Hayin News Media

Hayin News Media Ku soo dhawaada, Waa Page-kayga Rasmiga ee Hayin Media

Wasiirka Arrimaha Dibedda Raashiya oo booqan doona Masar, Ethiopia iyo dalal kaleWasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Raas...
21/07/2022

Wasiirka Arrimaha Dibedda Raashiya oo booqan doona Masar, Ethiopia iyo dalal kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Raashiya, Sergey Viktorovich Lavrov ayaa la filayaa inuu Isbuuca soo socdo Socdaal Rasmi ah ku soo maro dhowr Waddan oo ku yaalla Qaaraddan Afrika.

Ilo-wareedyo la hadlay Wargeyska Al-Sharq Bloomberg ayaa sheegay in Wasiir Lavrov ay booqashada u bilaaban doonto maalinta Axadda ee soo socota, kuna beegan bishan July 24-da.

Lugtiisa Koowaad waxa uu maalinta Axadda ku tegi doonaa Caasimadda dalka Masar ee Qaahira, isagoo la kulmi doona dhigiisa dalkaasi iyo tiro Saraakiil kale.

Wargeyska Al-Sharq Bloomberg oo soo xigtay Ilo-wareed aan la shaacinin ayaa qoray inuu Wasiirka Arrimaha Dibedda Raashiya qorsheynayo inuu la kulmo Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, Ahmed Aboul Gheit iyo tiro ka mid ah Ergooyinka dalalka xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta.

Dhinaca kale, Safarka Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Raashiya, Sergey Viktorovich Lavrov oo qaadan doonaa muddo 4 maalmood ah (July 24-da ilaa 28-da), waxa u qorsheysan inuu Socdaal ku soo kala bixiyo dalalka Masar, Ethiopia, Uganda iyo Jamhuuriyada Kongo.

Si kastaba ha ahaatee, Socadalka Sergei Lavrov waxa uu ku soo beegmay hal isbuuc kadib, markii uu Madaxweynaha Maraykanka, Joe Biden booqday Israel iyo Sacuudiga, kana qeyb galay Shir Isbahaysi oo ka dhacay magaalladda Jeddah.

Joe Biden waxa uu Shirka uu la yeeshay Madaxda dalalka xubnaha ka ah Golaha Iskaashiga Carbeed ee GCC iyo Madaxda dalalka Masar, Urdun iyo Iraq ka sheegay inaysan Dowladda Maraykanka baylihin doonin Marnaanshaha dalalka Bariga Dhexe, si aysan dalalka Raashiya, Shiinaha iyo Iran galangal ugu helin Arrimaha Bariga Dhexe.

Media

Kala soco Wararka Gudaha,  kuwa Caalamiga,  Xogaha Dahsoon,  Falaanqeynta Siyaasadda iyo Maydadka
19/05/2022

Kala soco Wararka Gudaha, kuwa Caalamiga, Xogaha Dahsoon, Falaanqeynta Siyaasadda iyo Maydadka

Address

Mogadishu

Telephone

+252684153108

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hayin News Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category