25/10/2020
Xujadi Ugu Adkeyd Ee Nin Soo Marta .. Shiikh Balad Carbeed Oo Gabar Badwiyad Ah Qalbigisa Gashay Xod-Xodo Baas Ku Qabtay Iyo Xujo Adag Oo Ay Hordhigtay
Waxaa la Yiri Nin Badaw ah ayaa guursaday Gabar ay isku Qabiil yihiin, Gabadhaas oo u dhalaatay muuqaal Qurux leh, Akhlaaq, Edeb iyo Diin wanaag intaba .. kadib marki Sanad ka soo wareegtay guurkoodi Ninki wuxuu dilay Nin ina adeerkiis ah sidaa daraadeed si aan loo qisaasin wuxuu isaga iyo xaaskiisi u galeen qabiil kale oo magangalyo ahaan ula dageen, dabadeedna wuxuu ku wareegay Majilis ay fariistaan odayaasha beesha oo u madax ka yahay shiikha qabiilka ( Ugaaska Beesha)
Maalin Maalin ka mida Shiikhi Qabiila wuxuu soo hormaray Guri u deganaa ninka sheekadu ku socoto, wuxuuna ku indha sarcaaday Gabar gurigaas kaga soo hor baxday qurx-ley ah oo isla markiiba qalbigiisa ayey degtay oo caqligiisa waaba hantiday .. intaa kadib waxaa ku dhalatay fikrad Sheydaanimo oo ah sidee Ninkeeda uga fogeysa guriga si xaaskaas ugu kaliyeysto .. durbadiiba wuxuu ku soo noqday Majliska oo Rag buux dhaafiyeen, waxaana dhex fadhiyey Ninki xaaska qabay .. Shiikhi ayaa hadla qaatay wuxuuna yiri: Meel Tuulo ah oo sidaa aan noogu dheereyn oo qurux iyo cimilo fiican leh ayaa la sheegay, waxaana doonaya inaan Afar Nin u diro oo soo sahmiya .. waxaa afarta ka mid noqday Ninki naagta qabay, halkaas oo inta badan masaafo loo socdo Labo illa Sadex Maalmood.
Markay habeen Noqotay Dadkiina seexdeen .. Shiikhi wuxuu abaaray gurigi Ninki xaaskiisa daganeyd oo xiligaas huruday oo sidu u socday ilaah amarkiis intusan albaabka gaarin ayuu Tiir guriga ku har-yaal hardiyey, waxaana ka dhashay cod weyn oo ay ku salashay Gabadhi oo tiri: Yaa guriga soo galay .. Shiikhi oo si un u naxsan, ayaa ku jawaabay oo yiri: waa anigoo ah Fulan shiikh Qabiila oo kula daris ah .. Xaaski oo iyadu iska Badawiyad ahayed waxay tiri: Bariido fiican oo xiligaan oo kale waqti la isu yimaado ma ahee ee Shiikhow maxaad dooneysa .. Shiikhi ayaa ugu jawaabay: Suleekhaay, wax