31/03/2024
Imaamka Masjid Al-Xaram, Shaykh Abdulrahman Al Sudeysi, ayaa soo jeediyay qaacido aad u wanaagsan oo aad kaga faaideysan karta tobanka dambe ee Ramadaan maadama ay ku jirta leylatul qadriga
1. Ku deeq hal dollar (ama ka badan) habeen kasta, haddii ay habeenkaa ku beeganto Laylatul Qadriga, waxa aad helaysaa ajar la eg 84 sano oo sadaqa ama Kun bilood! adiga oo sadaqeysayay.
2. Tuko laba rakcadood Ama ka badan oo sunno ah habeen kasta, haddii ay habeenkaa ku beeganto badhtamaha Laylatul Qadriga, waxa aad helaysaa ajar ah in aad laba rakcadood oo sunno ah habeen kasta tukato ilaa 84 sano.
3. Akhri suuradda Ikhlaas habeen kasta saddex jeer, haddii ay habeenka ku beeganto badhtamaha Laylatul Qadriga, waxa aad helaysaa ajar ah in aad dhameysay Qurโaan ka karimka maalin kasta 84 sano.
Waxa kale oo uu yidhi dadka ku faafi hadalladan, kuwii hadalkaaga dhegaysan doona ee camal fala, idinkuna waxaad heli doontaan ajar la mid ah camalkooda, inshaa allaah. Maxaa yeelay Rasuulku (scw) wuxuu yidhi: โQofkii hanuuniyo camal wanaagsan wuxuu helayaa ajar la mid ah kan camal fala, laakiin wax laโaani maayo ajarkiisaโ. (Muslim, 2674)
Alle ha ina waafajiyo dhammaan camalka aan qabanno Aamiin ๐คฒ
Xigasho Abdimajid Ahmed.