Radio Dalag

Radio Dalag Somali Farm, livestock and Environment Radio which will focus on the Farmers and the impact of the e

08/10/2023

Dadka ku nool meelaha Godan, kuwa degan jasiiradaha iyo webiyada ayaa looga digayaa roob, daad iyo dabaylo la saadaalinayo inay dalka ka dhici doonaa.

Agaasimaha wasaaradda gargaarka iyo maaraynta musiibooyinka ayaa Jubbaland Aadan Faarax Gaarne o u warramaya Radio Dalag ayaa faahfaahin ka bixinaya digniinaha iyo cabsida la qabo.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa

06/10/2023

Moderate to heavy rains expected over inland parts of Central and North Eastern regions particularly around parts of Gedo, Bay, Bakool and Hiraan regions in South Somalia, parts of Mudug and Galgaduud regions in central Somalia and parts of Sool, Sanaag and Bari regions in Northern Somalia.

Moderate rainfall of between 50 and 100 mm is forecast over eastern parts of Bakool region particularly Tayeeglow; northern parts of Bay region, and several areas in Hiraan region particularly Belet Weyne, Mahas, and Mataban (Map 1). Rainfall of similar amounts is also likely over Jariiban district in Mudug, Xasbahale district in Nugaal, and Laas Caanon, Xudun, and Taleex districts in Sool. The rains are likely to spread outwards and intensify over Bay, Hiraan, Mudug and Nugaal and prevail beyond the forecast period to cumulative amounts above 100 mm. Other places forecast to receive comparable amounts of rainfall include Garadag, Dhahar, and Buran in Sanaag region, Qardho and Dangoroyo in Bari region, Buuhodle, Balidhiig, and Warabeye in Togdheer region.

Light rainfall of less than 50 mm is anticipated across several areas in Somalia. These include Burao, Beer, and Xaaji Saalax in Togheer region; Caynabo, Waridaad, and Yagori in Sool region; Erigavo and El Afweyne in Sanaag region; Ufayn, Ballidhig, and Bandar Beyla districts in Bari region; Garowe and Burtinle districts in Nugaal region; extensive parts of Mudug region; inland areas of Galgaduud region, particularly around Dhuusamarreb, Cadaado, and Cabudwaaq districts; Adan Yabaal and Jowhar in Middle Shabelle region; Wanla Weyne district in Lower Shabelle region; areas around Baidoa and Qansahdere in Bay region; areas around Luuq and Bardheere in Gedo region, as well as areas around Jamame, Kismaayo, and Badhaadhe districts in Lower Juba region.

Dry conditions are likely over extensive areas in Awdal region, Woqooyi Galbeed region, western and northern parts of Togdheer region, as well as coastal and western parts of Sanaag region. Similar dry conditions are likely over extensive coastal and northwestern areas of Bari region, Galkayo district and the southern coastal parts of Mudug region, coastal parts of Galgaduud region, and coastal parts of both Lower and Middle Shabelle regions. Dry conditions are also anticipated over Banadir region, southern parts of Bay region, northern and western parts of Gedo region, as well as extensive areas of Lower and Middle Juba.

BBC Media Action waxay qabanaysaa tartan ku saabsan samaynta sheekooyinka isbedalka cimilada. Faahfaahinta hoos ka fiiri...
03/10/2023

BBC Media Action waxay qabanaysaa tartan ku saabsan samaynta sheekooyinka isbedalka cimilada. Faahfaahinta hoos ka fiiri.

