AA+

AA+ AA+ Get breaking news from Somalia and the world in-depth coverage with videos and photos. AA+ Waxa

Ciyaaryahan Karim Benzema oo ku guulaystay Abaalmarinta Ballon D'or 2022!Saido Mane, ayaa kaalinta labaad galay. Waa mar...
18/10/2022

Ciyaaryahan Karim Benzema oo ku guulaystay Abaalmarinta Ballon D'or 2022!

Saido Mane, ayaa kaalinta labaad galay. Waa markii ugu horreysay oo laba ciyaartoy oo Muslim ah ay galaan kaalinta koowaad iyo labaad ee Ballon D'or!

Sawira Qaar kamid ah Xildhibaanada maanta la doortay
23/01/2022

Sawira Qaar kamid ah Xildhibaanada maanta la doortay

Kursiga hop 093 waxaa ku guuleystay siciid Maxamed cali oo helay codod dhan 74Halka musharaxa kale ee la tartamayay uu h...
23/01/2022

Kursiga hop 093 waxaa ku guuleystay siciid Maxamed cali oo helay codod dhan 74
Halka musharaxa kale ee la tartamayay uu helay codod dhan 22cod
Waxaa halaabay 3cod
Ergada codaysay waa 99

Siciid Maxamed cali ayaa horay uga mid ahaa baarlamaankii sagaalaad waxaana kursigan afartii sanno ee lasoo dhaafay ku fadhiyay sheekh nuur Maxamed xasan oo kamid noqday golihii wasiirada xukuumadii reysalwasaare kheyre waxa uu mar noqday Wasiirka xanaanada xoolaha iyo Wasiirka wasaarada diinta iyo Awqaafta.

Kursigaan uu ku guulaystay siciid Maxamed cali waxaa laga leeyahay degmada jammaame ee gobolka jubada hoose uu ku dhashay musharaxa ku guulaystay kursigaan waa khabiir ku taqsuusay cilmiga beeraha.

Xusuusta kursigaan siciid waxaa uu kamid ahaa dadkii waayay kursigaan 2016ka xilligaas uu kusoo baxay sheekh nuur Maxamed Xasan oo ah mudanihii kursigaan afartii sanno ee lasoo dhaafay ku fadhiyay.

23/01/2022

Kursiga hop 028 waxaa ku guuleystay Cabdinuur cali aadan jiidaaw horay wasiir uga soo noqday wasaaradaha warfaafinta iyo ganacsiga

Cabdinuur cali aadan jiidaaw ayaa hadda kamid ahaa xildhibaanada Jubbaland waxaana kursigan uu ku tartamay uu ku guuleystay codad gaaraya 89 cod
Waxaa diiday 12 cod
Wax ka aamusay majirin

Kadib markii uu tanaasulay musharaxii kale ee la tartamayay

Sida habraaca doorashada ahayd Cabdinuur cali aadan waxaa ergada ay ugu codeeyeen qaab gacan taag ah waxaana ergada fadhiday ucodeeyeen 89cod

Kursiga uu ku guulaystay Cabdinuur cali aadan jiidaaw waxaa 8dii sanno ee ugu dambaysay ku fadhiyay cabdullaahi aadan shaacir.

Cabdinuur cali aadan ayaa ku dhashay deegaanka yoontooy oo duleedka waqooyi ka xiga magaalada kismaayo sanadkii 1965
Waxaa uu xilliga kacaanka uu soo noqday kooxda baanda musikada iyo ubaxii kacaanka qibradiisa iyo waayo aragnimadiisa waa askari waxa uu qayb ka ahaa dagaalkii lagu xoreeyay magaalooyinka afmadoow,dhoobley iyo kismaayo oo uu soo galay isaga oo askari ah

Xusuusta kursigaan waxaa lagu xusuustaa in sanadii 2016kii uu ahaa kuraasta muranka gashay waxaana doorashadiisa la qabtay laba jeer xilligaa oo uu muran ka keenay qaabka h**e ee doorashadiisa udhacday wasiirkii h**e ee batroolka xilligii xasan sheekh Maxamed muqtaar

