Sudaysi Media

Sudaysi Media Content Creator

Guddoomiyaha Ururka Hillaac ee Somaliland, Prof.Axmed Ismaaciil Samatar oo ka hadhay doorashooyinka Somaliland, lana had...
07/13/2024

Guddoomiyaha Ururka Hillaac ee Somaliland, Prof.Axmed Ismaaciil Samatar oo ka hadhay doorashooyinka Somaliland, lana hadlaya Awdal iyo Sool:

"Ururka Hillaac oo metela Awdal waxa loo diidey in uu ka barbar tartamo Kulmiye, Ucid iyo Waddani, si doorashadu u noqoto mid loo dhan yahay, waxa i soo baxday in SL aan la wada lahayn oo ay u xidhan tahay dad gaar ah, waxaana dhab ah wixii uu sheegey AUH Prof.Cali Khaliif Galaydh iyo reer Sool - anigu marka waan ka hadhay doorashooyinkaas oo ah kuwo xaaraan ah, reer Awdalmna waxa aan leeyahay ha aqbalina in aad noqotaan 'Muwaadinka labaad'.

Sanad cusubNasiib cusubNolol cusubIlaahay hanooga dhigo mid khayr fara badan wata.
07/07/2024

Sanad cusub
Nasiib cusub
Nolol cusub

Ilaahay hanooga dhigo mid khayr fara badan wata.

" 1Milyan oo followers ah ma ahayn 1 milyan oo lacag ah, buushkeygii ayaan ku laabtay korntadii iyo biyihiina waa layga ...
07/07/2024

" 1Milyan oo followers ah ma ahayn 1 milyan oo lacag ah, buushkeygii ayaan ku laabtay korntadii iyo biyihiina waa layga goostay, carruurtuna waxa ay qarka u saaran tahay in dugsiga laga soo eryo, $10 doollar baa igu fillayd hadda se iguma filna...Bus hallay gado - Tiktok-gii il baa ku dhacdee." - Shamuuri.

Deeq-bixiyayaasha ugu waaweyn ee Dimuqraadiga ayaa hadda billaabay inay si joogta ah uga soo muuqdaan warbaahinta , iyag...
07/07/2024

Deeq-bixiyayaasha ugu waaweyn ee Dimuqraadiga ayaa hadda billaabay inay si joogta ah uga soo muuqdaan warbaahinta , iyagoo ku baaqaya in si deg deg loo beddelo Biden , si loo helo musharrax awood leh oo doorashada November, kula tartama Trump.

Aasaasaha Netflix, Reed Hastings iyo maamulihii h**e ee PayPal, Bill Harris oo malaayiin doollar ku bixiyay ololaha dimuquraadiga , ayaa soo jeediyay in la joogo waqtigii dimuquraadiga uu ku soo bandhigo lahaa musharrax rajo leh ah oo la tartama Trump.

Doodda la xiriirka in la beddelo Biden , ee ka soo billaabay dooddii u dambeysay ee labada musharrax Biden iyo Trump ay yeesheen toddobaad ka hor ah , ayaa waxaa dabka ku shidan markii maalin ka hor waraysi uu bixiyay Biden , uu mar kale ka sheegay hadallo isku dhex yaac ah , sida inoo yahay haweenay madow ah , ayaa si weyn u niyad jabisay taageerrayaasha dimuquraadiga, kuwaaso hadda u muuqda inay sare u qaadayaan cadaadiska ay ku doonayaan in la beddelo Biden oo la soo sharraxo musharrax cusub.

Sawirka; Bill Harris , maamulihii h**e ee PayPal.

UK: Xisbiga Shaqaalaha ayaa ku guulaystay doorashadii guud ee dalkaasi ka dhacday khamiistii taas oo uu helay codadka ug...
07/06/2024

UK: Xisbiga Shaqaalaha ayaa ku guulaystay doorashadii guud ee dalkaasi ka dhacday khamiistii taas oo uu helay codadka ugu badan ee barlamaanka aqalka hoose oo ka kooban 650 kursi.

Sir Keir Starmer ayaa noqonaya ra'iisul wasaaraha cusub ee UK, ka dib markii uu xisbiga shaqaalaha ku hogaamiyay guul weyn.

