10/01/2023
Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Jubbaland ayaa dalaga Beeraha iyo agabka lagu fasho ku wareejisay Iskaashatooyinka Saddex Tuulo oo dhanka Waqooyi ka xiga Magaalada Kismaayo.
Iskaashatooyinka maanta lagu wareejiyey agabkan ayaa ku falanaya Beer dhan 100 Hectare oo ay Wasaaraddu siisay dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku soo barakacay deegaanka Lugloow ee Waqooyiga kismaayo, Si ay kaga Kaaftoomaan Hay'adaha.
Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Jubbaland Xildhibaan Geelle Aadan Muxumed ayaa iskaashatada kula dardaarmay in ay si wanaagsan uga faa'ideystaan Agabkan ay Wasaaraddu ku wareejisay.