKARIGA SALDHIGA SALAAMEY EE LA XIDHAY

02/07/2022

Waxay dhakhaatiirtu ii sheegeen in aanan dib u socon doonin markale, laakiinse hooyaday waxay ii sheegtay in aan awoodo ...
02/07/2022

Waxay dhakhaatiirtu ii sheegeen in aanan dib u socon doonin markale, laakiinse hooyaday waxay ii sheegtay in aan awoodo markale inaan socdo! Waxaan rumaystay hadalkii hooyaday.
WILMA RUDOLPH haweenayda ugu dheereysa aduunka !

Waxay ku dhalatay gobolka Tennesse ee wadanka Maraykanka, Sannadku markuu ahaa 1940kii, markii ay jirsatey da'aadda afar sanno, waxaa helay xanuun halis ah, oo u horseeday in dhinac kamida jidhkeedu qalalo (Hemiplegia)!

Taaso lugta bidix loogu xidhay bir, markii dambe sababay in lugta qalooc ku yimaado ama (Sprained ankle) uuna xanuunkani sababi gaadhay in lugta la jaro si kedis ah, waxa ay noqotay mid aan awoodi karin inay samayso wax dhaqdhaqaaq sida caruurta kale ee qayrkeed, waxa ay dhakhaatiirta ka maqashaa hadalo ah, "mar dambe ma socon karto macal haddii ay socoto uma socon doonto sideedi dabiiciga ahayd ee ay ahaan jirtey" mar walba ay maqasho hadalladan wilma rudolph, waxaa sii xumaata xaaladeeda nafsiyeed!

Wilma rudolph hooyadeed waxa ay sii joogtaysey hayaankeeda ahaa inay inanteedu caafimaado, wilma waxay si joogta ah, u waydiin jirtey hooyadeed, "miyaan awoodi karaa in aan markale socdo?

Waxa ay hooyadeed ugu jawaabi jirtey si kalsooni ah, "haa waad awoodaa! Maalin ayay ogaatay WILMA RUDOLPH machad tababara naafada, gaar ahaan wuxuu diyaariya kuwo qayb ka noqda tartanka olombikada ee naafada, waxay WILMA hooyadeed u sheegtay inay tagaan soona eegaan, waxa ay qabanayaan, hooyadeedna waxay u balamisay waqti ay kusoo booqdaan machadkan!

Maalintii ugu horreysay ee wilma rudolph tagto machadka naafada, waxay la kulantay haweenay kamida halyeeyadii h**e ee tartanka orodka, waxa ay wilma rudolph u sheegtay inay taageero u tahay ayna jeceshahay inay maalin uun noqodo sideeda oo kale! Laakiinse gabadhii waxay ku tidhi wilma; xataa waxaa macquul ah, inaad iga wanaagsanaato aniga!

Waxa ay wilma ku tidhi gabadhii halyeeyada ahayd: sidee?, kadib waxay ugu jawaabtay; rumee awooda gudahaaga, keliya markaas ayay dhici karta mucjiso walba!

Wilma rudolph waxay ku faraxday hadalka ka yeedhay gabadhii halyeeyada ahayd, waxayna bilawdey inay nolosheeda badesho, waxa ay wilma rudolph bilawdey jimicsi iyo daawayn qaadatay sanado, waxay layaab iyo kedis ku noqotay dadkii oo dhan, markii wilma rudolph ku istaagtay lugaheeda bir la'aan waxayna bilawday inay socoto qunyar! In kasta oo markii dambe soo wajaheen xanuuno, iyadoo ku sugan da'aadda12 sanno, waxa ay ka adgaatay dhamaan xanuuno badan oo ku dhacay nolosheeda!

dugsigeedi sare, wilma rudolph waxa ay ku biirtay kooxda kubada kolayga iyada oo tusaale ka dhiganaysa wadadii walaasheed, arintan oo fursad u noqotay si ay u barato tababare 'Ed temple' wuxuu aad ula dhacay wilma orodkeeda iyo dhaqdhaqaaqeeda, waxa uu siiyey tababar adag si uu dibada u keeno hibadeeda cajiibka ah!