Wuxuu beddeley siyaasigii garabka bidix Jeremy Corbyn oo ahaa hogaamiyaha xisbiga Labour afar sano ka hor, wuxuuna ka shaqeeyay inuu xisbiga ku soo celiyo garabka dhexe, si uu uga dhigo mid la dooran karo.

Xisbiga Labour-ku waxa uu xukunka ka maqnaa 14 sano, hadda waxaa uu helay 370 kursi taas oo ka dhigaysa inuu helay aqlabiyada baarlamaanka.

Masoud Pezeshkian, oo ah siyaasi isbedel-doon ah ayaa ku guuleystay doorashadii Madaxweynaha ee Iran , wuxuu helay 55% c...
07/06/2024

Masoud Pezeshkian, oo ah siyaasi isbedel-doon ah ayaa ku guuleystay doorashadii Madaxweynaha ee Iran , wuxuu helay 55% cododkii la dhiibtay doorashada, kaddib wareega labaad ee doorashada oo ay ku tartameen musharraxa Saeed Jalili.

Pezeshkian, ayaa Isniintii toddobaadkii h**e dood telefishinka laga sii daayay , wuxuu ka sheegay sida uu u doonayo inuu ula yimaado isbeddelo wax ka beddelaya Iran iyo dadkeeda, wuxuu markaa soo hadal qaaday inuu ka xunyahay sida loo caburinayo dumarka iyo dhalliyarada Iran , halka xayiraada internetka iyo ka hadal mustaqbal ee dhallinyarada uu sheegay inay tahay waxyaabaha uu doonayo inuu beddelo, isagoo arrimaha dhaqaalaha iyo xoojinta awoodda Iran markaa soo hadal qaaday, arrimahana waxaa lagu sheegay inay soo jiideen in ka badan 30 milyan inay ka qaybgalaan doorashada ,kuwaaso u arkayay musharraxnimada Pezeshkian inay doorashada ka dhigayso mid macqul ah. Madaxweynaha cusub ee Iran, wuxuu h**ey u sheegay inuu adduunyada u furayo Iran , kaliya markaa wuxuu sheegay marka laga reebo Israa’iil inay dunidda kale la xaajoon karaan, waxaa kalo uu marar badan si adag u dhaleeceeyay Mareykanka , isagoo taageerraya dhaqdhaqaaqa ka dhanka ah reer galbeedka ee Ilaalada Kacaanka Iran ; sidoo kale waligii k**a hor imaan awoodda hoggaamiyaha sare Ayatollah Ali Khamenei, kaaso kormeera isla markaanna qaata doorka go’aanka u dambeeya ee ay ku dhaqaaqayso dawladda Iran.

Waa kuma Madaxweynaha cusub ee Iran;

Masoud Pezeshkian, waa 70 jir, waxa uu ku dhashay Mahabad ee waqooyiga Iran , sannadkii 1953-kii, waxaa dhalay Aabbe Azeri ah iyo hooyo Kurdi ah. Wuxuu ku hadlaa Azeri wuxuuna muddo dheer diiradda saarayay arrimaha qowmiyadaha tirada yar ee Iran. Waa khabiir ku takhasusay qaliinka wadnaha. Sannadkii 2008-dii wuxuu ka mid noqday golaha shuurada Iran, waxaa kale uu so noqday wasiirka caafimaadka, guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka. Sannadkii 1994-2000-kii wuxuu soo noqday guddoomiyaha Jaamacadda Tabriz ee Sayniska Caafimaadka.
Pezishkian ayaa horay isu diiwaan galiyay doorashadii madaxtinimo ee 2013-kii balse markii dambe wuu ka baxay. Sidoo kale , waxaa laga reebay doorashada madaxweynaha ee 2021-kii.

1994, waxaa shil gaari ku geeriyootay xaaskiisa Fatemeh Majidi iyo gabadh uu dhalay. Dhaqtarku waligii dib uma guursan, wuxuuna koriyey labadiisii ​​wiil iyo gabadh ay u dhashay xaaskiisa geeriyootay.

