Wakiil

Wakiil Wakiil is an independent initiative promoting democracy and open governance in Somalia. Wakiil waxa uu horumariyaa dimuqraaddiyadda iyo dawladnimada furan.
(9)

27/05/2020

Wakiil's cover photo

05/05/2019

Wakiil waxa uu Muslimiinta u rajaynayaa Soonqaad barakaysan.

01/04/2019

Kalfadhigii Shanaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta furmay, kadib fasax dheer oo Senator-radu ku maqnaayeen tan iyo dhamaadkii Diseember.

01/04/2019

Markii labaad oo isku xigta ayaa uu baaqday Fadhigii Golaha Shacabka ee maanta la qorsheeyey. Golaha ayaa waxaa hor yaal sharciyo tiro badan oo ay ku jiraan lagamamaarmaan u ah doorashada 2020. .

27/03/2019

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta dib u furmay kadib fasax dheer oo wakiilladu ku maqnaayeen tan iyo bilowgii sannadka.

Waxaa golaha hor yaal sharciyo badan oo muhiim oo ay ku jiraan waqti aad u dheer laga sugayey in goluhu dib-u-eegis iyo ansixin ku sameeyaan.

08/03/2019
Waraysigii Cabdiraxmaan Xoosh, Wasiirkii Dastuurka

Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil waxa uu Wakiil waraysigaan siiyey Maajo 2017 waxa na aan faafinay bishii Luulyo ee is la sannadkaas. Waraysiga waxa uu kaga hadlayaa waxbarashadiisii, waxqabadkiisii ka Wasiir Dastuur ahaan iyo Dib-u-eegista Dastuurka Qabyada ah ee Federaalka.

Eebbe ha janneeyo Wasiir Xoosh, waxa uu 8dii Maarso 2019 ku geeriyooday dalka Imaaraadka Carabta.

08/03/2019

Hanbalyo ayaa aan u diraynaa dumarka Soomaaliyeed, munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Adduunka.

13/01/2019
Xildhibaan Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan

Xildhibaan Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan, oo h**ey u soo noqotay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya hadda na ah Guddoomiyaha Xisbiga Waddaniga ee Dimuqraaddiga ah, ayaa Wakiil uga warrantay sida kor loogu qaadi karo ka-qaybgelinta haweenka ee siyaasadda dalka.

03/01/2019
Sharciga Dhismaha Hay'adda Naafada

Maxamed Faarax oo u dooda Xuquuqda Aadanaha ayaa sharraxaya sharciga dhowaan la ansixiyey ee Dhismaha Hay'adda Naafada Qadanka.

31/12/2018

Bahda Wakiil waxa ay dadweynaha Soomaaliyeed u rajaynaysaa sanad wanaagsan.

31/12/2018

Hindise-Sharciyeedka Dhismaha Guddiga Madaxabannaan ee Dadka Naafada ah ayaa labada gole ee Baarlamaanka Federaalku meelmariyeen 17 Nofeembar iyo 12 Diseembar ee 2018, ugu danbaynna maanta oo ah 31 Diseembar 2018 ayaa Madaxweynuhu saxiixay, sidaas na waxa uu ku noqday Sharci dhaqangal ah.

Wixii hadda ka danbeeya waxaa la filayaa in guddiga la soo dhiso. Guddigaan ayaa qaabilsanaan doona hubinta xuquuqda dadka naafada ah ee Soomaaliyeed.

Dalka Soomaaliya ayaa lagu tiriyaa dalalka dadka naafada ah ee ugu badani ku nool yihiin, kuwaas oo in badan oo ka mid ahi lixaadkoodii ku waayeen dagaalladii dalka ka socday 40kii sano ee u danbeeyey.

30/12/2018

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta ansixiyey miisaaniyadda dowladdu ku shaqayn doonto sanadka 2019 ee maalintu ina ka xigto.

Wasiirka Maaliyadda, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa shalay faylka miisaaniyadda horgeeyey fadhigii shalay ee Golaha Shacabka, halkaas oo ay kaga doodeen wasiirka na su'aalo ku weydiiyeen.

Akhriska iyo ansixinta miisaaniyadda 2019 ayaa Guddiga Miisaaniyadda ee dhowaan la magacaabay ku qaadatay muddo 24 saac gudahood ah.

Miisaaniyadda qaranka ayaa kor u soo kacaysay tan iyo intii Dawladda Federaalku kumeelgaarnimada ka baxday, waxa na ay toddoba sano gudahood kor ugu kacday boqolkiiba saddex-boqol iyo shan.

