MURTI

MURTI HALKAN KALA SOCO DHIIRIGELIN JOOGTO AH MAALIN WALBA

MURTIDA MAANTA. *"Garaacista iyo nabarada aan adhaxda kaa jebin waa ku quweeyaa oo ku xoojiyaan."*   Cumar Al-mukhtaar. ...
21/05/2023

MURTIDA MAANTA.

*"Garaacista iyo nabarada aan adhaxda kaa jebin waa ku quweeyaa oo ku xoojiyaan."*

Cumar Al-mukhtaar.

HALGANKU WAA JOOGTAYNTA.

Nuxurka Maanta. Hal madow Higaad iyo quraan h iyo waaw reebanHanadnimo iyo hooyaala gabay heelo iyo maansoNin kasta naft...
20/05/2023

Nuxurka Maanta.

Hal madow Higaad iyo quraan h iyo waaw reeban
Hanadnimo iyo hooyaala gabay heelo iyo maanso
Nin kasta naftiisa ha hafree hoodo anigaa leh.

Sayid Maxamad Cabddule xasan.

HALGANKU WAA JOOGTAYNTA.

𝑲𝑨 𝑻𝑨𝑿𝑨𝑫𝑨𝑹 𝑸𝑢𝑭𝑲𝑨 𝑨𝑨𝑫 𝑱𝑬π‘ͺ𝑬𝑺𝑯𝑨𝑯𝑨𝒀Kalsoonidu waa talaabada ugu h**eysa ee jaceylka, inaad qof ku kalsoonaato waxay ka dhiga...
18/04/2023

𝑲𝑨 𝑻𝑨𝑿𝑨𝑫𝑨𝑹 𝑸𝑢𝑭𝑲𝑨 𝑨𝑨𝑫 𝑱𝑬π‘ͺ𝑬𝑺𝑯𝑨𝑯𝑨𝒀

Kalsoonidu waa talaabada ugu h**eysa ee jaceylka, inaad qof ku kalsoonaato waxay ka dhigan tahay inaad qofkaasi siisay furihii qalbigaaga, ee hadaba walaal ka taxadar qofka aad qalbigaaga furihiisa u dhiibaneysid.

Anigu ma garanayo in jaceylka isbadalo, lakin dadku wey isbadalaan, xaaladuhuna sidoo kale, ee ka taxadar qofka aad jeclaanayso.

Ogow jaceylka dhabta ah waa midka aan u qabno Allah SW iyo Rasuulkiisa, intaas kadibna waalidiinteena iyo kuwa inaga taxadara marwalba.

Jaceylku ma ahan aqoon laga barto jaamacadaha, balse waa dareen laga dareemo qalbiga, waana sida biyaha ceelka oo kale, waad ku qoyi kartaa, waadna ku dhaawacmi kartaa, laakiin biyaha la'aantooda ma noolaan kartid.

Qofkii go'aansada inuu jeclaado qof aan gef laheyn oo keliya, wuxuu arki doonaa isagoo meel cidlo ah taagan, waayo nolosha ma ahan mid dhameystiran laakiin raali ahaanshaheena ayaa dhameystiraya wax walba oo aan raadineyno.

Jaceylku ma ahan ereyo, laakiin waa ficilo aad ka arki kartid qofka ku jecel, waxa uuna abuuraa qurux oo dhan, waxa uuna qofka dhex dejiyaa xasilooni.
_____
Abdi Yusuf

π‘΄π’‚π’™π’‚π’š π’•π’‚π’‰π’‚π’š 𝒔𝒂𝒃𝒂𝒃𝒕𝒂 𝒂𝒂𝒅 π’˜π’†π’π’Š 𝒖 π’π’Šπ’šπ’‚π’… 𝒋𝒂𝒃𝒔𝒂𝒏 π’•π’‚π’‰π’‚π’š?Sababtoo ah maskaxdaada ayaa weli ka sii fekereysa hadimooyinkii iyo g...
17/04/2023

π‘΄π’‚π’™π’‚π’š π’•π’‚π’‰π’‚π’š 𝒔𝒂𝒃𝒂𝒃𝒕𝒂 𝒂𝒂𝒅 π’˜π’†π’π’Š 𝒖 π’π’Šπ’šπ’‚π’… 𝒋𝒂𝒃𝒔𝒂𝒏 π’•π’‚π’‰π’‚π’š?

