safar shaqo ku tagagay deegaan hostaga Dagmadda Balcad oo loo yaqaano War-jirow.
Waxaan safar shaqo ku tagagay deegaan hostaga Dagmadda Balcad oo loo yaqaano War-jirow. Waxaa uu ahay safarkii igu xiisaha badnaay ee aan muddoyinkan galo, waxaan kuso bartay deegaan iyo dad aad u wanagsan. Safarka waxa inagu wehliyo Xildhibaano, Ganacsato iyo Guddoomiyaal dagmo.
Safar shaqo
Safar shaqo oo aad u xiisabadan?
BAARIS MEDIA
#giddyup #georgestrait #surpriseparty #gift #weezer #girlsweekend #UncleLuke #edsheeran #latto #Nascar #BETAwards
Dr Xasan sheekh Maxamud oo furay kalfadhiga barlamaanka 3aad.
Barlamaanka Labada aqal ee soomaaliya oo manta dib u furmay iyo madaxweyne dr Xasan Shekh Moxamuud oo kulnaka furay.
Safarka ciida iyo ceelasha biyaha
Hormuud Salaam Foundation oo qaladki ugu weynaay ku dhacday
Shirkadda Hormuud Salaam Foundation ayaa ka been sheegtay gubashadda suuqa weyn ee Bakaaraha.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Caasimadda dalka ku soo dhaweeyey Madaxweyneyaasha dalalka
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Caasimadda dalka ku soo dhaweeyey Madaxweyneyaasha dalalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Kenya Mudane William Samoei Ruto iyo Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Itoobiya Mudane Abiy Axmed oo dalka u yimid ka qeybgalka Shir madaxeedka Soomaaliya iyo dalalka Safka hore ee deriska la ah dalkeenna.
Faahfaahin: Qasaare xoogan ayaa ka dhashay Dabka caawa qabsaday qeyb ka mid ah Suuqaweyn ee Bakaaraha.
Faahfaahin: Qasaare xoogan ayaa ka dhashay Dabka caawa qabsaday qeyb ka mid ah Suuqaweyn ee Bakaaraha.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeeray Xarunta Tababarka Ciidamada Taliska 60-aad ee Xoogga dalka ayaa kula hadlay halkaas dufcadda 15-aad ee ka qalinjabisay dugsigan.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeeray Xarunta Tababarka Ciidamada Taliska 60-aad ee Xoogga dalka ayaa kula hadlay halkaas dufcadda 15-aad ee ka qalinjabisay dugsigan.
Madaxweynaha Soomaaliya mudane Hassan Sheikh Mohamud oo qaatay shahadada herka Doctor of Philosophy PHD.
Madaxweynaha Soomaaliya mudane Hassan Sheikh Mohamud oo qaatay shahadada herka Doctor of Philosophy PHD.
WARBIXIN SOO KOOBEYSA MIRO-DHALKA SAFARKA MADAXWEYNAHA JFS MUDANE XASAN SHEEKH KU TAGAY MARAYKANKA
Safarka Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud ku tagay dalka Mareykanka ayaa horseeday guulo diblumaasiyadeed, kuwo dhaqaale, iskaashi amni iyo fursad dowladda soomaaliyeed ay kusoo bandhigtay qorshaheeda xaqiijinta Soomaali heshiis la ah dunida kana adkaata kuwa diidan, Nabadda horumarka iyo dowladnimada Soomaaliya.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo guddoomiyey shir aan caadi ahayn
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo guddoomiyey shir aan caadi ahayn oo ay yeesheen Guddiga Amniga Qaranka ayaa shacabka Soomaaliyeed la wadaagay farriin ku saabsan xaaladda amni ee dalka iyo qorsheyaasha dowladda ee dabar-goynta argagixisada Alshabaab.
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY JAALIYADDA, KORMEERAYNA SAFAARADDA SOOMAALIYEED EE DALKA TURKIGA
Ankara, Luulyo 04, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga, isaga oo la wadaagay dadaalka Dowladda Soomaaliya ay galineyso xoojinta xiriirka Labada dal.