Waxa ay wilma rudolph ka qayb gashay tartano badan oo maxaliya sida tartankii olombikada 1960, kadibna ay gaadhay guulo waa weyn oo cajiib ah, sida tartankii 100 mitir kaaso ay ku gaadhay 11 s***n (second), kadibna waxa ay ka qayb gashay tartanka orodka 200 mitir kuna gaadhay 23 s***n (second) gudahood, taaso ka dhigtay tartankan rikoodh cusub looguna yeedhay magaca "haweenayda ugu dheeraysa aduunka", dabadeed waxa ay wilma rudolph ka qayb gashay tartan lugu qabtay gobolka Tennesse kaaso lugu tartamay masaafo 400 mitir, wilma waxay awooday inay ku gaadho 44 s***n (second) gudahood, tartankan waxay ku xaqiijisay rikoodh caalamiya kuna guulaysato abaal-marino kala duwan!

Gabadhan oo yaraanteedii ahayd mid curyaan ah, noloshana ku waheliyaan xanuuno halisa, waxay ka gudubtay dhamaan caqabadihii ku hareersanaa nolosheeda. Waxay aamintay nafteeda inay maalin uun dib u socon doonto ayna rumayn doonto riyooyinkeeda!

Waxa aynu qisada wilma rudolph ka qaadanayna in nolosha xaalad walba aad ku sugantahay laga quusan.

Turjumaad Adnan Mohamet

10 Qodob Oo Kaa Dhigaya Qof Bisil, Noloshiisa Hanan Kara Fikirkiisana Dadka Ku Qancin Kara afkaarta, qof bisil__________...
01/07/2022

10 Qodob Oo Kaa Dhigaya Qof Bisil, Noloshiisa Hanan Kara Fikirkiisana Dadka Ku Qancin Kara afkaarta, qof bisil
______________________________________________

Shaki kuma jiro in marxaladda carruurnimo ay ka mid tahay marxaladaha ugu wanaagsan ee uu aadamuhu soo maro, ma’ laha xakame iyo xisaab ama masuuliyada cusub oo farxadda u diidaa, keliya waa cun oo ciyaar. Laakiin suurtogal ma’aha in marxaladdaasi ay waarto, qof kastaana isaga oo aanay cidi kala tashan, doonistiisa iyo diidmadiisa midna iyada oo aan loo eegin ayaa haddii wad daayo ay da’du isguraysaa, illaa uu noqdo qof bisil oo fikir iyo aragti looga fadhiyo. Koritaanka saxda ahi ma’aha ka jidhka oo keliya ah, balse waa ka uu caqligu la koro da’da qofka, barbaarinta iyo edbintuna kuma joogsato ta caruurnimada ee waalidka laga rabo, balse waxaa waajib ah in qofku uu si joogto ah naftiisa u siiyo duruus edbin ah iyo barbarin uu naftiisa iyo akhlaaqdiisa ku sameeyo, si uu u yeesho awood uu ku xak**ayn karo jawaab-celintiisa, fikirkiisa iyo hab-dhaqankiisa.

Si kastaba ha ahaato ee marxaladaha kala duwan ee dhinaca tarbiyada iyo bisaylka uu aadamuhu u maro waxaa ugu adag ta kala guurka ah ee u dhexeysa marxaladda carruurnimo iyo marxaladdaa bisayl, waxaa ku adkaata in uu iska reebo raadka carruurnimo oo uu bulshada ku dhex joogo qaan-gaadhnimo dhinaca maskaxda ah.

Qormadan aynu afsoomaali usoo rognay waxa ay bixinaysaa talooyin muhiim ah oo qofka raaca ka caawin kara in uu noqdo qof bisil, naftiisa hanan kara, is-xak**ayn og oo jawaab-celin caafimaad qabta bixin kara.

