Walaal24 News

Walaal24 News Walaal24 News waa Page xaqiiqda kuu soo gudbinaayo kana fog beenta.

Madaxweyne Erdoğan oo ku guuleysta Doorashada ka dhaceysay Dalka Turkiga.Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan, ayaa ku guuley...
28/05/2023

Madaxweyne Erdoğan oo ku guuleysta Doorashada ka dhaceysay Dalka Turkiga.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan, ayaa ku guuleystay doorashada Madaxweyne ee dalka Turkiga shanta sano ee soo socoto. Wuxuu tartan adag la galay hoggaamiyaha xisbiga Jamhuuriga ee CHP.

Erdoğan ayaa waxa uu helay 52.87%, halka Murashaxa Mucaaradka ee Kemal Kılıçdaroğlu 47,13%. Waxaa la tiriyey 99% Sanaadiiqda Cod-bixinta, balse, Golaha Doorashada dalka Türkiye weli kuma aysan dhawaaqin Natiijada Rasmiga.

24/05/2023

Maalinta beri oo ka bilabaneyso magaalada Muqdisho Dhaqangalka Maareynta Mooto Bajaaj-ta iyo iyo Ganaaxyada ka dhalanaya.

18/05/2023

Taliska ciidanka Boliiska ayaa soo bandhigay Gaari Cabdibila ah oo Qoryo saaran yihiin iyo ragii hubeysanaa oo aan ciidanka dowladda ka tirsaneyn.

Taliyaha qeybta guud ee Boliiska gobolka Banaadir G/sare Macallin Mahdi ayaa saxaafadda la hadlay.

18/05/2023

Dabaaldega sanad guurada maalinta 18 May maamulka Soomaliland.

18/05/2023

Hay'adda sirdoonka Qaranka ee Nisa ayaa dekadda iyo Airport-ka Muqdisho ku qabtay saanad ciidanka iyo Qaraxyo loo waday Khawaarijta iyo shabakado abaabulan oo ka shaqeynaya kala keenista iyo gudbinta agabka.

Imtixaanka Dugsiyada Sare 2022/2023 oo la soo saaray xiliga iyo jadwalka ay ku galayaan Ardeyda Shahaadiga.Wasaaradda Wa...
11/05/2023

Imtixaanka Dugsiyada Sare 2022/2023 oo la soo saaray xiliga iyo jadwalka ay ku galayaan Ardeyda Shahaadiga.

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare waxa ay la wadaageysaa Ardayda, Waalidiinta iyo Maamulayaasha Jadwalka lagu gali doono Imtixaanka Qaranka ee Sanad Dugsiyeedka 2022/2023.

09/05/2023

Gudomiyaha Degmada Marko iyo Gudimiyaha NO 50 ay hor kacayaan Ciidanka Xooga Dalka iyo kuwa Deegaanka howlgal ka bilabeen deeganada kala ah Ceel Siliini, lambar 60 iyo Buusha, oo dhacda dhinaca xeebta kuna sii jeedaan Gandarshe iyo Jilib marko.

06/05/2023

Maamulka Gobolka Banaadir oo soo saaray xiliga ugu danbeysa ee Midabeynta (A) & (B) ee Mooto Bajaajta.

05/05/2023

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo ku magac dheer Taliye Shub ayaa sheegay in "Laba maalin gudahood 32 askari oo cabtoy ahaa ayaan shaqada ciidanka ka eryay".

05/05/2023

Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay iney qaadayso Dowladiisa tallaabbooyin ka dhan ah la-dagaallanka musuq-maasuqa , sheegayna iney dajisay qorshe Qaran oo lagu ilaalinayo ammaanada shacabka", dhowr mar oo h**eyna soo hadal qaaday.

05/05/2023

Ciidamada Gor Gor ee Xooga Dalka Soomaliyeed oo degaana Horley ka qabsaday kooxda Al Shabaab.

Kabtan Maxamed Cali Hilowle taliya ururka 8aad gutada 18aad ee Kumaandooska Gorgor" Caruur Lugaha ay iskaga xirxireen oo ay dagaalka ku soo qasbeen ayaa kula kulanay goobta dagaalka".

04/05/2023

Madaxweyne Xasan Sheekh oo mar labaad ka hadalay cuna qanateyta dhaqaale saaran kooxda Al Shabaab.

