Somali Law Notes

Somali Law Notes Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Somali Law Notes, Magazine, Gaalkacyo.

29/02/2024

Kasnimada kiiska luul cabdicasiis.

28/02/2024

SHUUTE!

21/02/2024

Tax lawyers are highly sought-after professionals due to the complexity of the tax system and the importance of proper tax planning and management. Tax lawyers can also help individuals and businesses understand the tax code and the implications of their decisions on taxation

 : Maxk**ada Cadaalada Aduunyada ayaa fadhigi u h**eeyay ka yeelanaysa dhagaysiga Dacwad ay u gudbisay Koonfur Afrika ta...
11/01/2024

: Maxk**ada Cadaalada Aduunyada ayaa fadhigi u h**eeyay ka yeelanaysa dhagaysiga Dacwad ay u gudbisay Koonfur Afrika taasi oo ku tilmaamaysa in Israel ay Xasuuq ka geysatay Gaza.

Garoowe: Guddoomiye kuxigeenka Maxk**ada sare ee Puntland Axmed Sh Cumar Xasan,  ayaa talo sharci kasoo saaray go'aankii...
24/12/2023

Garoowe: Guddoomiye kuxigeenka Maxk**ada sare ee Puntland Axmed Sh Cumar Xasan, ayaa talo sharci kasoo saaray go'aankii ISimada SSC Khaatumo ee ku aadanaa ka bixitaankooda Puntland, Guddoomiye kuxigeenka ayaa sheegay in go'aanka Isimadu uu baalmarsanaa habraaca heshiisyada iyo ka bixistooda.

Most, if not all Law students have come across this image. You may have seen it in Law textbooks or in the offices of At...
19/12/2023

Most, if not all Law students have come across this image. You may have seen it in Law textbooks or in the offices of Attorneys and Advocates.

This image is known as "Lady Justice". The image is based on the Greek goddess Themis − honoured as clear-sighted − and the Roman goddess Justicia − honoured as representing the virtue of justice.

16/12/2023

LLB= Legum Baccalaurens(Bachelor of Laws).
LLM= Legum Magister (Master of Laws)
LLD= (Legum Doctor) (Doctor of Laws).

Latin plurals abbreviate by doubling the first letter, hence "LL". Law is the only profession embedded in Latin, one of the world's oldest languages.

15/12/2023

Judge = garsoore
Jury = xeer-beegti
Law = xeer
Lawyer = qareen
Suspect = eedeysane
Criminal = dambiile
Indictment = dacwayn
Allegation = eedeyn
Conviction = dambi-ku-helid
Acquittal = dambi-ku-waayid
Prosecution = dacwa-ku-oogid
Testimony = marqaati
Procedure = habraac
Appeal = racfaan
Bail = dammiin
Life sentence = xabsi daa’in
Case file = gal-dacwadeed
Judicial review = dib-u-eegis garsoor
Verdict = xukun
Complaint = cabasho
Grievance = wax-tabasho
Victim = dhibbane
Offence = gaf/ dambi
Perjury = been-ku-dhaarasho
Incarceration = xiris
Violation = ku-tumasho/ xadgudub



osman

30/07/2023

قال الله تعالى{يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آَمَنُوا لِمَ تَقُولُونَ مَا لَا تَفْعَلُونَ}
Eebe wayne wuxuu yiri :" dadka xaqa rumeeyayow maxaad u oranaysaan wax aydaan falaynin".
Culimada islaamku waxay ku fasireen aayadan qur'aanka ah in ay ka hadlayso ceebayn iyo cambaarayn uu allah subxaanahu watacaalaa u jeediyay in ruuxu yiraahdo hadal uusan ficil ku xoojinayn , sababtoo ah ku hadlidda hadal bilaa ficil ah waa un laba midkood:
1: inuu yahay hadal been ah oo ruuxa oranaya dhab ka ahayn iyo ;
2: inuu yahay hadal balan burin ah oo inta la yiri waxaasaan samayn balantii laga baxay .
Labadaasna waxay ka midyihiin waxyaabaha allaah ka xarimay adoomadiisa mu'miniinta ah .
Dhanka kale waxaa jirta murti soomaaliyeed oo waafaqaysa aayadan qur'aanka ah taasoo oranaysa :
" waxaanad falayn lama faalleeyo"
Murtidani waxay muujinaysaa in si kastoo ay waxaad faallaynaysaa u qurxoonyihiin ay micno darro un tahay haddii aadan raacin wax fal ah . Waxaa sidaa loo yiri "hadal badan dan baa dhaanta "dantuna waxay ku jirtaa in ruuxu hawl qabto oo uu muujiyo , intuu hadalkeed ama faaladeed uu had iyo jeer wadi lahaa .
Hadaba anaga oo ka faa'iidaysanayna aayadan qur'aanka kariimka ah iyo murtidan qaymaha badan ee soomaaliyeed bulshadeenu waxay maanta baahi wayn u qabtaa inaan ficil u badalno waxyabaha hormarka ka hortaagan ee ay soo falan qaynaysay 30kii sano ee la soo dhaafay .

Raggan Muslimiinta ah waxaa la toogtay daqiiqado kadib sawirkan 1915 kii. Waxay diideen in ay Muslimiin kale la dagaalla...
30/07/2023

Raggan Muslimiinta ah waxaa la toogtay daqiiqado kadib sawirkan 1915 kii. Waxay diideen in ay Muslimiin kale la dagaallamaan.

Waa dagaalkii 1aad ee Adduunka. Waxay ahaayeen Muslimiin Indiyaan ah oo ka tirsanaa ciidanka guumaystihii Ingiriiska ee dalka Hindiya. Wuxuu Ingiriisku keenay Singapore si ay qayb uga noqdaan duullaanka lagu qaadayo Dawladdii Islaamiga ahayd ee Cusmaaniyiinta. Iyagu ma aysan ogayn. Maalintii loo sheegay in Muslimiin kale ay la dagaallamayaan ayay amar-diiddo sameeyeen.

Geeri iyo amar-qaadasho ayaa dookh loo kala siiyay. Rag badan amarkii ayay qaateen. Koox yar oo inta sawirkan ku jira ka mid yihiin waxay doortaan geeri. Waxay u sheegeen janankii ciidamada haystay; "Wax walba xadd aan la dhaafin ayay leeyihiin. Keennu waa in, innaga oo adiga (Ingiriiska/Xoogaggii reer Galbeedka) u dagaallamaynaa, aan Muslim kale ku duulno oo duminno. Geeri ayaan ka xignaa"

Dhammaanteed maalintaa ayaa la wada toogtay. Waxaan Illaahay (swt) ka rajaynayaa in uu shuhadaa u aqbalo. Iimaan iyo aaminaad caqiido sal-adag wa taa. Illaahoow adduunka waa lagu ciilay'e, aakhiro farxad tan ugu sarraysa gaarsii. Dartaa ayay u muttaysteen in sidan loo wada xasuuqo. Adiguna (swt) tadxiyya walbaa waad u qalantaa, yaa Rabb.