Kursiga hop 111 waxaa ku guuleystay Cabaas cali Ibraahim oo haatan kamid ah labada gole ee dowlad goboleedka jubbaland w...
23/01/2022

Kursiga hop 111 waxaa ku guuleystay Cabaas cali Ibraahim oo haatan kamid ah labada gole ee dowlad goboleedka jubbaland

waa wasiirka wasaarada kalluumaysiga jubbaland kadib markii uu helay codod dhan 79cod
Halka musharaxa kale ee la tartamayay uu helay codod dhan 17cod

Ergada codaysay waxay ahaayeen 98 waxaa halaabay 2cod
Kursigan waxaa afartii sanno ee lasoo dhaafay ku fadhiyay Maxamed nuur iftiin Shambara oo mar soo noqday Wasiirka wasaarada qorsheynta jubbaland sanadii 2013ka ilaa iyo sanadkii 2016.

Cabaas cali Ibraahim oo ah xildhibaanka kursigaan ku guulaystay ayaa ku dhashay deegaanka kamsuuma oo 90km dhinaca waqooyi ka xiga magaalada kismaayo sanadkii 1973dii

Majirin tartan adag oo kursigaan dhexmaray tartamayaasha kursigaan

Kursiga hop 120 waxaa kusoo baxay asad cabdirisaaq Maxamed  carab oo helay codod dhan 77codKadib markii uu ka guulaystay...
23/01/2022

Kursiga hop 120 waxaa kusoo baxay asad cabdirisaaq Maxamed carab oo helay codod dhan 77cod
Kadib markii uu ka guulaystay musharaxii kale ee la tartamayay oo helay codod dhan 18cod
Waxaa halaabay 3cod

Tirada codaysay waa 98 ergo
Kusrsiga cabdirisaaq Maxamed asad carab uu guulaytay waxaa afartii sanno ee horay ugu fadhiyay cabdiqaadir sheekh Maxamed ibraahim bakhdaadi oo horay usoo noqday wasiiru dowlaha madaxtooyada Soomaaliya xukuumadii reysalwasaare kheyre

Asad Cabdirisaaq Maxamed carab ayaa waxa uu ku dhashay gobolka jubada dhexe gaar ahaan degmada saakoow oo kursigaan deegaan doorashadiisu tahay.

Xasuusta kursigaan xilligii khilaafka doorashada waxaa lagu xusuustaa inuu ahaa kuraastii villa Somalia isku dayday inay weeciso deegaan doorashadiisa muddo dheer kheylo iyo sawaxan kursigaan iyo isqabqabsi udhexeeyay qabiilka kursigaan ku abtirsada ayaa waxaa maanta soo xirmay buugii khilaafka iyo isqabqabsiga.

107 hop 107 waxaa kusoo baxay Maxamed sheekh nuur kadib markii uu tanaasulay musharaxii kale ee la tartamayay Intaa kadi...
23/01/2022

107 hop 107 waxaa kusoo baxay Maxamed sheekh nuur kadib markii uu tanaasulay musharaxii kale ee la tartamayay
Intaa kadib sida habraaca doorashada ahayd waxaa cod gacantaag ah loogu codeeyay Maxamed sheekh nuur isagoona cod gacantaag ah ku helay codod dhan 98 oo ah ergada soo xaadirtay majirin wax diiday iyo wax ka aamus midna

Maxamed sheekh nuur ayaa kursiga uu kusoo baxay waxaa laga leeyahay degmada xagar ee gobolka jubada hoose.

Maxamed sheekh nuur ayaa muddo dheer kamid ahaa masuuliyiinta rugta ganacsiga ee Jubbaland.

