Barbaar Kaab

Barbaar Kaab Barbaar kaab waa shabakad ugaar ah Dhallaanka iyo Qoyska Mission:
To make it easy to do business anytime anywhere.

Infekashanada carruurta ku dhaca wuxuu dib u dhigaa koritaankiisa wuuna naaqusiyaa difaaciisa. Way badan yihiin infeksha...
02/11/2024

Infekashanada carruurta ku dhaca wuxuu dib u dhigaa koritaankiisa wuuna naaqusiyaa difaaciisa. Way badan yihiin infekshanadu oo waxa ka mid ah oofta, shubanka iyo mataga, dhaga dilaaca, qanjo xanuunka, infekshanada ku dhaca kaadi mareenka way badan yihiin!

Waxa jira dhawr shay oo lagaga hor tagi karo laguna dhisi karo difaaca ilmaha yar. Waxa ka mid ah.

- Nadaafadda Gacmaha: Bar carruurta muhiimadda ay leedahay in si joogto ah gacmaha loo dhaqdo iyadoo la isticmaalayo saabuun iyo biyo, gaar ahaan ka hor cuntada iyo ka dib isticmaalka musqusha

- Tallaalka: U dhamaystir ilmaha yar tallaalkiisa si uu iskaga difaaco cudarada aan dawada lahayn lana kala qaado sida kixda, jadeecada, dabaysha IWM

- Dhiirrigeli cunto dheellitiran, jimicsi joogto ah, iyo hurdada ku filan si loo xoojiyo nidaamka difaaca jidhka ee carruurta. Hadii aad siiso caano xoolaad ka karkari, kuna dadaal mar kasta meeshaad cuntada ku kaydinayso inay tahay goob caafimaad qabta.

- Waalidiinta waa inay in carruurta ka fogeeyaa dadka buka iyo in carruurta la baro in aysan wadaagin shay kasta oo gaar ah. Had iyo jeer waxaad arkayaa qof duri leh oo soo booqanaya xaafad, dhunkanaya ilmo dhashay sidaana ku qaadsiinaya fayras yo kala duwan oo ku noqon kara oofwareen.

- Ilaali nadaafadda deegaanka ilmaha yar ku nool yahay iyo isaga nadaafadiisaba. Carruurta yari waxay inta badan galiyaan faraha afka, inta badan lagama joojin karo laakiin isku day inaad markasta dhaqdo farahooda kana gurto cidiyaha.

- Calaamadaha infakshanka waxa ka mid ah xumad, kala daadsani, oohin dheeraada diiqad, matag. Hadii aad aragto ilmahaaga oo aan ka soo raynayn waxaad si dagdag u doontadaa dakhtar carruureed.

- Dhiirrigeli ciyaaraha dibadda, oo caruurta banaanka u saar ha ciyaaraane, xaddid ama yaree waqtiga shaashadaha la daawado sida tvga ama moobilka si loo horumariyo firfircoonida jidheed iyo isdhexgalka bulshada.

- Bar ilmaha yar sida loo hindhiso ama loo qufaco ee afka gacanta loo saaro, waxaad arkaysaa dad waawayn oo aan xitaa garanayn aadaabta qufaca, waa muhiim in ilmaha xili h**e la baro si aanay iskugu gudbin fayrasyada kala duwan.

Dr Nooradiin Garaad

Hadii ilmahaagu qufacayo sideed uga caawin kartaa inuu qufacu ka yaraado adigoon u soo qaadin daawooyin aan dakhtar kuu ...
30/10/2024

Hadii ilmahaagu qufacayo sideed uga caawin kartaa inuu qufacu ka yaraado adigoon u soo qaadin daawooyin aan dakhtar kuu qorin. Kani waa ilmaha qufacaya laakiin iska ciyaaraya aan wax kale qabin, cuntadiisana iska cunaya.

