STR- Somali Television and Radio

STR- Somali Television and Radio TV Bulshada

Magaalada Cadaado waxaa lagu aasay Allaha unaxariistee Sheekh Xasan Diirshe iyo Siciid Tahliil oo xalay lagu dilay Magaa...
01/11/2023

Magaalada Cadaado waxaa lagu aasay Allaha unaxariistee Sheekh Xasan Diirshe iyo Siciid Tahliil oo xalay lagu dilay Magaalada Dhuusamareb.

Shacabka caasimadda Galmudug ayaa ka banaan baxay dil ka dhacay magaalada.
01/11/2023

Shacabka caasimadda Galmudug ayaa ka banaan baxay dil ka dhacay magaalada.

Allaha unaxariiato.....Madaxweynihii h**e ee Galmudug Maxamed Axmed Caalin ayaa ku geeriyooday dalka ingiriiska .
01/11/2023

Allaha unaxariiato.....
Madaxweynihii h**e ee Galmudug Maxamed Axmed Caalin ayaa ku geeriyooday dalka ingiriiska .

Allah ha u naxariisto waxaadil naxdil leh oo ku saleysan aano qabiil ayaa ka djacday Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb...
01/11/2023

Allah ha u naxariisto waxaadil naxdil leh oo ku saleysan aano qabiil ayaa ka djacday Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

Waa markii ugu h**eysay ee aano qabiil Loogu dilay Shiiq Xasan Diirshe Cade Iyo Saciid Tahliil Maxamed oo labaduba ahaa ganacsato.

Muqdisho 31 October 2023——Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, aya...
31/10/2023

Muqdisho 31 October 2023——Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya, Joacim Waern, iyagoo ka wada hadlay xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal, dardargelinta mashaariicda horumarineed ee ay Sweden ka taageerto Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa uga mahadceliyey Dowladda Sweden taageerada ay siiso Soomaaliya, waxuuna ku boorriyay dowladda Sweden in ay gacan ka geysato qorsheyaasha mudnaanta u leh dowladda, sida xasillinta deegaannada laga xoreeyey Khawaarijta.

Dhankiisa, Danjiraha Sweden ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay in uu dalkiisa ku matalo Soomaaliya, wuxuuna bogaadiyay xiriirka iyo iskaashiga labada dal, isaga oo ballanqaaday inuu ku dadaali doono sidii loo sii horumarin lahaa xiriirkaas.

Muqdisho, 31, Oktoobar 2023-- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barr...
31/10/2023

Muqdisho, 31, Oktoobar 2023-- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo maanta furay shir looga hadlayo Doorka Culimadu ay ku leeyihiin taaba-gelinta nabadda iyo dib-u-heshisiinta, ayaa xusay in culimada Soomaaliyeed ay laf dhabar u yihiin baraarujinta bulshada iyo ciribtirka afkaarta qalafsan ee Khawaarijta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa carrabka ku adkeeyey sida ay muhiim u tahay in aqoonyahannada Soomaaliyeed ay hormuud uga noqdaan difaaca dalka iyo dabargoynta fikradaha argagixisada.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa hoosta ka xariiqay in dhibaatooyinka kala duwan ee Soomaaliya dib u dhigay lagaga gudbi karo wadashaqeyn buuxda oo ay yeeshaan shacabka, culimada, indheer-garadka iyo dowladda, wuxuuna si gaar ah ugu baaqay culimadu in ay doorkooda ka qaataan dib-u-heshiisiinta, xasillinta, dowlad-dhiska iyo dhammeystirka dastuurka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in argagixisada laga wiiqay dhowr jiho oo ay kamid yihiin dhinacyada ciidanka, dhaqaalaha iyo fikir,ba taas oo horseedday in deegaanno iyo dhul ballaaran oo ay ku dhibaateyn jireen shacabka Soomaaliyeed maanta ay xor yihiin, inta harsanna weli lagu sii raad-joogo.