Kursiga hop 114 waxaa kusoo baxay cumar Ibraahim xaashi sarhaye kadib markii uu ka guulaystay musharixii la tartamayay i...
23/01/2022

Kursiga hop 114 waxaa kusoo baxay cumar Ibraahim xaashi sarhaye kadib markii uu ka guulaystay musharixii la tartamayay isagoona helay codod dhan 80
Halka musharaxa kale ee la tartamayay uu helay codod dhan 12 waxaa halaabay 8cod

Cumar Ibraahim xaashi oo haatan ku magacaaban lataliyaha safaarada ingiriiska ayaa ah nin deegaan ahaan kasoo jeeda dhoobley jubada hoose isagoona ku dhashay tuulada deg elema oo hoostagta dhoobley

Cumar Ibraahim xaashi ayaa sanado badan waxa uu ku noolaa dalka ingiriiska isagoona dhashay sanadkii 1976kii kuna dhashay tuulada deg-elema maalin axad ah saacada markay ahayd 1:47pm

Madaxwaynaha Dowladda Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa caawa Aqalka madaxtooyada ku qaabilay xildhibaanadii Go...
28/12/2021

Madaxwaynaha Dowladda Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa caawa Aqalka madaxtooyada ku qaabilay xildhibaanadii Golaha Shacabka ee maanta lagu doortay Magaalada Kismaayo.

Madaxwayne Axmed ayaa u hambalyeeyay xildhibaanada Golaha shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kursiga labaad ee golaha shacabka kuraasta taalo kismaayo waxaa kusoo baxay cabdirashiid jirre qalinle Kursiga tirsigiis...
28/12/2021

Kursiga labaad ee golaha shacabka kuraasta taalo kismaayo waxaa kusoo baxay cabdirashiid jirre qalinle Kursiga tirsigiisu yahay hop 082
Cabdirashiid jirre qalinle ayaa helay codod dhan 75 cod halka musharaxa kale ee siyaad uu helay 20
Afar cod ayaa halaabay

Xamze Cabdi Bare ayaa ku soo Baxay Hop203 Waxaana uu helay 69 Cod Halka Musharaxa la Yarta Mayeey uu helay 17 Cod
28/12/2021

Xamze Cabdi Bare ayaa ku soo Baxay Hop203 Waxaana uu helay 69 Cod Halka Musharaxa la Yarta Mayeey uu helay 17 Cod

Kuraasta Aqalka Hoose ee Heer federal ee Saaka Dorashadooda ka bilaawatay Degmada kismayo-Jubaland State of Somalia.Hade...
28/12/2021

Kuraasta Aqalka Hoose ee Heer federal ee Saaka Dorashadooda ka bilaawatay Degmada kismayo-Jubaland State of Somalia.

Hadeer Waxaa socota Tirinta Codadka Kursiga Koowaad ee Waxaana ku tartamaya Xamze iyo Axmed Natiijada Kursigaan Cida ku guuleysata Dhawaan naga filo

HOP 203
Hamse Cabdi Barre.
Axmed Maxamed Maxamuud.

HOP 108
Maxamed Cali Cumar
Ibraahim Cabdulle Ibraahim

HOP-113
Saynab Cali Muganga
Maryan Aweys Jaamac

HOP-134
Sahra Jaamac Cali
Fartuun Axmed Yuusuf

HOP-082
Siyaad Aadan Iidle
Cabdirashiid Jire Qalinle

HOP-217
Xasan Cabdi Ismaaciil
Maxamed Farax Muxumed

14/12/2021

Kuraasta ay Jubaland ku Daahfuri doonto doorashada Aqalka Hoose ee Heer Federaal

1. gaaljacel.
2. Ogadeen Cowlahan.
3. Biyamaal Dir.
4. Jidwaq bartire.
5. garjan.
6. Jareerweyne.
7. Jareerweyne baajun.
8. Ogaden bahgari.
9. Baajun.
10. Dir.
11. yantar,mirifle,raxaweyn.
12. Harti Warsangali.
13. Ogaden M.Zubeyr.
14 Ogaden M.Zubeyr.

Ujeedo : Shaacin qabashada Doorashada Kuraasta Aqalka Hoose ee Somalia 2021.  Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer Dow...
14/12/2021

Ujeedo : Shaacin qabashada Doorashada Kuraasta Aqalka Hoose ee Somalia 2021. Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland SIT oo fulinaya waajibaadka qaran iyo Heshiisyadii Madasha qaranka waxa uu halkan ka shaacinayaa qabashada Doorashada 14 Kursi oo kamid ah 43-da kursi ee ku asteysan Dawladda Jubaland.

