Ahmed Ak

Ahmed Ak Noogu imow warar iyo Barnaamijyo sugan oo ku dulqotama Run iyo Xaqiiq.

Garoowe: 01 May 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan martiqaad iyo is ...
01/05/2023

Garoowe: 01 May 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan martiqaad iyo is xogwareysi ah Kula qaatay Qasriga Madaxtooyada, Isimada dhaqanka Gobollada Sool, Sanaag iyo Ceyn oo uu hoggaaminayo Garaad Jaamac Garaad Cali.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirishiid Yuusuf Jibriil Cawl, Guddoomiye Ku-xigeenka Kowaad ee Golaha Wakiilada DPL, Mudane Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada DPL, Mudane Ismaaciil Maxamed ismaaciil Warsame.

Golemeer Media

01/05/2023

: Dugsiga hoose/dhexe ee siinay oo abaalmarino Gudoon siiyeey Ardaydii iyo Macalimiintii Kasoo shaqaysay idaacada Codka siinay ee kabixi jirtay schoolka siinay.

Golemeer Media

23/03/2023

Bare Abdullaahi Ali oo kamida dhalinyarada Magaalada Gaalkacyo kana soo jeeda koonfurta Soomaaliya 30kii sano ee ugu danbaysayna ku noolaa puntland ayaa Xafladan oo ka dhacday magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka mudug waxa uu ku shaaciyey in uu u sharaxanyahay xildhibaan golaha degaanka degmada Gaalkacyo.
Munaasabadan ayaa waxaa kasoo qaybgalay nabadoonada, waxgaradka, ganacsatada, haweenka iyo dhalinyarada bulshada rer koonfur galbeed ee ku nool magaalada gaalkacyo.

Guddiga KMG ee doorashooyinka kuraasta ka banaan Baarlamaanka 11aad ee JFS ayaa shaaciyay  Jadwalka qashada kursiga tirs...
28/01/2023

Guddiga KMG ee doorashooyinka kuraasta ka banaan Baarlamaanka 11aad ee JFS ayaa shaaciyay Jadwalka qashada kursiga tirsigiisu yahay HOP #147 oo deegaan doorashadiisu tahay Dhuusamareeb.

Ruushka oo isticmaalaya dekadaha eriteria Ruushka oo dowladda Eriteria kala hadlay isticmaalka dekedaha iyo garoomadeeda...
28/01/2023

Ruushka oo isticmaalaya dekadaha eriteria

Ruushka oo dowladda Eriteria kala hadlay isticmaalka dekedaha iyo garoomadeeda ku yaalla badda cas

Wasiirka arrimaha debedda ee Ruushka Segei Lavrov oo safar ku maraya dalalka Afrika ayaa la kulmay madaxweynaha dalka Eriteria Isaias Afwerki, isaga oo raadinaya in dalalka Afrika ay taageero u muujiyaan Ruushka, sida uu sheegay wasiirka warfaafinta ee Eriteria.

Lavrov ayaa safarkiisa ka bilaabay dalka Koonfur Afrika, halkaas oo uu ka socdo qorshaha ah, in dalalka Ruushka, Shiinaha iyo Koonfur Afrika ay wada qabtaan dhoolatur milateri oo wada jir ah, wuxuuna safarkiisa ku soo gebagebeeyey, safar lama filaan ah oo uu ku tegey dalka Eriteria ee ku yaalla gobolka Geeska Afrika.

Eriteria ayaa ka mid ah, dalalka kooban ee ku yaalla qaaradda Afrika ee ka soo horjeestay qaraarkii Qaramada Midoobay ee lagu cambaaraynayey dalka Ruushka ka dib duullaankii uu ku qaaday dalka Ukraine, inkasta oo dalal badani ay ka aamuseen qaraarkaas.

Wadahadalada dhexmaray Ruushka iyo Eriteria ayaa lagu lafaguray siyaabaha kor loogu qaadi karo xidhiidhka labada dal ee dhinaca tamarta, tiknoolojiyadda, waxbarashada iyo caafimaadka, sida uu bartiisa Twitterka ku qoray wasiirka warfaafinta ee Eriteria Yemane Meskel.