1- Malabka: Malabka waa la siin karaa caruurta laba sano ka wayn, hadii la soo gaabiyo hal sano ka wayn. Fadlan ha siin malab ilmo ka yar hal sano sababo caafimaad awgood, way ku sumoobi karaan! Malabku bakteeriyadana wuu dilaa cunaha wuu u wanaagsan yahay. Hal malqacad oo malab ah ood ku dartay biyo diiran baad cabsiin kartaa ilmaha yar.

2- Biyo leh liin dhanaan, sidii shaah aad u samaysay hadaad doonto ( Lemon Tea )

3: Waad yar uumin kartaa si uu duufku uga yimaado maadaama aanay ciyaalki iska duufin karayn oo taasina cabudh ku keenayso. Ha gubin laakiin ilmaha!

4: Waxa jira dhibco dhibco sanka lagaga shubo oo la idhaahdo “ Saline Nasal Drops” gabigeeduba waa biyo waxaanay u sifaysaa sanka waxaanay ka caawin kartaa “ Post Nasal Drip” oo ah in duufkii u dhaadhaco cunaha xanxanteeyo ilmaha yar deedna uu qufac sameeyo

5: Markuu seexanayo barkimo madaxa kor ugu qaada u samee

6: Biyo ku filan sii, hubi inuu hurdo wanaagsan seexday oo ha nasto ilmaha yari. Ka dheeree dadka waawayn ee qufacaya. Bar ilmaha yar sida loo hindhiso ama loo qufaco, yaanu ilmaahagu cid kasta ku quficin. Waa masuuliyadaada inuu aadaabtaa barto!

7: Tallaaladiisa u dhamaystir. Waxyaabaha qufaca joogtaadaa keena een h**e loo helin waa dhaxanta ( TB ) midh tallaala ha ka tagin bilaa sabab!

8: Iska ilaali oo marnaba ha iskaga soo qaadin dawo qufac intaad farmasiiga tagto!

9: Ugu danbayn dakhtar caruureed u gee ilmahaaga hadaad intaa samayso oo uu weli qufacayo.

Dr. Nuuradiin Dr. Garaad
Dr Cazam khalif

29/10/2024

Baby learn

Musaasada la siiyo carruurta habeenkii ee lagu seexiyo waxyaabo ay keeni karto ayaa jira. Waxa ka mid ah:1. In ilkaha uu...
27/10/2024

Musaasada la siiyo carruurta habeenkii ee lagu seexiyo waxyaabo ay keeni karto ayaa jira. Waxa ka mid ah:

1. In ilkaha uu ka galo suus maadamaa uu ku gam'ayo ilmaha yari isagoo afka ku haya
2. Yarayn dhinaca cunooyinka adag: Marka loo eego qiyaasta iyo inta jeer ee la cabbo,musaasada habeenkii waxay carqaladayn kartaa rabitaanka cunnooyinka adag ee ilmaha, taasoo keeni karta nafaqo aan dheeli tirnayn.
3. Hurdo xumo habeenkii ah, hadhowna waxa ku bata soo jeedka habeenkii waxayna keeni kartaa in waalidka iyo ilmuhu isla dhib mutaan oo uu ka seexan waayo.
4. Buurni xad dhaafa ayay keeni kartaa maadama uu habeen kasta caano xad dhaafa cabi karo ilmaha yari

Waa muhiim inaad dhiiri galiso inaad barto ilmahaaga dabeecadooyin caafimaad qaba, inaad ilmaha markuu sanad gaadhana ka joojiso musaasada habeenkii ood ugu badasho koob caadooyinkaa wanaagsan bay ka mid yihiin. Haddii ay jiraan walwal ku saabsan habka cunada ilmahaaga ee habeenkii, la hadlida dhakhtar caruurta ayaa bixin kara talooyin gaar ah.

