Puntland News Network

Puntland News Network Puntand News Netwok waa xarun warbaahineed oo loo dhisay soo gudbinta xogta iyo wararka guud ee Puntland iyo guud ahaan caalamka.

Warar dhexdhexaad ah, xogo lasoo ogaaday iyo xaqiiqooyinka dalka iyo dunidaba ugu soo hagaag Puntland News Network (PNN)

Sawiro Sida ay u eg tahay Puntland oo Burburtay - Xaalka Gobolka NugaalWQ: Maxamed Cabdiwali XassanPuntland waa mid ka m...
24/10/2023

Sawiro Sida ay u eg tahay Puntland oo Burburtay - Xaalka Gobolka Nugaal

WQ: Maxamed Cabdiwali Xassan

Puntland waa mid ka mid maamul goboleedyada Soomaaliya ka jira lana dhisay sanadkii 1998, waxgaradkii, aqoonyahankii iyo siyaasiyiinta xiligaas joogay waxaay go’aansadeen maadaama waqti badan laga joogo burburkii dowladdii dhexe ee Somalia aysan muuqan in ay dhismayso dowlad Soomaaliyeed waxaa ay goaansadeen in shirwayne la isugu yimaado lana dhiso maamul goboleedkii u h**eeyey oo aan gooni goosad ahayn waana halka ay kala baxday magac ah “Puntland waa Hooyada Soomaaliya” waxaana la isla qaatay in la mideeyo cududda iyo wax wada lahaanshaha dadka asal wadaagga ahaa ee ku noolaa goboladii loo yaqaanay Waqooyi Bari Soomaaliya caasimad dhexena looga dhigo Garowe.

Kufaa kacyo badan oo la soo maray, is bedelo badan oo dhan walba ah (Horumar bulsho, mid siyaasadeed iyo mid dhaqaalaba) waxaa ay soo gaartay heer ay u baahan tahay in ay ka gudubto habkii h**e ee lagu soo caano maalay laguna dhisi jiray maamulka dowliga gaar ahaan xulashada xubnaha baarlamaanka iyo Madaxwaynaha marka uu dhamaado muddo xileedka madaxda la doorto oo muddo 25 sano ku dhow lagu soo dooranay hab qabiil, gaar ahaan xildhibaanada oo ay soo xushaan reero gaar ahi halka kuwa kale oo badanina ku qatanaayeen hadana si guud loogu wada caano maalay oo lagu helay amni, horumaro kala duwan , isku duubni dadeed iyo muujinta miisaankeeda siyaasadeed ee guud ahaan Soomaaliya.

Habada waa sidee xaalka iyo sawirka guud ee Puntland haddii ay dhacdo in ay Burburto. Maqaalkaan waxa aan ku dul istaagi doonnaa xaaladda siyaasadeed, dhaqaale, amni, bulsho ee Puntland haddii ay dhacdo in ay burburto sabab kaste ba haku timaadee. Muhiimmada qoraalkaan maahan in la is waydiinayo sababaha ay u burburtay iyo cidda ay eersatay balse Waxa aan eegi doonaa xaalka uu ku sugan yahay gobolkas ta iyo bulshada ku nooliba sida xaalkooda uu yahya dhaqan, dhaqaale, siyaasadeed iyo amni ba.

Gobolka Nugaal.

Ka dib burburka nidaamkii dowladnimo ee ka jiray gobolka muddo kuw dhow 25 sano iyo horumaradii socday. Gobolka oo ah xarunta caasimadda Puntland sidoo kalena ah magaalo u dhex ah kuna wada noolyihiin dadka reer Puntland iyo Soomaali kale oo amnigeeda soo miciin bidayba marakan xaalkeedu waa allaw sahal, oo waxaad ba mooddaa ba in ay dhinacyada oo dhan iskaga soo yeerteen intii alle laga magan gali jiray magacii amni badan tana uu balay allow igu maganso inta aan ka baxsanayo jidkana aan ku magan galo inta aan gaaraayo tuulo reekayagu dagan yahay.

B. XAaalka Dhanka siyaasaddda

Magaalada Garowe oo ahayd xarunta laga hago dhanka siyaasadda Puntland guud ahaan ee la xariirta tan gudaha Puntland iyo tan Soomaaliyaba ayaa xarun u noqonaysa siyaasiyiin is diidan oo mid walbaa rabo in isagu noqdo midka la dhagaysanayo oo haya siyaasaddii saxda ahayd ee Puntland lagu samata bixin lahaa. Wasiiro h**e, xildibaano h**e, qandaraaslayaal h**e iyo taliyaal h**e ayaa mid walbaa si maalin le u qabta shirar looga hadlayo samatabixinta Puntland, sugidda amniga Puntland iyo kan gobolkaba, fulinta iyo raadinta adeegyo bulsho oo baahi wayn loo qabo. Waxaa maalin walba airport ka soo dagaya odayaal iyo siyaasiyiin isu arka in ay yihiin kuwii saxda ahaa ee la dhagaysan lahaa badankooduna waxaa ay ka yimaadeen dibadda iyo wadanka gudahiiisa dadka shacabka ah iyo siyaasiyiintii ay ku burburtaybana waxaa ay u haystaan niman lasoo dirsaday iyo belo kale oo u adeegaya una yimid in ay xaalka uga daraan ayna tahay in meeshooda lagu celiyo soona galin magaalada.

