Dhurre Media

Dhurre Media Warar Sugan, Warbixinno Lahubo iyo Barnaamijyo Tayo leh, ka daalaco Dhurre Media

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane H.E Ahmed Mohamed Islaam ayaa Magacaabay Maareeyayaasha Wakaaladaha Biyaha iyo Jida...
09/12/2023

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane H.E Ahmed Mohamed Islaam ayaa Magacaabay Maareeyayaasha Wakaaladaha Biyaha iyo Jidadka.

Madaxweynaha ayaa Mudane Maxamed Muxumed Nunow u Magacaabay Maareeyaha Wakaalada Biyaha, halka Marwo Saciido Maxamed musciid loo Magacaabay Maareeyaha Wakaalada Jidadka Jubaland.

Kulan loogu duceynayay AUN taliyihii Nabadsugida Gobolka Gedo Bakaal kooke ayaa lagu qabtay Degmada Doolow ee Gobalka Ge...
09/12/2023

Kulan loogu duceynayay AUN taliyihii Nabadsugida Gobolka Gedo Bakaal kooke ayaa lagu qabtay Degmada Doolow ee Gobalka Gedo.

Garoonka degmada Dhoobley oo maalmahan u xirnaa sabab la xiriirta daadadka guud ahaan degmada saameeyay ayaa Berri dib l...
08/12/2023

Garoonka degmada Dhoobley oo maalmahan u xirnaa sabab la xiriirta daadadka guud ahaan degmada saameeyay ayaa Berri dib loo bilaabi doonaa isticmaalkiisa.

Maamulka degmada oo maalmahan ka shaqaynayay ayaa ku dhawaaqay in uu hadda u diyaarsanyahay qaabiladda duulimaadyadii h**e u tagi jiray iyo kuwa shixnadaha gargaarka wada.

Madaxweynaha Dowladda Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa saaka furi doona Kalfadhiga 5-aad ee golaha wakiilada J...
05/12/2023

Madaxweynaha Dowladda Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa saaka furi doona Kalfadhiga 5-aad ee golaha wakiilada Jubbaland.

UPDATE: Madaxweyne Xasan oo soo bandhigay khasaaraha ka dhashay fatahaadda iyo daadadka roobabkii ka da’ay Soomaaliya; •...
29/11/2023

UPDATE: Madaxweyne Xasan oo soo bandhigay khasaaraha ka dhashay fatahaadda iyo daadadka roobabkii ka da’ay Soomaaliya;

•2.5 milyan oo qof ayaa fatahaadu saameeysay.
•1.1 milyan ayaa ku barakacay.
•101 ayaa ku dhintay.
•4,000 oo xoolo ah ayaa sidoo kale ku baqtiyay.
•140,000 oo guri ayaa burburay.

Dadweyne kala duwan oo madax iyo shacab isugu jira ayaa isugu yimid Hoolka Daawad oo caawo lagu qabanayo kulan wayne muh...
29/11/2023

Dadweyne kala duwan oo madax iyo shacab isugu jira ayaa isugu yimid Hoolka Daawad oo caawo lagu qabanayo kulan wayne muhiim u ah shacabka Soomaaliyeed kaas oo si toos ah su’aalo wax ku ool ah uga jawaab celin doono Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre.

Kulanka ayaa looga hadli doonaa Xaaladaha Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo Amniga Dalka

Kulanka Dan-qaran iyo Dadweynaha Kismaayo oo u marti ku yahay Ra’iisul wasaaraha XFS mudane Xamse Cabdi Barre ayaa waxaa...
29/11/2023

Kulanka Dan-qaran iyo Dadweynaha Kismaayo oo u marti ku yahay Ra’iisul wasaaraha XFS mudane Xamse Cabdi Barre ayaa waxaa kasoo qayb galay labada gole ee dowladda Jubbaland, masuuliyiin heer Federaal, marti sharaf iyo dadweyne kala duwan.

