Puntland Live Media

Puntland Live Media Like saar Page-ka Puntland Live, si aad u heshid warar, wareysiyo iyo warbixino xaqiiqo ah

04/02/2023
23/01/2023

Ma Horumar baa Boosaaso Ka Socda Mise Hagrasho?

Boosaaso (Ra’yi) — Magaalo ganacsiyeedka Puntland ee Boosaaso ayaa ah mid ay ka dheceen heshiisyo beddelay lahaanshaha dekedda kaddib markii maamul h**e uu heshiis la galay shirkad laga leeyahay Imaaraadka. Hab siyaasadeedka Puntland ayaa sababay in ilaa hadda aan la ogeyn heshiiskaas qodobbadiisa waayo Madaxweyne Siciid Deni ayaa sanadkii h**e sheegay inuu dib u eegis ku sameeyay heshiiska oo uu ku tilmaamay mid Punland aysan wax ka faa’iidin. Sida wax uu uga beddelay heshiiska ma cadda, waayo heshiisku weli mugdi ayuu ugu jiraa.

Heshiisyada aan daahfurnaanta lahayn uma loogi karaaan oo keliya kaabayaasha dhaqaalaha shirkado shisheeye, waxa ay caadeyn karaan heshiisyo sharci-darro ah oo lagu lunsado hanti dadweyne.

Dadka Puntland waxay xaq u leeyihiin inay ogaadaan faahfaahinta heshiisyada dowladda Puntland ku gasho kaabayaasha iyo dhulka Puntland. Sanadkii h**e baarlamaanka Puntland wuxuu soo bandhigay sharcidarrada badda Puntland ay kaga kalluumaystaan maraakiib haysta shatiyo lagu bixiyay magaca Puntland. Ma jirto dowlad Puntland oo soo bandhigtay dakhliga ka soo xerooda maraakiibta haysata shatiyo kalluumeysi ay Puntland bixisay.

Boosaaso way u baahan tahay maalgelin, laakiin waa in maalgelintu noqoto mid ka duwan heshiiyadii h**e oo weli aan la ogeyn qodobbada ay ku salaysan yihiin iyo sida loola xisaabtamayo dhinaca heshiiska lala galay.

Waxgaradka, isimada, siyaasiyiinta iyo dhammaan qaybaha bulshada waxay xaq u leeyihiin inay wax ka ogaadaan waxa ka socda magaalada Boosaaso iyo deegaannadda Gobalka Bari iyo Gardafuu. Isku milanka baarlamaanka iyo madaxtooyadu kuma waajibinayso dadka Puntland inay xog-moogeyaal ka sii ahaadaan heshiisyo iyo waxqabadyo noloshooda saamyn kara. Waa inay dowladda ka dalbadaan isla xisaabtan haddii xildhibbaannadu xaalkoodu u eg yahay af wax cunay xishoo.

W.Q. Siyaad Cali Jaamac

06/01/2023
06/01/2023
30/12/2022
21/12/2022
Dheeman iyo Messi.
20/12/2022

Dheeman iyo Messi.

17/12/2022

Qaadka oo farakulul ku haya Puntland iyo qoyska Madaxweyne Deni oo ka ganacsada.

07/12/2022
UAE oo ugu damayn isku ballaarinaysa Bossaso iyo Sanaag. Xogo laga helay saraakiil sarsare oo ka tirsan Puntland ayaa sh...
07/11/2022

UAE oo ugu damayn isku ballaarinaysa Bossaso iyo Sanaag.

Xogo laga helay saraakiil sarsare oo ka tirsan Puntland ayaa sheegaya in maalmihii ugu dameeyay ay UAE kasoo dejinaysay garoonka diyaaradaha Bossao. Hubka ayaa la sheegay inuu ku jiraan baabuurta qafilan, madaafiic iyo hubka darandooriga u dhaca , qalab tababar iyo tasiilaad kale oo ciidan.