ALEEN Tv

Xildhibaan Sanyare “BISMILAH BISMILAH BISMILAHwaxaan bisinka u qabtay waa shirka barito ka furmidoona magalada laascaano...
27/01/2023

Xildhibaan Sanyare

“BISMILAH BISMILAH BISMILAH
waxaan bisinka u qabtay waa shirka barito ka furmidoona magalada laascaanood waxaa laga jooga mudo bil ah maalintii uu bilowday kacdoonkii barakaysna ama kacdoonkii bluuga
Marka koowaad waan uducaynaya shirka waxaan alaah uga baryaya inuu kufurmo si nabad ah kuna dhamaado si nabad ah, alaah na uu waafajiyo towfiiqda iyo talada teeda toosan duca kadib waxa laga filankaro shirkan waa labo qodob

1 xaqijinta lahaanshaha talada dalka iyo dadka ssc
2 istaraatiijiyada sidii loogu samayn lahaa maamuul kamadax banaan somaliland iyo puntland ama SNM iyo SSDF kaad rabto ugu yeer”

27/01/2023

7-jir Gobanimo doon ah oo hogaaminaya boqolaal shacab ah ayaa ayaa dareen kusoo bandhigay fagaarayaasha magaalada laascaano.

27/01/2023

Ra'iisul wasaare Xamze oo la hadlayay Culimada ayaa yiri " Dadkeena Qabiil waa lagu dilay, Diin waa lagu dilay oo dowladnimada waa lagu dilay, waa inaan keenaa xal".

Israa’iil ayaa dhawr weerar oo xagga cirka ah ku qaaday marinka Gaza ee go’doonsan maalin kadib markii ciidamada Israa’i...
27/01/2023

Israa’iil ayaa dhawr weerar oo xagga cirka ah ku qaaday marinka Gaza ee go’doonsan maalin kadib markii ciidamada Israa’iil ay xerada qaxootiga ee Jenin ku dileen sagaal falastiiniyiin ah oo ay ku jirtay haweeney da’ ah.

Ilo dhanka ammaanka ah oo ku sugan Qaza ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Faransiiska in ay dhaceen 15 weerar saacadihii h**e ee maanta.

Goob joogayaal iyo warbaahinta gudaha ayaa sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil ay laba gantaal ku dhufteen bartilmaameedyo ku yaalla Qaza,kadib diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa fuliyay afar qarax oo waaweyn.

Weerarada Israa’iil ayaa daba socday ka dib markii laba gantaal lagu soo riday dhinaca Gaza saqdii dhexe ee xalay.

Aleen Tv

27/01/2023

Wiil soomaali ah oo farsameeyeeey kabo casri ah.

ALEEN Tv

27/01/2023

: Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in ay dishay Hoggaamiyihii Daacish ee Soomaaliya iyo tiro kooxdiisa ah lasoo tay.

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda difaaca ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in duqeyn cirka ah oo diyaaradaha Mareykanku ka fuliyeen Buuraleyda gobolka Bari lagu dilay Horjooge Bilaal-al-Sudani oo ahaa hoggaamiyaha Daacish ee Soomaaliya.

Maraykanka ayaa sheegay in Al-Sudani ay la dhinten toban kale oo kooxda ka tirsanaa, warka ayaa lagu yiri” Maraykanku waxaa uu doonayey inuu qabto horjooge Bilaal balse maleeshiyaadka la joogay ayaa sameeyay falcelin”.

Halwgalkan ayay dowladda Mareykanku sheegtay in aysan dad shacab ah waxyeelo ka soo gaarin, sidoo kalena ciidankooda aysan waxyeelo ka gaarin iska caabinta ay sameeyeen kooxdu.

ALEEN Tv

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliland oo ku biiray kacdoonka buluuga ah.Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Somal...
26/01/2023

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliland oo ku biiray kacdoonka buluuga ah.

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Somaliland oo ku biiray Jabhadda SSC. Mr Nur Ahmed Dayib oo ka tirsan Gollaha Wakiilada ee S.L kana soo jeeda Buuhoodle ayaa iska xaadiriyay Laascanood si uu uga qayb qaato halganka gobannimo doonka ah ee ka socda Gobolka Sool.

Culimada Soomaaliyeed oo bayaan ka soo saaray shir uga socda Muqdisho.
26/01/2023

Culimada Soomaaliyeed oo bayaan ka soo saaray shir uga socda Muqdisho.

 : Axmad Rashiid oo lagu amray inuu isku soo dhiibo xarunta waaxda DCI-da ee magaalada Garissa.Axmad Rashiid oo ah sarka...
26/01/2023

: Axmad Rashiid oo lagu amray inuu isku soo dhiibo xarunta waaxda DCI-da ee magaalada Garissa.

Axmad Rashiid oo ah sarkaal booliis ayaa lagu amray inuu tago xarunta waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ee laanteeda magaalada Garissa, si kiiska dilka ee uu wajahayo loogu gudbiyo magaala madaxda wadanka ee Nairobi.

