Ahmed Abdi Gurxan

Ahmed Abdi Gurxan The Official page Of Journalist Ahmed Abdi Gurxan

19/11/2023

Bulshada rer Garowe oo isusoobax sameyeey kadib colaado kasoo cusboonaday Deegaanka ayaa baaq u diray beesha Cumar Maxamuud

Ganacsade Shafici Cali abdifacul oo ka mid ah ganacsatada SSC ee Turkia ayaa ugu deeqay Dharka Maaliyada Xulka Kubada Ca...
18/11/2023

Ganacsade Shafici Cali abdifacul oo ka mid ah ganacsatada SSC ee Turkia ayaa ugu deeqay Dharka Maaliyada Xulka Kubada Cagta ee SSC-Khaatumo oo ka qayb geleya bisha soo socota tartanka Maamul gobleedyada Soomaaliya.

Ganacsadahana ayaa sheegey in garab iyo gaashaan u yahay xulka isaga ku metela Maamulada .Ganacsade Shafici Cali abdifacul oo ka mid ah ganacsatada SSC ee Turiga ayaa ugu deeqay Dharka Maaliyada Xulka Kubada Cagta ee SSC-Khaatumo oo ka qayb geleya bisha soo socota tartanka Maamul gobleedyada Soomaaliya.

Ganacsadahana ayaa sheegey in garab iyo gaashaan u yahay xulka isaga ku metela Maamulada

15/11/2023

Kabtan ayuub oo si kulul ula hadlay mucaaradka Puntland

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Mudane Axm...
09/11/2023

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada oo todobaadkan looga hadlay Amniga, Roobabka iyo Fatahaada Gaalkacyo, Wax-ka-bedelka xeerka Xafiiska Hanti-dhowrka guud ee Puntland, Warbixinta sahanka dhaqan dhaqaale ee Bulshada Puntland iyo qodobo kale .

06/11/2023

HOOYO: Wiilkan yar wuxuu sidan ugu Ooynayo (qaylinayo) ineysan Hooyadiis Biyaha Qaadin, gacanta ayuu Xoog u haya 🥺.

Shiinuhu waxa uu duulaan ku qaadi doonaa dhawaan Taiwan, duulaan uu isu diyaarinayay muddo nus qarni ku dhow. Galbeedka ...
03/11/2023

Shiinuhu waxa uu duulaan ku qaadi doonaa dhawaan Taiwan, duulaan uu isu diyaarinayay muddo nus qarni ku dhow. Galbeedka ayaa aaminsan in duulaanka Shiinaha uu yahay mid dhow ama dhamaadka sannadkan ama bartamaha sannadka soo socda. Taiwan waa jasiirad iskeed isku maamusha oo lagu tilmaamo mid kamida goobaha ugu hormarsan dhulka, waa jasiirad ay ku nool yihiin 23million oo leh ciidan u gaar ah oo awood badan balse mark Shiinaha loo eego ah quraanjo maroodi waajahaysa, maadaama Shiinuhu leeyahay ciidanka ugu ballaaran dunida ee heegan ku jira oo dhan laba milyan.

Shiinuhu waxa uu arkaa Taiwan gobol dhulkiisa kamida, balse galbeedka ayaa Taiwan u arka dal madax banaan balse ma ay aqoonsana oo aragtidooda ma sharciyayn. Taiwan waxay heshiis difaac kula jirtaa Maraykanka.. Waa mid muhim u ah dhaqalaha dunida iyo tiknoolajiyadda caalamka. Waxa ay soosaarta shayga ugu muhiimsan tiknoolajiyadda ee dhaqaajiya isticmaalka Kombiyuutarrada, Moobillada, Satallaydyada, Diyaaradaha, agabka ciidanka ee ammanaka ee tiknoolajiyadeed, mashinnada iyo agab badan oo kale oo Tiknoolajiyadeed waa Chip-ka ama Semiconductorka ka shaqaysiiya dhammaan agabkaas aan xusay. Waa shayga ugu muhiimsan.

Waxa ay soosaarta 60% Chip-ka dunidu isticmaasho, sidoo kale 90% Chipka ugu hormarsan uguna wanaagsan ee calamakani soo saaro Taiwan oo qura ayaa soo saarta. Moobilka aad isticmaalyso, Kombiyuutarkaaga iyo agabka kalaba Chip-ka ku jira iyaga soo saaray. Sababta u weyn ee shiinuhu ugu duulayo waa inuu tuknoolajiyaddaas dunida muhimka u ah uu gacanta ky dhigo, waa mid ka anfacaysa horumarinta ciidamadiisa iyo koontaroolidda tiknoolajiyadda caalamka.

Haddii Taiwan lagu duulo oo shirkadaha dalkaas e soosaraa agabkaas ay istaagan caalmaka dhaqaalihiisa oo dhami waa istaagaya, Maraykankuna waa ku qasban yahay inuu difaaco taiwan waayo waa u ku tiirsan yahay. Taasina waxa ay dhaxalsiinaysaa dagaal ballaran oo dunida ka dhaca.

WAR - SAXAAFADEED KASOO BAXAY MADAXTOOYADAGaroowe: 01 November 2023: Geeddi socodka doorashooyinka dimuqraadiga ah ee Pu...
01/11/2023

WAR - SAXAAFADEED KASOO BAXAY MADAXTOOYADA

Garoowe: 01 November 2023: Geeddi socodka doorashooyinka dimuqraadiga ah ee Puntland waa mustaqbalka horumarka dowladnimo, amni iyo mid bulsho, Dadka reer Puntlandna ku taamayeen muddo rubuc qarni ah.

Shacabka iyo Dowladda Puntland waxay ka mira dhaliyeen rajadii dimuqraadiyadda Puntland iyada oo doorasho hal qof iyo hal cod ah lagu soo doortay Goleyaasha Deegaanka ee 33 Degmo. Dadka Reer Puntland ayaa sidoo kale hamuun u qaba, una diyaar garoobaya in ay codkooda ku doortaan Golaha Wakiilada, Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka xiliga ay Guddiga Doorashadu u asteeyeen qabsoomidda doorashada.

