Ustad Xasan Kaafi

Ustad Xasan Kaafi like saar pageka
marwalba kashaqeey faafinta dacwada islaamk
daaiman ahaaw ruux kafakira waxa kadambeeya geerida

08/10/2022
I love chemistry ๐Ÿ˜”. It's just a meme ๐Ÿฅบ๐ŸฅบJoin us for Ustad Xasan Kaafi
26/08/2022

I love chemistry ๐Ÿ˜”. It's just a meme ๐Ÿฅบ๐Ÿฅบ

Join us for Ustad Xasan Kaafi

difference between organic chemistry and inorganic chemistry join us Ustad Xasan Kaafi
26/08/2022

difference between organic chemistry and inorganic chemistry

join us Ustad Xasan Kaafi

only chemist's can understand like saar page-ka
25/08/2022

only chemist's can understand

like saar page-ka

Importance of chemistry Join our page to Ustad Xasan Kaafi
25/08/2022

Importance of chemistry

Join our page to Ustad Xasan Kaafi

01/06/2022
Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir. waxa uu shaacinayaa Jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee sannad dugsiyeedka 202...
29/05/2022

Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir. waxa uu shaacinayaa Jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee sannad dugsiyeedka 2021/22.

Agaasinku waxa uu ku boorinayaa dhammaan ardayda ka qayb-gelaya imtixaanka in ay u diyaar garoobaan dadaal iyo akhris dheeriyana sameeyaan.

Guul Wanaagsan iyo Mustaqbal Horumar leh.

U gaar ah Fasalka 12aad ee Dugsiga Sare.Adeegsiga Buugga Jawaabaha Imtixaanka.Buugga jawaabuhu waa buug loogu talagalay ...
28/05/2022

U gaar ah Fasalka 12aad ee Dugsiga Sare.

Adeegsiga Buugga Jawaabaha Imtixaanka.

Buugga jawaabuhu waa buug loogu talagalay in looga jawaabo maaddo kasta oo imtixaankeeda la gelayo, buuggu waxa uu ka kooban yahay ilaa 12 bog iyo jeldiga kore.
Dhinaca bidix ee wejiga koowaad ee buugga jawaabaha waxaa ku qoran tilmaamaha soo socda oo ay ardayga waajib ku tahay inuu dhowr mar aqriyo inta uusan jawaabaha qoriddooda billaabin :
1. Fadlansi wanaagsan oo deggan u aqri su'aal walba ka hor inta aadan ka jawaabin.
2. Fadlan ka jawaab dhammaan su'aalaha hana ka tegin qaar.
3. Ku qor dhammaan jawaabaha su'aalaha buugga jawaabaha.
4. Fadlan ha ku qorin jawaabaha warqadaha su'aalaha imtixaanka.
5. Fadlan si muuqata u qor lambarrada su'aalaha aad ka jawaabtay.
6. Magacaaga iyo taxanahaaga (Rollambarkaaga) si sax ah oo muuqata ugu dul qor buugga jawaabaha.
7. Fadlan ha isku dayin qish, taas waxay sababi kartaa in darajooyinkaaga la baabi'iyo.
8. Fadlan wax calaamad ah ama summad ah oo loo aqoonsan karo afgarasho ha ku dul qorin buugga jawaabaha.
9. Haddii waqti kuu soo haro, iska hubi in aad ka jawaabtay dhammaan su'aalaha.
10. Ku kalsoonow naftaada iyo aqoontaada, Ilaahay talo saaro.
Qaybta midig ee wejiga koowaad ee buugga jawaabaha waxaa k qoran xogta ardayga laga doonayo inuu ku dul buuxiyo sida:
Magaca Afaran ee Ardayga:โ€------------------------------
Dugsiga Ardayga:-----------------------------------------------
Xarunta:----โ€---------------------------------------------------------
Rol lambar:--------------โ€------------------------------------------
Fasalka:--------------------------------------------------------------
Maadada:-----------------------------------------------------------
Taariikh: -------------------/-------------------/-------------------
Xogta ku qoran wejiga labaad ama dhanka dambe ee buugga jawaabaha ardaygu shaqo kuma lahan. Waxa ay gaar u tahay guddiga saxay Imtixaanka sida Minguuriyaha, Wadareeyaha iyo Madaxa Guddiga.
Qaybta gudaha ee warqadaha lagu qorayo jawaabaha waa warqado leh sadarro lagu kor jawaabayo waxaana ku qoran lambarka su'aasha iyadoo horteedana lagu qorayo jawaabta su'aasha.
FG: Arday kasta oo gelaya Imtixaanka shahaadada dugsiga sare waa in uu si wanaagsan u aqriyaa xogta ku qoran buugga jawaabaha maaddo kasta oo la gelayaba.
Fadlan la wadaag arday kasta oo gelaya Imtixaanka Qaranka.
Guul ayaan u rajaynaynaa ardaydeenna.