Maxamed Xayir Maareeye ayaa kuguuleystay Hop #225 ee Golaha shacabka isagoo Ka Guuleysta  cabdirahmaan Warsame Saciid oo...
23/11/2021

Maxamed Xayir Maareeye ayaa kuguuleystay Hop #225 ee Golaha shacabka isagoo Ka Guuleysta cabdirahmaan Warsame Saciid oo la tartamayey.

Aamina Cumar Jaamac ayaa ku Guuleysatay Kursiga tirsigiisu yahay Hop #202 ee Golaha Shacabka Soomaaliya,  kadib Markii a...
23/11/2021

Aamina Cumar Jaamac ayaa ku Guuleysatay Kursiga tirsigiisu yahay Hop #202 ee Golaha Shacabka Soomaaliya, kadib Markii ay ka Tanaasushay Musharax Aamina Cismaan Diiriye.

Dagaalo aad u qaraar ayaa ka socday 6 jiho oo kamidda goobaha ay ku dagaalamayaan TPLF,OLA iyo xukuumadda Ethiopia.2 aag...
23/11/2021

Dagaalo aad u qaraar ayaa ka socday 6 jiho oo kamidda goobaha ay ku dagaalamayaan TPLF,OLA iyo xukuumadda Ethiopia.

2 aag oo kamidda waa deegaanka Canfartka
3-aag kalle waa deegaanka Amxaaradda
1-aag oo kallena waxa deegaanka Oromiya.

Wasiirka Gaashaandhiga,taliyaha ciidanka,raysul wasaaraha iyo hogaaminta Maamulka addis ababa qaybtood ayaa illaa hadda iska xaadiriyay furimaha dagaalka.

Doorashada 9 kursi oo kamid Xildhibaanada Golaha shacabka ee ka imaanaya Soomaaliland oo Lashaaciye.
14/11/2021

Doorashada 9 kursi oo kamid Xildhibaanada Golaha shacabka ee ka imaanaya Soomaaliland oo Lashaaciye.

Xildhibaan Maxamed Sh. Cismaan Jawaari guddoomiyihii h**e ee Golaha shacabka oo caawa  la dhigay Isbitaalka Yardameelli ...
13/11/2021

Xildhibaan Maxamed Sh. Cismaan Jawaari guddoomiyihii h**e ee Golaha shacabka oo caawa la dhigay Isbitaalka Yardameelli ee magaalada Muqdisho ayaa xaaladdiisa caafimaad soo hagaageysaa kaddib culeys xagga Neefsashada ah oo Xildhibaanku ka cabanayey.

Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo dhowr iyo todobaatan jir ah ayaa kamid ahaa Qubaradii kaalinta fiican ka ciyaartay Dejinta & horumarinta Dastuurka Qabyada ah ee Soomaaliya, Waxa uu noqday guddoomiyaha golaha shacabka intii u dhexeysay 2012-2018.

Guddiga Xaqiijinta Qoondada Haweenka waxay maanta la kulmeen Guddi Hoosaadka Qoondada Haweenka ee Guddiga Hirgelinta Doo...
13/11/2021

Guddiga Xaqiijinta Qoondada Haweenka waxay maanta la kulmeen Guddi Hoosaadka Qoondada Haweenka ee Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT), waxeyna kawada hadleen sidii la isaga kaashan lahaa hirgelinta ee Golaha Shacabka

Duurjoog badan ayaa udhimanaya oon oo Waxaa saameeyay Abaarta kajirta dhulka Soomaalida ee Kenya katirsan iyo dhulka Som...
13/11/2021

Duurjoog badan ayaa udhimanaya oon oo Waxaa saameeyay Abaarta kajirta dhulka Soomaalida ee Kenya katirsan iyo dhulka Somalia si khaas ah.