Shaacin Tartan:
Fursad tartan oo weriye kasta kusoo bandhigi karo xirfaddiisa aqooneyd ee saxaafadda meel kasta ee uu ka joogo Soomaaliya/Soomaaliland.
Dhammaan qeybaha warbaahinta waa u furan sida Tv-gga, Idaacadda iyo Wargeys/Mareeg (Website). Mowduuca lagu tartamayo waa arrimaha la xiriira Isbeddelka cimilada.
Hoos ka aqri Shuruudaha Tartanka iyo halka aad kusoo direyso Sheekadaada:

Si loo hakiyo carroguurka xilliga xagaaga ka dhaca xeebaha, kaas oo soo roga bacaad xad dhaaf ah oo keenay in ay hawlgab...
20/08/2023

Si loo hakiyo carroguurka xilliga xagaaga ka dhaca xeebaha, kaas oo soo roga bacaad xad dhaaf ah oo keenay in ay hawlgab noqdaan adeegyadii bulshada sida; caafimaadkii, biyihii, waddooyonkii, waxbarashadii iyo ganacsiyadii ba waa in dhulka ku teedsan xeebaha lagu beeraa dhirta lamadegaanka ee la bah tiinka.

11/11/2022

Shirka cimilada adduunka looga hadlayo ee ayaa wali socda.
Arrimaha ugu weyn ee looga hadlayo ayaa waxaa kamid ah sidii loo dhimi lahaa gaaska wasaqaysan ee hawada lagu sii daynayo.

Radio Dalag waxay aad uga xun yihiin dabka baaxadda leh ee ka kacay kaymaha gobolka Sanaag.Dhulka kaymaha ah ee Soomaali...
05/07/2022

Radio Dalag waxay aad uga xun yihiin dabka baaxadda leh ee ka kacay kaymaha gobolka Sanaag.
Dhulka kaymaha ah ee Soomaaliya ayaa horay ugu yaraaday xaaluf dadku samaynayeen, waana nasiib darro kale haddii dab u sii raaco hadda.

Fadlan badbaadi Sanaag.

Madaxweynaha Puntland ayaa maanta xarigga ka jarnay xarunta la socodka iyo la dagaalanka Ayaxa ee Soomaaliya, oo ay halk...
03/11/2021

Madaxweynaha Puntland ayaa maanta xarigga ka jarnay xarunta la socodka iyo la dagaalanka Ayaxa ee Soomaaliya, oo ay halkan xaruntoodu noqonayso Qardho.

Waxay Arrintani ku timi dadaal ay dowladu gelisay iyo Qardho oo noqotay meesha ugu haboon Soomaaliya, waxaan u mahadcelinaya Wasiirada heer Federaal iyo heer Puntland sida wanaagsan ee looga wada shaqeeyay arrintan.

Waxaan soo jeedinaya in xaruntan oo Soomaaliya iyo guud ahaanba Gobolka siweyn u anfici doonta in loogu magac daro Wasiirkii h**e ee Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Puntland AHUN Ismaciil Diiriye Gama’diid, oo isagu ah shakhsiga billaabay xiriirka lagu keenay xaruntan, wakhti geliyay isla markaana dhaggax dhigay dhismaha xarunta .

Ugu danbeyn waxaan u mahadcelinaya Hay’adda FOA iyo Hay’adda La socodka iyo la dagaalanka Ayaxa ee Bariga Afrika (DLCO) oo laga billaabo maanta halkan calankeeda ka taaganaysa, kuna shaqeynaysa madaama xaruntan ay noqotay mid heer caalami ah oo adduunku u aqoonsanyahay Soomaaliya in ay tahay meesha lagala socon doono Ayaxa lagalana dirirayo.

Dhirtu waxay kamid tahay waxyaabaha qurxiya deegaanka.Fadlan hadaadan beerayn dhir ha jarin ugu yaraan.Thanks Puntland V...
11/07/2021

Dhirtu waxay kamid tahay waxyaabaha qurxiya deegaanka.

Fadlan hadaadan beerayn dhir ha jarin ugu yaraan.

Thanks Puntland Vice president.

06/06/2021
Very sad
18/01/2021

Very sad

09/01/2021

Forests are the Lungs of the Earth!🌳🌍❤

Deforestation affects everyone, trees are our home, our water suppliers, our air conditioners and our lungs.😢🌳🙏

Please Plant trees plant hope 🌳❤🌳

Help us to Plant Trees🌳🌍🌳

http://ket.to/help-to-plant-1-trillion-tree-worldwide

SAD.
02/01/2021

SAD.