01/05/2023

Dood furan Dad weyne oo su'aalo lagu weydiinayo Madaxweyne Xasan Sheekh.

29/04/2023

Mas'uuliyiin isugu jira Xukuumada iyo maamulka Gobolka Banaadir ayaa booqday meelihii daadadka Roobka ay ku fataheen.

Ra'iisul wasaare Kuxigeenka dalka Salah Jama oo ay wehliyaan xubno kamid ah Golaha wasiirada, Guddomiyaha Gobalka Banaadir iyo Taliyaha ciidanka Boliiska ayaa caawa kormeer ku sameeyay saameyntii ka dhalatay Roobkii ka da'ay Magaalada Muqdisho.

28/04/2023

Ciidanka Boliiska howlgal ay ku burburiyeen warshad weyn oo soo saarta Maandooriye kala duwan oo ka kooban Calaq iyo Xashiish Degaanka Gubadley.

22/04/2023

Maxabiis askar iyo Shacaba oo dambiyo fudud ku xukunaa oo maanta laga sii daayay Xabsiga dhexe.

20/04/2023

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday Ciidamadii dufcaddii labaad ee laga keenay Dalka Eretereeya kuna biiraya howlgalka dalka looga xoreynayo Kooxda Al Shabaab ayaa maalmaha soo aaddan u ruuqaansanaya deegaanada laga xoreynayo si ay garab u siiyaan halyeeyada Guutada Gumac oo hadda furimaha dagaalka ku baacsanaya firxadka Kooxda Al Shabaab.

07/04/2023

Xukuumada Dowlada oo soo saartay go’aamo ay ku xakamayneyso hubka sharci darrada ah ee ay mas’uuliyiinta dowladda ku dhex wataan caasimadda Muqdisho.

07/04/2023

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho ugu tagay galabta Ciidamo Millatari oo sida Booliska u tababaran (Military-police) ayaa loogu tala-galay in ka qayb qaataan sugidda amniga magaalada Muqdisho, kana hortagaan kooxda Al Shabaab iyo kooxaha dhibaatada ka geysta.

Ra'iisal wasaare ku xigeenka XFS, Gudoomiyaha Aqalka Sare, Xildhibaannada iyo Wasiirrada ka soo jeeda Gobollada Waqooyi ...
04/04/2023

Ra'iisal wasaare ku xigeenka XFS, Gudoomiyaha Aqalka Sare, Xildhibaannada iyo Wasiirrada ka soo jeeda Gobollada Waqooyi oo kulan kula yeesheen magaalada Muqdisho munasabad afar ah Ergayga u qaabilsan wadahadallada Somaliland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Salah Jama iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdilaahi ayaa caawa ka qayb galay munaasibad afur ah oo Xildhibaannada Iyo Wasiirrada ka soo jeeda Gobollada Waqooyi la yeesheen Ergayga u qaabilsan wadahadallada Somaliland Dowladda Federaalka Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa tilmaamay in arinta wadahadalada Somaliland tahay mid u baahan in xal waara laga gaaro isla markaana hoos loo eego tabashooyinka, si loo gaaro xal waara, iyadoo la xaqiijinayo qorshaha Xukuumadda DanQaran ee Soomaali Heshiis ah, kaas oo ay udub dhexaad u tahay ka miro dhalinta midnimadda iyo wada jirka Ummada Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdilaahi ayaa dhinaciisa soo dhaweeyey Ergayga wadahalada arrimaha Somaliland isla markaana tilmaamay in ay kala shaqayn doonaan sidii xal waara looga gaari lahaa arrinta Somaliland, iyadoo loo marayo is qancin iyo garawshiyo si loo xaqiijiyo midnimadda dalka.

Dhankiisa Ergayga wadahadalada Somaliland u qaabilsan Dowladda Federaalka Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in arrinta Somaliland tabanayso ay tahay in si walaalnimo ku jirto looga wada hadlo, si loo gaaro natiijo wanaagsan oo saldhig u noqota midnimadda Umadda Soomaaliyeed.

Wasiir Jaamac Taqal oo booqasho ku tagay Xarunta Dhexe ee Hay'adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka.Wasiirka Wasaaradda Ta...
03/04/2023

Wasiir Jaamac Taqal oo booqasho ku tagay Xarunta Dhexe ee Hay'adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka.

