Xagar24

Xagar24 Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Xagar24, News & Media Website, mogadishu, Mogadishu.

10/11/2023

Odayaasha Kuumade gaar ahaan Beesha Bartire oo magaalada kismaayo kasoo diray baaq kusaabsan Askari CXDS ee uu dilay Taliyihiisa.

Waxay baaq y direen Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Wasiirka Gaaahaan dhiga, Taliyahada CXDS iyo beesha uu ka soo jeedo taliye cidaya cadee ee abgaal waceysle macalin dhiblaawe.

04/02/2023

KU :
CID WALBA OO AY KHUSEYSO

- Madaxweynaha JFS
Xasan Sheekh Maxamuud
- RW JFS Xamse Cabdi Barre
- GBJFS Sheekh Aadan Madoobe
- XLJFS ee Beesha Bartire
‐ MJLND Axmed Maxamed Islaam
- Golaha Dhaqanka Kuumade.

Si khaas ah: UGAAS Ibraahim Aadan Geedi
Waxgaradka Beesha Bartire iyo Siyaasiyiinta
Golaha dhaqanka Beesha Bartire.

Baaq

Ha ilaawina matalaada aad ku lahaydeen Golaha Wasiirada Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.

Golaha Siyaasadda Beesha Bartire
Wuxuu baaq u dirayaa cid walba oo ku xusan
Warqadan in ay la socdaan in Beesha Bartire ay wali maanka ku hayso saamigii ay kulahayd Golaha wasiirada Soomaaliya.

Sidaad la socotaan Beesha bartire
Waxay ka mid ahayd beelihii ugu h**eeyay ee soo dhaweeyay Doorashada Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Raysalwasaare Xamse.

Balse Raysalwasaare Xamse sidii Beesha Bartire ay ugu listay uguma hambeyn.

Waxaan leenahay Mudane Raysalwsaare
mar waad nagu gaftay markale yaysan taariikhda kuu galin Kuumade marbuu raysalwasaare soomaaliya ka noqday waxayna booska matalaad Golaha wasiirad ka saareen Curadka Kuumade ee BARTIRE.

Kuumade waxaan leenahay wax cid leedahay cid kale laguma sasabi karo.
Lagama yeelayo Beelaha kuumade ee quud-sareynaya kursigaas.
Beelaha kale ee daaroodna waxaan leenahay Cad walaalkaa lama cuno.

Waxaanna beesha Ogaadeen uga fadhinaa kursigii ay lahayd Beesha abasguul ay ku dhaceen Mbagathi.
Lama ilaawin taasi odayaashna taasi waa looga fadhiyaa inay saxaan waxqeebsiga Kuumade.

ugu danbeyna waxaan sugnaa waa taariikh qormeysa iyo ninka eedeeda lahaan doona.

Madaxweyne Xasan waxaan baaq ugu direynaa
Inuu maqlo arko lana socda saamiqeeysiga sida uu yahay.

Soomaaliyq oo mid ah oo Cadaalad ah ilaah idinkii
Aamiin.

GSB
4.2.2023

Ismaaciil Cumar Geelle waa odayBalse uma dhaqmo sida oday oo waa kii dadka soomaaliyeed u keenay 4.5 wuu lug gooyay soom...
04/02/2023

Ismaaciil Cumar Geelle waa oday
Balse uma dhaqmo sida oday oo waa kii dadka soomaaliyeed u keenay 4.5 wuu lug gooyay soomaaliya balse ma oga God khayaano ha qodin ku dhici doontaalama ogee
Hadda jabuuti waa eber.
Isagan waqtigaaka dhamaaday waayeelnimana waa haysaa.

03/12/2022

Shir maalinki sadexaad Adis Ababa (Ethiopia) Uga socdo siyaasiyin reer Jubaland ah : Akhriso faahfaahinta.