Talaabooyinkaad samayn karto waxa ka mid ah

1. Inaad soo yarayso siinta musaasada si aayar aayar ah
2. Koob ugu badal oo ku day marba inyar xitaa habeenkii intuu doonaba ha ka cabee si uu u barto.
3. Ku sasab oo markiiba ha ka niyad jabin, maalin kaliya ilmahaagu wax cusub kulama qabsanayo.
4. U joogtee oo ha ku celin musaasadii markaad ka jarto

Dr Nooradiin

Hadii aad rabto inaad caanaha geela u bilowdo ilmahaaga waxa wanaagsan inaad u biloowdo markuu gaadho sannad. Sidoo kale...
23/10/2024

Hadii aad rabto inaad caanaha geela u bilowdo ilmahaaga waxa wanaagsan inaad u biloowdo markuu gaadho sannad. Sidoo kale caanaha adhiga waxa loo bilaabi karaa markuu sannad gaadho

Caanaha lo’da markuu gaadho laba sano.

6 bilood ilaa sannad wuxuu qaadan karaa naasiiska iyo caanaha daasada.

Qasab waa inaad ka-kar-kariso caanaha intaanad siin.

Dr Garaad

Wax lagu cabiri karo ma garanayo caruurtan yaryar ee gabdhaha u badan waxa ku dhacay. Hebeen iyo maalin ayeey ku waayeen...
20/10/2024

Wax lagu cabiri karo ma garanayo caruurtan yaryar ee gabdhaha u badan waxa ku dhacay. Hebeen iyo maalin ayeey ku waayeen labadoodi waalid oo Agoon iyo Rajo ku noqdeen. Horay walaashoodii curadda ahayd ayaa geeri naxdin leh ku dhimatay.

Bal eeg wajiyadoooda. Wakhtigaas labada waalid way noolaayeen laakiin waxay ka murugoonayeen khilaafka waalidkood soo kala dhex galay. Khilaafkii ay sidaas uga murugaysnaayeen wuxuu sababay inay labadiiba waayaan oo caawa Agoon iyo Rajo yihiin.

Ilaahay caruurtaad yaryar qalbiga ha u dajiyo, waalidkoodna ha u naxariisto.

Soomaaliyeey ilmaha ma xamili karaan waxa dadkeena waaweyni aan samayno. Caruurta Alle ha loo baqo, waliba gabdhaha.

Khilaafka waalidku waa halaagga iyo hoogga ubadka. Sina ilmuhu uma fahmi karaan waxa dhacay. Bal eeg wajiyada ubadkaas. Ilmaha aan ka ilaalino khilaafka labada waalid.

Inaa Lilaahi wa inaa Ileeyhi raajicuun.

Muuse

Hilibdalqaha ayay waalid badan aaminaan inuu ciyaalk u horseedo qufac badan, matag, abateed xumo deedna ay ka naaaxi waa...
19/10/2024

Hilibdalqaha ayay waalid badan aaminaan inuu ciyaalk u horseedo qufac badan, matag, abateed xumo deedna ay ka naaaxi waayaan, waa sida waalidka qaar ii sheegaan markaan ku idhaa maxaad uga jartay ama aad uga jaraysaa?

Waxay idhaahdaan wuu dheeraaday oo wuu xanxantaynayaa deedna waa inaan ka jaraa ilmaha.

Dakhtar uma sheego oo ma idhaahdo hilibdalqahaa buka, go’aanka waxa gaadha waalidka say u socdaana waxay u tagaan cid aan baran qaliinada oo dadkii h**e ah isna wuu ka jaraa. Maxaad doonaysaa? Iiga jar hilibdalqaha ilmahayga yar. Sidaasa lagaga jaraa.

Haduu usbuuc joojin waayo qufaca sharoobiynka dakhtarkuna h**e uga jari waayaan, besba! Waalidku ilmaha yar afka kala qaad buu idhaadaa, bal eeg maxaan sheegayay hilibdalqahaa kugu dheeraaday waa in lagaa jaraa. Kadib marka la jaro ilmuhu miyuu joojiyaa qufaca? May! Halkii buu ka sii wataa. Waxaaba ka iman kara caabuq iyo ikfashan ilmaha wax yeeleeya!

