05/01/2026
*طرقُ وقايَةِ المرأةِ المسلمةِ من الأمراض الرحية :*
>>>>
*Dariiqooyinka gabadha muslimadda ah iskaga ilaalin karto xanuunada ruuxiga ah.*
Sida aan wada ognahay maanta waaqiceena waxaa jira dumar/hablo badan oo la dhibaataysan oo noloshooda mugdi ugu jirtaa xanuunada ruuxiga ah sida ; isha, xaasida,jinka, iyo sixirka .
Haweeynayda ama gabadha muslimada ah nolosheeda waxaa soo waajahda xanuuno iyo murugo nafsiyadeed taas oo wareer ka qabsata fahankeeda ,hadaba Islaamkuna wuxuu keenay hab dhammaystiran oo ay isaga difaaci karto gabadha muslimada xanuunadaas.
Alle wayne jalla wacalaa wuxuu quraankiisa inoogu sheegay in quraanku u yahay mu’miniinta daawo iyo naxariis , *﴿وَنُنَزِّلُ مِنَ الْقُرْآنِ مَا هُوَ شِفَاءٌ وَرَحْمَةٌ لِّلْمُؤْمِنِينَ ۙ وَلَا يَزِيدُ الظَّالِمِينَ إِلَّا خَسَارً* ا﴾
Sidoo kale Nabigu ﷺ wuxuu yiri:
«العَيْنُ حَقٌّ»
(Ishu waa wax jira). Hadaba waa laga maarmaan gabadha muslimada ah in ay barato ama tarkiiska saarto taxsiinkeda .
Hadaba halkaan waxaan
idiinku soo gudbinayaa dariiqooyinka gabadha muslimada kaga dhowrsanaan karto xanuudaas a kor aan kusoo xusnay .
🌸 *1. Iimaanka iyo Xiriirka Alle iyo ku xirnaan shihiisa markasta ;*
Iimaanka dhabtaa waa saldhigga nolosha gabadha Muslimadda ah , waayo markasta oo alle ku xirantahay waa markasta shaydaanku ka fogaanayo .
Qofka ku xiran Alle:
• Qalbigiisu wuu degan yahay.
• Cabsida iyo welwelkuna way ka yaraadaan.
Alle ayaa quraaniisa inoogu sheegay wuxuun yidhi *﴿ألا بذكر الله تطمئن القلوب﴾*
📖 “Ogaada, qalbiyadu waxay ku degaan xuska Alle.”
🌸 *2. Xijaabka iyo asturnaanta:*
*
Xijaabku waa:
Astaan sharaf iyo karaamo.
Difaac ka hortaga isha xun iyo xasadka.
Sabab lagu gaaro xasillooni nafsi ah.
• Hijaabku sidee uga hortagi karaa xanuunada isha,xaasidka iyo sixirka .
Waaqiceena manta waxa ugu badan ee dumarka la xanuusanyihiin waa xanuunada ruuxiga ah waxaa ugu badan oo sabab u ah dumarka hijabka ka taga , gabadha muslimidda ah marka kasta oo xijaabka ka tagto waa markasta oo ay sahlanaanto in shaydaan jirkeeda soo galo .
Rabbi ayaa quraankisa ku cadeeyay faaidada xijaabku iyo cifaafku u leeyahay gabadha muslimada ah waana waajib alle saaray .
Alle wayne wuxuu yidhi ;
*﴿يَا أَيُّهَا النَّبِيُّ قُلْ لِأَزْوَاجِكَ وَبَنَاتِكَ وَنِسَاءِ الْمُؤْمِنِينَ يُدْنِينَ عَلَيْهِنَّ مِنْ جَلَابِيبِهِنَّ ۚ ذَٰلِكَ أَدْنَىٰ أَنْ يُعْرَفْنَ فَلَا يُؤْذَيْنَ ۗ وَكَانَ اللَّهُ غَفُورًا رَحِيمًا ﴾[الأحزاب: 59]
Walaashayda muslimada ahaay hijaabka iyo asturka ku dedaal .
🌸 3. Ku Dadaalida Adkaar iyo Duco
• Adkaarta subax iyo galab:
- Waxay ka difaacaan shayaadiinta
- Waxay ka ilaaliyaan isha iyo xasad.
Adkaarta sharciga ah faaiido wayn ayay nolasheena , Nabigu ﷺ wuxuu yiri:
مَنْ *قَالَ: بِسْمِ اللَّهِ الَّذِى لاَ يَضُرُّ مَعَ اسْمِهِ شَىْءٌ فِى الأَرْضِ وَلاَ فِى السَّمَاءِ, وَهُوَ السَّمِيعُ الْعَلِيمُ, ثَلاَثَ مَرَّاتٍ؛ لَمْ تُصِبْهُ فَجْأَةُ بَلاَءٍ حَتَّى يُصْبِحَ, وَمَنْ قَالَهَا حِينَ يُصْبِحُ ثَلاَثَ مَرَّاتٍ؛ لَمْ تُصِبْهُ فَجْأَةُ بَلاَءٍ حَتَّى يُمْسِي"(رواه أبو داود وصححه الألباني)*
Qofkii ku yiraahda subaxdii saddex jeer,
wax masiibo kedis ah ma haleeli doonto ilaa uu galab galo.”
