Gaalkacyo Online

Gaalkacyo Online Barnaamijyada hormarka, wararka iyo dhacdooyinka

07/07/2023

Waxaa magaalada Gaalkacyo laga furay Xarunta Quraan saarka Al-huda.
waxayna ku taalaa xaafada israac gaar ahaan koonfurta siinay,wixii faahfaahin waxa aad kala xiriiri kartaa 0907245607 ama 0907134885.

23/06/2023

Garowe Caaismada bilan ee Puntland.

W/Q Agaasime Liiban Aw JamacSiyaasiyiinta, weriyayaasha iyo bulshada kaleba waxaan kula talinayaa in laga fogaado qoraal...
22/06/2023

W/Q Agaasime Liiban Aw Jamac

Siyaasiyiinta, weriyayaasha iyo bulshada kaleba waxaan kula talinayaa in laga fogaado qoraalada iyo hadalada xanafta leh, wararka aan la hubin iyo wax kasta oo uga dari kara xaalada taagan, waana masuuliyad wadareed in qof walba ilaaliyo midnimada iyo amniga reer Puntland

inta dhacday dhib iyo sumcad xumo waa inoogu filantahay, waxaa muhim ah inaan wax danbe dhicin, waxaana ku kalsoonahay in aynu ku filanahay xalinta arimeheena hoose

Adigoo xalka qayb ka noqon kara colaad qayb haka noqon, carab iyo laba daan baa isugu dhow iyaguna waa is qaniinaan, colaadna laguma kala guuleysto ee nabad baa lagu wada hormaraa

Puntland midaysan, nabad ah oo booskeedi hormuudnimada soomaliya sii xejista ayaan allaah inooga rajayn.

22/06/2023

Amni badan Garowe

22/06/2023

Puntland🇺🇿

Amiir Maxamuud Yusuf Ciise ayaa maanta ka qayb galay  munaasabadda Caleema saarka Suldaanka guud ee Beesha Waqujire  Caw...
22/06/2023

Amiir Maxamuud Yusuf Ciise ayaa maanta ka qayb galay munaasabadda Caleema saarka Suldaanka guud ee Beesha Waqujire Cawareere Sacad, Suldaan Cabdulaahi Cali Maxamed.

22/06/2023

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa Sanator Timacade ku eedeeyey dagaalkii Garowe.

14/05/2023

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa booqasho ku tegay deegaanka Heema ee degmada Gaalkacyo.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxa si wayn usoo dhaweeyey dadwaynaha deegaanka waxaana uu kulamo la qaatay Culimaa’udiinka deegaanka Heema, maamulka deegaanka iyo Waxgaradka.

10/05/2023

as

19/09/2022
Madaxweynaha Puntland ayaa magacaabaya Taliyaha ciidanka Booliska Puntland, waxaana wararku sheegayaan in uu u magacaaba...
31/08/2022

Madaxweynaha Puntland ayaa magacaabaya Taliyaha ciidanka Booliska Puntland, waxaana wararku sheegayaan in uu u magacaabayo Muumin Cabdi Shire, oo hadda ah taliyaha qeybta booliska ee gobalka Mudug.

Deni ayaa qorsheynaya Isbedelo kale duwan oo maamulkiisa ah, xili mudo xileedku gabaabsi yahay.

Wefdi ka socda Golayaasha kala duwan ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku wajahan magaalada Garoowe ee Caasimadda P...
27/08/2022

Wefdi ka socda Golayaasha kala duwan ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku wajahan magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, sida ay xaqiijinayaan warar lagu kalsoon yahay.

Wefdiga oo ka imaanaya Muqdisho ayaa Garoowe u imaanaya in ay dhex-dhexaadiyaan Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Wararku waxay sheegayaan in dhammaan kulamadii ay yeesheen Siciid Deni iyo Xasan Sheekh Maxamuud aysan wax horu-socod ah ka samayn, islamarkaana wakhti dheeriya lagu daray mudada Madaxweyne Xasan Sheekh joogayo Garoowe, si loo xalliyo is-marin waaga taagan.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh oo aan la arag tan iyo markii uu Garoowe yimid ayaa lagu wadaa in Caawa loo sameeyo Kulan Casho ah, xilli aysan jirin wax horumar ah oo laga sameeyay wada-hadalkii u socday labada dhinac.