Ilmihii ugu yaraa ee isoo mara lagana jaray hilibdalqe wuxuu jiray 2 bilood oo kaliya. Ilmahaasi qaliinkaa lagu sameeyay awgeed xitaa caanihii uu cabi jiray wuu liqi kar waayay, miisaankiisiina wuu sii dhacay.

Waxay idhaahdaan waalidkaasi “Xanuunkan hilibdalqaha dakhaatirta caadiga ah ma yaqaanan sababtaas awgeed iyaga uma gaynaba hadaan rabno inaan ka jarno”

Kolay markay wuxu tahay aaminaad way adagtay in bulshada laga jaro, waxay tahay in wacyi galin badan loo sameeyo waalidka, qufaca ay ka warwaryaana badankiisu isagaaba iska taga dawo la’aan.

DrNooradiin garaad

Waalid badan baa is idhaahda carruurta soo talaala, waxa laga yaabaa in hargab yar oo aan dhib badan lahayn uu hayo ilma...
17/10/2024

Waalid badan baa is idhaahda carruurta soo talaala, waxa laga yaabaa in hargab yar oo aan dhib badan lahayn uu hayo ilmaha yar. Markay tagaan meelaha lagu talaalo waa la celiyaa, sidaasaanu kaga baaqdaa talaalku. Maaha arrin sax ah, shaqaalaha caafimaadku waa in ay kala garanayaan ilmaha la baajinayo talaalkiisa iyo ka la talaalayo, hargab looma baajiyo talaal.

Tiro ma laha waalidka markii danbe ka niyad jabay ama wakhti labaad u heli waayay inay talaalaan ilmaha markii la celiyay. Deedna ay ku dhaceen cuduradii laga ordayay sida kixda, joonis IWM

Waxa ugu xanuun kululaa ilmihii ugu danbeeyay ee aan arko oo lahaa Meningitis (qoorgooye), markaan ku idhi maxaad u talaali wayday waxay uu sheegtay in tiraba dhawr jeer la celceliyay hargab awgeed. Sidee baad ugu sheegi waalidkaa in ilmahaasi uu noqon doono mid dhul yaala!

Hadii lagu idhaa lama talaalayo ilmahaaga waxaad la tashan kartaa dakhtar halkii kuugu dhaw, warqad buu kuu qori karaa sidaasanu ilmahaagu uga baaqanayn talaalkiisa.

Furasad kasta oo ilmaha lagu talaali karo ha ka faa’idaysataan shaqaalaha caafimaadku.

Dr Nooradiin

Waxa jira dhaqan in ilmaha yar markuu cabudho sanka loo mariyo subag, saliid IWM. Meelaha qaar waabay kaga shubaan sanka...
15/10/2024

Waxa jira dhaqan in ilmaha yar markuu cabudho sanka loo mariyo subag, saliid IWM. Meelaha qaar waabay kaga shubaan sanka ilmaha yar iyagoo is leh cabudhku ha ka ba’o. Markuu ilmaha yari neefsado waxa macquula in saliidaasi ay gaadho sanbabaka samaysana oof la idhaahdo “Lipoid Pneumonia” runtii waa oof khatar ah oo sababi karta dhimashada ilmaha yar, waxba sanka haw marin ha na kaga shubin ilmaha haduu cabudho waxa jira dhibic dhibco aad si fudud u heli karo oo cabdhuka kaaga biin’aya ilmahaaga.

Dr nooradiin

Marka ilmaha yar dhiigu ka yaraado maaha mid markiiba la dareemo, waloow uu yeesho daal iyo tabcaan hadana xitaa markay ...
09/10/2024

Marka ilmaha yar dhiigu ka yaraado maaha mid markiiba la dareemo, waloow uu yeesho daal iyo tabcaan hadana xitaa markay bilow tahay waa mid ku adag dakhtarku inuu fahmo.