Madaxweynaha ayaa Jaaliyadda, ardayda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee uu la kulmay, uga warramay xaaladda guud ee dalka, waxa uuna xusay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ahmiyad weyn siineyso kobcinta dhaqaalaha iyo maalgashiga dalka, xoojinta amniga, shaqo abuurka dhallinyarada iyo dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka dhageystay xubnaha jaaliyadda, xaaladda guud ee Soomaalida ku nool dalkan, sidoo kale waxa ay la wadaageen caqabadaha iyo duruufaha ay qabaan, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, ganacsiga iyo dal-ku-joogga.
Madaxweynaha ayaa sheegay in caqabadaha jaaliyadda, ardayda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Turkiga uu kala hadli doono Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan iyadoo diblumaasiyiinta Labada dal ay iska kaashanayaan sidii ay u horumarin lahaayeen iskaashiga miro-dhalka ah ee Soomaaliya iyo Turkiga.
Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa booqday xarunta Safaaradda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga, halkaas oo uu warbixin kaga dhageystay diblomaasiyiinta iyo hawlwadeennada Safaaradda, waxa uuna ku adkeeyey in ay si hufan ugu adeegaan shacabka Soomaaliyeed ee ay matalaan.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay qorsheyaasha dowladda ee ku aaddan dib u habaynta iyo horumarinta hanaanka diblumaasiyadeed ee dalka iyo xaqiijinta matalaad dibadeed oo ku saleysan Soomaali Heshiis ah, dunidana Heshiis la ah.
DHAMMAAD
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MAGACAABAY RA’IISUL WASAARAHA XUKUUMADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA
Muqdisho, Juun 15, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo si waafaqsan qodobka 90-aad ee Dastuurka Kumeelgaarka ah ugu magacaabay xilka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa ka codsaday Xildhibaannada Baarlamaanka in ay degdeg u ansixiyaan, si uu uga howl galo arrimaha hortabinta u leh dowladdnimada Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo ku takhasusay culuumta maamulka ayaa ka soo shaqeeyey arrimaha dastuurka, waxbarashada iyo dowlad dhiska Soomaaliya, isagoo khibrad weyn u leh geeddi socodka siyaasadda dalka iyo dib u heshiisiinta, waxa uuna ka mid yahay aqoonyahannada Soomaaliyeed ee u istaagay samatabixinta waxbarashada dalka, kaddib burburkii dowladdii dhexe.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay Raiisul Wasaare Xamse Cabdi Barre In uu soo dhiso Xukuumad tayo leh oo ka shaqeysa xoojinta amniga, gurmadka abaaraha, dib u heshiisiinta, dhammeystirka dib u eegista dastuurka iyo horumarinta dowladnimada dalka, sidoo kalena hagaajisa xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ay la leedahay dunida.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ka codsaday shacabka Soomaliyeed in ay ku garab istaagaan Raiisul Wasaaraha cusub gudashada waajibaadka dastuuriga ah ee horyaalla, isaga oo ugu duceeyey in uu ka soo dhalaalo masuuliyadda culus ee lagu aaminay.
DHAMMAAD
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo si waafaqsan qodobka 90-aad ee Dastuurka Kumeelgaarka ah ugu magacaabay xilka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa ka codsaday Xildhibaannada Baarlamaanka in ay degdeg u ansixiyaan, si uu uga howl galo arrimaha hortabinta u leh dowladdnimada Soomaaliya.
( إِنَّا لِلَّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ)
Rabbi Naxariistii Janno haka Waraabiyo Prof. Shirwac oo caawa geeriyooday. Waxaa lagu xasuusan doonaa doorkiisi wanaagsana ee uu ka qaatay nabadda iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed.
Janatul-Firdows Eebbe haku irsaaqo.
إن لله ما أخذ ، وله ما أعطى ، وكل شيء عنده بأجل مسمى.
Allaan barinayee kii loo irkado loo aayo naqo noo adeega naqo iridihi xirnaay iridu furo noshida ileys.
Allaan barinayee kii loo irkado loo aayo naqo noo adeega naqo iridihi xirnaay iridu furo noshida ileys.