Naruuro News

Naruuro News kusoo dhawoow gacmo furan halkaan waxaad kaga bogan doontaa wax walba oo wanaag ah oo qalbigaada ku Naruuro News, Xog iyo Xaqiiq
(1)

Ku boobsi saadaashaada yaa badin kara ciyaarta caawa oo imika mareysa 18,daqiiqo
13/12/2022

Ku boobsi saadaashaada yaa badin kara ciyaarta caawa oo imika mareysa 18,daqiiqo

Ashraf Hakimi oo la dabaal dagaya hooyadiis kadib guushii uu xulkiisu ka gaaray Belgium
27/11/2022

Ashraf Hakimi oo la dabaal dagaya hooyadiis kadib guushii uu xulkiisu ka gaaray Belgium

27/11/2022

Asc bahda Naruuro News waxaan bilaabi rabnaa barnaamij aqoon guud ah oo abaal marino lagu helayo sidee u aragtaan?

Ciyaar aan waxba la isu reeban ayaa caawa dhex mareysa Argentina vs Mexico (0-0 HT)
26/11/2022

Ciyaar aan waxba la isu reeban ayaa caawa dhex mareysa Argentina vs Mexico (0-0 HT)

26/11/2022

Argentine vs Mexico soo saadaali?

14/11/2022

Xiriir jeceyl oo aadan iloobi karin wali ma kusoo maray?🥺💔

Boqolka maalin ee dowlada MW Hassan Sheikh Mohamud iyo wax qabadkeeda. 1. In Emirate-ka loo dawarsi tagay. 2. In Masar l...
23/08/2022

Boqolka maalin ee dowlada MW Hassan Sheikh Mohamud iyo wax qabadkeeda.

1. In Emirate-ka loo dawarsi tagay.

2. In Masar lagalay heshiis ku aadan biya xireenka webiga Niil.

3. In Alshabaab wasiir laga dhigay.

4. In Uganda loo tuugsi tagay waxna laga soo waayay.

5. In Shiinaha iyo Maraykanka Shiinaha lala saftay.

6. In Doorago kaloon lagu badashay.

7. Amnigii Muqdisho oo faraha ka baxay.

8. Raashinkii gargaarka ee tuugsiga lagu keenay oo suuqyada loo iib geeyay.

9. Maamul Gobaleedyadii oo la coleeystay.

10. Musuqii oo sii xoogeystay.

Naruuro News

20/08/2022

Ciidamada Gaashaan ayaa dhulka la simay Hotel-ka Xayaad oo ay ka dagaalamayaa xubno kamid ah ururka Alshabaab

19/08/2022

Muqdisho oo la dhibaatooneysa hagar daamooyinka DamulJadiid.

Qaraxya is xig xigay ayaa ka dhacay Muqdisho lama oga qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxyadaas.

19/08/2022

HORSEED VS SAHAFI

Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi ayaa goordhow ku geeriyooday Magaalada Hargeysa ee Soomaaliland.
18/08/2022

Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi ayaa goordhow ku geeriyooday Magaalada Hargeysa ee Soomaaliland.

William Samoei Ruto, ayaa ku guullaystay doorashadii madaxweynimo ee Kenya sida guddoomiyaha guddida Doorashooyinku shaa...
15/08/2022

William Samoei Ruto, ayaa ku guullaystay doorashadii madaxweynimo ee Kenya sida guddoomiyaha guddida Doorashooyinku shaaciyay.

Ruto, ayaa ka adkaaday musharraxii la tartamayay ee Raila Odinga, kaas oo uu badhitaarayay madaxweynaha xilka ka degaya ee Uhura Kenyata.

Ruto, ayaa hadda ah madaxweyne ku-xigeenka Kenya , waxana uu hadda noqona madaxweynihii shanaad ee Kenya.

15/08/2022

William Ruto

Wasaarada Qorsheyntawaxa ay tabi doontaa Wasiir Jamaal Maxamed Xassan.
13/08/2022

Wasaarada Qorsheyntawaxa ay tabi doontaa Wasiir Jamaal Maxamed Xassan.

Koofur Galbeed oo laga diiday Madaxweynaha Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud.
13/08/2022

Koofur Galbeed oo laga diiday Madaxweynaha Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud.

Hambalyo Jamaahiirta Real Madrid oo kooxdoodu ku guuleystay Uefa Super Cup.
10/08/2022

Hambalyo Jamaahiirta Real Madrid oo kooxdoodu ku guuleystay Uefa Super Cup.

Alshabaabkii Wasiirka laga dhigay ayaa leh waxaan ku dadaali doona dhexdhexaadnimo waxaana la tashan doona culimada Soom...
10/08/2022

Alshabaabkii Wasiirka laga dhigay ayaa leh waxaan ku dadaali doona dhexdhexaadnimo waxaana la tashan doona culimada Soomaaliyeed si loo saaro khaladkasta oo diini ah oo jira.

