Tilmaame Media

Tilmaame Media kusoo dhowoow Tilmaame Media oo kala soco Warar sugan oo isku halayn leh isla marka ay dhacayaan.

Puntland & Somaliland waa laba gafane oo mudo ku dhow 30 sano dhibaato fara badan ku haya dadka deegaanadda SSC degan mu...
01/11/2022

Puntland & Somaliland waa laba gafane oo mudo ku dhow 30 sano dhibaato fara badan ku haya dadka deegaanadda SSC degan mudada intaas le'egna Mashruuc ka dhigtay ay gaaladda wax kaga cunaan anigay iga tirsan yihiin iyo anigay iga tirsan yihiin mid kasta dhiniciisa ka sheegto kana dhigteen mashruuc aan dhamaan.

Shalay waxa si toos ah Somaliland ula wareegtay Magaaladda Boocame ee Gobolka Sool taasoo ahayd Magaaladdii ugu damaysay ee gobolka Sool Somaliland si xarago leh ula wareegto iyadoon aan la kulmin wax iska caabin ah, sida la ogyahayna ay tahay heshiis labadada Maamul-ba ay isla ogyihiin, waana Mashruuc lagu heshiiyey in dadka deeganadaas mudo 30 sano ku dhow hagardaamaddaynta uu mid walba dhiniciisa ugu wado, majiraan adeegyo bulsho sida goobo Waxbarasho, Caafimaad, wadooyin, iwm ay ka fuliyaan degaanadaas Hay,addaha waxay ugu sheekeeyaan dhulkaasi waa dhul lagu muransan yahay (dispute Area) aan la tegi karin amnigiisana aan la isku halayn karin iyo dacaayado raqiis ah bay gaaladda ka dhaadhiciyaan si ay Mashruuc aan dhamaan uga dhigtaan.

Si gaar ah dadka reer Sool oo shalay Magaaladii ugu damaysay Somaliland kala wareegtay maal, murug, maskax iyo talo ba kuma yara waa inay tashadaan Magaalooyinkooda PL inay SL gacan ka siiso qabsashadooda ma ahee wax dan ah oo kale k**a leh waa inay iyagu xoraystaan ileen sidan kuma sii jir karaan in maalin ba duulaan foolxun inta lagu soo qaado Magaalo looga qabsado.

W/Q: Mohamed Abdulkadir Ali.

30/10/2022

Dooxadda Baraagaha Qol ee Gobolka Haylaan 🌲💚

Bosaso Resort waa goob dalxiiseed casri ah oo dhawaan laga furi doono Magaalo ganacsiyeedka Puntland ee Boosaaso .  📸 Ab...
03/10/2022

Bosaso Resort waa goob dalxiiseed casri ah oo dhawaan laga furi doono Magaalo ganacsiyeedka Puntland ee Boosaaso .


📸 Abdishakour Baxnaani

29/09/2022

Gen: Mohamed Abshir Airport Garoowe ✈

beertan mooska ah aad ujeedaan 10 bilood kahor buu ninkaa  dhalinyaradda ah ee sawirka ka muuqda abuuray maantana lacag ...
29/09/2022

beertan mooska ah aad ujeedaan 10 bilood kahor buu ninkaa dhalinyaradda ah ee sawirka ka muuqda abuuray maantana lacag fiican buu suuqyadda kaga iibsanayaa Masha allaah waa talaabo wanaagsan ay kaga dayan karaan dhalinyaradda soomaaliyeed ee dibadaha iyo dhulka shisheeye dadkoodii dhistay u ordaya.

Mohamed Dhicis tusaale inaga mudan yahay 🌲



12/08/2022

General Asad Cismaan Abdullahi oo ahaa Musharaxii sigay Madaxtinimadda PL baa mar kale dhoolatus ku aadan doorashada 2024 wada.

24/07/2022

Galgala Bari Puntland Somalia 🌲

Waa Saalax oo Kasoo jeeda Nigeria 🇳🇬 iyo sadexdiisa Xaas waxay udhaleen 19 caruur ah.
12/07/2022

Waa Saalax oo Kasoo jeeda Nigeria 🇳🇬 iyo sadexdiisa Xaas waxay udhaleen 19 caruur ah.