Dowladda Federaalka ayaa iyada oo xaaladda ku wareersan garanna la’a meeshay ka bilaabi lahayd iyo ciddii ay kala xariir lahaydba si maalinle usoo diraysa odayaal ay is leedahay waa la dhagaysan karaa, wasiiro h**e iyo xildhibaano aan reer nugaaleed ahayn iyo kuwa ahba iyaga oo isku dayaya inay kasoo dagaan airportka bal se maleeshiyaad uu dirsaday siyaasi diidan faragalinta dowladda federaalka kana ciil qaba meesha ay marayso maamulkii 25 sano lagu soo caano maalay ayaa ciidan gaynaya airport agtiisa kuna goodinaya haddii ay isku dayaan inay kasoo dagaan airport naftoodu khatar gali doonto diyaaradaasina aysan dib danbe u duuli doono.

Duulimaadyo badan oo Garoowe kusoo wajahnaa ayaa si maalin ah hawada uga noqonaya ama ka dagaya, Gaalkacyo, Qardho, Bosaso, Baran iyo Galdogob iyaga oo is leh badbaadiya dadka diyaaradda soo kiraystay iyo diyaaradda lafteedaba balse garoomadaas ayaa sidaan oo kale ku qabsanaysaa waxaana marka danbe ku noqotaa meeshii ay kasoo duushay iyada oo waliba wajahaysa khatar ah inay hawada shidaalka ku goosato.

Shirar ayaa magaalada xaafadaheeda guryo iyo hotelo ku yaal ka dhacaya, isimo, siyaasiyiin iyo waxgarad kaleeto ayaa si saacadle ah u qabanaya shirar aan la aqoon cidda soo abaabuushay iyo ujeedka loo qabanayo. Qabashada shirarka ayaa waxaa sahlaya maleeshiyo beeleedyo loo adeegsado inay xiraan wadooyinka soo gala aagga shirku ka dhacayo si aysan cid kale u carqadalayn iyada oo aysan jirin waliba kalsooni lagu qabo maleeshiyaadkaas shirka ilaalinaya halka qaar ka mid maleeshiyaadkuna xabado kor u ridayaan iyaga oo raba in shirka lagu kala yaaco si ay u bilaabaan cunista qaadka maanta loo qaaday iyo rajada ay qabaan in lacagta loo kordhiyo maadaama ay amniga goobta sugayaan ama kooxo kale oo shir qabanayaa ay u yeertaan.

Mudaharaadyo ay hor kocayaan culimo iyo indheergarad jaahwareersan ayaa maalin kasta magaalada ka dhacaya, waxaa ay garanna la’a yihiin meel ay wax ka bilaabaan. maleeshiyaad aan la aqoon cidda ay ka amar qaataan oo is diidan ayaa dadkaas si ula kac ah xabad ugu furaya marka ay isu yimaadaanba kaaga darane dadkaas waxyeelada loo gaysanayaa ma yaqaaniin cid ay u raacdaan marka laga reebo in maleeshiyaadku reer hebel u nisba sheegtaan aysan jirin cid cadayn karta reerka ay yihiin iyo shakhsiga xabadda ku furay dadka mudaharaadaya.

Madax h**e oo maamulkii Puntland ee burburay xilal sare kasoo qabtay oo badankoodu yihiin reer Nugaaleed iyo qaar kale oo gobolada ka soo jeeda ayaa mid walbaa rabaa inuu doorkiisa xal raadinta qaato noqdana masuulka hogaaminaya dadka dagan gobolka guud ahaan iyo reer Puntland ba si dadaalada socda ee guud ahaan Puntland ka socda loola jaanqaado balse dhibka haystaa waa inaysan jirin aragti siyaasiyitiinta heer deegaan ku midaysan yihiin guud ahaan, iskooxaysi iyo jiritaanka gacmo kale oo ku wada dhex jira ayna la kala safan yihiin. Is garabyaaca siyaasiyiinta reer Nugaal joogta ayaa sabab u noqday in la waayo aragti midaysan oo dadka deegaanku wada leeyahay si loo wajaho xal raadinta guud ee Puntland.

Odayaasha dhaqanka iyo culimada oo laftoodu dadaalkooda xal raadintu gashay ayaa iyaguna maalin walba bulshada ku wacyi galiya in laga qayb noqdo soo celintii nidaamkii iyo amnigii bulshada. Culimda ayaa si gaar ah u dhaleecayna maamulkii burburay iyaga oo dusha ka saaraya inuu ahaa markiisii h**eba nidaam khilaafsan ku dhaqanka diinta burburnayna markii uu qaatay nidaamka dimuqraadiyadda ee gaaladu lacagta ku bixiso dhibkaan bulshada haystaana uu yahay ciqaab dhanka alle uga timid haddii aan ku dhaqanka kitaabka iyo sunada rasuulka loo noqonna ay cadaabta tan u daran dhadhamin doonaan.

