SomaliaTv

SomaliaTv Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from SomaliaTv, Broadcasting & media production company, maka-almukarama, Mogadishu.

FLOODING IN MBALE, SIRONKO AND KAPCHORWA20 people are feared dead.11 more bodies have been recovered from River Nabuyong...
03/08/2022

FLOODING IN MBALE, SIRONKO AND KAPCHORWA

20 people are feared dead.

11 more bodies have been recovered from River Nabuyonga this morning, including friends and relatives who had traveled from Kampala to attend a marriage ceremony in Mbale.

Uganda Red Cross Society

Heavy and extended rains started about 8pm on 30th July 2022 in Eastern Uganda leading to flooding in the areas of Mbale, Kapchorwa, and Sironko.

đź“Ś Mbale

7 People dead

Areas most affected: Namabasa, Bugwere Cell, Bungoko subcounty (in 3 villages)

Redcross deployed 2 ambulances to support Emergency evacuations,
20 Response Action Teams deployed to support rapid needs assessment.

đź“Ś Kapchorwa
3 dead, 4 injurred and referred to Kapchorwa main hospital.

1 ambulance deployed to support emergency evacuations, and 10 Response Action Teams deployed to support Rapid Needs assessment.

Areas most affected: Kapsida subcounty, Chemalim village, Tuyobei Parish.

đź“Ś Sironko district
Most affected areas:
Villages around Sironko Town Council, Bukise S/C, Busambya, Bumukha, Doko, Nabirete, Dorcus, Bukiyende, Namirende.

No. of people affected: Households 480.
No death, or reported injuries.

đź“Ś Bulambuli district
Areas affected include Dwikhonge S/C, Duwadwala Parish: Villages of Diwadwala, Busiyango, Buyakha, Bunabalayo, Kori, Sipi, Bumugoya,
Labongo S/C: Mpumbura parish, Muyende S/C

No death reported, no injuries.

Households 672

đź“Ś Bukedea

Areas affected include Busano Village, Aminit Sub-County


Data on households and people affected coming in later.

20 Response Action teams deployed to support rapid needs assessment.

Districts/Areas on high alert: Butalejja, Soroti, Katakwi, Amuria: RCATs on standby to do response, meanwhile, doing community early warning and emergency messages in on safety.
Communities advised to take heed.

*Media Contact*

Irene Nakasiita - Director Communications & Partnerships
Email : [email protected]
Tel : 0755000695 / 0774382583

Maxkamada sare oo qarka u saran ineey fasaxdo kuriga fahad yasiin
19/04/2022

Maxkamada sare oo qarka u saran ineey fasaxdo kuriga fahad yasiin

24/05/2021

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan is-afgarad ku soo dhammaaday oo ku saabsan arrimaha doorashooyinka la yeeshay Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee BFS Mudane

Masha.allah barwaqada taalo dalkeena
01/12/2019

Masha.allah barwaqada taalo dalkeena

18/11/2019

Ma jinbaa mise waa qof

18/11/2019

Sugar painting: The sweetest of Chinese folk art

18/11/2019

Xukuumadda ayaa ku fashilantay in ay hor istaagto isu soo baxa guddoomiyaha xisbiga Waddani Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ugu baaqay in ay isugu yimaaddaan xarunta dhexe ee xisbiga

25/10/2019

Ka fokoow korontada waliba xiliyada roobabka

20/10/2019

Caruur somaliyeed oo bareysa dhaqanka iyo dhantada somaliyeed dad cadaana

20/10/2019
Xog goor-dhow nasoo gaartay ayaa sheegaysa in Madaxweynihii h**e ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu ...
22/09/2019

Xog goor-dhow nasoo gaartay ayaa sheegaysa in Madaxweynihii h**e ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ay ku xayiran yihiin garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Maqaalo | Caasimada Online logo

1'
HomeWararDEG DEG: Madaxweyne Sheekh Shariif oo ku xaniban garoonka Muqdisho
DEG DEG: Madaxweyne Sheekh Shariif oo ku xaniban garoonka Muqdisho
September 22, 2019
Muqdisho (Caasimada Online) – Xog goor-dhow nasoo gaartay ayaa sheegaysa in Madaxweynihii h**e ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ay ku xayiran yihiin garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.


Sheekh Shariif iyo wafdigiisa ayaa saaran diyaarad ku socota magaalada Kismaayo, oo dowladda Soomaaliya ay diiday inay halkaas ka duusho.

Sida aan xogta ku helnay diyaarada ayaa ku wajahan magaalada Kismaayo, waxayna wafdiga Sheekh Shariif uu hoggaaminayo ay doonayaan inay ka qayb galayaan munaasabadda caleemasaarka madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Dowladda Soomaaliya ayaa goordhow soo saartay xayiraad cusub oo dheeraad ah, taas oo ku saabsan duulimaadka Kismaayo.


Hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed SCAA ayaa soo saartay amar ah in shirkad kasta oo u duuleysa Kismaayo inay soo weydiisato Xafiiska Hay’adda fasax duulimaad 24 saac ka hor.

Hay’adda ayaa ka dalbatay Diyaaraddaha aadaya Kismaayo inay soo weydiisato Xafiiska Hey’adda fasax duulimaad 24 saac ka hor, sidaas darteed waxaa lagu wargeliyay shirkad kasta fasaxii ay ugu duuli laheyd Kismaayo, si aan looga joojin duulimaadla

Deg Deg Wasiirka Gaashaandhigga xukuumada Somalia Xasan Cali Maxamed oo ay wehliyaan xubno uu qeyb-ka ahaa Wasiir-xigeen...
22/09/2019

Deg Deg Wasiirka Gaashaandhigga xukuumada Somalia Xasan Cali Maxamed oo ay wehliyaan xubno uu qeyb-ka ahaa Wasiir-xigeenka Wasaaradda Cabdullaahi Colaad Rooble ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socday Wasaaradda Gaashaandhigga dowlada Mareykanka oo dalka soo gaaray.

Wafdigan ayaa waxaa hogaaminaya u qeybsanaha safaaradda Mareykanka Ee Somalya Arimaha Gaashaandhigga Col. Lan Murray waxayna ka wada hadleen iskaashiga ka dhexeeya labada Wasaaradood iyo sidii loo soo xoojin lahaa.

Waxyaabaha diirada lagu saaray kulankan ayaa waxaa ka mid ahaa dagaalka lagula jiro kooxda Al-shabaab iyo kuwo ka la mid ah iyo tayeynta ciidamada qalabka sida ee Somalia oo la qorsheynayo iney amniga dalka kala wareegeen ciidamada AMISOM iyo qodobo kale.

