Arsenal Somali - Football

Arsenal Somali - Football Kuso dhawoow page-ka Arsenal Somali football

Waxaad halkan kala socon kartaa dhamaan wararka kooxda Arsenal iyo suuqa.

nagu soo biir aan noqonee saxiibo ad isugu dhow. 》kusoo dhowaada page ka Rasmiga ah ee Arsenal Somali - Football. Arsenal Somali - Football waa page ay leeyihiin tageerayaasha Arsenal ee Soomaaliyeed waxa uu soo gudbiyaa

》Warar
》warbixino
》tabinta kulamada ay dheesho kooxda
》taariikhda ciyaartoyda
》Suuqa kala iibsiga kooxda
》iyo wax walba oo Aad uga baahan tahay kooxda. Hadii Aad h**ey noola joog

tay waad ku mahad santahay lasocod kaaga hadii ay tahay markii kugu horaysay ee Aad nasoo booqato fadlan like saar page kan

》》》》Welcome Arsenal Somali - Football 《《《《



●●●●●●●●●●●●●●●●●●●●●●●●



》 Welcome to the Official Page of Arsenal Somali - Football. Arsenal Somali - Football is a page provided by Somali Arsenal fans

》 News
》 Reports
》 Reporting team matches
》 Player history
》Club transfer market
》 And everything you need from the team. If you have been with us before, thank you for following us. If this is your first time visiting us, please like this page.

》》》》 Welcome Arsenal Somali - Football 《《《《

2024/2025 | Shaxda Macquulka ah ee Arsenal.Yaad kusoo dari lahayd ?Ani ahaan 100% waa shaxda aan aminsanahay sanadkan in...
23/06/2024

2024/2025 | Shaxda Macquulka ah ee Arsenal.

Yaad kusoo dari lahayd ?

Ani ahaan 100% waa shaxda aan aminsanahay sanadkan inaan ku ciyaari doono marka loo eego xaalada suuqa ee kooxda.

W/Q Mr - FreeMan

🚨 Arsenal ayaa aad ugu dhow saxiixa Viktor Gyökeres sida ay qoreyso The Mirror 75 Malyan dalab ah ayey Arsenal gudbisay....
23/06/2024

🚨 Arsenal ayaa aad ugu dhow saxiixa Viktor Gyökeres sida ay qoreyso The Mirror 75 Malyan dalab ah ayey Arsenal gudbisay.

Sporing CP ayaa dooneysa lacag 86 malayan ah.

Gyökeres ayaa doonaya inuu yimaado horyaalka Premier League.

W/Q Mr - FreeMan

Emile Smith Rowe iyo Thomas Partey waa labo ciyaaryahan oo xagaagan ka tagi kara kooxda. Halka Ethan Nwaneri uu qarka u ...
23/06/2024

Emile Smith Rowe iyo Thomas Partey waa labo ciyaaryahan oo xagaagan ka tagi kara kooxda. Halka Ethan Nwaneri uu qarka u saaran yahay in loo dalacsiiyo kooxda koowaad xilli ciyaareedka soo socda.

Yaa kale oo aad jeclaan lahayd in loo soo dalacsiiyo kooxda kowaad.?

W/Q Mr - FreeMan

🚨Arsenal iyo Liverpool ayaa wadahadalo la yeeshay wakiilka Nico Williams ee Athletic Club Bilbao. (Xigasho: Fabrizio Rom...
22/06/2024

🚨Arsenal iyo Liverpool ayaa wadahadalo la yeeshay wakiilka Nico Williams ee Athletic Club Bilbao.

(Xigasho: Fabrizio Romano)

Abdulrizaaq Muhameet H. Mrfreeman

William Saliba vs The Netherlands:💪 100% Ground Duels won 🎯 99% Passing Accuracy (86/87)⚽️ 92 Touches 🧱 1 Shot Blocked 🧹...
21/06/2024

William Saliba vs The Netherlands:

💪 100% Ground Duels won
🎯 99% Passing Accuracy (86/87)
⚽️ 92 Touches
🧱 1 Shot Blocked
🧹 1 Clearance
❌ Dribbled past

