Villa kismayo media

Villa kismayo media villa kismayo media isha waraarka somalia

28/02/2024
Warbixin Soo Qabasho Shabakad khawaarijta ah oo dil Geestay.Maantay oo Taariikhdu tahay 28/02/2024 Abaare 16:15 daqiiqo ...
28/02/2024

Warbixin Soo Qabasho Shabakad khawaarijta ah oo dil Geestay.

Maantay oo Taariikhdu tahay 28/02/2024 Abaare 16:15 daqiiqo Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Saldhigga Boliiska Deegaanka Garasbaaley. Waxeey gacanta kusoo dhigeen shabakad ka kooban 4 dhalinyaro ah kuwaas oo dilay Marxuum: Xasan C/Qaadir Ibraahim kana tirsanaay CXDS.

Dilka kadib Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo sameeyay kadatag ayaa Gacanta kusoo dhigay shabakad oo watay Mooto iyo Laba Bastooladood oo ay dilka ku geesteen.

Waxaana la horgeydoonaa Maxkamadda awooda u leh Insh-Allah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Kulan kula qaatay Qasriga Madaxtooyad...
28/02/2024

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Kulan kula qaatay Qasriga Madaxtooyada Kenya dhiggiisa dalkaas Mudane William Ruto.

Kulanka labada Madaxweyne ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal, adkeynta xiriirka diblomaasiyadda, shirka Qaramada Midoobay ee Isbeddelka Cimilada iyo hiigsiyada horumarineed ee heer qaaradeed.

Madaxweyne ku xigeenka 1aad ee Dowlada Jubaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan wafdi uu hogaaminayo  oo ka kooban hay’adaha...
28/02/2024

Madaxweyne ku xigeenka 1aad ee Dowlada Jubaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan wafdi uu hogaaminayo oo ka kooban hay’adaha kala duwan ee Dowladda ayaa maanta gaaray deegaanka Jannaa Cabdalle ee gobolka Jubada Hoose.

Madaxweyne ku xigeenka iyo wafdigiisa ayaa halkaas u tagay sidii ay u gaarsiin lahayeen gargaar kala duwan oo ka kooban cuno, daawooyin iyo agabka lagu nadiifiyo biyaha ceelasha deegaanka laga isticmaalo.

Wafdiga Madaxweyne ku xigeenka ayaa waxaa kamid ahaa Wasaaraddaha Waxbrashada, Caafimaadka, gargaarka, xanaanada xoolaha, beeraha, biyaha Haweenka iyo Warfaafinta iyadoo masuuliyiintan ay si gaar ah ugu kuurgalayeen baahiyaha deegaankan ka jira iyo sidii wasaaradd walba baahiyaha ay ku shaqo leedahay ay wax uga qaban lahayd.

22/02/2024

Ciidanka Booliska Jubbaland oo gacanta ku dhigay shabakad dad ka tahriibinaysay Gudaha magaalada Kismaayo

Ciidanka Booliska Jubbaland qaybta gobolka Jubbada hoose ayaa howlgal uu sameeyey 24 saac ugu danbeyey waxaa uu gacanta ku soo dhigay shabakad ka shaqaynaysay tahriibinta dhalinyarada Jubbaland ee ku nool gudaha magaalada Kismaayo iyo waliba deegaanada kale ee Jubbaland.

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Jubbaland mudane Cabdiraxmaan Cabdi ...
22/02/2024

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Jubbaland mudane Cabdiraxmaan Cabdi Axmed ayaa ka mid noqday 10-ka Hogaamiye ee lagu bilaabay Barnaamijka Hogaaminta iyo Horumarinta Qaranka (Leadership Program for National Transformation) oo uu si rasmi ah maanta u daahfuray Wasiirka Wasaaradda Adeegga Dadwaynaha ee Dalka Kenya Mr. Moses Kuria, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen Safiiradda Safaaradaha Wadamada Afrika, Diblomaasiyiin sarsare, Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya iyo Madax kale.