Maraykanka ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga boqolaal askari oo howshoodu tahay sidii ay dowlada federaalka gacan uga siin lahaayeen la dagaalanka waxaa loogu yeero argagaxisada, gaar ahaan dhinaca tababarada, waxayna mararka qaarkood ciidamadan ku lug yeeshaan howlgalo gaar ah oo lagu ugaarsanayo xubno ka tirsan Al-shabaab, iyagoo gacan siinaya ciidamada dowlada.

Ciidamada AMISOM ee Jabuuti ka socda oo isaga baxay degmo ka tirsan gobolka HiiraanCiidamada Jabuuti ee hoos taga howlga...
22/09/2019

Ciidamada AMISOM ee Jabuuti ka socda oo isaga baxay degmo ka tirsan gobolka Hiiraan

Ciidamada Jabuuti ee hoos taga howlgalka AMISOM ay gebi ahaan isaga baxay degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.
Shacabka degmada qaarkood ayaa waxay sheegeen inay ka war heleen ciidamada Jabuuti oo baneynaya saldhigyada ay ku lahaayeen degmada Jalalaqsi, iyagoo wata gaadiidkooda gaashaaaman.

Taliyaha Booliska degmada jalalqasi ee Maamulka Hirshabelle Muuse Salaad ayaa xaqiijiyey in Ciidamada AMISOM ay ka baxeen dhamaan saldhigyadii ay degmadaas ku lahaayeen ayna la wareegeen ciidamada booliska Hirshabelle.
Masuuliyiinta degmada Jalalaqsi ayaa sheegay in illaa iyo hadda aysan ogeyn sababta ciidamada Jabuuti u baneeyeen saldhigyadoodii degmada Jalalaqsi, waxaana Goobaha ay baneeyeen ka mid ah Buundada kala qeybisa degmada iyo iyo meelo kale.

Taliska guud ee ciidamada AMISOM ayaan weli ka hadlin ciidamada Jabuuti ee ka baxay degmada Jalalaqsi iyo sababta arintaas keentay, iyadoo dhowr jeer ay degmadaas h**ey ugu dagaalameen ciidamada AMISOM iyo xoogaga Al-Shabaab oo weerar ku soo qaaday.

Heshiisyo uu madaxweyne Farmaajo u saxiixi doono RUUSHKA oo la ogaadayMadaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaa...
22/09/2019

Heshiisyo uu madaxweyne Farmaajo u saxiixi doono RUUSHKA oo la ogaaday

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la sheegay inuu heshiisyo u saxiixi doono Wadanka Ruushka.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa inuu tago dalka Ruushka, halkaas oo uu uga qeybgeli doono shir dhex marayo Ruushka iyo Wadamada Africa.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa inuu tago dalka Ruushka, halkaas oo uu uga qeybgeli doono shir dhex marayo Ruushka iyo Wadamada Africa.


Shirkaas ayaa la filayo inuu Ruushka ka furmo 23 Bisha October ee sanadkaan 2019, waxaana ka qeyb geli doono wadamo badan oo ka tirsan Qaaradda Africa.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiyo Dalka Ruushka Cabdullaahi Maxamuud Warsame ayaa sheegay inuu dhici doono kulan dhexmarayo Farmaajo iyo Putin, halka sidoo kalana ay kulmi doonaan Wasiirada Arrimaha Dibadda iyo Gaashaandhigga ee labada dal.


Dowladaha Soomaaliya iyo Ruushka ayaa la filayaa inay kulamadaas ku kala saxiixdaan heshiisyo dhanka Militariga iyo Kalluumeysiga.

Safiirka Soomaaliya ee Ruushka ayaa sheegay in Wadanka Ruusha uu aad u daneenayo dhoofsashada Kulluunka Soomaaliya mar uu wareysi siiyey Sputnik.com

Shirka ka dhacayo Ruushka ayaa noqonayo midkii ugu horreeyey ee noociisa ah oo dhex maro Qaaradda Africa iyo Ruushka, waxaana la filayaa inay si wadajir ah u shir guddoomiyaan Putin iyo Madaxweynaha Masar El-Sisi.

Xog: Ahlu-Sunna oo ka hor-timid qorshe yaab leh oo DF ka damacsaneyd GuriceelXog ay heshay somali tv ayaa sheegaysa in w...
19/09/2019

Xog: Ahlu-Sunna oo ka hor-timid qorshe yaab leh oo DF ka damacsaneyd Guriceel

Xog ay heshay somali tv ayaa sheegaysa in wasiirka amniga Soomaaliya uu isku dayay in qaar ka mid ah ciidamada booliiska dowladda dhexe ee dhawaan la geeyay magaalada Dhuusamareeb uu u diro magaalada Gurceel, si ay ula wareegaan ammaankeeda.

Qorshaha Wasiirka ayaa ahaa in ciidamadaas ay si buuxda ula wareegaan saldhigga booliiska magaalada Gurceel, balse intii lagu howlanaa diyaarinta ciidamadaas oo hada ku sugan Dhuusamareeb ayaa waxaa ka war helay hoggaanka Ahlu-Sunna oo ciidamo taabacsan ay gacanta ku hayaan magaalada Gurceel.

Ahlu-Sunna ayaa heegan galisay ciidamo daacad u ah oo maamula magaalooyin ay ka mid yihiin Gurceel iyo Matabaan, iyagoo dowladda federaalka ku war geliyay in aysan arintaas ogolayn.

Xubno matalayay xukuumadda federaalka ayaa caawa Dhuusamareeb kulan kula yeeshay seddaxda hoggamiye ee ugu sareysa Ahlu-Sunna, waxeyna ka dalbadeen in ciidamada federaalka loo ogolaado in ay ka howlgalaan Gurceel, si tartiib-tartiibana loogu warejiyo amaanka magaalada

Madaxda Ahlu-Sunna ayaa gabi ahaanba ku gacan sayrtay dalabkaas, waxaana muuqata in ay ku fara adeygayaan gacan ku heynta magaalooyinka Matabaan, Gurceel iyo Tuulooyin kale oo dhaca koonfurta gobolka Galgaduud oo ay kusoo aruurtay awooda Ahlu-Sunna

19/09/2019

Wa maxay internet ?