Rolls-Royce 🇫🇷

Abdulrizaaq Muhameet H. Mrfreeman

Another clean sheet security 🔐 RR 🔥 Abdulrizaaq Muhameet H. Mrfreeman
21/06/2024

Another clean sheet security 🔐

RR 🔥

Abdulrizaaq Muhameet H. Mrfreeman

William Saliba tackling Xavi Simons. 😍RR 🔥 Abdulrizaaq Muhameet H. Mrfreeman
21/06/2024

William Saliba tackling Xavi Simons. 😍

RR 🔥

Abdulrizaaq Muhameet H. Mrfreeman

Laf waynta daafacyada ugu fiican Premier League ayaa ku kulmaya cawada Euro. 🇳🇱🇫🇷Abdulrizaaq Muhameet H. Mrfreeman
21/06/2024

Laf waynta daafacyada ugu fiican Premier League ayaa ku kulmaya cawada Euro. 🇳🇱🇫🇷

Abdulrizaaq Muhameet H. Mrfreeman

🚨Amario Cozier-Duberry ayaa ka tagi doona Arsenal dhamaadka bishaan ka dib markii uu diiday qandaraaskii ugu dambeeyay e...
21/06/2024

🚨Amario Cozier-Duberry ayaa ka tagi doona Arsenal dhamaadka bishaan ka dib markii uu diiday qandaraaskii ugu dambeeyay ee kooxda.

La'aanta dariiq loo maro kooxda koowaad ayaa loo arkaa inay tahay sababta ugu weyn.

[AtleticFC]

Oleksandr Zinchenko ayaa caawiyey goolkii barbaraha ay Ukrian ka dhalisay Slovakia Euro 2024.30 minutes to go. 🇺🇦W/Q Mr ...
21/06/2024

Oleksandr Zinchenko ayaa caawiyey goolkii barbaraha ay Ukrian ka dhalisay Slovakia Euro 2024.

30 minutes to go. 🇺🇦

W/Q Mr - FreeMan

Brazil’s No.1 CB 🇧🇷Abdulrizaaq Muhameet H. Mrfreeman
21/06/2024

Brazil’s No.1 CB 🇧🇷

Abdulrizaaq Muhameet H. Mrfreeman

🚨William Saliba ayaa sii ahaan doona daafaca dhexe ee garabka bidix ee France maanta kulanka ay wajahayaan Netherlands, ...
21/06/2024

🚨William Saliba ayaa sii ahaan doona daafaca dhexe ee garabka bidix ee France maanta kulanka ay wajahayaan Netherlands, ka dib markii ay shaqaaluhu la dhaceen qaab ciyaareedkiisa kulankii Austria.

W/Q Mr - FreeMan

Gareth Southgate " mudo 7 ilaa 8 sano ah waxaan xal u raadineynay khadka dhexe,laakiin hada Declan Rice ayaan helnay,la'...
21/06/2024

Gareth Southgate " mudo 7 ilaa 8 sano ah waxaan xal u raadineynay khadka dhexe,laakiin hada Declan Rice ayaan helnay,la'aantiis ma garanayo waxaan noqon lahayn ."

W/Q Mr - FreeMan

21/06/2024

Aad ayey ugu dhowdahay kooxdu Gyökeres 65 Malyan +.
Halkan isha ku haya Arsenal Somali - Football

| Waxa jira qaabab badan oo uu wax u habayn karay oo u dooran karay Southgate. Laakiin❗️wuxuu  sameeyey, inuu saxaafada ...
21/06/2024

| Waxa jira qaabab badan oo uu wax u habayn karay oo u dooran karay Southgate.

Laakiin❗️wuxuu sameeyey, inuu saxaafada sare ee egland diiradda uu saaro waxay ku shubaan, taasoo isaga iyo xulka Egland ba ku abuurtay culeys xad dhaaf ah , iyo inay wax un kari waayaan iyagoo dhankastaba ka dhisan.

waxaana taas u sabab ah isla qabsi la,aanta ciyaartoyda dhexdooda ah game tatical ka macalinku ciyaarsiinayo oo ah oo ah mid meel uu u socdo iyo meel uu ka socda ba la aqoon.

