Puntland Love

Puntland Love Ku Soo Dhawaada inta Puntland Jecel "Puntland Hanoolaato waa Gobee"
(3)

16/03/2023
30/12/2022
21/12/2022
28/05/2022
26/02/2022
11/02/2022
07/02/2022
01/02/2022
31/01/2022
24/01/2022
23/01/2022
21/01/2022

FAALLO KOOBAN

Shan kursi oo kamid ah Xubnaha Aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, ayaa lagu wadaa in Sabtida berri ah lagu doorto Caasimadda Garoowe.

Guddiga Hirgelinta Doorashada heer Puntland, ayaa maanta dhammaystiray diiwaan-gelinta dadka u sharraxan Kuraastaas, ee buuxiyay Shuruudaha laga doonayo.

Haddaba, waxaan halkaan ku soo gudbinaynaa faallo kooban oo ku saabsan dadka loo saadaalinayo in ay ku soo baxaan Doorashada berri.

Cabdi Ibraahim Warsame Qawdhan: Wasiir ku xigeenka Maaliyadda Puntland oo kursigiisa laga soo doorto degmada Taleex ee Gobolka Sool u dhashay Beesha Nuur Axmed (Dhulbahante).

Axmed Cabdi Xaashi Axmed Taajir: Taliye ku xigeenkii h**e ee Booliiska Soomaaliya xilligii Cabdullaahi Yuusuf, oo kursigiisa laga soo doorto degmada Galdogob ee Gobolka Mudug una dhashay Beesha Maxamed Mu’min (Leelkase)

Cabdullaahi Xasan Rooble: Wasiru-dowlaha Waxbarashada Puntland, oo kursigiisa laga soo doorto xarunta Gobolka Cayn ee Buuhoodle, kana soo jeeda Beesha Hayaag (Dhulbahante).

Cali Yuusuf Cali Xoosh: Xildhibaan heer Federaal ah, islamarkaana Xilal kala duwan ayuu ka soo qabtay Puntland, oo laga soo doorto Gobolka Nugaal Caasimadda Garoowe, una dhashay Beesha Ciise Maxamuud (Majeerteen).

Cabdullaahi Bidhaan Warsame: Xildhibaan iyo wasiir heer Federaal ah, oo laga soo doorto degmada Xuddun ee Gobolka Sool, una dhashay Beesha Naaleeye Axmed (Dhulbahante).

Puntland Post

21/01/2022
18/01/2022
16/01/2022
16/01/2022
08/01/2022
07/01/2022
13/12/2021
10/11/2021

Wasaaradda Waxbarashada dowladda Puntland, ayaa ku amartay mac-hadka Islaamiga ah ee Khadiija in aysan dib dambe u isticmaalin buug ku qoran Af-Soomaali oo dagaal ooge ku tilmaamay madaxweyne, Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

Mas’uuliyiinta mac-hadka Khadiija oo ku yaalla magaalada Garoowe ayaa looga yeeray xarunta wasaaradda, waxaana su’aalo laga weydiiyay buuggaas oo muran ka dhaliyay baraha bulshada, kadiba waxa lagu amray in ay joojiyaan.

Wasaaradda ayaa sida la xaqiijiyay la wareegtay buuggaas, oo mac-hadka Khadiijo u isticmaali jiray mid laga tixraaco taariikhda dad ay ku jiraan Col. Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo Gen. Maxamed Faarax Caydiid.

Dhinaca kale, wasaaradda Caddaaladda Puntland ayaa maanta shaacisay in dhammaan la diiwaan-gelin doono dugsiyada Qur’aanka iyo macaa’hidda diiniga ah ee ku yaalla Puntland.

Puntland Post

22/10/2021
05/10/2021

Address

Agagaarka Injida
Garowe

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Puntland Love posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Puntland Love:

Share

Category