Siyaasiyin aay hormuud u yihiin Senator Cabdullahi Sheikh Fartaag , Senator Iftiin Xasan Baasto , Wasiirki h**e Amniga Gudaha Jubaland Cabdirashid Xasan Janan iyo Taliyihi H**e Nabadsugida iyo Sirdoonka Dowlad Goboleedka Jubaland Khaalid Sheikh Cabdullahi aya laso warinaya in magaalada Adis Ababa ay shir kula leeyihin masuuliyin katirsan Xukuumada, saraakil sare oo katirsan Ciidanka Federalka Ethiopia sida Taliye ku Xigeenka Ciidamada Federalka General Abebaw Tadesse iyo General Tesfaye Ayalew Oo kamid ah saraakisha sarsare ee ciidanka ATMIS qeybta Ethiopia.

Ilaha aan xogta kaso xiganay aya ino xaqiijiyen In la isku waafaqay in la bilaabo guluf ka dhan Ah Al Shabab, isla markaasina la weeraro labada Jube oo dhulka 80% aay joogan kooxdaas.

Mid kamid ah ka qeyb-galayasha shirka oo La Weydiiyay su’aal Aheyd Maxaa Mamulka Itobiya Ku Qasbaaya In Ahmed Iyo Mamulkiisa Amaba Xitaa Dowlada Federalka Somaliya Ogala Hadleynin Arinta Ah In Juboyinka Ay Werar Ku Wadayaan Siyasiyiintaan Ee Kasoo Gedea Gobolka Gedo Keli Maxay Ula Macaamulahaan

Ninka Su'aasha La weydiyay aya Ku jawabay Walaal dowladda Ethiopia cilaaqad wanaagsan kalama dhaxeeyo Axmed Madoobe wexeyna u Arkaan ineeysan daacad ka ayeyn la Dagaalanka Al Shabab , dadka reer Jubaland-na aaysan marnaba aqbaleyn Hogaamintisa. Sidaas darteed anaga aya Bilaabeyno gulufka Bu’aale lagu xoreynayo, Waxana ku dhiseyna Jubaland loo dhan yahay Oo doorasho xalal ah ku dhacdo

Isku soo wada duubo xogta aan heleyno aya Intaas ku dareeyso in maamulka Gobolka Gedo Iyo kuwa degmooyinka aay maalmaha soo Socdo ku biiri doonan shirka ka socdo Adis Ababa.

01/12/2022

Siyaasadda Soomaaliya waxay soo martay isbedbedel badan. Intii uu socday Dagaalkii sokeeye kaaso dhaliyay burbur farabadan dawladdii Kacaanka kadib 1990, Soomaalida waxaa loo sameeyay Dastuur, Federaal ah iyo Maamul Goboleed kuwaas oo ku yimid qaabab kala duwan, waxaa samaysamay Somaliland taasoo sheegatay in ay tahay dawlad madax banaan kana go'day Soomaaliya inteeda kale, shacabka Soomaaliyeed raalli k**a noqon goosashada Gobolada Woqooyi ee Soomaaliya 1991. Waxaa sidoo kala samaysmay Puntland 1998 taasoo ay sameysteen beelaha dega Bari, Bugaal iyo woqooyiga Mudug, waxaa sidoo kale la sameeyay Galmudug 2010. Horraantii 2000 waxaa la soo dhisay dawlad ku meel gaar ah waxaana madaxweyne ka noqday. Dott Cabdiqaasim Salaad Xassan (TNG) waxaa ku xigtay dawladii Federaalka ku meelgaarka ahayd ee loo yaqiin (TFG)2004 waxaana madaxweyne ka noqday Cabdullaahi Yuusuf Axmed taasoo dalka galisay burbur horle waxayna soo galisay dalka ciidamada Itoobiya.[1] Midowga Maxk**adaha Islaamiga ayaa gobollada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya isku fidiyay taasoo ka caraysiisay Itoobiya una aragtay fusad ay kula dagaalami karto ficilada ay sameeyeen. Markii meesha laga saaray Maxaakiimta ayaa waxaa soo baxay kooxo la magacbaxay Muqaawamo kana aas aasamay magaalada Muqdisho intii ay socotay muqaawamada waxaa barbar socday wadahadal UN-ka loo maray kaasoo uu garwadeen ka ahaa Axmed Walad Cabadlla keentayna in laga saaro Itoobiya dalka Soomaaliya bartamihii sanadkii 2009. Waxaa maxaakiimta ka farcamay kooxda Al-Shabaab taasoo dalka dhibaatadii ka jirtay sii murjisay, taasoo dagaal la gashay dawlad lagu soo dhisay dalka Jabuuti Madaxweyne ka ahaa Sheekh Shariif Axmed 2010-2011 dagaal ba'an ku dhexmaray magaalada muqdisho iyo nawaaxigeeda, Madaxweyne Shariif xoogaa rajo ah ayay soo celisay Dawladdiisii loogu magacdaray Midnimo Qaran dawladdaas oo muqdisho ka fogaysay qatartii Al-shabaab iyadoo gacan ka helaysa AMISOM wuxuu diyaariyay doorasho aad loogu riyaaqay.