Waxaa Dalku yeeshay Xisbiyo Siyaasadeed oo Bulshada ku matala go'aanada masiiriga ah ee ka arriminta siyaasadda doorashooyinka, waxaa kale oo Puntland leedahay hay'ado dowli ah sida Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka (PEC) oo u xilsaaran qabsoomidda doorashada, Maxk**adda Dastuuriga ah iyo Goleyaasha Dowladda.

PEC waxaa ay diyaarisay dhammaan aasaasiyaadkii doorashooyinka iyada oo wadatashi kala sameysay xisbiyada iyo Golaha xukuumadda oo caawa ansixiyey wax ka badelka Xeerarka muhiimka u ah qabsoomidda doorashada, kuwaas dhaqso loogu gudbin doono Golaha wakiilada.

Haddaba, Dowladda Puntland iyada oo ixtiraamaysa kala ra’yi duwanaanta iyo doodaha ku saleysan hannaanka dimuqraadiga ah, waxaa ka go'an in ay dhageysato talooyinka u hiilinaya horumarka iyo ka mira dhalinta hannaanka dimuqraadiga ah iyo doorashooyinka loo madlan yahay ee hal qof iyo hal cod.

Waxaan ugu dambeyntii ugu baaqaynaa dadka Reer Puntland in ay illaashadaan midnimadooda, dowladnimadooda, una midoobaan qabsoomidda doorashooyinka si Puntland horseed ugu noqoto Soomaali nabad ah, dimuqraadi ah, kuna dhisan hannaanka Federaalka

Akhriso War-murtiyeedka shirka Isamada Puntland
01/11/2023

Akhriso War-murtiyeedka shirka Isamada Puntland

Waxaa hadda socda warsaxafadeed Issimada Puntland ka soo saarayaan xaalada siyaasadeed ee cakiran oo Puntland.
01/11/2023

Waxaa hadda socda warsaxafadeed Issimada Puntland ka soo saarayaan xaalada siyaasadeed ee cakiran oo Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa xaflad dhiirigelin iyo boggaadin  ah ugu samee...
31/10/2023

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa xaflad dhiirigelin iyo boggaadin ah ugu sameeyay xarunta Madaxtooyada saraakiisha Ciidamada kala duwan ee Dowladda Puntland.

31/10/2023

Daawo: Muuqaal Muujinaaya Sida Xamaas U Bur Burisay Tiro Taangiyada Israa'iil Ah .

DEGNIIN - Roobab Sababi Kara daad xoogan ayaa laga cabsi Qabaa in ay saameeyaan  qeybo kamid ah  deeganadda Puntland. Ro...
26/10/2023

DEGNIIN - Roobab Sababi Kara daad xoogan ayaa laga cabsi Qabaa in ay saameeyaan qeybo kamid ah deeganadda Puntland.

Roobab xoogan ayaa la filayaa in ay ka da'aan gobolada Mudug, Cayn iyo Qeybo ka tirsan Dhul xebeedka Badda Hindiya Ee deeganadda dhaca Gobolka Raascasayr, Roobabkaas oo xaddigooda lagu qiyaasayo inta u dhaxaysa halbeega ( 50-150 mm) sida ku cad khariidada jaantuska Maabka.

Deeganadda Nugaal, Karkaar, Sool iyo Sanaag ayaa heli doona roobab dhexdhexaada ah.

Xogtaan waxaa idinla wadaagaya Xafiiska Saadaasha hawada ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dawladda Puntland.DEGNIIN - Roobab Sababi Kara daad xoogan ayaa laga cabsi Qabaa in ay saameeyaan qeybo kamid ah deeganadda Puntland.

Roobab xoogan ayaa la filayaa in ay ka da'aan gobolada Mudug, Cayn iyo Qeybo ka tirsan Dhul xebeedka Badda Hindiya Ee deeganadda dhaca Gobolka Raascasayr, Roobabkaas oo xaddigooda lagu qiyaasayo inta u dhaxaysa halbeega ( 50-150 mm) sida ku cad khariidada jaantuska Maabka.

Deeganadda Nugaal, Karkaar, Sool iyo Sanaag ayaa heli doona roobab dhexdhexaada ah.

Xogtaan waxaa idinla wadaagaya Xafiiska Saadaasha hawada ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dawladda Puntland.DEGNIIN - Roobab Sababi Kara daad xoogan ayaa laga cabsi Qabaa in ay saameeyaan qeybo kamid ah deeganadda Puntland.

Roobab xoogan ayaa la filayaa in ay ka da'aan gobolada Mudug, Cayn iyo Qeybo ka tirsan Dhul xebeedka Badda Hindiya Ee deeganadda dhaca Gobolka Raascasayr, Roobabkaas oo xaddigooda lagu qiyaasayo inta u dhaxaysa halbeega ( 50-150 mm) sida ku cad khariidada jaantuska Maabka.

Deeganadda Nugaal, Karkaar, Sool iyo Sanaag ayaa heli doona roobab dhexdhexaada ah.

Xogtaan waxaa idinla wadaagaya Xafiiska Saadaasha hawada ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dawladda Puntland.

SAWIRRO: Qayb ka mid ah hubkii casriga ahaa ee ay Itoobiya kusoo bandhigtay magaalada Addis Ababa maanta.Abiy Ahmed ayaa...
26/10/2023

SAWIRRO: Qayb ka mid ah hubkii casriga ahaa ee ay Itoobiya kusoo bandhigtay magaalada Addis Ababa maanta.

Abiy Ahmed ayaa khudbad uu ka jeediyey xuska ciidamada dalkiisa waxa uu u muuqday in uu farriin u dirayo dalalka deriska ah ee uu saska ku abuuray hadal uu dhowaan ka jeediyey baarlamaanka dalkiisa oo uu ku soo bandhigay damaciisa in uu dalkiisu helo bad.

Khudbadda Abiy Ahmed iyo xogta bandhiggii maanta goordhow ayaad daawan doonta

26/10/2023

Dib U milicso Milgihii,Quruxdii & Sharaftii Soomaaliyeed ka hor intaanay dalka ku habsan dadqalatadu.

"Warbaahintu waa seef laba af leh""وسائل الإعلام سيف ذو حدّين."
24/10/2023

"Warbaahintu waa seef laba af leh"

"وسائل الإعلام سيف ذو حدّين."