Dhalinyaro tira badan oo horay shaqo saxaafaddu ugu ahayd iyo kuwa kale oo markaan la kala safanaya cidda ay taageersan yihiin iyo siyaasiyiinta reerkooda ayaa si maalinle ah shaqo uga dhigtay jaahwareerinta bulshada oo midkasta waxaa uu soo qorayaa, dagaal ayaa dhacay, siyaasi hebel oo hebel u jawaabay, shir ayaa halkaas uga socda koox hebla, maleeshiyaad ayaa isku horfadhiya aagga jidkaas, dad ayaa ku dhintay israasayn dhex martay maleeshiyaad aan la aqoon haybtooda, dowladda federalka oo ka hadashay xaaladda Puntland, beesha caalamka oo shir qabatay, Daawo sawirada dagaal ka dhacay aagga hebla iyo sheekooyin kale oo ay si daqiiqad le ah usoo dhigayaan baraha bulshada sida facebook, twitter iyo qolalka reeruhu leeyihiin ee WhatsApp, dadka ku haray magaalada na waxaa ku wada dhacay anfariir iyo amakaag ay ka qaadeen dhacdooyin aan badankooda horay usoo marin oo ay hadda wajahayaan kowna ay ka tahay cabsi ah goorma dagaal dhacayaa, yaa laguu soo sheegi doonaa dhaawaciisa iyo dhimashadiisa iyo amaa barakac kale dhacaa, sidoo kale dadku waxaa ay walwal ka qabaan nolosha magaalada gaar ahaan maciishadda oo aad u qaaliyowday tan iyo markii qalaalasuhu bilowday.

T. Xaalka Dhanka Amniga

Waxaa guud ahaan meesha ka baxay oo burburay ciidankii booliska gobolka oo qaarkood ku biireen maleeshiyo beeleedyada hubaysan, halka qaarna amniga naftooda uga carareen magaalada ay ka shaqaysan jireen, qowlaysato aan haybtooda la aqoon, kuwa la garanayo oo sida calooshood u shaqaystayaasha u adeegta cidda ay rabaana la howlgala, kuwa ka ganacsada jaadadka kala duwan ee maandooriyaha oo dhamaantood ku hubaysan hubka noocyadiisa kala duwan ayaa si saacad le magaalada dhexdeeda xabadaha jihada ay rabaan u rida, halka qaarkoodna dhexdooda isku dilayaan khamri iyo qaad ay kala baxaan lacag ay siiyeen siyaasiyiin rajo ka qabta inay danahooda u fulinayaan.

Mooryaantaan tiro beelka ahi waxaa ay maalin kasta magaalada ku dilaan qofka ay u gartaan inuusan dadka magaalada sheegta ahayn iyaga oo ujeedka ay u dilayaan kaliya yahay kaliya waa reer hebel, ma ahee waa qolo hadda kor dad nag dilay, maahee waxaa ay isku reer yihiin Siyaasi hebele ama mid cabsan ayaa xabad iskaga furaya.

Dad badan oo dhaawac ahaan ay uga tageen ayaa reerkii ay ka dhasheen baabuur inta u kiraystaan ku qaataan ka dibna uu jidka ugu naf baxaa dhiigbax iyo daryeel xumo, sababta ay u qaadanayaan waa cabsi ay ka qabaan in laga daba yimaado iyo daryeel xumada xarumaha caafimaadka. qofkaasi waxaa ay u badan tahay haddii uu dhakhtar iyo adeeg caafimaad heli lahaa inuu ka kici lahaa kana bogsoon lahaa dhaawaca loo gaystay, balse reerkiisa oo cabsi kale qabay ayaa gartay inay la cararaan.

Ciidamadii h**e ee daraawiishtii burburtay iyo noocyadii kale ee askart oo dhamaantood shaqo la’aan noqday ayaa isku haysta jidka dheer ee isku xira magaalada Garowe iyo deeganda kale ee Puntland. In ka badan 15 isbaaro ayaa maleeshiyaadkaas u taal inta u dhaxaysa Garowe iyo Tuulo jalam oo ah halka soohdin beeleedka u ah dadka wada dagan Nugaal iyo Mudug. Dhanka kale ee wadada aadda gobolka Bari laga soo bilaabo Xaaji Khayr iyo Garowe waxaa daadsan isbaarooyin tiro beel ah oo mid kasta ay u taal jifada dagan tuulada ku dhow laamiga, amase waxaaba ay u taal geeley hubaysan oo rabta inay baabuurta wadada maraysa baarato waxa ay ka qaadan karaana ka qaataan. Wadada in hamayn la maro oo la hawaysto oo waxaa shaki la’aan ah in aan laga amaan helayn maleeshiyaadka sida arxan darada ah dadka u u dhaca ee xiliga hamaynkii ah isbaarooyinka dhigta wadada waana in aad sugtaa ama ku hoyataa meesha waagu kuugu baryo.