Brother Diini

قال الله تعالى (  إِنَّ اللّهَ لاَ يُغَيِّرُ مَا بِقَوْمٍ حَتَّى يُغَيِّرُواْ مَا بِأَنْفُسِهِمْ ) سورة الرعد ١١Eebe wey...
25/02/2023

قال الله تعالى ( إِنَّ اللّهَ لاَ يُغَيِّرُ مَا بِقَوْمٍ حَتَّى يُغَيِّرُواْ مَا بِأَنْفُسِهِمْ ) سورة الرعد ١١

Eebe weyne wuxuu yiri : ( ilaahay ma badalo xaaladda dad inay ayagu badalaan dhaqamada naftooda mooyee )
Marka ay sharaxayaan culumada islaamku aayadan qur'aanka ah waxay sheegaan in ay ka hadlayso jidka eebe weyne u jeexay kawnkan oo ah in haddii qawm ku jiro nimco in uusan alle ka qaadayn nimcadaas ilaa ayagu wax ka badalaan xaalkoodii ahaa ilaalinta nimcada , sidoo kale hadday ku jiraan dhibaato alle k**a badalo dhibaatadaas ilaa ay wax ka badalaan dhaqankooda asalka u ah dhibtaas.
Haddaan eegno dhibaatooyinka ay la daalaadhacayaan ummadda soomaaliyeed anagoo ku qiimaynayna aayadan qur'aanka ah waxaan arkaynaa in umadda soomaaliyeed haysatay dawlad ay markaas heshiis ku ahayd wax badan oo loo riyaaqayna qabatay deedna dawladaas iyo dadkay xukumaysay ay badaleen dhaqankoodii markaasna ay dhacday dhibta maanta haysata ummadan ka aradan dhankastoo nolosha ah .
Hadaba si loo helo isbadal hagaagsanoo ummadda urara dhanka baraaraha waa in la helaa hayaan khayr .
Tusaale hadaan u soo qaadano dhaqankeenii reer guuraanimo, haddii ay dhacdo abaar waxaa qasab ahaan jirtay in laga hayaamo meeshaas abaarta ah si looga badbaado hagardaamooyinka abaarta .
Sidaas si ku masaal ah waxaa qasab in ummadda soomaaliyeed u hilato hayaanka badalidda dhaqanka si allah u badalo xaalkooda ugana badbaadaan hardaamooyinka nolasha adkaatay ee ay maanta ku jiraan .
Dhinaca kale murtida aan ka dhaxalnay awoowayaasheenii h**e ee soomaaliyeed waxay waafaqaysaa qawlka eebe weyne ee ah in isbadalid iyo dhaqaaq la'aantood aadan ku helayn waxaad doonaysid sida ku cad murtidan hoos ku xusan :
"Fadhi iyo Fuud yicibeed laysku waa"
Waa maahmaah xambaarsan macno wayn oo ah haddii aad rabtid waxa naftaadu doonayso inay hesho hinqo oo raadi tabtii aad ku gaari layd.
"Meel baadku buuxo
Biyuhuna u muuqdaan
Biciid baa isla waayey"
Murtidan waxay muujinaysaa in wax walba shaqo iyo isbadal kaa rabaan si loo helo waxa la rabo in la gaaro bulsho ahaan.

Ciqaab (punishment)Ciqaab (penelty): waa raad looga gol leeyahay xanuujin oo dusha loo saaro dambiile, iyada oo abaal ma...
15/08/2022

Ciqaab (punishment)
Ciqaab (penelty): waa raad looga gol leeyahay xanuujin oo dusha loo saaro dambiile, iyada oo abaal marin looga dhigayo fal xun oo uu ku kacay.

Qanuun ahaan ciqaabtu waa raad uu dabaqo sharcigu dushana loo saaro cidii jabisa qaanuunka. ( كتاب علم لاجرام وعلم القاب).

Ciqaabtu waa xanuujin uu mutaysto mid jabiyay sharciga (Cambridge dictionary).

Ciqaabta waxaa soo roga sharciga waxa ayna ka dhalataa samaynta nooc gaar ah oo dambi ah. (Black law dictionary).

Astaamaha Ciqaabta (features of punishment).
1. Ciqaabtu waa in ay ahaataa sharci: si looga abaal mariyo qof dambi uu galay waxaa laga maar-maan ah oo qasab ah in loo helo sharciyad, si loo dareensiiyo qofka tuhunsanaha ah cadaalad iyo u arkid in laga jarayo cuquubada uu gaystay.

Midaan waxaa aas-aas iyo biyo dhac u ah oo looga shidaal qaataa mabda' ah (Ciqaabi iyo dambiba ma jiri karaan hadii uu san jidayn sharcigu). Sidaa awgeed, xeerarka wadamadu arinkan aad ayay u ixtiraaman oo waa mabda' si wadajir ah loo aqoonsan yahay cid ka hor imaatay ama isku dayday in ay ka hor imaatana si guud ma jirto.

Si sidaa la mid ah, Xeerka ciqaabta ee Somaliya si uu u muujiyo tixigalinta uu u hayo mabda'an waxaa aad ku arki doontaa marka aad soo furto qodobkiisa 1aad sidoo kale xeerka wadanka ugu sareeya ee dastuurkuna waa uu muujiyay oo waxa uu siiyay mabda'an aqoonsi buuxa ka fiiri 35(13).

2. Ciqaabtu waa in ay ahaataa mid ka soo fushay hay'ad garsoor: ciqaabtu ma ahan wax uu qof-walba iska adeegsan karo sababtoo ah waxa ay jaangoyn iyo ka go'aan gaarid u tahay nolasha iyo mustaqbalka qof aadana ah. Sidaa awgeed, waxaa laga maarmaan ah in meesha uu xukunkiisu uu ka soo baxayo ay ahaato meel loo simanyahay islamarkaana lagu wada qanacsan yahay oo xitaa qofka la xukumay uu ku dareemi karo cadaalad, astaamahaasna ma yeelan karo shakhsi ee waxaa yeelan kara oo kaliya hay'ad u qaabaysan hanaan toosan, bulshada ka haysta kalsooni, loo arko in ay tahay mid ka shaqaysa kuna shaqaysa cadaalad taasina waa hay'ad garsoor oo kaliya.

Hadafka ugu wayn ee laga leeyahy in uu xukunku ka yimaado hay'ad garsoor ayaa waxa ay tahay in la jabiyo mabda' barii' ahaanshiyaha oo ah in asalka qofwalba uu yahay dambi laawe (presumptionofinnocence), si loo jabiyo mabda'aasna waxaa laga maar-maan ah in la helo xukun maxk**adeed oo lagu cadeeyay in uu shakhsigani yahay dambiile. Midaan ayaa muhiim ka dhigaysa in ay ciqaabtu ka timaado jiho garsoor oo kaliya ama cid la siiyay awood garnaqid.