Waxa ugu h**eeya ee keenaana waa marka ayroontu ku yartahay cuntada ilmaha yar. Ayroon waa maado muhiima oo loogu tala galay in laga sameeyo unugyada dhiiga ee cascas. Ilmaha markuu 6 bilood ka yaryahay waxa si wanaagsan ugu filan naaskiisa hooyada, laakiin markuu lixda bilood ee h**e uu dhaafo wuxuu u baahan yahay ayroon dheeraada waana marka ugu badan ee lagu arko in dhiigoodu hoos uga dhaco intii laga rabay.

Carruurta yar roon iyaga waxa ku keena marka si joogtaa loo siiyo cuntooyinka la idhaahdo "Junk Foods" oo ah kuwa dibada lagu iibiyo ama la shiilaba ee aan nafaqada badan lahayn. Waxa iyana carruurta ku keena dhiig yaraanta gooryaanda gala caloosha. Carrurrta caano farabadan cabta iyagana waa lagu arkaa dhiig yaraantan.

Dr Nooradiin

06/10/2024

Waxa jira International Code of Marketing Of Breast-milk Substitutes (BMS) oo loogu tala galay in lagu dhiiri galiyo in la xoojiyo hooyooyinka naasnuujintooda. Wuxuu dhigayaa xeerkani

- In aad loo dardar galiyo naasnuujinta carruurta lana joojiyo xayaysiinta caanaha kale ee macmalkaa

- Xayaysiinta masaasadaha iyadoo la qurxinayo hooyadana looga dhigayo wax wanaagsan

- In hooyada in dakhtarka loogu yimaado daasada u horaysa ee caanahana free lagu siinayo

- In hooyada laga qoranayo numberka mobile keeda lana soo wacayo, gurigana loogu imanayo iyadoo caano xayaysiisa loo sido, laguna odhanayo kuwan baa u dhigma caanaha naaska, wax u dhigmaa caanaha naaska ma jiraan! Waa inaanay sinaba hooyada ula soo xidhiidhin qolooyinka caanaha iibiyaa.

- In qiimaha caanaha daasada aad loo jabiyo, haday doonto tayadeeduna ay xuntahay, loogana dhigo qoyska in aanay lacag badan kaga baxayn oo ay tahay hawl fududaysi.

- Shaqaalaha caafimaadka waxa ka saaran masuuluyad wayn, waxay arkayaan hooyo dhashay ilmo maalin kasta waxa muhiim ah inay dhiiri galiyaan naasnuujinta.

- Wasaarada Caafimaadka waxa ka saaran xil wayn, hadii aanay xeerkan ogayn, ama aanay qorshaha ugu jirin waa in ay qorshaha ku darsadaan sida ugu macquulsan.

DrNooradiin

Xiliga qaboobaha lagu jiro caruurtu inta badan waxay u nugul yihiin xanuunada ku dhaca dhinaca neefsashada.
05/10/2024

Xiliga qaboobaha lagu jiro caruurtu inta badan waxay u nugul yihiin xanuunada ku dhaca dhinaca neefsashada.

Waalid badan baa waxay ka warwaraan in ilmahooda uu hayo awtiisam. Calaamado dhawr ah ayaad ka eegi kartaa oo lagu garan...
30/09/2024

Waalid badan baa waxay ka warwaraan in ilmahooda uu hayo awtiisam. Calaamado dhawr ah ayaad ka eegi kartaa oo lagu garan karo inuu jiro.

1. Markaad meel u tilmaanto eed tidhaa halkaa eeg inaanu dan ba ka galin oo aanu eegin.
2. Ma jecla inuu la wadaago wuxuu ku ciyaarayo carruurta kale ama dadka kale
3. Hadii aad isku daydo inaad tidhaa igu dayo, tusaale ahaan sacabka ayaan tumayaa adna markaaga sidaa samee ma samaynayo
4. Hadii aad u qosashid ama u dhoola cadyasid kuuma qoslayo
5. Indhaha kuma siinayo hadaad eegto, wuu kaa sii jeedsanayaaba ama meel kaluu eegayaa
6. Hadaad is tidhaa qaad ama laabta gali wuu diiqadoonayaa mana yeelayo
7. Wuxuu jecel yahay kelinamada

Haduu ilmahaagu gaadhay 18 bilood uuna leeyahay saddexda calaamadood ee u h**eeya ee aynu kor ku soo sheegnay waxa aad looga shakiyi karaa awtiisam.