Safiirada dalalka Afrika ee daahfurka barnaamijkan ka qayb galay waxaa kamid ahaa Safiirka dalkeenna Soomaaliya u jooga Dalka Kenya Mudane Jibriil Ibraahim Cabdulle.

Wasiirka Wasaaradda Adeega Dadwaynaha ee Dalka Kenya Mr. Moses Kuria ayaa sheegay sida aay Dowladda Soomaaliya gaar ahaan Dowlad Goboleedka Jubbaland uga go’antahay dhisidda iyo tayeynta Hay’adaha Dowladda, taas ka caawin doonta dib u soo kabashada Dhaqaale, Siyaasad, Amni iyo adeeg bixinta dadwaynaha.

Wasiiru Dawlaha ahna ku simaha Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Cali  Bal...
14/02/2024

Wasiiru Dawlaha ahna ku simaha Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Cali Balcad iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa magaalada Addis Ababa kaga qayb gelaya shirar kala duwan oo hordhac u ah kulanka guud ee sanadlaha ah ee Midowga Africa.

Kulamada qabsoomay waxaa qayb muhiim ah ka ahaa shir ay isugu yimaadeen guddiga qaabilsan nidaaminta iyo qorshaynta jagooyinka kala duwan ee Midowga Africa oo ay u tartamaan madaxda iyo dalalka Africa, guddigaas oo ay xiligan hogaanka u hayso Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulankan waxaa sidoo kale ka qayb galay Danjiraha JFS ee dalka Ethiopia mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa, saraakiil sar-sare oo kamid ah Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS iyo diplomaasiyiin katirsan Safaaradda JFS ee dalka Ethiopia, iyadoo sidoo kale ay kulanka soo xaadireen dhamaan dalalka xubnaha ka ah guddiga waxaana shir guddoominayey Wasiiru Dawlaha ahna ku simaha Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya mudane Cali Cumar “Balcad”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo soo gaaray magaalada Kismaayo ayaa waxa...
14/02/2024

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo soo gaaray magaalada Kismaayo ayaa waxaa si diiran ugu soo dhoweeyay Madaxweynaha D. goboleedka Jubaland mudane Axmed Maxamed Islaam, Madaxweyne ku xigeenada, xubnaha Xukuumadda Jubbaland iyo boqolaal ka mid ah bulshada deegaanka.

Socdaalka Madaxweynaha ayaa ku salaysan dhammaystirka xoreynta deegaannada ku jira gacanta argagixisada, horumarinta hannaanka Federaaleynta iyo u kuur gelidda xalaadda nololeed ee reer Jubbaland.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muddada uu ku sugan yahay magaalada Kismaayo waxa uu kulamo la yeelandoonaa Madaxda Dowlad goboleedka Jubaland iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, isaga oo dhagaysandoona talooyinkooda ku aaddan dowlad dhiska, ilaalinta midnimada iyo madax-bannaanida dalka iyo horumarka dalka.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Xaq dirirka deegaanka ayaa Khasaaro culus Khawaariijta ku gaarsiiyay howlgal qorshaysan o...
14/02/2024

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Xaq dirirka deegaanka ayaa Khasaaro culus Khawaariijta ku gaarsiiyay howlgal qorshaysan oo ay ka fuliyeen Deegaanka Geerile ee gobolka Galgaduud.

Ciidamada oo ku howlgalayo Xogo sirdoon oo ay heleen ayaa Khawaariijta Cashar ugu dhigay Deegaanka Geerile oo Qiyaastii 20Km u jira Dagmada Ceeldheer ee Gobalka Galgaduud .

Taliyaha Guutada 24aad ee Khalid bin Walid Gaashaanle Maxamed Dhagaweyne oo horkacayay howgalka ayaa xaqiijiyay In howlgalka lagu so furtay hub iyo saanad ciidan, s Diyaarad Daron ah oo Khawaariijta wax u basaaseysay, sidookle waxaa lagu gubay Gaadiid ay isticmaalayeen sida uu warbaahinta ciidamada qalabka sida u xaqiijiyay Taliyaha Guutada 24aad ee Khalid bin Walid Gaashaanle Maxamed Dhagaweyne oo howlgalka hoggaaminyay .

