Amiin

Amiin "Waqtigaaga ka faaideyso"

18/06/2024

Graphic design-ku waxaa uu kamid yahay waxyaabaha ugu muhiimsan ee uu qofku baran karo si uu ugu shaqeysto ama uu shaqo ku raadsado, marka waxaan doonayaa inaan idinla wadaago meelo aad ka heli karto

Links-ka aad ka baran karto graphic designer-ka waxay kala yihiin.

Artisma graphics: https://www.youtube.com/
Garaadso channel: https://www.youtube.com/
Maan graphics: https://www.youtube.com/

14/06/2024

صيام يوم عرفه:

قال رسول الله صَلَّى الله عليه وسلَّمَ: صيام يوم عرفة إني أحتسب على الله أن يُكفر السنة التي بعده ، والسنة التي قبله.

رواه مسلم

السبت يوم 1445/12/9 عرفة 2024/6/15

11/06/2024

Cilmi walba iyo halkad ka baran lahayd

Youtube ku waa deegaan iyo dugsi aad u wayn dadka isticmaala boqolkiiba 1% wax kayar aya yaqana sida loga faa’iidaysto iyo channels ka lagu xidhnaado article kan aan idin kula wadaago toban channel oo waxtar badan leh iyo cilmiyaday ku fiicanyihiin

[1] Andrew Huberman:
channel kan waxa lagu bartaa waxwalba oo ku saabsan caafimaadka iyo jidhdhiska mawduucyada uu ka hadlo waxa kamida caafimadka maskaxda,miisaan iska dhimista, jidhdhiska,nafaqada(nutrition) iyo wixi hoostagaba wakan youtube link-giisu:
https://www.youtube.com//

[2] FreeCodeCamp
waa goob lagu barto waxwalba oo ku saabsan programming ka, mawduucyada uu sida gaarka ah ugu takhakhusey eed kahelayso waxa kamida
c/c++,front-end web development,deep learning,
data analysis iyo qatar kalo badan
halkan kaga xidhnow:
https://www.youtube.com//

[3] Matt Wolfe
waa goob aad kala soconayso waxwalba oo khuseeya Artificial intelligence sida wararka,tools ka cusub,sida content lo diyaariyo adoo Ai isticmaalaya iyo dhamman farsamooyinka iyo waxwalba ood uga baahantahay inad ka ogaato Ai, halkan kaga xidhnow:
https://www.youtube.com//

[4] MIT OpenCourseWare
waa channel aad ka helayso courses iyo cashiro ay diyaariyeen jamacadaha ugu tayada badan calamku mawduucyada uu sida gaarka ah diirada u saaro waxa kamida xisaabta,physics chemistryga, Ai iyo wixi lamida
halkan ayad kaga xidhnan kartaa:
https://www.youtube.com//

[5] Crash Course
channel kan inta badan waxa ku jira courses muhiim ah badankooduna anfacayaan ardayda natural sceince ga barata mawduucyada uu xooga saaro waxa kamida ah biology,cilmiga dhirta(botony),cilmiga deegaanka(Environmental science),tamarta iyo cimilada (weather and energy iyo wixi lamida halkan kaga xidhnow:
https://www.youtube.com//

[6] Trevor Jones
channel kan isaga waxad ka baran kartaa waxwalba oo khuseeya video editing ka iyo wax so gudbinta(video editing and content creation) halkan kaga xidhnow:
https://www.youtube.com//

[7] No Code MBA
channel kan waxad ka baran sida adoon code qorin oo isticmaalaya tools kala duwan loo sameeyo websites ka iyo applications kaba mawduucyada iyo tools ka uu dhigo waxa kamid ah carrd,webflow,bubble,softr iyo wixi la mida
halkan kaga xidhnow:
https://www.youtube.com//

[8] Design with Canva
channelkan waxad ka baran oo takhakhuskiisu yahay software ka canva iyo sidad graphic designer tool kas isticmaala u noqon lahayd wuxu ku bari sida la isugu isticmaalo ChatGPT iyo canva adna uso saari lahayd designs micno sameeya halkan ayad kaga xidhmi kartaa:
https://www.youtube.com//