Xabadaha magaalada ka dhacaa maahan kuwa maankaagu sawiran karo, inaad maqasho xabad dhacday iyo inaad cod kale amase sharqan maqashaa waa marba kii kusoo hormara haba ugu daraato xiliga hamaynka ah oo cabtooydu magaalada isku baacsato. xabadda wiiftada ama habowga ahi waxyeeladeedu k**a yara inta toos dadka loogu dhufto. Wadooyinku marka ay xoogaa xirmaan ama saxmadda baabuurtu isku badato waxaa lagu baneeyaa xabado kor loo riday haddii la rabana gaariga wadadu ku xiran tahay ayaa la dab saaraa markaas ayaa dad ku dhintaa kuwa kalana ku dhaawacmaan. Ma jirto ambulance qaadda dadka dhibku gaaray, balse waxaa qaar badan looga tagaa jidka, halka qaarna inta laga jiido la dhigo luuq jidka dhinaciisa ah oo halkaas naftu uga baxdo.

Magaalada inkasta oo kooxaha argagaxisada ahi aysan ku badnayn, hadana waxaa magaalada kusoo xoogaysanaya afkaarta xagjirka ah, oo masaajidda magaalada waxaa ku badan inay makarafoonka iska qaataan kooxo qaba khamiisyo Pakistani ah iyo cimaadad yar oo madaxa ugu duuban waana koox deegaanka ku cusub horayna aan loogu aqoon waxaana wada oo markasta ay wada socdaan wadaaddo deegaanka laga yaqaan. waxaa ay dadka ku wacdinayaan inay alle u laabtaan dhagaystayaasha masaajidda miciin ka bidayna waxaa ayba garan la’yihiin halka ay alle uga tageen iyo dunuubta ay galeen.
Garan waagaas iyo shakigaas kaga jira danbiga ay galeen oo wadaadku u sheegayo in loo ciqaabayo ayay naftooda u sheegayaan in ay tahay in ay doorkooda qaataan oo dadka xumaanta ka reebaan. waxa ay qabsanayaan kulamo hoosaadyo ay masaajidda ku qabsanayaan iyaga oo koox koox u abaabulan waxaana ay ku balamayaan in ay doorkooda qaataa xalkana dhinacadooda ka raadiyaan waliba dadka alle dib loogu celiyo, ku dhaqanka shareecadana la hirgaliyo si ku meel gaar ahna ay qodobada qisaasta iyo xukunka gacan jarista dib la dhaqan galiyaan ka dibna ku xijiyaan fulimaha kale.

Waxaa hoos ka ogaaday shirarkaan ay wadaan kooxo u janjareera dhanka calmaaniyadda oo iyagu aaminsan in dadkaan dowladnimadooda loo soo celiyo aaminsana in cidda kaliya ee noloshooda ugu yaraan sidii h**e ugu celin kartaana ay tahay dib u yagleelida nidaamkii dowliga ahaa ee ka burburay.
Kooxaha xagjirka ahi waxaa ay dadka ku booriyaan inay dhistaan maxk**ado reerkoodu leeyahay oo u fuliya arimahooda gaar kah balse qaar badan oo ka mid ah ayaa suaal ka keenaya oo leh haddii aan reerka nala dagan shareecada nala qaadan sideen kaligeen ugu dhaqmaynaa, ma dhalinyaradeena kaliya ayaa gacmaha la goyn marka ay wax xadaan, maxaanse ka yeelaynaa haddii reerka kale diido in kuwooda dhibka noo gaysta ay shareecada noo hor keenaan. Kooxahani waxaa ay heshiis ku yihiin oo kaliya in uun mar la dhiso maxk**ad islaami ah oo xaafad magaalada ka mid ah ka howlgasha.

Wadaado kale oo ka fikir duwan kuwaan habka loo wajahayo xal raadintana kaga duwan ayaa iyaguna doorkooda qaadanaya, balse kooxdaani waa koox horay nidaamka dowliga ah ugu dhex jirtay oo dadka waxaa ay u sheegayaan in soo celinta dowladnimadii burburtay ay tahay waajib saaran cid kasta balse aan loo baahnayn maanta in looga daro xaalka afkaaro kale oo diimeedna magaalada iyo dadka lasoo dhexgaliyo. Waxaa ay masaajidda iyo shirar hoosaadyada iska maagaan wadaadada kale ee xagjirka ah, waxaana magaalada soo shaacbaxday in dhowr kooxood oo afkaaro diimeed wataa jiraan, waxa se ay labadaan kooxood ka siman yihiin waa in kooxaha cilmaaniyiinta ah ee dowladnimada aaminsan karkaarka la waydaariyo.

