Channel 6 News

Channel 6 News Channel 6 is an independent News outlet,focusing on Cutting edge news around the globe.

20/11/2023

Xarig oo noqday xalka Degmada Luuq.

Share dheh videos.

Diyaarad Nooca Helikobtarka oo lagu waday in ay qaado Warqadaha Imtaxaanaadka KCSE ayaa maanta ku burburtay Ismaamulka W...
20/11/2023

Diyaarad Nooca Helikobtarka oo lagu waday in ay qaado Warqadaha Imtaxaanaadka KCSE ayaa maanta ku burburtay Ismaamulka Wajeer .

20/11/2023

ishii ay ku dhisnayd Luuq oo go'day.

20/11/2023

MUQDISHO IYO ROOB. ALXM.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer uu ugu kuur gal...
20/11/2023

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer uu ugu kuur galayo xaaladda binu aadantinimo ee ka dhalatay roobabka daadadka wata ee ka da’ay qeybo kamid ah gobollada dalka, waxa uu ku tagey degmada Doolow ee Gobolka Gedo.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee degmada Doolow ku soo dhaweeyey Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee dowlad Goboleedka Jubbaland, Mudane Maxamuud Sayid Aadan, masuuliyiin ka tirsan dowlad-goboleedka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Doolow.

Dollo-Addo iyo nimcada rabi ee roobka.
20/11/2023

Dollo-Addo iyo nimcada rabi ee roobka.

Banka Awdanbeey ee dagmada. Cadaadle (G)    Oo Barwaaqaysan
20/11/2023

Banka Awdanbeey ee dagmada. Cadaadle (G) Oo Barwaaqaysan

Garoonka Diyaaradaha Doloow' waxaa hada ka soo dagey ilaalada Ra,isalwasaaraha Dalka Xamze Cabdi Bare. Ra,isalwasaaraha ...
20/11/2023

Garoonka Diyaaradaha Doloow' waxaa hada ka soo dagey ilaalada Ra,isalwasaaraha Dalka Xamze Cabdi Bare.

Ra,isalwasaaraha ayaa goordhow soo gaari doono magaalada Doloow Siyaasiiyiin sarakiil Ciidan iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa ku sugan Garoonka si ay u soo dhaweeyaan.

09/11/2023

Muqdisho 😢 😭 😿 😢 😭 😿 😢.

01/11/2023
29/09/2023

Toos: Guul ama geeri, taagyerada ciidamada xooga.

28/09/2023

: .
Askari ka tirsan Ciidamada amaanka Baladxaawo ayaa dhaawac halis ah u geeystay bajaajle maraayey Misjidka manaarada oo mowliid ka jiray.
Askariga dhaawacay bajaajlaha ayaa xabsiga la dhigay.

JIGJIGA: Wariye Buux Oo La Xidhay Iyo Cabudhinta oo kusii kordhaysa DDSJigjiga (Karamara TV) - Saaka barqadii ayaa ciida...
27/09/2023

JIGJIGA: Wariye Buux Oo La Xidhay Iyo Cabudhinta oo kusii kordhaysa DDS

Jigjiga (Karamara TV) - Saaka barqadii ayaa ciidamada booliska Deegaanka Soomaalidu ay xabsiga u taxaabeen wariye Cabdiraxmaan Buux oo ka hadhay wariyeyaashii DDS ee tahriibay kaddib markii uu Madaxweyne Mustafe ka joojiyey inay ka hawlgalaan gudaha deegaanka.

Sida ay goob-joogeyaal u xaqiijiyeen Karamara TV, wariye Buux ayaa ay xukuumadda DDS qoonsatay warbixino uu ka diyaariyey weerarka ay Oromadu kusoo qaadday Qolloji, halkaas oo uu wariyuhu booqday oo uu kusoo waraystay shacabka barakacayaasha ah ee ay xabbadu ku socoto.

Masuuliyiin ka tirsan booliska oo aanu la xidhiidhnay ayaa noo sheegay, in wariye Buux uu barnaamij su'aalo ah ka duubayay suuqa xilligii ay qabanayeen, taas oo markhaati cad usii noqonaysa heerka ay taagan tahay cabudhinta oo ah in aanu wariyuhu war iyo warbixin midna samayn karayn illaa uu ogolaansho kasoo qaato laamaha ammaanka.