Martida kala duwan ayaa kulanka uga soo qayb galay in ay wasiirka koowaad waydiiyaan su’aalaha maankooda ka guuxaya halka ay qaarkooda usoo xaadireen jawaabaha lawada sugayo ee uu Ra’iisul Wasaaraha Dan-qaran ka bixin doono waydiimaha muhiimka ah

Waxaa socda diyaar garowgi ugu dambeeyay ee loogu jiray kulanka Dan-qaran iyo Dadweynaha oo uu Ra’iisul wasaaraha XFS Mu...
29/11/2023

Waxaa socda diyaar garowgi ugu dambeeyay ee loogu jiray kulanka Dan-qaran iyo Dadweynaha oo uu Ra’iisul wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre bulshada ku sugan magaalada Kismaayo uga jawaabi doono su'aalo muhiim ah oo ku saabsan Xaaladda Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo Amniga Dalka.

Badbaaqdinta loogu jiray dad kor u dhaafaya 200 qoys ayaa ilaa caawo soo gaartay.Dadkan ayaa go'doon halistiisa wata ku ...
25/11/2023

Badbaaqdinta loogu jiray dad kor u dhaafaya 200 qoys ayaa ilaa caawo soo gaartay.

Dadkan ayaa go'doon halistiisa wata ku jiray muddo labo cisho ah.

25/11/2023

Qoysas maalmo kahor kaaso barakacay Degmada Jamaame ee gobolka Jubada hoose soona gaaray gaddiga kale ee wabiga mara deegaanka Qaam-qam ayaa muujinaya xaalada adag ee ay wajahayaan qoysaskaas.

Haween ayaa ku umulay inta ay kusoo jiree hayaanka ay kaga cararayeen fatahaada roobabka iyo wabiga oo guud ahaan saameeyey dalka.

Qaybaha kale duwan ee Dowladda Jubaland ayaa gurmadyo lagu samatabixinayo dadkan u sameeyey, iyagoo gaarsiiyey doonyo lagu soo g**o dadka iyo adeegyada kale duwan ee nolasha daruuriga u ah.

Ra'iisul wasaaraha XFS mudane Xamse Cabdi Barre ayaa Berri oo Axad ah kusoo wajahan magaalada Kismaayo.
25/11/2023

Ra'iisul wasaaraha XFS mudane Xamse Cabdi Barre ayaa Berri oo Axad ah kusoo wajahan magaalada Kismaayo.

Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biirtay Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.Ku biiridan ayaa suuragalin ...
24/11/2023

Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biirtay Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.

Ku biiridan ayaa suuragalin doonta in Hada kadib ku dhowaad 7 dal oo Africa kuyaal Vizo la’aan lagu tagi kar, iyadoo waxa kaliya ee qofka laga raba uu yahay in uu Tikid jarto.

Tan ayaa noqonaysa guul wayn oo usoo hoyatay shacabka Soomaaliyeed

Sawirro:- Suuqa Ganacsiga degmada Afmadoow ayay guud ahaanba Biyuhu qarqiyeen, iyadoo ay ganacsatadu kala bexeen wixii a...
24/11/2023

Sawirro:- Suuqa Ganacsiga degmada Afmadoow ayay guud ahaanba Biyuhu qarqiyeen, iyadoo ay ganacsatadu kala bexeen wixii ay awoodi kareen.

Suuqa oo ahaa isha nololeed ee bulshada ayaa hadda isku badalay goob ay dhalinyarada magaalada usoo dabaalasho iyo damaashaad tagaan kadib markii ay si wayn ugu soo fataheen Biyaha ay keentay Lag-dheeraa.

Si lamida xaafada badan oo magaalada ku yaalla ayaa laga barakacay iyadoo ay dadku ku jiraan xaalad wareer ah oo walwal badan leh.

Dhurre Media

Wasaaradda caafimadka iyo Daryeelka Bulshada Jubbaland oo kaashanaysa hay'adaha  cafimaadka degmada Afmadow ee NEHRO, WA...
24/11/2023

Wasaaradda caafimadka iyo Daryeelka Bulshada Jubbaland oo kaashanaysa hay'adaha cafimaadka degmada Afmadow ee NEHRO, WASDA IYO WRRS, ayaa bilaabay howlo shaqo oo lagu hubinayo caafimaadka dadka kasoo barakacay daadadka saamaynta ku yeeshay degmasa Afmadoow.