09/12/2018

Maanta waxa ay ku beegan tahay maalinta caalamiga ah ee loo asteeyey la-dagaallanka musuqmaasuqa.

Musuqmaasuqu waxa uu weerar ku yahay koboca dhaqaalaha iyo horumarka bulshada, waxa na uu saamaynta u weyn u geystaa xoogsatada iyo dadka saboolka ah.

Qaramada Midoobay waxa ay ku qiyaastay in hal tiriliyoon sanad walba laaluush loo bixiyo adduunka, halka 2.6 tiriliyoon oo kale na qaab musuqmaasuq iyo is-daba-marin ah loo lunsado.

Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalku waxa uu dhowaan ansixiyey Hindise-Sharciyeed lagu dhisayo guddi madax-bannaan oo musuqmaasuqa lagu la dagaallamo. Ansixintani waxa ay dabo socotay mid la mid ah oo Golaha Shacabku ku oggolaadeen Hindise-Sharciyeedkaan.

Sharcigaan oo sugaya saxiixa Madaxweynaha ayaa haddii uu hirgalo noqonaya tallaabadii u horreysay ee wax looga qaban karo musuqmaasuqa dalka hareeyey.

05/12/2018

Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyey Hindise-Sharciyeedka Dhismaha Guddiga Madaxa-bannaan ee la Dagaallanka Musuqmaasuqa.

Xeerkaan oo si weyn loo dhowrayey muddo sanad iyo bar ku dhoow ayaa si uu u dhaqangalo, waxa uu hadda u baahan yahay saxiixa madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Jaantuskaan ayaa aan ku soo bandhignay heerarkii ka la duwanaa ee labada aqal ee Baarlamaanku la soo mareen ansixinta xeerkaan.

28/11/2018

30 Xisbi Siyaasadeed ayaa si ku-meel-gaar ah isaga diiwaangaliyay Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka. Halkan waxaa ah erayada ugu badan ee magacyada Xisbiyadu ka kooban yihiin. .

22/11/2018

23 Xisbi Siyaasadeed ayaa si ku-meel-gaar ah isaga diiwaan geliyey Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka. Fiiri jaantuskan hoose.

18/11/2018

Golaha Shacabku waxa uu yeeshay 10 fadhi laga soo billaabo 17kii Oktoobar ilaa 15kii Nofeembar; celcelis ahaan 144 mudane ayaa soo xaadiray fadhi kasta. Jaantuskan hoose ka eeg diiwaanka oo dhammeystiran.

18/11/2018

Golaha Shacabka ayaa shalay ansixiyay Sharciga Hay'adda Qaranka ee Dadka Naafada ah. Sharciga ayaa loo gudbiyey si ay u ansixiyaan Golaha Aqalka Sare.

-sharciyeed

08/11/2018

Jaantuskan hoose waxa uu sharraxayaa, hannaanka loo maro ansixinta Miisaaniyadda Dawladda oo dhowaan lagu wado in Baarlamaanku ka doodo.

.

31/10/2018

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyey Miisaaniyadda Dowladda ee 2019. Miisaaniyaddan oo wadar ahaan dhan $340 Milyan oo Doller aya ah middii ugu badnayd ee la ansixiyo burburkii Dowladdii dhexe ka dib. Golaha Shacabka ayaa laga sugayaa in ay ansixiyaan. Jaantuskan hoose ka eeg isbeddellada Miisaaniyadaha dalka ee toddobadii sanno ee ugu dambeeyey.

Iyada oo ay weli jiraan caqabado badan oo Dowladda ka hor taagan sare u qaadidda dhaqaalaha dalka oo ay ugu horreeyaan Canshuuraha gudaha oo yar; sababnna ay u yihiin Maamulka dowliga ah oo aan dalka wada gaarin, bulshada oo aan weli aamminaad weyn ku qaban laamaha Dowladda IWM; haddana Miisaaniyadda Dowladdu sannad ba kan xiga waxaa ka muuqanaya isbeddel yar oo horay loo qaaday.

21/10/2018

Markii ugu horreysey taariikhda Golaha Shacabka fadhigiisii 7-aad, kalfadhiga 4-aad ayaa dib u dhacay sababo la xiriira kooramka oo buuxsami waayay dartii bishii Sebtembar. Shaqadii baarlamaanku ma dhicin sababtoo ah soo xaadir la'aanta, inta badan qayb ka mid ah Xildhibaannada Baarlamaanka Faderaalka. Xeerhoosaadka ku-meel-gaarka ah ee Baarlamaanka waxa uu qeexayaa in saddex-meelood laba meel oo Golaha Shacabka ah inay joogaan si uu u furmo fadhiga Golaha Shacabka si shaqo loo qabto.