Shirka oo ay soo qaban-qaabisay Xarunta Cilmi Baarista iyo Daraasaadka ee Maqaasid, ayaa waxaa ka soo qayb galay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Baashe Yusuf Axmed, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda, culimo, Aqoonyahanka Soomaaliyeed iyo wufuud ka kala socotay dalalka Carabta iyo dowladdaha dariska ah.

Muqdisho, Oktoobar 30, 2023: - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Bar...
30/10/2023

Muqdisho, Oktoobar 30, 2023: - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo soo xiray Shirweynaha Dhiirigelinta Waxsoosaarka dalka, ayaa xusay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay dhiirigelinta iyo soo nooleynta kaabayaasha lafdhabarka u ahaa beeraha, xoolaha, kalluumeysiga iyo Tamarta.

Ra’iisul Wasaaraha oo khudbad dheer ka jeediyay munaasabadda ayaa adkeeyey in awood-siinta ganacsatada Soomaaliyeed iyo xaqiijinta suuqyo loo iib geeyo wax-soo-saarka dalkeenna ay kor u qaadeyso dhaqaalaha iyo horumarka dalka, isagoo xusay in Dhaqaalaha dalka uu ku horumari karo kaliya suuqa oo noqda mid xor ah iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay oo la tayeeyo.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa tilmaamay in dhammaadka sanadkan marka daynta laga cafiyo Soomaaliya ay imaan doonaan fursado badan oo u baahan in loo sii diyaar garoobo, si loo sameeyo isbeddel dhaqaale oo ballaaran kaasi oo horseedaya horumar taam ah oo waddanku gaaro.

Shirweynaha Dhiirigelinta Wax-soo-saarka dalka oo ay soo qaban qaabisay Shirkadda Hormuud, ayaa waxaa abaalmarinno lagu guddoonsiiyey xubno bulshada ka mid ah oo sameeyey hal abuurro ganacsi oo guuleystay.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibaan Jibril Abdirashid Haji Abdi, ayaa maanta si rasmi ah u furay Shirweynah...
30/10/2023

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibaan Jibril Abdirashid Haji Abdi, ayaa maanta si rasmi ah u furay Shirweynaha Dhiirigelinta Wax-soo-saarka Dalka oo ay soo qaban-qaabisay shirkada Isgaarsiinta Hormuud sidoo kale na ay ka qeybqaateen Wadaaradda iyo Ganacsatada dalka.

Shirkan oo ay ka soo qeybgaleen hay’adaha dawladda, ganacsatada, iskaashagooyinka iyo madaxda shirkadda Hormuud, ayaa ujeedkiisu yahay sare u qaadidda dhoofka iyo guud ahaan ganacsiga dalka, waxaana si gaar ah diiradda looggu saaray horumarinta qeybaha wax-soo-saarka gaar ahaan Beeraha, Xoolaha iyo Badda.

Wasiir Jibril Abdirashid Haji Abdi oo furitaankii shirka halkaas ka hadlay, ayaa wuxu ugu horreyn boggaadiyey shirkadda Hormuud oo uu ku amaanay doorkeeda ay ka qaadanayso dhiirigelinta horumarinta wax-soo-saarka dalka, waxaana uu tilmaamay in shirkani ahmiyad weyn u lee yahay kor u qaadista dhoofka iyo dheelitirka ganacsi ee aynnu la lee nahay wadamada caalamka iyo weli ba sidoo kale isku filnaanshiyo dhinaca cunada ah.

Wasiirku, wuxu carabka ku adkeeyey in ka dawlad ahaan ay mar walba ka go’an tahay kor u qaadista wax-soo-saarka dalka iyo weli ba sidoo kale raadinta suuqyo ganacsi oo caalamka isla mar ahaantaana aynnu kor u qaadno maalgashiga qeybaha wax soo saarka ee dalka.