(Waxaa weriyey Abu Daawuud, Al-Albaani-na wuu saxiixiyay).
Hadaba adkaarta oo la daai’maa waxay sabab unoqotaa shaydaan inuu kusoo dhawaanin .
Akhrinta:
• Aayatul Kursi ;( *آية الكرسي)*
• Ikhlaas, Falaq, Naas; ( *سورة الإخلاص ، الفلق ، الناس ) iyo duco jooto ah.*
• Labada aayadood ee ugu dambeeya suuratul -albaqarah.
• Nabigu ﷺ wuxuu inoo sheegay faaidada ayaadan :-
*1- (آية الكرسي):*
قال رسول الله صلى الله عليه وسلم:
من قرأ آية الكرسي في ليلة لم يزل عليه من الله حافظ، ولا يقربه شيطان حتى يصبح [رواه البخاري].
Nabigu ﷺ wuxuu yidhi :
“Qofkii akhriya Aayatul Kursi habeenkii, Alle wuxuu u yeeli doonaa ilaaliye, shaydaanna uma soo dhowaado ilaa uu waagu ka baryo.”
(Waxaa weriyey Al-Bukhaari).
*2- المعوذات :(سور الإخلاص، الفلق ، الناس ).*
عَنْ أَبِي سَعِيدٍ الْخُدْرِيِّ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ قَالَ:
"كَانَ رَسُولُ اللَّهِ ﷺ إِذَا أَوَى إِلَى فِرَاشِهِ قَرَأَ قُلْ هُوَ اللَّهُ أَحَدٌ، وَقُلْ أَعُوذُ بِرَبِّ الْفَلَقِ، وَقُلْ أَعُوذُ بِرَبِّ النَّاسِ، ثُمَّ يَجْمَعُ كَفَّيْهِ فَيَنْفُثُ فِيهِمَا ثُمَّ يَمْسَحُ بِهِمَا مَا اسْتَطَاعَ مِنْ جَسَدِهِ. "
Cabdullaahi ibn Sa’id al-Khudri رضي الله عنه ayaa yiri:
“Nabi Maxamed ﷺ markii uu seexan lahaa wuxuu akhriyaa Suuradda Al-Ikhlas, Al-Falaq, iyo An-Naas, kadibna wuxuu gacmahiisa isugu keenaa, ku dhufo afkiisa, ka dibna wuxuu gacmaha ku mariyaa inta uu awoodo jidhkiisa oo dhan.”
*3- الآيتان الأخيرتان من سورة البقر* ة:
عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ قَالَ ::
قَالَ رَسُولُ اللَّهِ ﷺ:"مَنْ قَرَأَ بِآيَتَيْنِ مِنْ آخِرِ سُورَةِ البَقَرَةِ فِي لَيْلَةٍ كَفَتَاهُ."
رَوَاهُ البُخَارِيّ ومسلم.
Cabdullaahi ibn Hurayrah رضي الله عنه ayaa yiri:
“Nabi Maxamed ﷺ wuxuu yiri: Qofkii akhriya labada aayadood ee ugu dambeeya Suuradda Al-Baqara habeenkii, waxay ku filayaan (difaac iyo ilaalin).”
*🌸 4. Akhrinta Qur’aanka:*
Quraanka oo aan aqrinaa faaiidada uu nolasheena u leeyahay:
• Qur’aanku waa: raaxo iyo xasilooni , qalbiga ayuu dejiyaa markasta oo aad aqriso quraanka wuxuu kuso dhaweeya faraxad iyo deganaansho, waxa uu kaa fogeeya murug iyo xasilooni la,aan . quraanku waa xasiloonida nafta iyo quluubta :
*﴿ألا بذكر الله تطمئن القلوب﴾*
“Ogaada, qalbiyadu waxay ku degaan xuska Alle.”
• Quraanku waa udaawo iyo hanuun mu’miniinta.
• Waa nuur iyo hanuun.
*🌸 5. Qarinta Nicmada:*
Waxa ugu badan ee keena xanuunada ruuxiga ah “isha, iwm. Waa Nicmada la muujiyo .
Hadaba nimco nooc walba oo ay tahay ku dedaal inaad qarsatid iskana ilaali inaa ku faantid .
Waxaa na tusinaysa in ay banaantahay nimcada oo la qariyo qisadii nebi yuusuf CS, ayada laga cabsi qabo xaasid:
Alle wuxuu yidhi:
{ قَالَ يَا بَنِيَّ لَا تَقْصُصْ رُؤْيَاكَ عَلَىٰ إِخْوَتِكَ فَيَكِيدُوا لَكَ كَيْدًا ۖ إِنَّ الشَّيْطَانَ لِلْإِنسَانِ عَدُوٌّ مُبِينٌ}
سورة يوسف – الآية :5 .