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa xaq u dirirka deegaanka ayaa wada howlgalo sifayn ah oo dhulka Howdka ah looga saarayo khawaarijta.

Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Mud. Cabdiqaadir Axmed Aw-cali ayaa Billad Sharafta u sarraysa ciidanka Daraawiishta ...
14/02/2024

Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Mud. Cabdiqaadir Axmed Aw-cali ayaa Billad Sharafta u sarraysa ciidanka Daraawiishta SSC-Khaatumo iyo Shahaado Sharaf Guddoonsiiyey Sarreeyo Guuto Siciid Axmed Maxamed oo ahaa Taliyihii H**e ee Ciidanka Daraawiishta SSC-Khaatumo.

Hoggaamiyaha ayaa xusay in General Siciid Shoodhe ahaa sarkaalkii u sarreeyey ee Hoggaaminayey Ciiddammadii Difaaca SSC-Khaatumo ee dagaalka adag la galay Cadawgii Soomalilaan islamarkaana guusha weyn ka soo hooyey halgankii deegaannadan lagaga sifeeyey cadowgii muddada dheer joogay.

Hoggaamiyaha ayaa Gen. Siciid ku ammaanay in uu ahaa maskaxdii ka danbaysay jabkii caanka ahaa ee gaadhay cadowga Soomaliland Tr. 25-kii August 2023.

General Siciid ayaa ka mid ahaa saraakiishii ugu aqoonta badnaa ee dalkeenu lahaa xiligii Dawladdii dhexe ee Soomaaliya, isagoona aqoonta ciidanka ku soo qaatay waddanka dibaddiisa markii u danbaysayna ahaa Taliyihii Gaaska 3aad ee Ciiddamada Xoogga Dalka halkaas oo uu ku qaatay Billad Geesinimo. General-ka ayaa si nafhurnimo leh ugu adeegay shacabkiisa islamarkaana gaadhsiiyey guul ay muddo ku taamayeen.

Ugu danbayn, Hoggaamiyaha ayaa Gen. Siciid ugu yeedhay inuu yahay Halyeey nool oo shacabka SSC-Khaatumo ay marwalba ku xusi doonaan kartidii, hufnaantii, dulqaadkii iyo geesinnimadii uu ku soo hoggaamiyey halgankii guulaystay ee SSC-Khaatumo.

HANAANKA BAARISTA HIDE-SIDAHA (DNA) OO WAX LAGA BADALAYTaliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo ka ambaqaadaya dib u ha...
13/02/2024

HANAANKA BAARISTA HIDE-SIDAHA (DNA) OO WAX LAGA BADALAY

Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo ka ambaqaadaya dib u habeynta iyo hagaajinta Hanaanka Baarista Dembiyada Dalka, ayaa dabayaaqadii sanadkii 2023 isbadal ku sameeyay Madaxda Hoggaanka Baarista Dembiyada, iyada xiligaas uu Taliyaha Ciidanku u magacaabay Taliye iyo Taliye-xigeen.

Qorshaha Isbedelka oo ay la yimideen Madaxda Cusub ee Hoggaanka Loo magacaabey, ayaa ahaa in wax laga bedelo hanaanka Caladaalad marinta ee darafyada Dacwadaha gaar ahaan hanaanka loo maro baarista Hide-sidaha (DNA) kaas oo kiisaska badan ee la keeno waaxda sheybaarka Cilmiyeeysan Loo qaado Dalka Dibadiisa, iyada oo la sugo Muddo dhan 3 bilood, taas oo eedeysanaha uusan cadaalad helin muddo ku siman 3 Bilood ee la sugaayo jawaabta baarista.