Is fahan waagaas iyo khilaafkaas diiniga ah ee u dhaxeeya kooxahaan waxaa uu keenay in koox waliba u diyaar garowdo sidii ay isaga celin lahayd kooxda kale bulshadana uga hor keeni lahayd. Kooxaha wata afkaarta islaamiga ahi waxaa ay bilaabeen inay dhalinyarada ku wacyi galiyaan in ay xumaanta gacmahoodu ku suuliyaan, waxaana kusoo badanaya oo kusoo biiraya dhalinyarada rabta inay xumaantaas gacantooda ku suuliyaan, ajarna ku helaan allena ugu dhawaadaan halka qaar kale oo isla dhalinyaradaas ahna shaki uga jiro halka ay alle iyo iyagu ku kala tageen balse jecel yihiin in nabaddii dib loo helo, nidaamkii dowliga ahaa ee burburayna dib loo soo celiyo waliba isaga oo markaan ku dhaqanka shareecada door wayn laga siinayo. Kooxaha wadaadada ahi badankoodu ma haystaan hubka noocyadiisa waawayn ee baabuurta la saaro bal se waxaa ay haystaan hubka fudud oo u badan AK47, Bistoolado, xoogaa PKM ah, Hoobiyeyaal iyo Baasuukeyaal. Awoodda kaliya oo ay haystaan iskuna halaynayaan se waa in haddii ay la dagaalamaan kooxaha kasoo horjeeda ay kaga adkaanayaan dhiiranaanta ay u qabaan dagaalka, aaminsanaanta inay iyagu yihiin kuwa dariiqa xaqa ah ku taagan iyo balanqaadka janada ee geerida ka danbeeya ee wadaadku u balan qaaday halka qaarkoodna jeclaan laheeyeen inay haystaan babmooyin la isku qarxiyo jecel yihiina inay isku miidaamiyaan si nafti halagnimo ah si ay dhibaato wayn ugu gaystaan kooxahaan calmaaniga ah ee kasoo horjeeda waliba iyaga oo alle ugu dhawaansho ku raadinaya daadinta dhiiga.

Magaalada waxaa nabad galyo daro uga guuray oo naftooda kala cararay waxgaradkii kale ee deganaa maalna gashaday magaalada Garowe mudadii uu dhisnaa Maamulkii Puntland, qaar ayaa hanti badan oo ay ku lahaayeen Garowe kaga cararay, qaarkood waxaa ay soo xasuusanayaan burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya iyo dhibkii Muqdisho loogu gasytay dad badan oo Soomaaliyeed, qaar ayaa ku fakaraya maxaad tuulada reerkiinu gaarka u d**o u maalgashan wayday, oo kaalay horta haddii aabaaha xamar inta maalgashaday uu kasoo qaxay maxaad adigu wax uga baran wayday? maxaadse horta Garowe ku dooratay adoo reerkiinu d**o meel u jirta 400Km? alaylahaye waa inaysan tan adiga iyo aabaahaa kaga dhacday Garowe iyo Muqdisho aysan caruurtaada iyo kuwa ay dhali doonaan ku dhicin! maalin kasta ma qax iyo colaad u joog baan noqonaynaa, mayee inta guryaha Garowe ee laga soo qaxay gaddid caruuta ku dhoofso lacagtana dibadda layman dhoog ah ugu gado, oo horta kii aan garowe guriga iyo dhulka iri ii ilaali amuu isagu naf ka dayaa oo boobaaba, oo hadduu boobo ma hanti reerkiisu leeyahay ayaad waayaysaa maalin kasta ayay wadada maraane!

Sheekadaani waa isla hadal uu naftiisa iskula hadlayo oday Garowe hanti badan gashaday ka dibna ka qaxay mar h**ena sidaan oo kale xamar uga soo qaxay 1991.

Guud ahaan xaalka gobolku dhanka amniga waxaa uu marayaa meeshii ugu liidatay abid inta la xasuusto ama taariikh qoran lagu hayo oo qofkastaahi waxaa uu leeyahay war tanina ma noo danbaysay.

J. Xaalka Dhanka isku xirnaanta iyo wada noolaashana bulshada:-

Ma jirto koox ama qayb ka mid bulshada ka mid ah oo ka badbaaday dhibaatada taagan, bishii tiro ka sadex ama afar ama ka badan ayaa magaalada nabadoon cusub iyo isim cusub lagu caleemo saaraa. Nabadoonada cusub iyo kuwii h**e waxaa ay ka maraysaa in mid walbaahi kan kale geeriba haka kaxaysee uu meesha ka saaro doorkiisa hogaamineedna qaato. Isimadii h**e iyo kuwa cusub ee hadda soo biirayba waxa ay ku tartamayaan inay hogaanka xal raadinta qaataan, kuwii h**e waxaa ay iksu dayayaan inay magaalada keenaan odayaasha dhaqanka ee gobolada kale, waxaa se hanjabaad ma dhamaato si maalinle ah hawada usoo marinaya kuwa cusub oo leh oday hebel iyo isinka reer hebel masoo gali karaan Garowe haddii uu soo galana waxa gaara iyo dhibka dhacay ba waxaa masuuliyadooda qaadaya kuwa uyeertay iyo kuwa u yimid ba.

Dhalinyaro badan oo isku tirinaya aqoonyahano balse odayaashu u arkaan kuwa xaalka halkaas gaarsiiyay ayaa maalin kasta isku dayaya inay isku keenaan odayaasha dhaqanka gaar ahaan kuwii h**e iyo kuwa cusub ku darsoo dhalinyaradu waa kuwa baxshay lacagta lagu caleema saaray isimida cusub iyaga oo tirsanayay cadaalad darro ay ku sameeyeen isamadii h**e. Khilaafka odayaasha ka dhex alsoosan waxaa uu sabab u yahay in magaalada meelkasta ay maleeshiyaad jifo hoosaadyo kala duwan ahi dagaan walibana waxaa baadiyaha kasoo aruuriyay maleeshiyaadka odayaal kale oo baadiyaha jooga iyo tuulooyinka jooga oo tirsanaya cadaalad darro uu sameeyey oday dhaqameedkii h**e ee beeshu lahayd maantana ay tahay maalintii ay mustaqbalkooda ka tashan lahaayeen kartidoodana muujin lahaayeen.

