28/09/2023
LAX DHUKAN ABAAR MOOG......!!
Wuxuu xirnaa qamiis iyo cimaamad qaali ah iyo saacad rolex pearlmaster ah – waa wadaad mushaar heersare ah ka qaata wasaaradda awqaafka iyo arimaha diinta. Wadaadku siduu u socday buu minbar iska laalaadiyay, oo cod dheer oo khushuuc ku jiro dadkii masjidka ku sugnaa ugu wacdiyay. Wuxuu dadka ku canaananayaa sabarka iyo zuhdiga oo ah in raaxada dunida laga tago. Yeelkadeedee, markuu wacdiga dhexda marsiinayo, ayaa nin dhalinyaro ah oo ka shaqeeya nadaafdda waddooyinka istaagay oo wadaadkii ku yiri:
Shiikhoow, waxaad wadatay gaari noocii ugu danbeeyay, waxaad xirantahay dharka nooca ugu qaalisan, waxaa sidoo kale gacanta kuugu xiran saacad nooceedu yahay peralmaster oo joogta adduun dhan $40,000, dhalo perfume ah oo mushaarkayga bishoo dhan goyn karin baad isku soo jebisay, mobile iPhone noocii ugu danbeeyay baad sidataa, sannad walba cumro ayaad tagtaa, sidoo kale sannad walbaa wadamada Yurub ayaad tagtaa oo muxaadaro inta ka jeedisid dhaqaale farabadan laguugu siiyaa.
Shiikhoow, waxaan kaa codsanayaa inaad hal maalin noloshayda ku noolaato – si aad u aragto sabkrka wuxuu yahay. Waxaan ku dajinayaa qolkayga aan qaboojiyaha la aheyn. Waxaan ku kicin hiirta waaberi, salaadda subax ka hor, waxaana kuuu dhiibayaa xaaqin iyo jaqaf – si aad waddooyinka u nadiifisid adigoo sooman, kuleylkuna uu gaadhayo 50c – si aad u baratid macnaha sabarka. Aniga shaqadaan ayaan sameeyaa maalin walba si aan u helo bishii xoogaa yar oo in badan kasii yar qiimaha dhalada perfuumka ee aad halka maalin iska buuxisid.
Shiikhoow iga raali ahoow uma baahnin inaan adiga kaa baranno micnaha sabarka, waayo sabarku waa wehelkayga maalin walba – ee waxaad nooga sheekaysaa; dulmiga madaxda iyo istuska culumada. Waxaad nooga sheekaysaa shaqo la’aanta ku baahday bulshada sidii bambaanno la tuuray oo kale. Waxaad nooga sheekaysaa siyaasadda faqriyeenta iyo gaajeysiinta umadaha dulman. Waxaad nooga sheekaysaa ku qaraabashada diinta iyo ka ganacsigeeda. Waxaad nooga sheekaysaa culumadan dadka muslimiinta ah dhiigooda iyo cirdigooda baneystay. Waxaad nooga sheekaysaa musuqa iyo boobka lagu hayo hantida dadweynaha. Waxaad nooga sheekaysaa kala sareynta bulshada iyo cadaalad darrada lagu saleeyay hab qeybsiga hantida guud. Waxaad nooga sheekaysaa isla xisaabtan la’aanta iyo xilalka la iska dhaxlaayo.
Haddaadan diyaar u aheyn inaad ka hadasho arimahaas, annagu uma baahnin inaan maqalno khudbadaada, Allana wuxuu yiri;
يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا لِمَ تَقُولُونَ مَا لَا تَفْعَلُونَ
كَبُرَ مَقْتًا عِندَ اللَّهِ أَن تَقُولُوا مَا لَا تَفْعَلُونَ
“dadka xaqa rumeeyoow maxaad u sheegaysaan waxaydiin falleyn? – waxaa cadho weyn Alle agtiisa ku ah inaad sheegtaan waxaydiin falleyn”
sidoo kale, Eebe wuxuu yiri;
أَتَأْمُرُونَ النَّاسَ بِالْبِرِّ وَتَنسَوْنَ أَنفُسَكُمْ وَأَنتُمْ تَتْلُونَ الْكِتَابَ ۚ أَفَلَا تَعْقِلُونَ
“ma waxaad faraysaan dadka wanaaga ood hilmaansantihiin naftiina, idinkoo kitaabka aqriyi – miyeydaan wax kaseynin?”
FG: Dhigaalkan waxaa laga soo tarjumay bogga Thiqaafah ee afka carabiga ku baxa.
-Lwadaag Saaxiibadaa isku day in aad ugu yaraan hal qof gaarsiiso.
Lik3 | Share | Comment
Follw me : Ahmed Dawlad Page.LAX DHUKAN ABAAR MOOG......!!

Follw me :Page.s