Waalid badan baa weli aaminsan si kasta oo loogu sheegay in tallaalku keeno awtiisamka. Wax jira maaha, waxay idhaahdaan dadkaan ka maqlay adigu weligaa miyaad aragtay qof uu tallaal ku keenay awtiisam, qofkii kugu yidhi bal waydii oo waxaad tidhaa miyaad aragtay? ma dhaa
fayso dadkaan ka maqlay sheekadaasi.

Dr Garaad

22/09/2024

Caabuqa ku dhaca kaadimareenadu waa mid waalid badan lagu idhaahdo wuu hayaa ilmahaaga. Waa mareen kaydiya kaadida waxaanu ka kooban yahay kalyaha, kaadi-haysta iyo dhuumahay raacaan. Intaasoo meelood ba wuu ku dhici karaa caabuqaasi oo la idhaa (UTI)

Calaamadahiisa maxaa ka mid ah?

- Ilmaha aadka u yar way adagtay inaad garato in caabuqani hayo, sababtoo ah waxba ma sheegtaan, kuwa waawayn se way kuu sheegayaan halka xanuunaysa.

- Waxay leeyihiin xumad daran oo ka badan 38c.
- Kaadida oo gubaysa. Kuwa yar yari ma ku odhanayaan kaadi baa i gubaysee way ooyayaan markay kaajayaan
- Kaadida oo u qabanysa si isku xig xigta waloow uu kaajayo wax yar
- Ilmo isku kaajaya isagoon isku kaaji jirin
- Calooshaa i xanuunaysa ayuu odhanayaa, ilmaha meel kastaa waa u calool iyo madax!
- Diiqad, shuban mar mar, matag, indhaha oo huruud noqda weliba kuwa aadka u yaryar ee dhashaa.

Hadii caabuqaasi xaga sare ku dhaco ee u dhaw kalyaha (pyelonephritis) waa ka ugu khatarta badan waana halis, ilmahana waxa ka muuqda xanuun aad u daran dushiisa, xumad xad dhaafa, daal, tabcaan iyo matag badan.

Dr Nooradiin

Ilmahayga dirqi baan cuntada ku siiyaa oo waan isla cadibanahay, maxaan sameeyaa? Waa su’aal aad u soo noqnoqta. Aan soo...
10/09/2024

Ilmahayga dirqi baan cuntada ku siiyaa oo waan isla cadibanahay, maxaan sameeyaa? Waa su’aal aad u soo noqnoqta. Aan soo koobno.

- Caruurta sidan ah waxa la idhaahdaa (
Fussy eaters) waxaanay warwar ku noqdaan waalidkooda oo ka warwaraya wax qaadasho yaraantooda, laakiin waalidka waxa loo sheegayaa inay tahay xaalad ay carruur badan maraan oo dabiici ah. Sida caadigaa ilmahu kuugu kori maayo siduu kuugu koray sannad ka u h**eeya taa niyada ku hay, sannadka labaad wuu is dhimaa koritaankiisu wuxuuna aad isku sii dhimaa markuu yahay 2-5 sanno, waa dabiici waayo abateetkaa ka luma.

Xiligan ilmuhu wuxuu xiisaynayaa waxa agtiisa ka dhacaya iyo bay’ada uu ku nool yahay deedna cuntada aad uma danynayo oo intaa wuu carcarayaa.