10/08/2022

KENYA, William Ruto✅

DEGDEG: Natiijada doorashada Kenya sidan ayay hadda mareysaa. William Ruto ayaa sare u kacay Markii lagu dhawaaqay dhowr...
10/08/2022

DEGDEG: Natiijada doorashada Kenya sidan ayay hadda mareysaa. William Ruto ayaa sare u kacay Markii lagu dhawaaqay dhowr magaalo oo codad badan uu ka helay.

Ruto ayaa heysta codad gaaraya 2.8million, halka Raila uu helay 2.5million. Farqiga labada murashax waa 300,000 oo cod oo uu ku horreeyo Ruto.

Ilaa hadda Waxaa codadkooda la tiriyay 5.4million oo codbixiyayaal.

10/08/2022

AF-GOOYE:Shan qof ayaa ku geeryootey, 9 kalena waa ku dhaawacmeen, ka dib markii koox hubaysan oo aan hayb tooda la aqoon ay rasaas ku fureen qoys aroos ah, deegaanka Cadiley ee gobolka Shabeelaha hoose.

Raisul Wasaare Xamza Cabdi Barre oo dhufeys kagalay Wasiir uu isago Magacaabay, xafiiska Muqtaar Rooboow waxaa ilaaladii...
10/08/2022

Raisul Wasaare Xamza Cabdi Barre oo dhufeys kagalay Wasiir uu isago Magacaabay, xafiiska Muqtaar Rooboow waxaa ilaaladiisa lagalay Raisulwasaaraha qaranka si uu isaga difaaco Alshabaabkaan Xukuumada lagu soo dhax tuuray.

10/08/2022

Siyaasiyiin shalay train-ka saarnaa ayaa maanta ka dagay iyagoo isku diyaarinaya in ay mucaaarad ku wajahaan dowlada Cusub ee Damul Jadiid.

Xitaa siyaasiyiin kamid ah DamulJadiid ayaa isaga dagay train-ka.

Warbaa soo socda ee dhagtu ha taagnaato.

Alshabaabkii laayay boqolaal Soomaali ah ayaa maanta la wareegay xilka Wasiirka Diinta iyo Awqaafta oo uu dhawaan u Maga...
10/08/2022

Alshabaabkii laayay boqolaal Soomaali ah ayaa maanta la wareegay xilka Wasiirka Diinta iyo Awqaafta oo uu dhawaan u Magacaabay Xamze Cabdi Barre.

10/08/2022

Ugu yaraan shan ruux ayaa ku dhintay sagaal kalena waa ku dhaawacmeen weerar lagu qaaday xaflad aroos oo ka socotay tuulada Cadayleey oo ku dhow degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose.

Dabley hubaysan ayaa sida wararku sheegayaan weerartay xaflad aroos oo ka socotay degaanka islamarkaana rasaas la dhacay qoyskii arooska ahaa iyo dadkii xafladdaas ku sugnaa.

Xafladdii farxadeed ayaa hal mar isu rogtay meel murugo iyo dhiig miiran ah islamarkaana codadkii jecaylka ay noqdeen baroor iyo oohin sida laga soo xigtay goob-joogayaal.

Kooxdii weerarka fulisay ayaa goobta isaga baxsaday waxaana halkaas gaaray ciidamada amniga oo hawlgal ka sameeyay degaanka.

Shacabka  dalka Kenya ayaa u dareeray goobaha ay yaallaan sanduuqyada doorashada si ay u doortaan Madaxweyne cusub oo ba...
09/08/2022

Shacabka dalka Kenya ayaa u dareeray goobaha ay yaallaan sanduuqyada doorashada si ay u doortaan Madaxweyne cusub oo baddala Uhuru Kenyatta.

Maamulka Kenyatta ayaa soo afjarmaya kaddib markii uu dhammaystay labo muddo xileed oo isku ah toban sano.

Madaxweynaha kursiga bannaynaya ayaa doorashada ku garab taagan siyaasiga muddada dheer mucaaradka ku ahaa – ahna Raysul Wasaarihii h**e ee Kenya, Raila Odinga, isagoo kasoo horjeeda madaxweyne ku xigeenka, William Ruto.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wafdi uu Hogaaminayo aya...
08/08/2022

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Jig-jiga ee Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Garoonka Diyaaradaha Magaalada Jig-jiga Wafdiga Madaxweynaha waxaa kuso dhoweyey Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mudane Mustafe Muxamed,Wasiiro,Xildhibaano,Saraakiil Ciidan iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Socdaalka Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ee Magaalada Caasimada Jig-jiga ayaa ku qotoma sidii isaga iyo Madaxweyne Mustafi ay uga wada hadli lahayeen Iskaashi ku qotoma Xaqiijinta Amniga labada Xuduud, iyo la Dagaalanka Alshabaab.