(presumption of innocence) ka fiiri si xaqiijin ah Q: 13(2) ee Xeerka Habka Ciqaabta iyo Q: 35(1) Dastuurka ku meel gaarka ah.

3. Ciqaabtu waa in ay ahaataa mid ku kooban shakhsi: midani waa arin guud oo uu aadanuhu si aan kala har lahayn u wada qaatay ummadaha aduunka ku noolna dhaamaantood ay wada ogol yihiin shuruucdoodana ku cadeeyeen in qofka dambiga gala isaga uun laga abaal mariyo oo aysan ciqaabtu u gudbin cid kale.

Tusaale: hadii uu waalidkaa geeriyoodo waxa aad xaq u leedahay in aad ka dhaxasho wixii hanti ah ee uu ka tagay cid kaa hor istaagi karta ama kaa mudanina ma jirto, balse laga ma yaabo in aad marna ka dhaxasho dacwad ciqaab ah oo ay eedayn-teedu ku socotay, in aad ka dhaxasho iska daaye, waxa ayba ka mid tahay geerida eedaysanuhu waxyaabaha ay ku dhamaato dacwada ciqaabta ahi sida ku cad Q: 143 X.C.S iyo Q: 70(2)(d)(¡) ee Xeerka Habka Ciqaabta.

Sidoo kale shareecada islaamka iyo xeerarka wadankuba waa ay aqoonsan yihiin mabda'an fiiri ayada (38 suratu faadhir aayada) (38 suratu Al najmi), aayada (30 suratu shuraa), aayada (17 suratu gaafir).
ama fiiri Q: 35(1) ee Dastuurka ku meel gaarka ah.

3. Ciqaabtu waa in ay ahooto mid leh ku haboonaansho iyo dareensiinyo: Ciqaabta dhigideeda h**e waa in laga la haadaa dan, loona qaabeeyaa sidii lagu gaari lahaa ujeedo dambe, waxa ugu muhiimsan ee ay tahay in ay ciqaabtu tartana waa in ay keeni karto ka joogsasho dambi iyo dib u qaabayn dambiile. Si loo gaaro ujeedooyinkaa guud waa in loo maro dhabo xaaran oo uu midka guur guuranayaayina mari karo, mid luguhiisa ku socdaayina mari karo, midka gaadiidka wataayina mari karo.

Midaani waa sababta ciqaab kasta ay u leedahay meel hoose oo aan la dhaafin karin, meel kore oo aan iyadna la dhaafi karin iyo meel dhaxe oo uu garsooruhu awood u leeyahay in uu ku dhex ijtihaado isaga oo raadinaya ku haboonaansho ciqaabeed, iskana ilaalinaya xad gudub shakhsiyeed.

Tusaale: dilaa caadaysta ah (habitual muder) iyo dilaa halmar le ah ma noqon karaan isku ciqaab, markii si guud loo fiiriyana, labada qof ee aan soo sheegnay labadooduba waxa ku eedaysan yihiin dil oo way ka simanyihiin dambiga balse sharcigu wuu kala saaray labadaan qof oo midna ciqaabta wuu ku adkeeyay midna waa loo fududeeyay sababtuna waa ku haboonaanta ciqaabta oo ah in qofwalba loo tixigaliyo xaalada uu ku jiro ee uu ku galay dambiga, ninkan dilka caadaystay waxaa loo aqoonsanayaa in ay wax ka tari waysay ciqaabtii asalka ahayd ee loo dhigay dambiga, sidaa darteed waxaa laga maarmaan noqonaysa in looga kor dhiyo ciqaabtu inta ay ahayd markii h**e.

Midaani waa sababta ugu wayn ee marka aad xeer ciqaab akhrinayso marar badan ugu aragto iyada oo laga hadlayo duruufaha ciqaabta kordhiya iyo kuwa fududeeya (aggravating & extenuating circumstances).

Marka uu xeer sameeyuhu isku dayo in uu ciqaab u sameeyo dambi jira ama cusub waa in uu ku dadaalaa sida uu u xaqiijin lahaa ama u gaari lahaa ciqaabta ugu dhaw ee awood u yeelan karta dabarjarida dambiga, halka garsooraha laga rabo in uu u xusho dambiilaha ciqaabta ugu haboon ama ugu dhaw cadaalada ee u muuqata isaga oo sababaynaya. Ku haboonaanta xukunka ka fiiri qodobka 33 iyo107 Dastuurka ku meel gaarka ah, Qodabka 121 XeerkaHabkaCiqaabta.

✍ Bashiir Yuusuf Qurdubi

20/07/2022

Abortion ( ilmo iska soo ridida).

(USA Law, Somalia penal Code And Sharia View).

waxaa dalka maraykanka ka taagan xasaarad ka dhan ah sharci ahaan shaha ilma iska soo ridida ( Law of Abortion) oo is bedel lagu sameeyay sanadadan marka loo eego sanadadii h**e.

1973 maxk**ada sare ayaa go'aan ka soo saartay Roe v., Wade oo ay ku laalaysay eedeymo loo soo jeediyay haween iska soo riday ilmahaooda maxk**adda sare ee maraykanka ayaa ku tilmaamtay mamnuucida iyo eedeynta ilma iska soo ridida wax aan dastuur shaqo ku lahayn (Unconstitutional) taas oo la macno ah in ilma iska soo ridida uu banaanaa laguna baneeyay go'aankii Roe v ,Wade taas oo ahayd in la ogolyahy in 3 da bil ee ugu h**eeyso ay haweeneydu xaq dastuuri ah ay uleedahay go'aan ka gaarida iska soo ridida ilmaheeda(wire N)

Haddadan 2022 maxk**adda sare ee maraykanka ayaa Laashay go'aankii Roe v. Wade ee la soo saaray 1973 kaas oo ogolaanayay xaq ahaanshaha ilma iska soo ridida taas oo ay bulshada haweenka(US Women Community) ee maraykanka ay aad uga soo hor jeedsadeen isla markaana ay qabteen banaan baxyo aad u balaaran oo ay kaga cabanayaan arrinkaas.

shalay 19 july 2022 waxaa la xiray 17 xildhibaan oo ka tirsan congress ka mareykanka oo dibad bax ka dhan ah laalidda go'aankii Roe v. wade ka hor dhigayay afaafka h**e ee maxk**adda sare waxaana kamid ahaa mp alexanderia ocasio cortez iyo Ilham omar(Guardian).

