Hayir Media Agency

Hayir Media Agency Hayir Media Agency is an independent online multimedia channel which broadcasts daily news in Somali

Waxaan ahay wariye Fadhigiisu yahay magalada Garowe, waxaan ka hawl galaa xarumo kala duwan, marka laga yimaado xirfadan hadana waxaan ahay waddani ku weyntahay muhiimadda dalkiisa.

15/09/2024

Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Dowladda Puntland Ayaa maanta Daah-furay Kalfadhiga 2-aad ee Golaha Degaanka Degmada Dhahar.

Gudomiyaha Baarlmaanka Puntalnd Mudane Hon Abdirisak Ahmed Said, ayaa maalinta Biri ku wajahan Degmada Dhahar ee xarunta...
13/09/2024

Gudomiyaha Baarlmaanka Puntalnd Mudane Hon Abdirisak Ahmed Said, ayaa maalinta Biri ku wajahan Degmada Dhahar ee xarunta Gobalka Haylaan, oo caawa laga dareemayo diyaargarowga soo dhawaynta Guddoomiyaha iyo waftiga uu hogaaminayo.

12/09/2024

Aabbe Soomaaliyeed oo lacag-caafimaad ugu xayiran Dalka Hindiya.

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdillaahi Cartan  Ayaa maanta hoygiisa kulan sagootin iyo nabaadiinayn ah kula yeeshay Isimada...
13/08/2024

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdillaahi Cartan Ayaa maanta hoygiisa kulan sagootin iyo nabaadiinayn ah kula yeeshay Isimada dhaqanka SSC-Khaatumo ee uu hoggaaminayay Garaad Jaamac Garaad Cali, isago dhammaadkii kulankana isimadda guddoonaiiyay hadyado uu ugu talagalay madaxda dhaqanka.

Ugu Danbeyn Garaad Jaamac Ayaa Suldaanka iyo dhammaan mandiqadda uu suldaanku madaxda dhaqanka uyahay ugu duceeyay wadajir, Nabad iyo horumar.

Sidoo kale waxa ay Isimadu Booqasho iyo Duco ugu tageen Ugaaska Beesha Tiinle Ugaas Maxamed Ugaas Siciid Ugaas Maxamed oo Degmada Dhahar baryahan ku xanuunsanayay.

Hoyga dhaqanka Daarood ee Qardho iyo soo dhawayntii Isimadda SSC-Khaatumo.
13/08/2024

Hoyga dhaqanka Daarood ee Qardho iyo soo dhawayntii Isimadda SSC-Khaatumo.

Geedka Nabadda Sheerbi iyo soo dhawaynta Garaadada SSC-Khaatumo oo socdaal mahadcelin iyo is xogwaraysi ah ku maraya Gob...
13/08/2024

Geedka Nabadda Sheerbi iyo soo dhawaynta Garaadada SSC-Khaatumo oo socdaal mahadcelin iyo is xogwaraysi ah ku maraya Gobolada Puntland.
๐Ÿ“ธCm Hayir

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdillaahi Cartan  ayaa maanta Degmada Dhahar ee Gobolka Haylaan Hadhimo-sharafeed isugu jirta ...
12/08/2024

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdillaahi Cartan ayaa maanta Degmada Dhahar ee Gobolka Haylaan Hadhimo-sharafeed isugu jirta sagootin iyo kala war-qaadasho ugu sameeyay Hotel-Haylaan Isimadda Dhaqanka SSC-khaatumo.

Suldaanka ayaa sheegay in Dhaqanka Harti isugu imandoonaan Shir-aayo tashi ah oo Garaadadu ku gogol xaadhayeen socdaalkooda, dhankiisa Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa Suldaanka, cuqaasha, Sraakiisa, Culimada, Haweenka iyo Dhammaan qaybaha kala duwan Bulshada reer Haylaan uga mahadceliyay kaalintay ku lahaayeen halganka SSC-Khaatumo oo ay ahaayeen hormuudkooda iyo soo dhawaynta balaadhan ee ay usameeyeen.