Sababtoo ah maskaxdaada ayaa weli ka sii fekereysa hadimooyinkii iyo guul darooyinkii h**e kuu gaaray, isla markaasna adigoo og in ka fekerka wixii tagay, uusan kuu soo kordhineyn wax aan murugo aheyn mooyee.

Ogow walaal nolosha adag iyo niyad jabka waxa looga gudbaa waa samir iyo talo saarasho rabi ee ma ahan murugo iyo oohin.

ka kac fadhiga oo juhdi geli waxa aad rabto inaad gaadho, maalin uun waxaad arki doontaa adiga oo ku gaaray hamigaaga, kuna faraxsan guushaada, dadkuna ay kuu hambalyeynayaan.
_____
Abdi Yusuf

NOQO QOF ADAG | DHIIRIGELIN Noqo qof adag mar walba maxaa yeelay nolosha ma wajahi karo qof daciif ah, Noqo qof adag waa...
16/04/2023

NOQO QOF ADAG | DHIIRIGELIN

Noqo qof adag mar walba maxaa yeelay nolosha ma wajahi karo qof daciif ah, Noqo qof adag waayo noloshu ma qaabisho dadka jilicsan. Waa hubaal inaad adigu wajahi doonto wakhti adag iyo wadci cusub balse hada ogow samirku waa furaha farajka ee noqo qof adag.

Ogow inaad ahaato ruux dulqaad iyo samir badan waxay ku dhaafisaa nolosha adag, ha u jihaadin oo keliya sidii aad u guuleysan lahayd, balse mar walba ku dadaal sidii aad qiimo u yeelan laheyd.

Ha noqon keliya qof adkeysi u leh gadgadoonka waayaha nolosha, balse noqo qof wakhtiga adag iyo wadciga fiicanba allah uga mahadnaqa. Ogow anagu waxaan ku nool nahay adduunyo dhibaato badan oo aysan ka dhamaaneynin mushkilado iyo murugooyin, waxaana la halgami doonaa dhibaatooyinkaas ilaa inta aynu nool nahay.

Ugu dambeyn noqo sida ubaxa, kaas oo ugu deeqa udgoonkiisa xitaa gacmaha burburiya.
_____
Abdi Yusuf

Doqonnimada waxaa kamid ah inaad nacdid qof, Kadib markii aad maqashay qof kale oo ka sheegaya xumaan, kuwa wax garadka ...
21/03/2023

Doqonnimada waxaa kamid ah inaad nacdid qof, Kadib markii aad maqashay qof kale oo ka sheegaya xumaan, kuwa wax garadka ahi waxay ula imaanayaan xal, waxayna ku dadaalayaan si aysanba ugu dhicin mushkilad

Ku sabir dhibka oo noqo mid gargaarsada allah marka ay soo wajahaan xaalado adag, kana dhigo tala saarashada eebe difaac...
15/03/2023

Ku sabir dhibka oo noqo mid gargaarsada allah marka ay soo wajahaan xaalado adag, kana dhigo tala saarashada eebe difaacaaga oo ha ka cabsan sheydaan iyo dhagartiisa

Hadii aad keligaaga tahay ha dareemin murugo, xusuusnow dayaxuba inuu yahay keligii hadana waa midka ugu iftiinka badan ...
13/03/2023

Hadii aad keligaaga tahay ha dareemin murugo, xusuusnow dayaxuba inuu yahay keligii hadana waa midka ugu iftiinka badan inta samada ka muuqatata

Ogow maalin uun addunkan dhexdiisa ambase aakhiro ayaa lagu weydiin doonaa lagaana abaal marin doonaa naf walboo aad qal...
12/03/2023