Suldaan Cabdilaahi Cabdi Shabeelle ayaa kulan la qaatay Dhalinyarada Aqoonyahanka ah ee Magaaladda Dhahar isagoo ka dheg...
02/07/2022

Suldaan Cabdilaahi Cabdi Shabeelle ayaa kulan la qaatay Dhalinyarada Aqoonyahanka ah ee Magaaladda Dhahar isagoo ka dhegaystay wixii talo iyo tusaalayn ah ay qabaan aqoonyahanku.

Buuraha Hantaara ee Gobolka Bari 🏔📸 Cawaale Koronto.
27/06/2022

Buuraha Hantaara ee Gobolka Bari 🏔

📸 Cawaale Koronto.

Shacabka Magaaladda Baraagaha Qol ee Gobolka Sanaag oo taageero aad u balaaran u muujiyey Madaxweyne Mohamed Abdullahi F...
13/05/2022

Shacabka Magaaladda Baraagaha Qol ee Gobolka Sanaag oo taageero aad u balaaran u muujiyey Madaxweyne Mohamed Abdullahi Farmaajo.

🇸🇴

نجمة أفريقيا والعرب كلهم الأستاذة ندى القلعة Nada Algalaa مبروووك الـ 3 مليون متابع عقبال الـ300 مليون From Somalia 👑❤🇸🇴...
12/05/2022

نجمة أفريقيا والعرب كلهم الأستاذة ندى القلعة Nada Algalaa مبروووك الـ 3 مليون متابع عقبال الـ300 مليون

From Somalia 👑❤🇸🇴👏

11/05/2022

Shacabka Degmadda Dhahar oo si weyn utaageeray Madaxweyne Farmaajo iyagoo baaq udiray Xildhibaanadda ku metela BJFS inay codka siiyaan Musharaxa Shacabka Farmajo.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Mudane Ahmed Elmi Osman Karaash ayaa magaalada Bosaso Maanta si weyn loogu soo dhaweeyey....
29/04/2022

Madaxweynaha Dawladda Puntland Mudane Ahmed Elmi Osman Karaash ayaa magaalada Bosaso Maanta si weyn loogu soo dhaweeyey.

Soo dhaweyntiisa ayaa waxaa qeyb weyn ka qaatey Ciidamada ay hormuud ka u yihiin Ciidanka Amniga Puntland Puntland Security Force (PSF) iyo bulshadda qaybaheeda kala duwan.

Ruushka ayaa saaka weeraro xoogan oo cirka iyo dhulka ah ku qaaday Ukrain gaar ahaan caasimadda Keiv oo laga maqlay Xaba...
24/02/2022

Ruushka ayaa saaka weeraro xoogan oo cirka iyo dhulka ah ku qaaday Ukrain gaar ahaan caasimadda Keiv oo laga maqlay Xabado iyo qaraxyo waaweyn.

Madaxweynaha Ruushka ayaa ciidankiisa si rasmi ah telefishinka dowladda ugu amray inay hoolgalaan oo gudaha u galaan dalka Ukrain

Muuqaalo la baaahiyay saakay ayaa lagu arkay diyaarahada dagaal ee Ruushka oo soo galay magaalooyin u dhow Keiv caasimada Ukrain.

Saaka jawiga Yurub waa mid dagaal. Waxeyna u muuqataa in ay dhacday xabadii ugu h**eeysay Dagaalka 3aad ee aduunka

Dadkii dhaawacyadda culus kasoo gaareen Qaraxii sabtidii ka dhacay Magaalada Boosaso ayaa la gaarsiiyay Garoonka diyaara...
21/02/2022

Dadkii dhaawacyadda culus kasoo gaareen Qaraxii sabtidii ka dhacay Magaalada Boosaso ayaa la gaarsiiyay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho iyadoo xaaladooda Caafimaad lagu dabiibayo isbitaaladda waaweyn ee Caasimadda.