Maata Taariikhda waa 25/5/2022 Waxaa Tartan  culus oo final ah ku dhexmaray Hotel green Labada fasal ee kala ah 7aad A i...
25/05/2022

Maata Taariikhda waa 25/5/2022 Waxaa Tartan culus oo final ah ku dhexmaray Hotel green Labada fasal ee kala ah 7aad A iyo 7aad B ugu dambeyn waxaa koobka ku guuleestay fadalka 7aad B.
Guuuul Hambalyo 7aad A Subaxleey Horay u socda insha allah

Berri maxaa kala heysto 7aad (A) Vs 7aad (B)
24/05/2022

Berri maxaa kala heysto 7aad (A) Vs 7aad (B)

Dib u qiimeyn iyo wadatashi dheer kadib, Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir. iyo Bahda Waxbarashada Gobolka Banaadi...
23/05/2022

Dib u qiimeyn iyo wadatashi dheer kadib, Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir. iyo Bahda Waxbarashada Gobolka Banaadir waxa ay isku afgarteen waqtiiga iyo jadwalka imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee sanad dugsiyeedka 2021-2022.
Waxa uuna bilaaban doonaa 13-ka Juun, kuna egyahay 16-ka bisha 6-aad ee Juun, 2022.

Ogeysiis Ogeysiis  OgeysiisMudanayaal iyo marwooyin  ardada sharafta leh wasaaradda waxbarashada waxey idanla wadaageysa...
22/05/2022

Ogeysiis Ogeysiis Ogeysiis

Mudanayaal iyo marwooyin ardada sharafta leh wasaaradda waxbarashada waxey idanla wadaageysaa in labada maado ee business iyo technology aan imtixaankooda la qaadi doonin sanad dugsiyeedkan.

Mahadsanidiin,

Wasaaradda Waxbarashadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda FederaalkaSoomaaliya, waxa ay ardayda, waalidiinta...
21/05/2022

Wasaaradda Waxbarashadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka
Soomaaliya, waxa ay ardayda, waalidiinta, macallimiinta, maamulayaasha iyo dhammaan
bahwadaagta waxbarashada Soomaliyeed halkaan kula wadaagaysaa shaacinta waqtiga qaadista
imtixaanka midaysan ee fasalka 12aad.

Wasaaradda Waxbarashadda ee JFS markii ay wadatashi ku saabsan qaadista imtixaanka la
sameysay bahwadaagta waxbarashada qaybahooda kala duwan waxa ay goโ€™aamisay in waqtiga
qaadista imtixaanka sanad dugsiyadeedka 2021/2022 uu noqon doono taariikhdu markay ku
beegan tahay 18ka ilaa 22ka Juun, 2022.

Haddaba, Wasaaraddu waxay ku boorinaysaa isla markaasna ka rajeyneysaa dhammaan ardayda
dhigata fasalka 12aad in ay u diyaar-garoobaan imtixaanka. Sidoo kale waalidiinta iyo maamulayaasha dugsiyadana waxa ay ka rajeyneysaa in ay ardayda ku garab-siin doonaan diyaargarowgooda.

