Warar Sugan media

Warar Sugan media you can get sure news every day i will hope always prasent thnks
(1)

24/02/2024

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo dhawaan Dib loo doortay ayaa labadii asbuuc ee ugu dambeysay samaynayey la tashiyo la xiriira Soo xulista Golihiisa wasiiradda, waxaana gabaabsi ah 30kii cisho ee Baarlamanka Puntland ugu kordhiyee Mudadadii dastuuriga ahayd ee uu ku so xuli lahaa Wasiiradda cusub, waxaa jira dhinacayo badan oo loolan ugu jira inay xukuumadda cusub ka so dhexmuuqdaan, waxana durba suuqa yaala magacyo badan oo wasiiro loo saadaalinayo. madaxweyne Deni ayaa maraya imtixaan siyaasaded kaas ah qancinta beelaha puntland oo mid kastaa doonayso Xilal Muhiima.

Maxkamadda Caalmiga ah ee ICJ ayaa diiday doodda ugu weyn ee Kenya ee ku doodaysay inuu jiro xad u dhexeeya Soomaaliya i...
12/10/2021

Maxkamadda Caalmiga ah ee ICJ ayaa diiday doodda ugu weyn ee Kenya ee ku doodaysay inuu jiro xad u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya oo la barbar ah xariiqa loolka.

Maxkamadda ICJ sidan ayey u calaameysay xuduud badeedka Soomaaliya iyo Kenya. Sida ka muuqata sawirka hoose, inta badan dhul-badeedkii ay sheegatay Kenya waa la diiday, hase yeeshee inyar ayaa sidoo kale laga reebay dhul-badeedkii ay sheegatay Soomaaliya, oo ka billaabata kadib 12 mile xariiqda tooska ah ee ku aadan xuduuddda dhulka.

Warar Sugan media

DEG-DEG:Isku-aadka Koobka Kubadda Cagta gobollada Puntland oo la soo saarayWarar Sugan media
25/07/2021

DEG-DEG:Isku-aadka Koobka Kubadda Cagta gobollada Puntland oo la soo saaray

Warar Sugan media

Ramla Cali iyo Cali iidow Xasan Oo Somaliya ku matali doono Olimbikada aduunka ayaa caawa geeyay Calanka Somaliya dalka ...
23/07/2021

Ramla Cali iyo Cali iidow Xasan Oo Somaliya ku matali doono Olimbikada aduunka ayaa caawa geeyay Calanka Somaliya dalka Japan.

Waa Sawirada Ramla oo kor u sida Calanka Somaliya. 202 wadan ayaa calamadooda lagu soo bandhigay Tokyo

Cali Iidow Xasan wuxuu Ordi doonaa Orodka fudud ee 800 mitir. Iyo Ramla Cali oo Feertami doonta

Warar Sugan media

Fariintaan ayaa loo diray Xildhibaanada golaha shacabkaBeri oo Isniin ah oo ay Tar 08 February, waxaa jira Kulan weynihi...
07/02/2021

Fariintaan ayaa loo diray Xildhibaanada golaha shacabka

Beri oo Isniin ah oo ay Tar 08 February, waxaa jira Kulan weynihii Golaha Shacabka.
Agendaha
1. Akh3aad ee W/Kabadelka Sharciga Waxbarashada Heerka 1aad,2aad iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya
2. Warbixin ku sahabsan wax - qabadkii 100 maalmood ee XJFS (qaybin)
Saacadu waa 09:00 subaxnimo

Warar Sugan media

Beesha Caalamka, Ben Fende(UK), Yamamoto (USA) iyo James Swan (QM) ayaa diiday in la qabto shir Jaraa'id oo uu qaban lah...
05/02/2021

Beesha Caalamka, Ben Fende(UK), Yamamoto (USA) iyo James Swan (QM) ayaa diiday in la qabto shir Jaraa'id oo uu qaban lahaa Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, markii uu soo dhamaaday kulan aan natiijo kasoo bixin oo ay maanta lahaayeen dhinacyada ku shirsan DhuusaMareeb

Sidaas oo kale warar ayaa sheegaya in Fadhigii baarlamaanka ee berrito qorsheysnaa, kaas oo M/weynaha DFS kula hadli lahaa dib loo dhigay, dalab ka yimi Beesha Caalamka.