Shirweynaha dhiirrigalinta wax soo saarka.
30/10/2023

Shirweynaha dhiirrigalinta wax soo saarka.

30/10/2023

: Muwaadin soomaaliyeed oo isku dilay Dalka Turkiga.

Xaaladda magaalada Baydhabo kadib Roobab xoogan oo xalay ka da’ay.
30/10/2023

Xaaladda magaalada Baydhabo kadib Roobab xoogan oo xalay ka da’ay.

Muqdisho, Oktoobar 30, 2023: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,...
30/10/2023

Muqdisho, Oktoobar 30, 2023: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxda Bangiga Ziraat Katilim ee laga leeyahay dalka Turkiga, kaas oo dhawaan xarun cusub ka hirgeliyey magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahad-celiyey madaxda bangiga Ziraat Katilim hirgelinta xarunta cusub ee ay ka furteen Soomaaliya, taas oo kor u qaadaysa iskaashiga ganacsiga, horumarinta dhaqaalaha iyo adkeynta cilaaqaadka ganacsi ee u dhaxeeya labada bulsho ee walaalaha ah.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka hadlay fursadaha ganacsi ee ka jira Soomaaliya ee u baahan in maalgashiga lagu sameeyo, si bulshada Soomaaliyeed ay uga faa’iideystaan kheyraadka ceegaaga dalkooda.

Kulanka uu la yeeshay Ra’iisul Wasaaruhu Madaxda Bangiga Ziraat Katilim ayaa waxaa ku wehelinayey Danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mudane Ibrahim M. Yagli.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo Wafdi uu hogaamin...
30/10/2023

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo Wafdi uu hogaaminaayo oo safar shaqo ku jooga dalka Turkiya ayaa kulan la qaatay Dhiggiisa Magaalada Ankara Mudane Mansur Yavaş kadib markii uu Casuumad rasmi ah ka helay.

Kulanka oo uu goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo Agaasimaha Xariirka Dibadda iyo Hey’addaha Caalamiga ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa loogu hadlay xoojinta xiriirka iskaashi ee labada Magaalo iyo dib usoo nooleynta mataaneyntii ay lahaan jireen Muqdisho iyo Ankara sanadihii 1989.

Guddoomiye Madaale ayaa inta uu ku sugan yahay Dalka Turkiga waxa uu la kulmi doonnaa Madax kala gedisan oo ka tirsan Dowladda Turkiya iyo hey'addo dhowr ah oo ka shaqeeya arrimaha horumarinta.

MADAXWEYNAHA DOWLADDA GALMUDUG OO SAXIIXAY SHARCIYO KASOO GUDBAY GOLAHA WAKIILLADADhuusamarreeb, 29-10-2023; Madaxweynah...
30/10/2023

MADAXWEYNAHA DOWLADDA GALMUDUG OO SAXIIXAY SHARCIYO KASOO GUDBAY GOLAHA WAKIILLADA

Dhuusamarreeb, 29-10-2023; Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa saxiixay sharciyo kasoo gudbay Golaha Wakiillada Dowladda Galmudug kuwaas oo kala ah Sharciga Maaryenta Dhulka, Sharciga Xakameynta Hubka, Hishiishkii Doorashooyinka Golaha Wadatashiga Qaran ee ay meelmariyeen Golaha Wakiillada Dowladda Galmudug Iyo miisaaniyadda Dowladda Galmudug ee 2024-ka.

Madaxweynaha ayaa dhammaan Golaha wakiillada Dowladda Galmudug iyo khubarradii kaso shaqeeyay uga mahadceliyay dadaalkii ay galiyeen sharciyadaan dhaxalka u ah bulshada reer Galmudug.