Wasaaradda caafimaadka Jubbaland oo juhdi galineysa badqabka bulshada Degmada ayaa gaarsiisay dawooyiin iyo sabuuno, kuwaasi oo looga hortagayo cuddurada ka dhasha biyaha wasaqda ah ee Waddooyiinka fariista.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa sidoo kale billowday wacyigalin la xiriidha sida xaaladan looga hortagi karo in ay caafimaadka wax u dhinto.

Dhurre Media

24/11/2023

UPDATE: 39 maxbuus oo Falastiiniyiin ah ayaa laga sii deyn doonaa xabsiyada Israa’iil galinka dambe ee maanta ; 24 waa dumar 15 kalana waa carruur iyo dhallinyaro, iyadoo tani ay noqonayso tiradii u horreysay ee maxaabiis Falastiiniyiin ah oo lagu beddelayo kuwa lagu hayo Qasa. Halkii maxbuus oo ay iska caabinta sii deynayaan waxay ku beddelayaan saddex Falastiiniyiin ah.

Degdeg:- Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Jubbaland ayaa degmada Afmadoow gaarsiisay Doonyo nooca dheere...
24/11/2023

Degdeg:- Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Jubbaland ayaa degmada Afmadoow gaarsiisay Doonyo nooca dheereeya ah oo loogu talagalay in lagu samatabixiyo dadka ay daadaka Lagdheeraa iyo Roobka Dayrta saamaynta wayn ku yeesheen.

Doomo saddex ah oo uu qalabkooda u dhamaystiran yahay ayay Wasaaradda Gargaarka gaarsiisay degmada Afmadoow, deeqdan gargaarka ah ayaana hordhac u gargaar is daba joog ah oo loogu gurmanayo shacabka ku nool degmada Afmadoow ee gobolka Jubbada hoose.

Dowladda Jubbaland ayaa dedaalo ku bixineysa sidi ay u soo badbaadin lahayd shacabka ku go'odoonsan degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose, waxaana la gaarsiiyay Doomahan oo waxbadan ka tari doonaa samatabixinta dadka ay Daadadku saameeyeen.

Deeqdan gurmadka ah ayaa waxa la wareegay Taliyaha ciidanka Daraawishta Jubbaland ee degmada Afmadow G/dhexe Mahad Maxamed Islaam oo qayb wayn ka qaadaanaya Gargaarka dadka loo fidinayo.

Dhurre Media

Xarunta Gurmadka Fatahaadaha Jubbaland ayaa soosaartay digniin ku saabsan halista fatahaadaha
24/11/2023

Xarunta Gurmadka Fatahaadaha Jubbaland ayaa soosaartay digniin ku saabsan halista fatahaadaha

Degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose ayaa in badan oo kamida laga barakacay  kadib marki ay daadadka sii xoogaysteen...
23/11/2023

Degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose ayaa in badan oo kamida laga barakacay kadib marki ay daadadka sii xoogaysteen.

Dadka ayaa u kula qaxay dhowr goobood oo Magaalada bannaankeeda ah, sida Gololka diidimees iyo Buulo gumar oo loo arko in lagu badbaadi karo.

Goobaha la dagay ayaa waxa ka jirta xaalad daran, iyadoo aysan jirin waxyaabaha aas aasiga u ah Nolosha aadanaha, haddi ay noqon lahayd Caafimadki iyo Hoygi biyaha laga gali lahaa.

Ciidamada Jubbaland ayaa soo badbaadiyay, dad u badan carruur iyo haween kuwaasi oo muddo labo maalmood ah halis ugu jir...
23/11/2023

Ciidamada Jubbaland ayaa soo badbaadiyay, dad u badan carruur iyo haween kuwaasi oo muddo labo maalmood ah halis ugu jiray inay daadadka Elnino qaadaan.