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS, Mudane Xildhibaan JaamacTaqal Cabaas ayaa Maanta Booqday Xarunta Dhexe ee Hay'adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ee SoDMA,Waxaana halkaas ku soodhaweeyey Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle.

Wasiirka iyo Guddoomiyaha ayaa ka wada hadlay sidii Wasaaradda Kheyraadka Biyaha iyo Hay’adda SoDMA ay iskaashi iyo wada shaqeyn dhow u yeelan lahaayeen, gaar ahaan isdhaafsiga xoggaha,ka hortaga Fatahaadaha si loo yareeyo saamaynta abaaraha & fatahaadaha iyo iswaafajinta dadaalada xarumaha hortabinta ka digista ee saadaasha roobabka iyo biyaha ee labada hay'adood.

Kulanka ayaa diirada lagu saaray sidii loo heli lahaa hanaan is waafqasan oo lagu yareeynayo saamaynta abaaraha & fatahaadaha iyo sidii loo xoojin lahaa arrimaha ku saabsan xalalka waara iyo u adkeysiga aafooyinka.

Labo dhalinyaro oo mid ka mid ahaa wade Mooto Bajaaj kankalana ku hubeysnaa Bastoolada caag ah oo dhac ka geysanayay Deg...
01/04/2023

Labo dhalinyaro oo mid ka mid ahaa wade Mooto Bajaaj kankalana ku hubeysnaa Bastoolada caag ah oo dhac ka geysanayay Degmada Waaberi ee magalada Muqdisho aye Ciidamada Booliisku gacanta ku dhigeen.

Ciidanka Boliiska Saldhigga degmada Waabari ayaa caawa fiidkii gacanta ku dhigay labo eedaysane oo dhac ka gaysanayey Gudah degmada Waaberi ee Gobalka Banaadir.

Eedaysanayaasha ayaa mid kamid ah wuxuu ku hubaysnaa bastoolad Caag ah oo uu dadka ku dhacayay, halka kan kalana uu ahaa darawalka Mooto Bajaajka wax lagu dhacayay.

Taliska Qeybta guud ayaa sheegay in eedeysanayaasha la horgeynayo caddaaladda lana marsiinayo waxa sharcigu dhigayo.

Cabdikariim Xuseen Guuleed oo loo magacaabay Ergayga arimaha Somaliland.Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...
01/04/2023

Cabdikariim Xuseen Guuleed oo loo magacaabay Ergayga arimaha Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed Ergayga arimaha Somaliland.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in Dowlada Federaalka ay ka go'an tahay xaqiijinta midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed, si taas loo gaarana ay u baahan tahay talo wadaag, is dhageysi, wadahadal iyo in xal waara laga gaaro tabashooyinka jira ee ay qabaan walaalaheenna ku nool Gobolada Waqooyi ee Somaliland.

Mudane Cabdikariim Xuseen guuleed ayaa khibrad wanaagsan u leh arrimaha dib u heshiisiinta, xallinta khilaafaadka iyo marxaladihii kala duwanaa oo ay soo mareen wadahadallada Dowlad Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si deg deg u faray Ergayga in uu diiradda saaro sidii loo ambaqaadi lahaa wadahadallada Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland, isagoo qaadanayaa doorkiisa hoggaamineed ee ku saleysan xal u helidda caqabadaha ku gedaaman wadahallada.

Maxamed Cabdi Waare oo loo magacaabay ergayga gaarka ah ee u qaabilsan Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka ee goob...
01/04/2023

Maxamed Cabdi Waare oo loo magacaabay ergayga gaarka ah ee u qaabilsan Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka ee goobaha dagaallada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u magacaabay Mudane Maxamed Cabdi Waare ergayga gaarka ah ee u qaabilsan Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka ee goobaha dagaallada.