* xeerka ciqaabta soomaaliyeed iyo ilma iska soo ridida ( The somalia Penal Code and Abortion).

xeerka ciqaabta soomaaliyeed inkasta oo uu ku khaldanyahy qodobo badan oo ka soo horjeeda shareecada islaamka hadana wuxuu diiday qaar kamid ah ilma iska soo ridida.

Hadii dhakhtarka ama qof kale uu uur ka soo rido haweeneey ogolaansho la'aanteeda waxaa lagu xukumayaa xabsi 3 ilaa 7 sano ah ( Fiiri qod 418 XCS).

qof kasta oo ku sababa haweeney ilma iska soo ridid ay ogolaatay (iyadu ay ogolaatay) waxaa lagu xukumayaa 1 ilaa 5 sano oo xarig ah((419 XCS).
qodobkan wuxuu si wayn u diidayaa in ilma iska soo rididu ayna banaaneeyn.

Qof kasta oo ku booriya haweeneey uur leh in ay gasho ilmo iska soo ridid iyadoo uu maamulayo dariiqada ay ku fulinayso waxaa lagu xukumayaa 7 bila ilaa 2 sano oo xarig ah(Qod 420 XCS) .

shareecada islaamka iyo ilma iska soo ridida ( The sharia View on abortion).

islaamku waa diinta kaliya ee xaqiiqda ah rabi weeynuhu innagu galaday uuna inoogu soo dhiibay sharfanaha lagu khatimay rusushiisa ee Nabi muxamad SCW.
culumadu waxay isku khilaafeen qodobo kamid ah ilma iska soo ridada (الاجهاض) iyo axkaamtiisa culumada qaar waxay daliishanayaan 2da aayad ee kala ah:
" ولا تقتلوا النفس التي حرم الله الا با
الحق "
" واذا تولي سعي في الارض ليفسد فيها ويهلك الحرث والنسل"
culumadu waxay Aayada 1aad u daliishadeen in ilma iska soo ridida ay tahay dambi lagula kacay naf dhan( la dilay) taasina ay xaaraam tahay kana mid tahay xuduuda alle S.W.
aayada 2aad waxay culumada u daliishadeen in ilma iska soo rididu ay tahay fasaad iyo halaag ka dhan ah nasabka iyo dhalashada.

sidoo kale culumada waxay tibaaxeen in maraaxisha uu marayo ilma ku jireenku (الحنين) ay badanyihiin balse nafta inta aan lagu afuufin wuxuu marayaa sadex maraaxil oo kala ah نطفة،علقة،مضقة sadexdaas mid walba mudadeedu waa 40 maalin.

culumadu waxay isku khilaafeen xukunka ilma iska soo ridida kadib ku afuufida Ruuxda iyo ka hor.

inta badan culumada waxay isku raaceen hadii uur ku jirka lagu afuufo ruuxda ay xaaraam tahay in la dilo la iska soo rido waxayna la mid tahay adigoo naf dilay(المذاهب الفقهية).

Maalikiyada,xanbaliyada iyo qaar kamid ah xanafiyada waxay qabaan in jiniinki uu ukala dambi culusyahay hadba mudada uu jiro.

waxaa jirta axaadiis badan oo rasuulka laga wariyay scw waxaana kamid ahaa in laba haweeneey ay isdagaaleen kadibna la dilay haweeneey caloosha ku siday canug markaas gabadhii dishay haweeneyda iyo uurkujirkaba waxaa lagu xukumay bixinta diyada haweeneyda iyo uur ku jirkeeda balse diyada jiniinka waa mid aan aad u badnayn.

Hadaba shareecada islaamku si wayn bay u xarimtay ilma iska soo ridida oo waxay ku tirisay danbi wayn, culumadu waxay fatwoodeen in ilma iska soo ridida la ogolyahay hadii loo arko arrimo caafimaad ama xlda hooyadu ay khatar ku jirto ama cudur daar kale oo macquul ah oo qasbaysa in la soo rido ilmaha.

Yuusuf Nuuxi page

10/07/2022

Fahamkayga dooda sharci kalabar lagu daray hal (1/2+1) "tirada Guud" ee xubnaha Golaha wakiilada.

Tirada guud ee xildhibaanada Golaha wakiilada sidaan ognahay waa 66 xildhibaan, kala barkood waxay noqonayaan 33 xildhibaan, lagu daray 1 xildhibaan waa 34 xildhibaan.

Sida ku xusan Dastuurka Puntland baarlmaanku wuxuu kala bar lagu daray hal ee 'tirada Guud' xubnaha Golaha wakiilada ku ansixiyaa Xukuumada oo kali ah, sida uu qabo Qodobka 64 farqadiisa 16aad oo ka hadalaya Awooda Golaha wakiilada oo udhigan sidan
"Inuu ku ansixiyo kalabar iyo hal (1/2+1) tirada guud ee xubnaha Golaha".

Wuxuu Dastuurku sidoo kale adeegsaday kalamada "Tirada Guud" marka uu ka hadlayo Doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

Qodobka 64aad farqadiisa 8aad oo ka hadalaya Doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa wuxuu oronaya "Wareega 1aad iyo Wareega 2aad waxa jagada Madaxweyne/ku-xigeen ku guulesanaya Musharaxii hela (2/3) tirada Guud ee Xubnaha Golaha wakiilada".

Dhinaca kale.
Kala bar lagu daray hal (1/2+1) tirada xubnaha Golaha wakiilada, oo aysan la socon kalmada "Guud" waxaa loola jeeda tirada Xubnaha Golaha wakiilada ee Kooramka fadhiya xiligaas.

Wuxuuna baarlamanku ku ansixiyaa kala bar lagu daray hal (1/2+1) tirada xubnaha Golaha wakiilada.

1. Heshiisyada Amaah qaadashada ee Puntland la gasho Amaahiye Ajanabi ah, sida uu qabo Qodobka 64aad farqadiisa 3aad "inuu cod kalabar iyo hal (1/2+1) tirada xubnaha Golaha ku ansixiyo heshiis amaah qaadasho ee Puntland la gasho amaahiye Ajanabi ah"

2. Heshiisyada Caalimiga ah ee Puntland dhinaca ka tahay. Sida uu qabo Qodobka 64aad farqadiisa 4aad "inuu cod kalabar iyo hal (1/2+1) tirada xubnaha Golaha ku ansixiyo Heshiisyada Caalimiga ah ee Puntland dhinaca ka tahay.

Hadaba Maxk**ada sare Qadiyada kala bar lagu daray hal (1/2+1) tirada xubanaha Golaha wakiilada halkee lagala xiriirin kara?

Waxaa lagala xiriirin karaa xilka qaadistooda oo kali ah, sida uu qabo Qodobka 90aad farqadiisa 5aad oo oronaya "Garsoorsyaasha Maxk**ada sare waxaa xilka lagaga qaadi karaa Aqlabiyad hal dheeri ah (1/2+1) xubnaha Golaha wakiilada.
hadiiba aynu dhahno wadada xilka looga qaadi karo Maxk**ada sare ayay dhanka kale codka ansixinta ku helaan, waxaa loo eegayaa xildhibaanada fadhiga soo xaadiray kala barkood lagu daray hal.