Alle ha unaxariiste Maydka Marxuum ku geeriyoodey Daadad ka dhashey Roobkii Ka da'ay Magaalada Hargeysa ayaa saaka laga ...
07/06/2024

Alle ha unaxariiste Maydka Marxuum ku geeriyoodey Daadad ka dhashey Roobkii Ka da'ay Magaalada Hargeysa ayaa saaka laga helay Dooxa weyn ee Hargeysa .

Maalmihii udambeeyey Roobab lagu qabawsadey ayaa ka da'ay Qaar kamid ah Magaalooyinka Somaliland.

07/05/2024

ilaahay ha unaxariistee 1 Qof ayaa shalay ku Geeriyooday magalada Borama, Kadib markii uu kusoo dhacay birta, xadhig isgaadhsiineed ku xidhnaa oo ay soo Riday Dabaysha roob-weyn oo galabta ka Da'ay.

Marxuumka ayaa markiiba ku geeriyooday goobta uu Shilku ku Haleelay.

ilaa Hadana lama Xaqiijin Shirkada Lahayd Birtaas sabatay Dhimashada Marxuumka. Mana cada inay Tahay Shirkad isgaadhsiineed ama Shirkad Koronto.

"Soomaali waxa aanu nahay walaalo, waxa aan u dhimanaynay midnimadooda." - Abiy Axmed.
07/04/2024

"Soomaali waxa aanu nahay walaalo, waxa aan u dhimanaynay midnimadooda." - Abiy Axmed.

Raysal wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa u amba-baxay dalka Ciraaq, sida uu xafiisku sheegey waxa uu kulamo la...
07/04/2024

Raysal wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa u amba-baxay dalka Ciraaq, sida uu xafiisku sheegey waxa uu kulamo la yeelan doonaa dhiggiisa Ciraaq iyo madaxda kale ee dalkaasi, oo ay ka wada hadli doonaan xoojinta xidhiidhka labada dal iyo sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha & amniga.

Doorashada Baarlamaanka oo waqtigeeda laga soo hormariyay ayaa maanta ka billaabatay UK, iyadoo waqti horaba loo saadaal...
07/04/2024

Doorashada Baarlamaanka oo waqtigeeda laga soo hormariyay ayaa maanta ka billaabatay UK, iyadoo waqti horaba loo saadaalinayo xisbiga mucaaraadka ah ee Shaqaalaha inuu guul weyn ka gaaro doorashada, kaddib markii shalay xisbiga talada haya uu qirtay guuldarro ka hor inta aananba la aadin goobaha codbixinta, iyaga oo ka digay in xisbiga Shaqaalaha uu ku guuleysan doono kuraasti ugu badneyd ee baarlamaanka markii ugu horreysay taariikhda Ingiriiska.

Keir Starmer oo ah mudane ka tirsan Aqalka Baarlamaanka isla markaana ah hoggaamiyaha xisbiga Shaqaalaha ayaa lagu wadaa in uu noqdo Ra’iisul wasaaraha Britain.

  :- Waxaa Shalay Deegaanka Lebi geel La'aaneed ee Degmada Xarfo laga helay Meydka ama Raqda gabadh ku Habawday Dhulkaas...
07/04/2024

:- Waxaa Shalay Deegaanka Lebi geel La'aaneed ee Degmada Xarfo laga helay Meydka ama Raqda gabadh ku Habawday Dhulkaas Hawdka Ooma soora ah
Gabadhaan ayaa la raadinayay Muddo ka kabadan 1bil iyo 22 Caano maal
Goobta laga helay meydka gabadha yar waxaa tagay Maamulka Degmada Xarfo iyo taliyaha saldhiga Xarfo Xasan Maxamed Cilmi

07/03/2024

DAAWO : Ciidamada Liyuuga Oo Ku dul dhaabteeyey Jabkii Canfarta

Dhab ahaantii waa Difaaca Qowmiyada somaliyeed oo dhan xiligan 2024 waayo waxay dhicinayaan, ilaalinayaan xuduudka iyo dhulka Somaliyeed

Dhacdo kale oo xiiso leh; Wasiirka Hidaha ee Israa’iil, Amichai Eliyahu  wuxuu ku baaqay in loo baahanyahay inay Israa’i...
07/03/2024

Dhacdo kale oo xiiso leh; Wasiirka Hidaha ee Israa’iil, Amichai Eliyahu wuxuu ku baaqay in loo baahanyahay inay Israa’iil qabsato gacanka Siinay ee dhulka Masar, isagoo u sheegay Israa’iiliyiinta inay isku diyaariyaan iibsashada dhulka Siinay.