Keliya 120 Xildhibaan ayaa soo xaadiray Aqalka Baarlamaanka. Afhayeenka Golaha ayaa dib u dhigay doodo sharcidajineed sababtoo ah la'aanta 138 xubnood oo aan soo xaadirin fadhigan; inkasta oo xaqiiqda ah in kooram la'aan ay hakad gelisay hawlo ballaaran oo sharci-dejineed oo muhiim ah oo ay ku jiraan kuwo cusub ee lagu soo bandhigay kalfadhigan afraad ee Baarlamaanka.

Afartii sebtembar, Guddiga madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka (NIEC) ayaa Dhuusamarreeb doorasho ugu qabtay kursi uu horay isaga casilay Cabdulqaadir Gaafoow. Waxaa doorashadan dadban ku soo baxay Jeneraal Cabdullaahi Gaafoow, Agaasimihii h**e ee Hay'adda Socdaalka iyo jinshiyadda sidoo kalana ahaa Madaxa Hay'adda Sirdoonka Qaranka iyo Amniga (NISA), ayaa codad aad u badan uga guulaystay Xiireey Muxiyiddiin Cumar.

10kii Sebtembar, kulan wadajir ah oo ay yeesheen labada aqal ee Baarlamaanka, oo ka dhacay Dugsiga Booliska ee Scuola di Polizia ayaa lagu furay kalfadhiga 4-aad ee Golaha Shacabka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, ayaa furay kalfadhiga.

Golaha, oo uu ku guuleystay 6 fadhi oo keliya fadhigii 6-aad, waxa uu ku laabtay shaqadiisii isagoo leh ajendo sharcidejineed oo dhammaystiran. Tani waxaa ka mid ah sharciyada cusub ee la soo saaray sida hinddiso-sharciyeedka dembiyada Jinsiga, Dib-u-eegista Xeerka Guud ee Hanti-dhowrka ee 1972, dib-u-eegista Sharciga Shaqaalaha Rayidka ee 2006 iyo Hinddisa-sharciyeedka dhismaha Hay'adda dadka Naafada ah.

Fadhigii 7-aad ee Golaha Shacabka, oo la qorsheeyay 26-kii Sebtembar, ayaa la joojiyay sababo la xiriira buuxsamid la'aan kooram taas oo ku qasabtay Guddoomiyaha Golaha in uu joojiyo fadhiga. Maalmihii xigay, habdhowrka golaha ayaa ku dhawaaqay magacyada xubnihii aan ka soo qaybgelin doodihii iyo fadhiyadii Baarlamaanka; oo ay ku jiraan xubnaha Xildhibaannada ee Wasiirrada ah kuwaas oo iyaguna ka shaqeeya Wasaaradaha.

Aqalka sare

Golaha Aqalka Sare ayaa iyaguna dib u bilaabay howlahoodii shaqo toddobaadkii h**e, ka dib xaflad furitaan oo ka dhacday Xarunta Golaha. Raysul Wasaare ku-xigeenka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Khadar Mahdi ayaa ka qaybgalay xafladda furitaanka. Aqalka sare waxaa waajib ku ah in ay ay ansixiyaan sharciyada, marka ay ka soo gudbaan Golaha Shacabka; ka hor inta aanu Madaxweynaha Jamhuuriyadda saxiixin.

Sharciyada ugu xasaasisan ee sugaya Aqalka sare in ay ansixiyaan waxaa ka mid ah Sharciga La-Dagaalanka Musuqmaasuqa, oo hadda hor yaalla Aqalka. Sharciga La-dagaallanka Musuq-maasuqa ayaa markii ugu horraysay loo gudbiyay 15 bilood ka hor Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliyeed.

Sharciga La-dagaallanka Musuqmaasuqa ayaa sidoo kale la filayaa in uu oggolaado abuuritaanka Guddiga madaxabannaan ee la-Dagaallanka Musuqmaasuqa. Marka la tixraaco Sharcigan, samaysanka Guddigan waxa uu marayaa nidaamkan soo socda.



Wakiil.

18/10/2018

Qormadan hoose oo aan bishii Maajo daabacnnay, waxa aannu dib ugu soo celinnay weyddiimo ku saabdan shaqooyinka Baarlammaanka oo innooga yimid qaar ka mid ah bulshada ku xiran Wakiil. Halkan ka akhriso sida Baarllamaanka Faderaalku u shaqeeyo.