Xukuumadda ayaa la rumaysan yahay in ay diiddan tahay in lasoo bandhigo aragtida shacabka ee ah sida ay uga soo horjeedaan weerarka Oromada, inkasta oo aan la garanayn faa'iidada siyaasadeed ee dagaalka ugu jirta Madaxweyne Mustafe.

Buux oo la geeyey jeelka gobolka ayaa su'aalo lagu weydiiyey, waxaana uu masuulka booliska ee la hadlay Karamara TV noo xaqiijiyey in ay sii deyn doonaan marka ay su'aalaha ay u baahan yihiin ka helaan jawaabahooda.

Si kastaba ha ahaatee, wariye Buux ayaa ah saxafiga kaliya ee ka hadhay wariyeyaashii ka hawlgalayey Deegaanka Soomaalida ee shaqada laga joojiyey iyaga iyo telefishanadii Soomaalida ee ay wakiillada uga wahaayeen DDS, iyadoo wariyeyaashii kale ay ka tahriibeen waddanka kaddib xayiraadda ay xukuumadda Mustafe saartay.

WQ: Abdiwahab Ahmed

XOG: Wasaarada arimaha gudaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in koowda bisha soo socta ilaa shanteeda labo go'aan kasoo saar...
27/09/2023

XOG: Wasaarada arimaha gudaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in koowda bisha soo socta ilaa shanteeda labo go'aan kasoo saarto arimaha siyaasada KG gaar ahaan doorashooyinka.

Xogta aan helnay ayaa sheegaysa in Madaxweynaha JFS uu wasaarada arimaha gudaha faray in ay si rasmi ah u cadeyso

1.in heshiis siyaasadeedkii Baydhabo aan waxba iska bedalin oo sidiisii uu yahay.

2.In wasaarada arimaha gudaha Soomaaliya si toos ah ula wareegto hogaaminta doorashada madaxtooyada KG iyo tan baarlamaanka laguna qabto mudo 90 cisho ah kana bilaabanaysa 15ka bisha 10-aad 2023ka.

Dhanka kale xogta waxaa ay intaas ku daraysaa in madaxweynaha Soomaaliya uu si toos ah qadka taleefoonka ugala hadlay Madaxweynaha xilkiisu dhamaaday ee KG Abdi Aziz Laftagareen una sheegay in uu fuliyo heshiiskii Baydhabo uuna joojiyo hor istaaga siyaasiinta isaga ka aragtida duwan.

Madaxweyne Laftagareen ayaa diiday dalabka madaxweynaha qaranka isagoo ku andacooday in heshiiskii Baydhabo uu ka dambeeyey kii madasha wadatashiga qaran ee Muqdisho bishii May kaasna uu fulinayo.

Intaas kadib madaxweynaha ayaa godoomiyaha golaha shacabka la xiriiray lamana oga qodobada ay isla meeldhigeen.

Sidee u aragtaa in wasaarada arimaha gudaha lawareegto arimaha doorashooyinka KGS?.

27/09/2023

Axmed Madoobe iyo Maxamuud Sayid eedaymo ayaa dul hoganaaya ka dib go'aankii ka soo baxay saraakiil Ethiopian ah.

18/09/2023

Taliye Rashiid bohol waa nabad qabaa%marka Laga reebo Jug soo gaartey"
Waxa uu ka jabay farta gacanta midig.
Xaladiisa aad beey u wanaagsan Tahay

18/09/2023

Gedo illa 5 sarkaal ayaa la dilay sanadkan gudihiisa illaa hadda ma jiro masuul ka hadlaya.

18/09/2023

6a askari ayaa ku dhinatay qarax ka dhacay Gobalka Gedo.

16/09/2023

Warbixinta iskudaraha wabiyada juba iyo daawo.

Dollow.

12/09/2023

: Hogaamiyaasha ugu mayalka adag oo kulmaaya.

Share dhaha.

11/09/2023

Xildhibaan Aamina Eelaay:" waxaan arki jiray Gaaljecel oo caana keenaya Walaweeyn"

Xilibaan Dahir Amin jesow ayaa sheegay in ay gobol gooni ah oo ka madax banaan shabeelada hoose ay ku dhawaqiyaan hadii ...
09/09/2023

Xilibaan Dahir Amin jesow ayaa sheegay in ay gobol gooni ah oo ka madax banaan shabeelada hoose ay ku dhawaqiyaan hadii Maamulka konfurgalbeed uu aqoon san waayo degmada yaaqbiri weyne.