Wararku waxay sheegayaan in hubka iyo qalabku qayb ka yahay heshiis dhawaan ay wada galeen Puntland iyo dowladda Federaalka oo UAE ay garwadeen ka tahay kaas oo ah in xerada ciidamada Badda ee PL ee Bossaso lagu tababaro ciidamo kumanaan gaaraya oo federaalka ka imaanaya . Halka Puntland loogu darayo ilaa 2,000 oo askari oo si gaara uu u soo xushay MW Deni. Ciidankaan ayaa lagu qalabayn doonaa hubka iyo qalabka ay UAE siiso kuwa ay tababarto ee heer federal. Tababarka waxaa la sheegayaa inay bixinayaan khubaro ciidan oo Masaari ah.

Dhanka kale , waxaa casumaad rasmiya ku jooga UAE , suldaanka guud ee beelaha Warsengeli , waxaana la sheegayaa in safarku la xiriiro sidii Suldaanka uu u ogolaan lahaa in dhulka buuraah iyo xeebta ee Warsengeli ,gaar ahaan aaga Cadcado ay u degi lahaayeen ciidamo iyo shirkado ka socda UAE.

Lama oga in safarka Suldaanka uu fududeeyay MW Deni iyo in kale oo si iskood ah ay UAE ugu yeeratay , balse waxaan shaki ku jirin in Imaaraadku indhaha ku hayaan macdanta gobolka sanaag, ayna doonayaan inay u helaan qaab ay saxiix uga helan Suldaanka.

Puntland Live Media

"Aaranjaan waxaan u arkaa dad anshaxa siyaasadda xumeeyey, waxaana ay ahaayeen qodax siyaasadeed oo dawladnimada ka baxd...
01/11/2022

"Aaranjaan waxaan u arkaa dad anshaxa siyaasadda xumeeyey, waxaana ay ahaayeen qodax siyaasadeed oo dawladnimada ka baxday" Wasiir-dowlaha Maaliyadda Puntland.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO LA DAGAALANKA ARGAGIXISADA IYO GARGAARKA BANI’AADANNIMADA KALA HADLAY XOGHAYAHA GUUD EE QARAM...
01/11/2022

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO LA DAGAALANKA ARGAGIXISADA IYO GARGAARKA BANI’AADANNIMADA KALA HADLAY XOGHAYAHA GUUD EE QARAMADA MIDOOBAY

Algiers, Nofeembar 01, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka Al-jeeriya uga qeyb galaya Shir Madaxeedka dalalka Jaamacadda Carabta ayaa halkaas kulan kula qaatay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Mudane António Guterres, isaga oo kala hadlay dagaalka dowladdu ay kula jirto Al-shabaab iyo muhiimadda ay leedahay taageerada beesha caalamka si loo soo af-jaro argagixisada.

Madaxweynaha ayaa Xoghayaha guud la wadaagay horumarada ciidamada Soomaaliyeed oo kaashanaya Shacabka ay ka sameeyeen dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, waxa uuna xusay In cunaqabateynta hubka oo laga qaado Soomaaliya ay si weyn u caawineyso dagaalka lagu hayo Argagixisada Somaaliya, tan Gobolka iyo Caalamka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo tilmaamay in dowladdiisa ay ka go’an tahay ciribtirka Al-shabaab ayaa Qaramada Midoobay ka codsaday in ay sii kordhiso taageerada bani’aadannimo iyo tan farsamo ee ay siiyaan dowladda Soomaaliya si loo xaqiijiyo xasiloonida dalka iyo in ciidanka Soomaaliyeed ay la wareegaan kuna filnaadaan ammaanka dalka.

Xoghahaya Qaramada Midoobey António Guterres ayaa bogaadiyay sida dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah ay uga mideysan yihiin ammaanka dalka iyo dhammeystirka dowlad dhiska Soomaaliya, isaga oo intaas ku daray in Qaramada Midoobay ay Soomaaliya ka taageerayaan dagaalka argagixisada, tayeynta ciidanka qalabka sida iyo arrimaha la xiriira Isbedelka cimilada iyo deegaanka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn uga mahadceliyey Qaramada Midoobey taageerada ay siiyaan dowladda Federaalka Soomaaliya, waxa uuna adkeeyay in ay sii wadaan garab istaagga ay dalka iyo dadka Soomaaliyeed u muujiyeen.

DHAMMAAD

01/11/2022

Sidee loo sameeyay astaanta Puntland? Yaase sameeyay?