Taliyayaasha ayaa la yimid qorshe ah in DNA Loo qaado Dalka Turkiga si ugu yaraan jwbta Loo helo Inta u dhaxeyso 1-5 maalmood gudahood, ayaa kulamo joogto ah la qaatey saraakiil ka tirsan Dalka Turkiga, Heshiiskaas ayaa hadda maraayo meel gabo gabo taas oo looga kaaftoomi doono in Jawaabta DNA la sugo 3 bilood iyo in ka badan Inta laga helaayo DNA machine ay yeelaato waaxda kaas mar dhow la filaayo in lagu soo kordhiyo waaxda DNA

Wax ka badalkaan, ayaa wax badan ka badalidoona nidaamka Cadaalad marinta darafyada Dacwaduhu ay khuseeyaan, waxaa ayna wax ka taridoontaa hanaanka guud ee Cadaalada Dalka.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO QAABILAY TALIYAHA GUUD EE CIIDAMADA DALKA TALYAANIGAMuqdisho, Febaraayo 13, 2024: Madaxweynah...
13/02/2024

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO QAABILAY TALIYAHA GUUD EE CIIDAMADA DALKA TALYAANIGA

Muqdisho, Febaraayo 13, 2024: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Taliyaha Guud ee Ciidamada Dalka Talyaaniga Admiral Giuseppe Cavo Dragone.

Kulanka oo uu ka qayb galay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka soomaaliyeed Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxyidiin ayaa looga hadlay iskaashiga amni ee labada dal, xoojinta wada shaqeynta, doorka dowladda Talyaaniga ee dib u dhiska iyo tayeynta Ciidamada qalabka Sida, taageerada iyo garab istaagga Dowladda Soomaaliya ee ku aaddan dagaalka ay kula jirto argagixisada.

DHAMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Abdikadir Ali Dige,
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Maamulka SSC-Khaatumo ayaa qoondo 2.6Million Dollar ka helay Sanduuqa arrimaha biniaadantinimada Somalia ee “SHF” taasi ...
12/02/2024

Maamulka SSC-Khaatumo ayaa qoondo 2.6Million Dollar ka helay Sanduuqa arrimaha biniaadantinimada Somalia ee “SHF” taasi oo loogu talo galay in wax looga qabto xaaladdaha biniaadantinimada ee ka jira degaanada maamulka SSC.

Arinta ayaa kusoo beegmaysay kadib markii DFS ayaa ku amartay haayadaha caalamiga ah inay toos uga hawlgalaan degaanada mamulka SSC, kana fuliyaan mashaariicaha kala duwan.

Lacagta oo lasoo marin doona haayadaha gudaha, ayaa fure unoqonaysa hadii si hufan loo maamulo in degaanada mamaulka SSC ay gaadhaan mashaariicaha waaweyn ee horumarinta kaabayaaasha dhaqaalaha.

12/02/2024

Madaxweyne Xasan Sheekh oo caawa si kadis u booqday qaar ka mid ah Suuqyada ganacsiga Muqdisho ayaa waqti la qaatay boqolaal ka mid ah shacabka caasimadda.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Faderaalka Soomaaliya  mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safar aan horey loo shaacin ku imaana...
12/02/2024

Madaxweynaha Jamhuuriyada Faderaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safar aan horey loo shaacin ku imaanaya maalinka barito ah magaalada Kismaayo.

Waxaa socota diyaar garowga loogu jiro soo dhaweeynta Madaxweynaha oo Kismaayo ay ugu dambeeysay bilowgii bishii March sanadii 2023

Reer Jubaland diyaariya soo dhoweenta Madaxweynaha Jamhuuriyadda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo u kuurgalaya xaaladda amni ee caasimadd...
12/02/2024

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo u kuurgalaya xaaladda amni ee caasimadda dalka ayaa caawa booqday qaar ka mid ah Suuqyada ganacsiga magaalada Muqdisho, isaga oo waqti la qaatay dad shacab ah oo ku sugnaa goobahaasi.

Libaax, aan libaax kale jirin.Boqorka Jordan Cabdalla, ayaa ka qaybgalay raashin iyo dawo hawada looga soo daadinayo sha...
12/02/2024

Libaax, aan libaax kale jirin.