Dhahar maanta waxa ay muujisey sida ay wali ula jiraan walaalahooda SSC-Khaatumo oo mahadcelin ugu yimi.
11/08/2024

Dhahar maanta waxa ay muujisey sida ay wali ula jiraan walaalahooda SSC-Khaatumo oo mahadcelin ugu yimi.

11/08/2024

Degmada Dhahar iyo soo dhawaynta Garaadada SSC-Khaatumo een socdaalka Mahadcelinta ah ku maraya Deegaanada Harti.

Ganacsade Ibraahim Sheekh Maxamuud, ayaa Kulan Qado Sharaf ah maanta Magaalada Nairobi ugu sameeyay Guddoomiyaha Baarlam...
15/04/2024

Ganacsade Ibraahim Sheekh Maxamuud, ayaa Kulan Qado Sharaf ah maanta Magaalada Nairobi ugu sameeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Puntland Mudane abdirisak Ahmed said iyo Golayaasha Dowladda Puntland.

17/03/2024

Lil jon ayaa Ashahaadada Loogu Qabtay Masjidka Boqor Fahad ee Los Angeles USA, Wuxuuna Nasiib uyeeshay in uu soo islaamo Tobanka H**e ee Bisha Barakaysan.

Afuri kuwa ubaahan ee aan awoodin inay helaan waxay ku afuraan, iyagaa umadan cid la afuriyo, ugana ajarbadan cid laga f...
16/03/2024

Afuri kuwa ubaahan ee aan awoodin inay helaan waxay ku afuraan, iyagaa umadan cid la afuriyo, ugana ajarbadan cid laga farxiyo.

|๐Ÿ“ธCm Hayir | phase community First

Garoowe, Maarso, 09, 2024: Guddoomiyaha Golaha wakiiladd Dowladda Puntlaand Mudane abdirisak ahmed said  ayaa maanta u s...
09/03/2024

Garoowe, Maarso, 09, 2024: Guddoomiyaha Golaha wakiiladd Dowladda Puntlaand Mudane abdirisak ahmed said ayaa maanta u soo xiray kulamo aqoon is waydaarsi ah, oo maalmihii lasoo dhaafay xarunta baarlamaanka uga usocday qaar ka mid ah Guddiyadda Golaha Wakiillada.

Guddoomiyaha oo uga mahadceliyay dhammaan xildhibaannada ka qeybgalay aqoon-is-waydaarsigan kasoo qaybgalkooda, ayaa sidoo kale waxaa uu u balan-qaadaynaa in Guddi walba la siin doonno tababar u gaar ah oo ku saabsan arrimaha uu u xilsaaranyahay.

Ugu danbeyn waxa uu Guddoomiyuhu si gaar ah ugu umahadceliyay Hayโ€™adda Max Planck Foundation iyo khubaradii bixineysay tababarka.

๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ’ | ๐’๐ก๐ข๐ซ-๐ฌ๐š๐ง๐š๐๐ž๐ž๐๐ค๐š ๐‡๐š๐ฒ'๐š๐๐๐š ๐Š๐€๐€๐‹๐Ž. |๐Ÿ“ธCM Hayir|Kaalo Aid
07/03/2024

๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ’ | ๐’๐ก๐ข๐ซ-๐ฌ๐š๐ง๐š๐๐ž๐ž๐๐ค๐š ๐‡๐š๐ฒ'๐š๐๐๐š ๐Š๐€๐€๐‹๐Ž.
|๐Ÿ“ธCM Hayir|Kaalo Aid

Ardaynimoโค๏ธ. |๐Ÿ“ธCMHayir|Ebyan Schools
07/03/2024

Ardaynimoโค๏ธ.
|๐Ÿ“ธCMHayir|Ebyan Schools

Waxa si guul ah ugu soo dhamaaday jaamacadda Alpha University ee magaalada laascaanood tababarki project management oo a...
03/03/2024

Waxa si guul ah ugu soo dhamaaday jaamacadda Alpha University ee magaalada laascaanood tababarki project management oo ay ka faaideysanayen ardeyda dhigata kuliyadaha kala duwan ee jaamacada, kaas oo socday muddo laba maalmood ah.