Xildhibaannada Baarlamanka Puntland ayaa maanta ansixiyay xubnaha cusub ee Maxkamadda sare. Fadhigii saaka ee Baarlamank...
01/11/2022

Xildhibaannada Baarlamanka Puntland ayaa maanta ansixiyay xubnaha cusub ee Maxkamadda sare.

Fadhigii saaka ee Baarlamanka Puntland waxaa soo xaadiray 54 mudane waxaana ay cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen Maxkamadda sare.

53 xildhibaan ayaa u codeeyay ansixinta xubnaha Maxkamadda sare ee magacaaban hal mudane ayaa ka aamusay islamarkaana cid diiday ma jirin.

Xubnaha cusub ee Maxkamadda sare ayaa sidaas ku helay kalsoonida Baarlamanka waxaana lagu dhaariyay isla fadhigaas.

Puntland Post

Bandhig Sawireed Ku Saabsan Hiddaha Soomaalida oo Lagu Qabanayo Maktabadda Milton Keynes.London (Wararka PP) — Taariikhd...
01/11/2022

Bandhig Sawireed Ku Saabsan Hiddaha Soomaalida oo Lagu Qabanayo Maktabadda Milton Keynes.

London (Wararka PP) — Taariikhda Soomaaliya ma wada aha mid ku luntay burburkii dalka ka dhacay kaddib markii matxafyadii la bililiqaystay.

David Tunnicliffe, oo Soomaaliya joogay ahaana bare sawirqaadis ka hor 1991kii, ayaa u guntaday soo bandhigista sawirro dhaxalgal ah uu qaaday dhowr iyo afartan sano ka hor.

Wuxuu sawirrada ku soo bandhigi doonaa Maktabadda Dhexe ee Milton Keynes inta u dhexeysa 2da ilaa 30ka Nofeembar 2022. Golaha Deegaanka Milton Keynes ayaa taageeray bandhigga. Waa bandhiggii ugu horreeyay oo noociisa ah, fursad u siinaya carruurta iyo dhallinyarada Soomaaliyeed ku barbaartay England ama hanaqaadday burburkii kaddib inay arkaan muuqaallo muujinaya fac weynida taariikhda dalkooda hooyo.

Waalidiin badan ayaa qorsheynaya inay carruurta geeyaan bandhigga si ay u soo arkaan bandhigga. Bandhiggu wuxuu furnaan doonaa sagaalka subaxnimo ilaa lixda maqribnimo Isniin ilaa Jimce, iyo sagaalka subaxnimo ilaa shanta galabnimo Sabti kasta inta bandhiggu socdo.

Xigasho: Puntland Post

Rag waa shaah: Mustafe Cagjar iyo Xamse Barre.
20/10/2022

Rag waa shaah: Mustafe Cagjar iyo Xamse Barre.

Waxaan cambaaraynayaa falka fool xumada ah oo lagu carqaladaynayo barnaamijka qof iyo cod ee maanta ka dhacay tuulada li...
16/10/2022

Waxaan cambaaraynayaa falka fool xumada ah oo lagu carqaladaynayo barnaamijka qof iyo cod ee maanta ka dhacay tuulada libaaxo agagaarkeeda.

Dawladda waxaa looga fadhiyaa inay dadkii falkaas geystey soo qabato sharcigana la horkeeno.

Belaayo Madax la qabto bay leedahay ee majjo la qabto ma leh. Arrinkaani waa Farrin ku socota dawladda( wake up call) ee sidaas ha loo fahmo.

W.Q: Siyaasi Axmed Siciid Nuur

Xubno ka tirsan Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC) oo warbaahinta la soo xiriiray ayaa sheegay in ay la so...
16/10/2022

Xubno ka tirsan Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC) oo warbaahinta la soo xiriiray ayaa sheegay in ay la soo deristay cabsi dhanka ammaanka ah, kaddib markii maanta dabley hubaysan ay tuulada Libaaxo ee gobolka Nugaal ku qabsadeen gaari ay la socday xubno ka tirsan TPEC.