[9] Flux Academy
channel kan waxad isaga kabaran waxwalba oo khuseeya web design sida wordpress,qiimaynta websites ka dadku so dhiseen(portfolio review) iyo khibrada sida xirfadan logu shaqeeyo ah(studio experiance)
halkan ayad kaga xidhmi karta:
https://www.youtube.com//

[10]vanessa lau
Madashan waxad ka baran waxwalba oo khuseeya sidad baraha bulshada magac iyo saamayn ba uga samayn lahayd sido kale hadii aad ganacsade tahay aad u korin lahayd ciwaanadada baraha bulshada halkan ayadna kaga xidhmi karta:
https://www.youtube.com//

XAMAAS iyo Kaltanka Fagaarayaasha Dagaalka iyo Diplomacy-yaddaPalestine-yiintu waa dadka qura ee dagaalka maskaxda dadka...
06/06/2024

XAMAAS iyo Kaltanka Fagaarayaasha Dagaalka iyo Diplomacy-yadda

Palestine-yiintu waa dadka qura ee dagaalka maskaxda dadka aduunka filim xaqiiq ah oo taxane ah uga sameeyay. Dib u qiimeey aaraada Mareykanka, hogaanadda qaar ee wadamada midowga Europe, Africa iyo Latin America, iskabadaa xasuusaha iyo dhibaatooyinka ay ku reebeen askarta, qoysaska iyo shacabka Isr**l-yiinta; oo waxeey gaarsiiyeen in ay u banaan baxaan sidii ciidankooda looga soo saari lahaay furimaha dagaalka, waxeey garoowsadeen amnigooda iyo nabadooda ay kujirto nabad kula noolaan shiyaha Palestine-yiinta, waxaa 42% kor udhaafay tirada askarta Isr**l ee rabta ineey shaqada ka fariistan.
Markaan waxaa muuqata Xamaas ineey gaari rabaan yoolalkoogii uga dambeeyay ee Oct 7.
Intii ay u baabi'i lahaayeen go'o doonka Masar iyo Isr**l ay galiyeen waxeey doorbideen ineey halmar naftooda horaan ilaa ay gaartay in Isr**l-yiintii xukun-doonka ah ay maanta ku ololeeynayaan in ay heshiis amniga isr**l damaanad qaadi kara ay ka keenayaan hogaanka Xamaas. Waxaa cad in netenyahu uu meesha kabixidoona kadib aqbalka dalabka mareykanka halka XAMAAS ay sheegtay ineey ogalaaneyso kaliya hashiis damaanad qaadaya idlaashaha dagaalka. Si lamid ah Xamaas waxeey dunida usoo bandhigeen dalab ay u aragto inuu yahay naadir aana waligiis dambe laheli doonin kaasoo ah in ay hubka dhigi doonaan kadib meel marinta xubinnimadda palestine ee golaha loo dhan yahay iyo in tani tahay talaabadda koowaad ee loo baahn yahay si loohelo abuurista xasiloona biloow oo ka dhalata Gobalka Bariga dhexe kaasoo qeyb weynka hanaanka dunidda ay wajahdo. Tan waxeey ka dhigan tahay doowlad Palestine ka hana qaada, caalamkana uu u aqoon san yahay, lehna xuquuqaha doowladaha katirsan golaha loo dhan yahay. Waxeey awood uyeelan doonaan ineey dunidda ufurmaan, dhistaan doowlad awoodleh bacdamaa ay kuyaalaan goob strategy ah oo ay ka sameeyn karaan dhaqaale, silamida ahna ay yihiin dad dunidda ku fidsan, wax ka bartay, wax ictiraaqay ayagoo aanan doowlad aheyn, leh hanaan sirdoon oo qariib ah iyo ineey lee yihiin yoolal fogfog oo difaac.

