Buqdharkayn ssc media

Buqdharkayn ssc media Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Buqdharkayn ssc media, Media/News Company, buqdharkayn, Laascaanood.

Halgan kii Laascaanoooe  Orraahihii mucjisooyinka ahaa Ee taariikhda galay =================== 1. Halgamaa afgaab oo ku ...
27/11/2023

Halgan kii Laascaanoooe Orraahihii mucjisooyinka ahaa Ee taariikhda galay
===================

1. Halgamaa afgaab oo ku shahiiday 6 feb 2023 ayaa wuxuu h**e u sheegay (Lasanod dhiig bay ku xoroobaysaa ).

2. Sareeye qalas garaad Abdiresak garaad Soofe (waanu xarago dagaalamaynaa hilibgeel iyo Caano geel baan ku dagaalamaynaa 500 oo tikniko ah waa haysanaa) sidii bay u dhacday .

3. Sareeye Qalas garaad jaamac garaad Cali ( habarjeclo iyo habaryoonis waa is naqaan Habar awalna waa is baranaynaa.

4. Sareeye Qalas garaad Jamac garaad Ali (dagaalka gala). Waxay ahayd weedh kulul oo dadka dhiiga dhaqaajisay cid dib soo eegtayna may jirin markii kalmadaasi afka kasoo baxday .

5. Ganacsade Mohamed jabutawi (jamac siyaad iyo military ga Somaliland waa is arkayaan) way is Arkeen shidaalkii u h**eeyey iyo kii u dambeeyey ba waxay noqdeen dhiigii geenyo iyo abwaan Jama kediye Elmi oo ay isku hayb ahaayeen Mj.

6. Taliye jiqda ( gudaha laysugu galayaa). Qorshaha dagaalka ayaa ahaa mid xag rabi Ka socday oo qaabkiisu ahaa sidii gaadhi silitaynaha oo dhiidhi ku jira wax kasta oo rag damcayna tii ilaahay baa Ka waynayd oo gudaha ayaa laysugu galay .

7. Qalasad raxma yar ( nabad baa naas la nuugo leh baad maqasheene colaaddaan naas u samaynaynaa) Reer lasanod waxay beeniyeen oo dhiig u Daaday inta la dulmiyo oo la dilo in la dhoho nabada iyo barwaaqada ilaashada waxay bilaabeen colaad ay nabad u badaleen .

8. Sareeye qalas garaad Abdilahi garaad saleban ( maah maahdii xasan saalax ilbuur nimuu ku yar yahay buu ku yareeyaa habarjeclooy colaada waxaad ka heshaan waxba hayga siinina. Waxa ugu weyn oo Guusha reer lasanod siisay waxay ahayd awooda dadka Human Resources.

9. Dhaantadii fahmo ilays Ee D5 oo la qaaday 18 march 2023 ( waxay sii sheegtay wixii 25 -8 2023 Ka dhacay goojacade oo ahaa hubka dhigis

10. 26 march 2023 Jawaab tii afhayeenka gudida 33 caaqil Abdiresk falaalug uu siiyey abaan duulkii ciidanka Somaliland general Faysal Abdi bootaan oo ahaa ( faysalow waa inoo dagaal inshalah adigoo maxbuus ah baa lay kaa keeni doonaa waxayna dhacday 25-8-2023

11. Sareeye qalas Garaad jaamac garaad ismail kalamadii uu Ka yiri aaskii abwaan jama Kediye (Jimca dambe ayaan buuga abwaan Ka kusoo bandhigaynaa goojacadey jimcahaasi wuxuu noqday 26-8-2023.

12. Hogaamiye firdhiye mar uu booqday talisadayada ciidanka SSC wuxuu ku qudbadeeyey (Laascaanood waxaa ka dhacay waxaan h**e loo arag waxaanse kaga jawaabaynaa wax aan h**e loo maqal

13. Aniguna Maanta oo ay Somaliland weli soo dhaaranayso waxaan leeyahay quruurux buur buu kula galaa kelmadaasi ha idin gasho.

Eng.Abdiaziz Awil Farah
Eng: Abdiaziz Awil

Address

Buqdharkayn
Laascaanood

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Buqdharkayn ssc media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share


Other Media/News Companies in Laascaanood

Show All

You may also like