1. Aragtidaadu ha noqoto mid waaqaca aad joogto la jaanqaadaysa:
Carruurnimadu waxa ay caan ku tahay riyo maalmeed ilmaha u sawirta nolol ubax keliya la arkayo, ilmo kastaa waxa uu si farxad leh ula nool yahay duni wada khayaali ah oo uu isu arko in uu yahay halyeey iyo geesi aan hortii la arag mid u dhigma, ama uu u macaamilo sida amiirrada dunida uu sawirayo filimka carruureedka Disney. Laakiin runtu taas aad ayaa ay uga fog tahay, sidaa awgeed waxa qasab ah in aragtida aad nolosha ku eegaysaa ay noqoto mid waaqaca iyo runta hortaada taalla ka duulaysa. Cidi kaama doonayso in aad faraha ka qaaddo himiladaada iyo riyadaada laakiin waxa aad ogaataa in aad joogto waqtigii aad cagaha si buuxda inta aad dhulka u dhigto bilaabi lahayd xaqiijinteeda, adiga oo duruuftaada runta ah og. “Dantaada iyo madaxaaga midna lagama boodo”

2. Muuqaaga duleed danee:
Xilliga carruurta dan k**a gashid waxa aad ku labbisanayso, keliya waxaa muhiim kuu ah in aad faraxsan tahay, laakiin marka aad jaamacadda gasho ama shaqo tagto waxaa qasab ah in dharka aad xidhanaysaa ay noqdaan kuwo kuu qalma, haddii kale dadka oo maangaab isaga badan ayaa kuu malayn doona in aad tahay ruux aan weli caqli ahaan bulshada soo dhex geli karin, waxa aanad arki dad badan oo aan kuuba arkayn in aad u qalanto mustawaha runta ah ee aad nolosha bulshada ku leedahay.

3. Naftaada ku kalsoonoow:
Waxa aad ku dadaashaa in naftaada aad ku beerto kalsooni, shakhsiyaddaada intii suurtogal ah aad ku qanacdo. Cidina ma’ jecla mana danayso ruux walaac badan oo aan hal-adayg lahayn. In aad noqoto ruux naftiisa ku kalsoon waxa aad ku kasbanaysaa ixtiraamka dadka iyo in ay iyaguna kugu kalsoonaadan. Laakiin ogow in ay kala duwan yihiin naftaada oo aad ku kalsoonaato iyo indho-adayga akhlaaqadaada dhaawacayaa.

4. Baro sida loo doodo:
In qofku doodda u bisil yahay waxyaabaha lagu garto waxaa ka mid ah, in aanu qaylin, in aanu cadhoon inta dooddo socoto iyo in uu naftiisa xak**ayn karo oo erey kastaa inta aanu afkiisa ka soo bixin uu garan karo saamayn taban iyo mid togan ka uu yeelan karo, tusaale ahaan in aanu ereyo xun, aflagaado ama meel ka dhac iskaga dhawaaqin. Qofka bisil waa in uu awood u leeyahay in doodda uu ku jiro uu u maamulo si deggen oo ilbaxnimo sare ka muuqato. In aanu wax kasta oo uu maqlay iskaga doodin ee erey kastaa uu noqdo mid uu xujo iyo caddayn u hayo, sidoo kale aragtida uu ku adkaysanayaa in ay noqoto mid cilmi ku fadhida. Waa in uu noqdaa qof maskax furan oo awood u leh in uu aqbalo aragtida dadka kale, haddii uu ku argo run iyo saxnaan.

5. Shucuurtaada xakamee:
Sifooyinka shakhsiga ah waxaa ugu muhiimsan in qofku uu noqdo qof awood u leh in uu jawaab-celintiisa xak**ayn kara. Iska jir in cadhadu kaa xoog badato oo ay dibadda soo dhigto shucuurtaada runta ah. Ku dadaal in jawaab celintaadu noqoto mid miisaaman, oo u qalanta munaasabadda iyo qofka aad la hadlayso labadaba. Iska jir cayda iyo aflagaadada, gaar ahaan marka qofka aad la doodaysaa uu isku dayo in uu sanka ku taabto (Kaa cadhaysiiyo) ama wax uu og yahay in aad ka xumaanayso uu si badheedh ah u sameeyo.

Ilbaxnimadu waa in aad qofka si deggen ugu sheegto waxa aad diiddan tahay ama kaa cadhaysiinaya, haddii uu ku sii socdana si dhibyar uga ag fogow, hana siinin fursad dambe oo uu arrintaas ku cabbiro.