19/09/2019

JABUUTI oo digniin bixisay:
KENYA lama aamini karo

Dowladda Jabuuti ayaa wali wadda dadaalka ay ugu jirto sidii ay ku hanan lahayd matalaadda Kursiga Afrika ee golaha amaanka ee Qaramada Midoobay, ka dib markii dhawaan loollan ay taageerada midowga Afrika ku raadineysay ay Kenya uga guuleysatay.

Wasiirka arimaha dibedda ee Jabuuti ayaa sheegay in Kenya aan lagu aamini karin kursiga ay u tartamayso ee golaha ammaanka, maadaama sida uu yiri uu khilaaf xooggan kala dhexeeyo Soomaaliya.


Wasiir Maxamuud Cali Yuusuf oo maanta safiirrada ajnabiga ah ee dalkiisa ku sugan kala hadlayay arinta la xiriirta musharraxnimadooda kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka, ayaa sheegay in Jabuuti ay u baahan codadka dalalkaasi.

“Jabuuti waxa aay qiyaaseysa inay ku saxan tahay dadaalkeeda ku aaddan kursiga Golaha ammaanka. Waxa aan u bahanahay taageraada dalalkiina ee ku saabsan musharraxnimadeena”, ayuu yiri wasiirka.

Wuxuu dhanka kale sheegay in haddii Kenya ay kursigaas hesho ay saameyn ku yeelaneyso muranka kala dhaxeeya Soomaaliya.

“Waxa aan qiyaaseyna oo kale inay Kenya dhibaatada khatar ah ku heyso Soomaaliya, xalaada u dhexeysa labaada dalna ay cirka isku sii shareeri karto oo ay faraha ka bixi karto”.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaas raaciyay in Kenya an lagu aamni karin amniga gobolka.

“Waxa aan qabaa dal sidaas khatar u ah ma ilaalin karo danaha gobolka iyo qaarada iyo nabada guud, haddii u khilaafka si fogaadana waxa uu saamayn karaa labada dal iyo gobolkaba”.

Ma jiro wax war ah oo ilaa hadda kasoo baxay xukuumadda Nairobi, oo ay arrintan uga jawaabeyso.

Hase yeeshee, waxay Kenya ku naallooneysaa taageerada dalalka Midowga Afrika, si ay ugu tartanto kursiga ay damacsan tahay inay golaha amaanka ugu matasho qaaradda Afrika.


Cod-bixin ay bishii Agoosto sameeyeen dalalka xubnaha ka ah midowga Afrika oo ka dhacday magaalada Addis Ababa ayey dowlada Kenya ka heshay 37 cod, halka Jabuuti ay heshay 13 cod oo kaliya.

Laakiin Jabuuti ayaa wali ku adkeysaneysa inay tartanka lasii waddo Kenya marka la isla tago golaha amniga, ayna isku daydo inay ka guuleysato.

Horay uma dhicin in waddan labo dal oo ku kala haray midowga Afrika ay wali loollan kusii sameeyaan kursigaas.

Madaxweyne Deni oo dhagax dhigay Wejiga 2aad ee dhismaha dekeda Garacad Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Maamulka Punt...
18/09/2019

Madaxweyne Deni oo dhagax dhigay Wejiga 2aad ee dhismaha dekeda Garacad

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Maanta gaaray degaanka Garacad oo ka tirsan Gobolka Mudug.

Masuuliyiin ka tirsan Gobolka Mudug ayaa wafdiga Madaxweyne Deni ku soo dhaweeyay Degaanka Garacad, iyadoona ammaanka degaanka Maanta aad loo adkeeyay.

Safarka Madaxweyne Deni ayaa waxaa ku wehliya Maalgashadayaal u dhashay dalalkii ka qeyb-galay shirkii Maalgashiga Puntland ee shalay lagu soo xiray Magalada Garoowe.

Sababta uu Madaxweyne Deni iyo Xubnaha Maalgashadayaal u dhashay dalalkii ka qeybgalay shirkii Maalgashiga Puntland ayaa lagu sheegay inay tahay sidii ay booqan lahaayeen goobaha loogu tala galay in laga dhiso dekadda Garacad.

Madaxweyne Deni si rasmi ah u dhagaxdhigay wajigii labaad ee dhismaha Dekeda Garacad, kaasoo lagu tilmaami karo kii ugu dambeeyay oo ah buuxinta Badda.

Dabayaaqada sanadka 2021 ayaa la qorsheeyay in xariga laga jaro Dekeda Garacad oo ay maalgashadeen Ganacsato Soomaaliyeed oo ka soo jeeda degaanada Puntland.

Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom oo xarun cusub ka hir-galisay magaalada Baydhabo, taas oo sara u qaadday bilicda ...
18/09/2019

Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom oo xarun cusub ka hir-galisay magaalada Baydhabo, taas oo sara u qaadday bilicda magaalada, waxaana diyaar u nahay in aan ugu adeegno macaamiisheenna kala duwan.

Bin Salman 'oo caawimaad weydiistay' Korea-da KoonfureedDhaxal-sugaha boqortooyada Sacuudiga, Maxamed Bin Salman ayaa ka...
18/09/2019

Bin Salman 'oo caawimaad weydiistay' Korea-da Koonfureed

Dhaxal-sugaha boqortooyada Sacuudiga, Maxamed Bin Salman ayaa ka codsaday Korea-da Koonfureed inay ka caawiso xoojinta habka difaaca hawada dalkiisa, kadib weeraradii lagu qaaday goobaha saliidda laga soo saaro ee dalkaas.

Wakaaladda wararka Korea-da Koonfureed ee Yonhap oo warkan werisay ayaa sheegtay in Bin Salman iyo mas’uuliyinta Seoul ay isku raacaan inay sii wadan wada-tashiyada la xiriira arrintan.

Weeraradii sabtidii lagu qaaday laba goobood oo saliidda laga soo saaro oo ku yaalla magaalada Riyadh, ayaa waxaa sheegtay kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen, hase yeeshee Sacuudiga iyo Mareykanka ayaa tuhmaya iran.

Dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay in maanta ay baahin doonta caddeymo Tehran la xiriirinaya inay ka dambeysay weeraradas.

Hase yeeshee Tehran ayaa beenisay inay ku lug lahayd weerarkii 14-kii September.

“Waxay doonayaan in cadaadiska ugu xoogga badan ay saaraan Iran, ayaga oo aflagaadeenaya” waxa asidaas yiri madaxweynaha Iran Hassan Rouhani, sida ay ku warantay warbaahinta dowladda.