Run ahaantii, hadaan maskaxdeena shiilna xal waara waa laga gaari karaa in la yareeyo saamaynta aay Abaarta inagu yeelanayso. Wadamo aan 10 sano roob ka diin ayaa nadiifista Biyaha Badda oo dhulkooda cagaar ka dhigta, inagana Dhowrkii Sanaba xoolo badan ayaa inaga dhinta biyo laan darteed. Waxaa ina mashquuliyay wax aan dan inoogu jirin, dad ahaan iyo dal ahaan. Allah aan unoqonno:

فَقُلْتُ اسْتَغْفِرُوا رَبَّكُمْ إِنَّهُ كَانَ غَفَّارًا * يُرْسِلِ السَّمَاءَ عَلَيْكُمْ مِدْرَارً

Mahad gaar ah waxay u sugnaatay walaalka inala wadaagay sawiradan muujinaya macluusha jirta.

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF), ayaa agabkii Doorashada Gollaha Shacabka ukala diray deegaanada...
13/11/2021

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF), ayaa agabkii Doorashada Gollaha Shacabka ukala diray deegaanada Dowlad Goboleedka Galmudug ee loo asteeyay inay ka dhacdo Doorashada Gollaha Shacabku.
Iyadoo maalinta berri ah agabkii Doorashada loo kala diri doono Jubaland , Puntland, Koonfur Galbeed iyo Hirshabele.
Isla maanta waxa Guddiyada Somaliland iyo Banaadiriga lagu wareejin doonaa Agabkii Doorashada Gollaha Shacabka.
Iyadoo oo maalmaha soo socda la filaayo in ay ka bilaaban doonto Doorashooyinka Gollaha Shacabka.

Garissa:Nin ilma yar oo 6 sano jir ah ku faraxumeeyay masjid gudihiisa oo xabsi daa’in lagu xukumay.
13/11/2021

Garissa:Nin ilma yar oo 6 sano jir ah ku faraxumeeyay masjid gudihiisa oo xabsi daa’in lagu xukumay.

WAR SAXAFADEEDMuqdisho, Taariikh: Noofeembar 11, 2021Guddiga Doroashooyinka ee Heer Federaal oo tix-gelinaya xaaladaha w...
11/11/2021

WAR SAXAFADEED
Muqdisho, Taariikh: Noofeembar 11, 2021

Guddiga Doroashooyinka ee Heer Federaal oo tix-gelinaya xaaladaha waddanka iyo duruufaha taagan, culaysyada kala duwan ee ka jira doorashada iyo jadwallada isbaddalaya oo horay u soo baxay, islamarkaasina ay adkaatay in sidii loo qorsheeyey lagu fuliyo doorshooyinkii oo qorshaha ahaa in ugu danbeyntii lagu dhamaystiro 20ka bisha Noofeember 2021, hasa yeeshee ay suuro-galiweysey.
Guddiga ayaa markii uu la tashaday qaybaha siyaasadda iyo guddiyada doorashooyinka heerarkooda kala duwan, wuxuu ugu baaqayaa guddiyada kala gedisan ee doorashada ee Heer Doowlad Goboleed, in ay si rasmi ah u bilaabaan doorashooyinka golaha shacabka 16 Noofeembar 2021.
Waxaan guddigu Dowladda Federaalka ka codsanayaa in ay waqtigaasi ka hor si degdeg ah u gaarsiiso guddiyada sahaydii dhaqaale ee doorashada, si ay hawshooda u gutaan.
Waxaan qaybaha siyaasaadda, daneeyayaasha doorashada iyo shacabka Soomaaliyeed u sheegaynaa in 24 Diseembar 2021 ay tahay waqtiga k**a danbaysta ah ee loo asteeyey in lagu soo gebagebeeyo doorashooyinka Golaha Shacabka.
Waxaa guddigu intaasi ku daray in ay lagama maar-maan tahay mudadaasi kaddib la galo dhaarinta gollaha shacabka iyo dooraashada madaxweynaha si dalku u yeesho hay’ado dastuuri ah oo si sharci ah ku yimid.
Guddiyadu waxay ugu baaqayaan madaxda Dowlad Goboleedyada in ay gacan buuxda siiyaan guddiyada doorashooyinka, isla markaasina ay u fududeeyaan hawlahooda shaqo.
Guddiga doorashooyinka Heer federaal, waxaa uu si deg deg ah u geynayaa dhammaan gobollada doorashadu ka dhacayso agabkii loogu talo galay doorashada wakhtigaan la qabtay ka hor.
Guddigu, waxaa uu ugu danbeyntii ugu baaqayaa madaxda Qaranka, bulshada Soomaaliyeed iyo daneeyayaasha taageeraya Soomaaliya in ay si buuxda ugu hawl galaan mudada doorashada loo qabtay in lagu soo dhamaystiro xubnaha baarlamaanka labada aqal ee harsan.