Game tatical ciyaarta Southgate waa mid uu khaldan yahay habka building up ka u sameeyaan ciyaartoydiisu iyo habka pressingka ay usameeyaan marka ay off the ball ka ay yihiin, taasna waxay ku timid qaabka macalin Southgate u adeegsanayo ciyaartoyda garoonka ugu jira asagoo 4213 kusoo galay oo sadex khad dhexe dheelaaya uu saka iyo foden markuu off the ball ka yahay uu ka dhigaayaa kuwo khad dhexe soo gala oo garbaha baneeya sida sawirka kaaga muuqata taas oo keentay in egland ay u muuqdaan 11ka garoonka ugu jirta kuwo aan waligoodba isla soo ciyaarin fashil iyo kubad xumana kala kulmayay qaramaday u baxayeen qaabka ay wax u raacanayeen labadii kulan ee hadda euro ay ciyaareen.

Isla khalad kaas camal qaab ka building up ka ey usameeyaan egland isna waa mid khaldan oo Southgate isagoo haysta kane iyo saka iyo foden oo ah ciyaaryahano run behind leh oo u baahan tayadoo inlaga faaidaysto uu ka dhigay kuwo aanba waxba kari karin taasna waxaa u keentay nooca game titical uu u adeegsanayo iyadoo saas khaldan uu adeegsanayo uu hadana khadka wuxuu playerada uu soo adeegsaday ee rice iyo trent iyo Bellingham iyagana uu ka dhigay kuwa aan waxba tari karin midaasna waxaa keentay nooca game tatical ee uu u adeegsaday.

isagoo hibada trent uga faaidaysan kara nooca jorden klopp season kii hadda soo idlaaday ee inverted ka ciyaar siinayay uu Southgate u adeegsaday no 8 rasmi ah taas oo dhumisay kubadii trent Alexandero Arnold.

Arnold isagoo uga faaidaysan kara aragtidiisa kubada dhaadheer ee uu leeyahay haduu sameyn lahaa in uu saka iyo foden ka dhigo garbo toos ah oo run behind sameeya laakiin ma noqon mid noocaas isticmaala, taasaana jahwareer galisay xidigiha caalamiga ah uu wato.

Ingriiska waligay ma arkin wax xukun uu leeyahay macalinka maamulaaya oo isagu game tatical iyo falsadiisa macalin nimo uu wax ku dheelsiinaayo oo playerska isagu uu rabo uu kusoo kula xulanaayo.

Intaas macalinkii xagaan loo dhiibana saxaafada egland aa hebel aa saan ah iyo kanaa saan ah wax ugu soo xula oo playerkay iyagu rabaan ku ciyaarsiiya.

waligoodna waxba hanan maayaan xaqiiqdii intay saan wax kuwadaan noloshooda hadaysan badalin midaan.

W/Q Mr - Abdulrizaaq Muhameet H. Mrfreeman ✍️

Kai havertz ayaa sameeyey isku dayo goal laga filan karo intay sameeyeen xulka Egland oo dhan in u dhow ,  Kaliya wuxuu ...
20/06/2024

Kai havertz ayaa sameeyey isku dayo goal laga filan karo intay sameeyeen xulka Egland oo dhan in u dhow , Kaliya wuxuu ciyaaray king kai 121 daqiiqo 👑🔥

According Squawka Football

Abdulrizaaq Muhameet H. Mrfreeman

🚨RASMI: Waxaa dib usoo laaban doona cup kii Emirates Cup xagaagaan iyadoo Arsenal ay wajihi doonto Bayer Leverkusen 7da ...
20/06/2024

🚨RASMI: Waxaa dib usoo laaban doona cup kii Emirates Cup xagaagaan iyadoo Arsenal ay wajihi doonto Bayer Leverkusen 7da Agoosto iyo Olympique Lyonnais 11ka Agoosto.

Abdulrizaaq Muhameet H. Mrfreeman

🚨 | Labada xidig ee xulka sadexda libaax hogaaminaaya , ee one iyo two ga ku kala jira main man players ka xulku wato ay...
20/06/2024

🚨 | Labada xidig ee xulka sadexda libaax hogaaminaaya , ee one iyo two ga ku kala jira main man players ka xulku wato ayaa kusoo bilowday safka koowaad ee caawa.

Nasiib wacan 105million bargain Declen Rice iyo Star Boy Bukayo Saka ❤️🤍🙌

Abdulrizaaq Muhameet H. Mrfreeman

Sida laga soo xigtay xogta majalada  oo ka socota .. Dalabyo "rasmi ah" oo ka yimid Arsenal (20 milyan euro) iyo Borussi...
20/06/2024

Sida laga soo xigtay xogta majalada oo ka socota ..