Brazil baa laga soo iibiyay oo originkeedu yahay sida Jawaanka ku qoran, Brazil Koonaha kale ee adduunka ayay ku taalaa,...
23/10/2023

Brazil baa laga soo iibiyay oo originkeedu yahay sida Jawaanka ku qoran, Brazil Koonaha kale ee adduunka ayay ku taalaa, October bay soo baxday, isla October-na already dalka ayay taalaa, miyay soo duushay. Mush macquul.

Illahay uun bay ummadani leedahay.

Muddo ka badan 10maalmood waxaa xuduudda Gaza iyo Masaarida ee loo yaqaan Raffah taagan in ka badan 500 oo gawaari sida ...
21/10/2023

Muddo ka badan 10maalmood waxaa xuduudda Gaza iyo Masaarida ee loo yaqaan Raffah taagan in ka badan 500 oo gawaari sida cawimo iyo gargaar cunto iyo biyo iyo dhar ah iyo baco, balse Israel waa diidan tahay wali inay gudbaan aduunkii oo dhan baa la hadlay waa diideen Maraykan oo xulufo la ah bay xitaa ka diideen oo hehsiis been ah la galeen.. Masar waxay awoodi wayday inay albaabkaas furto oo dadkaas gaarsiiso caawinadeeda. yahuudda u hanjabtay iyana waa ku dhici waayeen. Ma dadka awood u lahaan waayay gargaar cawimo ayaa awood u lahaan kara inay Falastiinida difaacaan waa maya. Masaaridu waa shirkad Yahuuddu leedahay oo iyagaa xitaa biila ciidankooda.

20/10/2023

Dad badan baa jecel in dagaalkii 3aad ee aduunka la galo oo la isku rogmado, dadkaasi waa gartood oo waa ka Maraykan iyo galbeed nacayb, se xisabta kuma ay darsan in haddii dagaal caalami ah dhaco in Bani aadan uusan meerahan ku harayn. Dagalkii labaad ee dunida waxaa la iska dilay oo uu galaaftay 80milyan oo ruux, kaliya wuxuu ka dhexdhacay xoog weyntii Yurub iyo Maraykan iyo Jabaan oo is eryanayay, hadana tiro intaas le'eg baa ku dhimatay. Hub culus ma jirin, Nukliyeer ma jirin oo Maraykan kaliya ayaa labo xabo samaystay uu isaga difaacay weerarrada Jabaniiska ee tiro beelka ah.

Maanta 9dal baa Nukliyeer haysta, in ku dhow 14kun oo madax oo Nukliyeer ah ayaa yaal dunida. 30dal baa haysta hub sun ah iyo gantaallo qaaradaha ka gudba. Maxaa meel kale ka raadisaa Xuutiyintan aad arkayso baa dukhayn kara maanta oo dhulka ku dari kara Nairobi iyo Addis Ababa iskabadaa Muqdisho iyo Hargaysa. Waxaa lagu jiraa casri la yiraahdo "Nukliyeer age" haddii la isticmaalo waxa la isku raacsan yahay aadame si uu u badbaada inay adkaanayso. Hal xabo oo Nukliyeer ah oo maanta yaal baa ka khasaaro badan in ka badan 100kun oo jeer kii Hiroshima oo dilay 400kun wax ku dhow. Qiyaas kan maanta yaal inta uu dili karo, qiyaas gantaallada halista ah, qiyaas in Nukliyeer diyaarad lagu qaado maanta laga tagay oo dal walba ciidiisa uu kasoo ridayo gantaal nukliyeer sida. Suntiiisa ayaa sii dilaysa milaayiin kale, waxaa la isku raacsan yahay in 95-99% bulshda caalamku aysan ka badbaadayn dagaal Nukliyeer ah, waa khatarta ugu weyn ee adamuhu wajahayo. Hubka kale ee sunta ah iyaga meel dhig.

Innaga ka Somali ahaan waxaynu dhacnaa meelaha ugu istiraatiijisan dunida oo dagaallada u nugul waa ay adag tahay inay cidi naga harto. Marka haku ducaysan waligaa dagaal caalami ah, qofka taas ku ducaysta kuma baraarugsana khsaaraha gaari kara. Waxaa jirta boqolaal waddo oo wiiqi kara awoodda galbeedka iyadoon dhiig daadan.

19/10/2023

Israel qolada ugu badan ee difaacda ee naf iyo maalba ku bixisa jiritaankooda waa mad-habta protestanka oo ah mad-habta labaad ee ugu weyn diinta Kiristaanka, Mad-habtani waa tan ay haystaan galbeedka awoodda badan dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahanba ka bilow Maraykan, UK, Germany, Farance inteeda badan, Scandenevianka, Canada, Dutchka iyo kuwa kalaba. Kaliya Yurubta waaweyn waxaa aan ahayn Protestant waa Italy, Ireland, Poland iyo Spain oo iyagu Kaatoolig ah. Mad-habtani waxa ay leedahay aydhiyoolajiyad la yiraahdo "Christian Zionism" oo ah garab istaaga Yahuudda iyo u dhiisdda dal ay leeyihiin iyo in Ciise soo laabanyo oo dadkan samatabixinayo.

Qoloda Kaatooligu yahuudda waa diidaan iyaga oo ku tilmaamaan inay ciise dileen iyagu oo dagaal baa ka dhaxeeyay muddo aad u badan, waana mad-habta ugu ballaaran Kiristanka dhexdooda waa mad-habta ay haystaan Yurub dalalkaeeda hoose, laatiinka illaa Esshiya dalalka ah, balse iyagu wadamadoodu saamayn ballaaran kumalaha siyaasadda dunida ee awoodda badan, kuwooda kulehna waxay ku gawracan yihiin xulufada ay kamid yihiin ee galbeedka ah. Colombia oo eriday safiirkii Yahuudda waa Kaatoolig.

Falastiin waxaa taageera oo dhaqaale iyo hubba siiya Iiraan oo usoo marisa Xisbullah, waxa Falastiin oo sunni ah waxaa taageera mad-habka shiicada ee Islaamka dalwadaha laga haysto ama dadkoodu u badan yihiin. Ururrada awoodda badan ee hubaysan oo dhami waa shiico, kuwa sunnigu waa argagixiso dadkooda laaya sida Daacish, Alqaacida, Shabaabtayada iyo kuwa kale oo badan. Halka ururrada Shiicada sida Xisbullah, Xuutiyiinta (ansaarullah) kuwa Curaaq iyo Siiriya ka dhisan dhammantood aysan dadkooda shiicada ah aysan weerar ku ahayn. Muslimiintu waa 2Bilyan wax ka badan 1.8Bilyan waa sunni, hadana waxaa ka samayn badan oo ka karti badan oo dhagarta galbeedka ka og Shiicada 15% ka ah Islaamka.