Hadalkan wuxuu ku soo aaday, waxyar kaddib markii ay Israa’iil soo saartay sharci ku baaqaya inay la wareegto dooxada Jordan ee xadka Daanta Galbeedka iyo dalka Jordan.

07/03/2024

Ra'iisul wasaaraha Netherland ee xilka ka degaya,Mark Rutte ayaa sagootiyay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha - isagoo u gacan haatinaya ninka ka beddelaya xafiiska Dick Sakhof.

Wuxuu kala tagay xafiiska baaskiilkiisa uu la yimid maalinta uu xilka qabanayay. Rutte , dhowaan wuxuu la wareegi doona xilka xoghayaha guud ee isbahaysiga NATO.

Madaxweynaha Ruushka,Vladimir Putin ayaa lagu warramaya inuu ka fikirayo inuu kooxda Xuutiyiinta Yemen ku wareejiyo gant...
07/03/2024

Madaxweynaha Ruushka,Vladimir Putin ayaa lagu warramaya inuu ka fikirayo inuu kooxda Xuutiyiinta Yemen ku wareejiyo gantaallada lidka maraakiibta ee ballistic-ga, kuwaaso gacan ka siin kara inay quusiyaan maraakiibta diyaaradaha xambaara ee Mareykanka oo ku sugan badda cas, sida laga soo xigtay saraakiil sare oo ka tirsan Mareykanka.

Xuutiyiinta ayaa h**ey loo rumeysan yahay inay heystaan ​​gantaallada lidka maraakiibta ee P-800 Oniks oo Ruushku sameeyay, kuwaaso loo soo mariyay Suuriya iyo Lubnaan ka hor inta aan la keenin Yemen, iyadoo warbixinta intaa ku dartay in Dhaxal sugaha Boqortooyadda Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan uu si walba isku dayayo inuu Putin ku qanciyo inuusan Xuutiyiinta u dirin gantaallada lidka maraakiibta.

Xildhibaan Shaadh " Aniga Hooyaday Xabashiyad weeye itoobiyaanku reer abti ayey iiyihiin . 😁
06/29/2024

Xildhibaan Shaadh " Aniga Hooyaday Xabashiyad weeye itoobiyaanku reer abti ayey iiyihiin . 😁

Booliiska dalka Maldives, ayaa maanta xiray labo wasiir oo awood badnaa, muddo dheerna la shaqeynayay madaxweynaha Maldi...
06/28/2024

Booliiska dalka Maldives, ayaa maanta xiray labo wasiir oo awood badnaa, muddo dheerna la shaqeynayay madaxweynaha Maldives, Maxamed Muizzu, iyagoo lagu eedeyay inay sixir madow ku sameeyeen madaxweynaha.

Shamnaz Saleem, oo ahayd wasiiru-dawlaha wasaaradda deegaanka, ninkeedii h**e Adam Rameez, oo wasiir ka ahaa madaxtooyadda iyo laba qof oo kale ayay Booliiska xabsiga u taxaabeen, sababo la xiriira inay sixir ku haysteen madaxweynaha.

Labada Wasiir ee la xiray , waxaa loo arkayay shaqsiyaadka ugu dhow ee madaxweynaha , waxayna la shaqeynayeen oo ay jagooyin sare qabteen intii uu ahaa guddoomiyaha caasimadda Maldives ee Male.

06/28/2024

Reer Garowe oo waxay aamusnaadaan 48-saac kaddib jawaabay Caasimaddana u cimaamaday.