WQ: Cabdifataax Mahdi Cali.

Qareenku sedexdaan su'aal ma jecla.Qareen waxaa la yiraahdaa qof ruux kale xaq uu leeyahay oo la duudsiiyay  nolol iyo d...
07/07/2022

Qareenku sedexdaan su'aal ma jecla.

Qareen waxaa la yiraahdaa qof ruux kale xaq uu leeyahay oo la duudsiiyay nolol iyo duunyaba uga hor difaaca goob loo asteeyay in gar lagu gooyo.
Hadaba sida la fahansan yahay qofka qareenka ahi ma jecla sedexdaan Weerood ama kalmadood.
1. Amarka: markaan amarka leenahay arinkani kuma dabaqna nolashiisa caadiga ah ee waxaan ka hadlaynaa inta uu ku hawlan yahay hawshiisa abuukaatanimo
Tusaale: ma jeclaysanyo in uu qofka macmiilka ahi u tilmaamo sida uu hawsha u qaban lahaa sababtoo ah hadii uu qofka muwakilka ahi awoodo in uu tilmaamo sida hawsha loogu qabanayo hadaba maxay tahay baahida ku qasbaysa in uu lacag bixiyo oo uu qareen u xaliya dhibaatadiisa. Sidaa awgeed ayuuna qareenku u jeclayn in hawshiisii lagu kor joogteeyo sida uu san qofka darawalka ah kaaga aqbalayn in aad gaariga ka kiraysto oo aad hadana dhahdo gaariga aan isla wadno adna bareega qabo Anna marshada iyo isteerinka ii dhaaf ayuuna qareenkuna u ogolayn in shaqadiisa lagu fara gashto, oo loo tilmaamo sida uu wax u qabanayo.

2. Xagee ayaad ka timid: hadii aad leedahay qareen waligaa ha waydiin halka uu ka yimid iyo halka uu joogo labadaba sababtoo ah Abuukaatahani adi kaligaa kuuma ah qareen ee waxaa jira kuwo kale oo uu u yahay abuukaate isla markaana mudan in loo ilaaliyo xogtooda iyo macluumaadkooda khaaska ah ee shaqada qareenimadu u sahashay in uu ogaado.
Hadabada hadii aad waydiiso su'aashaas marwalba waxa uu ku qasbanaanayaa isga oo been iska ilaalinaya in uu kuu sheego halka uu joogay iyo waxa uu ka hayay midaas oo laga yaabo in ay tahay xog uu shakhsi gaar u leeyahay oo qareenka xirfadiisu eedaab xumi ay u aragto bixinteeda. Sidaa awgeed su'aal aad waydiisay qareenkaga si aysan uga dhigin mid xirfad akhlaaqeed-kiisu ay liidato ka fiirso su'asha aad waydiinayso.

3. Hadii aan saan samayn lahayn (if): Midani waa arin aan ku banaanay xitaa shareecada islaamka sida uu nabigu (NNKH) Xadiis saxiix ah kulee yahay " ha dhihina hadii aan saan samayn lahaa ee dhaha waxay ku dhacday qadarka eebe waxa uu alle doonana waa uu sameeyaa hadii-du (لو) waxay furaysaa camal shaydaane".
Sidaa awgeed ma haboona in qofka qareenka ah ee awoodiisa oo idil isugu geeyay u adeegi-daada in aad ku qanci wayso natiijada soo baxday ee uu san isagu masuulka ka ahayn.
Hadba ugu qanaca natiijada aan ku cajab galin ee timid sida aad ugu qanci lahayd hadii ay soo baxdo mida aad adigu rabtay, uguna amaan natiijada aan fiicnayn ee dhalatay sida aad ugu amaani lahayd mida kuu xaglinaysa adiga, ogowna qareenku wuxuu masuul ka yahay dadaalka uu bixinaayo hufidiisa ee masuul ka ma aha natiijada soo bixi doonta.
Marka aad dacwad furanaysana mar-walb maanka ku hay in ay guusha iyo guul daraduba suurta gal yihiin oo aadan hoolka maxk**ada fara-marnaan kala soo noqonayn ee aad mid uun soo qaadan doonto.

Ugu dambayn {Su'aal aad waydiisay qareenkaga si aysan uga dhigin mid xirfad akhlaaqeed-kiisu ay liidato ka fiirso su'asha aad waydiinayso}.
Si guud hadaan u hadal-nana su'aalaha badani dhib mooyee dheef ma soo kordhiyaan, waxaaba xaqiiq ahaan u jirta in umado qaar ay eersadeen su'aal badnidoodii.
Waxaa sidoo kale la sheegaa in hadii aysan su'aal badni ahaan lahayn aan maanta ogaan lahayn habeenka uu layltul qadrigu ku beegan yahay.

✍ Yusuf Qudubi

G A R S O O R K A                                                     W/Q : Arafaad M. Ahmed [Caqabadaha Garsoorka Sooma...
20/06/2022

G A R S O O R K A W/Q : Arafaad M. Ahmed
[Caqabadaha Garsoorka Soomaaliya Haysta].
----------------------------
Garsoorku waa gole ka mid ah golayaasha saddexda ah ee ay dawladdu ku dhisan tahay. Waxa uu u xilsaaran yahay u kala garqaadida ummad sharci ku heshiisay; dhegaysiga dacwadaha; ilaalinta xuquuqda dadka; faahfaahinta; dib u eegista iyo taabbaggalinta sharciga, ilaalinta dastuurka iyo dhammaan xeerarka waddanka, sidoo kale waa keenada lagu xakameeyo damaca aadanaha ee aan kala joogsi lahayn. Garsoorku wuxuu ilaalayaa hab-dhaqanka toolmoo; kala danbaynta; macaamilka iyo ixtiraam kuwada noolaanshaha bulshada.