**DHAMAAD**

Boqolaal qof ayaa maanta isugu soo baxay magaalada Kismaayo si ay uga qeyb qaataan roob doon iyo Alle bari. Waxaana Roob...
08/11/2021

Boqolaal qof ayaa maanta isugu soo baxay magaalada Kismaayo si ay uga qeyb qaataan roob doon iyo Alle bari. Waxaana Roobdoonkan uu kusoo beegmayaa xilli abaar ba'an oo saameysay dad iyo duunyaba ay ka jirto deegaanada Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Isu soo baxan ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Caddaaladda, Awqafta iyo Arimaha diinta Jubbaland ayaa dadkii isu soo baxay waxa ay sameeyeen Alle barri iyagoona halkaasi ku tukaday Salaad ay Alle ku weydiisanayeen in abaarta ka dulqaado bulshada Soomaaliyeed.

Inta lagu guda jiray Roob doonkan ayaa waxaa haalkaasi laga jediyay khudbado iyo ducooyin kala duwan.

05/11/2021
➲Xaaladihii ugu dambeeyay Ethiopia. ●Kumaandoos horleh ayaa u qalan jabiyay ethiopia. ●Baarlamaanka Ethiopia waxay ansix...
04/11/2021

➲Xaaladihii ugu dambeeyay Ethiopia.

●Kumaandoos horleh ayaa u qalan jabiyay ethiopia.

●Baarlamaanka Ethiopia waxay ansixiyay lix bilood oo xaalad deg deg ah.

●Dhaq dhaqaaq Ciidan oo xooggan Ayaa laga dareemayo furaha ay isku horfadhiyaan Jabhadda Oromadda iyo Ciidamadda Oromiya.

● Maamulka Oromiya ayaa qaadaya Hawl gal lagu soo Af-jaraya jamhadda Oromiya halka Ciidamada milatariguna qaadayaan guluf adag oo ka dhan ah TPLF.

● Hogaaminta Addis Ababa oo qayb ka noqday dagaaladda socda iyo kulan sagootin ah oo loogu sameeyay Addis Ababa.

● Guud ahaan shacabka Ethiopia oo la abaabulay ayaa u diyaar garoobaya qaarkood inay dagaalada qayb ka noqdaan.

● Dhaqaale,Saad iyo sahay loogu tala galay ciidamada oo laga aruurinayo guud ahaan dalka.

● Golaha fulinta DDS oo shir yeeshayna waxay amar buuxa siiyeen saraakiisha Ciidan ee liyuuga iyagoo fulinaya Xaaladda Deg dega dalku saaranyahay(dadka jigjiga ee TPLF taabacsan warbaa u yaala)

Xogta Hoose ⤵

➲ Eratareya oo Mar kalle soo Rogaal Celsay garabna u muujisay Abiye Axmed.

➲ Amxaaradii Gonder ee ka Caga jiidaysay Dagaalka oo doorkaan u muuqda kuwa dagaalka u jihaystay(Nin qoyan biyo isk**a dhawro)

(Guud ahaan Xaalka Ethiopia waa Guluf Dagaal,Saan saan colaadeed,iyo abaabul weeraro iska soo horjeedda)

Address

Kismayo
JH0910

Telephone

+252611467922

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when AA+ posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Share