Isr**l waxeey awoodi weeysay ineey iska qariso shuruucda iyo nidaamyadda caalamiga ah bacdamaa ay kooxaha warbaahinta Palestine-yiinta si hormarsan oo hufan dunida u tuseen xaqiiqda dahsoon ee duulaanadda Isr**l. Talaabooyinka Isr**l ee maanta waxeey xaqiijinayaan sara ukaca heerkulka qataraha amniga ee Isr**l hubaalna ay tahay ineey jilalka soo koraya ay jaangoyn doonaan mustaqbalka amni ee Isr**l, ayna adag tahay in Isr**l awoodi doonto ka hortaga qataraha uga imaan doona tobanaanka kun ee Palestine-yiinta ee ku kori doona gaajada, waalid la'aanta iyo waxa lahal maala ee agoon ama rajey uu ku sugan yahay. Tan ka fogaan shiyaheeda darteed Isr**l-yiinta iyo xukuumadahooga waxeey ku qasbanaan doonaan aqbalka doowladda Palestine maadaama isku biirista qodabadan kala ah, "diidmada caalamka ee hanaanka doowladda Isr**l iyo siyaadida awooda Palestine-yiinta oo ah cagsiga natiijooyinka ay ka filaayeen qorshayaashooda maanta" ay u xaqiijinayaan ineey cagta saareen wadada burburka haddii ay si maangal ah u fikiraan.

Ugu dambeyntii, Xamaas waxa ay kusoo kordhisay saaxada dagaalka ee dunidda maanta lajoogo qibrado cashirsiinaya dhamaan dhinacyada daneeya, iyo in wadada guusha tahay go,aan kagaaridda natiijooyinka odorosyadda deplomacy-da ka hor intaan lagu dhaqaaqin iyadoo qadobkan uu kasoo muuqday iskudaygooda ku aadan hagidda ra'ayul caamka iyo dagaalka maskaxeed ee Isr**l-yiinta, kordhinta filashadda natiijo ka keenida yaalalkooda iyada la maraayo strategy-yad laga ilaaliyay ka hor imaan shaha shuruucda caalimiga ah.

Horta yaa waligiis ku jiiftay doorasho qof iyo cod ah baa somalia ka dhaceeysa? Alla maxaan been isku sheegnay. Waxaa aa...
02/06/2024

Horta yaa waligiis ku jiiftay doorasho qof iyo cod ah baa somalia ka dhaceeysa? Alla maxaan been isku sheegnay.
Waxaa aad usoo muuqday ifafaalaha doorasho dadban bacdamaa mareykanka uu toos ganafka ugu dhuftay 2dii agend ee doowladda iyo MW Xasan 2dii bilood ee ugu dambeeysay ay lahaayeen oo fulintooda isbadel weyn ay ku yeelan lahaayeen kaltanka siyaasiinteena MWeynahana uu daneeynaayay.
Waxaa intaa dheer in markaan MW Xasan uu olaleeynayo saarista ethopianka ka hor dhalashada sanadka cusub iyo saarista dhamaan Atmis ka hor 2026.
Kuwan waxeey ifafaaloyin waa weyn u yihiin in MW Xasan uu daneeynaayo in KG iyo JB uu ka soo saarto Madax uu wato iyadoo dhiig owsan ku daadan, waxeeyna ku dhici kartaa in uu madaxda gorgortan lagalo, kadibna ay ku heshiiyaan tartan furan, ninkii lacag iyo nasiib wadana oow soo baxo.
Marka lasaaro halbeega ah siyaasi intuu waxtari karo dantiisa, waxaa kuusoo baxeysa ineey u badan tahay in Xasan uusan seereey doonin ilaa hal qodob dartiis maahanee oo ah ineey la dheeraato barnaamijka dib u xoreynta oo culeys uu kasoo wajaho JB.
In waxaa dheer in MW Xasan ay u cadeeynayaan inuu yahay SIYAASIGA WAQTIGA UU KEENI DOONO bacdaamaa qodobadda aan xusi doona ay yihiin kuwa uu fuliyay, kuwa hadda uu wado fulintooda, kuwa qiima sare aan ugu kaceyn iyo kuwa ubaahan in laga runsheego. Waxeeyna kala yihiin;
• Guushii uga soo hoyatay barnaamijyadda kala ah cunaqabateyta hubka iyo deyn cafinta.
• Tagida miiska wadahalka, qancinta Deni iyo murashixiinta waabtooda uu jooga maadaamo uu h**ey u bireeyay Hogaamiyayaasha doowlad goboleedyadda.
• Ka run sheegidda qorshihiisa dib u xoreynta, saarista Ethopianka iyo Atmis meesha uu kasaaro
• Soo celinta xiriika UAE, kaasoo ay suuragal ka dhigayaan tagidda Agaasimihii h**e ee NISA, murashaxnimadda saaxiibkiisii koowaad iyo Safarka UAE ee Agaasimaha NISA.
Waxaa lagayaabaa ineysan suuragal kula aheyn lkn qeexida shaqsiyadda Xasan iyo kaltankiisa siyaasadeed ee xirfadeysan baa kutusaya ineey kahor 2025 suuragal yihiin iyo ineey yihiin ifaafaalaha wado ujeexidda teendho kulaabashada iyo dhameystirka dastuurka.