Dhammaad.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ugu hambalyeeyey shacabka iyo dowladda Turkiga sannad-guurada 100-aad ee aasaaska Jamhuuriyadd...
29/10/2023

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ugu hambalyeeyey shacabka iyo dowladda Turkiga sannad-guurada 100-aad ee aasaaska Jamhuuriyadda

Muqdisho, Oktoobar 29, 2023: - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qaybgalay Sannadguurada 100-aad ee ka soo wareegtay aas-aaska Jahmuuriyadda aan walaalaha nahay ee Turkiga.

Ra’isul Wasaare Xamsa oo hadal ka jeediyey munaasabad ka dhacday safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho oo lagu maamusayey sanad-guuradan ayaa ka hadlay xiriirka sooo jireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga oo ah mid ku dhisan iskaashi iyo walaalnimo.

“Soomaaliya iyo Turkiga waxaa ka dhexeeya xiriir istiraatijiyadeed oo sal adag leh, gaar ahaan waxay labada dal iska kaashadaan dhinacyada amniga, siyaasadda, dhaqaalaha, dhaqanka iyo bulshada”.

Ra’iisul Wasaaraha oo uga mahadceliyey dowladda Turkiga garab istaagga joogtada ah ee ay u muujinayaan Soomaaliya ayaa tilmaamay sida shacabka iyo dowladdeennu ay farxaddooda ula qeybsanayaan, taas oo ka tarjumeysa tiirarka adag ee ka dhexeeya labada dhinac.

Xiligii wax latabcan lahaa ayaa wadankii lagusoo daabulay cunto.Dhowr jeer ayaa lagubay cunnada ay keento hay'adaan kadi...
29/10/2023

Xiligii wax latabcan lahaa ayaa wadankii lagusoo daabulay cunto.

Dhowr jeer ayaa lagubay cunnada ay keento hay'adaan kadib markii la arkay inay tahay cunno aan ku wanaag saneyn xitaa xoolaha.

Hawada magaalada Muqdisho iyo caawa.Dadka qaar ayaa ku tilmaamay in waxaani yihiin bulaleyr.
29/10/2023

Hawada magaalada Muqdisho iyo caawa.

Dadka qaar ayaa ku tilmaamay in waxaani yihiin bulaleyr.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa umagacaabay Gudoomiye Cali Jeyte Cism...
29/10/2023

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa umagacaabay Gudoomiye Cali Jeyte Cismaan U Qeybsanaha Xafiiska Madaxweynaha ee Arrimaha Ciidanka Difaaca Dadweynaha (Macawisleyda).

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa safar k...
29/10/2023

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa safar ku saleysan dardar gelinta qorshaha wajiga labaad ee Dagaalka Dalka lagaga saarayo Khawaarijta Alshabaab ku tagay Degmada Waajid ee Gobolka Bakool.

Wasiirka Gaashandhiga, Taliye ku xigeenka Ciidanka Xooga Dalka,labadda gole Dowladda Koonfur Galbeed iyo Saraakiil Madaxtooyo ayaa qeyb ka ahaa wafdiga Madaxweynaha.

Garoonka Diyaarada Magaalada Waajid wafdiga Madaxweynaha waxaa kuso dhoweyey Qeybaha kala duwan Bulshada iyo Maamulka Degmada Waajid ee Gobolka Bakool.

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Qoondada Miisaaniyadda sanadka 2024-ka oo ka badan Hal Bilyan oo Dollar Muqdisho, Oktooba...
29/10/2023

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Qoondada Miisaaniyadda sanadka 2024-ka oo ka badan Hal Bilyan oo Dollar

Muqdisho, Oktoobar 28, 2023--- Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo caawa yeeshay shir aan caadi ahayn ayaa cod aqlabiyad leh ku meel mariyay ku tala galka miisaaniyadda dawladda ee sanadka 2024 oo dhan $1,025,687,991 (Hal Bilyan iyo shan iyo laabatan Malyan.)