Biden oo ka hadlayay Talaabiib ayaa hadda yiri haddii aysan wax Isrsel la yiraahdo jiri lahayn waxaa khasab ah inaynu Is...
18/10/2023

Biden oo ka hadlayay Talaabiib ayaa hadda yiri haddii aysan wax Isrsel la yiraahdo jiri lahayn waxaa khasab ah inaynu Israel cusub abuurno. Hadalkan 40sanono kahor ayuu yiri mar uu ahaa Seneter, isla maanta ayuu hadana yiri Biden. Waxaa kale oo uu yiri "waxaan u imid Israel inaan dunida tuso in Maraykan garab joogo Israel". Maraykan warkiisa wa cad yahay, Yahuudna waa gardarro garab og, Somali baana tiri gardarro garab ogi kaama leexato.

Dhanka kale Jidda waxaa ku shiraya wasiir arrimo dibadeedyada ururka wadamada Islaamka, hadaan sii qiyaasana waa cambaarayn waxa ay soo saaraan iyo xabad joojin, Yahuudna dhag jalaq usiin mayso.. Dhanka iyo golaha ammaanka darraad qaraar Ruushku hormuud u ahaa oo ahaa in xabad joojin la sameeyo aya la hordhigay golaha ammaanka. Maraykan, Ingiriis iyo Faransiis iyo Jabaan baa diiday oo yiri xabad joojini dhicimayso, saacado kadib Isbitaal ayay Yahuudu ciidda ku dartay.

Markale ayaa golaha ammaanku cod u qaaday ah qaraarka xabbad joojinta Gaza, 15ka xubnood 12xubnood ayaa yiri halla jooji...
18/10/2023

Markale ayaa golaha ammaanku cod u qaaday ah qaraarka xabbad joojinta Gaza, 15ka xubnood 12xubnood ayaa yiri halla joojiyo dagaalka iyo dukhaymaha Israel, 2xunood waa ka aamuseen, hal xubin baa diiday oo tiri istaagi mayso dukhaynta Yahuudda oo waa ay socon. Xubintaa ma taqaan waa Maraykan oo warkiisu cad yahay. Sidaa awgeed dukhaynta Gaza ma istaagayso qaraarkaasina sidaas ayuu ku fashilmay. Golaha ammaanku wuxuu ka kooban yahay 15xubnood 10 aan joogta ahayn iyo 5joogto ah. Sharciga golaha ammaanku waa dal kamida shanta joogtada ah ee Vitada haysta haddii mid uu diido soo jeedinta golaha ammaanka waa ka kac.

DEG DEG: Wasiirka Arrimaha dibadda Iiraan, ayaa ku boorriyay wasiirrada arrimaha dibadda ururka Iskaashiga Islaamka ee k...
18/10/2023

DEG DEG: Wasiirka Arrimaha dibadda Iiraan, ayaa ku boorriyay wasiirrada arrimaha dibadda ururka Iskaashiga Islaamka ee ku shirsan Jiddah, inay ka baxaan is xakameeynta , isagoo intaa ku daray “waana in maanta Jiddah laga qaadaa tallaabooyin wax ku ool ah”

17/10/2023

Update: Xamaas waxay ku tiri Yahuudda saacad baan kusii daynaynaa maxaabiista aan idin ka hayno dukhaynta dadkayaga ka daaya. Waa xanuun runtii.

17/10/2023

DEGDEG: Xisbullah berri waxa ay u aqoonsatay oo shaacisay inay tahay maalin caro (a day of rage). Taaso ka micno ah maalin ay Yahuudda garaaci doonaan. Ogsoonow berri waxaa ku wajahan Yahudda Madaxweynaha Maraykanka.

Bilaash bay dadku Erdogan iyo hogaamiye kale toona ku haystaan. Erdogan waaba hogaamiyaha kaliya ee si maalinle ah u dha...
17/10/2023

Bilaash bay dadku Erdogan iyo hogaamiye kale toona ku haystaan. Erdogan waaba hogaamiyaha kaliya ee si maalinle ah u dhaliila Israel oo ku dadaala in xasuuqa ay joojiso. Erdogan iyo Turki waxba k**a qaban karaan Israel iyo reer Galbeed oo is wata. Israel gadaal baa laga jooga oo awood ballaran baa shafka u garacanaysa. Xeebaha Yahuuda waxaa taagan markabka ugu weyn ee dagaal ee bani aadan farsameeyay oo ah waxa ugu muhimsan ee Maraykan ku faani karo awood ahaan. Waa Gerld R. ford oo dushiisa ay saaran yihiin 75diyaaradood oo F-22Raptur iyo F-35 ah, miyaad sahlanaysaa in Maraykan hubkiisa iyo aaladdiisa ugu muhiimsan u soo diro Israel isagoon la gaban oo waliba oo aan inyar xushmayn ama ka sarriigan Carabta uu saaxibka dhaw la yahay.

Maraykan berri madaxweynihiisii baa tagaya Yahuud oo dagaal bartanka uga jirta oo uu ogyahay in Xisbullah 130kun oo gantaal haysato, taasi waa farriin cad oo loo diray cid kasta oo Israel diidan in Maraykan la safan yahay, ka imow Maraykan, caawa waxaa jooga oo waliba dhawaan ka duulayay garoonka Talaabiib Raysalwasaarihii Jarmalka, isla berri waxaa isna tagaya Raysalwasaaraha Britain. Yahuud Maraykan iyo Nato iyo kuwa an Nato ku jirin ee reer galbeed ah baa shafka u garaacday oo difaacaya. Qadiyad baa lagu difaacaya Yahuud taaso ah mid diimeed. Aan kuugu daro isla berri $10bilyan lacag ah baa bangiga laga fasaxaya Maraykanka oo Israel loo dirayo waa lacag gargaar ciidan ah.