F.G: Dhammaan ardayda ka qalin-jabinaysa fasalka 12aad ee sanad dugsiyadeedka 2021/2022 iyo
ardayda ku hartay imtixaankii h**e ee dib isku diiwaangeliyay si ay uga qayb-noqdaan imtixaanka
sanadkaan waxaa loo diyaarinayaa aqoonsiyadooda si ay ugu fariistaan imtixaanka iyaga oo ka
heli doona dugsiyadooda. Arday waliba oo aan horay isku diiwaan-gelin k**a qayb-geli doono
imtixaanka sanad-dugsiyadeedka 2021

Shaley oo ay taariikhdu ahayd 18/5/2022 waxaa Tartan Aqooneedka Dugsiga Tusmo Primary and secondary School ku hardamay F...
19/05/2022

Shaley oo ay taariikhdu ahayd 18/5/2022 waxaa Tartan Aqooneedka Dugsiga Tusmo Primary and secondary School ku hardamay Fasalka 7aad B iyo Fasalka 10aad A.
Nasiib wanaag waxaa ay guushu raacday fasalka 7aad B
Maalinta Arbacada waxay kulanka k**a dambeesta oo finalka is wajihi doonaa insha allah dhigooda fasalka 7aad A oo galableey ah Guul wacan fasalada 7aad
Sanadkaan waa sanadkiina allaha idin ziyaadiyo Aqoonta insha allah

23/10/2021
Tartankii maanta Form one vs form two Khaalid vs xaliimo
20/10/2021

Tartankii maanta

Form one vs form two

Khaalid vs xaliimo

Tarbiyo,  Tacliin iyo Tayo ugu imow Tusmo school mahadsanidiin Bulshaweynta soomaaliyee aynu Jecelnahay.
29/07/2021

Tarbiyo, Tacliin iyo Tayo ugu imow Tusmo school mahadsanidiin Bulshaweynta soomaaliyee aynu Jecelnahay.

Shaxda imtixaanaadka sanad dugsiyeedka 2020-2021
22/07/2021

Shaxda imtixaanaadka sanad dugsiyeedka 2020-2021

Dhammaan muslimiinta waxaan leenahay Ciid wanaagsan
19/07/2021

Dhammaan muslimiinta waxaan leenahay Ciid wanaagsan

30/06/2021
Afsomligi wuu dabar go'ayaa Bal ufiirso erayadan oo aad moodayso inay Afsomali yihin   ๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ฆ              ๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ดMacalin        ...
24/05/2021

Afsomligi wuu dabar go'ayaa
Bal ufiirso erayadan oo aad moodayso inay Afsomali yihin

๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ฆ ๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด
Macalin = Bare
Qalin = Qore
Laakiin = Balse
Mar = Kol
Aduun = if
Qado = Hadhimo
Ruux = Qof
Wakhti = Xilli/Goor
Saacad = Goorsheeg
Daqiiqad = ilbidhiqsi/ilbiriqsi
Waddan = Dal
Qalbi = Xis
Caqli = Maan
Caashaq = Kalgacal
Jamac = Wadar
Luuqad = Af
Safar = Socdaal
Bilaa Caqli = Maangaab
Bilaa Camal = Baagamuudo
Bilaa Qorshe = Qorshe la'aan
Bilaa = La'aan

Dhanka English ka

๐Ÿ‡ฌ๐Ÿ‡ง ๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด
Passport = Aqoonsi Dal
Visa = Dal kugal
TV = Muuqbaahiye
Mobile = Meergal/ Koor Gacmeed
Memory = Keydiye
Charger = Dabeeye
Cover = Dabool/ Galsare
Vedio = Muuqaal
Audio = Dhagaysi
School = Dugsi
Book = Dhigane
Save = Kaydin
Delete = Tirtir
Download = SooDejin
Like = Kahelid
Share = La Wadaag
Comment = Faallo
Tag = Summad

Ilaali Afka Hooyo ๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด๐Ÿ’ฏ

Like saqr pageka

Beri oo sabti ah waxay ku beegantahay 21 November maalinta macalimiinta soomaaliyeed Hambalyo ayaan leeyahay dhamaan mac...
20/11/2020

Beri oo sabti ah waxay ku beegantahay 21 November maalinta macalimiinta soomaaliyeed Hambalyo ayaan leeyahay dhamaan macalimiinta soomaaliyeed
Waxaan kaloo hambalyo leeyahay iskuulka aan macalinka ka'ahay ee Tusmo
TUSMO P. S & SCHOOL waxaad tusaale wanaagsan utihiin iskuulada Gobolka banaadir horumar wacan ayaan idin leeyahay