Safarkii 8aad ayuu ugu amba baxay wadanka Uganda
08/08/2022

Safarkii 8aad ayuu ugu amba baxay wadanka Uganda

Xukuumada la ansixiyay waxaa ku jira Alshabaabkii laayay boqolaal Soomaali ah isagoo si cad u baneysanaya dhiigooda.
07/08/2022

Xukuumada la ansixiyay waxaa ku jira Alshabaabkii laayay boqolaal Soomaali ah isagoo si cad u baneysanaya dhiigooda.

Xukuumadii Dan Saaxib ee uu soo dhisay Xamza Cabdi Barre waa la ansixiyay howlo badan ayey dadka Soomaaliyeed ka sugayaa...
07/08/2022

Xukuumadii Dan Saaxib ee uu soo dhisay Xamza Cabdi Barre waa la ansixiyay howlo badan ayey dadka Soomaaliyeed ka sugayaan waloow aysan ku niyad sameen Shacabweynaha Soomaaliyeed.

Waakan Xildhibaankii maanta caaga ku tuuray gudoomiyaha golaha shacabka sheikh aadan madoobe
07/08/2022

Waakan Xildhibaankii maanta caaga ku tuuray gudoomiyaha golaha shacabka sheikh aadan madoobe

07/08/2022

●Waxyaabaha Cajiibka ah ee dowlada cusub lasocda waxaa kamid ah Itoobiya oo Maamuleysa qeybo kamid ah dalka si ka xoog badan dowlada DFS.

●Dowlada cusub ayaa noqotay mid ku dhax milanta quwadaha isdiidan ee dunida iyadoo Shiinaha iyo Maraykanka la jirsatay Shiinaha. Masar iyo Itoobiya, Masar ayeey la jirsatay.

●Maamul Gobaleedyadii oo Itoobiya looga yeeranaayo sida Maamul Itoobiya hoostaga.

●Imaaraatka oo noqotay dalka banaanka ka maamula Soomaaliya iyadoo u yeerisa madax qaranka waxa ay sameeynayaan.

06/08/2022

Degmooyinka ay dagaan beesha Abgaal waa kuwa ugu amniga xun Gobolka Benaadir aragtidaas ma qabtaa adigu?

Yuusuf Cali waa Taagere Mukhtaar Roobow Timahiisa ma uusan jarin Tan markii la xiray Rooboow  2018 ..Wuxuuna sheegay in ...
06/08/2022

Yuusuf Cali waa Taagere Mukhtaar Roobow Timahiisa ma uusan jarin Tan markii la xiray Rooboow 2018 ..

Wuxuuna sheegay in 4tii Sano la soo dhafay uu ku jiray Mar xalado adag sida Fikir & Murugo badan.

06/08/2022

ARIN SHARMA BOY KUSOO KORORTAY IYO FANAANIINTII AJNABIGA OO KA YAABAN.. 🇸🇴💪

06/08/2022

HOOYO MCN❤

Abwaan sheikhow

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO KORMEER SHAQO KU TAGAY TALISKA CIIDANKA BOOLISKA SOOMAALIYEED Muqdisho, Ogoosto 06, ...
06/08/2022

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO KORMEER SHAQO KU TAGAY TALISKA CIIDANKA BOOLISKA SOOMAALIYEED

Muqdisho, Ogoosto 06, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeer shaqo ku tagay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ku adkeeyey hirgelinta, horumarinta iyo ilaalinta shuruucda dalka si ay tusaale wanaagsan ugu noqdaan bulshada Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in dowladdan cusub ee uu hoggaamiyo ay xoogga saareyso labo istiraatiijiyadood oo lagula dagaallamayo argagixisada, si looga ciribtiro guud ahaan dalkeenna, taas oo ay laf-dhabar u yihiin Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, qeybaha kala duwan ee bulshada iyo dhammaan Ciidamada Qalabka Sida.

“Dowladdaan cusub waxaa u degsan labo siyaasadood oo ay argagixisada kula dagaallameyso, waxaan rabnaa in aan kula dagaallanno hab fikri ah, diiniyan ah, waddaniyad ah oo aan dadka Soomaaliyeed ku tusineyno beenta ay wadaan argagixisada. Sidoo kale waxaan rabnaa in aan kala dagaallanno ilaha ay ka helaan dhaqaalaha, annagoo hab sharciya u mareyno, dadka Soomaaliyeedna ku qancineynno in aan la aqbaleynin in ay argagixisada dhaqaale siiyaan”

Madaxweynaha oo salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ku bogaadiyey Taliska Booliska shaqada wanaagsan ay u hayan Qarankooda, isagoo ka dhageystay warbixinno ku saabsan xaaladda guud ee amniga dalka, sharciyadda booliska, hannaanka shaqo ee Taliska Booliska, baahiyaha Ciidamada, caqabadaha ka haysta qalabka ay ku shaqeeyaan iyo dagaalka ka dhanka ah Argagixisada.