Miisaaniyadda dowladda ayaa sanadkan gaartay in ka badan hal Bilyan oo Dollar, taas oo ku timid dakhliga gudaha oo kordhay in ka badan 20%, waxaana ay ahmiyadda saareysaa amniga Qaranka iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Ra'iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo kulanka guddoominayey ayaa sheegay in miisaaniyaddan ay ka tarjumeyso baahiyaha iyo duruufaha dalka, marka dalka deynta laga cafiyo dhammaadka sanadkanna ay sii kordhi doonto, si kor loogu qaado adeegyada ay dowladdu gaarsiinayso bulshada Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Kulanka Golaha ayaa lagu ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Dhoofka, Shahaadooyinka iyo Astaamaha Tayada iyo Xeer-nidaamiyaha Baaritaanka iyo Xaqiijinta Tayo-dhowrka Badeecadaha dalka soo galaya.

27/10/2023

Mareykanka oo sheegay inuu duqeeyay goobo lagu kaydiyo hubka oo ku yaala Dalka Suuriya.

Gabar ka socotay Tanzaaniya ayaa noqotay madaxwaynaha baarlamaanka adduunka oo heshay 172Gabadha soomaaliya ku mataleysa...
27/10/2023

Gabar ka socotay Tanzaaniya ayaa noqotay madaxwaynaha baarlamaanka adduunka oo heshay 172

Gabadha soomaaliya ku mataleysay Tartanka ayaa diiday codsi ay usoo jeediyeen madaxda qaranka kaas oo ahaa i ay ka harto tartanka, waxayna heshay 11 cod oo kaliya.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DHIGGIISA TURKIGA LA YEESHAY KULAN KU SAABSAN XOOJINTA XIRIIRKA LABADA DAL Istanbuul, Oktooba...
27/10/2023

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DHIGGIISA TURKIGA LA YEESHAY KULAN KU SAABSAN XOOJINTA XIRIIRKA LABADA DAL

Istanbuul, Oktoobar 27, 2023: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Turkiga Mudane Rajab Dayib Ordogaan oo kulan gaar ah ku yeeshay magaalad Istanbuul ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal, xoojinta iskaashiga, wadajirka iyo wax wada qabsiga ka dhexeeya labada shacab ee walaalaha ah.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay Madaxweyne Ordogan miro-dhalka wajiga koowaad ee halganka dalka lagaga xoreynayo argagixisada, iyadoo Ciidamada Qalabka Sida iyo Shacabka Soomaaliyeed oo iskaashanaya ay gacanta argagixisada ka saareen in ka badan 80 deegaan iyo degmo oo argagixisadu ay ku dhibaateynayeen dadkeenna Soomaaliyeed sannado badan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa adkeeyey muhiimadda xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo ku saleysan walaaltinimada labada shacab, danaha iyo aragtiyaha ay wadaagaan labada dowladood iyo taariikhda faca weyn ee ka dhexaysa labada dal, waxa uuna uga mahadceliyey doorka muuqda ee ay ka qaadanayaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Dhankiisa, Madaxweyne Rajab Dayib Ordogaan ayaa bogaadiyey dadaallada dowladda iyo shacabka Soomaaliya ay ugu jiraan xoreynta iyo dib u dhiska dalkooda, isagoo xaqiijiyey in dowladda iyo shacabka dalka Turkiga ay ka go’an tahay in ay arrinkaas ku gacan siiyaan walaalahooda Soomaaliya.

Labada Madaxweyne ayaa isku afgartay in la dardargeliyo kaalinta ay dowladda Turkigu ka qaadanayso amniga, dowlad dhisidda iyo maalgashiga Soomaaliya, iyadoo la isla qaatay in la bilaabo dhammeystirka iyo fulinta mashaariicda horumarineed ee h**e ay u kala saxiixdeen labada dal.