Isamadii h**e ee jiray ka hor burburka ayaa laftoodu arkay inaan cidina u ahayn qadarintii loo hayay iyo sumcaddii ay bulshada ku dhex lahaayeen hadana ay hoos u dhacday oo waxaaba dhacda iyaga oo hadlaya oo shir fadhiya in la yiraahdo dhibka oo dhan baad abuurtaye naga aamus waxba soo kordhin mayside markaas ayaa odaygii isinka h**e ahaa dhiiggu ku karayaa, isbitaal ayaa la gaynaa, isbitaalku adeeg badan ma haysto oo agab badan ayaa ka go’an wadooyinka xiran garoomada xirmay, qaarkoodna sonkortu ku kacaysaa marna dagaysaa halka qaarkoodna caro ay ka qaadeen shirarkaas iyo sumcad xumada loo gaysayo ay sababtay inay baraalis noqdaan oo dhinac dhan naafoobo ka dibna uu gurigiisa ku ururo markii uu waayay diyaarad uu dalka dibadiisa ku aado iyo isbitaal daryeel caafimaad siiya.

Qoysaska magaalada ku haray caruurtoodu ma jirto iskuulo ay aadaaan oo macalimiintii iskuulado waa qaar qaxay oo caruurtooda la cararay, qaar dagaalada ku waxyoolabay, qaar maleeshiyo beeleedyada ku kala biiray si ay dhaqaale uga helaan iyo qaar xaafadaha magaalada dhexdooda ah nafta kula dhuunta. Macalimiinta qaarkood waxaa ay ka dhuuntaan arday ay xiligii h**e ee waxbarashada is maan dhaafeen haddase maleeshiyaad noqday watana qori, oo waxaa uu ogyahay in haddii ardaygaasi arko uusan ka baxsan doonin dhulkana uusan nafta la gaari doonin, qaar macalimiinta ka mid ah ayay isla qayilaan ardadoodii h**e oo ay hadda isku maleeshiyaad yihiin halka qaarkoodna ay difaac ku kala jiraan oo maleeshiyooyin kala duwan ka tirsan yihiin isna ogyihiin macalinka iyo ardaygu.

Dhalinyaro xaragootaa magaalada ma joogto, baabuurtii cad cadayd waxaa badalay baabuuur la jaray oo qori saaran yahay, maanta ninka dhalinyarada ah ee magaalada ku haray ee aan qoriga wadan, maleeshiyo beeleedna ka tirsanayn, gaari xaajiyad ah ama noocyada kale oo la jarayna aan saarnayn waa miskiin oo haddiiba ay arkaan saaxibadiis h**e waxaa ay oranayaan war kani muusan ka dhalan reerkii la yaqaanay, waa maxay hebel waa fara maran yahay, qaar ka mid ah maleeshiyaadka ayaa laga celclinayaa oo leh walaahi waan ku tijaabin karaa oo waliba ku shiish baran karaa, halka qaarkood kuwa ay ku shiis barteen ay u dhinteen qaarna u dhaawacmeen.

Waxa sidaas is yeelayaa waa dhalinyaro xili h**e ahayd kuwa wax walba wadaaga oo qaarkood ay guryo wada dagaanayeen nolosha oo dhanna wadaagi jireen, maanta se waxaa kala kaxeeyey oo inay isku shiish bartaan gaarsiiyay waa doonista siyaasi damaciisa kursi doonista iyo danaystanimaduba ilowsiiyeen sida xaalka noqon karo haddii aan nidaamka la dhowrin oo aan qori caaraddi Kursiga lagu raadin dadka codkoodana laga doonan iyaga laguna kalsoonaan. siyaasigaas laftiisa ayaa isna maanta leh oo la soo taagan walaahi haddii aan sidaan moodayo inaanan maalin ku taliyeen cid ku talinaysana aanan ka ogoladeen in sidaani dhacdo. waa la is wada hiifayaa waa se mar aan is hiifid iyo wax iska sheeggu wax ba soo kordhinayn.

X. Xaalka Dhanka Dhaqaalaha.

Garowe oo ahayd magaalada kaliya ee Puntland ee dadka ugu badan ee shaqeeyaa ku noolyihiin dadkuna wada ladnaan jiray oo gaari cad, guri iyo lacago badan isku haysteen waxaa ay maanta dadku isku waraysanayaan “War maxaad akoonka dhigatay”, markaas buu leeyahay “oo maxaan dhigan lahaa waad la sococtay xaalka oo waxa aan qaadan jiray kharashaadka bilaha ah ayay dabooli jirtaye”.