5 sano oo Madaxweyne Farmaajo dalka xukumayey waxa sharaf ugu filan in maanta xitaa haduu xilka baneeyo aysan jirin hant...
28/01/2022

5 sano oo Madaxweyne Farmaajo dalka xukumayey waxa sharaf ugu filan in maanta xitaa haduu xilka baneeyo aysan jirin hanti dadweyne uu lunsaday xitaa hal hotel uu Magaalada Muqdisho ka dhistay aysan jirin halka kuwii ka h**eeyey hantidii umadda maal ka tabcadeen saro dhaadheerna dal iyo dibad ba ka dhisteen.

Fikirkaas ma qabtaa adigu muwaadin?

25/01/2022

Wasiir Beyle:"Ilaalinta miisaaniyadda dalka ayaan ku waayey kursigeygii xildhibaannimo".

24/01/2022

Waxaa loo soo sheegay ninkeedii oo Aroos ah Orod bey istaabatay goobtii xaflada beyna toos timid. Kadib maxaa dhacay? Dhamayso muuqaalka si aad u ogaato wixii meesha dhacay.😂

22/01/2022

dooro xildhibaanka waxqabadka iyo horumarka u horseeday degaan doorashadiisa Danjire Xildhibaan Jamaal Maxamed Xassan Muusse.

Guddiga Doorashooyinka Heer Puntland ayaa Doorashada Golaha Shacabka u maamulaya si aan ka duwaneyn Doorashadii Aqalka s...
22/01/2022

Guddiga Doorashooyinka Heer Puntland ayaa Doorashada Golaha Shacabka u maamulaya si aan ka duwaneyn Doorashadii Aqalka sare oo Bulshadu ka xasuusato in goor horaba la ogaa musharaxiinta ku soo baxayey .

5ta-kursi ee maanta la qorshaynayo in Doorashadoodu Garoowe ka dhacdo ayaa Xubnahaan hoose ku soo bixi doonaan , waxaana ay isugu jiraan masuuliyiin Puntland xilal kahaya iyo Siyaasiyiin dhinaca Dawladda awood taageero oo buuxda ka helaya.

HOP 200: Cali Yuusuf Xoosh markale ayuu ku soo noqon kursigaan.

HOP 249: Cabdullaahi Xasan Rooble, Wasiiru-dowlaha Waxbarashada Puntland

HOP 196: Cabdi Ibraahim Qowdhan, Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Puntland , waxaana uu tartan u galay Doorashadii u dambaysay jagada Madaxweyne ku xigeenka Puntland.

HOP 235: Cabdullaahi Bidhaan Warsame, Wasiirka Kalluumeysiga Soomaaliya.

HOP 166: Gen. Axmed Taajir, Taliye kuxigeenkii h**e ee Ciidanka Booliska Soomaaliya kana mid ah hadda lataliyaasha Madaxweynaha.

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Soomaaliya Xildhibaan Danjire Jamaal Maxamed Xasan oo 4 sano lasoo dhaafay kamid ahaa Was...
21/01/2022

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Soomaaliya Xildhibaan Danjire Jamaal Maxamed Xasan oo 4 sano lasoo dhaafay kamid ahaa Wasiiradda ugu saamaynta badan ee Puntland JFS ku metela ayaa la filayaa inuu maalmahan fooda inagu soo haya inuu soo gaaro Puntland Xildhibaanku wuxuu mar kale utaagan yahay kursiga sumadiisu tahay oo uu ku metelo degmadda Dhahar iyo guud ahaan deegaanadda Haylaan & Sanaag oo inta la xasuusto noqday Mudanaha keliya ee metelaad dhab ah umuujiyey deegaan doorashadiisii intii uu ku metelayey BJFS.

Hadii Cali Xoosh iyo Bidhaan dadkoodii soo ceshadeen Jamaal waa in Beesha Dubays iyo guud ahaan beesha Warsangeli soo ceshadaan oo ka difaacdaan boobka Deni iyo aaranjaan wadaan.

Reer Dhahareed waa xujaysan tihiin kursigaas sidaa umaarayn lahaydeen soomaali oo dhan baa idiin jeeda oo isha idinku haysa ka fiirsada.