Maxaad samayn kartaa waalid ahaan:

- U yar kala badbadal cuntada oo xiise u samee, adigu waalid ahaan bal fikir cusub la kaalay si aanu ilmuhu cuntada uga caajisin
- Marmar u kaxee xagaa iyo supermarket ka hadaad awoodayso, dooro dhe khudaarta aad rabto inuu xiiseeyaa macquula
- Markaad khudrada siinayso u jar jar si yaroo uu jeclaysan karo, tusaale ahaan saddex gees u jar tufaaxa , ama goobo oo kale
- Bilaydh yar ugu rid, waxa laga yaabaa hadaad sixni wayn ugu rido inuu ka boodo uu is yidhaa waxanoo dhan ma dhamayn kartid
- Carruurtu iyana doorasho ayay leeyihiin, ixtiraam waxay neceb yihiin iyo waxay jecel yihiin, dhiiri galin la kaalay. Adigu cuntadaad necebtay inaad cuntana hortiisa ha ka sheegin inuu nacaa laga yaabaabee isnee
- Ku dhiiri gali inuu cuno laakiin ha ku qasbin! Halkaa u fiirso.
- Adigu tusaale u noqo. La cun ilmaha oo dhe anba waanigaa cunaya eeg.
- Ha raadsan dawooyinka abateetka fura, faa’ido badan ma laha. Waalid badan aad bay runtii kuugu wareerinayaan oo qaar baa igu idhaahda maad noo qori mise meelahaasan ka iibsanaa!

Waalidiinta qaar baa ka cawda in dadku ku idhaahdaan waakan ilmahaagu dhuubane maad sharoobooyin abateed siisid. Way dhacdaa maalin walba maahana dhaqan iyo dabeecad wanaagsan waalid.

Dr nooradiin

Ma siin karnaa fiitamiino iyo waxyaabo dheeraada ilmaha si ay u koriso maskaxdiisa iyo fahankiisa?- Maskaxda ilmuhu waxa...
28/08/2024

Ma siin karnaa fiitamiino iyo waxyaabo dheeraada ilmaha si ay u koriso maskaxdiisa iyo fahankiisa?

- Maskaxda ilmuhu waxay si wanaagsan u kortaa labada sanno ee u h**eeya noloshiisa, taas macnaheedu waxa weeyaan naaska ayaa qayb wayn ka qaata korida maskaxdiisa. Caanaha naasku waxa ku badan omega-3 iyo omega-6 fatty acids, DHA, AA, taurine, choline, zinc iyo macdani ciidaa ka badan. Maskax ahaan caanaha hooyadu IQ ga ilmaha yar way kobciyaan, fahankiisa way dhisaan inuu noqodo mid wax barashada ku wanaagsan mustaqbalka markuu waynaadana qayb wayn bay ka qaataan, sidaa daraadeed waa inaan la dhayalsan. Lixda bilood ee u h**eeya aan waxba loogu darin lana sii wado ilaa laba jir adigoo marka danbe cuntooyin kala duwan ugu daraya.

Caanaha naasku waxa ku yar waa ayroonta, 6 bilood ilaa 5 sanno markaa waa in ilmaha ayroontiisa laga war hayo oo haday hoosayso la saxo, waayo haday macdantaasi ku yartahay fahanka ardayga hoos bay u dhigtaa.

Kuwa sadkooda ka soo hor maray laftigooda waa in ayrnoon loogu daro

Dr nooradiin

Duruufta ay ku sugan yihiin ayaa bartay iyaga oo da'yar ah inay is caawiyaan oo dhaxanta Hargeisa ka dhacaysa ay Hal koo...
23/08/2024

Duruufta ay ku sugan yihiin ayaa bartay iyaga oo da'yar ah inay is caawiyaan oo dhaxanta Hargeisa ka dhacaysa ay Hal koodhka wada xidhaan.

Address

Road Number 1 Downtown
Hargeisa

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Barbaar Kaab posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Barbaar Kaab:

Share


Other Broadcasting & media production in Hargeisa

Show All