Waxba Erdogan oo kali ah ha eedayn, waxba Sacuudi ha eedayn waxba Iiraanta hanjabaysa ee laga yaabo inay nafhurnimo muujiso ha eedayn, ma jirto qadiyad difaacda falstiin oo midaysan. Haddii Carabi midowdo Yahuud waa laga adkaan karaa mase jirtaba taasi Urdun lama tuso Sacuudi, Kuweit iyo Ciraaq waa dab iyo baasiin. Qatar lama tuso Sacuudi, Imaaraad iyo Sacuudi isma ogola, Baxreyn waa tii Yahuud aqoonsatay. Marooko iyo Algeria aduunka isugu neceb, Siiriya iyo Ciraaq la isma tuso dad ahaan, Masar iyo Liibiya ha sheegin. Imaarad waa kii Xamaas cambaareeyay oo Yahuudda la safnaa. Hal isir oo carbeed baa is diiday saad rabtaa inuu waajaho dhowr iyo labaatan isir oo ku midoobay difaaca Yahuuddaoo diintooda iyo qadiyadooda ku difaacaya. Erdogan waa fariid awoodse mahayo, hadduu hayn lahane Israel lama arkeen.

“Waxaan U Baahanahay Karfan” Xanuun Waaye Wlhi 😢😢Waa hadal xanuun badan dhabtii🤲🏻🤲🏻😭😭
17/10/2023

“Waxaan U Baahanahay Karfan” Xanuun Waaye Wlhi 😢😢

Waa hadal xanuun badan dhabtii🤲🏻🤲🏻😭😭

17/10/2023

" War nimanka waxay wax iskaga celiyaan soobar kaddaa kow labadan Faraha badanoo 😆😆

Ganacsade Shiinees ah ayaa yiri: “Ganacsatada Muslimiinta ah ayaa ii yimaadda oo iga codsada in aan alaabtooda uga dheji...
17/10/2023

Ganacsade Shiinees ah ayaa yiri:

“Ganacsatada Muslimiinta ah ayaa ii yimaadda oo iga codsada in aan alaabtooda uga dhejiyo calaamado caalami ah , tayo been ah oo aysan lahayn alaabtu iyo calaamado been abuur ah.

Intaas kadib, marka aan u yeero si ay wax ila cunaan way diidaan, waayo waxa ay leeyihiin cuntadaadu xalaal maaha. Sidookale doofaarka iyo bisadaha macuno

marka ma xalaalbaa in ay iibiyaan, alaab been abuur ah?"

Gaaladii baa ka yaaban Muslimiinta qaar !!!

14/10/2023

14 Oct Lix sano kahor maanta oo kale waxaa muqdisho ka dhacay qarax ay ku dhinteen in ka badan 600 oo qof

Isku dhac saaka dhexmaray maamulka iyo ardeyda Iskuulka Gambool Garoowe ayaa sababay khasaare naf iyo maal ah .Waxaa ard...
14/10/2023

Isku dhac saaka dhexmaray maamulka iyo ardeyda Iskuulka Gambool Garoowe ayaa sababay khasaare naf iyo maal ah .

Waxaa ardeyda dhibtu ka kacday iskuulka gaarsiiyeen khasaare bur bur hantiyeed iyo mid nafeed iyadoo wararku sheegayaan dhimasho hal arday, laamaha amaanka ayaa goobta uu iskuulku ku yaalo goor dhawayd gaaray si gacan ku hayntiisa ula wareegaan.

Doorashada ururka ardayda Gambool oo nidaamka qof iyo cod ku dhacday bishii September islamarkaana natiijadeeda lagu murmay ayaa sababtay qalalaasaha sida la soo warinayo.

Madaxweyne Deni, "Waxaan doorasho qof iyo cod ahayn Puntland ka dhici mayso, mudo korarsina ma jiro, waxaana faraya gudi...
13/10/2023

Madaxweyne Deni, "Waxaan doorasho qof iyo cod ahayn Puntland ka dhici mayso, mudo korarsina ma jiro, waxaana faraya gudiga doorashooyinka inay soo saaran jidwalka doorashada.

Ardayda dhigata Dugsiga Nawaawi ee caasumada Garowe ayaa laga taageeray Shacabka xaq udirirka ah ee falastiin.Ardayda ay...
12/10/2023

Ardayda dhigata Dugsiga Nawaawi ee caasumada Garowe ayaa laga taageeray Shacabka xaq udirirka ah ee falastiin.

Ardayda ayaa hal kudhig ka dhigtay “Qudus anagaa iska leh dhulkana anagaa iska leh”

11/10/2023

Towxiidka & cabsida rabi ayey kaashadeen rabiyow uhiili adigaa koonkaan kensaday xaqeyna ku jihaaden rabow raxariistaada kuso daji 🇰🇼🤲

Eebbe wuxuu kitaabka Tawraad ku ogaysiiyay reer bani Israa’iil inay kibri doonaan laba jeer, oo ay dhulka qarribi doonaa...
11/10/2023

Eebbe wuxuu kitaabka Tawraad ku ogaysiiyay reer bani Israa’iil inay kibri doonaan laba jeer, oo ay dhulka qarribi doonaan. Sida oo kale Ilaahay wuxuu u yaboohay laba balanqaad oo ku lammaan labadaas h**e. Waa in markasta oo ay kibraan, uu u soo diri doono awood burburisa kibirkooda.

وَقَضَيْنَا إِلَىٰ بَنِي إِسْرَائِيلَ فِي الْكِتَابِ لَتُفْسِدُنَّ فِي الْأَرْضِ مَرَّتَيْنِ وَلَتَعْلُنَّ عُلُوًّا كَبِيرًا (𝟰)
𝟰. 𝗪𝗮𝘅𝗮𝗮𝗻𝘂 𝗸𝘂 𝗼𝗴𝗮𝘆𝘀𝗶𝗶𝗻𝗻𝗮𝘆 𝗿𝗲𝗲𝗿 𝗯𝗮𝗻𝗶 𝗜𝘀𝗿𝗮𝗮'𝗶𝗶𝗹 𝗸𝗶𝘁𝗮𝗮𝗯𝗸𝗮, "𝗪𝗮𝘅𝗮𝗮𝗱 𝗾𝗮𝗿𝗿𝗶𝗯𝗶 𝗱𝗼𝗼𝗻𝘁𝗮𝗮𝗻 𝗱𝗵𝘂𝗹𝗸𝗮 𝗹𝗮𝗯𝗮 𝗷𝗲𝗲𝗿, 𝘄𝗮𝘅𝗮𝗮𝗻𝗮𝗱 𝗸𝗶𝗯𝗿𝗶 𝗱𝗼𝗼𝗻𝘁𝗮𝗮𝗻 𝗸𝗶𝗯𝗶𝗿 𝘄𝗲𝘆𝗻.''