“Dowladdu waxaa ahmiyad gaar ah siineysaa horumarinta shuruuc ciidamada dalka si loo helo sharciyo la jaanqaadi kara hababka casriga ah ee ay waqtigan u shaqeeyaan hay'adaha ammaanka ee caalamka, taas oo fududeyneysa xaqiijinta hadafka guud ee ilaalinta amniga dalka. Ciidamada Booliska Soomaaliyeed waxaa laga rabaa in ay hormuud u noqdaan ilaalinta shuruucda ciidamada, dhaqan-gelinta xeerarka guud ee dalka, dhowrista sharafta, karaamada iyo xorriyada muwaadiniinta Soomaaliyeed xilliyada shaqada Qaranka.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan gaar ah la qaatay Taliska guud ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Talisyada hoggaannada, Taliyeyaasha ciidamada gaarka ah iyo Taliska qeybta guud ee Booliiska Gobolka Benaadir ayaa ku adkeeyey in ay xoojiyaan dadaallada lagu xaqiijinayo amniga caasimadda iyo guud ahaan dalka, waxa uuna hoosta ka xariiqay Madaxweynuhu muhiimadda ay dowladdu siineyso qorshaha ku saleysan xoojinta wadashqeynta shacabka iyo hay’adaha dowladda ee ay booliska ugu horreeyaan.

DHAMMAAD

Dawladda Soomaaliya ayaa taageertay Madax banaanida dal-weynaha Shiinaha, is heynta Mareykanka iyo Shiinaha-na waxay gar...
06/08/2022

Dawladda Soomaaliya ayaa taageertay Madax banaanida dal-weynaha Shiinaha, is heynta Mareykanka iyo Shiinaha-na waxay garabka saartay dhinaca Shiinaha.

Waxayna sheegtay in ay si buuxda u garab taagan tahay, xili ay Mareykanka iyo Xulafadiisu doonayaan difaaca Taiwan.

Soomaaliya ayaa ku baaqday in la ixtiraamo madax banaanida dhuleed, siyaasadeed iyo jiritaan ee dhul-weynaha Shiinaha.

Qoraalka oo lagu faafiyey bogga rasmiga ah ee wasaaradda Arrimaha dibada Soomaaliya ayaa lagu cadeeyey in Taiwan ay tahay qeyb kamid ah dhulka Shiinaha.

Xukuumaddii Farmaajo ayaa h**ey ugu dhiiran waayay in khilaafka Shiinaha iyo Mareykanka mid gaar loogu hiiliyo.

MW Hassan Sheikh Mohamud ayaa safarkiisi 8aad ugu baxaya wadanka Uganda halkaas oo u kulan kula yeelandoono dhigiisa Yuw...
06/08/2022

MW Hassan Sheikh Mohamud ayaa safarkiisi 8aad ugu baxaya wadanka Uganda halkaas oo u kulan kula yeelandoono dhigiisa Yuweri Museveni.

05/08/2022

: Wafdi sare oo kasocda dawladda Itoobiya ayaa ku sii jeeda Puntland, halkaas oo ay wada hadalo kula yeelan doonaan madaxda Puntland oo ay kala hadlayaan arrimaha Amniga xaduudaha, Iskaashiga labada dhinac iyo sidii loo adkeyn lahaa xariirka.

Wafdiga Itoobiya ayaa h**ey u tagay Baladweyne, Baydhabo, Hargaysa iyo Gedo oo ay dhammaan dhinacyada kala hadleen amniga iyo siyaasadda.

Siciid Deni ayaa todobaadyo kahor Addis Ababa kula kulmay madaxda dawladda Itoobiya oo ay ka wada hadleen arrimaha labada dhinac ka dhaxeeya.

Xildhibaannada Baarlamanka Soomaaliya oo qoraal ay ku diidan yihiin hab qaybsiga Golaha Wasiirrada Magacaaban soo saarey...
05/08/2022

Xildhibaannada Baarlamanka Soomaaliya oo qoraal ay ku diidan yihiin hab qaybsiga Golaha Wasiirrada Magacaaban soo saarey, waxayna la safteen madaxweyne ku-xigeennada Jubbaland iyo Galmudug.

"Waxaa lagu xad-gudbay awood qaybsiga 4.5 ee Soomaalida" -Ayaa lagu yiri war-safaaxadeedka.

Address

Naruuro News
Mogadishu

Telephone

+252619138490

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Naruuro News posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Naruuro News:

Videos

Share


Other News & Media Websites in Mogadishu

Show All