20/01/2022
20/01/2022

Doorashadda BFS

20/01/2022
16/01/2022

Yaa yiri ragga soomaaliyeed Romatic maaha?

27/12/2021

dalka & dadka adigaa masuul ka ah Mudane Madaxweyne Mohamed Abdullahi Farmaajo 🇸🇴👏🏽

Yaasiin Cabdullaahi Farey Taliyaha KMG ah ee NISA ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop 067 ee golaha shacabka...
25/11/2021

Yaasiin Cabdullaahi Farey Taliyaha KMG ah ee NISA ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop 067 ee golaha shacabka BJFS isaga oo kaga guuleystay tartanka Maxamed Cali Culusoow.

~Dhahar Sanaag Somalia💚📸Cawaale Koronto.
02/11/2021

~Dhahar Sanaag Somalia💚

📸Cawaale Koronto.

Beeshe 𝐘𝐔𝐔𝐒𝐔𝐅 𝐗𝐀𝐌𝐀𝐑𝐆𝐀𝐋𝐀𝐄 oo ku ma magac dheer (𝐃𝐔𝐁𝐄𝐘𝐒) Waa beel balaaran oo kamid ah beelaha beelweyntea warsangeli Bees...
13/09/2021

Beeshe 𝐘𝐔𝐔𝐒𝐔𝐅 𝐗𝐀𝐌𝐀𝐑𝐆𝐀𝐋𝐀𝐄 oo ku ma magac dheer (𝐃𝐔𝐁𝐄𝐘𝐒) Waa beel balaaran oo kamid ah beelaha beelweyntea warsangeli

Beesha Dubeys waa beel caan ka ah deegaanada puntland oo aad looga qadariyo waxayna dagaan

Puntland somalia 🇸🇴
Gobolka bari somalia 🇸🇴
Gobolka karkaar somalia 🇸🇴
Gobolka haylaan somalia 🇸🇴
Gobolka Sanaag somalia 🇸🇴

Jubbaland somalia 🇸🇴
iyo Dalka Djibouti 🇩🇯
—————————————————
Abtirsiga Beesha 𝐃𝐔𝐁𝐄𝐘𝐒

Dubeys wuxuu dhalay
1- isxaaq dubeys
2- muslin dubeys
3- adarays dubeys (xuseen adarays)
4- maxamud dubeys
5- makahiil dubeys

Isxaaq dubeys wuxuu dhalay
1- Yaxye isxaaq
2 - xaniif isxaaq

Yaxye wuxuu dhalay
1- haruun yaxye

Haruun wuxuu dhalay
1- yuusuf haruun
2- ugaaryahan haruun

Yuusuf haruun wuxuu dhalay
1- maxamud yuusuf

Maxamud yuusuf wuxuu dhalay
1- cumar maxamud
2- idiris maxamud(reer cagla)
3- ugaar maxamud(reer ugaar)

Cumar maxamud wuxuu dhalay
1- maxamud cumar(reer maxamed)
2- muuse cumar(reer cali muuse)
3- maxamed cumar(reer maxamed cumar)
4- isxaaq cumar(reer cali goray)

Ugaaryahan haruun isna wuxuu dhalay
1- axmed ugaaryahan
2- cisman ugaaryahan

Axmed ugaaryahan wuxuu dhalay
1- cumar axmed (reer cumar)
2- xasan axmed (reer xasan)
3- yuusuf axmed (reer yuusuf)
—————————————————
Beesha 𝐃𝐔𝐁𝐄𝐘𝐒 waxaa ka dhashay

▪️Caaqil Dhahar cumar faarax allaha u naxariistee oo ahaa caaqilkii saldanadii ceelaayo
▪️jamal maxamed maxamed xasan wasiirka qorshaynta somalia 🇸🇴 ahna Xildhibaan somalia
▪️ xildhaan maxamed xaaji geelle
▪️maxamud siciid gacamey wasiir h**e xiligii kacaanka
▪️siciid xasan shire gidomiyihi h**e barlamanka puntland
▪️yuusuf xaaji siciid gudomiye uu horayay barlamanka puntland
▪️cabdijamal cisman wasiir h**e amniga xanadada xoloha puntland Xildhiban
▪️cali gargaar aun siyasi h**e xilalkala duwan soo qabtay
▪️maxamud siciid maxamed wasiir h**e somaliland
▪️cali bureed wasiir h**e
somalind iyo puntland