“Ma dooneyno dagaal...yaa billaabay dagaalada gobolka” ayuu yiri Rouhani oo Washington iyo xulufadeeda ku eedeeyey dagaalka ka socda Yemen.

Gudoomiyaha Golaha shacabka ee Soomaaliya Maxamed Mursal  ayaa magaalada Ankara ee dalka Turkiga kula kulmay dhigiisa Tu...
18/09/2019

Gudoomiyaha Golaha shacabka ee Soomaaliya Maxamed Mursal ayaa magaalada Ankara ee dalka Turkiga kula kulmay dhigiisa Turkiga Mustafa Ĺžentop.

Labada gudoomiye waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada Baarlamaan iyo is dhaafsiga wada shaqeyn , khibradaha iyo booqashooyin

Kulanka u dhexeeyay labada dhinac ayaa Gudoomiye Mursal ku casuumay dhigiisa in uu yimaado dalka Soomaaliya.

https//Somali tv

Howlgallo lagu dilay 15 xubnood oo ka tirsan Shabaab oo ka dhacay Jubada Hoose & HiiraanHowlgal ay sameeyeen ciidanka Xo...
18/09/2019

Howlgallo lagu dilay 15 xubnood oo ka tirsan Shabaab oo ka dhacay Jubada Hoose & Hiiraan

Howlgal ay sameeyeen ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa daraawiishta Jubbaland oo is garab sanaya ayaa lagu khaarijiyay maleeshiyaad ka tirsan kooxda Alshabaab, kaasi oo ka dhacay gobolka Jubada Hoose.

ilaa 15 xubnood oo ka tirsan Maleeshiyada Shabaab ayaa lagu dilay howlgalkaasi oo ka dhacay deegaanka Bandar-jadiid oo u dhow Buundada Araare ee gobolka Jubbada Hoose.
Sidoo kale waxaa nolosha lagu qabtay mid kamid ah Kooxda Al-Shabaab sida uu warbaahinta u xaqiijiyay taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Janaraal Odawaa Yuusuf Raage.
Sidoo kale Taliyaha ciidanka Xoogga Dalka ayaa xaqiijiyay in Ciidanka Xoogga dalka hawlgal ay ka fuliyeen inta u dhaxaysa Jalalaqsi iyo Buuleburte lagu dilay Ibraahim Cabdi Turceey oo ahaa madaxii Jabhadaha Al-Shabaab ee Gobolka Hiiraan iyo Xasan Yare oo ahaa madixii Miinooyinka.

18/09/2019

Qarax lala eegtay Injineero Dhisaya Wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye

Waxaa saakay barqadii wadada isku xarta Muqdisho iyo Afgooye gaar ahaan agagaarka Jaamacada Shabelle ka dhacay qarax miino oo lala eegtay Injineer ku howlanaa dhisida wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.
Qaraxa ayaa la sheegay in lala eegtay gaari nuuciisu yahay Hilix uu la socday Injineer u dhashay dalka Turkiga, waxaana qaraxa ku dhaawacmay Injineerka Turkiga iyo labo askari oo ilaalo u aheyd.
Sida aan wararka ku helnay Injineerka Turkiga ee qaraxa ku dhaawacmay ayaa kormeerayay shaqada dhismo ee ka socotay wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, waxaana dhaawaca Injineerka la geeyay Isbitaalka Digfeer ee Muqdisho.
Ciidamo katirsan dowlada Soomaaliya ayaa gaaray goobta qaraxa miino uu ka dhacay, waxa ayna ciidamada halkaasi ka sameeyeen howlgalo ay ku qab qabteen dad ay ku tuhmayeen qaraxa in ay ku lug lahaayeen.
Laamiga isku xira Muqdisho iyo Afgooye ayaa inta badan waxaa ka dhaca qaraxyo miino oo lala eegto gaadiidka ciidanka iyo sidoo kale gaadiidka AMISOM, qaraxyada ayaana mararka qaar waxaa ka dhashay khasaarooyin kala duwan.

18/09/2019

Xukunkii Netanyahu oo halis ugu jira inuu soo dhamaado

Ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu iyo ninka la loolamaya ee Benny Gantz ayaa ku kala adkaan waayey doorashadii guud ee shalay dhacday, taasi oo sare u qaadeysa suurta-galnimada ah in la dhiso dowlad wadaag ah, ama xitaa uu soo geba-geboobo xukunkii muddada dheeraa ee Netanyahu.

Warbaahinta Israel ayaa werineysa in in xisbiga garabka-midig ee Netanyahu ee Likud iyo kan Gantza ee Blue and White uu mid walba helay 32 ka mid ah 120-ka kursi ee baarlamanka, ayada oo 90% la tiriyey codadka.

Warbixinadan ayaa soo xigtay ilo-wareedyo ka tirsan guddiga doorashada, hase yeeshee natiijada rasmiga ah weli laguma dhowaaqin.

Natiijadan ayaan wax waddo ah oo ay ku dhisaan dowlad siineyn labada xisbi, taasi oo qasab ka dhisey in lasoo dhiso dhowlad wadaag ah.

Haddii natiijada ay sidan sii ahaato, waxay dhabar jab weyn ku noqon doontaa Netanyahu, oo doonayey inuu dhiso dowlad isbaheysi ah oo dhanka midig jirta, lana mid ah tan hadda uu hoggaamiyo, xilli uu wajahayo eedeymo ku saabsan musuq-maasuq.

Netanyahu ayaa khudbad uu taageerayaashiisa u jeediyey ku sheegay inuu soo dhisi doono dowlad “xoogan oo sahnuuniyad ah.”

Gantz ayaa isna dhankiisa ku baaqay “dowlad midow ah oo baaxad weyn”, balse waxa uu sheegay inuu sugayo natiijada rasmiga ah

18/09/2019

Guddoomiyaha xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka mudane Hassan Sheikh Mohamud iyo dardaarankiisa dhallinyarada Soomaaliyeed.

18/09/2019

Markana nakula nasta music magool iyo gulac
sida canabka beeraha

Weerarradii warshadaha Saliidda ee Sacuudiga: Muxuu Mareykanka saliidda ugu qarsaday godad ku yaalla dhulka hoostiisa?ka...
18/09/2019

Weerarradii warshadaha Saliidda ee Sacuudiga: Muxuu Mareykanka saliidda ugu qarsaday godad ku yaalla dhulka hoostiisa?

ka dib markii lagu baraarugay weerarradii dhawaan lagu qaaday warshadaha saliidda soo saara ee waddanka Sacuudi Carabiya, Saraakiisha Mareykanka ayaa hadda ka hadlaya sida uu u anfici karo keydka saliidda ee ay ugu tala galeen inay si deg deg ah ugu baxsadaan marka ay Shidaal la'aan dhacdo.