Markii ay Soomaaliya xorriyadda qaadatay 1960-kii, ee nidaamka dawliga ah ee cusubi dhashay, waxay horraantiiba dawladdu la kulantay jaahwareer dhanka garsoorka iyo sharciyada ahaa, dawladdii cusbaydna waxay dhaxashay afar nidaam oo garsoor oo kala duwan oo kala ahaa, nidaamkii sharci ee waqooyi ka jiray [British common Law]; kii koonfur ka jiray [Italian continental Law]; sidoo kale Xeer dhaqameedkii bulshadu kala hidaysan jirtay, iyo shareecada islaamka oo iyaduna ummadda Soomaalida ee islaamka ah dhexdeeda ku waynayd. Kaddib laba sanno oo nidaamka garsoorku aanu fadhiyin, ayaa 1962-dii, dawldii cusbayd waxay dhistay Guddiga Wadatashiga ee Is-dhexgalka Nidaamyada Sharciga oo shaqadoodu ahayd inay si wax ku oola usoo dhiraandhiriyaan habka lagu dhisi karo Nidaam Garsoor oo midaysan, kaddibna isla sannadkaas ayaa baarlamaanku ansixiyey gole shaqadiisu ahayd inuu mideeyo sharciyadii kala duwanaa, waxaana xiligaa soo baxay shuruuc ilaa iyo hadda waddanka ka shaqeeya sida: Xeerka Nidaank Garsoorka; Xeerka Ciqaabta; iyo kuwa kale. 1969-kii markii dawladdii ciidanku waddanka inqilaabka kula wareegtay waxay laashay dastuurkii la unkay, sidoo kalena waxay burburisay nidaamkii garsoorka, wuxuuna dhisay Maxk**addii badbaaddada qaranka, taasina waxay xididdada u siibtay nidaamkii garsoor ee curdinka ahaa, waxaa 21 sanno waddanka caddaaladiisa maamulisay Maxk**addaa. Ka dib 1991-dii markii waddanka dagaalada sokeeye ka qarxeen waxaa burburay nidaamkii garsoorka ee aan awalba awooda baddan lahayn.

Dedaaladii dib u yagleelida dawladda Soomaaliya ee soo bilowday 2000 ayaa dib u soo iftiimiyey dib u curshada hay’ad garsoor. Axdi qarameedkii ku meelgaarka ahaa ee lagu dhisay dawlddii lagusoo yagleelay magalaada Carta ee dalka Jabuuti sannadii 2000 ayay wufuudii isugu timi si wada jir ah isugu raacday in la amaamudu hay’ad Garsoor oo madax banaan, sida ku cad qodobka 22aad ee axdigaa oo leh "Dawladdu waxay ku salaysan tahay mabaadi’da ka la madaxbannaanida saddexda awoodood oo kala ah:
B. Hay’adda Sharci-dejinta (Golaha Shacbiga).
T. Hay’adda Fulinta (Xukuumadda).
J. Hay’adda Garsoorka".
Sidoo kale cutubka 9aad ee Axdigii Imbageeti¹ ee lagu soo dhisay dawladdii ku meelgaarka ahayd ee Cabdullaahi Yusuf, iyo cutubka 9aad dastuurka ku meelgaarka Jamahuuriyada federaalka Soomaaliya ee la ansixiyey 2012-kii ayaa iyaguna si isku mida u qeexaya hay’ad garsoor oo madaxbannaan, waxaa iyaguna qodoba ka mid ah dastuuradooda ku qeexaya dhisida hay’ad garsoor oo madax banaan dawladaha xubnaha ka ah dawladda federaalka fiiri ; qodobka 57aad ee dastuurka dawlad goboleedka Puntland, qodobka 27aad ee dastuurka dawlad goboleedka Jubbaland, qodobka 64aad ee dastuurka dawlad goboleedka Gal-mudug, iyo qodobka 2aad ee dastuurka dawlad goboleedka Koonfur-Galbeed.

Iyadoo dedaalo fara badan lagu bixiyey in la dhiso hay’ad garsoor oo madaxbannaan, dadkana si caddaalad ah ugu garsoorta, laamaha kale ee dawladdana aan ku milnayn, shaqadeedana si waxtar leh u qabata Maxaa sababay inay weli hanaqaadi waydo hay’adda Garsoorku? Waa waydiin aanay fududayn ka warcelinteedo, una baahan in laga sameeyo daraasado si qota dheer u lafa guraya hudaanhutooyinka horusocodka u diiday Golaha Garsoorka, balse halkan ayaynu kaga faaloon doono dhawr qodob oo hortaagan in garsoor si taabbaggal ah shaqadiisa u gudanaya la helo.

Arrimaha ragaadiyey garsoorka Soomaaliya Waxaa ka mid ah:

1.Madax banaani la’aaanta Garsoorka:
Madaxbanaanida garsoorku waa ka dheeraanshaha nooc kasta oo faragelin ah oo uu la kulmo garsoorku iyo dhaqangelinta dhammaan 20-ka mabd’a ee muhiimka u ah madaxbanaanida garsoorka ee uu ansixiyey Golaha guud ee qaramada midoobay 29-November-1985 iyo 13-December-1985, wuxuuna leeyahay qodobka koowaad ee axdigani: [ Madaxbannaanida garsoorku waa in ay dammaanad qaaddo dawladdu oo ku caddaysaa Dastuurka ama sharciga dalka. Waxaa waajib ku ah dhammaan hayʼadaha dawladda iyo kuwa kaleba in ay ixtiraamaan oo ay ilaaliyaan madaxbanaanida garsoorka] ².

Sida ku cad qodobkan dhammaan shuruucda waddanka ka shaqeeya heer federal iyo heer maamul goboleedba, si isku mida ayay u ilaaliyeen uguna qoreen Dastuuradooda madax banaanida garsoorku inay tahay muqdas, qodobkanna way ilaaliyeeen qoraal ahaan, balse dhaqangelintiisa ayaan lagu dedaalin, bal haddaba aynu halkan ku soo qaadanno Dastuuradaa qaarkood:
Dastuurka ku meel gaarka ah ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya oo ah kan ugu sarreeya shuruucda waddanka, wuxuu ku sheegayaa qodobka 106-aad: “Garsoorku wuxuu ka madax bannaan yahay laamaha Dawladda ee Sharci-dejinta iyo Fulinta marka ay gudanayaan xilkooda. Xubnaha Garsoorku waxay u hoggaansamayaan oo keliya sharciga”. sidoo kale maamulada xubnaha ka ah dawlada federaalka sidan oo kale ayay dastuuradooda mabda’an ugu ilaalinayaan:

Dastuurka Maamul Goboleedka Galmudug qodobkiisa 64aad faqradiisa 1aad iyo 3aaad waxay sheegayaan inay lama taabtaan tahay madaxbanaanida Garsoorka “(1). Garsoorku waa awood ka madax-bannaan hay’adaha Sharci-dejinta iyo Fulinta… (3). Hay’ada Garsoorku waxa ay u madax-bannaanyihiin gudashada hawlahooda waajibaad ee garsoor].