01/12/2022

Axmed Madoobe oo Dowladda Federaalka u qooshaya sun iyo qorshooyin gurracan
Isagoo wasiirka gaashaan dhigga iyo taliye ciidamada soomaaliya tusay gawaari aan meel aadin iyo askar uu isku soo uruuriyay.

01/12/2022

Xaalka xamar ma dagano

11/09/2022

Waxaa la yiri Xamse markii uu xafiiska sidaa tegay, ayay niman reer Diini iyo Maxammuud Saleebaan isugu jira, oo awal xafiiska yaqaannay, waxa ay damceen in ay u tagaan. Waxay rabeen in ay saddex arrimood inta ayan ka hoos-bixin u sii sheegaan:

1. In uu ogaado in Soomaalidu 4.5 wax ku qaybsatay, isaguna uu qabiil ballaaran oo Daarood la yiraahdo maanta oday u yahay.
2. In uu sidii nin Daarood ah u dhaqmo, waayo? Soomaalidu waa kala dhaqan, qolo walbaana iyada oo aan isku degaan ahayn, ayay haddana dhaqammo badan oo ay korkaa ka wada xeeriyaan jiraan. Waxa jira falal iyo hadallo aan siyaasiga Daarood marna ka suuroobi jirin.
3. Iyo in ay ku biiriyaan waxa badan oo ay ka og yihiin xafiiskaan ay khaanadihiisa iyagu hor u kala barteen, illeen waa markii koowaad oo qof Ogaadeen ahi kuraastaa labada ah midkood noqdee.

Raggaasi uma ay tegin, arrimahaasna uma ay sheegin Xamse; sabab?!

30/08/2022

CADAALAD DARADA KA JIRTA JUBBALAND ..........La soco oo dhawaan filo qoraal ku saabsan inshaa-Allaah

Jaamacadda Kismaayo waxaa la aas-aasay 2005 August waxay ku jirtaa jaamacadaha oogu faca wayn dalkeena soomaaliya.Waxaa ...
30/08/2022

Jaamacadda Kismaayo waxaa la aas-aasay 2005 August waxay ku jirtaa jaamacadaha oogu faca wayn dalkeena soomaaliya.

Waxaa juhdi iyo dadaal badan galiyay gudoomiye Maxamed Wali oo runtii u dhabar adeegay in jaamacadda ay hesho dhismayaal iyo macalimiin tayo leh.

Jaamacadda inta ay shaqeeneysay magaalada waxaa so maray maamula kala duwan oo mid walba caqabad gaar ah ay kala kulmayeen,waxaa oogu waynaa Markii la dhisayay dhismaha Jaamacadda Kismaayo oogu wayn ee ku yaalla aaga hadda ay daganyihiin Ciidamada Itoobiya,magaalada waxaa taalay sagaal isbaaro oo mid walba lacag ka qaadeysay booyadaha biyaha iyo agabka kale ee lagu dhisayay Jaamacdda.