6. Jidka noloshaadu marayso adigu taladeeda gacanta ku hay:
Waxaa waajib ah in aad noqoto ruux awood u leh in uu qaato go’aamada naftiisa khuseeya, si maamulidda jidka noloshiisu maraysaa aanu gacantiisa uga bixin. Qofka bisil waa kana an ka baqan go’aanka uu qaato wax aka dhalan kara ama natiijada ku lammaanaan karta. Keliya si fiican u fikir, dhammaan talooyinka lagu siiyo iyo kuwa maankaaga ku jira si fiican u eeg, mid midna u qiimee, illaa ay kuu suurtogasho in aad ka aad isleedahay wuu ugu habboon yahay doorato.

Waa arrin caadi ah in aad qoyskaaga iyo saaxiibbadaa cidda aad doonto kala tashato, laakiin waa in aad niyadda ku hayso in go’aanka ugu dambeeya ee aad qaadanaysaa uu noqdo ka ay naftaadu ku qanacsan tahay in uu saxdii yahay, xitaa haddii uu ka hor imanayo qaar badan oo ka mid ah talooyinkii muhiimka ahaa ee lagu siiyey. Waayo ugu dambaynta go’aankani adiga ayuun baa uu ku khuseeyaa dhib iyo dheef wixii ka dhashana la noolaan doona.

7. Ha ka baqan in aad waajahdo mushkiladdahaaga:
Qofka bisili waa ka aan ka warwareegin kana baxsan masuuliyadaha saaran iyo mushkiladaha shakhsiga ah ee haysta, balse ku waajaha hal-adayg, si fiicanna u garan kara sida ugu habboon ee uu xal maangal ah ugu heli karo. Waxaa fiican in qofku uu qirto ceebihiisa oo dhan ka hor inta aanay cid kale u sheegin ceebtiisa. Ogow, ma jiro qof aan ceeb lahayni, laakiin waxaa jira qof garanaya sida ay tahay in uu u waajaho iskagan caabiyo, iyo qof iska daaya inta ay ceebtaasi sii naaxayso ee ay noqonayso boog madow oo shakhsiyaddiisa ku taalla. Qof kastaa labadaa ha kala doorto.

8. Qoyskaaga daryeelkooda ogow:
Berigii h**e labadaada waalid ayaa ku siin jiray wax kasta oo aad u baahato, oo daryeel iyo gacan-qabasho ah, waana hubaal waalidkaa inta uu nool yahay ee uu awood u leeyahay in uu ku garab taagnaan doono, laakiin miyaanay kula ahayn in la gaadhay waqtigii aad adigu masuuliyadahaaga la wareegi lahayd. Macnuhu ma’aha in lagaa doonayo in aad maamusho ganacsiga iyo shaqada aabahaa qabto, sidoo kale ujeedadu ma’aha in markaba lagaa rabo in aad adigu la wareegto masuuliyaddii biilinta qoyska, laakiin waa in aad marka h**e ugu yaraan isku daydaa in aad mushkiladaha qoyska u dhuun daloosho xal u raadintoodana qayb ka ahaato. Maanta ayaa aad weli dhowdahay ee naftaada ku tababar in kharashka ay isticmaalayso ee shakhsiga ahi uu noqdo mid caqli iyo xisaab ku socda, masuuliyadahaaga oo aad la wareegto waxa aad ka bilaabaysaa in aad marka h**e yarayso ku tiirsanaanta dhinaca kharashka ee waalidkaa, oo aad ku dadaasho in marka aad waxbarashada dhammaysataba raadsato shaqo.

9. Cafiska ogow:
Nacaybka, calool xumada iyo in aad aargoosi u oroddaa k**a mid aha dabeecadaha lagu yaqaanno shakhsiga bisil. Qofka nolosha u bisili waa qof si tolmoon u fikiraya, awood u leh in uu cafiyo khaladaadka dadka ku xeeran kaga yimaadda, aqbalana raalli gelinta cidda ku gefta. Qofka nolosha u bisili waa ka aan ku fikirin aargoosiga, xumaantana aan xumaan kaga jawaabin, haddii aad dabeecaddaa baratana waxaa hubaal ah in aad noqonayso qof aan nafsi ahaan u xasiloonayn, markastana maskaxdiisu ku mashquulsan tahay aargoosi iyo arrimo caqabad ku noqonaya horusocodkiisa.