Markii ugu h**eysay ciyaaraha Maamul Goboleedyada waxaa qeyb ka ah SSC khaatumo.
27/10/2023

Markii ugu h**eysay ciyaaraha Maamul Goboleedyada waxaa qeyb ka ah SSC khaatumo.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta dhagax dhi...
26/10/2023

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha wadda Laami ah oo isku xira Dabakaaya Madow iyo Macalin Nuur ee degmada Dharkeenley, taas oo muhiim u ah isku socodka degmooyinka qeybta galbeed.

Dhismaha waddadan ayaa ah mid iskutashi ah oo ay iska kaashan doonan dadka reer Dharkeenley, rugta ganacsatada iyo maamulka gobolka Banaadir, iyada oo ay xusid mudan tahay in waddadan ay tahay markii ugu h**eysay oo Laami la saari doono taas oo hirglinteeda ay baahi u qabeen bulshada reer Madiina.

Gudoomiyqh Baarlamaanka ayaa ka reebay abar Soomaaliyeed oo u tartamaysa hoggaanka sare ee Baarlamaanka Adduunka. Xildhi...
26/10/2023

Gudoomiyqh Baarlamaanka ayaa ka reebay abar Soomaaliyeed oo u tartamaysa hoggaanka sare ee Baarlamaanka Adduunka. Xildhibaan Marwa Abdibashiir Xaaji labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ayaa cod midaysan ku taageeray in ay magaca Soomaaliyeed ugu tartanto xilka Guddoomiyaha Baaralamaanka Adduunka.

Tartanka oo ay isku soo hareen iyada iyo 3 Haween Afrikaan ah oo dalalka Malawi, Tanzania iyo Senegal ka kala socda, lana joogo saacadihii ugu danbeeyey ee cod bixinta ayaa qoraal uu soo saaray Sheekh Aadan Madoobe u diray Baarlamaanka adduunka, kaasoo uu ku sheegayo in Xildhibaan Marwo ay ka tanaasushay tartankii.

Brussels, Oktoobar 25; 2023 Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maant...
25/10/2023

Brussels, Oktoobar 25; 2023 Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Brussels kula kulmay Madaxwaynaha Golaha Midowga Yurub Mudane Charles Michel.

Labada Madaxweyne ayaa isla soo qaaday arrimo ay ka mid yihiin dadaallada ay Dowladda Soomaaliya ugu jirto ciribtirka Khawaarijta iyo iskaashiga Midowga Yurub iyo Soomaaliya ee dhinacyada amniga, geeddi-socodka dowlad-dhiska iyo horumarinta kaabayaasha dhaqan-dhaqaale ee bulshada.

Shil gaari oo aad u xanuun badan ayaa ka dhacay  aw-barkhadle ee gobolka Maroodi-jeex.
25/10/2023

Shil gaari oo aad u xanuun badan ayaa ka dhacay aw-barkhadle ee gobolka Maroodi-jeex.

Guutada 21-aad ee CXDS ayaa maantay lawareegay  difaacyadii ay kooxda AS ku laheyd Buurta Yackoos ee koofurta Mudug
25/10/2023

Guutada 21-aad ee CXDS ayaa maantay lawareegay difaacyadii ay kooxda AS ku laheyd Buurta Yackoos ee koofurta Mudug

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku ...
25/10/2023

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Bariga Afrika u qaabilsan Malaysiya Mudane Ruzaimi Mohamad oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa la wadaagay Danjiraha Malaysiya fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya iyo dhinacyada ay iska kaashan karaan labada dal ee walaalaha ah, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, xoolaha, beeraha, kalluumeysiga, caafimaadka iyo waxbarashada.

Dhankiisa, Danjire Mohamad ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha soo dhaweynta diirran, waxuuna hoosta ka xariiqay in dalkiisu uu Soomaaliya la yeelanayo xiriir walaatinimo oo ku salaysan iskaashi iyo wax wada qabsi xooggan oo dhex mara labada waddan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku q...
25/10/2023

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Karin Johansson oo ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga iyo xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Midowga Yurub uga mahadceliyey taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay siiyaan Soomaaliya, isaga oo hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay xoojinta taageerada ku aaddan dhinacyada amniga, xasillinta, horumarinta adeegyada bulshada iyo kobcinta dhaqaalaha.

