![DAL-JIRKII DAHSOONAA, DIIWAAN MA LAGU QORAY?Duuliyihii Mucjisada ahaa oo Ciidanka Ethiopia Qabteen Haddana ka Baxsaday M...](https://img3.medioq.com/855/975/871089878559755.jpg)
13/09/2024
DAL-JIRKII DAHSOONAA, DIIWAAN MA LAGU QORAY?
Duuliyihii Mucjisada ahaa oo Ciidanka Ethiopia Qabteen Haddana ka Baxsaday Maxaad ka taqaan?
Duuliye sare Cabdulaahi Xassan Maxamuud (Weydoow) oo ka mid ahaa Ciidanka Milateriga Soomaaliya gaar-ahaan Ciidanka Cirka.
Duuliye Weydoow wuxuu ahaa Geesi Mucjiso ah oo ka yaabiyay Dunida waxuu Qatar ku ahaa Gad gadoonka Miiga, Waxaana la Sheegay in ay la yaabeen xataa Ruushka oo wax soo baray.
Duuliye Weeydoow Dagaalkii Ethiopia iyo Soomaaliya 1977-dii Waxaa hawada ku qabtay Diyaaradaha dagaalka Ethiopia Oo garbaha ka galay xili uu Duqeynayay Xarun Ciidan.
Warbaahinta Ethiopia ayaa durba laga baahiyay in ay Soomaaliya ka qabsadeen Diyaaradda dagaalka Miig-17 iyo Duuliyihii waday.
Duuliye Weydoow waxaa lagu amray inuu ku d**o Debrezeyit airport.
Markuu Cagaha Dhulka saaray Diyaaradihii galbinayana ku hubsaday in ay cagaha dhulka dhigeen kuna ridi karin gantaal ayuu Mar qura Xawaare sare Hawada la galay asagoo marba dhinac u rogaya si aan loola helin Sawaariiqda lidka Diyaaradaha ee Ciidankii dhulka joogay ku soo ridayeen.
Waxaa la sheegay inuu sii Duqeeyay Saldhigyo Ciidan kadibna waxuu ku Dagey Dalka Jabuuti markuu ogaaday Inaan Shidaalku gaarsiin karin Soomaaliya.
Waqti ay Murugeysanyihiin Madaxdii Dalka ayuu ka soo hadlay Jabuuti.
Waxaana lala ilmeeyay Farxad Alalaaska ayaa isqabsaday xarumaha Gaashaandhigga iyo Afasiyooni.
Duuliye Sare Cabdullaahi Weeydoow Oo lagu Naaneysay Mucjisadii hawada waxaa la siiyay Billadda Dahabka ah Geesiyaasha waxaana loo aqoonsaday Duuliyaha ugu fiican Afrika.
Allaah ha u naxariistee Duuliye Cabdulaahi weeydoow wuxuu Xijaabtay Sanadkii-1984-tii.
Haddaba Dal-jirkii Dahsoonaa Diiwaan Ma lagu qoray? Dugsiyada ma lagu dhigay!?
Xogta Mudug Media