***********
Dagaalladii sokeeye kadib, Soomaaliya waxa ay qaadatay nidaamka dawladnimo ee Federaalka, taas oo qayb ka noqotay geeddiga dhismaha qaranka iyo dib u heshiisiinta. Hoos waxaa ku qoran taariikh guud mar ah oo ku aaddan aasaaskii baarlamanka Federaalka Soomaaliya, tilmaamaha qaabdhismeedkiisa, hawlaha uu u igman yahay iyo shaqadiisa.
TAARIIKH
Baarlamankii ugu horreeyey ee Soomaaliya oo madaxbannaanidiisu aanay dhammaystirnayn waxa uu fadhiistay sannadkii 1950-kii. Waxa uu ahaa golihii ka hoos jiray gumaystihii Talyaaniga oo shaqaynayey illaa sannadkii 1960 markii ay Soomaaliya gobannimada qaadatay.
Gobannimadii kadib, dadka Soomaaliyeed waxa ay doorteen baarlamaan dimuqraaddi ah oo uu hoggaaminayey Jaamac Cabdullaahi Qaalib. Dimuqraadiyadda baarlamaaniga ah ee Soomaaliya muddo 9 sano ah ayaa ay shaqaynaysay, ka hor intii aanu milaterigu afgembiyin dawladdii rayidka ahayd bishii Oktoobar 1969-kii.
Waxaa xukunkii dalka la wareegay taliskii Siyaad Barre oo talada hayey illaa bishii Koowaad ee sannadkii 1991-kii, markaas oo uu dalku galay colaado dhiig badani ku daatay oo muddo jiitamayey iyo colaado sokeeye oo ka bilowday iska caabbintii taliskii Siyaad Barre.
Shirkii dib u heshiisiinta Soomaalida ee sannadkii 2000 lagu qabtay Jabuuti waxa uu ku soo dhammaaday in la dhiso baarlamaan ku-meel-gaar ah. Laba iyo tobankii sano ee xigeyna baarlamaanno ku-meel-gaar ahaa oo kala dambeeyey ayaa la dhisay. Bishii labaad ee 2012, danyeeyeyaashii siyaasadda Soomaaliya ayaa ku kulmay magaalada Garoowe ee Puntland waxa aanay dejiyeen qorshe lagu soo afmeerayo dawladaha ku-meel-gaarka ah beddelkoodana la aasaasayo hay’ado dawladeed oo rasmi ah. Mar dambe oo isla sannadkaas ahayd ayaa la dhisay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, sida uu dhigayey heshiiskii Khariiradda kala guurka ‘Roadmap’ ee Garoowe -Heshiiskii Garoowe 1 iyo 2.
Qaab-dhismeedka ka dhashay heshiisyadaas oo ah kan weli shaqeeya ayaa caqabado waaweyn hordhigay dawladnimada Soomaaliya.
DHISMAHA
Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ee hadda jiraa waxa uu ka kooban yahay laba Aqal oo kala sarreeya, kuwaas oo kala ah Aqalka sare oo 54 kursi ah iyo Aqalka hoose oo tirada xildhibaannadiisu ay 275 xubnood yihiin.
Baarlamanka Federaalka Soomaaliya waxaa hoggaamiya afhayeen, Maxamed Mursal Cabdirixmaan, oo ay kaaliyaan ku-xigeenka koowaad Cabdiweli Ibraahim Sheekh Muudey iyo ku-xigeenka labaad Mahad Cabdalla Cawad. Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxa uu leeyahay 14 Guddi hoosaad oo kala duwan, mid kastaana uu leeyahay hawlo u gaar ah oo ay xoogga saaraan xogta ay ka helaanna la wadaagaan golaha guud iyaga oo sii dhex marinaya afhayeenka golaha.