“Wiilkaygiiyow, ha u sheegin walaalahaaga riyadaada, si aysan kuu samayn shirqool.” (Suuradda Yusuf: 5).
Sidoo kale Nabigu ﷺ wuxuu yidhi:
" اسْتَعِينُوا عَلَى إنجاحِ الحَوَائِجِ بِالْكِتْمَانِ، فَإِنَّ كُلَّ ذِي نِعْمَةٍ مَحْسُودٌ."
رواه الطبراني في الجامع الصغير وصححه الألباني.
“Ka caawi naftaada inaad guul ka gaarto baahiyahaaga adigoo sirta ku haysta (kala aamusi), waayo **mid kasta oo nimco leh waa la xaasidayaa.”
Waxaa wariyay Al-Tabarani ee buuggiisa “Al-Jami’ Al-Saghir”.
Waxaa xoojiyay oo saxay Al-Albaani.
Daliiladan kitaabka iyo sunada ah waxay inoo sheegayan nimcada inaan qarsano waayo nimco waxay leedahay xaasid.
🌸 6. *Akhrinta suuratual- Baqarah maalin kasta: (قراءة سورة البقرة يومياً).*
1. suuratu albaqarah joogtaynteeda ,aqrinteeda ,iyo dhegaysigeeda waxa ay fogaysaa shaydaanka ,guriga lagu aqriyona shaydaanku maso galo .
Nabigu ﷺ wuxuu yidhi:
قال ﷺ
: *إن الشيطان ينفر من البيت الذي تقرأ فيه سورة البقرة"."
رواه مسلم .
Rasuulka Allah (SCW) wuxuu yiri:
“Shaydaanku wuu ka cararaa guriga lagu akhriyo Suuratul-Baqara.”
(Xadiiska waxaa wariyay Muslim).
وقال ﷺ أيضًا: لا تجعلوا بيوتكم مقابر، وإن البيت الذي تقرأ فيه البقرة، لا يدخله الشيطان. رواه الترمذي في سننه.
Rasuulka Allah (SCW) wuxuu sidoo kale yiri:
“Ha ka dhigin guryihiinna xabaalo, waana guriga lagu akhriyo Suuratul-Baqara, Shaydaanku ma galayo.”
(Xadiiska waxaa wariyay At-Tirmidhi).
2.suuratu al- Baqarah waxay dawaysaa xanuunada ruuxiga qofkii aqriya oo joogteeyaa waa uu kuga bogsadaa xanuunada keena ish,iwm.
قال رسول الله ﷺ :
*«اقْرَؤُوا سُورَةَ الْبَقَرَةِ، فَإِنَّ أَخْذَهَا بَرَكَةٌ، وَتَرْكَهَا حَسْرَةٌ، وَلَا تَسْتَطِيعُهَا الْبَطَلَةُ»*
رواه مسلم.
Rasuulka Ilaahay (nabad iyo naxariis korkiisa ha ahaatee ﷺ) wuxuu yiri:
“Akhriya Suuratul-Baqara, qaadashadeedu waa barako, ka tagisteeduna waa qoomammo, mana awoodaan (sixirleyda xooggan) inay la tacaalaan.”
(Waxaa weriyey Muslim).
• *Gunaanad*
Haweeneyda/ gabadha Muslimadda ah ee:
Iimaankeeda adkaysata ,Xijaabka ilaalisa
Qur’aanka akhrida Adkaar iyo ducadana ku dadaasha
👉 Waxay ku noolaanaysaa nabad, xasillooni iyo difaac Alle.
Alle wuxu quraankiisa ku cadeeyay qofkii ka jeesta dikrigiisa in u uku noolaanayo cidhiidhi ah allena wuxu yidhi :
" *وَمَنْ أَعْرَضَ عَنْ ذِكْرِي فَإِنَّ لَهُ مَعِيشَةً ضَنْكًا ۖ وَنَحْشُرُهُ يَوْمَ الْقِيَامَةِ أَعْمَى"ٰ.*
سورة طه: الآية : 124 .
“Qofkii ka jeedsada xusuustayda, wuxuu yeelan doonaa nolol ciriiri ah, waxaana ku soo kicin doonnaa Maalinta Qiyaamaha isagoo indho la’.”
Gabar kasta oo muslimad ah waxaan ku boorinayaa in ay ka tegin xuska alle ,waayo waxay u noqonaysaa nafteeda badbaado aduun iyo mid aakhiro.
🕋 Alle ha inaga dhigo kuwa qalbiyadoodu ku xiran yihiin xuskiisa, kana dhowrsan sharta muuqata iyo mid qarsoon. Aamiin
ALLE AYAA MAHAD OO DHAN ISKA LEH .
*
*وآخر دعوانا أن الحمد لله رب العالمين .*
*W/Q : sheikh abdullaahi omar abdi( rusheeye yare).*