Tan dambe ee ah dhameystirka dastuurka wa waxaa suuragalein kara daneeynta siyaasinta ee ah helida xalwaara oo ku aadan hanaanka dhisada gudiga doorashooyinka iyo cidda xuleysa (tan xulida waxaa fududeynkara in tiradda gudiga ee baarlamaanka aqlabiyadda uu ku ansixiyay ineey tahay mid u qeybsameysa DFS oo 4 xubnood ah, maamuladda oo 2bo 2bo xubnood ah, G. Banaadir iyo sool oo hal hal ah iyo in siyaasiyiinta oo aaminsan in xasan xoog uusan wax kudooneyn oo 4ta xubin ay kula loolami karaan soo saaristooda), rabitaanka siyaasiyiinta ee ah RW uu eryi karo, 5sano ee xukunka iyo gaarsiingta dalka hanaanka doorashooyinka qof iyo codka ah.

Hambalyo ugaas 21aad ee beesha XAWAADLE
13/05/2024

Hambalyo ugaas 21aad ee beesha XAWAADLE

12/04/2024

Is badalka nolosha

Subxanallah waxaan murugada la qeybsaneynaa dhamaan intii hantida uga gubatay suuqa weyn ee Bakaaro, badal kheyr qaba Al...
05/04/2024

Subxanallah waxaan murugada la qeybsaneynaa dhamaan intii hantida uga gubatay suuqa weyn ee Bakaaro, badal kheyr qaba Alle ha siiyo.
Sanad walba in hantidii ummada ay dayacaad u baaba’do waa mid laga baaqsan karo. Maxaa diiday in xal loo keeno dabkaan oo la iska wareystaan waxa keenaya iyo qaabka ugu sahlan ee looga hortagi karo dabkaan sanad walba kacaya????
Ilaahey ummada naftooda iyo hantidooda ha u badbaadiyo?

Cabdillaahi Sanbaloolshe oo ka tirsan xubnaha Golaha shacabka Soomaaliya ayaa loo magcaabay Taliyaha cusub ee Haayadda N...
04/04/2024

Cabdillaahi Sanbaloolshe oo ka tirsan xubnaha Golaha shacabka Soomaaliya ayaa loo magcaabay Taliyaha cusub ee Haayadda Nisa.