Danjire Johansson ayaa sheegtay in Midowga Yurub uu sii wadi doono taageeradooda Soomaaliya, iyada oo intaa raacisay in xilligan Midowga Yurub kaalin muhiim ah ka qaadan doono barnaamijka xasillinta deegaannada laga xoreeyey Khawaarijta.

Muqdisho, 24 October 2023: Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Mad...
24/10/2023

Muqdisho, 24 October 2023: Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xariga ka jaray Buundada cusub ee laga hirgaliyay waddada 21-October ee degmada Waaberi, taas oo loogu tala-galay in ay Caruurta iyo Ardeyda kaga bad-baadaan halista gawaarida istecmaasha wadadaasi.

Munaasabadda Xarig-jarka waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Xasan Maxamed Jimcaale, Maamulka Degmada Waaberi, iyo Maamulka Shirkada Hormuud oo iyaga gacan ka geystay hirgelinta buundadan.

Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa guddoomiyay shirka Golaha Sugidda Cunnada iyo isbeddelk...
24/10/2023

Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa guddoomiyay shirka Golaha Sugidda Cunnada iyo isbeddelka cimillada ee heer Wasiir.

Shirkan oo ah midkii labaad ee ay yeeshaan Golaha Sugidda Cunnada iyo isbeddelka Cimilada ayaa looga hadlay sidii dalku u gaari lahaa isku filnaansho dhanka cunnada ah iyo sidii wax looga qaban lahaa isbeddelka oo saamayn balaaran ku leh shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sheegay siday ay Xukuumadda uga go’an tahay dardar gelinta arrimaha la xiriira wax-soo-saarka iyo sidii shacabka Soomaaliyeed ula soo bixi lahaayeen dalagga dalka isla markaana uga faa’ideysan lahaayeen khayraadka noocyada badan ee dalkeenna ceegaaga.

𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐚𝐥𝐦𝐮𝐝𝐮𝐠 𝐚𝐲𝐚𝐚  𝐤𝐚 𝐟𝐮𝐫𝐚𝐲 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐚𝐦𝐚𝐫𝐞𝐞𝐛  𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝟓-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐭𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐅...
24/10/2023

𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐚𝐥𝐦𝐮𝐝𝐮𝐠 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐤𝐚 𝐟𝐮𝐫𝐚𝐲 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐚𝐦𝐚𝐫𝐞𝐞𝐛 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝟓-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐭𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐅𝐞𝐝𝐞𝐫𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐞𝐞𝐝𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐱𝐮𝐛𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐤𝐚 𝐚𝐡 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐅𝐞𝐝𝐞𝐫𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐤𝐚𝐚𝐬 𝐨𝐨 𝐬𝐨𝐜𝐨𝐧 𝐝𝐨𝐨𝐧𝐚 𝐦𝐮𝐝𝐝𝐨 𝐥𝐚𝐛𝐨 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐧.

𝐖𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐠𝐨𝐨𝐫𝐝𝐡𝐨𝐰 𝐱𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐦𝐮𝐥𝐤𝐚 𝐆𝐚𝐥𝐦𝐮𝐝𝐮𝐠 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐠𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐡𝐮𝐮𝐬𝐚𝐦𝐚𝐫𝐞𝐞𝐛 𝐤𝐚 𝐟𝐮𝐫𝐦𝐢 𝐝𝐨𝐨𝐧𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝟓-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐭𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚...
24/10/2023