Iyadoo uu qiimaha Shidaalka sare u kac sameeyay, Madaxweyne Donald Trump ayaa bartiisa Twitter-ka kusoo qoray in waddankiisu uu saliiddan u keydsan isticmaali karo, si uu qiimaha suuqyada shidaalka uga dhigo mid xasiloon.

Saliidda uu madaxweyne Trump ka hadlayo waa mid uu xaddigeedu ka badan yahay 640 malyan oo foosto, waxayna ku keydsan tahay godadka dhulka hoostiisa ku yaalla ee gobollada Texas iyo Louisiana.

XAYEYSIIN

Fikradda ku saabsan in la keydiyo saliiddan tirada badan ee ee muhiimka u ah Mareykanka ayaa billaabatay sanadihii 1970-meeyadii.

Dhammaan warshadaha caalamiga ah ee Shidaalka dunida bixiya ayaa awooda inay suuqa ku hayaan shidaal la isticmaali karo 90 maalmood, laakiin keydka Mareykanka ayaa ah kan ugu weyn guud ahaan caalamka.

Maxay tahay sababta loo keydiyay?
Siyaasiyiinta Mareykanka ayaa markii ugu horreysay fikraddan keydinta saliidda ah la yimid horaantii 1970-meeyadii, ka dib markii cunaqabateyn dhinaca saliidda ah oo ay waddamada bariga dhexe sameeyeen ay sababtay in qiimaha shidaalka caalamku uu cirka isku shareero.

Dalalka xubnaha ka ah ururka dhoofinta Shidaalka ee Carabta oo ay ku jiraan Iiraan, Ciraaq, Kuweyt, Qadar iyo Sacuudi Carabiya ayaa xilligaas diiday inay shidaal u dhoofiyaan Mareykanka, maadaama uu Israa'iil ku garab istaagay dagaalkii u dhaxeeyay Carabta iyo Israa'iil.

Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image caption
Cunaqabateynta shidaalka ayaa ka dhalatay dagaalkii Carabta iyo Israa'iil dhex maray sanadkii 1973-kii, also called the Yom Kippur War
Dagaalkaas ayaa socday muddo saddex isbuuc ah oo ka tirsan bishii Oktonber ee sanadkaas. Laakiin xayiraadda dhoofinta shidaalka - oo sidoo kale lagu bartilmaameedsanayay dalal kale - ayaa socotay ilaa bishii Maarso ee sanadkii 1974-kii.

Waxay arrintaas sababtay in qiimaha shidaalka ee adduunka oo dhan uu qaaliyoobo, wuxuuna halkii uu ka ahaa $3 doolar foostadii gaaray ku dhawaad $12 doolar.

Sawirrada laga qaaday gawaarida safafka dhaadheer ugu jirtay kaalimaha shidaalka ee dalalka ay cunaqabateynta shidaalka saameysay ayaa waji u ahaa xasaradda dhinaca saliidda ee ka jirtay caalamka.

Aqalka wakiillada Mareykanka ee Congress-ka ayaa sanadkii 1975-kii ansixiyay hindise sharciyeedka nidaamka tamarta iyo keydka. Waxay tallaabadaas sahashay in la abuuro keydka muhiimka ah ee uu Mareykanka ku baxsan karo haddii ay mar kale dhacdo dhibaato dhinaca saliidda ah oo sidaax u baaxad weyn.

Muxuu yahay Keydku?
Wakhti xaadirkan, waxaa jira 4 meelood oo uu ku keydsan yahay shidaalkan: labo u dhow magaalooyinka Freeport iyo Winnie ee gobolka Texas iyo labo kale oo ku kala yaalla duleedka magaalada Lake Charles iyo magaalada Baton Rouge ee gobilka Louisiana.

Mid walba oo goobahaas ka mid ah waxaa ku yaalla god gacanta lagu sameeyay oo hoos u qodan ilaa hal kiiloo mitir, halkaasoo saliidda lagu keydiyay.

Sidan ayaa ka kharash yar kana amaan badan in saliidda lagu keydiyo taangiyo dhulka dushiisa yaalla.

Cusbo lagu daadiyay godadka iyo iyo cadaadiska cufnaanta dhulka ayaa hor istaagaya in saliiddu ay daadato.

Godka ugu weyn ee ku yaalla agagaarka magaalada Freeport ayaa la sheegay inay ku jirto saliid dhan 254 foosto.

Bogga Internetka ee lagu qoro wararka ku saabsan keydkan ayaa 13-kii bishan Sitembar lagu sheegay in shidaalkaas uu hadda marayo 644.8 malyan oo foosto.

Warbixin ay sanadkii 2018-kii soo saareen mas'uuliyiinta waaxda tamarta ee dalka Mareykanka ayaa lagu sheegay in waddankaas maalintiiba laga isticmaalo saliid dhan 20.5 malyan oo foosto.

Taas micnaheedu waa in Mareykanka keydkiisu uu si fiican ugu filnaan karo muddo 31 maalmood ah.

Goormaa la isticmaali karaa keydkan?
Sida uu dhigayo sharciga la ansixiyay sanadkii 1975-kii, oo uu saxiixay Gerald Ford, Madaxweynaha Mareykanka oo kaliya ayaa amar ku bixin kara in keydkaas la isticmaalo haddii uu waddanku la kulmo "shidaal yaraan aad u baahsan".

Hase yeeshee saliidda keydka ku jirta ayaa wali ceyriin ah, waxayna u baahan doontaa in la warshadeeyo haddii la doonayo in loo adeegsado shidaalka gawaarida, maraakiibta iyo diyaaradaha.

Waligiis ma la isticmaalay keydkan?
Markii ugu dambeysay ee saliidda keydka ugu jirta Mareykanka la isticmaalay waxay ahayd sanadkii 2011-kii, xilligaasoo ay dhacday shidaal yaraan baaxad leh oo ka dhalatay mudaharaadyadoo la magac baxay guga carabta.

Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image caption
Mareykanka ayaa sidoo kale malaayiin foosto oo saliid ah waxay ugu keydsan tahay meel u dhow gacanka Mexico
Laakiin Mareykanka ayaa xaddi aad u badan oo ka mid ah saliiddaas iibiyay marar dhowr ah.