Intii aanu ku sugnayn deegaanada ay sida daran u saameeyeen daadadka iyo fatahaadaha ayaa lasoo badbaadiyey qoysas la arkay iyagoo go'doon kujira xili ay qabatay Camerada Dronka ah oo lagu baadi goobayay dad badan oo la'yahay maadama dhulku howd yahay biyo badana ay fadhiyaan.

Saraakiisha, qeybaha kala duwan ee Ciidamada Jubbaland ayaa door weyn ka qaatay samata bixinta dadka danyarta ah ee go'doonka kujiray.

Degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada hoose ayaa saaka ku waabariiisatay xaalad allow sahal ah kadib markii ay fataheen Bi...
23/11/2023

Degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada hoose ayaa saaka ku waabariiisatay xaalad allow sahal ah kadib markii ay fataheen Biyo maalmihii u dambeeyey kolba dhinac laga moosayay.

Goobaha Ganacsiga iyo xaaafado dhowr ah ayay biyuhu saamayn taban ku yeesheen, iyadoo ay dadku bilaabeen in ay ka barakacaan xaafadahooda, goobaha Ganacsiga ayaa sidoo kale laga daad gureeyay wixii alaab ahaa ee la awooday in la badbaadiyo.

Biyahan soo qulqulaya ayay dadku sheegayaan in ay yihiin biyo madow oo ay urtooduna badalan tahay, ila haddana lama garanayo waxa sababay biyuhu in ay noocan noqdaan, waxaana la rumaysanyahay in ay caafimaadka wax u dhimi karaan.

Dhurre Media

Deegaanka Buulo-gaduud oo dhawaan la soo dejiyey dadkii kasoo barakacay fatahaadda webiga jubba ayaa hadda qarka u saara...
23/11/2023

Deegaanka Buulo-gaduud oo dhawaan la soo dejiyey dadkii kasoo barakacay fatahaadda webiga jubba ayaa hadda qarka u saaran in isagana gebi ahaanba laga qaxo, kadib markii ay kusoo fataheen biyaha Webiga Jubba.

Dhurre Media

22/11/2023

Degmada Dhoobley oo uu caawo Raxa/Rakaha gees walba ka ciyayo, kadib markii ay soo fataheen Biyo maalmahanba lala tacaalayay.

Dhurre Media

Gudoomiyaha Golaha Shacabka BFS Mudane Shekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane...
22/11/2023

Gudoomiyaha Golaha Shacabka BFS Mudane Shekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa kulan la qaatay Gudiga Qorista Af-maayga.

Lehjadda Maayga ayaa kamid ah labada Lehjadood ee ay Soomaalidu ku hadlaan oo Maay iyo Maxaa tiri loogu kala yeero

Dhurre Media

22/11/2023

Waa mid kamid ah xaafadaha dagmada Luuq, waana xaafadda Xera-kowaad oo ah halka laga soogalo magaalada. Guud aan Biyaha Webiga ayaa qarqiyay.

Haweenka SSC - KHAATUMO  ayaa Caawa go'aansaday in ay hor seexdaan xarunta Baarlamaanka Puntland, waxayna qorshaysteen i...
22/11/2023

Haweenka SSC - KHAATUMO ayaa Caawa go'aansaday in ay hor seexdaan xarunta Baarlamaanka Puntland, waxayna qorshaysteen in aysan ka kacayn inta ay Heshiinayaan Dhinacyada Siyaasada isku Haya ee Puntland.

Dhurre Media

Wasaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Jubaland oo ka jawaabaysa xaaladaha adag ee soo kordhay ayaa waxa ay maa...
22/11/2023

Wasaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Jubaland oo ka jawaabaysa xaaladaha adag ee soo kordhay ayaa waxa ay maanta Gargaar iskugu jira qeybaha kala duwan ee raashinka garsiisay dad danyar ah oo Tuulooyin katirsan Degmada Doolow ku go'doonsanaa mudda badan.