Magaalada waxaa oogu dambeyn yimid ciidamada maamulka Axmed Madoobe iyo ciidamo Amisom ahaa.waxaa dagay aaga Jaamacadda ciidamo Itoobiyaan ah oo iyago marnaba iridda aan ka galin jaamacadda iyago ixtiraamaya in goobta ay tahay Jaamacad. Waxaa oogu dambeyn amar ka so baxay madaxweynaha Jubbland uu ku sheegay in jaamacadda laga dhigo xeero Ciidan.ilaa hadda waa xero ciidan waxaana ku talin lahaa in jaamacadda looga baxo loona dayactiro si masuuliyad ay ku dheehantahay.

waa Barre oo dhagax dhigaya dhismaha Jaamacadda Kismaayo.
X/ Kooreeye

29/08/2022

Xalay gelin-dhexaadkii miyaan gogosha soo laabay?
Gurxanka iyo gooraanka iyo guuxi iga yeedhay
Hanqadh geedo laaye ah miyaa laabta iga guuxay,

Ogaadeen Galduur iyo hadduu Webi ka soo gaasay
Meeshiyo Garlooggube hadduu galowgu eedaamay

-Guntadayeey haddaan Khaylidii labada naas geeyey
Asaan Weyrax nadigii gashuu gucumo aar yeeshay

Gaaladdii ka goor iyo ka goor reebi nagu goysay
Gurey maalintaan diley colkeed in uu go'aan sheegtay!

Goyaay! Maalintaan idhi darkii inay gashaan sheegtay!
Meeshaan ka gaylamay dadkii in uu garab maraan sheegtay!

Garbidaan ku tiirsasay rag in uu garab maraan sheegtay!
Geeraarshe dheer iyo dagaal warangalaan sheegtay!

Gacan iyo in geed laga hadlo iyo gobanimmaan sheegtay!

Garaad Wiilwaal

Qoyskii Nabiga Naxariis iyo Nabadgelyo KorkiiAlle ha yeelee.
29/08/2022

Qoyskii Nabiga
Naxariis iyo Nabadgelyo Korkii
Alle ha yeelee.

27/08/2022

Waa Maxay Siyaasad?

Siyaasadu waa mabaadi aas aasi ah oo dawladi ku dhaqanto ama raacdo si ay u gaadho yoolkeeda mustaqbalka isla markaasna ay ku maamusho dadka ay u xukumeyso si ay u gaadhaan nolol wanaagsan iyo mustaqbal. Taas oo isku xidheysa iyada iyo dalalka kale ee dunida iyada oo laga duulaayo danaha gaarka ah ee mushtamaca ay daawlada u tahay, iyada oo loo maraayo hab sharci ah oo aan ka hor imanaynin dastuurka iyo xeerarka kale ee markaas ee mabnuucaya joojinta iyo ka hor tagida wax kasta oo dhib ku ah hanaanka iyo hor u socodka qaran kasta oo dunida jira.

Raysal Wasaare h**e Cumar Cabdirashiid ayaa yiri: Dowladda Federaalku, haddii ay caadi u aragto Muddo kordhinta Jubbalan...
25/08/2022

Raysal Wasaare h**e
Cumar Cabdirashiid ayaa yiri: Dowladda Federaalku, haddii ay caadi u aragto Muddo kordhinta Jubbaland ka dhacday, waa In ay sidaas oo kale u aragto maamullada kale.