Ujeedka tababarka ayaa ahaa in faham guud ardeydu ka qaadato maareynta mashaaricda, waxaana tababarkan bixinayay tababare Yaxye Muhammed Ahmed.

https://www.facebook.com/Mr.yahyeahmet?mibextid=ZbWKwL

24/02/2024

โ€œHoorisโ€ waa hab ka mid qaababka loo akhriyo qurโ€™aanka, inta badan subciska lagu gali jiray bari samaadkii.

Badi dhulka somalida habkan haatan waa ka dabar goโ€™ay balse wali waxa uu kasii jiraa Koonfurta iyo galbeedka somalia(DDSI).

Masoo gaartay adigu!?

XAFLADDA QALINJABINTA 94 ARDAY XIRFADAHA FARSAMADA GACANTA
20/02/2024

XAFLADDA QALINJABINTA 94 ARDAY XIRFADAHA FARSAMADA GACANTA

ุฅู†ุง ู„ู„ู‡ ูˆุฅู†ุง ุฅู„ูŠู‡ ุฑุงุฌุนูˆู† ุงู„ู„ู‡ู… ุงุบูุฑ ู„ู‡ ูˆุงุฑุญู…ู‡ ูˆุงุณูƒู†ู‡ ูุณูŠุญ ุฌู†ุงุชู‡ ูŠุงุฑุจ...Allaha unaxariisto Caaqil Yuusuf Cilmi Mataan (Yu...
14/02/2024

ุฅู†ุง ู„ู„ู‡ ูˆุฅู†ุง ุฅู„ูŠู‡ ุฑุงุฌุนูˆู† ุงู„ู„ู‡ู… ุงุบูุฑ ู„ู‡ ูˆุงุฑุญู…ู‡ ูˆุงุณูƒู†ู‡ ูุณูŠุญ ุฌู†ุงุชู‡ ูŠุงุฑุจ...
Allaha unaxariisto Caaqil Yuusuf Cilmi Mataan (Yuusuf-Dheere), ayaa galabta lagu aasay magaalada Garowe.
Aaska caaqilka waxaa ka qaybgalay Masuuliyiinta laamaha Dowladda oo u h**eeyo Guddoomiyaha Golaha wakiiladda Dowladda Puntland Mudane ahmed said, Madaxweynihii h**e ee Puntland Dr Cabdirixmaan Maxamed Faroole, wasiiro, madaxda dhaqanka oo u h**eeyo Suldaan Siciid Maxamed Garaase iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada Puntland.
Caaqilku waxa uu ka mid ahaa raggii xiliyadii adkaa gobolka iyo mandiqada dhul udugba duurka ugalay siday uheli lahaayeen horumar iyo dowladnimo ka duwan tii markaas keentay gadoodka, marxuumka ayaa waayadii danbe ahaa samatalis iyo oday nabad da ka shaqeeya oo degaanka iyo dadkaba micne wayn ugu fadhiyey, Danbigiisana allaha dhaafo, samir, iimaan iyo badel kheyr qaba allaha inaka siiyo.

GUDDOONKA GOLAHA WAKIILLADA OO HADHIMO SHARAFEED KU MAAMUUSAY ISIMADA SSC-KHAATUMO.Garoowe, February 14, 2024: Guddoomiy...
14/02/2024

GUDDOONKA GOLAHA WAKIILLADA OO HADHIMO SHARAFEED KU MAAMUUSAY ISIMADA SSC-KHAATUMO.