Madaxweynaha oo mudnaanta koowaad siinaya qorshihiisa xakameynta qasaaraha rayidka si aysan waxyeello uga soo gaarin dadka shacabka ah ee ku sugan goobaha ay ka socdaan howlgallada dalka looga sifeynayo argagixisada Al shabaab ayaa qeybaha kala duwan ee talisyada ciidamada Qalabka Sida ku adkeeyey in ay si dhow ula shaqeeyaan ergayga gaarka ah ee Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kula dardaarmay Ergayga gaarka ah ee Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka Mudane Maxamed Cabdi Waare in uu xaqiijiyo gudashada waajibaadkiisa Qaran si looga fogaado in dhibaato ay soo gaarto dadka Soomaaliyeed xilliyada dagaallada, isagoo ku booriyey in uu ka shaqeeyo sidii ay deegaannada laga xoreeyey Argagixisada u heli lahaayeen maamul, xasillooni iyo adeegyo bulsho.

Wasiirka Wasaarada Cafimaadka XFS oo booqasha ugu tagay Hooyo ku dhashay Isbitaal Banadir afar gabdhood oo mataano ah.Wa...
31/03/2023

Wasiirka Wasaarada Cafimaadka XFS oo booqasha ugu tagay Hooyo ku dhashay Isbitaal Banadir afar gabdhood oo mataano ah.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeekka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Ali Haji Adam ayaa booqday Hooyo Soomaaliyeed oo Afar Gabdhood ku dhashey maanta Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir.

Wasiirka Caafimaadka Dr Cali Xaaji Aaden ayaa Gabdhaha Mataanaha ah u bixiyey Magacyo waxa uuna u kala bixiyey Qamar iyo Zahra oo lagu kala Samiyey Marwooyinka Qaranka, halka labada kalena loo bixiyay Fartuun oo iyaduna lagu Samiyey Agaasimaha Isbitaalka Hooyadda iyo Dhallaanka ee Banaadir Dr Fartuun Shariif iyo Xalwo oo loogu magacdaray Umulisadii Hooyo Maryan Maxamed Xasan ka dhalisey Caruurta.

Dr Cali Xaaji Aadan ayaa Hooyo Maryan ku wareejiyey Hadiyad hordhac ah oo uu ugu talagaley farxadda Hooyada Soomaaliyeed ee heshey hadiyadda Alle ee Mataanaha ah, waxa uuna ballan qaadey in ay ka warqabi doonaan oo ay si dhow ula socon doonaan Xaaladda Caafimaad ee Hooyada iyo Caruurteeda.

Waxaa Xalay ku dhalatay isbitalka Banaadir afar caruur oo mataana ah dhamantoodna ah gabdho, kuna dhashay hooyo Maryan M...
31/03/2023

Waxaa Xalay ku dhalatay isbitalka Banaadir afar caruur oo mataana ah dhamantoodna ah gabdho, kuna dhashay hooyo Maryan Maxamed Xasan oo ah 38 jir laga keenay degmada Cadale ee gobolka Shabeellada dhexe ALLE ayaa mahadaas iska leh.

Hooyada ayaa u dhashay si dabiici Ah SVD afarta gabdhood waa wada caafimaad qabaan alle mahadiis.

Agaasimaha Isbitaalka fartuun Shariif ayaa tiri" Taariikhda inta la xasuusto Soomaaliya si gaar ah isbitaalka Banaadir waa markii ugu h**eysay aan aragno qisadaan 4 ta canug ah weliba si dabiici inay ku dhasho waa Alle mahadiis".

War saxafadeed mar labaad uga soo baxay Dowlada Soomaaliya ayaa lagu sheegay bartamihii sanadkii la soo dhaafay la dagaa...
30/03/2023

War saxafadeed mar labaad uga soo baxay Dowlada Soomaaliya ayaa lagu sheegay bartamihii sanadkii la soo dhaafay la dagaalanka kooxda Al shabaab sadax waji oo Dalka looga cirib tiraayo.

Dagaalka ay iclaamisay Dawladda Federaalka Soomaaliya bartamihii sannadkii la soo dhaafey, ayaa waxaa uu ka koobnaa saddex weji oo loogu talagaley in dalka looga ciribtiro kooxaha Khawaarijta.

Mid ka mid ah saddexda aag ee dowladdu ay ka beegsanayso Khawaarijtu, waa dhaqaalaha, kaas oo ah isha ugu wayn ee Khawaarijtu u isticmaasho socodsiinta dembiyada ay ka galayaan Qaranka Soomaaliyeed, deriska iyo dunida inteeda kale.