Qodobka 57aad ee dastuurka Maamul Goboleedka Puntland ayaa laamaha dawladda u qaybinaya saddex gole oo siman oo kala ah: Sharci-dejin, Garsoor, iyo Fulin, waxaana si cad laamahan u kala madaxbannaaynaya qodobka 58aad oo leh: [ (1). Qayb kasta waxay u madaxbannaan tahay gudashada waajibaadyada, xilalka iyo awoodaha dastuurku u jideeyey, qaybina qaybta kale ma hoos timaado, marka laga reebo arrimo gaar ah oo uu dastuurku si cad u qeexayo. (2). Fulinta waajibaadka iyo xilalka qaybi leedahay qayb kale waa ay ka reeban tahay]

Qodobka 49aad Faqradiisa 2aaad ee dastuurka Maamul Goboleedka Jubaland wuxuu leeyahay “Garsoorku wuu ka madaxbannaan yahay Baarlamaanka iyo fulinta".

Garsoorka shuruucda waddanku sidaa madaxbannaanida u siinayaan, wuxuu ka cabanayaa madaxbannaani la’aan iyo aawoodiisi oo faragelin qaawan lagu hayo, wuxuuna madaxa ka qaadi la’yahay golaha fulinta oo si cad qool ugashatay Garsoorkii. Daraasad uu sameeyey Machadka Heritage [Heritage Instirute] sannadii 2021 oo uu magac uga dhigay Dib-u-dhiska Nidaamkii Caddalaadda Soomaaliya ee Burburay³, wuxuu ku sheegay in madaxda garsoorku laba sababood ugu dhib qabaan siyaasiyiinta:
1). Tan koowaad in hoggaamiyayaasha siyaasaddu awood u leeyihiin magacaabista iyo ruqsaynta madaxda garsoorka heer federaal iyo heer dawlad- goboleedba; markaa tani waxay meesha ka saaraysaa in hawl-wadeenada garsoorku noqdaan kuwa shaqa ahaan iyo awood ahaanba u madaxbanan oo waxay noqonayaan kuwa cid kale daaha gadaashiisa ka maamusho, marka haddii xubinta garsoorku ah ay waydo awood madaxbannaan oo ay shaqadeeda ku gudato waxaa meesha ka baxaysa in hay’adiina ay noqoto mid xor ah , maadama oo ay waqti koobana joogayaan, ninna meesha keensaday, sidoo kale waxaa iyana si duuduuba meesha uga baxaysa in hay’ada garsoorku madaxbannaanaato maadama oo xilka qaadista masuuliyada garsoorka iyo awood siintiisuba ay tahay mid uu gacanta ku hayo madaxwaynuhu.
2). Tan labaad ee daraasadani tibaaxday waxa weeye, in laanta garsoorka saboolnimo kaliya aanay dishoonnin ee xataa hoggaamiyeyaasha u isticmaalaan waxa ay ugu yeeraan “la haystayaal” si ay madaxda caddaaladda gacanta ugu hayaan. Si ay arrikan “lahaystanimda” u dhaqangeliyaan hoggaanka sare ee dawladdu, marka h**eba waxay ku dedaalaan inay u magacaabaan boosaska ugu sareeya garsoorka rag iyaga ka agdhow oo ay hadhow dahanooda sii dhex marsan karaan.

2.Miisaaniyada Nidaamka Caddaaladda Lagu Bixiyo Oo Yar:
Hubinta mushaharka garsoorka iyo laamaha caddaaladda, waxay muhiim u tahay taabaaggalka hay’ad garsoor oo awood u leh gudashada shaqadeeda, haddiisa ay tani meesha ka baxdo waxaa imaanaya musuqmaasuq; eex; iyo wax isdaba marin ay bilaabaan shakhsiyaadkii loo xilsaaray inay ilaaliyaan caddaalada. Waxaana waaajib ku ah dawladda federaalka iyo maamul goboleedadaba inay ilaaliyaan, sidoo kalena u qoondeeyaan miisaaniyad ku filan golaha garsoorka, si ay shaqadooda ugu qabsadaan sida ugu habboon, wuxuuna leeyahay qodobka toddobaad ee axdi qarameedka qaramada midoobay ee madaxbanaanida garsoorku “Waxaa waajib ku ah dowlad kasta oo xubin ka ah inay bixiso hanti ku filan si ay garsoorka ugu suurta gasho in uu si habboon u guto hawlihiisa" ².

Dawladda federaalka iyo maamulada xubnaha ka ahba xil isk**a saarin mushaharka garsoorka, waxaana mararka qaarkood dhacda in garsooryaashu ay waayaan mushaharkii ay xaqa u lahaayeen taaso sababi karta inay laaluush qaataan. Waxaa iyana cad in hay’ada garsoorku tahay tan miisaniyada ugu yar lagu bixiyo marka la barbardhigo labada gole ee sharcidejinta iyo fulinta. Tusaale ahaan Maamul goboleedka Puntland Gudoomiyaha Maxk**adda Sare waxaa mushahar ahaan u qoran $700 iyo xoogaa, wuxuuna la siman yahay dhanka mushaharka Agaasimaha guud. Markaynu eegno mushaharkan iyo miisaaniyada uu u baahan yahay qof booskan joogaa isuma dhigmaan, waxaana jira mabda’a dhigaya in garsooraha khidmadiisa laga dhigo mid aad u sarraysa, si looga ilaaliyo damac iyo doonitaan hantiyeed oo uu waddo sharci darro ah u maro. Sidoo kale daraasada uu sameeyey Machadka Heritage waxay tibaaxaysaa in Gudoomiyaha Maxk**adda Sare Ee Soomaaliya qaato mushahar gaadhaya $2000 taasoo aynu garan karno inay aad ugu yar tahay qof u baahaan ciidan amnigiisa suga; lacag uu noloshiisa qoys iyo tiisa gaarka ahaaneedba ku maareeyo.

3. Kalsoonidarada bulshadu ku qabto garsoorka iyo awooda xeer-dhaqameedka:
Bulshada soomaaliyeed, guud ahaan, kalsooni baddan kuma qabaan garsoorka, waxayna kaga kalsoon yihiin inay arrintooda ku xalistaan iyagoo u maraya garta dhaqanka, sababaha keenayna waxaa ka mid ah:

B. Deg-degsiimada: Inta badan bulshadu waxay ka cabataa in maxk**adaha aan h**e waxba uga dhammaan oo uu kiisku aad u jiitamo, tasoo keenta in qofku mararka qaarkood ka quusto inuu helo caddaalad, halka marka odayaasha dhaqanka garta loo gaysto ay caan ku tahay in isla jeerkaaba xaajada la galo, go’aanna laga soo saaro.

T. kharajka: Qofku marka uu kiis maxk**adda ka furanayo waxaa ku baxa kharaj intuu doonaba ha le’ekaadee, wuxuu bixiyaa cashuur, wuxuu sameeyaa nuqulo qoraalo la xidhiidha eedda, caddaymaha iyo arrimaha kale ee dacwada la xiriira oo lacag lagaga qaato. Halka marka ay dadku dhaqanka isla aadan aanay u baahnayn waraaqa ay dacwigooda ku qortaan, mana jirto kharaj badan oo kaga baxaya inuu xaqiisa raadsado.