Pagekiisa waa kan booqo
Tusmo primary and secondary school like saar si aad ula socoto hormarka waxbarsho ee halkaas taalo

ogaysiia muhiim ah
24/06/2020

ogaysiia muhiim ah

Seddex shey janada ayaa lagu galaa1  salaad badan janada ayaa lagu galaa2  sadaqo badan  janada ayaa lagu galaa3  Run ba...
30/04/2020

Seddex shey janada ayaa lagu galaa
1 salaad badan janada ayaa lagu galaa
2 sadaqo badan janada ayaa lagu galaa
3 Run badan janada ayaa lagu galaa

Faa'idada Akhri qur'aanka1- Quraanku wuxuu kordhiyaa Kalsoonida Addoon kauu ku qabo Allaah.2- Qurโ€™aanka laga Helaa Degan...
29/04/2020

Faa'idada Akhri qur'aanka

1- Quraanku wuxuu kordhiyaa Kalsoonida Addoon ka
uu ku qabo Allaah.

2- Qurโ€™aanka laga Helaa Deganaansho iyo Xasilooni.

3- Quraanku wuxuu Xoojiyaa Xiriirka u Dhexeeya
Adoonka iyo Allaah.

4- Qurโ€™aanku wuxuu Zuuliyaa (Fogeeyaa) Welwelka,
Walaaca iyo Ciriiriga Nafsadda.

5- Quraanka wuxuu Hagaajiyaa Xiriirka iyo la
Macaamilka ka Dhexeeya Qofka iyo Dadka kale ee ay
Nolol Wadaagga yihiin.

6- Quraanka wuxuu kordhiyaa Kalsoonida uu Qofku ku
qabo Naftiisa iyo Rumeynta Qaddarta Eebbe.

7- Quraanka wuxuu Qofka ka Difaacaa Weerarada uu
Shaydaanku ku haayo Qalbiga Biniโ€™aadamka.

8- Quraanka Qofka Aqriya wuxuu u Markhaati kacaa
Maalinta Qiyaamaha.

9- Quraanka wuxuu Qalbiga ku Beeraa Farxad,
wuxuuna ka ilaaliyaa Xumaha oo dhan.

10- Quraanka waa Daawo iyo Naxriis.
(Alloow Qalbigeena Wehel uga dhig

29/04/2020

Fariin caafimaad

Waa kuma Ninka Ragga ah?Ninka Ragga ah waa qeyb ka mid ah Abuurta Alle ee quruxda badanWuxuu bilaabaa dhex-dhexaadnimo i...
28/04/2020

Waa kuma Ninka Ragga ah?
Ninka Ragga ah waa qeyb ka mid ah Abuurta Alle ee quruxda badan
Wuxuu bilaabaa dhex-dhexaadnimo isagoo aad u yar
Wuxuu wax ay naftiisa u baahnayd siiyaa Walaashii
Wuxuu isagoo yar ku riyoodaa siduu kaalinta Aabihii u geli lahaa oo u nasin lahaa
Wuxuu u huraa waqtigiisa siduu Waalidkii u caawin lahaa
Wuxuu ku bixiyaa lacagtiisa xaqul-jeebka ah inuu hadiyad ugu iibiyo haweeneyda uu jecel yahay si uu u arko iyadoo faraxsan

Wuxuu dhalinyaranimadiisa oo dhan ka fakiraa siduu Guri iyo reer u dhisi lahaa
Wuxuu u shaqeeyaa si uu u daryeelo kuwa masโ€™uuliyada ka saaran tahay.

Wuxuu dhisaa mustaqbalkooda isagoo Bankiga deyn ka soo qaata taasoo ku qaadata inuu dib isaga bixiyo mudo badan

Wuxuu dhididkiisa iyo wixi uu soo shaqeeyay ula soo cararaa kuwa uu jecel yahay
Wuxuu la soo jeedaa xilli dambe habeenki fakir mustaqbalka ubadkiisa iyo siduu meel uga soo saari lahaa
Dadka oo hurda ayuu u istaagaa in uu Salaada ugu yeero.