Waxaa uu ku eedeysan yahay inuu sanadkii 2017-kii uu xaafadda Islii ee deegaanka Kamukunji ee ismaamulka Nairobi uu ku toogtay labo dhallinyaro ah soomaali ah.

Garsooraha maxkamadda sare Kanyi Kimondo ayaa maanta soo saartay amar ah in Axmad Rashiid uu maro baaritaan maskaxeed ka hor inta uusan qiran dambiga dilka ah.

Maxkamadda ayaa qareenka matalaya Axmad Rashiid ee lagu magacaabo Danstan Omari ka codsatay inuu hubiyo in sarkaalka uu maro baaritaan maskaxeed, Hasa ahaatee, Danstan Omari ayaa xaqiijinin in sarkaalkan uu diyaar u noqon doono baaritaanka maskaxeed sida ay amartay maxkamadda.

Horraantii bishii h**e ayay ahayd markii uu sarkaalkan maxkamadda geeyay codsi uu ku doonaya in dib loo eego dacwadda ka dhanka ah,
Tani ayaa ku soo aadeysa iyadoo qareennada matalaya sarkaalkan ay doonayaan inay gudbiyaan dacwad ay uga soo horjeedaan eedeymaha dilka ee uu wajahaya Axmad Rashiid.

Waxaa ay sidoo kale tani imaanaysa iyadoo guddiga ganacsatada xaafadda Islii ay sheegeen inay garab istaag u muujinayaan Axmad Rashiid, iyagoona hoosta ka xarriiqay inuu door ka qaatay la tacaalidda falal amni darro oo xaafadda saameyn ku lahaa.

Boosaaso: 26 January 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta ka qeybgalay Munaa...
26/01/2023

Boosaaso: 26 January 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta ka qeybgalay Munaasabadda Bandhiga Warxqabadka Dowladda 4-ta sano iyo Qorshaha Dowladda ee sanadka 2023 oo lagu qabtay magaalada Boosaaso.

Munaasabadda oo ay wadajir ugasoo shaqeeyeen Wasaaradda Qorsheynta iyo Madaxtooyada, ayaa lagu soo bandhigay waxqabadka Dowladda Puntland 4-sano ee lasoo dhaafay oo lagu soo gudbiyey Qoraal iyo Maqal iyo Muuqaal, Iyadoo Sidoo kale lasoo bandhigay Qorshaha Dowladda iyo waxyaabaha hortebinta u leh sanadka 2023.

Waxaa bandhiga udub dhexaad u ahaa sida Madaxweynuhu uga dhabeeyay balan qaadkiisii xiliga Ololaha, oo ay meel sare uga jireen Amniga, Dhismaha Ciidanka, Isbedel Siyaasadeed iyo Dimuqraadiyadda, Hufnaanta Maaliyadda , Dhismaha Wadooyinka, Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa la wadaagay Bulshada Gobolka Bari, in waxa lasoo bandhigay ee la qabtay ku yimaadeen dadaal Dowladnimo iyo ku dhiirasho Iyadoo Dalka ay ka jireen duruufo kala duwan, Sidaasi darteedna si meeshan meel kasii wanaagsan loo gaarona loo baahanyahay in lasii xoojiyo doorka Bulshada ee ka qeyb qaadashada Dowladnimada.

Garoowe: Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ayaa maanta kulan layeeshay Maamulka Gobolka Nugaal oo ka mid ah saddexda G...
26/01/2023

Garoowe: Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ayaa maanta kulan layeeshay Maamulka Gobolka Nugaal oo ka mid ah saddexda Gobol ee wajiga 2-aad ee Diiwaangelinta codbixiyayaasha Doorashooyinka Dowladdaha Hoosse ee Puntland ka bilaabanayso.

Xubnaha Guddiga oo ugu h**eeyo Afhayeenka TPEC Mudane Abdinur Sheikh iyo Guddoomiyaha gobolka Nugaal ee TPEC ayaa Maamulka Gobolka uga warbixiyay shaqada ay wadaan iyo doorka ay ku leeyihiin inay ka qaataan oo u h**eyso wacyigalinta Bulshada ee u diyaargarowga Diiwaangelinta si ay uhelaan xaqooda dastuuriga ah ee ah in la doorto, ciday rabaana doortaan.