Madaxweyne George H W Bush ayaa fasaxay in saliidda keydka ah la isticmaalo xilligii uu socday dagaalkii khaliijka ee sanadkii 1991-kii, halka wiilkiisa George W Bush uu isagana oggolaaday in la iibiyo 11 malyan oo foosto oo keydkaas ka mid ah ka dib markii ay dhacday duufaantii lagu magacaabay Katrina.

Hase ahaatee, waxaa su'aalo badan la iska weydiinayaa micnaha ay leedahay in keydka sidaas u weyn la sameeyo, xilli ay warshadaha tamarta ee Mareykankuhorumar weyn sameeyeen.

Warbixin uu xafiiska la xisaabtanka hay'adaha dowladda soo saaray sanadkii 2014-kii ayaa lagu sheegay in keydkaas uu sababi karo in la raqiisiyo qiimaha shidaalka ay isticmaalaan dadka Mareykanka.

Sanadkii 2017-kii, maamulka madaxweyne Trump ayaa soo hadal qaaday in la iibiyo kalabar ka mid ah keydkaas, si loo dhimo kharashka Mareykanka uga baxa saliidda loo soo dhoofiyo.

Dowladdii madaxweyne Bill Clinton ayaa sanadkii 1097-kii iibisay 28 malyan oo foosto, waxayna tallaabadaasi qeyb ka ahayd qorshaha lagu dhimayo dhaqaalaha Mareykanka uga baxa saliidda uu dibadda kasoo iibsado

MD Mareykanka ayaa sheegay in uu isticmaali doona shidaalka keydka ah kadib weerarkii Sacuudiga.
18/09/2019

MD Mareykanka ayaa sheegay in uu isticmaali doona shidaalka keydka ah kadib weerarkii Sacuudiga.

18/09/2019

Taliska Milatariga oo shaaciyay Magacyada Saraakiil Al Shabaab looga dilay howlgal (Akhriso Magacyada)

Taliska milatariga Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay howlgalo ciidanka milatariga Soomaaliya ka sameeyeen qeybo kamid ah dalka gaar ahaan gobolka Jubada Hoose iyo Hiiraan.

Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Janaraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in ciidanka milatariga howlgal ay ka sameeyeen deegaanka Bandar-jadiid oo u dhow Buundada Araare ee gobolka Jubada Hoose khasaaro lagu gaarsiiyay Al Shabaab.

Waxa uu sheegay taliyaha in howlgalkaasi lagu dilay 15-dagaalyahan oo katirsan Al Shabaab, waxa uu sidoo kale taliyaha xaqiijiyay in howlgalkaasi lagu qabtay dagaalyahan katirsan Al Shabaab.

Janaraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka milatraiga howlgal ay ka fuliyeen inta u dhaxeysa degmooyinka Jalalaqsi iyo Buuleburte lagu dilay labo sargaal oo katirsan Al Shabaab.

Taliyaha ayaa sheegay in howlgalka gobolka Hiiraan ka fuliyeen milatariga lagu dilay Ibraahim Cabdi Turceey oo ahaa madixii Jabhadaha Al-shabaab ee gobolka Hiiraan iyo Xasan Yare oo ahaa madixii Miinooyinka.

Al Shabaab ayaan ka hadlin warkan kasoo baxay taliska milatariga Soomaaliya oo ku aadan in dagaalyahano iyo saraakiil looga dilay howlgal ciidanka ka fuliyeen gobolada Jubada Hoose iyo Hiiraan.

Boqor Salman oo ka hadlay Weerarkii saameynta badan ku yeeshay SacuudigaDiyaarado nuuca aan duuliyaha laheyn ayaa weerar...
18/09/2019

Boqor Salman oo ka hadlay Weerarkii saameynta badan ku yeeshay Sacuudiga

Diyaarado nuuca aan duuliyaha laheyn ayaa weerar xoogan sabtidii ku qaaday shirkado saliida soo saaro oo leedahay dowlada Sacuudiga, waxa ayna taasi dhalisay in uu yaraado wax soo saarka saliida Sacuudiga kala bar.

Weerarkan ayaa lagu tuhmayaa in ay ku lug leedahay dowlada Iiraan inkastoo ay beenisay, waxaana Sacuudiga iyo xulufadiisa Mareykanka kamid yahay weerarkaasi ku eedeeyeen Xukuumada Tahran.

Boqorka Sacuudiga, Salman Bin Abdulaziz ayaa sheegay in dalkiisa uu awoodo inuu iska difaaco wax uu ugu yeeray weeraradii fuleynimada ahaa ee lagu qaaday Warshada Saliida ee Sacuudiga.

Boqorka ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay si cad u wajahaan kuwii ka dambeeyey weerarka saameeyay wax soo saarkii saliida Sacuudiga, waxa uuna Boqorka cadeeyay in dowladiisa ay ka jawaabi doonto gardarada.

Dowladda Sacuudiga ayaa ku celisay eedeynteeda ah in hubka Iran loo adeegsaday weerarka, hase yeeshee ma aysan yaboohin wax caddeymo ah oo taageereeya sheegashadeeda.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa weerarkan ku eedeeyay dowlada Iran , waxa uuna Trump shaaca ka qaaday inuu diyaar u yahay inuu caawiyo Sacuudiga oo xulufo muhiim la ah.

Weerarka lagu qaaday shirkadaha saliida Sacuudiga si aan h**ey loo arag sare ugu qaaday qiimaha saliidda caalamka, waxaana weerarkan hakiyey kala-bar wax soo saarkii saliida Boqortooyada Sacuudiga.

Subax Wanaagsan dhageystayaal waa Mohamed Social oo idinla socodsiinaya Idaacadda, subax nimo qodobbada aad ku maqli doo...
18/09/2019

Subax Wanaagsan dhageystayaal waa Mohamed Social oo idinla socodsiinaya Idaacadda, subax nimo qodobbada aad ku maqli doontaana waxaa ka mid ah .
Ururka Taalibaan oo mar kale sheegay in ay diyaar u yihiin in dib loo bilaabo wadahadaladii iyaga iyo Mareykanka u dhaxeeyay.
Abaar saameyn ku yeelatay dad iyo duunyaba oo laga soo sheegayo gobalka waqooyi bari Kenya.
Haweeneyda Madaxweyne Ku xigeenka ka ah dalka Sambiya oo dadka dalkeeda ugu baaqday in ay yareeyaan cunista Galeyda sababta barnaamijka ayaad ku maqli doontaan.

