18/03/2022
Qaybta 2aad
Saddexda qoraa ee Cabdiwaaxid Cismaan, Aweys Cismaan iyo Cabdirashiid Cismaan, buuggooda Clan, Sub-Clan and Regional Representation in the Somali Government Organization 1960-1990: Statistical Data with Appendix 1991-2012, waxay ku diiwaangeliyeen saamiqaybsiga awoodda siyaasiga ah ee Soomaaliya ilaa 1960kii. Waxay qoreen magacyada dadkii soo qabtay Kursiga Madaxweynaha, Raysalwasaaraha, wasiirrada, ku xigeennada, Golaha Baarlamaanka iyo xattaa liiska musharixiintii xilalka Baarlamaanka xubnihii ku guuleystay iyo kuwii kaydka ahaa. Waxay sidoo kale diiwaangeliyeen magacyada siyaasiyiinta, hoggaanka jabhadaha iyo odayaasha dhaqanka ee ka qaybgalay shirarkii kala dambeeyey ee Soomaaliya loo qabtay. Waxay si boqolley ah u diiwaangeliyeen sida beelaha Soomaaliya u qaybsadeen ama u kala heleen saamiga awoodda siyaasiga ah.
Waxay sidoo kale isdultaageen saamiga beelaha ee Soomaaliya xilligii maamulkii daakhiliga ahaa ee Talyaaniga, waxay diiwaangeliyeen saamiqaybsiga awoodda ee Somaliland ee 1960kii iyo markii dambe ilaa 1991kii iyo si gaar ah maamul gobolleedka Puntland ilaa 1998kii.
Qaybtii koowaad oo ahayd 1960kii ilaa 1970kii, shalay ayaan soo koobay, maantana waa 1991kii ilaa 2012kii.
Tusaale ahaan, markii dawladdii Kacaanku ay dhacday, waxa Madaxweyne loo doortay (isu magacaabay) Cali Mahdi Maxamed, waxaanu Raysalwasaare u magacaabay Cumar Qarte Qaalib. RW Carte waxa uu soo magacaabay Gole Wasiirro ah oo cusub October 1, 1991kii.
• Daarood: 24%
• Hawiye: 40%
• Digil/ Midhifle: 18%
• Dir: 18%
Dawladdii kumeelgaadhka ahayd ee lagu soo dhisay Jabbuuti ee uu Madaxweynaha ka ahaa Cabdiqaasim Salaad Xassan, Raysalwasaarahana uu ka ahaa Cali Khaliif Galaydh, xukuummadda cusub waxa loo qaybsaday:
• Daarood: 26%
• Hawiye: 26%
• Digil/ Midhifle: 19%
• Dir: 23%
• Beesha Shanaad: 6%
Mar kale ayaa xukuumad cusub la soo dhisay oo uu Raysalwasaare ka ahaa Xassan Abshir Faarax February 16, 2001dii. Golaha Wasiirrada waxa loo qaybsaday:
• Daarood: 25%
• Hawiye: 21%
• Digil/ Midhifle: 24%
• Dir: 24%
• Beesha Shanaad: 6%
Mar dambe ayaa Raysalwasaare loo magacaabay Maxamed Cabdi Yuusuf, waxaanu soo dhisay xukuumad cusub December 4, 2003dii.
• Daarood: 30%
• Hawiye: 28%
• Digil/ Midhifle: 17%
• Dir: 25%
Shirkii Kenya ka dib, dawladii uu Madaxweynaha ka ahaa Cabdillaahi Yuusuf Axmed, Raysalwasarahana uu ka ahaa Cali Maxamed Geeddi, waxa la magacaabay xukuumad cusub January 7, 2005tii.
• Daarood: 21%
• Hawiye: 26%
• Digil/ Midhifle: 23%
• Dir: 21%
• Beesha Shanaad: 9%
Mar kale ayuu xukuumad cusub soo dhisay RW Cali Maxamed Geeddi, bishii August 21, 2006dii.
• Daarood: 25%
• Hawiye: 24%
• Digil/ Midhifle: 21%
• Dir: 21%
• Beesha Shanaad: 9%
Xukuumaddii uu Raysalwasaaraha ka ahaa Nuur Xassan Xuseen (Cadde) ayaa la magacaabay January 6, 2008dii.
• Daarood: 29%
• Hawiye: 29%
• Digil/ Midhifle: 18%
• Dir: 18%
• Beesha Shanaad: 6%
Markii Maxaakiimtii Islaamiga ahaa iyo isbahaysigii dib-u-xoraynta Soomaaliya iyo dawladdii kumeelgaadhka ahayd shirka loogu qabtay Jabbuuti, waxa Madaxweyne loo doortay Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Raysalwasaarena waxa loo magacaabay Cumar Cabdirashiid Sharmaarke, waxaana Jabbuuti lagu soo dhisay xukuumad cusub, February 21, 2009kii.
• Daarood: 23%
• Hawiye: 24%
• Digil/ Midhifle: 21%
• Dir: 21%
• Beesha Shanaad: 11%
Madaxweyne Sheekh Shariiif, waxa uu mar dambe Raysalwasaare u magacaabay Maxamed C. Farmaajo, waxaana la soo dhisay xukuumad cusub, November 18, 2010kii.
• Daarood: 26%
• Hawiye: 21%
• Digil/ Midhifle: 21%
• Dir: 21%
• Beesha Shanaad: 11%
Mar dambe heshiiskii Kampala Accord ka dib, waxa Raysalwasaare loo magacaabay Cabdiwali Cali Gaas, waxaanu soo dhisay xukuumad cusub July 20, 2011kii.
• Daarood: 26%
• Hawiye: 21%
• Digil/ Midhifle: 21%
• Dir: 21%
• Beesha Shanaad: 11%
Markii Madaxweynaha loo doortay Xassan Sheekh Maxamuud, isaguna waxa uu Raysalwasaare u magacaabay Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) waxaana la soo dhisay xukuumad cusub, November 4, 2012kii.
• Daarood: 24%
• Hawiye: 25%
• Digil/ Midhifle: 17%
• Dir: 17%
• Beesha Shanaad: 17%
*Fiiro gaar ah: wixii ka dambeeyey 1991kii, waxa kuu muuqda in magacyada Dir iyo Isaaq la mataaneeyey saami ahaan. Wixii xilligaas ka horreeyey saamiqaybsi siyaasi ahi k**a dhaxaynin, sidii qoraalkii shalay ka muuqatay. Waxa sidoo kale shaxda ka muuqata, inkasta oo beelaha Soomaaliya 4.5 wax loogu qaybiyay, haddana in wali saamiqaybsiga tirooyin kala duwan la is dheeryahay.
Nageeye Cali Khaliif