Hadda labada dhinacba Handaad toos ah ayaa uga timi UK, USA iyo QM oo kuwajahan Hoggaamiyayaasha Soomaalida ee kuraasta isku haysta

Warar Sugan media

Kadib weerarkii maalintii Axadda Hotel Afrik maanta ayaa dib loo furayWarar Sugan media
05/02/2021

Kadib weerarkii maalintii Axadda Hotel Afrik maanta ayaa dib loo furay

Warar Sugan media

Madaxweyne Farmaajo ayaa gaaray magaaladda Dhuusamareeb hadaWarar Sugan media
01/02/2021

Madaxweyne Farmaajo ayaa gaaray magaaladda Dhuusamareeb hada

Warar Sugan media

Raysal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa galabta gaadhay magaalada Dhuuso-marreeb halkaas oo uu ka furmay...
01/02/2021

Raysal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa galabta gaadhay magaalada Dhuuso-marreeb halkaas oo uu ka furmayo shirka dawladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul gobolleedyadu

Qaar ka mid ah madaxda maamul gobolleedya ayaa iyana soo gaadhay Dhuuso-marreeb

Shirkan waxa laga hadli doonaa khilaafka ka taagan doorashada Soomaaliya

Warar Sugan media

Sida ay sheegayaan warar dheeraad ah oo kasoo baxaya Xaduuda ay wadaagan Kenya iyo Soomaaliya, gaar ahaana Aaga Balad-Xa...
01/02/2021

Sida ay sheegayaan warar dheeraad ah oo kasoo baxaya Xaduuda ay wadaagan Kenya iyo Soomaaliya, gaar ahaana Aaga Balad-Xaawo ayaa sheegaya in uu iska horimaad dhexmaray ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee kusugnaa Xaduudka iyo Ciidanka Kenya

2 kamid ah Askarta Kenya ayaa la xaqiijinayaa in ay geeriyoodeen, Goobjoogayaal ayaa xaqiijinaya in ciidanka Kenya ay rasaasta bilaabeen, ka dibna u jawaabeen ciidanka Gorgor ee xoogga dalka

Warar Sugan media

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Laftagareen oo gaadhay Dhuusa mareeb halkas oo la filayo in madaxda Somalidu isugu timaado ...
01/02/2021

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Laftagareen oo gaadhay Dhuusa mareeb halkas oo la filayo in madaxda Somalidu isugu timaado manta

Warar Sugan media

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku dhawaaqay inuu 9-ka February hortagayo Baarlamaanka, isagoo ...
01/02/2021

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku dhawaaqay inuu 9-ka February hortagayo Baarlamaanka, isagoo ka warbixin doona waxqabadka 100 maalmood ee xukuumadiisa

Warar Sugan media

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug, maanta waxaa lagu wadaa inuu ka furmo shir u dhaxeeya M...
01/02/2021

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug, maanta waxaa lagu wadaa inuu ka furmo shir u dhaxeeya Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya Iyo kuwa Maamul gobaleedyada.

Shirkan oo uu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ku baaqay sabtigii in la iskugu yimaado kadib kulan uu la qaatay xubnaha beesha caalamka, ayaa looga hadli doonaa arrimaha cakiran ee Doorashada Soomaaliya.

Shirka oo socon doona muddo saddex maalmood ah ayaa sidoo kale looga arrinsan doonaa sida lagu xalin karo khilaafka ka taagan doorashada oo ugu weyn yihiin arrinta Gobalka Gedo, Guddiyada doorashada ee magacaaban iyo arrinta Xildhibaanada Gobolada Waqooyi.

Ammaanka guud ee Magaalada Dhuusamareeb ayaa siweyn loo adkeeyay, iyadoona sugida amniga ay iska kaashanayaan laamaha amniga Galmudug iyo kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya, Madaxda ayaana lagu wadaa inay maanta galinka dambe halkaasi gaadhaan

Warar Sugan media

Inqilaab Millateri ayaa ka dhacay dalka Myanmar, ciidamada oo ka cabanaya in doorashooyinkii dalkaas lagu shubtay ayaana...
01/02/2021

Inqilaab Millateri ayaa ka dhacay dalka Myanmar, ciidamada oo ka cabanaya in doorashooyinkii dalkaas lagu shubtay ayaana xukunka xoog kula wareegey saaka arootii.

Hoggaamiyihii waddankaas Aung San Suu Kyi, madaxweynihii Mr- Win Myint iyo shaqsiyaad kale oo sarsare oo katirsan xisbiga xukuma dalkaas ayey millaterigu xabsiga dhigeen.

Dowladaha caalamka oo uu ku jiro Mareykanka ayaa cambaareeyey afgambiga Myanmar.