Ogow maalin uun addunkan dhexdiisa ambase aakhiro ayaa lagu weydiin doonaa lagaana abaal marin doonaa naf walboo aad qalbi jabisay iyo il walboo aad ka ilmeysiisay

Waxad la kulmeysaa dad leh weydiyo badan, waa lama huraan inaad murugootid, was lama huraan inaad xanuunsatid, waad waay...
11/03/2023

Waxad la kulmeysaa dad leh weydiyo badan, waa lama huraan inaad murugootid, was lama huraan inaad xanuunsatid, waad waayi kartaa qofkaad jecleyd, Hadaadan ogolaanaynin inaad qaabishid waxaas iyo ka badan ha dhihin dhib baa I heysta, ha dhihin waan daalay, ha dhihin nolosha ayaan nacay.

Haddii aad leedahay ma aaminayo ilaa qof aan ceeb laheyn mooyee, hadaba naftaada maxaad u aamintay midna ogsoonow waqtig...
10/03/2023

Haddii aad leedahay ma aaminayo ilaa qof aan ceeb laheyn mooyee, hadaba naftaada maxaad u aamintay midna ogsoonow waqtigu qofna ma badalo lakin waxa uu muujiyaa xaqiiqda dadka.

Caawi walaalahaga danta yar oo ay duruufuhu cileen, lowguna Dhulka ay qabad siiyeen, afiguna allah baa kuu hiilin doona,...
08/03/2023

Caawi walaalahaga danta yar oo ay duruufuhu cileen, lowguna Dhulka ay qabad siiyeen, afiguna allah baa kuu hiilin doona, oo kuu sahli doono umuurahaaga e, bi'idnillah

Wax ka qurux badan ma lahan inaad ka aamustid mid kaa sugayo inaad la murantid iyo inaad u u dhoola cadeysid midkaa fila...
07/03/2023

Wax ka qurux badan ma lahan inaad ka aamustid mid kaa sugayo inaad la murantid iyo inaad u u dhoola cadeysid midkaa filayo inaad ooyi doontid

Furaha Nolosha waa inaad ka adkaato caqabadaheeda, goortii aad bilowdo inaad joojisana was goorta aad ku fashilmeysid ga...
06/03/2023

Furaha Nolosha waa inaad ka adkaato caqabadaheeda, goortii aad bilowdo inaad joojisana was goorta aad ku fashilmeysid gaaritaanka yoolkaaga

Hadii Aad Hal Mar Iyo Ka Badanba Aad Sambiriirixato Ha Is Dhiibin Naxariista Alle-na Haka Quusan Waayo Alle Majecla Kuwa...
05/03/2023

Hadii Aad Hal Mar Iyo Ka Badanba Aad Sambiriirixato Ha Is Dhiibin Naxariista Alle-na Haka Quusan Waayo Alle Majecla Kuwa Naxriistisa ka Quusta

Sidee U Quusan Kartaa Iyadoo Uu Ku Abuurey Rabigii Ka Aqbalay Ducada Nebi Ayuub {CS} Kedib Markuu Xanuun La Jiifey 18 Sano Marku Rabigii Baryayna Xanuunkii Laga Dul Qaadey Dahab Sida Ayaxa Oo Kale Ahna Cirka Loogaso Daadiyey.

Noloshan Adduunyada waad ka tagi doontaa, Qabrigaaga ayaadna degi doontaa, Hadii aad wanaag shaqeysatay qabrigaaga wuxuu...
04/03/2023

Noloshan Adduunyada waad ka tagi doontaa, Qabrigaaga ayaadna degi doontaa, Hadii aad wanaag shaqeysatay qabrigaaga wuxuu ahaan doonaa beer kamid ah beeraha janada, Hadiise aad shaqeysatay xumaan-na qabrigaaga wuxuu ahaan doonaa tog kamid ah togaga naarta

Address

Afgoye Street
Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when MURTI posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to MURTI:

Share

Category