Boqorka Jordan Cabdalla, ayaa ka qaybgalay raashin iyo dawo hawada looga soo daadinayo shacabka Falastiin ee gumaadku ku socdo. Dayuuradaha waawayn ee ciidammada Jordan, ayaa hawada uga soo daadinaya isbitaallada Gaza ee ay dawooyinku ka dhammaadeen.

Ciidammada Cirka Jordan hawshan waxay billaabeen Feb. 6th. Waxaana ku soo biiray ciidammada Cirka ee dalalka Faransiiska iyo Dutch
Boqorku wuxuu lafdhabar u ahaa ololaha la doonayo in Israel ay joojiso dagaalka iyo in dawlad loo sameeyo dadka Falastiin.

Ilaa 11 jeer, ayey dayuuradaha Jordan hawada uga soo daadiyeen cunno iyo dawooyin Gaza.

Saddex maalmood kahor, ayuu billaabay inuu u duulo dalalka Europe iyo America si uu u dhaqaajiyo mashruucyada uu wato. Maanta oo ah Feb. 12, ayuu la kulmayaa President Joe Biden.
Jordan waxay xudduud la leedahay Daanta Galbeed ee Falastiin.

Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa caawa shir gudoomiyay kulan gaar ah oo ay yeesheen golah...
11/02/2024

Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa caawa shir gudoomiyay kulan gaar ah oo ay yeesheen golaha wasiirada Jubaland.

Kulanka ayaa warbixin lagaga dhagaysanayay guddiga Kormeerka Wasaaraddaha Jubaland oo uu hogaaminayo Madaxweyne Ku-xigeenka 1-aad ee Dowladda Jubaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan oo maalmahii lasoo dhaafay qiimayn kusoo samaynayay Wasaaradaha iyo Wakaaladaha kala duwan ee Dowladda shaqooyinka ay hayaan iyo sida ay u fuliyaan adeegyada kala duwan ee bulshada loo hayo.

Dhinaca kale guddiga Taakuleynta iyo Dhismaha Kaabayaasha oo uu hogaaminayo Madaxweyne Ku-xigeenka 2-aad Mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud ayaa si hordhac ah usoo bandhigay shaqooyinka ilaa hada uu guddigu ka qabtay dib u dhiska kaabayaasha kala duwan ee ku burburay fatahaadaha iyagoo sheegay in shaqooyin Waa weyn ay horyaalan kuwaas oo la xiriira dhismaah kaabayaasha kala duwan oo ay kamid yihiin buundooyinka iyo wadooyinka ku burburay fatahaadaha iyo daadadka ku dhuftay inta badan deegaanada Jubaland

 : Laamaha Amniga Puntland ayaa Caawa magaalada Boosaaso ka sameeyay hawlgal ciidan oo ay ku tilmaameen mid amniga lagu ...
11/02/2024

: Laamaha Amniga Puntland ayaa Caawa magaalada Boosaaso ka sameeyay hawlgal ciidan oo ay ku tilmaameen mid amniga lagu xaqiijinayo.

Hawlgalka oo laga fuliyay bartamaha magaalada iyo xaafadaha qaarkood ayaa lagu raafay inta badan dadka ka soo jeeda Qowmiyadda Oromada ee dalka Itoobiya.

Wararka ayaa tilmaamaya in Oromada laga raafay gudaha Boosaaso oo lagu ururiyay goobo gaar ah qaarkood ka baxsadeen gacanta laamaha Amniga islamarkaana dib u galeen magaalada.

Dadka ka soo jeeda Qowmiyadda Oromada oo tahriib ahaan ku soo gala Puntland ayaa muddooyinkii danbe aad ugu sii badanayay gudaha Boosaaso.

