30/06/2023
Waxaan shacabka Soomaaliyeed u dirayaa hambalyo ku aaddan xuska sanadguurada 63–aad ee ka soo wareegtay markii ay xoriyadda qaateen Gobollada Koonfureed iyo israacii labada gobol ee dalkeenna 1 Luuliyo 1960.
Maalintan qiimaha badan ee 1da Luuliyo, waxay astaan u tahay midnimada iyo wadajirka Shacabkeena, waa maalintii ay dadkeennu xaqiijiyeen Jamhuuriyad Soomaaliyeed oo madax-bannaan.
Waxaan u rajeynayaa Shacabka Soomaaliyeed in Allaah (SWT) sanad guurada soo socota nagu gaarsiiyo nabad, horumar iyo midnimo.