J. fulinta: Bulshadu waxay sheegtay in fulinta xukunadda ka soo baxa maxk**adda ay aad u yar yihiin, halka xukunadda ay soo saaraan odayaashu ay isla jeerkaaba h**e ka fulaan.
Arrinkani waa kuwo ka mida arrimaha uu ka hanaaqdi la’yahay garsoorka Somaaliya, oo waxaa dhacda mararka qaar in kiis maxk**adda ka furnaa ay dhinacyadu intay joojiyaan, in ay isku af-gartaan inay oday dhaqameedka garkiisa ula bayraan.

4. Midayn la'aanta Nidaamka Garsoorka:
Dhammaadka 2002 ayaa shir dib u heshiisin ah ka bilowday dalka Kenya. Geedi socodka waxaa lagu gaaray ansixinta Axdiga Federaalka ah iyo Dawladda Federaalka ku meel gaarka ah. Sannadii 2004 ayayna ahayd markii dhidibda loo aasay Dawladdii Federaalka ku meelgaarka ahayd ee uu Cabdullaahi Yuusuf Axmed Madaxwaynaha ka ahaa, taasi waxay keentay in dhammaan hanaankii dawladnimada Is bedelo, waxaa sidoo kale is bedelay haykalkii uu u-dhisnaa Nidaamka Garsoorku waxaana waajib noqotay in hanaanka garsoorku isu bedelo Federaal.

Haddaba in hanaanka dhismaha Garsoorka la fadaraaleeyo weli waa caqabad taagan, oo aan xal laga gaarin, taasoo keensatay inuu ilaa iyo hadda sal-dhigi waayo nidaam garsoor oo midaysan waddankana ka hirgala. Golaha Sharci-dejinta Federaalku weli masoo saarin sharciyo si rasmi ah u federaalaynaya golaha garsoorka, balse waxaa jiraa dedaalo aan guul ku dhammaan oo ay si wadajira uga qayb qaadanayeen Dawlada Federaalka iyo Dawladaha xubnaha ka ah, kuwaasoo lagu doonayey in laysla meeldhigo qaabka uu yeelnayo Nidaamka Garsoorku, waxaana ugu danbeeyey isku day-yadaa Shirkii caasimadda ku meel gaarka ah ee Hiir-Shabeele ee Jawhar ku dhexmaray Wasiirada Wasaaraddaha Caddaaladdaha ee heer Federaal iyo heer Maamul Goboleed sannadii 2018 kasoo ay kasoo baxeen qodobo wax ku oola balse markii danbe ay ku gacan-sayrtay Dawlada Federaalka, Gudoomiyaha Maxk**adda Sare ee Federaalkuna ku tilmaamay in Dastuurka lagu tuntay.

Daraasada uu sameeyey Machadka Heritage ayaa soo bandhigaysa in khubara iyo xeel-dheerayaal wax laga waydiiyey nooca hanaanka caddaaladdeed ee ku habboon Soomaaliya ay soo jeediyeen labada nooc ee kala ah:
1. Nidaamka Garsoorka ee is barbar-socda [Doul Court system] kaa soo ah habka uu sheegayo Dastuurka ku meel gaarka ah qodobkiisa 108aad. Nidaamkan Garsoorka is barbar-socdaa wuxuu awood u siinayaa Maamul Goboleedyada inay yeeshan Maxk**ad Sare.
2. Kooxda aan nidaamkan ogolayn waxay iyagu ku dooddayaan in Dastuurka wax ka bedel lagu sameeyo, lana hirgeliyo Nidaamka Garsoorka isku dhafan. Nidaamkani waxuu awooda Maxk**addaha Sare [Racfaanka, Maxk**adda Sare, Maxk**adda Dastuuriga ah] siinayaa Dawladda federaalka. Waxayna qolyahani ku durayaan nidaamka h**e inuu u baahanyahay lacag badan oo markaa ay adkaanayso in waddan sida Soomaaliya sabool u ah uu ka baxo kharajkiisa, sidoo kale inaanay bulshada Soomaaliyeed xuduudo kala lahayn taasoo aad u adkaynaysa kala soocida awoodaha sharciga ah.

Federaalynta nidaamka caddaaladdu waa caqabad u baahan xal, iyo sidoo kale hoggaan u bareera ka gungaadhideeda, si loo hirgeliyo nidaam caddaaladdeed oo bulshada wada gaara.

G U N A A N A D
--------------------------
Haddii la helo Hay'ad Garsoor oo awood leh shaqadeedana u madaxbannaan waxaa hubaala in la helayo dawlad Soomaaliyeed oo cidh-baheed dib isugu taagta, kala qoqobnaanta, nidaam la'aanta iyo kala danbayn la'aantana laga takhalysayo.

Ugu danbayntii Dawladda hadda dhalatay ee Madaxwayne Xasan Shiikh Maxamuud waxaa looga fadhiyaa inuu awood badan geliyo dib u dhiska hay'ada garsoorka, sidoo kale waxaa laga sugayaa inuu salka u dhigo Nidaam Garsoor oo midaysan, xalna laga gaaro kala furfurnaanta Garsoorka ee Dawladda Federaalka iyo Dawladdaha xubnaha ka ah.

---------------------------------------------------------------------------------------
1. The Transitional Federal Charter of the Somali Republic - February-2004- Nairobi.

2. Article [1] "independence of the judiciary shall be guaranteed by the State and enshrined in the Constitution or the law of the country. It is the duty of all governmental and other institutions to respect and observe the independence of the judiciary".

3. Rebuilding Somalia’s Broken Justice System [Fixing Politics, Policies, and Procedures- January- 2021].

4. Article [7] "is the duty of each Member State to provide adequate resources to enable the judiciary to properly perform its functions"

--------------------------------‐‐-------------------------------‐‐------------------------

T I X R A A C .
--------------------
1. Dastuurka ku meelgaarka Jamahuuriyada federaalka Soomaaliya 2012.
2. Dastuurada Maamul Goboleedyada.
3. Axdiyadii Carta [2000], iyo Imbageeti [2004].
4.Cilmi-baaris ay samaysay Machadka Heritage ciwaankiisuna yahay Dib-u-dhiska Nidaamkii Caddalaadda Soomaaliya [ Rebuilding Somalia’s Broken Justice System- 2021].
5. Axdi Qarameedka madaxbannaanida Garsoorka ee soo baxay 29-November-1985 iyo 13-December-1985.
6. Sooyaalka Dastuuradii, Axdiyadii iyo Nidaamka Federaalka- Qareen Sakeriye I. Nuur

--------------------------------‐‐-------------------------------‐‐------------------------
Ladhka hoose waxaan kasoo qaatay [Website] la dhoho TIMES OF INDIA.

Address

Gaalkacyo

Telephone

+252907756149

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somali Law Notes posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Share

Category