18/09/2019
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa waraaqaha safiirnimo ka guddoomay danjiraha cusub ee ay Soomaaliya u magacoowd...
18/09/2019

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa waraaqaha safiirnimo ka guddoomay danjiraha cusub ee ay Soomaaliya u magacoowday Maraykanka Mudane Cali Shariif Axmed.

Cali Shariif ayaa h**ey safiir uga soo noqday dalalka Faransiiska, Itoobiya iyo waliba wakiilka hay'adda dhaqaalaha Qaramada Midoobay.

Dowladda Soomaaliya ayaa Maraykanka ku tilmaamtay mid ka mid ah saaxiibada ugu muhiimsan.

Ilhan Cumar oo baaq aan farxad galin Benjamin Netanyahu u dirtay Shacabka Isra’ilIlhan Cumar oo katirsan Xildhibaanada A...
17/09/2019

Ilhan Cumar oo baaq aan farxad galin Benjamin Netanyahu u dirtay Shacabka Isra’il

Ilhan Cumar oo katirsan Xildhibaanada Aqalka Congress-ka dalka Maraykanka, ayaa ugu baaqday shacabka Isra’il in aysan dib u dooran Ra’isul Wasaaraha talada haya ee Benjamin Netanyahu .
Wareysi ay Ilhan Cumar siisay taleefishinka CBS ayey ugu baaqday shacabka Isra’il in ay ka codeeyaan Ra’isul Wasaaraha Isra’il oo xiligan wajahaya doorasho adag uu uu la galayo siyaasiyiin kasoo horjeeda.
“Waxaan hubaa in shacabka Israa’iil ay samayn doonaan go’aan kuwii h**e ka duwan, waxaanan u malaynayaa in ay fahmi doonaan jiritaankiisa iyo siyaasadihiisa in ay yihiin kuwa is burinaya, kana hor imanaya nabadda,” ayay tiri Ilhaan Cumar.
Ilhan Cumar ayaa sidoo kale su’aal laga weediiyay hadalkii dhawaan kasoo yeeray Ra’isul Wasaaraha Isra’il ee ahaa in uu deegaameyn doono dhul hor leh ay leeyihiin Falastiin, ayaa sheegtay in dhul kale oo la boobo ay wax u dhimeyso wadahadalada nabada labada dhinax
Gabadha asalkeeda Soomaaliga yahay kana tirsan aqalka Koongareeska Mareykanka Ilhan Cumar ayaa si cad uga soo horjeeda hab dhaqanka siyaasadeed ee Ra’isul Wasaaraha maamulka Isra’il , waxa ayna marar badan hawada u marisay dhaleeceyn xoogan

17/09/2019

Somalia ma ledahay goobo laku ciyaaro wifowga, maxadna la aminsan tahay wifowga?

Diyaargaroowga soo dhaweynta Madaxweyne Farmaajo ee Caasimadda Galmudug Dhuusamareeb.
17/09/2019

Diyaargaroowga soo dhaweynta Madaxweyne Farmaajo ee Caasimadda Galmudug Dhuusamareeb.

17/09/2019

Mata qaan sida kabanka lo garaaco

Warqad Afrika ka timid: 'Waxaan ka quustay inaan raaco tareenka Itoobiya'Warqadaha taxaha ah ee inaga soo gaaraya weriya...
17/09/2019

Warqad Afrika ka timid: 'Waxaan ka quustay inaan raaco tareenka Itoobiya'

Warqadaha taxaha ah ee inaga soo gaaraya weriyayaasha Afrika, ayuu Ismaaciil Einashe waxa uu wax ka qoray iskudaygiisa dhicisoobay ee uu ku doonayay inuu ku raaco tareenka Itoobiya, walow tareenkan uu yahay mid caan ah oo cusub oo uu Shiinuhu dhisay.

Caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa, waa ay adag tahay inaad ku arki wayso taboolooyinka waa weyn ee xayeysiinta ah ee ku dhinac dheggan waddooyinka iyo isgoysyada ee ay ku qoran yihiin "tareen cusub, nolol cusub".

Calaamadaha ayaa muujinaya khadka tareenka Shiinuhu uu ku dhisay $4.5 bilyan oo doolar kaas oo isku xiraya magaalooyinka Addis Ababa iyo Jabuuti, kuna xiraya dalkan aan badda lahayn ee Itoobiya ee ay dadkiisu yihiin 100 milyan ee qof dalka yar ee Jabuuti ee ku yaal Badda Cas.

Loolanka Jubbaland ma wuxuu bannaanka soo dhigay danaha Kenya iyo Itoobiya ee Soomaaliya?
Madax xanuun hor leh oo ku soo kordhay nidaamka federaalka Itoobiya
Boeing: qoysaska dadki ku dhintay diyaaradihi 737 waxaan magdhaw u siinayaa 100 milyan oo doolar
Khadkan tareenka oo dhirirkiisu uu dhan yahay 750km ayaa waxa uu shaqo bilaabay bishii Janaayo 2018, waana midkii ugu horreeyay ee koronto ku shaqeynaya ee Afrika ee xadad dalal isaga gudba.

Tareenku wuxuu ku dhacaa geel
Dalka Itoobiya tareenkan mashruuc kaliya uma ahan ee waxa uu uga dhigan yahay jowharad dahab ah oo astaan u ah himilooyinkeeda horumarka ee salka ku haya dhaqaalaha ugu koboca badan qaaradda Afrika, taas oo uu ujeedku yahay in dalkaas uu ku galo dabaqadda dhexe wixii loo gaaro bartamaha 2020-yada.

Image caption
Shiinaha ayaa maalgashade weyn ka noqday waddanka Itoobiya
Hasayeeshee tan iyo markii la furay khadkan tareenka casriga ah ayaa waxaa soo foodsaaray culeys dhinaca dhaqaalaha iyo howlgalkaba.

Bishii Janaayo waxaa muddo la hakiyay adeegyada tareenka walaac laga qabo ammaanka gobolka Afar-ta, kaddib dibadbaxyo loogaga soo horjeedo dowladda iyo iskudhacyo u dhaxeeyay qowmiyadaha Soomaalida iyo Afar-ta.

Joogsiga howlaha tareenka ayaa sanadkii h**e waxaa sababay markii tareenku uu ku dhacay geel, taas oo horseedday in xooladhaqatadu dowladda ka dalbadaan in la siiyo magdhaw xoolaha qiimaha badan ee laga laayay.