We afraid of virus but We are the virus of Planet. 😥😢

We deserve everything going on and so much more. 😢😥

Rome street covered in dead birds after New Year fireworks

Deaths of birds occurred during Rome fireworks for New Year.

Hundreds of dead birds covered a central Rome street in the aftermath of last night's fireworks for New Year.
The birds, believed to be starlings, were found at the Termini train station end of Via Cavour by a motorist who posted footage of the disturbing scene on YouTube.

The disorientated birds, startled by the explosions, are thought to have died after flying into windows and high voltage electricity cables just after midnight.

06/12/2020
Waxyaabaha toddobaadkii h**e aad ku dhagaysateen idaacadda Radio Dalag waxaa kamid habka wanaagsan ee dhaqashada digaagg...
01/12/2020

Waxyaabaha toddobaadkii h**e aad ku dhagaysateen idaacadda Radio Dalag waxaa kamid habka wanaagsan ee dhaqashada digaagga. Waa tan meelihii ugu muhiimsanaa ee mawduuca taxanaha ah qeybtiisa Koobaad.

Marka koobaad ee aad ka fakarto dhaqasho digaag waa inaad niyadda ku haysaa nooca dhaqasho digaag ee aad u baahan tahay. Tusaale ahaan waxaa jira labo nooc oo ugu caansan kuwaas oo looga ganacsan karo dhaqashada digaaga, waxayna kala yihiin:
1. Soo saarista ukumaha digaagadda: noocaan waa in aad xoogga saarto inaad kaliya ka ganacsato ukunta ay dhalayaan digaagadahaaga adiga oo suuq geynaya. Dhaqashada noocaan ahi waxay kugu jihaynaysaa inaad kaliya ka fakarto sidii aad usoo saari xaddi badan oo ukumo ah oo aad gayso goobaha ganacsi ee kuugu dhow.
2. Soo saarista hilibka digaaga ee la cuno. Noocaan waa inaad ka fakarto sidii aad usoo saari lahayd hilbka digaaga ee magaalada looga baahan yahay. Marka aad ku jirtid habkaan, k**a fakaraysid inta ukumood ee digaagaddu dhalayso ee muhiimadaadu waa inta kilo ee ay noqon karto halkii digaagad ee uu kaa qaadanayo macmiilkaagu.

Waxaa jira sababo kale ee loo dhaqdo digaaga sida inaad soo saarto digaagadaha oo aad keensato qalabka lagu bacrimiyo ee loo dhaliyo noocyada yar yar dadka hilib ama ukun ahaan uga sii ganacsada sii gataan laakiin labada hab ee ugu badan ee looga faa’idi karo waa kuwa kore ee aan soo xusnay.

Haddaba kala doorashada labadaas hab dhaqasho, waxaa markaas kadib lagama maarmaan ah inaad kala doorato noocyada digaag ee aad keenayso beertaada. Sida ugu wanaagsan ee ay sheegaan dadka aqoonta u leh habka dhaqashada digaaga waa inaad marka h**e ku bilowdo labo nooc oo kaliya adiga oo kadib dib uga soo dari doona noocyo kale marka ay weynaato beertaadu.
Sidoo kale noocyada kala duwan ee digaagu waxay ku xiran hadba sida aad rabto inaad u adeegsato beertaada, ma dhaqasho digaag oo dhanka hilibka ah mise dhaqasho dhanka ukunta ah taasi oo saamayn ku yeelanaysa noocyada kala duwan ee aad dooranayso.