Maanta, waxa ay mar kale dowladdu la wadaageysaa shacabka Soomaaliyeed halka uu marayo dagaalka dhaqaale ee ay kula jirtay Khawaarijta tan iyo markii uu Madaxwaynaha Jamhuuriyaddu ku dhawaaqay dagaalkaan bartamihii sannadkii h**e.

Ka dib dagaal adag oo dowladdu ay Khawaarijta uga qaaaday dhammaan Ilihii uu dhaqaaluhu uga soo xaroon jiray, waxaan ku faraxsanahay in aan ku dhawaaqno maanta in aan joojinay kala bar dhaqaalihii ay heli jireen Khawaarijtu. Sidoo kalena hawlgab laga dhigay nidaamkii maaliyadeed ee Khawaarijta ee isku xirnaa ka dib markii ay dowladdu qaadday tallaabooyinkaan:

1-Waxaa la joojiyay hanaankii Khawaarijtu ay lacagaha ku dhex marsiin jirtay nidaamka maaliyadeed ee dalka, sida bangiyada iyo xawaaladaha.

2- Waxaa la xayiray xisaabaadkii bangiyada iyo teleefonadii Khawaarijtu ku uruursan jirtay dhaqaalaha kuwaas oo lagu xanibay malaayiin dollar.

3-Waxaa la joojiyay baaddi Khawaarijta ee badeecadaha ka soo dega dekadaha iyo garoomada diyaaradaha.

4- Waxaa la joojiyay nidaamkii ay Khawaarijtu ku baadi jirtay dadka wax kala iibsada iyo awooddii ay u lahaayeen in ay helaan xogta wax kala iibsiga.

5- Waxaa la burburiyay goobihii ku hareeraysnaa magaalada Muqdisho ee ay ku qaadan jireen lacagaha baadda ah.

6- Waxaa Khawaarijta laga qabsaday magaalooyinkii ugu waawaynaa ee ay u isticmaali jireen uruurinta xoolaha ay ka dhacaan dadka, sida Masaajid Cali Guduud, Xarardheere, Moqokori, Aadan Yabaal iyo kuwo kale oo u ahaa ilo dhaqaale.

7- Waxaa la qaarajiyay 20 ka mid ah horjoogayaasha qaabilsanaa uruurinta dhaqaalaha baadda ah ee Khawaarijta, waxaa sidoo kale cadaaladda la marsiiyay in ka badan 50 ka tirsan maleeshiyaadka sida gaarka ah ilaalada uga ahaa baadda Khawaarijtu ka qaataan shacabka Soomaaliyeed iyo 15 Gaari oo ah kuwa ay ku uruurin jireen baadda oo iyana gacanta lagu dhigay, qaarkoodna la burburiyay.

Natiijada ka dhalatay tilaabooyinka kor xusan, ayaa in inka badan 50 % hoos u dhacay dakhliga Khawaarijtu, in uu si guud u kala daatay nidaamkoodii maaliyadeed oo keentay in iyaga dhexdoodu ay kala xadaan intii usoo hartay, iyo ugu danbayn in dhawrkii bilood ee la soo dhaafay ay Khawaarijtu bixin wayso lacagihii ay siin jirtay maleeshiyaadkooda iyo kharashaadkii guud ee dhaqdhaqaaqooda oo gaabis wayn uu ku yimid.

Inkasta oo ay jiraan guulahaan, hadana dowladdu waxa ay la socotaa in ay wali jiraan qaabab ay Khawaarijtu ku baadayso muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo shakhsiyaad weli ku lug leh kala gudbin iyo uruurin baadda Khawaarijta kuwaas oo lagu raad joogo.

Hadaba, Dowladda Soomaaliyeed, waxa ay la wadaagaysaa shacabka Soomaaliyeed in dagaalka dhaqaale ee ay kula jirto Khawaarijta la sii labanlaabayo ilaa la xaqiijiyo in aanay Khawaarijtu hal shilin ka helin dalka Soomaaliya, sidaas awgeed, dowladdu waxa ay ku raad-joogtaa goobaha iyo ilaha ay Khawaarijtu wali ka hesho ama ku keydsato Dhaqaalaha kuwaa oo ah gudaha iyo dibadda intaba.