Garaadka guud ee Berlage Guuleed Garaad oo gaaray laascaano Garaad Maxamed Garaad Abshir oo ah Garaadka Guud ee Beelaha ...
26/01/2023

Garaadka guud ee Berlage Guuleed Garaad oo gaaray laascaano

Garaad Maxamed Garaad Abshir oo ah Garaadka Guud ee Beelaha Gulleid Garaad [Barkad] ayaa maanta Laasscanood si milgo leh loogu soo dhoweeyay.

WAR DEG DEG AH: Jenaral Sulub Axmed ayaa loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska. Sulub ayaa kasoo jeeda Jubbaland. Wa...
26/01/2023

WAR DEG DEG AH: Jenaral Sulub Axmed ayaa loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska. Sulub ayaa kasoo jeeda Jubbaland. Waxuuna muda dheer taliye ka ahaa mid ka mid ah hoggaanada Taliska Booliska.

Dawladda Faransiiska ayaa ku dhawaaqday in ay ciidankeeda kala baxayso dalka Burkina Faso ka dib markii lagu war geliyey...
26/01/2023

Dawladda Faransiiska ayaa ku dhawaaqday in ay ciidankeeda kala baxayso dalka Burkina Faso ka dib markii lagu war geliyey in ay muddo bilo dalkaas kaga tabaashusaysto.

Afhayeen u hadlay wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Faransiiska ayaa sheegay in ay ixtiramayaan dalabka uga yimi dawladda Burkina Faso isla markaana ay la bixi doonaan ciidankooda halkaas ka jooga.

Dalkan ayaa noqonaya kii labaad ee Afrika ku yaalla isla markaana uu Faransiisku ciidankiisa ka saaro ka dib markii laga hor yimo joogitaankisa Galbeedka Afrika.

H**e dalka Mali ayaa u caydhiyey safirkii Paris u fadhiyey Bamako iyada oo marrkii dambena ciidankiina la raaciyey.

Dalka Chad ayaa sidoo kale la rajanayaa in uu Faransiiska kala boxo ciidanka ka jooga.

Waxana muuqata in uu soo dhammaanayo saamayntii uu Faransiisku ku dhex lahaa dalalkii uu gumaysan jiray.

Waxqabadka xukuumada PUNTLAND 2019-2023.
26/01/2023

Waxqabadka xukuumada PUNTLAND 2019-2023.

Soomaaliya ayaa caawa dib-ugu-biirtay heerka ugu sarreeya maamulka duulimaadyada hawada sare; iyada oo gaadhay derejada ...
26/01/2023

Soomaaliya ayaa caawa dib-ugu-biirtay heerka ugu sarreeya maamulka duulimaadyada hawada sare; iyada oo gaadhay derejada sare [Class A] taasi oo ay ku jiri jirtay berisamaadkii, 30 sanno ka hor.

Diyaaradaha nooc kasta ayaa hadda ku safraya hawada dalka, iyada oo DFS ay si buuxda u maamuleyso.

"Waa dhacdo weyn oo wax ka tiri doonta badqabka Hawada iyo amniga marinnada hawada ee ugu mashquulka badan gobolka iyo caalamka. Sidoo kale , wuxuu hannaankan gacan ka geysan doonaa korarka Dhaqaalaha ee dalkeenna" - Ayey tidhi Wasiirka Gaadiidka Cir iyo Dhul, Fardowsa Cigaal.

"Ma aqbalayo in la gubo ama la ceebeeyo kutubta diimeed. Waan cambaaraynayaa gubista Kitaabka Quraanka. Waa in aan sare ...
25/01/2023

"Ma aqbalayo in la gubo ama la ceebeeyo kutubta diimeed. Waan cambaaraynayaa gubista Kitaabka Quraanka.

Waa in aan sare u qaadnaa sidii dadka asal ahaan kala duwan ay isu qaddarin lahaa innaguna aan isu qaddarin lahayn – waa in aan dhisnaa buundooyinka dadka isku xira ee ma ahan in aan khilaaf iyo xadgudub ulakac ah abuurno." Xildhibaan Suldaan Siciid Axmed oo katirsan baarlamaanka Finland 🇫🇮

Boosaaso: 25 January 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan kula qaatay ...
25/01/2023

Boosaaso: 25 January 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan kula qaatay Masuuliyiinta Dowladda ee ku sugan Boosaso xarunta Gobolka Bari, sidoo kale Madaxweynaha ayaa booqday Xarunta Dowladda hoose ee degmada Boosaaso.