Halkani waa beero ku yaalla hareeraha magaalada Buulo Burte oo uu ku dagay ayax dhawaan halkaas gaaray.Iskaashatada beer...
10/11/2020

Halkani waa beero ku yaalla hareeraha magaalada Buulo Burte oo uu ku dagay ayax dhawaan halkaas gaaray.
Iskaashatada beeraha ee aaggaas ayaa ka cabanaya inaysan jirin wax caawinaad ah oo uga yimid dowladda Hirshabeelle iyo dowladda federaalka.

Sawirada waxaa noo soo dirayafhayeenka iskaashatada beeralayda Buulo Burte.

28/10/2020

: A new generation of , flooding and threaten food security in Ethiopia
According to Ayalew Shumet, the Afar region's coordinator of desert locust operations, about 10 million head of livestock in the region are currently affected by the scarcity of natural pasture. Because pastoralists rely on the weather and environment to secure livestock feed for their livestock, they are heavily impacted by the damage desert locusts have caused on pasture.

Desert locusts have also destroyed entire crop fields leaving farmers, and local authorities worried. Hussein Hundolpe vividly remembers the day locusts invaded his six-hectare maize field in Afambo Woreda with sadness. https://reliefweb.int/report/ethiopia/new-generation-desert-locusts-flooding-and-covid-19-threaten-food-security-ethiopia

This is our last programme of Radio Dalag.https://soundcloud.com/user-867380372
26/10/2020

This is our last programme of Radio Dalag.

https://soundcloud.com/user-867380372

Listen to Radio Dalag | SoundCloud is an audio platform that lets you listen to what you love and share the sounds you create.

Qoraxda kulul ee Soomaaliya ka jirta waxaa looga faa'idaysan kara amashruuc aad u weyn oo wax badan ka tari lahaa dhaqaa...
21/10/2020

Qoraxda kulul ee Soomaaliya ka jirta waxaa looga faa'idaysan kara amashruuc aad u weyn oo wax badan ka tari lahaa dhaqaalaha dalka. Waa mashruuca Soolarka laga dhaliyo korontada.

Ogsoonow Soomaaliya waxay kamid tahay wadamada ugu qaalisan ee xagga biilasha korontada laga bixiyo.

Ganacsatada Soomaaliyeed waa inay ka fakaraan mashaariic faa'iido badan leh sidoo kalana caawinaysa shacabkooda Soomaaliyeed.




20/10/2020

Way ku mahadsan yihiin asxaabta nagu xiran ee 200 dhaaftay.

Sanad walba waxaa khasaara malaayiin litir oo biyo ah kuwaas oo dhulka ku dhaca xilli roobaadyada Soomaaliya.Waxaa yaab ...
19/10/2020

Sanad walba waxaa khasaara malaayiin litir oo biyo ah kuwaas oo dhulka ku dhaca xilli roobaadyada Soomaaliya.

Waxaa yaab leh in marka xilli roobaadyadaas dhammaadaan, bilo kadib ay dadkeenna xoolo dhaqatada ah ka cawdaan biyo yaraan ama biyo la'aan.

Arrintaan waxaa lagu xallin karaa in la sameeyo kaydad waaweyn oo kaydiya biyaha tirada badan ee xilli roobaadyada dhulku iska liqo.

Arrintaan waa shaqo u taal inay ka fakaraan dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya.

17/10/2020
Dowladda Soomaaliya oo Talyaaniga la saxiixatay mashruuc lagu dhisayo Biyo xireenka BeledweyneMashruucan ayaa isugu jira...
17/10/2020

Dowladda Soomaaliya oo Talyaaniga la saxiixatay mashruuc lagu dhisayo Biyo xireenka Beledweyne

Mashruucan ayaa isugu jira dhisme biyo xireen, dayactirka Jiinka iyo kanaalada wabiga, si loo yareeyo khatarta fatahaad ee wabiga Shabelle ku sameeyo magaalada Beledweyne iyo beeraleyda ku xeeran.

Xigasho: SNTV.