In kasta oo taariikho badan lagu soo arooriyo xilliga ay dhacday qarribaadii iyo kibirkii koowaad, ee ay reer banu Israa'iil dhulka ka gaysteen; iyo weliba cidda ay ahayd awooddii uu Eebbe u soo diray inay kibirjebiso, haddana waxa la isku waafaqsan yahay inuu kibirkaasi dhacay soo degistii Quraanka kahor.

فَإِذَا جَاءَ وَعْدُ أُولَاهُمَا بَعَثْنَا عَلَيْكُمْ عِبَادًا لَّنَا أُولِي بَأْسٍ شَدِيدٍ فَجَاسُوا خِلَالَ الدِّيَارِ ۚ وَكَانَ وَعْدًا مَّفْعُولًا (𝟱)
𝟱. 𝗠𝗮𝗿𝗸𝗮 𝘂𝘂 𝘆𝗶𝗺𝗮𝗮𝗱𝗱𝗼 𝗯𝗮𝗹𝗹𝗮𝗻𝗾𝗮𝗮𝗱𝗸𝗮 𝗵𝗼𝗿𝗲, 𝘄𝗮𝘅𝗮𝗮𝗻𝘂 𝗶𝗱𝗶𝗶𝗻 𝘀𝗼𝗼 𝗱𝗶𝗿𝗶 𝗮𝗱𝗱𝗼𝗼𝗺𝗼 𝗮𝗮𝗻𝘂 𝗹𝗲𝗲𝗻𝗮𝗵𝗮𝘆, 𝗼𝗼 𝘀𝗵𝗶𝗱𝗱𝗼 𝗯𝗮𝗱𝗮𝗻. 𝗪𝗮𝘅𝗮𝘆 𝗱𝗵𝗲𝘅𝗾𝗮𝗮𝗱𝗲𝗲𝗻 𝗴𝘂𝗿𝘆𝗮𝗵𝗮, 𝘄𝗮𝗮𝗻𝗮 𝗯𝗮𝗹𝗹𝗮𝗻 𝗹𝗮 𝗵𝗶𝗿𝗴𝗲𝗹𝗶𝘆𝗮𝘆.

Taariikhyahannada qaarkood waxay sheegaan inay islaweynidii koowaad dhacday markii ay Yuhuuddu dileen nebigii Shacyaa Amsiyaa. Halka qaar kalena ay ka sheegaan inay tahay kolkii ay dileen nebigii Yaxye Sakariye. Ciidanka kibirjebiyay waxa lagu sheegaa inay ahaayeen Baabiliyiin uu hoggaaminayay Bakhtunasar.

Haddii aynu sooyaalka dib ugu noqonno, inaga oo ka dhinbiil qaadanayna waxyiga. Kadib markii uu ka badbaadiyay addoonsigii Fircoon, Ilaahay wuxuu u sheegay reer bani Israa'iil inay degaan dhulka barakaysan ee Shaam. Way degeen, waqti dheer ayaanay ku negaadeen.

Sidii lagu yaqaannay, markii ay Yuhuuddu salka dhigteen dhulka barakaysan, waxay bilaabeen qas iyo qooq. Waxa ku dhaboobay ogaysiiskii koowaad, ee ahaa inay dhulka qarribi doonaan, iyo ballanqaadkii koowad ee ahaa in loo soo diri doono cid kibir jebisa. Jabkaas ku dhacay waa ka keenay inay qurbaha ku kala filqaan, kumannaan sanno.

Haddii ay markaas h**e ahaayeen isir keliya, firxadkaas dabadii waxay dhexgaleen dhammaan isirada dunida. Kadib waxay ku soo noqdeen Falasdiin sannadkii 1948, iyaga oo ah caynbacayn, habqan ah, oo ka kala yimi dhammaan dalalka caalamka.

وَقُلْنَا مِن بَعْدِهِ لِبَنِي إِسْرَائِيلَ اسْكُنُوا الْأَرْضَ فَإِذَا جَاءَ وَعْدُ الْآخِرَةِ جِئْنَا بِكُمْ لَفِيفًا (𝟭𝟬𝟰)
𝟭𝟬𝟰. 𝗪𝗮𝘅𝗮𝗮𝗻𝘂 𝗸𝘂 𝗻𝗶𝗱𝗵𝗶 –(𝗙𝗶𝗿𝗰𝗼𝗼𝗻) 𝗱𝗮𝗯𝗮𝗱𝗶𝗶 –𝗿𝗲𝗲𝗿 𝗯𝗮𝗻𝗶 𝗜𝘀𝗿𝗮𝗮'𝗶𝗶𝗹 𝗱𝗵𝘂𝗹𝗸𝗮 𝗱𝗲𝗴𝗮. 𝗠𝗮𝗿𝗸𝗮 𝘂𝘂 𝘆𝗶𝗺𝗮𝗮𝗱𝗱𝗼 𝗯𝗮𝗹𝗹𝗮𝗻𝗾𝗮𝗮𝗱𝗸𝗮 𝗱𝗮𝗻𝗯𝗲, 𝘄𝗮𝘅𝗮𝗮𝗻𝘂 𝗶𝗱𝗶𝗻 𝗸𝗲𝗲𝗻𝗶 𝗱𝗼𝗼𝗻𝗻𝗮𝗮 𝗶𝗱𝗶𝗻𝗸𝗮 𝗼𝗼 𝗰𝗮𝘆𝗻𝗯𝗮𝗰𝗮𝘆𝗻 𝗮𝗵.

Ciidan shiddo badan, oo awood leh haddii uu Ilaahay u soo diray reer bani Israa'iil markii koowaad, oo kala firdhiyay; maanta oo uu dhaboobayo ballanqaadkii danbe, waa kuwan soo rogaalceliyay, iyaga oo ugu tayo sarreeya dunida cudud dad, abaabul ciidan, cilmi aqooneed iyo cuud lacageedba.