𝐖𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐠𝐨𝐨𝐫𝐝𝐡𝐨𝐰 𝐱𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐦𝐮𝐥𝐤𝐚 𝐆𝐚𝐥𝐦𝐮𝐝𝐮𝐠 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐠𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐡𝐮𝐮𝐬𝐚𝐦𝐚𝐫𝐞𝐞𝐛 𝐤𝐚 𝐟𝐮𝐫𝐦𝐢 𝐝𝐨𝐨𝐧𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝟓-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐭𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐅𝐞𝐝𝐞𝐫𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐞𝐞𝐝𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐱𝐮𝐛𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐤𝐚 𝐚𝐡 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐅𝐞𝐝𝐞𝐫𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐤𝐚𝐚𝐬 𝐨𝐨 𝐬𝐨𝐜𝐨𝐧 𝐝𝐨𝐨𝐧𝐚 𝐦𝐮𝐝𝐝𝐨 𝐥𝐚𝐛𝐨 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐧.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO  KULAN LA QAATAY TALISYADA CIIDANKA XOOGGA DALKA IYO HOWGALKA AFRICOM EE SOOMAALIYAMuqdisho, ...
24/10/2023

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY TALISYADA CIIDANKA XOOGGA DALKA IYO HOWGALKA AFRICOM EE SOOMAALIYA

Muqdisho, Oktoobar 23, 2023; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Muqdisho kulan kula qaatay siihayaha Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya A.I Shane Dixon iyo Korneyl David J.Haskell oo ah Taliyaha Howlgalka Africom ee Soomaaliya.

Dowladda Maraykanka ayaa muujisay taageeradeeda ku aaddan dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab, iyagoo Madaxweynaha iyo Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ku ammaanay sida ay uga libinta keeneen dagaalkan, maadama gacanta argagixisada laga saaray deegaanno badan oo istaraatiiji u ah isu-socodka iyo dowladnimada Soomaaliyeed.

Madaxweyanaha Jamhuuriyadda oo kulankan uu kala qeyb-galay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa soo bandhigay go’aanka mideysan ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay isla qaateen ee ku aaddan in ay iska dulqaadaan argagixisada ciriiriga ku haysa nolasha dadka Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay doorka horumarineed ee Soomaaliya amni ah ay ka qaadan karto Geeska Afrika.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa adkeeyey taageerada farsamo iyo milatari ee saaxiibada caalamku ay ka qaadanayaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-shabaab, waxa uuna tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay mudan yihiin taageero ciidan oo taas ka mug weyn, maadaama argagixisadu ay yihiin aafo caalami ah oo ay tahay in lagu dabar-gooyo iskaashi heer gobol iyo heer caalami ah

22/10/2023

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha wadda Laami ah oo isku xira Isgoosyada Fagax iyo Xaawa Casir ee Degmada Kaaraan oo lagu dhisi doono iskutashiga dadweynaha Kaaraan iyo barnaamijka dalkaaga ku dhiso hal dollar.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta dhagax dhi...
22/10/2023

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha wadda Laami ah oo isku xira Isgoosyada Fagax iyo Xaawa Casir ee Degmada Kaaraan oo lagu dhisi doono iskutashiga dadweynaha Kaaraan iyo barnaamijka dalkaaga ku dhiso hal dollar.

Munaasabada dhagax dhiga dhismaha waddadan waxaa goob Joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee maamulka Gobolka Banaadir Mudane Xasan Maxamed Jimcaale, Maamulka degmada, Saraakiil iyo qeybaha bulshada.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa tilmaamay in ay sii socon doonan talaabooyinka lagu horumarinayo biicda iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee Caasimadda, isaga oo ugu baaqay bulshada in ay jeeb kooda furaan si loogu guuleysto hirgalinta mashaariic hor leh.

Ra’ii’sul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa  Marwo Shamsa Cabdulqa...
22/10/2023

Ra’ii’sul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Marwo Shamsa Cabdulqadir Daahir u magacaabay La-taliye sare ee Arrimaha Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Address

Mogadishu
2526

Telephone

+252614781519

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when STR- Somali Television and Radio posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to STR- Somali Television and Radio:

Videos

Share


Other News & Media Websites in Mogadishu

Show All