Dhinaca kale hawlgalka caawa ayaa sida la sheegayo lagu qab-qabtay shakhsiyaad Soomaali ah oo lagu tuhmayo falalka ka dhacay Boosaaso oo waayadan amnigeeda laga deyrinayo.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO LA KULMAY XILDHIBAANADA HAWEENKA AH EE LABADA AQAL EE BAARLAMAANKA FEDERAALKA SOOMAALIYAMadax...
11/02/2024

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO LA KULMAY XILDHIBAANADA HAWEENKA AH EE LABADA AQAL EE BAARLAMAANKA FEDERAALKA SOOMAALIYA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan wadatshi ah kula qaatay Xildhibaannada haweenka ah ee ka tirsan Golaha shacabka iyo Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa la wadaagay qorshaha dowladda ee dhammeystirka hannaanka dowladnimada, Dastuurka iyo dib u xoreynta dalka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Xildhibaanada haweenka ah ay udub dhexaad u yahiin difaaca dhaxalka jiilasha Soomaaliyeed, madaxbannaanida iyo midnimada dalka, waxa uuna ku adkeeyey in doodaha socda ee dhammeystirka dastuurka ay ku kabaan arrimaha mudnaanta u leh Guud ahaan haweenka Soomaaliyeed si waafaqsan shareecadda Islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

“Haweenka Soomaaliyeed iyagaa hormuud u ah oo nagu dhiirri geliya difaaca iyo xoreynta, waa kuwa dhexda u xirtay samata-bixinta xilliyadii adkaa. Dalka in uu dastuur dhameystiran yeesho haybad, sharaf iyo karaamo ayaa ugu kordheysa qofkasta oo door ku leh, waxan rabaa in aad uga shaqeysaan si cadaalad ah oo aad ku salaysaan mabaadii’da aasaasiga ah ee mideynaya Ummadda”.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay caqabadaha hortaagnaa dowladnimada Soomaaliya iyo dhabar adaygga ay ku wajahayaan dadka Soomaaliyeed, waxa uuna kula dardaarmay Marwooyinka Labada Gole ee Baarlamaanka in ay matalaaddooda mideeyaan oo ay abaabulnaadaan si ay u xaqiijiyaan yoolasha ay hiigsanayaan.

11/02/2024

waxay u fara dhudhuuban tahay in Doorasho Dalka ka dhacdo.

11/02/2024

WAN DAGAALAMEYNAAEYEY WAN DAGAALAMEYNA
FADLAN SII SHEER GAREY AN DHIIRIGELINO NAFTOODA AYAY INUU HUREN

11/02/2024

" Waxa Uu Yahay Caawinta Bulshadeena" Madaxa Hoggaanka Isku Xirka Shacabka Iyo Ciidanka XDS G/Dhexe iimaan Maxamuud Cali.

11/02/2024

Shir looga hadlaayey horumarinta ciidanka booliska Jubbaland ayaa maanta lagu qabtay magaalada Kismayo.

Shirkaan waxaa shir gudoominaayey wasiirka wasaaradda amniga Jubbaland Sareeye Gaas Yuusuf Xussien Cusmaan(Dhumaal) waxaa kale oo ku waheliyey Taliyaha ciidanka booliska ee qaybta gobolka Jubbada hoose Gaashanle Sare Sidiiq Maxamuud Dhoqor.

Shir looga hadlaayey horumarinta ciidanka booliska Jubbaland ayaa maanta lagu qabtay magaalada Kismayo.Shirkaan waxaa sh...
11/02/2024

Shir looga hadlaayey horumarinta ciidanka booliska Jubbaland ayaa maanta lagu qabtay magaalada Kismayo.

Shirkaan waxaa shir gudoominaayey wasiirka wasaaradda amniga Jubbaland Sareeye Gaas Yuusuf Xussien Cusmaan(Dhumaal) waxaa kale oo ku waheliyey Taliyaha ciidanka booliska ee qaybta gobolka Jubbada hoose Gaashanle Sare Sidiiq Maxamuud Dhoqor.

Shirka ayaa sidoo kale waxaa ka soo qayb galay taliyaha ciidanka booliska ee xafiiska Qaramada Midoobey iyo taliyaha ciidanka booliska ATMIS ee howlgalka midowga Afrika.

