17/11/2022
Kismaayo , 17, November, 2022 -Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha Wasiirada oo lagaga hadlay qodobo ay kamid yihiin Amniga, muranada ka yimaada dhulalka ay sharciyaysay Hay’ada dhul bixinta, Tayada maciishada iyo furfurnaanta ganacsiga noocyadiisa kala duwan.
Sidoo kale waxaa kulanka golaha wasiirada maanta akhrintii koobaad maray xeerka isgaarsiinta Dowlada Jubaland oo ay soo gudbisay Wasaarada Gadiidka iyo Duulista Hawada.
DHAMMAAAD.