Dalabyo "rasmi ah" oo ka yimid Arsenal (20 milyan euro) iyo Borussia Dortmund (25 milyan euro) ayaa gaaray Fenerbahce si ay ula soo saxiixdaan Ferdi Kadioglu.

Lacagta uu doonayo madaxweynaha Fenerbahce Ali Koc ayaa ah 35 milyan oo euro.

Abdulrizaaq Muhameet H. Mrfreeman

🚨 Xaalada dhaawacyada ee Kooxda.
20/06/2024

🚨 Xaalada dhaawacyada ee Kooxda.

30 Days aanan daawanan Arsenal oo ciyaaraysa.pre-season kii intee ka dhiman qaraabo, Arteta ball daroogo camal ay jirkay...
20/06/2024

30 Days aanan daawanan Arsenal oo ciyaaraysa.

pre-season kii intee ka dhiman qaraabo, Arteta ball daroogo camal ay jirkay u saaqdee ?

Abdulrizaaq Muhameet H. Mrfreeman

Kai Havertz iyo xulkiisa Germany ayaa u soo baxay wareega 16ka ee Euro 2024, kadib markii ay caawa 2-0 ku garaaceen Hung...
19/06/2024

Kai Havertz iyo xulkiisa Germany ayaa u soo baxay wareega 16ka ee Euro 2024, kadib markii ay caawa 2-0 ku garaaceen Hungary.

Waxay si fudud ugu muuqdaan Germany kuwo hanan kara tartankan. 🇩🇪

Abdulrizaaq Muhameet H. Mrfreeman

🚨 KSE waxay si wayn u improve garaynayaan system ka hogaaminta Arsenal waxayna ku kordhinayso tayo aad u saraysa. Cumar ...
19/06/2024

🚨 KSE waxay si wayn u improve garaynayaan system ka hogaaminta Arsenal waxayna ku kordhinayso tayo aad u saraysa.

Cumar Mohammed Shaikh, oo h**e u ahaan jiray ku xigeenka agaasimaha horumarinta ganacsiga ee Liverpool, ayaa si rasmi ah loogu magacaabi doonaa jagada Agaasimaha Global Partnerships & Joint Ventures bisha Agoosto.

Cumar Mohammed Shaikh ayaa kusoo biiray Arsenal tan iyo bishii September ee sanadkii h**e, Waxa uuna si weyn uga qayb qaatay in uu kooxda ka caawiyo in ay gaadho tiro rikoor ah oo kafaalo qaad iyo heshiisyo ganacsi lacageed ah, oo lagu qiyaasay ilaa £190 – £200 milyan.

Xilkan cusub, ee hadda Cumar Mohammed Shaikh loo magacaabi rabo waxa uu qaadan doonaa doorka qaabaynta iyo dejinta istaraatiijiyad horumarineed ee ganacsiga, oo ay la socoto kor u qaadida kobaca dhaqaale ee dheeraadka ah qaybtan!!!

KSE waxa ay dib u habayn ku samaysay wax kasta oo Arsenal ka tirsan - laga soo bilaabo adkaynta xakamaynta lacagaha maaliyadeed ee kooxda si looga fogaado khasaaraha.

Qoyska Kroenke waxay hiigsanayaan inay Arsenal kusoo celiyaan meesha ugu sareysa, waxayna u qaadayaan tillaabo kasta sida ugu adag iyo habka ugu macquulsan...! 🫡

Cumar Mohammed Shaikh waxa uu ka soo shaqeeyay maamulka sare ee Liverpool ku dhawaad ​​7 sano sagaalkii sano oo uu klopp joogay.

Waxa uu sidoo kale 1 sano ka soo shaqeeyay UNICEF UK ka hor inta uusan iman Arsenal.