Wasiir kuxigeeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Jubaland Maxamed Cismaan Jeemis oo ay wehliyaan Gudoomiyaha Gobalka Gedo Cabdullaahi Shimbir iyo Madaxa arrimaha Bulshada Degmada Doolow Cabdifitax Ismail Xuseen ayaa tagay tuulooyinka Buusle, Ramagaroore iyo kulan-leey oo dhammantood ka tirsan Degmada Doolow iyagona qoysaska halkas ku nool garsiisay Gurmad iyo Gargaar Bini'aadantinimo.

Dhamman Tuulooyinkii maanta la tagay waxaa ka jirta xaalad bini'aadanimo, dadka ku go'doonsan tuulooyinka ee uu Webiga Jubba ku fatahay ayaa wajahayay xaalad Cunno yari iyo Daawo la'aan ah.

Dhurre Media

22/11/2023

Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ee degmada Afmadow ayaa wada dedaalo ay ku caawinayaan dadka shacabka ah ee ay daadadku sida wayn u saameeyeen.

22/11/2023

Dagmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo oo biyaha ay ka sare mareen.

Xaaladdu ma sahlana.

Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ee degmada Afmadow ayaa wada dadaalo ay ku caawinayaan dadka shacabka ah ee ay daadadku...
22/11/2023

Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ee degmada Afmadow ayaa wada dadaalo ay ku caawinayaan dadka shacabka ah ee ay daadadku sida wayn u saameeyeen.

Saraakisha iyo Ciidamada Darawiishta Jubbaland ee ku sugan degmada Afmadow ayaa shacabka ku barakacay daadadka xooggan ee ku dhuftay magaalada kala qayb qaadanaya rarida alaabaha muhiimka ah ee goobaha Ganacsiga kubjira, iyagoo Ciidanka dushooda ku xamaalaya Raashiinka iyo waxyaabaha daruuriga ah ee ay dadku Biyaha ka badbaadsanayaan.

Ciidamada Jubbaland ayaa meel wakba oo ay joogaan sii laba jibbbaaray sugidda Amniga inta xaaladan adag lagu jiro iyo ka qayb qaadashada samatabixinta dadka ay Daadadka iyo Fatahaaduhu saameeyee.

Dhurre Media

Degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose oo kamida meelaha ay fatahaaddu saamaysay, ayaa saaka in badan oo kamida laga b...
22/11/2023

Degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose oo kamida meelaha ay fatahaaddu saamaysay, ayaa saaka in badan oo kamida laga barakacay, kaddib marki ay sii kordheen qulqulka deg degga ah ee Biyaha Lag-dheeraa ay waddo.

Qoysas badan oo ku nool degmada Afmadow ayaa wajahaya xaalad daran, iyagoo qaarkood bilaabay inay u guuraan xaafadaha aysan wali biyuuhu gaarin, halka dadka qaarna ay u hayaameen banaanka magaalad.

Kareeta Dameerka lagu guuro ayaa magaalada qaali ka noqday waa hadiiba lahelo, iyadoo waxa kaliya ee xiligan la isticmaali karo uu yahay Dameerkaas kareetada jiida.

Dhurre Media

Saamayn xooggan ayaa ka dhalatay Fatahaadda Wabiyadda Jubba iyo Daawo ee maara Degmada Doolow ee Gobalka Gedo.Qoysaaski ...
21/11/2023

Saamayn xooggan ayaa ka dhalatay Fatahaadda Wabiyadda Jubba iyo Daawo ee maara Degmada Doolow ee Gobalka Gedo.

Qoysaaski ku noola hareeraha Webiga ayaa wajahaya xaalad aan la qiyaasi karin, iyadoo ay guryo badan burbureen hanti badan nah ay ka waxyeelowday dadka shacabka ah ee halkaasi daganaa.

Dowladda Jubbaland ayaa si wayn ugu gurmanaysa dadka ay fatahaaduhu saamaynta wayn ku yeesheen, iyadoo samatabixinta iyo u qaybinta shixnadaha lagama maarmaanka ah ay joogto yihiin.