GUDDIGA JOOGTADA AH EE BAARLAMAANKA
Guddiga joogtada ah ee Baarlamanka ayaa ah unugga ugu awoodda badan baarlamanka – waxa uu ka kooban yahay afhayeenka Aqalka, ku-xigeennadiisa, Madaxda kutladaha baaralamanka ka dhex jira iyo ku-xigeennadooda iyo guddoomiyeyaasha Afar iyo tobanka guddi hoosaad ee Aqalka.
Afhayeenka Aqalka ayaa guddoomiye u noqonaya guddiga joogtada ah oo leh awoodda go’aan ka gaarista arrimaha ay tahay in la hordhigo Baarlamaanka. Waxa kale oo uu guddigani diyaarinayaa miisaaniyadda baarlamanka, (Maadaama oo aan weli la dhisin guddiga adeegyada baarlamanka ee shaqadan qaban lahaa), waxa kale oo uu guddiga joogtada ahi maamulaa shaqada golaha gudihiisa iyo guddi hoosaadyada.
XILKA IYO AWOODAHA GUDDIGA
Baarlamanka Federaalka Soomaaliya sida baarlamaannada kale ee dimuqraaddiga ahba, waxa ay awoodihiisu ka yimaaddeen dadka uu metelo. Sida uu dhigayo xeer-hoosaadka baarlamanka (Xeer Lr.2/2012) Baarlamaanku waxa uu leeyahay awoodaha hoos ku xusan:
● Doorashada madaxweynaha iyo xil-ka-qaadistiisa si waafaqsan dastuurka.
● Waxa uu ansixiyaa ama diidaa miisaaniyadda dawladda federaalka.
Awoodaha kale ee baarlamaanka waxaa ka mid ah; ka doodista ama diidista qabyo-qoraallada xeerarka; ansixinta sharciyada cusub, ansixinta heshiisyada; la xisaabtanka madaxda hay’adaha dawladda iyo magacaabista guddiyo madaxbannaan oo baara hay’adaha dawladda.
Sida ku cad qodobka 86 ee xeer-hoosaadka baarlamanka (2012), waxa kale oo uu baarlamaanku awood u leeyahay in uu ku dhawaaqo, in uu kordhiyo waqtiga iyo in uu laalo, xeerarka xaaladaha degdegga ee Soomaaliya ee xukuumadda u ogolaanaya in ay iyadu yeedhiso tallaabooyinka lagula dagaalamayo xaaladda aan caadiga ahayn ee keentay xaaladda degdegga ah.
XOOJINTA BAARLAMAANKA FEDERAALKA
Kalsoonida lagu qabo xildhibaannada baarlamanku aad uma sii weyna. Xiisadaha siyaasiga ah ee ka dhasha khilaafyada soo dhexgala madaxweynaha iyo raysalwasaaraha ayaa h**e u sababay in baarlamaanku uu awoodi waayo in uu waajibaadkiisa shaqo si habsami ah u guto, maadaama oo xildhibaannadu ay u qaybsamayaan kuwo taageersan raysalwasaaraha iyo kuwo doonaya in ay beddelaan. Eedaymaha musuqmaasuqa ah ayaa iyaguna dhaawac gaadhsiiyey fahamkii ay bulshadu ka haysatay xubnaha baarlamaanka, dad badan oo Soomaaliyeedna ay aamineen in xildhibaannadu ay ugu dambaynta codkooda ka iibin doonaan uun ka lacagta ugu badan bixiya.
Soomaali badan ayaa aaminsan in loo baahan yahay xeerar badan oo xooggan iyo in nidaamka siyaasadeed ee xisbiyada badan iyo xeerar anshax oo aad u adag la sameeyo, si loo horumariyo shaqada baarlamaanka.
Dhismaha nidaamka siyaasadeed ee xisbiyada badani waxa uu noqon doonaa udub dhexaadka dhabbaha ay Soomaaliya u marayso dimuqraadiyadda iyo xasiloonida. Xisbiyada siyaasadda ayaa looga baahan yahay in ay xubnahooda ku hagaan jiho siyaasadeed iyo in ay ugu dambaynta xoojiyaan kaalinta uu baarlamanka Soomaaliya ka taagan yahay dimuqaraadiyadda aan cagaha adag ku taagnayn ee ka jirta dalka.
Marka la gaadho sannadka 2018-ka waxaa qasab noqon doonta in xildhibaan kasta oo ka tirsan labada Aqal ee baarlamaanku uu ku biiro xisbi siyaasadeed, dadkana waxaa laga filayaa in ay wakiilladooda ku soo doortaan gobalaysi oo aanay u eegin qabyaalad, sida nidaamka awood-qaybsiga ee 4.5 uu imika qabyaaladda ugu hagay dadka.

Wakiil

17/10/2018

Isniintii la soo dhaafay waxa ay bil u buuxsantay Kalfadhiga 4aad ee Golaha Shacabka. Muddadaas waxaa goluhu yeeshay 13 Fadhi oo celcelis ay ka soo qaybgelayeen 154 xubnood Fadigii ba. Waxaa Fadhiyadaas lagaga dooday arrimo ay ka mid yihiin nabadgelyada iyo waxkabeddelka Xeer-Hoosaadka golaha.