10. Ha noqon danayste:
Ku dadaal in aad dadka gacan-qabato, khayr iyo samaanna u rajayso intii aad awooddo. Qofka oo naftiisa uun wanaag kasta la doonaa waxa ay astaan u tahay in uu yahay qof aan xasiloonayn, ammaan darro nafsi ahna dareemaya, waxa ay ka mid tahay dabeecadaha lagu yaqaanno dadka aan fikir ahaan bislayn.

Deeqsinimada iyo wax-bixintu kuka koobna dhinaca adduunka, balse waxaa jira wax bixin dareen ah oo aan la taaban karin oo ka badan tan la taaban karo. Adiga oo ku dadaala in aad farxad geliso dadka kugu xeeran ayaa ka mid ah deeqsinimada ugu habboon.

Ugu dambayntiina, waa in aad kala garato bisaylka iyo weji xidhnaanta, qofka bisili, ma’aha qof weji xidhan, mar kastana si aan kaftan ahayn wax u eega, balse waa qofka garanaya marka ay tahay in uu qoslo iyo cidda ay tahay in uu la qoslo, marka ay tahay in uu waqtigiisa ku raaxayso iyo marka ay tahay in kaftan iyo ilaaq uu dhinac iska dhigo. Qofka aan dhiman in habeen kasta cimri u kordhaa waa lama huraan, cidina waxba kala beddeli karto, laakiin in aad noloshaada ku raaxaysato, dhabta iyo dheeldheelkana isu miisaantaa waa doorasho qofka ka imanaysa oo ay tahay in ay ku dhisnaato maskax iyo awood uu qofku u yeesho qorshaynta, dad aad u yar ayuun baana sida ay tahay uga soo baxa.

Sii share garee oo la wadaag asxaabtaada
Diyaariye: Kamaal Marjaan

Waxa Aad Maanta Iska Aaminto, Ayuun Baad Noqonaysaa Mustaqbalkaagana====================================Qof walba oo inn...
01/07/2022

Waxa Aad Maanta Iska Aaminto, Ayuun Baad Noqonaysaa Mustaqbalkaagana
====================================

Qof walba oo innaga mid ahi waxa uu leeyahay hadaf iyo hiigsi nololeed, waxa jira wax uu qof walba jecel yahay in uu barri ka maalin noqdo, noqoshadaas iyo gaadhidaas waxa sabab u ah in uu qofku hayo waddadii iyo halgankii uu halka ku gaadhayay in uu hadh iyo habeenba ku taagan yahay.
Waxa uu maanta ku fakarayo qof walba, niyadana uu ku haysto ayuun buu noqdaa inta badan mustaqbalkiisu.

Waxa jiray waddanka Masar nin la odhan jifay kaafuur, kaafuur wuxu ahaa nin madaw oo isaga oo silsilado kaga xidhan tahay lugaha iyo gacmaha, isaga iyo mid kale oo madaw oo saaxiibkii ah sidaa si le'eg silsilado lugaha iyo gacmaha ugu xidhan yihiin ayaa la keenay magaalada Qaahira ee caasimadda waddanka Masar.
Inta la keenay suuqa addoonta ayaa saf la istaajiyay, si loo iibiyo. Iyaga oo sidaa u taagan oo sugaya dadkii iibsan lahaa in ay yimaadaan oo ay iibsadaan, ayaa kaafuur saaxiibkii ku yidhi: "Maxaad jeclaan lahayd maanta meeshan aan taganahay."
Saaxiibkii ayaa ugu jawaabay "waxa aan jeclaan lahaa iyada oo uu maanta yimaado nin hilible ah, kadibna uu i iibsado, si aan hilibka ugu jarjaro oo aan waligay la joogo si aan uga dhargo hilibka"
Kaafuur ayaa isna ku yidhi saaxiibkii "laakiin anigu waxan jeclaan lahaa dalkan aan maanta imi anigoo addoon ah, waxbana haysan, inaan maalin uun noqdo ninka ugu sareeya uguna awoodda badan ee xukuma.
Waxa dhacday intaa kadib inuu yimi nin la yidhaahdo ikhshiid oo ahaa boqorka ugu caansan uguna xooga weynaa boqortooyada waddanka masar ka talinaysay xilligaa, wuxuna iibsaday kaafuur. Ninkii kalena waxa uyimi nin hilible ah oo isna iibsaday.