Shaqaalaha dowladda Puntland ayaa mushaar qaadan muddo saddex bilood ku dhow (Aug, Sep iyo Oct) xilli Puntland 6 milyan ...
16/10/2022

Shaqaalaha dowladda Puntland ayaa mushaar qaadan muddo saddex bilood ku dhow (Aug, Sep iyo Oct) xilli Puntland 6 milyan oo doolar uga timid dowladda federaalka.

07/10/2022

Maxay Puntland ugu gurman weyday wiilka godku ku dumay? is.gd/ZHckER

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dowladda Puntland, mudane Cabdullaahi Maxamed Xasan ayaa dib maga...
05/10/2022

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dowladda Puntland, mudane Cabdullaahi Maxamed Xasan ayaa dib magacaabay Gudoomiyihii h**e Waxbarashadda Degmada Eyl Mohamed Xaaji Muuse( Xaaji Digir)

08/09/2022
24/08/2022
16/08/2022

Cabdirishiid Gaaab iyo Puntland

13/08/2022
Garoowe, 21 June 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid  Cabdullaahi Deni ayaa maanta kulan la qaatay Agaasi...
21/06/2022

Garoowe, 21 June 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kulan la qaatay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaraddaha iyo Hay’adaha madaxa banaan ee Dowladda.

Kulanka ayaa ujeedkiisu ahaa dardargelinta, ilaalinta xilyada shaqada iyo Tayeynta Shaqada Hay’addaha Dowladdu u hayaan Bulshada, Iyadoo laga duulayo qorshaha dowladda ee ku dhisan waxqabad ay sal u tahay Tayeyn iyo Tiigsi.

Puntland oo laga qadiyay xubnaha Aqalka Sare ku matalaya dib u eedista Dastuurta iyo Jubaland oo labo xubnood ka heshay.
21/06/2022

Puntland oo laga qadiyay xubnaha Aqalka Sare ku matalaya dib u eedista Dastuurta iyo Jubaland oo labo xubnood ka heshay.

28/05/2022
26/02/2022
11/02/2022
07/02/2022
01/02/2022
31/01/2022
24/01/2022
23/01/2022
21/01/2022

FAALLO KOOBAN

Shan kursi oo kamid ah Xubnaha Aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, ayaa lagu wadaa in Sabtida berri ah lagu doorto Caasimadda Garoowe.

Guddiga Hirgelinta Doorashada heer Puntland, ayaa maanta dhammaystiray diiwaan-gelinta dadka u sharraxan Kuraastaas, ee buuxiyay Shuruudaha laga doonayo.

Haddaba, waxaan halkaan ku soo gudbinaynaa faallo kooban oo ku saabsan dadka loo saadaalinayo in ay ku soo baxaan Doorashada berri.

Cabdi Ibraahim Warsame Qawdhan: Wasiir ku xigeenka Maaliyadda Puntland oo kursigiisa laga soo doorto degmada Taleex ee Gobolka Sool u dhashay Beesha Nuur Axmed (Dhulbahante).

Axmed Cabdi Xaashi Axmed Taajir: Taliye ku xigeenkii h**e ee Booliiska Soomaaliya xilligii Cabdullaahi Yuusuf, oo kursigiisa laga soo doorto degmada Galdogob ee Gobolka Mudug una dhashay Beesha Maxamed Mu’min (Leelkase)

Cabdullaahi Xasan Rooble: Wasiru-dowlaha Waxbarashada Puntland, oo kursigiisa laga soo doorto xarunta Gobolka Cayn ee Buuhoodle, kana soo jeeda Beesha Hayaag (Dhulbahante).

Cali Yuusuf Cali Xoosh: Xildhibaan heer Federaal ah, islamarkaana Xilal kala duwan ayuu ka soo qabtay Puntland, oo laga soo doorto Gobolka Nugaal Caasimadda Garoowe, una dhashay Beesha Ciise Maxamuud (Majeerteen).

Cabdullaahi Bidhaan Warsame: Xildhibaan iyo wasiir heer Federaal ah, oo laga soo doorto degmada Xuddun ee Gobolka Sool, una dhashay Beesha Naaleeye Axmed (Dhulbahante).

Puntland Post

21/01/2022
18/01/2022
16/01/2022
16/01/2022

Address

Puntland
Garowe
2432345

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Puntland Live Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Puntland Live Media:

Videos

Share

Nearby media companies



You may also like