Wuxuu u fariistaa Geed hoostii si uu Nabad uga shaqeeyo, arrin adagna u dhameeyo
Wax badan ayuu halgamaa wuxuuna u dulqaataa canaanta madaxdiisa, qoyskiisa iyo waalidkii
Wuxuu ku jiraa halgan aan dhamaad lahayn si uu dhaxal wanaagsan uga tago dunida
Noloshiisa wuxuu ku dhameystaa inuu u adeego naftiisana u huro farxadooda

Sidaas oo ay tahay ayaa mararka qaarkood hadana Ninkaa Raga ah waxaa loo arkaa sidan:
Haduu baxo, waa careless aan waxba kala jeclayn
Haduu guriga joogo, waa mid caajis ah
Haduu caruurta canaanto, waa qabiid, aan naxariis aqoon.
Haddii uusan canaanan, waa qayru-masโ€™uul aan dan ka gelin
Hadii uu afadiisa ka joojiyo inay shaqeyso, waa mid aan kalsooni qabin ama xoriyada ka qaadaya
Hadii uusan ka joojin inay shaqeyso, waa mid u nool in xaaskiisa biisho
Hadii uu Hooyadii maqlo, waa Ciyaal Mama
Hadii uu naxariista badiyo, waa nin daciif ah
Hadii uu hadal dabacsan ku hadlo, waa nin jilicsan

Dumarow, xushmeeya nin kastoo Raga oo Noloshaada qeyb ka ah. Ma garan kartid waxa uu dartaa u hurayo iyo halganka adag uu ku jiro
Farah Cawaash

27/04/2020

Maanta waxaa cudurka Corona Soomaaliya ugu dhintay 9 qof.

Tirada dhimashada cudurka ayaa hadda mareysa 32 qof.
Allow naga badbaadi

Waa kuwee Dadka kuwa ugu Quruxda badan?Dadka kuwa ugu qurxoon ma aha kuwa Quruxda u yaqaan dhar qaali ah oo la xirto, xa...
27/04/2020

Waa kuwee Dadka kuwa ugu Quruxda badan?

Dadka kuwa ugu qurxoon ma aha kuwa Quruxda u yaqaan dhar qaali ah oo la xirto, xaragada iyo Labiska oo la badiyo! Dadka kuwa ugu qurxoon waa kuwa Qalbigooda saliimka yahay, waa kuwa Iimaanka leh, waa kuwa dadka aan caayin oo ceebtooda raadin. Waa kuwa aan Ciil iyo Caro ku seexan ee Cafiya cid kasta, wax kasta oo lagu sameeyana iska hilmaama, Waa kuwa dadka kula dhaqma akhlaaq wanaagsan, korkoodana ay ka muuqato nadaafad iyo waji furnaan.

Dadka kuwa ugu qurxoon waa kuwa garanaya guuldarada, soo arkay dhibaato, la kulmay khasaaro, soo maray halgan adag, hadana kor isu qaaday, hoos ka soo bilaabay, isbedel dhanka wanaagsan sameeyay, horumarka iyo waxtarkoodana la arkay.

Dadka kuwa ugu qurxoon waa kuwa aan uurkooda ka buuxin Xaasidnimo, naceyb, kuna fakirin aargoosi. Waa kuwa daacada ah, naxariista badan, ilaaliya Amaanada, difaaca diintooda, u damqada dadkooda, danta guud ka shaqeeya.

Dadkani waxay leeyihiin qanaaco gudaha ah, dulqaad badan iyo fahan Nolosha ah taasoo ka buuxisa dareen jaceyl, daryeel, dabacsanaan, damiir nool iyo deganaan.

Dadkani ma aha kuwa Quruxda u yaqaan mid banaanka laga soo iibsado Wejiga iyo jirkooda korena ku dhamaata, Dadkani waa kuwa Quruxda u yaqaan in ay Gudaha jirkooda ka soo bilaabato ka dibna ay banaanka u gudbiyaan.