Garoowe, February 14, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirisaaq Axmed Saciid oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Maxamed Baarri Shire iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Maxamed Maxamud Ciise ayaa maanta qado sharaf ku maamuusay isimada SSC-Khaatumo oo ku sugan Caasimadda Garoowe.

Sidoo kale madasha waxaa ka qayb galay Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada, Wasiiro, Xoghayaha Guud iyo howlwadeeno kamid ah Golaha Wakiillada.

๐ฉ๐ก๐ฒ๐ฌ๐ข๐œ๐ฌ ๐ฉ๐ซ๐จ๐ฃ๐ž๐œ๐ญ ๐ฐ๐š๐ฌ ๐š๐ง ๐ž๐ฅ๐ž๐œ๐ญ๐ซ๐ข๐Ÿ๐ฒ๐ข๐ง๐  ๐š๐๐ฏ๐ž๐ง๐ญ๐ฎ๐ซ๐ž!๐–ฒ๐—๐—Ž๐–ฝ๐–พ๐—‡๐—๐—Œ ๐–ฝ๐–พ๐–ฟ๐—‚๐—‡๐–พ๐–ฝ ๐–พ๐—…๐–พ๐–ผ๐—๐—‹๐—‚๐–ผ ๐–ผ๐—‚๐—‹๐–ผ๐—Ž๐—‚๐—๐—Œ, ๐–บ๐—Œ๐—Œ๐–พ๐—†๐–ป๐—…๐–พ๐–ฝ ๐—๐—๐–พ๐—†, ๐–ผ๐–บ๐—…๐–ผ๐—Ž๐—…๐–บ๐—๐–พ๐–ฝ ๐–ผ๐—Ž๐—‹๐—‹๐–พ๐—‡๐—, ๐–พ๐—‘...
12/02/2024

๐ฉ๐ก๐ฒ๐ฌ๐ข๐œ๐ฌ ๐ฉ๐ซ๐จ๐ฃ๐ž๐œ๐ญ ๐ฐ๐š๐ฌ ๐š๐ง ๐ž๐ฅ๐ž๐œ๐ญ๐ซ๐ข๐Ÿ๐ฒ๐ข๐ง๐  ๐š๐๐ฏ๐ž๐ง๐ญ๐ฎ๐ซ๐ž!