Booqashada xaruntii h**e ee uu Faransiisku dhisay
Sidaas oo ay tahay tan iyo markii aan maqlay in khadkan tareenka casriga ah laga furay gudaha dalka Itoobiya waxaan aad u rabay inaan raaco, tareenkan oo dhaqaaqo maalinkasta 0800 subaxnimo waqtiga maxalliga ah.

Waxaan qorsheeyay inaan tareenka ka raaco Addis Ababa oo aan ku tago magaalada Dire Dawa oo ah magaalo kale oo ku taal Itoobiya oo aanan arag 25-kii sanadood ee la soo dhaafay.

Image caption
Xarun cusub oo uu gacan ka gaystay Shiinaha ayaa waxaa Addis Ababa laga furay 2016
Hasayeeshee farxadeydii waxa ay durbadiiba isu badeshay niyadjab markii aan xaqiiqsaday sida ay u adag tahay in tigidh la iibsado - dalkan dariska ah ee Kenya waxaad booqanaysaa barta internetka ee khadka tareenka, halkaas ayaadna tigidhkaaga ka iibsanaysaa lacagtana mobile-ka ayaad ku dhiibaysaa, adeegga mPesa la yiraahdo, balse Itoobiya arrimuhu waa ay yara adag yihiin.

Waxaan booqday barta internetka ee khadka tareenka ee Itoobiya waxaan ka helay oo kaliya dhowr xafiis oo tigidhada lagu jaro, xafiisyadaas oo ku yaal xarumaha tareenka qadiimiga ee uu Faransiiska Addis Ababa ka dhisay ee dhaca bartamaha magaalada.

Waan wacay oon wacay, balse cid iga qabatay taleefanka ma aanay jirin. Markii dambe waxaan ku qasbanaaday inaan toos u tago dhismaha qadiimiga ah ee tareenka.

Image caption
Khadka tareenka ee Itoobiya ee tobannaan sanadood ka hor la iska ilaaway
Markii aan halkaas gaaray, sikasta oo uu xaal ahaadaba, inaan helo xafiiska tigidhada ayaa sidoo kale igu adkaatay. Waardiyuhu wuxuu u muuqday inuu la yaabay waxa aan waydiinaayo.

Markii aan xafiiska ka helay dabaqa koobaad, haweeney dhinac fadhisa miis alwaax ka samaysan ayaa iyana waxa ay u muuqatay mid la yaaban codsigayga ah inaan helo tigidh aan ku laabto.

Waxa ay ii sheegtay inaan sugo maamulaheeda. Isagiina waxa uu yiri ma aynu gadno tigidhada lagu laabto, ee haddii aad doonaysid tigidhada baska waad iibsan kartaa.

Haddii aan tareenka doonayo ayaan waydiiyay, waxa uu igu yiri waxaad aaddaa xarunta cusub ee uu Shiinuhu dhisay ee ku taal afaafka h**e ee magaalada Addis Ababa halkaasna tigidhkayga ka iibso.

Maareeyaha ayaa waxa uu ii xaqiijiyay in tareenka casriga ah uu shaqeynayo, hasayeeshee waxa uu igula taliyay inaan arooryo h**e tago - wixii loo gaaro 06:30.

Waxaan dareemay waxoogaa nafis ah, ilaa aan dhibaatadii xigtay kala kulmay - taas oo aheyd sidii aan ku heli lahaa goobta uu ku yaal tareenkan cusub.

Howl fudud ma aanay ahayn, waa midda koobaadee xarunta weli khariidadeeda lama gelin Google Mapska, dadka deegaankana waxba kalamaba socdaan waxa aan waydiinaayay.

Waxaa qasab ku noqotay inuu diyaarad raaco
Inta aan ogohay qof ka shaqeeya hoteel ayaa waxa uu iisoo helay darawal taksi, kaas oo ii sheegay in 90-daqiiqadood loo sii soconaayo xarunta tareenka - $18-na uu iga qaadaayo, kaas oo sida tareenka oo kale qaali u ah.

Waxaannu baxnay xilli mugdi ah oo qabow oo dhado ay dhacayso waa aroor Talaada ah abaare 05:00.

Waxaannu ka gudubnay degmada Bole ee Addis Ababa, halkaas oo aan ku noolaan jiray - haatanse wax badan ayey goobtu isbadeshay: waxaa aad looga dhisay hoteello cusub iyo goobo loo dukaamaysi tago oo waa weyn.

Wadadii laamiga aheyd ayaan ugu dambayntii ka baxnay oo waxaannu dhowr kiilo mitir ku soconnay waddo raf ah oo boor badan ka hor inta uusan inoo soo muuqan dhismaha weyn ee xarunta tareenka ee Furi-Labu.

Image caption
Xarunta cusub ee tareenka ayey aheyd inay noqoto goob ay ku faanaan Itoobiyaanka
Dhismaha oo u muuqdo mid si toos ah looga soo raray waddanka Shiinaha oo Itoobiya mar qura la keenay, ayaanay cidina joogin - oo waxaa jooga oo kaliya askari ilaalinaya, iyo dhowr howlwadeen oo Shiinees ah oo xarunta dhex wareegaya.

Waxa ay u muuqataa goob laga guuray. Waxaan ku lugeeyay jaranjarooyinka waa weyn, waxaanan la hadlay askarigii kaas oo ii sheegay in xarunta ay xiran tahay ugu "laba todobaad" maadaama ay cilad ka jirto meel u dhaw magaalada Dire Dawa.

Wax tareen ah oo subaxaas baxayay ma uusan jirin.

Waxaan dib ugu laabtay hoteelka - haddana dhulkii roob badan baa ka da'ay oo dhiiqo ayaanan lala socon karin - marka waxaan ku qasbanaaday inaan diyaarad raaco.

Hasayeeshee internetka ayaa aad u liitay - oo maalmahaasi waxa ay aheyd arrin iska caadi ah gudaha Itoobiya - marka waxaan qaatay taleefanka oo duulimaadkii ayaan qabsaday.

Waqtigii aan tareenka ku tegi lahaa maalintaas xarunta cusub ee magaalada Dire Dawa abaare 15.50 ayaa waxaan ku sugnaa dhismaha diyaaradaha laga raaco ee garoonka diyaaradaha ee Addis Ababa oo waxaan sugayay in diyaaradda ay soo istaagto oo ganjeelka naloo furo

Address

Maka-almukarama
Mogadishu
2526

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when SomaliaTv posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to SomaliaTv:

Videos

Share

Nearby media companies


Other Broadcasting & media production in Mogadishu

Show All