Waxaan markale waydiisanaynaa shacabkeenna sharafta leh in ay ka feejignaadaan nooc kasta oo la macaamil dhaqaale ah ee lala yeesho Khawaarijta, waana in ay ogaadaan in kor loo qaaday heerka dabagalka ilaha dhaqaale ee Khawaarijta.

Dowladda Soomaaliya, waxa ay si wayn ugu mahadcelinaysaa ganacsatada Soomaaliyeed doorkooda ku aaddan in loo hoggansamo nidaamka hufnaanta maaliyadeed iyo ka feejignaanta dhaqaale ee Khawaarijta, waxaan sidoo kale shacabka Soomaaliyeed uga mahadcelinaynaa doorkeeda, si gaar ah waxaa bogaadin iyo hambalyo u mudan geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka, dadka deegaanka iyo saaxiibada caalamiga ah ee gacanta ka gaystay guulaha laga gaaray dagaalka dhaqaale ee lagu la jiro Khawaarijta.

Wasaarda Ganacsiga iyo Warshadaha oo tartan u qabatay Shirkado soo galiyo Dalka Shixnadaha kala duwan si loo ilaaliyo ba...
30/03/2023

Wasaarda Ganacsiga iyo Warshadaha oo tartan u qabatay Shirkado soo galiyo Dalka Shixnadaha kala duwan si loo ilaaliyo badqabka caafimaad ee noolaha iyo bii’ada.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Hon. Jibril Abdirashid Haji, ayaa maanta daahfuray qabashada araajida qandaraasyada fulinta ee lagu hubinaayo waafaqsanaanta shixnadda ka hor(Pre-Shipment Verification of Conformity PVoC) kaas oo ay ka soo qeyb galeen shirkado kala duwan oo tartan u geli doona ku guuleysiga fulinta qandaraaska.

Wasiirka, ayaa sheegay inay ka go’an tahay siddii dalka loogga joojin lahaa waxyaabaha tayadoodu hoosayso ee loogga soo dhoofiyo dalka dibaddiisa si loo ilaaliyo badqabka caafimaad ee noolaha iyo bii’ada.

Ciidamo aad u ufarabadan ayaa Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya lagu soo daabulay, kadib markii dowladda ay ma...
30/03/2023

Ciidamo aad u ufarabadan ayaa Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya lagu soo daabulay, kadib markii dowladda ay mamnuucday dibadbaxyada mucaaradka oo la qorsheeyay inay dhacaan Khamiista.

Warbaahinta Maxaliga ah ayaa baahisay sawirada Booliska Rabshadaha oo fadhiisimo ka dhigtay goobaha mucaaradku ku leeyihiin guud ahaan magaalada.

Waddooyinka soo gala guriga madaxweynaha ayaa sidoo kale la dhigay boolis. Goobaha ganacsiga ayaa furan, waxaana socda howlaha gaadiidka dadweynaha.

Maamulka ayaa, si kastaba ha ahaatee, joojiyay adeegyadii tareenada ee Nairobi ka hor mudaaharaadyada la filayo.

Dibad-baxayaasha magaalooyinka galbeedka ee Kisumu, Homa Bay iyo Migori ayaa saaka waddooyinka ku xiray dhagxaan, sida ay sheegtay warbaahinta.

Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa arroornimadii saaka tagay xafiiskiisa, waxaana uu shacabka ku booriyay inay iska xaadiriyaan goobahooda shaqada.

Guddoomiye Ku-xugeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed  Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa kormee...
30/03/2023

Guddoomiye Ku-xugeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa kormeer isla xisaabtan shaqa oo la xariira Amniga, Garsoorka, ka hortaga Maandooriyaha iyo hirgalinta Isgaarsiinta ku tagay xarunta Dabdamiska iyo xarunta Degmada Hodan.

Guddoomiye Yabooh ayaa xarunta Degmada Hodan kula kulmay maamulka Degmada isaga oo ka dhageestay warbxina quseeya xaalada degmada ay mas’uulka ka yihiin iyo caqabadaha ka jira, waxa uuna faray in aan la aqbali doonin dayac la xariira howlaha bulshada loogu qidmeynayo.

Address

Jaale Siyaad
Mogadishu
252

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00

Telephone

+252684134280

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Walaal24 News posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Walaal24 News:

Videos

Share

Nearby media companies


Other News & Media Websites in Mogadishu

Show All