16/10/2020

Sidee macquul ku tahay in cuntada dibadda laga keeno ka raqiisanaato middii dalka ka soo go'day?
Waa arrin aad dareemaysid marka aad tagto maqaaxiyaha magaalooyinkeenna.

Arrintaas waxaa wax looga baddeli karaa in la maalgashto beeraha dalka ku yaalla si loola soo baxo wixii la cuni lahaa oo ka caafimaad badan cuntada warshadaysan ee dibadda laga keeno.

Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada DPL iyada oo kaashanaysa maamulka degmada Iskushuban, laamaha amaan...
16/10/2020

Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada DPL iyada oo kaashanaysa maamulka degmada Iskushuban, laamaha amaanka iyo Maamulka gobolka Bari waxay ku guulaysatay in ay gacanta kusoo dhigto dadkii ku lugta lahaa Jarista loo gaystay mid kamid ah Geedihii ugu faca weynaa uguna caansanaa Balliga Jir-Maalle oo kuyaala degmada Iskushuban, Geedkaas oo ahaa Geed “Canjeel” ah.

150 sano ayuu cimrigiisa shalay ayaana baahinay dhacdada in Dhuxul laga sh*tay.

“Wasaaraddu oo kaashanaysa laamaha kale ee dowladda waxay bulshada u cadaynaysaa in ay Cadaaladda horgaynayso dadka ku eedaysan in ay Jareen geedka islamarkaasna aysan u dulqaadan doonin Xaalufinta iyo Baabi’inta lagu hayo dhirta gaar ahaana Geedaha hoyga iyo Gabbaadkaba u ah Dadka, Duunyada iyo Duurjoogta kala duwan. Wasaaraddu waxay u mahadcelinaysaa bulshada degmada Iskushuban, maamulka degmada iyo kan gobolka oo gacan wayn ka gaystay helista Eedaysanayaashan islamarkaasna muujiyey dadaalka iyo garab istaaga.” Ayaa lagu yiri warka Wasaaradda.

“Sidoo kale Wasaaraddu waxa ay u mahadcelinaysaa cid kasta oo ka qayb qaadatay baahinta ama faafinta dhacdadaan gaar ahaan dhalin yarada aadka ugu baahiyey baraha bulshada”ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xariga ka jaray dhismaha Wasaaradd...
15/10/2020

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xariga ka jaray dhismaha Wasaaradda Beeraha Soomaaliya oo dib-u-dhis iyo dayactir lagu sameeyay.

Radio Dalag wuxuu soo dhawaynayaa dib u dhiskan, waxaana uu ka kaabayaa waddanka in la helo wax soo saar beeraha ah iyo hoos udhigga biyo la'aanta.

15/10/2020

Roobab mahiigaan ah ayaa ka da'ay qeybo kamid ah gobolada Mudug iyo Nugaal. Inta badan gudaha dalka waxaa ka bilowday xilliga deyrta, waxaana dadka cimilada yaqaana sheegayaan inay jiri karaan daadad ka dhasha roobabka xooggan ee la filayo.

Isha ku hay Radio Dalag, waxaan soo gudbinaynaa macluumad kale oo dheeri ah haddii Alle yiraahdo.

There is a raining in most parts of Mudug and Nugal regions. A Deyr season has started most parts of Somalia and wheather analysts are expecting more floods during this period.

Stay tuned in Radio Dalag as more updates will follow.

Radio Dalag wuxuu canbaaraynayaa jarista geedkaas mudada dheer la manaafacaadsanayey.Masuuliyiinta degmada Isku Shuban w...
13/10/2020

Radio Dalag wuxuu canbaaraynayaa jarista geedkaas mudada dheer la manaafacaadsanayey.
Masuuliyiinta degmada Isku Shuban waxaan ka codsanaynaa inay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaaddo kuwa fuliyey doqonimada xaddigaas le'eg.



Address

KM 4
Mogadishu
00100

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Radio Dalag posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Share


Other News & Media Websites in Mogadishu

Show All

You may also like