Dhurre Media

DEG DEG Dowladda Soomaaliya oo dalka ka mamnuucday is ticmaalka Khamaarka ah ee 1XBET
21/11/2023

DEG DEG Dowladda Soomaaliya oo dalka ka mamnuucday is ticmaalka Khamaarka ah ee 1XBET

Saamaynta roobkii ugu danbeeyay ee ka da’ay qeybo kamid ah Gobolka Jubada Hoose iyadoo qoysas badan oo ku nool hareeraha...
21/11/2023

Saamaynta roobkii ugu danbeeyay ee ka da’ay qeybo kamid ah Gobolka Jubada Hoose iyadoo qoysas badan oo ku nool hareeraha wabiga ay guryahoodii ku burbureen daadadka iyo fatahaada uu sameeyay Webiga Juba.

Dhurre Media

Update: Magaalada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose ayaa waxa wali  ka taagan xaalad bani aadannimo oo daran, waxaana gab...
21/11/2023

Update: Magaalada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose ayaa waxa wali ka taagan xaalad bani aadannimo oo daran, waxaana gabbi ahaanba xirmay dhaqdhaqaaqa dadka iyo ganacsigii, waxaana jira daadad xoogan oo gudaha magaalada iyo xaafadaha ku soo fidaya marba Marka ka dambaysa.

Biyahan oo awood sare leh ayaa waxa ay si deg deg badan ugu soo siqayaan gudaha magaalada, iyadoo aysan jirin wax gurmad ah oo ay shacabka helayaan, Marka laga reebo in ay iyagu samaysteen doomo macmala oo ay biyuhu uga tallaabayaan.

Dhurre Media

21/11/2023

Xaaladda degmada Afmadoow ayaa laga soo dayrinayaa kadib markii ay biyo xaddi badan keentay Lagta magaalada dhexmarta

Degmada Afmadoow ee gobolka Jubbada hoose ayaa saaka ku waabariistay xaalad middii h**e ka adag, iyadoo biyuhu ay intii ...
21/11/2023

Degmada Afmadoow ee gobolka Jubbada hoose ayaa saaka ku waabariistay xaalad middii h**e ka adag, iyadoo biyuhu ay intii h**e aad uga bateen.

Gooba ganacsi iyo Guryo badan ayaa saaka laga qaxay, iyadoo Biyaha ay waddo Lag-dheeraa ay aad uga badanyihiin xaddiga la xakamayn karo.

Maamulka oo cod baahiye magaalada la dhex wareegaya ayaa bulshada ugu yeeraya in ay soo baxaan si Biyaha ay isaga moosaan.

Si walbaba xaaladda degmada Afmadoow ayaa ah mid cakiran iyadoo saacad walbana ay warar hor leh kasoo baxayaan.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Jubbaland Cabdullaahi Dubbad Shiil ayaa Jaamac Cali Cabdi  u magacaaba...
19/11/2023

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Jubbaland Cabdullaahi Dubbad Shiil ayaa Jaamac Cali Cabdi u magacaabay Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha degmada Baardheere ee gobolka Gedo

Dhurre Media

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Jubbaland Cabdullaahi Dubbad Shiil ayaa Diiriye Gaarane Xasan u magaca...
19/11/2023

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Jubbaland Cabdullaahi Dubbad Shiil ayaa Diiriye Gaarane Xasan u magacaabay Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha ee degmada Doolow

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Nuuradiin Maxamed Khaliif u Magacaabay Xeer Ilaaliyaha Gu...
18/11/2023

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Nuuradiin Maxamed Khaliif u Magacaabay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Dowladda Jubaland.

Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Magacaabay guddiga gurmadka fatahaadaha ka jira deegaanada Jubala...
18/11/2023

Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Magacaabay guddiga gurmadka fatahaadaha ka jira deegaanada Jubaland.

Dhurre Media

Address

Farjano Streat
Kismayo

Telephone

+252618478782

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dhurre Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Dhurre Media:

Videos

Share



You may also like