Kulamada ayaa yimi kadib Madaxweynuhu kormeer ku tegay Xarunta Gobolka Bari iyo Xarunta Dowladda Hoose ee Boosaaso, ujeedkuna wuxuu ahaa u kuureglida Shaqooyinka Dowliga ah ee socda iyo dardargelinta hannaanka Doorashooyinka Puntland, Adkaynta Nabadgalyada guud gaar ahaan tan Gobolka bari, ka qayb-galka horumarinta Bosaso ka socota.

Ururka sincad oo lagu kalo yaacay.
25/01/2023

Ururka sincad oo lagu kalo yaacay.

25/01/2023

Garoowe: Ururada bulshada rayidka ah ee Puntland oo waxqabadkooda lasoo bandhigayo, Daladda PUNSAA ,Puntland State University iyo Wasaarada qorshaynta ayaa iska kaashanaya bandhigan

ALEEN Tv

 : Gobollada SSC ayaa markii u horraysay si madax-bannaan loogu daray Mashruuca Barwaaqo oo ay ku kacaya Malaayiin dooll...
25/01/2023

: Gobollada SSC ayaa markii u horraysay si madax-bannaan loogu daray Mashruuca Barwaaqo oo ay ku kacaya Malaayiin doollar kaas oo laga fulinayo dalka oo dhan.

Barnaamijka Barwaaqo ayaa xoogga saaraya Mashaariicda dhanka Biyaha, Beeraha, dhaqashada Xoolaha nool iyo ilaalinta deegaanka. Waxaa sidoo kale qorshaha qoran ku jira, dhismahaha Awoodda hay’adaha dowladda, kuwa dowlad goboleedyada iyo wax soo saarka iyo Xoolaha.

Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaacisay in Mashruucaas laga hirgelin doono Gobollada SSC sida ay shaacisay Wasaaradda Wasaaradda Qorsheynta DFS.

Waxaa xusid mudan in Gobollada SSC markii h**e loo aqoonsanaa dhul lagu muransan yahay islamarkaana aysan heli jirin Mashaariicda Horumarinta.

Dowladda Uganda ayaa markii ugu horaysay si rasmi ah bilaabaysa in dalkeedu la soo baxo Shiidaalka laga helay muddo 20-s...
25/01/2023

Dowladda Uganda ayaa markii ugu horaysay si rasmi ah bilaabaysa in dalkeedu la soo baxo Shiidaalka laga helay muddo 20-sano ka hor ah.

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, ayaa Hay'adda Batroolka ee dalkaasi ku amaray in lasoo saaro saliida ceegaagta ceelka Kingfisher, ee hoos yimaada Harada Albert ee galbeedka dalkaasi iyo in la dhiso dhuumo aad u ballaadhan si loogu raro Suuqyada caalamiga ah iyada oo la sii marayo Dekedda Badweynta Hindiya ee dalka Tansaaniya.

Dalka Uganda ayaa hiigsanaya in uu shiidaalkiisa ugu h**eeya ee uu adduunka u dhoofin doono soo saaro marka la gaadho Sanadka 2025-ka

ALEEN Tv

  Dawladda Rwanda ayaa soo riday diyaarad dagaal Dowlada Rwand Ayaa soo riday diyaarad dagaal oo laga lee yahay dalka Co...
25/01/2023

Dawladda Rwanda ayaa soo riday diyaarad dagaal

Dowlada Rwand Ayaa soo riday diyaarad dagaal oo laga lee yahay dalka Congo DR taas oo ay sheegtay in ay ku soo xad gudubtay hawadeedaa.

Diyaaradda oo uu nooceedu ahaa Sukhoi-25 isla markaana lagu farsameeyey Midowgii Soofiyeeti ayaa lala eegtay gantaal xilli ay maraysay xuduudka kala qaybiya labada dhinac.

Xukuumadda Kigali ayaa ku doodaysa in ay diyaaraddani soo gashay hawadeed isla markaana ay ku kacday falal arbushaada, halka ay Congona ku doodayso in aanay diyaaradoodu shaqo ku lahayn hawada dalka toogtay.

Xiisadda labada dhinac ayaa waayahan ahayd mid cakiran iyada oo Congo ay h**e Uganda ugu eedaysay in ay gacan siiso jabhadda dalkaas ka dagaallanta ee M23.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Abshir Axmed Haruse ayaa si rasmi ah Muqdisho uga furay shirka Hannaanka Xaq...
25/01/2023

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Abshir Axmed Haruse ayaa si rasmi ah Muqdisho uga furay shirka Hannaanka Xaqiijinta Shuruudaha looga baahanyahay Soomaaliya ee ku biirista Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.

Address

Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ahmed Ak posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Share


Other News & Media Websites in Mogadishu

Show All

You may also like