๐–ฒ๐—๐—Ž๐–ฝ๐–พ๐—‡๐—๐—Œ ๐–ฝ๐–พ๐–ฟ๐—‚๐—‡๐–พ๐–ฝ ๐–พ๐—…๐–พ๐–ผ๐—๐—‹๐—‚๐–ผ ๐–ผ๐—‚๐—‹๐–ผ๐—Ž๐—‚๐—๐—Œ, ๐–บ๐—Œ๐—Œ๐–พ๐—†๐–ป๐—…๐–พ๐–ฝ ๐—๐—๐–พ๐—†, ๐–ผ๐–บ๐—…๐–ผ๐—Ž๐—…๐–บ๐—๐–พ๐–ฝ ๐–ผ๐—Ž๐—‹๐—‹๐–พ๐—‡๐—, ๐–พ๐—‘๐—‰๐–พ๐—‹๐—‚๐—†๐–พ๐—‡๐—๐–พ๐–ฝ ๐—๐—‚๐—๐— ๐—Œ๐–พ๐—‹๐—‚๐–พ๐—Œ ๐–บ๐—‡๐–ฝ ๐—‰๐–บ๐—‹๐–บ๐—…๐—…๐–พ๐—… ๐–ผ๐—‚๐—‹๐–ผ๐—Ž๐—‚๐—๐—Œ, ๐–พ๐—‘๐—‰๐—…๐—ˆ๐—‹๐–พ๐–ฝ ๐—๐—๐–พ ๐–พ๐–ฟ๐–ฟ๐–พ๐–ผ๐—๐—Œ ๐—ˆ๐–ฟ ๐–บ๐–ฝ๐–ฝ๐—‚๐—๐—‚๐—ˆ๐—‡๐–บ๐—… ๐–ผ๐—‚๐—‹๐–ผ๐—Ž๐—‚๐—๐—Œ, ๐—†๐–พ๐–บ๐—Œ๐—Ž๐—‹๐–พ๐–ฝ ๐—๐—ˆ๐—…๐—๐–บ๐—€๐–พ, ๐–บ๐—‡๐–ฝ ๐–พ๐—๐–พ๐—‡ ๐–ฝ๐–บ๐–ป๐–ป๐—…๐–พ๐–ฝ ๐—‚๐—‡ ๐—ˆ๐—‡๐—…๐—‚๐—‡๐–พ ๐—Œ๐—‚๐—†๐—Ž๐—…๐–บ๐—๐—‚๐—ˆ๐—‡๐—Œ. ๐–จ๐— ๐—๐–บ๐—Œ ๐–บ ๐—ƒ๐—ˆ๐—Ž๐—‹๐—‡๐–พ๐—’ ๐—ˆ๐–ฟ ๐–ฝ๐—‚๐—Œ๐–ผ๐—ˆ๐—๐–พ๐—‹๐—’ ๐–บ๐—‡๐–ฝ ๐–ผ๐—ˆ๐—…๐—…๐–บ๐–ป๐—ˆ๐—‹๐–บ๐—๐—‚๐—ˆ๐—‡, ๐—Œ๐—๐—ˆ๐—๐–ผ๐–บ๐—Œ๐—‚๐—‡๐—€ ๐—๐—๐–พ๐—‚๐—‹ ๐–ฝ๐–พ๐–ฝ๐—‚๐–ผ๐–บ๐—๐—‚๐—ˆ๐—‡ ๐—๐—ˆ ๐–ฒ๐–ณ๐–ค๐–ฌ ๐–พ๐–ฝ๐—Ž๐–ผ๐–บ๐—๐—‚๐—ˆ๐—‡.

๐Ÿš€๐Ÿ‘ฉโ€๐Ÿ”ฌ

Garoowe, Febraayo 08, 2024: Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dawladda Puntlland ee laga soo doortay Gobolka Nugaal, ayaa...
08/02/2024

Garoowe, Febraayo 08, 2024: Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dawladda Puntlland ee laga soo doortay Gobolka Nugaal, ayaa maanta hadhhimo sharafeed u sameeyay Xubnaha Golaha Wakiillada.

Qado shaaraftan oo ujeedkeedu ahaa so dhawayn iyo is barasho ayaa waxaa ka qeyb-galay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Abdirisak Ahmed Said oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Hon Mohamed Baarri Shire iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Hon Mohamed Mohamoud Isse iyo Xildhibaannada Golaha.

Ku naso Quruxda Degmada Qadiimiga ah Xaafuun, Bari, Somalia.
06/02/2024

Ku naso Quruxda Degmada Qadiimiga ah Xaafuun, Bari, Somalia.

06/02/2024

Muuqaal kooban ku saabsan degmada Taariikhiga ah ee degmada Xaafuun.

Ma kamid tahay dadka tagay degmadaas, mase kamid tahay dadka xiisaynaya inay booqdaan.?

Garoowe, February 01, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirisaaq Axmed Siciid oo ay wehl...
01/02/2024

Garoowe, February 01, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirisaaq Axmed Siciid oo ay wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Maxamed Maxamuud Ciise ayaa maanta aqoon iswaydaarsi ku saabsan shuruucda iyto wajibaadka sahqo ee Baarlamaanka usoo xiray Golaha wakiiladda Dowladda Puntland.

Aqoonka kororsigan oo ay qayb ka ahaayeen khuburo ku xeel-dheer shuruucda iyo shaqooyinka Baarlamaanka ayaa qayb ka ahaa qorshayaashii Guddoomiyuhu balanqaaday qabashadooda.

Address

Islam Mohamed Street
Garowe

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hayir Media Agency posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Hayir Media Agency:

Videos

Share

Category

Nearby media companies