Madaxweyne Deni iyo Madaxweyne ku xigeenka karaash ayaa xarunta madaxtooyada kusoo dhaweeyey waftiga wasiirka arrimaha d...
24/08/2022

Madaxweyne Deni iyo Madaxweyne ku xigeenka karaash ayaa xarunta madaxtooyada kusoo dhaweeyey waftiga wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya Abshir Cumar Huruuse oo hordhac ah madaxweyne Xasan Shekh.

Guddoomiyaha Gobolka  Faysal Sheikh Cali ayaa ka qayb galay Munaasibada Qalin Jabinta Ardayda Jaamacada PUSTECH ee Magaa...
24/08/2022

Guddoomiyaha Gobolka Faysal Sheikh Cali ayaa ka qayb galay Munaasibada Qalin Jabinta Ardayda Jaamacada PUSTECH ee Magaalada Gaalkacyo.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Haruse oo hoggaaminayay wafdi hordhac u ah safarka Madaxweyne Xasan Sh...
24/08/2022

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Haruse oo hoggaaminayay wafdi hordhac u ah safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa goordhow gaaray magaalada Garowe ee xarunta u ah Puntland.

Shaqada u taal Wasiir Haruse waxaa ka mid ah inuu dhammeeyo mugdiga soo kala dhex galay Xasan Sheekh iyo Saciid Deni iyo loolanka Mideeye iyo Kaah ee Puntland.

Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland ayaa laga jaray miisaaniyaddii dastuuriga ahayd ee ku lahaa dowladda, sida...
23/08/2022

Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland ayaa laga jaray miisaaniyaddii dastuuriga ahayd ee ku lahaa dowladda, sida uu warbaahinta u sheegay Guddoomiye Siciid Cabdi Muumin.

Guddoomiyaha Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland waxa uu miisaaniyad ka jaridda ku macneeyay mid lagu curyaaminayo shaqada xafiiska, wuxuuna xadgudubkaas dusha ka saaray Madaxweyne Deni iyo Wasaaradda Maaliyadda.

Wuxuu sheegay in ay cabashada arrintan horay ugu gudbiyeen cid walba oo qusayso, hadda jawaab k**a dambays ah ka sugayaan Baarlamaanka Puntland.

Xafiiska Difaacaha ayaa qabta howlo ay ka mid yihiin baarista cabashooyinka muwaadiniinta, taageerida dadka lagu sameeyo xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha iyo soo saarista warbixin sanadeed la xiriirta xaaladda xaquuqda aadanaha Puntland.

Gaalkacyo Online

21/08/2022

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdii Barre ayaa ballanqaaday in dowladdu ay isla xisaabtamayso isla markaana lala xisaabtami doono cid walba oo hawsheeda gudan weysay.

Ra’iisul Wasaare Xamse Bare ayaa sheegay inay Dowladda qaadayso mas’uuliyada wixii ka dhacay weerarkii Xayaad Hotel.Ra’i...
21/08/2022

Ra’iisul Wasaare Xamse Bare ayaa sheegay inay Dowladda qaadayso mas’uuliyada wixii ka dhacay weerarkii Xayaad Hotel.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa booqday isbitaallada lagu daaweynayo dadkii ku dhaawacmay weerarkii argagixisadu ku qaadday hotelka Xayaat ee magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa waxa uu warbixinno ku saabsan xaaladda caafimaad ee dadka dhaawacmay ka dhageystay maamulka iyo dhakhaatiirta isbitaallada Erdogan iyo Medina.

Xafiiska Difacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland, ayaa soo qaban qaabyey aqoon-is-weydaarsiga ay ka soo qayb galeen xildhiba...
21/08/2022

Xafiiska Difacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland, ayaa soo qaban qaabyey aqoon-is-weydaarsiga ay ka soo qayb galeen xildhibaannada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland iyo howlwadeennada golaha, kulan kaas oo looga dooday mabaadi'da xuquuquda aadanaha kuwa heer qaran, heer caalami iyo waajibaadka saaran baarlamaanka ee ilaalinta iyo kor-uqaadista xuquuqahaas.

Kulanka, waxaa furay Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Ahna Guddoomiye ku-xigeenka 2aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame.
Dhanka kale, Guddoomiyaha Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland Mudane, Avv. Saciid Cabdi Muumin ayaa ka hadlay muhiimada aqoon-iswaydarsiga iyo doorka Mudanayaasha Golaha Wakiillada Dawladda.

21/08/2022

Gen Asad Cismaan Abdulaahi ayaa markale isku sharaxaya Madaxtinimada Puntland 2024

Muqaalkaan waa ole'olihii doorashadii 2019

20/08/2022

Address

Garowe

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Gaalkacyo Online posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Share

Nearby media companies