Warar Sugan media

  Gen.Maxamed Nuur Galaal ayaa ka mid ah dadkii ku geeriyoday wareerki lagu qaday hotel afrik ee muqdishoWarar Sugan med...
31/01/2021

Gen.Maxamed Nuur Galaal ayaa ka mid ah dadkii ku geeriyoday wareerki lagu qaday hotel afrik ee muqdisho

Warar Sugan media

31/01/2021

Dad waynaha ku sugan Magalada Galkacyo oo aan makarafoonka la dhex qaadnay yaa u codayn layd inuu noqdo madaxwaynaha Somaliya

Jubbaland oo shaacisay Liiska Xubnaha Gudiga Maamulka Doorashada Qaranka heer Dowlad goboleed ee Jubbaland.Dowlada Gobol...
28/01/2021

Jubbaland oo shaacisay Liiska Xubnaha Gudiga Maamulka Doorashada Qaranka heer Dowlad goboleed ee Jubbaland.

Dowlada Goboleedka Jubbaland Waxay sii daynaysaa liiska Xubnaha Gudiga Maamulka Doorashooyinka Qaranka ee heer Dowlad Goboleed oo kala ah:-

1. ๐’๐ข๐ฒ๐š๐š๐ ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐ฆ๐ž๐ ๐Œ๐ฎ๐ซ๐ฌ๐š๐ฅ
2. ๐€๐ฑ๐ฆ๐ž๐ ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐ฆ๐ฎ๐ฎ๐ ๐‚๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ
3. ๐€๐ฑ๐ฆ๐ž๐ ๐‚๐š๐›๐๐ข ๐๐ฎ๐ฎ๐ซ
4. ๐’๐š๐ฆ๐ฌ๐š๐ฆ ๐…๐š๐š๐ซ๐š๐ฑ ๐€๐›๐ฎ๐ฎ๐ค๐š๐ซ
5. ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐ฆ๐ž๐ ๐‚๐ฎ๐ฌ๐ฆ๐š๐š๐ง ๐†๐š๐š๐›
6. ๐ˆ๐›๐ซ๐š๐š๐ก๐ข๐ฆ ๐€๐š๐๐š๐ง ๐ˆ๐›๐ซ๐š๐š๐ก๐ข๐ฆ
7. ๐€๐ฑ๐ฆ๐ž๐ ๐˜๐ฎ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐Ÿ ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐ฆ๐ž๐
8. ๐€๐›๐ฎ๐ฎ๐ค๐š๐ซ ๐๐ฎ๐ฎ๐ซ ๐‚๐š๐›๐๐ข

Warar Sugan media

Puntland ayaa waxaa ay shaacisay xubnaha Guddiga Doorashada Federaalka ee Puntland kuwaas oo kale ah:1 Cabdikariim Muuse...
28/01/2021

Puntland ayaa waxaa ay shaacisay xubnaha Guddiga Doorashada Federaalka ee Puntland kuwaas oo kale ah:

1 Cabdikariim Muuse Maxamuud
2 Muuse Cabdulqaadir Ducaale
3 Axmed Cabdi Maxamuud
4 Caynaanshe Yuusuf Xuseen
5 Caydaruus Axmed Faarax
6 Cabdirisaaq Cabdulle Faarax
7 Farxiya Xuseen Maxamuud
8 Canab Xaaji Saleebaan Warsame

Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in Jabuuti Kenya ku taageertay faro-gelinta arrimaha gudaha SoomaaliyaWasiirka Warfa...
27/01/2021

Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in Jabuuti Kenya ku taageertay faro-gelinta arrimaha gudaha Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta oo hadda hadlaaya ayaa sheegay in guddi ka socda Jabuuti sheegeen in Kenya aanay faro-gelin ku hayn arrimaha gudaha Soomaaliya taas oo uu sheegay in ay been tahay.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa raali-gelin degdeg ah ka dalbatay Jabuuti

Warar Sugan media

WAR DEG DEG AH:Baarlamanka Puntland ayaa xilkii xildhinanimo ka xayuubiyey 8 mudane oo mucaaridsanaa Guddoomiyaha Baarla...
03/12/2020

WAR DEG DEG AH:

Baarlamanka Puntland ayaa xilkii xildhinanimo ka xayuubiyey 8 mudane oo mucaaridsanaa Guddoomiyaha Baarlamanka Cabdirashiid Yuusuf. 35 mudane ayaa gacanta u taagtay.