ثُمَّ رَدَدْنَا لَكُمُ الْكَرَّةَ عَلَيْهِمْ وَأَمْدَدْنَاكُم بِأَمْوَالٍ وَبَنِينَ وَجَعَلْنَاكُمْ أَكْثَرَ نَفِيرًا (𝟲)
𝟲. 𝗞𝗮𝗱𝗶𝗯 𝘄𝗮𝘅𝗮𝗮𝗻𝘂 𝗶𝗱𝗶𝗶𝗻𝗸𝗮 𝘀𝗼𝗼 𝗰𝗲𝗹𝗶𝗻𝗻𝗮𝘆 𝗴𝗮𝗰𝗮𝗻𝘀𝗮𝗿𝗿𝗲𝘆𝗻𝘁𝗶𝗶, 𝘄𝗮𝘅𝗮𝗮𝗻𝗮𝗻 𝗶𝗱𝗶𝗻𝗸𝘂 𝘅𝗼𝗼𝗷𝗶𝗻𝗻𝗮𝘆 𝗵𝗮𝗻𝘁𝗶 𝗶𝘆𝗼 𝘄𝗶𝗶𝗹𝗮𝗹. 𝗪𝗮𝘅𝗮𝗮𝗻𝗮𝗻 𝗶𝗱𝗶𝗻𝗸𝗮 𝗱𝗵𝗶𝗴𝗻𝗮𝘆 𝗸𝘂𝘄𝗮 𝘂𝗴𝘂 𝗮𝗯𝗮𝗮𝗯𝘂𝗹 𝗯𝗮𝗱𝗮𝗻.

Mar kale ayuu la hadlayaa Eebbe reer bani Israa'iil markii ay dhulka qabsadeen. Wuxuu leeyahay maanta idinka ayaa dhulkii barakaysnaa gacanta ku haya, oo dadkii kale oo dhan ka awood batay. Haddaba, haddii aad awooddaa dhanka wanaagsan u adeegsataan, waa mid idiin fiican. Laakiin, haddii aad ka miistaan halkii aad ka miisi jirteen ee fasahaadka, annaguna waxaanu ka miisayna dhankii aanu idiin ballanqaadnay ee qabjebinta.

إِنْ أَحْسَنتُمْ أَحْسَنتُمْ لِأَنفُسِكُمْ ۖ وَإِنْ أَسَأْتُمْ فَلَهَا ۚ فَإِذَا جَاءَ وَعْدُ الْآخِرَةِ لِيَسُوءُوا وُجُوهَكُمْ وَلِيَدْخُلُوا الْمَسْجِدَ كَمَا دَخَلُوهُ أَوَّلَ مَرَّةٍ وَلِيُتَبِّرُوا مَا عَلَوْا تَتْبِيرًا (𝟳)
𝟳. 𝗛𝗮𝗱𝗱𝗶𝗶 𝗮𝗮𝗱 𝘄𝗮𝗻𝗮𝗮𝗴 𝘀𝗮𝗺𝗮𝘆𝘀𝗮𝗮𝗻, 𝘄𝗮𝘅𝗮𝗮𝗱 𝘂 𝘄𝗮𝗻𝗮𝗮𝗴𝘀𝗮𝗻𝗮𝗮𝘁𝗲𝗲𝗻 𝗻𝗮𝗳𝘁𝗶𝗶𝗻𝗻𝗮, 𝗵𝗮𝗱𝗱𝗶𝗶 𝗮𝗮𝗱 𝘅𝘂𝗺𝗮𝗮𝗻 𝘀𝗮𝗺𝗮𝘆𝘀𝗮𝗮𝗻𝗻𝗮, 𝗶𝘆𝗮𝗱𝗮 𝗮𝘆𝗮𝘆 𝗱𝘂𝗹𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗻 𝘁𝗮𝗵𝗮𝘆. 𝗛𝗮𝗱𝗱𝗮𝗯𝗮, 𝗺𝗮𝗿𝗸𝗮 𝘂𝘂 𝘆𝗶𝗺𝗮𝗮𝗱𝗱𝗼 𝗯𝗮𝗹𝗹𝗮𝗻𝗾𝗮𝗮𝗱𝗸𝗮 𝗱𝗮𝗻𝗯𝗲 (𝘄𝗮𝘅𝗮𝗮𝗻𝘂 𝗶𝗱𝗶𝗶𝗻 𝘀𝗼𝗼 𝗱𝗶𝗿𝗶 𝗱𝗼𝗼𝗻𝗻𝗮𝗮 𝗰𝗶𝗱) 𝘀𝗶 𝗮𝘆 𝘄𝗲𝗷𝗶𝘆𝗮𝗱𝗶𝗶𝗻𝗻𝗮 𝘂 𝗺𝘂𝗿𝘂𝗴𝗴𝗲𝗹𝗶𝘆𝗮𝗮𝗻; 𝗶𝘆𝗼 𝘀𝗶 𝗮𝘆 𝘂 𝗴𝗮𝗹𝗮𝗮𝗻 𝗺𝗮𝘀𝗮𝗮𝗷𝗶𝗱𝗸𝗮 𝘀𝗶𝗱𝗶𝗶 𝗮𝘆 𝘂 𝗴𝗮𝗹𝗲𝗲𝗻 𝗺𝗮𝗿𝗸𝗶𝗶 𝗵𝗼𝗿𝗲; 𝗶𝘆𝗼 𝘀𝗶 𝗮𝘆 𝘂 𝗯𝘂𝗿𝗯𝘂𝗿𝗶𝘆𝗮𝗮𝗻 𝘄𝗶𝘅𝗶𝗶 𝗮𝘆 𝗸𝗮 𝗮𝗱𝗸𝗮𝗮𝗱𝗮𝗮𝗻 𝗯𝘂𝗿𝗯𝘂𝗿𝗶𝗻.

Sidaas ayay reer bani Israa'iil, oo maanta kibir iyo islaweyni cirka marayaa, u sugayaan ciidankii Eebbe ee cagta marin lahaa. Taasna oo ay ku mutaysteen dulmiga, xumaanta iyo gardarrada ay ifka la joogaan.

Ciidankan afka dhulka u daraya qabka Yuhuudda, wuxuu Eebbe iftiimiyay inay yihiin kuwii h**e u galay masaajidka barakaysan ee al-Aqsa. Kuwaasina waxay ahaayeen muslimiintii uu hoggaaminayay Cumar binu Khaddaab.