11/10/2018

Shir wada tashi ah oo ay isugu yimaadeen Madasha guddiyada Dastuurka ee heer federaal iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, ayaa shalay lagu soo xiray Garoowe. Shirka waxa kale oo qayb ka ahaa guddoonnada Baarlamaanka Buntlaand, Jubbaland, Koofur-Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle. Shirkan oo ahaa kii labaad ee guddiyadu isugu yimaadaan ayaa waxaa furay Afahayeenka Baarlamaanka Buntlaand, Axmed Cali Xaashi.

Shirka waxaa diiradda lagu saaray shantii cutub ee horay dib-u-eegista loogu sameeyey, gabagabadiina waxa ay guddiyadu soo saareen warmurtiyeen ka kooban toddoba qodob:

“1. Waxaa si rasmi ah loo daah furay la tashiga natiijadii ka soo baxday shanti cutub ee h**e dib-u-eegista loogu sameeyey.

2. Warbixinta soo jeedinta wax ka beddelka cutubyada koowaad ilaa shanaad ee Dastuurka Ku-meel-gaarka aha ayaa laga dhagaystay guddiyada heer faderaal ee soo diyaariyey.

3. Xubnaha madasha guddiyada dastuurka waxa ay ka doodeen shanta cutub ee dib-u-eegista lagu sameeyey, waxa ayna soo bandhigeen aragtidooda ku aaddan soo jeedinta guddiyada dastuurka ee heer faderaal.

4. Waxaa lagu ballamay in guddiyada dastuurka ee dowlaha xubnaha ka ah dowladda federaalka ay kula noqdaan baarlamaannadooda loona diyaar garoobo sidii la tashiyada loo gaarsiin lahaa golayaashooda iyo shacabka ku dhaqan Soomaaliya oo dhan.

5. Madasha dastuurka waxa ay bogaadinaysaa dedaallada badan ee ay sameeyaan guddiyada dastuurka ee heer faderaal oo soo diyaariyey wax ka beddelka cutubyada koowaad ilaa shanaad ee dastuurka, iyadoo ay jirtay caqabado badan ee la xiriira geeddi socodka dib-u-eegista dastuurka.

6. Xubnnaha madashu waxa ay isku raaceen in la tashiyada shanta cutub sida ugu dhaqsaha badan loo billaabo.

7. Shirka saddexaad ee madasha guddiyada dastuurka waxa uu dhici doonaa horraanta bisha feenaraayo 2019 iyada oo goobta ay ka tashan doonaan xubnaha madasha”.

Shirweynihii Qaran ee Dib-u-eegista Dastuurka ee Muqdisho ka dhacay 13-15 Maajo 2018 waxyaabihi ka soo baxay waxaa ka mid ahaa in dib-u-eegista lagu soo gabagabeeyo 2019. Haddaba ma kula tahay in muddadaas lagu dhammayn karo Dastuurka oo hadda uun shantii cutub ee ugu horraysay dib-u-eegis lagu sameeyey?

11/10/2018

17, 18 iyo 19kii Seteembar waxa ay Golaha Shacabku ka doodeen heerka amni ee dalka in kasta oo ay sannad iyo ka badan Baarlamaanka yaallaan Shuruuc dhowr ah oo wax looga qaban kari lahaa amniga qaranka.

07/10/2018

Jamaal Xasan, Wasiirka qorsheynta ee Xukuumadda Soomaaliya, ayaa Maxamuud Cabdullaahi kaga guulaystay doorasho magaalada Garowe loogu qabtay kursi Golaha shacabka ah oo uu iska casilay, Dhahar Cali Faarax. Jaantuskan hoose ka eeg Mahadhada Jamaal oo kooban. .

02/10/2018

15 bilood ayaa laga joogaa goortii Golaha Wasiirradu u soo gudbiyeen Baarlamaanka Sharciga Dhismaha Guddiga Madaxabannaan ee La-Dagaallanka Musuqmaasuqa, xeerkaan oo Golaha Shacabku ansixiyeen 13 Nofeembar 2017 ayaa weli sugaya meelmarinta Aqalka Sare.

27/09/2018

Tan iyo furitaankii Kalfadhiga afaraad, waxaa Golaha Shacabku yeesheen 6 Fadhi, Fadhigii 7aad oo qorshaysnaa 26 Siteembar waxa uu u meelmari waayey kooramka oo buuxsami waayey dartiis. Jaantuska ka eeg faahfaahinta.

15/09/2018

Hindiso-sharciyeedyada iyo xeerarka cusub ee looga doodi doono Kalfadhiga afaraad ee Golaha Shacabka. .

10/09/2018

Kalfadhiga Afraad ee Golaha Shacabka Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka ka furmay Dugsiga Tababbarka Booliska.