▪️axmed c/laahi yusuf dawlad aun wasiirkii h**e amniga puntland
▪️c/laahi ducaale wasiir h**e puntland
▪️Xoghayaha map 🗺 Naima Bintu Musa Dallaf
▪️Genaraal Jama Cise xiifow jama giriin
▪️Taliye Caydiid Axmed Nuur wuxuu soo noqday taliyihii Qaybta Gobolka Bari xiligii Cadde Muuse sidoo kaleTaliyihii Ciidanka booliska gobolka Sanaag dhanka (Somaliland) buu soo noqday hadana waa taliye ku xigeenka ciidanka booliska Puntland.

▪️ Agaasime h**e ahna xildhbaan eng cabdiqani nuur (xildhibaanka aqlabiyadda barlamaanka puntland

▪️xildhaban mahdi siciid xasan Puntland

▪️xildhaabn cabdirisaq maxamed saalah Puntland

▪️ Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Siciid (Kalce) Xildhibaan katirsan Golaha Guurtidda Somaliland.

▪️ C/Casiis Qaalib Dalmar Isuduwaha Wasaarada arrimaha Gudaha iyo Dimuqraadiyada Puntland ee Gobolka Haylaan.

▪️ Wasiir kuxigeenkii h**e Wasaarada Shaqada, Shaqaalaha dhalinyarada iyo Ciyaaraha Puntland Xildhibaan H**e Golaha Wakiilada wakhtigii Gaas Mudane Siciid Daahir Qodax

▪️ Wasiirka Xanaanada Xoolaha Puntland Siciid Cismaan Aadan (Physics)

Ninka dadka ku soo dhoweya Germany 🇩🇪 Abokor Gurey Geesood Mar hadii aad maqasho hebel waa reer geesood bes weeye wiilkaas waa wiilka warsangeli ugu laandheeraysan Abokor Gurey

Reerki puntland kobka cayarta kubada Uu qaday oo dhafiyay vila garoowe oo geyay vila somalia 🇸🇴

Iyo ragkale oo badan oo an halka lagusoo koobi karin
————————————————
Isimada beesha Dubeys

▪︎1- Suldaan Muuse Jama Dallaf

▪︎2- Suldaan Maxamed Suldaan Cabdullahi Suldan Cartan

3- Caaqil Sharmaarke Warsame Dalmar aabihiis Warsame Dalmar AUN wuxuu ahaa caaqilka guud ee beesha Dubays ahaana caaqilka guud ee beesha (Ugaaryahan Dubays) kaasoo talada looga damayn jiray hadana waxa masuuliyadii ka dhaxlay wiilkiisa Caaqil sharmaarke Warsame Dalmar oo hada jooga.

4- Caaqil Siciid Xasan Xaaji Waraabe Cadde waa caaqilka guud ee beesha Reer maxamed (Yuusuf haaruun)

5- Caaqil Abshir Mohamed Ciise Sugulle waa caaqilka guud ee beesha Reer Xasan (Ugaaryahan)

6- Caaqil Saxardiid Cali Dhawaaq caaqilka guud ee beesha reer Cali Goray (Yuusuf Haaruun)

7- Caaqil Axmed Siciid Madaxey Caaqil guud ee beesha Cismaan ugaaryahan, (Ugaaryahan Dubays)

8- Caaqilka Guud Ee warsangeli Gobolka Bari
Caaqil Cabdi Faarah Cilmi

9- Caaqil Warsame Aaden Geesood Reer yuusuf

10- Caaqil siciid cismaan maxamuud (Shanlayste) isna waa caaqilka guud oo beesha ku metela Gobolka Nugaal

Farisinka saldanada Salzburg Austria 🇦🇹

Afhayeenka Belaaha Daarood Suldaan Maxamed Suldaan Yuusuf

Address

Garowe

Telephone

+252905174904

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Tilmaame Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Share

Category



You may also like