15/12/2024
Somaliland waxay cadaysay inaysan rabin in lagu wada noolaado nabad, iyadoo shacabka reer SSC Khaatumo muddo dheer wajahaya caburin, cadaadis, xatooyo hantiyeed, iyo dilal farabadan ku waa oo ka dhacay magaalada Ceerigaabo usbuucyadii ugu dambeeyay.
Reer SSC Khaatumo waxay muujiyeen dulqaad iyo adkaysi aan baaxad lahayn, iyagoo u dulqaateen weerarada joogtada ah ee ka soo gaarayay maamulka Somaliland. Muddadii ugu dambeysay, 11 ruux oo shacabka SSC Khaatumo ayaa si xaqdarro ah loogu dilay magaalada Ceerigaabo. Tani waxay dhalisay in dadka shacabka SSC Khaatumo ay ka walaacaan mustaqbalkooda, iyagoo dareemaya in xuquuqdooda aadanaha aan si dhab ah loo ilaalin.
Dawladda SSC Khaatumo, oo ka jawaabaysa tacaddiyadaasi, kadib dulqaadkoodi faraha badnaa ee ku wajahan falalkaasi, waxay si rasmi ah u kicisay dhaqdhaqaaqyo ciidan oo loogu talagalay in lagu ilaaliyo shacabka. Waxaa si cad loo sheegay in weeraradii lagu qaaday xarumaha ganacsi ku yaaala Ceerigaabo ee shacabka SSC Khaatumo, iyagoo loo adeegsaday PKM, ay ka mid yihiin dambiyo dagaal "war crime".
Dagaalkii shalay bilaabmay ayaa sii xoogaystay, maanta, ciidanka SSC Khaatumo ayaa si buuxda u qabsaday kaantaroolka bariga ee magaalada Ceerigaabo, taasoo ah guul muhiim ah. Sidoo kale, garoonka diyaaradaha Ceerigaabo, oo goob muhiim ah marka loo eego dhinaca amniga iyo dhaqaalaha ee magaalada Ceerigaabo, ayay la wareegeen ciidanka SSC Khaatumo.
Waxaan ugu hambalyeynayaa ciidanka SSC Khaatumo guulaha ay gaareen ilaa hadda, waxaana u rajeynayaa in ay sii wadaan dadaalkooda. Dagaalka adag ee ay wadaan Jamaahiirta wuxuu u baahan yahay geesinimo, isku duubni, iyo dedaal aan loo kala harin. Ilaahay ha la garab galo oo ha ka dhigo kuwo guul ka gaara dhammaan caqabadaha horyaalla, si ay u difaacaan xuquuqda shacabka, amniga, iyo mustaqbalka SSC Khaatumo. Jamaahiirta waxaan leeyay guul walba oo aad gaartaan waxay noqon doontaa mid taariikhi ah oo xusid mudan.
Waxaan si qoto dheer u rajeynayaa in xal nabadeed oo waara oo dhamaanteen aynu ku qanacno aan ka gaarno xaaladdan. Xal nabadeed oo waara wuxuu noqon karaa mid inoo keenaya horumar dhab ah oo labada dhinacba ay ka faaโiideysan doonaan.