Xildhibaannada xilka laga qaaday ayaa kala ah:

1.Xildhinaan Cabdijamal Cismaan
2.Xildhibaan Cabdiqani surato
3.Xildhibaan Muuse Jajabsay
4.Xildhibaan Baduugaaye
5.Xildhibaan Maxamuud Maxamed Barre
6.Xildhibaan Saleeban Faarax.
7.Xildhibaan Cabdiraxman Dhoore
8.Xildhibaan Maxamud Axmed Caalim

Warar Sugan media

SAWIRRO: is qab qabsi  maanta ka dhacay Golaha Wakiillada PuntlandWarar Sugan media
30/11/2020

SAWIRRO: is qab qabsi maanta ka dhacay Golaha Wakiillada Puntland

Warar Sugan media

Dowladda Soomaaliya ayaa u yeeratay safiirkeeda Kenya Mudane Tarsan, waxaana sidoo kale  dalka laga saaray safiirka Keny...
29/11/2020

Dowladda Soomaaliya ayaa u yeeratay safiirkeeda Kenya Mudane Tarsan, waxaana sidoo kale dalka laga saaray safiirka Kenya ee Soomaaliya.

Tallaabadan waxay dawladda Soomaaliya ku micnaysay faragalinta ay Kenya ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya gaar ahaan deegaanada Jubbaland.

Maamulka Gobolka Bari ayaa ku dhawaaqay in magaalada Boosaaso ay ka jirto Xalaad Deg-deg ah, isla markaasna ilaa 5,000 o...
23/11/2020

Maamulka Gobolka Bari ayaa ku dhawaaqay in magaalada Boosaaso ay ka jirto Xalaad Deg-deg ah, isla markaasna ilaa 5,000 oo qoys oo ah barakacayaal ah ay u baahan yihiin cunto iyo hoy', kaddib saacado badan oo ay hayeen Roobab

Warar Sugan media

 : Joe Biden ayaa noqday madaxweynahii 46aad ee uu dalka Maraykanka yeesho, kaddib markii uu ku guuleystay doorashadii m...
07/11/2020

: Joe Biden ayaa noqday madaxweynahii 46aad ee uu dalka Maraykanka yeesho, kaddib markii uu ku guuleystay doorashadii maalmahaan ka socotay waddanka mareynkanka.

Warar Sugan media

 : Madaxweynaha Turkiga aya shacabkiisa ugu baaqay in aan la iibsan wax soo saarka Wadanka Faransiiska si looga jabwaabo...
26/10/2020

: Madaxweynaha Turkiga aya shacabkiisa ugu baaqay in aan la iibsan wax soo saarka Wadanka Faransiiska si looga jabwaabo weerarka Xukuumadda Paris ay ku heyso islaamka.

SHARE dhaha

Warar Sugan media

08/08/2020

Muqdisho: Qarax is miidaamin ahaa oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha Qarxa oo lagu weeraray Xerada guutada 27-aad ee Ciidanka Xoogga dalka.

Saxaafada xamar ayaa sheegaya in Qasaare dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay Qaraxaasi walow aan la ogeyn inta uu la eg yahay qasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee Qaraxaasi uu sababay.

Bursaalax: Xaflad si weyn loo soo agaasimay ayna ka soo qayb galeen Madaxweynaha Dawladda Puntland Saciid Cabdulaahi Den...
06/08/2020

Bursaalax: Xaflad si weyn loo soo agaasimay ayna ka soo qayb galeen Madaxweynaha Dawladda Puntland Saciid Cabdulaahi Deni, Wasiiro, Xildhibaano, Isimo iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa caawa ka dhacday degmada Bursaalax ee gobolka Mudug.

25/07/2020

DEGDEG: 170 Xildhibaan oo katirsan Golaha Shacabka ayaa codka kalsoonida kala laabtay Xukuumada Raโ€™iisul wasaare Xasan Cali Khayre sida uu iisheegay Xildhibaan Mahad Salaad

Warar Sugan media

Madaxweyne Farmaajo iyo Axmed Madoobe ayaa hadda kulan gaar ah u fadhiya, is-araga labada nin ayaa aad muhiim ugu ah hor...
19/07/2020

Madaxweyne Farmaajo iyo Axmed Madoobe ayaa hadda kulan gaar ah u fadhiya, is-araga labada nin ayaa aad muhiim ugu ah horusocodka shirarka Dhuusamareeb ka socda. Dhinaca kale waa markii ugu horaysay oo labada masโ€™uul ay fool ka fool isu arkaan. Wixii ka soo baxa kulanka maanta la soco dhowaan
Fiiro Gaar ah: Sawirka waa mid h**e

Warar Sugan media

Madaxweyne Farmaajo oo galabta u socdaalaya magaalada Dhuusamareeb oo uu ka socdo shirka Maamul-gobolleedyada Soomaaliya...
18/07/2020

Madaxweyne Farmaajo oo galabta u socdaalaya magaalada Dhuusamareeb oo uu ka socdo shirka Maamul-gobolleedyada Soomaaliya

Warar Sugan media

Address

Roorshe
Garowe
12345

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Warar Sugan media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category



You may also like