30/08/2018

Baarlamaanku waa hay’adda xeerdejinta u qaabilsan dalka, si loo habeeyo danaha siyaasadeed, kuwa bulsho iyo dhaqan-dhaqaale ee muwaadiniinta iyo hay’adaha dowladda. Ansixinta xeer walba oo goleyaasha xeeerdejinta loo soo gudbiyo waxa uu maraa saddex kal. Marka koowaad xeerka waxaa soo gudbinaya waaxda uu quseeyo (sida wasaarad dawladdeed).

Marxalad kowaad ee ansixinta waxaa loo yaqaan Akhrinta Kowaad, waa na kolka ugu horreysa ee waaxda soo diyaarisay xeerka ay ka soo-horjeediso golaha. Wax cod ah lama qaadayo goortan. Waxaa loo ballamayaa amminta xeerkan laga doodi doono.

Marxaladda labaad waxaa loo yaqaan Akhrinta Labaad waxaa na looga doodaa qodobbada xeerka iyada oo na loo codeeyo in h**e loo sii wado hannaanka andixinta, ka dib na waxaa lagu wareejiyaa guddiga golaha u qaabilsan ee uu xeerka i si gaar ah u quseeyo si ay u soo lafaguraan wax ku larid, wax ka beddel iyo wax ka reebid ba ugu soo sameeyaan.

Marxaladda saddexdaad, guddigu waxa ay soo saarayaan warbixin ay ku sheegayaan waxa ay u arkeen in ay lagama maarmaan tahay (ku darid iyo ka reebid ba). Golaha ayaa ay na dib ugu soo celinayaan.

Kolka afraad, oo loo yaqaan Akhrinta Saddexaad, waxaa la akhrinayaa, laga doodayaa loona codeynayaa tifaftirka kamadambaysta ah ee Xeerka.

Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ayaa hannaankaan ka siman, silsiladda sidaas u taxan ayaa na ay maraan Xeerarka aynu aragno ee dalka iyo dadka ba lagu dhaqo.

27/08/2018

Si looga guul gaaro Qorshaha Dib-u-eegista Dastuurka, Guddiga Isku-dhafka ah ee Dib-u-eegista Dastuurka ee Labada Gole ayaa sameeyey habraac loo marayo howsha dib-u-eegista. Habraacan oo ka kooban taxmo sagaal tallaabo ah ayaa koobaya jidka la doonayo in lagu soo afmeero howshan.

- Tallaabada 1aad: Doorashada xubnaha Guddiga La-socodka ee labada Aqal.
- Tallaabada 2aad: Magaacabidda iyo ansixinta xubnaha Guddiga Madaxa-bannaan.
- Tallaabada 3aad: Magacaabidda ergada dowlad-goboleedyada ee ku biiraya labada guddi.
- Tallaabada 4aad: Guddiga La-socodka ayaa u xilsaaraya Guddiga Madaxa-bannaan wax-ka-beddelka Dastuurka.
- Tallaabada 5aad: Guddiga Lla-socodka ayaa u diraya Wasaraadda Dastuurka fududeynta arrimaha wadaxaajoodka siyaasadeed u baahan.
- Tallaabada 6aad: Guddiga Madaxa-bannaan iyo Wasaraaddu waxa ay dib u soo celinayaan soo-jeedimaha iyo shaqooyinka ay soo qabteen si uu Guddiga La-socodku u ansixiyo.
- Tallaabada 7aad: Guddiga La-socodka ayaa la-tashi dadweyne iyo dowlad goboleedyada gelinaya Wax-ka-bedelka Cusub ee la soo jeediyey.
- Tallaabada 8aad: Guddiga La-socodku waxa uu u gudbiyaa Baarlamaanka Federaalka wax-ka bedelka cusub si uu ⅔ cod ugu meel mariyo.
- Tallaabada 9aad: Waxaa la diyaarinayaa sharciga aftida si ay dadweynuhu HAA ama MAYA ugu codeeyaan Dastuurka.

Iyada oo ay sannad iyo wax yar uun innaga xigto goorta laga fooldhowrayo howshan ma ku la tahay in lagu qaban karo inta ka dhiman sagaalkan tallaabo oo qaarkood u baahan wadaxaajood siyaasadeed halka kuwo kale ay u baahan yihiin falanqeyn iyo lafo-gurid dadweyne; innaga oo weliba maanka ku haynna in qaybo ka mid ah dalka ay weli gacanta dowladda ka maqan yihiin, halka kuwo kale na wacyiga bulshadu aanu u diyaarsanayn aftida Dastuurka iyo ka-qaybgalkiisu too na?