Shirka ayaa sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa madax ka socotay qaramada midoobey oo qaabilsan taakulaynta ciidanka booliska Jubbaland.

Duqeymo dhanka cirka ah oo ay iska kaashaadeen Ciidanka Xoogga dalka iyo Saaxiibada Caalamiga ah, ayaa lala beegsaday dh...
11/02/2024

Duqeymo dhanka cirka ah oo ay iska kaashaadeen Ciidanka Xoogga dalka iyo Saaxiibada Caalamiga ah, ayaa lala beegsaday dhagarqabeyaal ka tirsan Khawaarijta, kuwaasi oo ku dhuumaaleysanayey deegaano hoos-yimaada degmadda Jammaame ee gobolka Jubbada hoose.

Duqeyntaan, ayaa cadowga waxaa lagu gaarsiiyey khasaaro culus, waxaana looga dilay in kabadan 20 dhagarqabe oo ay ku jireen horjoogeyaal ajaanib ah.

Shacabka kudhaqan deegaano hoos yimaado degmada walaweyn ee katirsan gobalka shabelaha hoose  ayaa waxaa adeegyo caafima...
11/02/2024

Shacabka kudhaqan deegaano hoos yimaado degmada walaweyn ee katirsan gobalka shabelaha hoose ayaa waxaa adeegyo caafimaad oo bilaash ah iyo cuntata fudud gaarsiiyay ururka 161-aad ee guutada kumaandooska Danab Ee CXDS.

Dowladda Imaaraadka ayaa xaqiijiyay in sarkaal afraad uu maanta uga dhintay dhaawaca weerarkii xalay ee xerada Gordan ee...
11/02/2024

Dowladda Imaaraadka ayaa xaqiijiyay in sarkaal afraad uu maanta uga dhintay dhaawaca weerarkii xalay ee xerada Gordan ee tababarka ciidamada ee magaalada Muqdisho.

Afarta sarkaal ee Imaaraadka ayaa meydkooda la geeyey Abu Dhabi, waxaana lagu kala magacaabaa; Korneyl Maxamed Al-Mansuuri, Maxamed Al-Shamsi, Khaliifa Al-Balushi iyo Suleymaan Al-Shaxdi.

Imaaraatka Carabta ayaa sidoo kale sheegay in sarkaal ka tirsan ciidamada Difaaca dalka Baxrayn lagu diley weerarka.

Ciidanka Nabadsugidda Jubbaland gaar ahaan Guutada Gurmad-qaran waxa ay qeyb ka ahaayeen howlgal lagu dilay Horjoogayaal...
10/02/2024

Ciidanka Nabadsugidda Jubbaland gaar ahaan Guutada Gurmad-qaran waxa ay qeyb ka ahaayeen howlgal lagu dilay Horjoogayaal katirsan Argagisada oo habeen kahor laga fuliyay deegaano ka tirsan gobolka Jubada hoose.

Gudoomiyaha Degmada Kismaayo ahna Duqa Magaalada Muddane Cumar Cabdullaahi Maxamed(Faraweyne) ayaa maanta billad sharaf ...
10/02/2024

Gudoomiyaha Degmada Kismaayo ahna Duqa Magaalada Muddane Cumar Cabdullaahi Maxamed(Faraweyne) ayaa maanta billad sharaf gudoosiiyey samafale ahna Gudoomiyaha hay'adda Daryeelka Bulshada ee Kalmo Samafale Iidle Aadan Maxamed kaas oo kaalin wayn ka qaatay samata bixinta dadka tabaalaysan ee ku nool degmada Kismaayo. Duqa Magaalada Muddane Cumar Cabdullaahi Maxamed ayaa sheegay in ka Dowladda Hoose ahaan ay ka qeeb qaadan doonan howlaha Caawinta bulshada Ee uu wado Samafale iidle.

Address

Lawer Jubba
Kismayo

Telephone

+252614593122

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Villa kismayo media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Share



You may also like