TRUST PROCESS ❤️🤍👏

W/Q Mr - Abdulrizaaq Muhameet H. Mrfreeman

Sami khedira oo ka hadlaya King of Assist Mesut Ozil ayaa yiri "ozil waa ciyaaryahankii ugu fiicnaa abid aan arko"Abdulr...
19/06/2024

Sami khedira oo ka hadlaya King of Assist Mesut Ozil ayaa yiri "ozil waa ciyaaryahankii ugu fiicnaa abid aan arko"

Abdulrizaaq Muhameet H. Mrfreeman

ARSENAL SQUAD PHOTOS FROM 2002-2024 [THREAD] 🧵
19/06/2024

ARSENAL SQUAD PHOTOS FROM 2002-2024 [THREAD] 🧵

🗣|  Xidiga kooxda Manchester United Mainoo oo ka hadlaya Bukayo Saka ayaa yiri: "Waxaa jiray isbarbardhigyo badan oo aan...
18/06/2024

🗣| Xidiga kooxda Manchester United Mainoo oo ka hadlaya Bukayo Saka ayaa yiri: "Waxaa jiray isbarbardhigyo badan oo aan loo baahnayn oo ka imaanaya warbaahinta oo isku dayaya inay carqaladeeyaan xerada ciyaartoydeena Egland, laakiin waxay moogan yihiin inaan kuligayn ku midaysan nahay in Saka uu yahay ciyaaryahankeena ugu fiican Xulka ee main man ka iyo best player ka noo ah"

Mainoo wuxuu taagan yahay best playerkayna doodaha maalaayacniga ah ee uusan u qalmin oo dad aan eysan isku level aheen kusoo qabanaysaan ka dhaafa goat keyna , sharaftiisa meel ha uga dhicinine.😀

W/Q Mr - Abdulrizaaq Muhameet H. Mrfreeman

🚨 Omar Mohammed Shaikh ayaa loo dalacsiiyay door cusub oo ah Agaasimaha Global Partnerships & Ventures ee Arsenal, oo bi...
18/06/2024

🚨 Omar Mohammed Shaikh ayaa loo dalacsiiyay door cusub oo ah Agaasimaha Global Partnerships & Ventures ee Arsenal, oo bilaabmaya Agoosto.

Shaikh, oo kaga soo biiray Liverpool Sebtembar tii la soo dhaafay, ayaa qaadi doona mas'uuliyadda qaabeynta iyo bixinta istaraatiijiyada ganacsiga iyo kobaca dhaqaalaha.

W/Q Mr - Abdulrizaaq Muhameet H. Mrfreeman

🚨🚨| Ciyaaryahanka kooxda Ben White ayaa lagu arkay isagoo cabaya sigaar Ibiza.yarkaan fasaxii holidayga muqayil uuba isk...
18/06/2024

🚨🚨

| Ciyaaryahanka kooxda Ben White ayaa lagu arkay isagoo cabaya sigaar Ibiza.

yarkaan fasaxii holidayga muqayil uuba iska Noqday meeshuu isku diyaarin lahaa Next season 👀

W/Q Mr -Abdulrizaaq Muhameet H. Mrfreeman

🚨 Ilo wareedyo si dhow ula socda xaalada difaaca Crystal Palace ayaa u sheegay CaughtOffside in Arsenal & Newcastle ay i...
18/06/2024

🚨 Ilo wareedyo si dhow ula socda xaalada difaaca Crystal Palace ayaa u sheegay CaughtOffside in Arsenal & Newcastle ay isha ku hayaan ciyaaryahanka Marc Guehi, labada kooxood waxay isku dayi karaan inay wada xaajood ku furaan ciyaaryahanka.

Crystal Palace ayaa la fahamsan yahay inay ku qiimeysay Guehi ku dhawaad ​​50 milyan ginni, taasoo Arsenal iyo Newcastle ay u arkaan mid aad u sareysa. []

W/Q Mr - FreeMan

🔴⚪️ Karl Hein, ayaa qarka u saaran inuu heshiis cusub u saxiixo Arsenal iyadoo faahfaahintii ugu dambeysay ee qandaraask...
18/06/2024

🔴⚪️ Karl Hein, ayaa qarka u saaran inuu heshiis cusub u saxiixo Arsenal iyadoo faahfaahintii ugu dambeysay ee qandaraaskiisa la dhameystiray - sida ay werisay.

Amaahda ayaa weli ah suurtogalnimo xooggan in la tixgeliyo iyadoo Arsenal ay ku sii wadi doonto heshiis 27 milyan ginni si David Raya uu uga dhigo saxiix joogto ah.

W/Q Mr - FreeMan

Address

Addis Ababa

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Arsenal Somali - Football posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Arsenal Somali - Football:

Videos

Share

Nearby media companies