25/08/2018

54% ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka waxaa la soo doortay sannadkii 2016 halka 51 ka mid ah 275 Xildhibaan la soo doortay ka hor 2012.
.

22/08/2018

15kii Maajo ee gugaan 2018 waxaa Muqdisho lagu soo gabogabeeyey shirweyne ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay ka soo qaybgaleen bulshada rayidka ah, Maamul Gobolleedyada, hay’ado iyo qaybo ka mid ah Jaamacadaha dalka.

Shirweynahan oo loogu waqlalay “Daahfurka Dib-u-eegista Dastuurka” waxaa ka soo baxay baaq ka koobnaa afar qodob oo uu ugu muhiimsanaa qodobka 2aad oo ka hadlayey waqtiga la doonayo in lagu soo gabogabeeyo qorshaha dib-u-eegista Dastuurka.

Howsha ugu muhiimsan ee dib-u-eegistu waxa ay ku dhacaysaa Cutubyada 1aad, 2aad illaa 5aad oo intooda badan ka hadlaya awoodqaybsiga, kheyraad-wadaagga, maqaamka caasimadda, jinsiyadda, iwm. Guddigu arrimahan waxa uu u ka la saaray:

1) Arrimo u baahan dib-u-eegis farsamo;
2) Arrimo u baahan wada xaajood Siyaasadeed; iyo
3) Wax ku daris.

Sida lagu xusay bogga Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka 30 Luulyo 2018 Guddiga madaxabannaan ee Dastuurku waxa uu Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka ku wareejiyey Cutubyo uu dib-u-eegis ku sameeyey.

Guddiga ayaa ka dooday qodobbada 1aad illaa 17aad iyaga oo is-barbardhig ku sameynaya soo-jeedinnada Guddiga Madaxabannaan, asalka Dasruurka iyo soo-jeedinnadii Baarlamaankii 9aad.

Qodobadan guddigu ka dooday waxaa ku jiray arrimaha jinsiyadda oo ka mid ah qodobbada ay dooddu ka taagan tahay. Marka ay dooduhu soo dhammaadaan waxaa la filayaa in ay guddigu furaan dhageysi dadweyne.

Gabogabadii, sida lagu xusay baaqii shirweynihii qaran ee daahfurka dib-u-eegista Dastuurka ee 15kii Maajo, waxaa lagu wadaa in howsha dib-u-eegista la soo gabogabeeyo Diseembar 2019.

22/08/2018

Baraha Wakiil ee Facebook iyo Twitter maanta ayaa ay 2 gu' jirsadeen. Mahad waxaa leh taageerayaashayada iyo hawladeennadayada.

Address

Airport Road, ​ Wadajir
Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wakiil posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Wakiil:

Videos

Share

Waa ayo Wakiil?

In aad hesho jid aad ku baran karto masuuliyiinta aad doorataa waxa ay ka mid tahay xuquuqdaada aasaasiga ah. degelka (Website) Wakiil waa xogkaydiye internet ka ah oo madaxbannaan, dhinacyada kala duwan ee siyaasaddana aan la’ kala jirin, kaas oo aad ka helayso xogta xildhibaannada aqalka hoose (Golaha shacabka) iyo aqalka sare ee baarlamanka Soomaaliya.

Waa degel u taagan in uu kobciyo daahfurnaanta iyo in uu isla xisaabtan ka dhex samaysmo dhammaan dhinacyada kala duwan ee nolosha Soomaaliya, gaar ahaan dadka loo doortay in ay metelaan dadka Soomaaliyeed.

Ujeedkayagu waa in aanu xog inta hadda jirta ka fiican kaa siinno masuuliyiinta iyo geeddi-socodka nidaamka siyaasiga ah ee Soomaaliya, si aanu u dhiirrigelinno in dadku doodo yeelan karaan iyo sida oo kale in aanu dhiirrigelinno ka qaybgalka geeddiga siyaasadda Soomaaliya ee dimuqraadiyaddiisu kobcayso, taas oo xoojinaysa in sannadka 2020 ay dalka ka dhacdo doorasho qofka iyo codkiisa ah.

Daahfurnaanta iyo in la’la xisaabtami karo masuuliyiintu waa laba rukun oo muhiim u ah dawladnimada dimuqraaddiga ah, mashruucan furanina waxa uu calaamad muhiim ah u yahay dhabbaha Soomaaliya u marayso dimuqraadiyadda.


Other News & Media Websites in Mogadishu

Show All

You may also like