09/09/2023

: Baydhabo oo qarka u saaran in dagaal ka qarxo.

07/09/2023

Shacabka Geedweyne oo ku cayrtoobay madaafiicdii ciidamada Ethiopia 🇪🇹 xili bakhtiga xoolaha nool ay daadsanyihiin baadiyahaa.

meel dheergaarsiya.......

07/09/2023

Dollow oo isku badeshay furin Dagaal oo laga duqeeyo Geedweyne:

06/09/2023

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo muddo ka baadan bil ku howlan abaabulka iyo dardar-galinta hawlgallada dalka looga sifeynayo Khawaarijta ayaa soo gaaray Aadan Yabaal.

06/09/2023

: Maxaay ka wada hadleen Madaxweyne Hassan Sheikh iyo ciidamada Degaanka xili uu joogo Aadan yabaal.

Share dheh.

05/09/2023

Madaxwaynihi h**e ee Hirshabelle oo Wasiirka gashaandhiga DFS ku eedeeyay dhabar jabinta ciidamada Dowlada.

Xuquuqda Waraysga Hanoolaato

Channel 6 News

05/09/2023

Madaxweyne Hassan Sheikh" As in ay idili karin ayaa aaminay"

Jabhadii Buurta Gacan Libaax ayaa intoodii badneyd laga soo dejiyey buurtaas , waxaana la kala diray saraakiishii ugu sa...
05/09/2023

Jabhadii Buurta Gacan Libaax ayaa intoodii badneyd laga soo dejiyey buurtaas , waxaana la kala diray saraakiishii ugu sareysay ee Jabhadaas .

Qaar ka mid ah saraakiishii sare ee Jabhadaas ayaa ka baxay gudaha Somaliland .

Xg Ilays News

04/09/2023

Dagaal culus ayaa ka socda Deegaanka Daaru-nicma Ee Gobalka Sh/dhaxe islamarkaana hoostaga Degmada Ruunirgood

Dagaalka ayaa la sheegay inuu yahay mid Aad u culus waxaana Deegaanka soo weeraray xubna ka Tirsan AS, ciidamada Milateriga iyo kuwa Macaawisleyda ayaana halkaasi ku sugnaa, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in la Isku adeegsaday hubka culus

03/09/2023

Waxaan jecelahay inaan tego furimahaa dagaalka:" gabar Soomaaliyeed ayaa sidaas tiri".

Madaxweyne Hassan Sheikh oo gaaray Degmada Maxaas.
03/09/2023

Madaxweyne Hassan Sheikh oo gaaray Degmada Maxaas.

03/09/2023

Taliyaha ciidamada xooga dalka oo ciidamada furimaha h**e ku bogaadiyay naf hurnimada.

31/08/2023

Taliyaha.

Maxaa sababay In Jeeylaani uu difaaco gacan ku dhiigliyaasha?

Shout out to my newest followers! Excited to have you onboard!Siyaśí Abdulkadir Nor, Abdiaziz Geedow, Abdi Rashid Ahmed ...
30/08/2023

Shout out to my newest followers! Excited to have you onboard!

Siyaśí Abdulkadir Nor, Abdiaziz Geedow, Abdi Rashid Ahmed Barre, Mohamed Abdi Ali, Ibraahim Boye, Abdi Leysaamaw

28/08/2023

Xaflad lagu taagyeraayay qabashada Ceelbuur oo Muqdisho lagu qabtay.

Share dheh

28/08/2023

Xildhibaan Aamina Eelaay:" guddoomiye xaq uma lihid inaad dastuur noola timaadid , beela badan ayaa baarlamaanka ka maqan sax".

Berito magaalada Muqdisho waxaa ruxeya bannaanbax weyn oo General Sheegow ku saabsan. Jareerweyne oo dhan ayaa isku soo ...
26/08/2023

Berito magaalada Muqdisho waxaa ruxeya bannaanbax weyn oo General Sheegow ku saabsan. Jareerweyne oo dhan ayaa isku soo baxaya ee adigu maka qeybtalaysaa?

Howlgalka wajiga 2aad ayaa ka bilaabandoona Gobalka 10 sano go'odoonsan ee Bakool.
26/08/2023

Howlgalka wajiga 2aad ayaa ka bilaabandoona Gobalka 10 sano go'odoonsan ee Bakool.

Address

Mogadishu

Telephone

+2521257678

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Channel 6 News posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Share


Other News & Media Websites in Mogadishu

Show All

You may also like