Boqorkii markii uu kaafuur iibsaday waxa uu ku daray addoomihiisa, laakiin markii uu arkay maskaxdiisa, firfircooniddiisa, kartidiisa ayuu wuxu ku daray askartiisa.
Markii uu askartii muddo ku jiray wuxu noqday askariga ugu geesisan, uguna cajiibsan.
Boqorkii markii uu ka yaabay kaafuur wuxu siiyay xornimaddiisii. Sannado kadibna wuxu ka dhigayba mid kamida wasiiraddiisa.
Wuxu noqday wasiirkii ugu horreeyay ee madaw ah, ee masara xukuma.
Kaafuur wuxu noqday wasiirka kaliya ee laga baqo, lagana dambeeyo, ee kalmadiisu ay seef oo kale ahayd, dadkuna ay ka cabsadaan.

Markii uu dhimanayay boqor Irshiidigii ayuu wuxu yidhi Kaafuur: "Ma arko cid kaa wacan oo waddanka hoggaminkarta, maadaama ay inamadaydduna yaryar yihiin, markaa waxa aan doonayaa in aad adigu waddanka xukuntid." Sidii ayuu Kaafuur kula wareegay taladii iyo xukunkii waddanka.

Buugta taariikhdu waxa ay sheegi ama ay soo werisaa, Kaafuur in uu xukumayay masar muddo 23 sano ah, in dawladda Iqshiyaddu ay ahayd dawladda ugu awoodda badan waqtigaas, Kaafuurna uu ahaa ninka ugu geesisan dawladda. Waxa uu soo dajiyay xukuno fara badan oo ka tarjumayay dalka wanaaggiisa iyo horumarkiisa.
Dawladda Shiicada oo markaa doonaysay inay weerarto Masar way weerari kari wayday, iyada oo odhan jirtay ma weerari karno ilaa inta uu ka joogo xukunka dhagaxa madoobi (Kaafuur).
Waxa kale o la sheegaa buugta taariikhduna soo werisaa in caddaaladda iyo barwaaqadu heerka ay gaadhay, in la waayay xitaa miskiin qaata sakadda oo lacagtii ay ka buuxsantay baytul maalkii muslimiinta.

Qisadan waxa aan ku soo qaadanaynaa in aad hammigaaga ka dhabayso, kaliya waxa kaa xiga waa jidka saxda ah oo ad qabsatid kadibna dadaal iyo h**e socod la timaado, wixii kula woo gudboonadana aad samir ku dhaafto, si aad u xaqiijiso yoolkaas weyn ee aad dhigatay gaadhidiisa. Bal ufiirso halkee ayuu nolosha kasoo bilaabay Kaafuur!! Halkee ayuu gaadhay markii danbe!! Saaxiibkii sidii ayuu weli addoon u yahay uguna shaqeeya hilible!!!
Haddaba noloshu waxa ay macno kuu samaynaysaa, marka aad leedahay hammi iyo meel aad hiigsanayso inaad gaadho, islamarkaana aad bixinayso dadaalkii aad ku gaadhi lahayd meeshaas.

Soomaalidu waxa ay kuu maahmaahdaa "Haddii aad ducaysanayso, Ilaahay wax weyn baa la wayddiistaa." Taas oo macnaheedu yahay haddii aad wax doonayso waxyar oo la heli karo iskana fudud, haka dhigan hankaaga usarreeya, balse ka dhigo wax weyn oo meel sare ku gaadhsiinaya.