"Xiskii Ictiraaf raboow, inuu Xamar yaal Ogow"

Madaxweynaha Ukraine , Zelensky ; waa is dhiibay  “Dad badan ayaa dhimanaya, ma hayno raggii dagaalka sii wadi lahaa in ...
06/27/2024

Madaxweynaha Ukraine , Zelensky ; waa is dhiibay

“Dad badan ayaa dhimanaya, ma hayno raggii dagaalka sii wadi lahaa in ka badan.. Ukraine ma rabto in dagaalku sii socdo sannado badan, ma haysano waqti intaas le'eg, dad badan ayaa dhimanaya.”

UPDATE : War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in Cali Balcad laga qaaday Xilka wasiiru dowlaha arrimaha dibadda, booskiisa...
06/27/2024

UPDATE : War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in Cali Balcad laga qaaday Xilka wasiiru dowlaha arrimaha dibadda, booskiisana lagu badalay haweyneey safiir ka ahaan jirtay dalka Switzerland, xaafad ahaanna kasoo jeeda maamulka Puntland .

Cali Balcad oo xil gudasho la’aan looga qaaday booskaas ayaa lasiiyay boos maaweelo ah oo lagu sheegay Ergayga Soomaaliya ee Bariga Africa.

Hadde Ogaaw waa urur aysan Soomaaliya weli si buuxda ku biiristeeda u shaqeyn wax laqabtaana aysan jirin.

Waxaa muuqata iney soo dhanmaatay labadii sano ee naasnuujinta lana gaaray xilligii laga taqalusi lahaa cid walba oo kasoo bixi weysa waajibkeeda Qaran ee xil heynteeda.

Cali aadan muumin

Xamar oo u jawaabeysa Hargeysa:Ma adoo bukoosoo baaqayoobeejada Amxaarbaadi doonayooqaraxiyo bumbiyobaylah goobayeeMa Ba...
06/27/2024

Xamar oo u jawaabeysa Hargeysa:

Ma adoo bukoo
soo baaqayoo
beejada Amxaar
baadi doonayoo
qaraxiyo bumbiyo
baylah goobayee

Ma Banaadir baa
Rabi baa boqree
cid u baahataba!

Dowladda Soomaaliya oo markii u horreysey khatar u aqoonsatay "Goonni-goosadka".Somaliland ayaa ah deegaanka keli ah ee ...
06/27/2024

Dowladda Soomaaliya oo markii u horreysey khatar u aqoonsatay "Goonni-goosadka".

Somaliland ayaa ah deegaanka keli ah ee goonni-goosad ku dhawaaqay.

Ku dhawaad labaatan ruux ayaa ku dhintay 50 kalana waa ay ku dhaawacmeen dagaal beeleed xooggan oo maanta dib uga qarxay...
06/27/2024

Ku dhawaad labaatan ruux ayaa ku dhintay 50 kalana waa ay ku dhaawacmeen dagaal beeleed xooggan oo maanta dib uga qarxay galbeedka gobolka Mudug.

Dagaalkan ayaa dib uga bilowday miyiga deegaannada Maygaag, Jiicboor iyo Ooman, xilli la qorsheynayay in halkaa la geeyo ciidan isku dhaf ah oo kala dhex gala dhinacyada dagaallamaya.

Dagaalka oo saacado badan socday ayaa duhurkii iskiis u joogsaday, waxaana laga cabsi qabaa inuu dib u qarxi karo maadaama labada ciidan is horfadhiyaan, waxaana dhaawacyada ka dhashay la gaarsiiyay isbitaallada magaalada Gaalkacyo , gaar ahaan dhinacyada Puntland iyo Galmudug.

Weli xal waara looma helin dagaalkan soo noq noqday, waxaana shalay natiijo la’aan ku dhammaaday kulan ay yeesheen mas’uuliyiin ka kala socotay Puntland iyo Galmudug.

" Wax la barto waxa ugu wanaagsan diinta islaamka iyo dhaqanka Ogaadeen "Sheekh Xasaan.
06/27/2024

" Wax la barto waxa ugu wanaagsan diinta islaamka iyo dhaqanka Ogaadeen "

Sheekh Xasaan.

Address

Washington D.C., DC

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Sudaysi Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Share


Other Social Media Agencies in Washington D.C.

Show All