Waxa umusha u roon ayaa ilmahana u roon. Sharciga qayb looma jabin karo
kuwa kalena Awood dowladood sida ay doonaan k**a yeeli karaan

Waxaa Magaalaada Muqdisho ku qabsoomay maanta oo ay taariikhdu tahay  17 Agoosto 2022 Shir ay gogoshiisu fidiyeen GOLAHA...
25/08/2022

Waxaa Magaalaada Muqdisho
ku qabsoomay maanta oo ay taariikhdu tahay 17 Agoosto 2022 Shir ay gogoshiisu fidiyeen GOLAHA DHAQANKA BEESHA BARTIRE ee ku dhaqan Gobalka Banadir
Shirkaas oo ahaa Qado sharaf ay isku xog wareesteen Beesh Bartire iyo GUDDIGA GUURTIDA DAAROOD waxyaabo badan markii la isla gorfeeyay kadib waxay Guddiga Gurtida dhageeteen Beesha Bartire waxaana kulanka ka soo baxay :

1. In Ummada Soomaaliyed ay
ILAAHAY swt u laabto oo loo ( Towbadkeeno) Rabbi sarreeyee dhamaanteenna aannu la nimaadno
Camal Suuban laysna Cafiyo oo ILAAHAY laga baryo Umuuraha Aduunyo iyo Aakhiro aanu la imaanno sidii waxsoosaarka Kheyraadka Dalkeena loogu soo jeesan lahaa.

2. In laga wada shaqeeyo Midnimada iyo Dib uheshiisiinta Shacabka Soomaaliyeed
Cid walbana ay ka garowdo wixii gef ah ay geeysatay.

3. In Dowladdda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada ay yeeshaan wada shaqeeyn si loo ilaaliyo Danta, Diinta, Dadka iyo Dalka,lagana fogaado khilaafyadii ragaadiyay Taabgelinta Dowladnimada Soomaaliya.

4. Waxaa loogu BAAQAY Madaxda Dowladda Jamahuuriyada Federaalka Soomaaliya inay Cadaalad sameeyaan oo ay maqlaan Cabashada Cid walba oo wax tabaneeysa ayna la fariista Dadka wada Talada ama Tabashada lana qanciyo si loo helo Soomaali Heshiis ah.

5. In Dowr Muhiim ah la siiyo
Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed si ay Geed fariisi ugu noqdaan Nabadeenta Ummadda Soomaaliyeed.

6. In la fidiyo Gogol ay ka soo qeeb galaan Dhamaan Shacabka Soomaaliyeed Cuqaasha iyo waxgaradka Culimada, Aqoonyahannada, Guurtida, Haweenka, Dhalinyarada si loogu jiheesto Nabadeenta Dadka Soomaaliyeed laguna dadaalo waxsoosaarka Dalkeena loogana baxo Abaaraha, Colaadaha aanu u gaarno isku filnaan aanna kaga maarano deeqaha Dibaddaha iyo kaalmooyinka shisheeyaha.

GOLAHA DHAQANKA BEESHA BARTIRE
( G.DH.B.B. )
Iyo GUDDIGA GUURTIDA DAAROOD.

Dhamaad......

Muqdsho Gobalka Banaadir
17/ 8/ 2022.

25/08/2022

Jubbaland
Jubaland waa mid kamid ah maamul goboleed yada ka jira Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya.
jubaland waxay dhacdaa Koondurta Fog ee Soomaaliya magaca Jubaland waxu jiray kahor Xiligii Gumeystaha Talayaaniga xiligaas Jubba Waxaa la isku oron jiray dhulka Hadda loogu yeero Jubaland iyo Bay iyo Bakool kuwaas oo markii danbe laga jaray Jubba.

Jubaland waxay xuduud la leedahay Dalka Itoobiya, Kenya iyo maamulka konfur Galbeed.

Qaar ka mid ah
Dagmooyinka Jubaland

Bardhere
Kismaayo
Doolow
Saakow
Garbaharrey
Bu'aale
Xagar
Burdhubo
Jilib
Jamaame.

25/08/2022

Dowladnimaddu waa:
1. Suggid amni
2. Caddaalad & Sinnaan
3. Adeeg bulsho
4. Xiriir wanaagsan
5. Wax soo saar iyo tacab.

Xagar24 waa dagalkaaga xarunta wararka
22/08/2022

Xagar24 waa dagalkaaga xarunta wararka

Address

Mogadishu
Mogadishu
25261

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xagar24 posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Share


Other News & Media Websites in Mogadishu

Show All

You may also like