Magaalada waxaa ka baxay badi ay hay’adihii ajnabiga ahaa ee deganaa oo ahaa mid ka mid ah ilaha dhaqaalaha ugu badan kasoo kali jireen dadka Magaalada, waxaa cidlo ah oo albaabadu is garaacayaan guryo badan oo awal kiro joogto ah ahi kasoo gali jirtay mulkiilayasha, waxaa maleeshiyo beeleedyada ku kala biiray, ciidankii iyo shakhsiyaadkii waardiyayn jiray halka dhalinyaro badan oo ka shaqayn jirtay xafiisyadaasna ay magaalada is dhexyaacayaan oo la yaaban yihiin xaalka magaaladu gashay iyo filanwaaga ay wajahayaan, waxaa ay is waydaarsanayaan sidaani ma dhabbaa mise waa dhalanteed, dowladii waa lasoo celin doonaa, mayee mid cusub ayaa deg deg loo dhisayaa, lama dhisayee sidaan inay ku kala tagto ayay u badan tahay alle ayaanse leenahay, mayee hadaan la yeelin sida siyaasi hebel yiri wallaan la isku soo noqonayn, doorashadii Deni waday waa nooga dartay, noogama darine siyaasiiyiin ayaa diiday in dadku codkooda dhiibtaan, horta meeye madaxdii xisbiyadu, waa kala yaaceen, Madashii midowgii mucaaradku ma intaan bay keeneen oo noo wadeen, ma keenine Deni baa keenay, Deni ma keenine siyaasiyiinta reer nugaaleed ayaa sababta lahaa iyo hadalo kale oo badan oo aan waxba qabanayn noloshoodana godka kusii socota iyo dhaqaale xumada ay wajayaan.

Koox kale oo ahayd kuwa ka shaqaysta qaadashada qandaraasyada ay hay’aduhu baxshaan iyo kuwa dowladaba xoogaa lacago ahna akoonada ugu u jirto waxaa ay iska waraysanayaan meeshaan halkii looga bixi lahaa dhaqaale xumada jirta owgeed. Oo waxaabay ay taagan yihiin tani rajo dhow malahee sideen caruuraha uga kaxaysanaa, oo maxaan kaxaysanaa diyaaradba masoo dagtee, oo haddii aan Gaalkacyo iyo Bosaso aadno armaa maleeshiyaadka reer hebel jidka aano noogu dilaan oo aan u dhimanaa, waa khatar jirta taasina, nafteedan ma halagi karnee, barteena ayaan joogaynaa, oo maxaan qabanaynaa, waa inaan ka fakarnaa sidaan ugu noolaan lahayn, meel il laga la'yahay hadaad tagto il baa la iska ridaa marka waa inaan dadkeena iyo deegaankeena ku noolaanaa, magaalo hebla lama aadi karo oo reerkayaga iyo reerkaas ayaantaan dad badan ayay iska dileen walina k**a heshiin, cid qandaraas haysaa ma jirtaa horta? ma jirto, kaalay waa maxay fursadaha ugu badan ee hadda furan dhanka qandaraasyadii, maanta waxa ugu badan oo laga ganacsan karaa waa hubka, ka ganacsiga hubku waa xaaraan, oo maanta ma xalaal ayaa la hayaa horta, mar baa bakhtigu kuu banaan yahay, fursadi sii dayn malahee aan raadino sidaan hub badan oo aan ka ganacsano magaalada u keeni lahayn, waa war cad ee inagu dhaqaajiya shaqadaas.

Qaarkood ayaa abuuraya fursado cusub oo ay qandaraasyo ku helaan, oo waxa ay heleen furasdii ka ganacsiga hubku muhiim tahay, maantana waxa ugu badan ee la kala iibsado suuq na leh uu yahay noocyada kala duwan ee rasaasta iyo hubka aadna gobolka looga baahan yahay. Rasaasta iyo noocyada kale ee hubka suuq ha yeelato hana loo baahdee waxaa badankeeda laga keenaa gobolka Bari. kooxda ganacsigaan cusub abuuraysaana ma aamini karaan ganacsatada hubka ee ay rabaan inay wax ka gataan mana aadi karaan oo in aano reereed loo dilo ama laga dhaco waa sahlan tahay haddii uu aaddo Bari waa shaki la’aan inay labadaas midi dhacayso. Waxaa ay keeneen fikir cusub oo ay ku abuuranayaan koox kale oo ay faaiido wadaag yihiin hubkana ka wada ganacsadaan, markaan waxaa ay heleen saaxiibo aysan horay wax wadaag u ahayn aqoon fiicanna isu lahayn balse dantu baday inay la xariiraan, isbarasho iyo sheekaysi dheer ka dib waxaa lagu heshiiayay in faaiido wadaag la noqdo, dhowr codsi oo hub iyo rasaas ah oo ay dalbadeen qaarna waa u yimid qaarna waa ay sugayaan wali, tiro laba jeer kabadan waxaa laga dhacay lacag ay dirsadeen oo kii ay direen ayaa naftiisa kaga maarmi waayay, marka kala na waxaa la dhacay rasaastii iyo hubkii ay saaxiibadoodii cusbaa ee ay ganacsiga wada abuurteen ka gateen, cidda dhacaysaa maahan balo cirka uga soo dhacday ee waa saaxiibadoodii cusbaa ee ay wax kala gdanayeen. Waxaa ku dhashay inay is muujiyaan hantidoodana aan cayaar lagu qaadan oo ay nimankaas hantidooda dhacay ka aarsadaan, waxaa ay abaabulayeen shirar ay sheegayaan in hanti laga dhacay haddii aan loo soo Celina ay qaadan doonaan hantida reer behel ee Garowe taal sida guryo ay leeyihiin shakhsiyaad ay isku reer yihiin qolyaha hubka dhacay iyo baabuur ka timaada bariga oo magaalada keena raashinka.