Talooyin ku saabsan Ramadaanka1. Xus Alle SWT habeen & maalin, Badi ducada & dambi dhaafka2. Aqri Quraanka, kuna dedaal ...
26/04/2020

Talooyin ku saabsan Ramadaanka

1. Xus Alle SWT habeen & maalin, Badi ducada & dambi dhaafka

2. Aqri Quraanka, kuna dedaal in aad fahanto macnihiisa

3. Shanta Salaadood ku tuko Masjidka, Seexo habeenki xilli h**e, si aad Salaada Subax ugu kacdo

4. Ku Bilow Afurka Biyo, Timir, Qare, wax fudud. Ducayso.

5. Cab biyo badan, Ha iska badin Cuntada afurka ka dib si aadan u awoodi waayin in aad Cishe & taraawiix tukato

6. Wanaaji Niyadaada, Xooji Iimaankaaga

7. Laab indhahaaga, Ka dhawrsoonow Allihi ku abuuray ee Aragaaga ku siiyay

8. Been ha sheegin, cidna ha xaman, dadka ha u gefin. Ka adkow Carabkaaga

9. Caawi Masaakiinta, Waayeelka & Agoonta

10. Ka fogow Kibir, Islaweyni, Xasad, Naceyb, Xanaaq badan, kuwani waa Sifooyin sun ah

11. La bax Sadaqo maalin kasta. Ogow hadalka wanaagsan, walaalkaa aad u dhoolacadayso, dhib aad wadada ka leexiso intuba waa sadaqo

12. Xiriiri Qaraabada, Booqo Bukaanka, Xaqdhawr deriskaaga

13. Ka har Asxaabta xun, la saaxiib dadka wanaagsan oo dhawrsoon

14. Cafi cid kasta aad wax ka tabanayso ama waxyeelo kuu geysatay

15. Alle dartii u Jooji dhamaan balwadaha & caadooyin xun hadii aad leedahay

16. Kula dhaqan dadka dabeecado & akhlaaq wanaagsan, Noqo tusaale lagu daydo

17. Daryeel Naftaada, samee jimicsi ugu yaraan 30 daqiiqo maalin kasta

18. Baro oo Xafid magacyada Alle SWT ee Wanaagsan & micnahooda

19. Ha u arkin naftaada in aad ka fiican tahay ama ka nasiib badan tahay dadka kale

20. Alle weydiiso mar kasta cafis, dambi dhaaf iyo naxariistiisa

21. Ka eeg dhinaca fiican dadka, ha qod-qodin hana baarin ceebahooda

22. Ku Xamdi-naq Alle nimcooyinka kala duwan uu ku siiyay

23. Ha khasaarin Cuntada iyo Biyaha, Malaayiin baan maanta heysan!

24. Hagaaji Socodkaaga iyo labiskaaga, Ha sameyn is tus-tus adigoo is leh dadka oo dhan ayaa ku soo eegaya, xusuusnow in Alle kuu jeedo xilli kasta

25. U hiili naftaada, Goโ€™aanso Ramadaankan in aad sameynayso isbedel dhab ah & horumar balaaran oo dhinac kasta ah

Allaha kaaga dhigo Ramadaankan midkii kuugu wanaagsanaa, midkii aad Alle si dhab ah ugu dhowaato, midkii Noloshaada u horseeda Horumar iyo Guul Aduun iyo Aakhiraba

W/Q: Farah Cawaash Beeldaaje
mahadsanid

Kadaawo kheybta hoose ๐Ÿ‘‡๐Ÿ‘‡   pega-kan
25/04/2020

Kadaawo kheybta hoose ๐Ÿ‘‡๐Ÿ‘‡ pega-kan

Chennalkaan waxaad kaheleysaa Warar Warbixinno shookooyin iyo inkabadan haddaba kutixnaaw #

asxaabta jumca wanagsan Ramadan kariimlike saar
23/04/2020

asxaabta jumca wanagsan
Ramadan kariim
like saar

magaceed utaqanaa
23/04/2020

magaceed utaqanaa

23/04/2020

war deg deg ah
Wasiirka caafimaadka Soomaaliya Fowsiyo Abiikar ayaa sheegtay in 24-kii saac ee la soo dhaafay 41-kiis Coronavirus hor-leh dalka laga helay halka 2-qof ay cudurkaasi gudaha dalka ugu geeriyoodeen.

Mid kamid ah dadka uu cudurka ku dhacay ayaa ku sugan koofurta magaalada Gaalkacyo ee Galmudug,

Tirada guud ee kiisaska Coronavirus ee Soomaaliya ayaa gaartay 328-qof oo ka badan dalalka qaar ee deriska nala ah.

Address

Wartanabadda
Mogadishu

Telephone

+252616939421

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ustad Xasan Kaafi posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category