Haddii aad maanta ku fakarayso inaad noqoto dhakhtar, hilible, biyoole, tuugsade, aqoonyahan, ganacsade, sheekh, madaxweyne, sharci-yaqaan, hantiile, baalashle, macallin IWM. Waad noqonaysaa barri ka maalin haddii wadku ku daayo, dadaalkeedana uu kugu jiro.
Adiga ayaa leh dookha waxa aad rabto barri ka maalin inaad noqoto, ogow haddii hankaagu yahay meel hoose aadna ku qanacsan tahay hooseynta, halkaas ayaad joogi waligaa. Haddii kale se, oo aad jeceshahay sareynta iyo ka shaqaynta meel sare waxa aad joogi halkaas. Taasoo ka dhigan in qofwalba nolosha waxa uu jecel yahay inuu u dadaali karo ama ha noqdo wax hoose ama wax sare.

Maxaad jeceshahay hadda oo ku hammidaa in aad barri ka maalin noqotid?
Fadlan walaal, adiga oo mahadsan share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u akhriyaan qoraalkan.
Qallinkii: Maxamed-Deeq-Darajo

30/06/2022



 26
26/06/2022


26

Wuu iska faraxsanayahay Waxa dhacay ma oga .✅Wiilkan reer Afganistaan ah Waalidiintiisa oo dhan Waxay Ku geeriyodeen dhu...
24/06/2022

Wuu iska faraxsanayahay Waxa dhacay ma oga .
✅Wiilkan reer Afganistaan ah Waalidiintiisa oo dhan Waxay Ku geeriyodeen dhul gariirkii Dhawaan ka dhacay Dalkaasi afganistaan .kaligiisa ayaa ka badbaaday .

Allah u naxriisto hooyadiisa,Aabihiisa iyo walalihii la dhashay .

24/06/2022

"40 Cisho Waxba ma cunin"
Jawaar Max'ed Muxuu ka sheegay Nokoshiisii adkayd ee uu soo maray.

Nimaan Osman Ayaa Tarjumaya.

23/06/2022

Africa oo kaliyaa tani kadhacday

22/06/2022

Yaa Sharciga Tuurta ku qaatay?

MM TV




22/06/2022

By By
This is Jamiila journey
Haa
Isooraaca

22/06/2022

Intay cadaalad inooga imaan hadiiba inagu isdulminhayno
4.5 meela cadaalad kagama jirto Somali sidaan cadaalad uguma jirto

Like
Share
Follow

Somalia
22/06/2022

Somalia

21/06/2022

Gabadhii jacayl ku kadhaxeeyay ayaa laga guursaday

Hadana gababdhkale oo uu jacayl dhab aha uqaaday ayaa shil gaadhi kaga geeriyootay 🙁

21/06/2022

Xildhibaano Su’aalo kulul waydiiyay Gudoomiye Xinif, ka dib maxaa dhacay. Halkan ka daawo siina share-garee

Abdisamed Giirre

21/06/2022

Muqdisho waxaa joogto ah dadka shacabka ah ee ciidamada dawladdu ku dilaan wadooyinka, marka ay jidadka furanayaan.

Wariyaha BBC Saxnuun Axmed ayaa la kulmay dhibanayaasha ay naafeysay rasaasta canshuuertooda lagu gado.

B B C

Masar; Wiil ayaa gawracay gabadh ay jaamacada wada dhigan jireen oo guur ka diiday.
20/06/2022

Masar; Wiil ayaa gawracay gabadh ay jaamacada wada dhigan jireen oo guur ka diiday.

20/06/2022

Ciidamada dowlada oo rasaas ku furay qaar ka mid ah ardaydii galeysay imtixaanka dowladda ee dugsiga sare.

Farxaan Baraale ayaa ka waramaya

19/06/2022

Xukuumadda Deegaanka ayaa isbadalkii kadib Magaaladda Jigjiga ee Caasimadda Deegaanka Waxa ay ka hirgalisay Wadooyin laami ah kuwaas si casri ah loo dhigay

JTN TV

Beautiful Muscat road Oman 🇴🇲❤️
19/06/2022

Beautiful Muscat road Oman 🇴🇲❤️

15/06/2022

Address

Addis Ababa
251

Telephone

+251904252593

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ahsaan omaar posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Ahsaan omaar:

Videos

Share