Waxaa ay shirinayaan maleeshiyaad ay isku reer yihiin una sheegayaan in lacag aad u badan iyo hub ay beeshu leedahay ka dhaceen ganacsato reer hebel ah ayna tahay in la tuso awoodda reerka. dhalinyaro ay isku reer yihiin oo Social meedhiyaha aad wax usoo dhigta ayaa ay yeeraayaan, odayaal ayaa dhaar iyo gooddi isku daraya, qaar ayaa sheegaya inay jirto guryo iyo dhulal ay magaalada ku leeyihiin reerka wax dhacay haddii aan la helin ay qaadan doonaan hantidaas. ku darsoo odayaasha sidaas ku hanjabaya mid ka mid ah ayaa dagan guri kiro oo uu leeyahay in ay isku reer yihiin nimanka wax dhacay, waxaana uu niyadda gashaday amaad kan sii haystaa oo haddii la waayo hantidaas maqan aad gurigaan qaatadaa.

Maleeshiyaadka la shirayay ayaa isbaarooyinka yaal jidka dheer ee isku xira Bosaso iyo Garowe ku dilaysa darawo ay u malaynayaan in ay isku reer yihiin qolyihii hubka dhacay balse xaqiiqadu waa inaysan isku reer ahayn kaliyana ay wadaagaan inay reer bari wada ahaayeen, baabuurta darawaladoodii la dilay ayaa siday raashin iyo agab kale oo ay soo gateen ganacsato reer Nugaaleed ah una raran magaalada Garowe. Fal celin ka dhalatay baabuuraydaas la dilay ayaa Iyana gobolka bari ka abuuraysa xanaaq badan iyo inay maleeshiyaad u dhashay dadkii la laayay inay raadsaan cid ay maleeyaan inay isku reer yihiin balse waxaa ay dilayaan qolyo kale oo aan ahayn kuwii reer nugaaleedka ahaa ee wax dilay balse ah reer Mudug ama reer Ciideedka Itoobiya. waxaana halkaas ku joogsanaya dhammaan isku socodkii ganacsiga ee gobolada waxaana la waayayaa baabuur Bosaso raashinka iyo agabka kale ee maciishada kasoo qaada keentana gobolada kale.

Xaalka nolosha dadka ku haray magaaladu waa allow sahal, ganacsato ka faaiida qaska iyo qalalaasaha ayaa aad sare ugu qaaday qiimaha cuntooyinka daruuriga ah dadka magaalada joogaan inkaar iyo nacalad oo dhan ayaga ayay dusha ka saarayaan maadaama cuntooyinkii ku qaaliyeeyeen. Dhibaatada jirtaase waa in ganacsatada lafteeda uu hasyto culays badan oo ah dakadii Bosaso ee wax lagala soo dagi jiray ay balo kale ku loolamayso in ka badan 100 isbaarana looga qaato lacag aan go’nayn cadadkeedu uuna jaangooyo wiilka qoriga wataa ee wadadu u xiran tahay iyo in la waayay baabuur wax soo qaadda ka dib isku dhaca iyo dilalka beelaha. hadana sidaas oo jirtaa ganacsatadu marwalba waxaa ay lacagtaas isbaarooyinka ku dalacaan oo ku daraan dadka shacabka ah balse dadka ayay u sheegaan in dhibtu tahay isbaarooyinka iyo nidaam darada.

Qaybta 2aad, Gobolka Bari -

20/06/2023

Barakac xoog leh ayaa ka xalay saqdii dhexe ka. Bilowday magaalada Garoer ka dib markii maleeshiyo beeleed hubaysani gudaha usoo galeen xaafadaha magaalada dhexdeeda.

Maleeshiyaadka ayaa dadka u sheegayay inay meesha isaga baxaan naftoodana kala cararaan maadaama dagaal dhici karo.

15/06/2023

Garoowe: Xildhibaan Dhaashane oo ka tirsan mudanayaasha Baarlamanka Puntland ayaa koox hubaysan ku weerartay hoygiisa, xilli maanta uu si adag uga hadlay doorashada degmooyinka Nugaal ee aan la qaban.

Dadka caasimadda qaar ayaa sidoo kale caawa dariiqyada ku arkay digniin ku socota Baarlamanka oo loogu baaqay in aysan u furin Dastuurka.

Amniga magaalada garowe ayaa u muuqda mid faraha kasii baxayo ka dib markii maleeshiyo beeleedyo hubaysan iyo kooxo siyaasiyiin ahi soo galiyeen magaalada maleeshiyaad hubaysan oo dadka dil iyo dhacba u gaysta xiliga da maalintii iyo hamaynkiiba.

Puntland weli waxa aan weli xal laga gaadhin qabashada doorashada golaha deegaanka Garoowe, Godobjiiraan iyo Dangorayo oo mucaaridka ay diiddan yihiin.

Address

Garowe

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Puntland News Network posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Share