03/04/2024
31/03/2024

𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐚𝐬 𝐛𝐚𝐚𝐫𝐥𝐚𝐦𝐚𝐚𝐧 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐠𝐚𝐜𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐮 𝐭𝐚𝐚𝐠𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐤𝐚 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐬𝐚𝐧 𝐨𝐝𝐚𝐲𝐚𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐬𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐤𝐮 𝐡𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐲𝐚𝐲.
𝐒𝐡𝐚𝐥𝐚𝐲(2021)..............
Baarlamaankii 10-aad golahiisa shacabka ayaa 12-kii April 2021 muddo kordhin laba sano ah u sameeyay madaxweynihii 9-aad ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
War qoraal ah oo kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu yiri:
"Muqdisho, Abriil 12, 2021; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyey Sharciga Gaarka ah ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay ka soo saareen jiheynta doorashooyinka heer Federaal, kaddib markii qaar ka mid ah Dowlad Goboleedyadu ay curyaamiyeen Heshiiskii 17-ka Sebteembar ee Doorashooyinka dalka oo 26kii Sebteembar 2020 uu ansixiyey Baarlaamnka JFS".
Muddo yar keddib 28-kii April 2021 markii ay magaalada Mogadishu ka dhaceen qalalaase dagaal ayaa waxaa shirjaa'id qabtay Farmaajo waxa uuna yiri:
"Walaalayaal, maadaama aan ahay ilaaliyaha dastuurka ayna waajib igu tahay in aan isku dheelitiro heshiisyadii siyaasadeed ee horay loo gaaray iyo sharcigii u danbeeyay ee golaha shacabku uu meelmariyay waxaan maalinta sabtida ah hortagi doonaa golaha shacabka si dalka dib loogu soo celiyo hannaankii doorasho oo ay ku heshiiyeen dowlada federaalka ah iyo dowlad-goboleedyada dalka"
Taariikhdu waa sabti (1 may 2021) madaxweyne h**e Farmaajo ayaa tagay xarunta golaha shacabka, waxa uu golaha ka codsaday in muddo kordhintii laga laabto waxa uuna yiri:
"Mudanayaal iyo marwooyin, waxaan dhammaantiin idinka codsanayaa adinka oo xeerinaya duruufaha siyaasadeed ee dalka ku gadaaman iyo marxaladaha cakiran ee aan ku jirno in aad nala qaadataan in dib loogu noqdo heshiiskii wadar-oggolka ahaa ee aad ansaxiseen 26-kii September 2020".
Halkaas waxaa kusoo idlaaday muddo kororsi ay cidkasta oo caqli leh markii horaba fahmi kartay in uusan Soomaaliya ka dhaqan galayn. Farmaajo waxaa u caddaatay in Soomaaliya ay ka wayntahay wax hal nin dhabarka ku qaato wuxuuna ku qasbanaaday in uu arrimaha doorasha dhexda soo dhigo xili ay ugu danbeeyntii gaartay in dhammaan talooyinka doorshada gacantiisa laga bixiyo. Wixii markaas ka danbeeyay waatii doorashadii shaqadeedu billaabatay, Farmaajo-na waa la ogyahay dhaawacii iyo dharbaaxadii uu muddo kororsigaas ka dhaxlay illaa uu noqodo madaxweeynihii ugu horreeyay ee wareegga 1-aad hoggaamin waaya tirada codadka.
𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚(2024)..............
Shalay waxaa la ansaxiyay dastuur aysan ku qanacsanayn in badan oo kamid ah dadka siyaasadda Soomaaliya samaynta kuleh, sax iyo qalad waxay doonaan haku diideene. Waxa ugu wayn ee lagu muransanyahay waa qoddabada ku saabsan arimaha doorashooyinka, qaabdhismeedka madaxda dowladda iyo awoodahooda. waxaase lagu qasbanaan doono in madaxweyne xasan shiikh, odayaasha siyaasadda iyo madaxda Dowlad Goboleedyadu ay miiska wadahadalka iskugu yimaadaan, ka tashadaan arrimaha doorashooyinka ee 2026, soo saaraan go'aan mid ah kuwaas oo noqon doona xalka k**a danbeeysta ah, sidaasna lagu galo doorashada uusan wax saameeyn ah ku lahayn dastuurka cusub ee shalay la meelmariyay.
Soomaali wax ka dhaxeeya haddii aad kala cararto ugu danbayn waa kuwii kaasoo dhigta.
W/Q: Gallad Cirbad

Allahu Akbar : waxaa xalay masjidka Al-Aqsa salaadaha cishaha iyo taraawiixda waxaa ku tukatay 45,000 oo qof.😱💚
13/03/2024

Allahu Akbar : waxaa xalay masjidka Al-Aqsa salaadaha cishaha iyo taraawiixda waxaa ku tukatay 45,000 oo qof.😱💚

Address

Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Amiin posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Share