Waa duul madax'adage, firxadkoodu haddii uu isa soo abaabulo, mar kale ayuu Eebbe ugu quusgooyay, "Annaguna waanu soo noqonaynaa."

وَإِنْ عُدتُّمْ عُدْنَا ۘ وَجَعَلْنَا جَهَنَّمَ لِلْكَافِرِينَ حَصِيرًا (𝟴)
𝟴. 𝗛𝗮𝗱𝗱𝗶𝗶 𝗮𝗮𝗱 𝘀𝗼𝗼 𝗻𝗼𝗾𝗼𝘁𝗮𝗮𝗻, 𝗮𝗻𝗻𝗮𝗴𝘂𝗻𝗮 𝘄𝗮𝗮𝗻𝘂 𝘀𝗼𝗼 𝗻𝗼𝗾𝗼𝗻. 𝗪𝗮𝘅𝗮𝗮𝗻𝗮𝗻 𝘂𝗴𝗮 𝗱𝗵𝗶𝗴𝗻𝗮𝘆 𝗷𝗮𝗵𝗮𝗻𝗻𝗮𝗺𝗮 𝗴𝗮𝗮𝗹𝗮𝗱𝗮 𝗷𝗲𝗲𝗹.

Odoros iyo ballan kasta oo aadame sameeyaa waa kuwo dhantaalan, balse hillaadinta iyo wacadka Ilaahay markasta waa kuwo dhammaystiran, oo dhab ah.

إِنَّ هَٰذَا الْقُرْآنَ يَهْدِي لِلَّتِي هِيَ أَقْوَمُ وَيُبَشِّرُ الْمُؤْمِنِينَ الَّذِينَ يَعْمَلُونَ الصَّالِحَاتِ أَنَّ لَهُمْ أَجْرًا كَبِيرًا (𝟵)
𝟵. 𝗤𝘂𝗿𝗮𝗮𝗻𝗸𝗮𝗻𝗶 𝘄𝘂𝘅𝘂𝘂 𝗸𝘂 𝗵𝗮𝗻𝘂𝘂𝗻𝗶𝗻𝗮𝘆𝗮𝗮 (𝗱𝗮𝗱𝗸𝗮) 𝘁𝗮 𝘂𝗴𝘂 𝘁𝗼𝗼𝘀𝗮𝗻. 𝗪𝗮𝘅𝗮𝗮𝗻𝘂 𝘂𝗴𝘂 𝗯𝘂𝘀𝗵𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆𝗻𝗮𝘆𝗮𝗮 𝗿𝘂𝗺𝗲𝗲𝘆𝗮𝘆𝗮𝗮𝘀𝗵𝗮, 𝗰𝗮𝗺𝗮𝗹𝗸𝗮 𝘄𝗮𝗻𝗮𝗮𝗴𝘀𝗮𝗻 𝘀𝗮𝗺𝗮𝘆𝗻𝗮𝘆𝗮, 𝗶𝗻𝗮𝘆 𝗹𝗲𝗲𝘆𝗶𝗵𝗶𝗶𝗻 𝗮𝗷𝗮𝗿 𝘄𝗲𝘆𝗻.

Sidaa darteed, markii uu soo afmeeray sheekada reer bani Israa'iil iyo ogaysiiska uu h**e u siiyay, wuxuu Eebbe ku soo xidhayaa qisada, sugis uu quluubta muslimiinta ku sugayo xaqnimada Quraanka. Waa si ay u rumaystaan saadaasha guusha Ilaahay, oo aanay ugu niyadjabin calanwalaynta baaddilka, ee maalmaha kooban ah.

وَبِالْحَقِّ أَنزَلْنَاهُ وَبِالْحَقِّ نَزَلَ ۗ وَمَا أَرْسَلْنَاكَ إِلَّا مُبَشِّرًا وَنَذِيرًا (𝟭𝟬𝟱)
𝟭𝟬𝟱. 𝗫𝗮𝗾 𝗮𝘆𝗮𝗮𝗻𝘂 𝗸𝘂 𝘀𝗼𝗼 𝗱𝗲𝗷𝗶𝗻𝗻𝗮𝘆, 𝘅𝗮𝗾 𝗮𝘆𝗮𝗮𝗻𝘂 𝗸𝘂𝘂𝗴𝘂 𝘀𝗼𝗼 𝗱𝗲𝗴𝗮𝘆; 𝘄𝗮𝘅𝗮𝗮𝗻𝗮𝗻 𝗸𝘂𝘂 𝘀𝗼𝗼 𝗱𝗶𝗿𝗻𝗮𝘆 𝗸𝗲𝗹𝗶𝘆𝗮 𝗶𝗻𝗮𝗮𝗱 𝘁𝗮𝗵𝗮𝘆 𝗯𝘂𝘀𝗵𝗮𝗮𝗿𝗲𝗲𝘆𝗲 𝗶𝘆𝗼 𝗱𝗶𝗴𝗲.

–2022

_____________________

𝑇𝑖𝑥𝑟𝑎𝑎𝑐

1. 𝑆𝑢𝑢𝑟𝑎𝑑𝑑𝑎 𝑎𝑙-𝐼𝑠𝑟𝑎𝑎, 𝑔𝑎𝑎𝑟 𝑎ℎ𝑎𝑎𝑛 𝑎𝑎𝑦𝑎𝑑𝑎ℎ𝑎 (4, 5, 6, 7, 8, 9 𝑖𝑦𝑜 104, 105)
2. 𝐷𝑢𝑟𝑢𝑢𝑠𝑡𝑎 𝑠ℎ𝑒𝑒𝑘ℎ 𝐵𝑎𝑠𝑎𝑎𝑚 𝐽𝑎𝑟𝑟𝑎𝑎𝑟.

DEG DEG: Imaamka Al-Azhar,Sh. Ahmed Al Tayyeb ayaa ka dalbaday Dawladaha Carabta iyo Islaamka in ay mowqif mideysan ka q...
11/10/2023

DEG DEG: Imaamka Al-Azhar,Sh. Ahmed Al Tayyeb ayaa ka dalbaday Dawladaha Carabta iyo Islaamka in ay mowqif mideysan ka qaataan madnimada reer galbeed ee taageersan Israa’iil.

Wuxuu intaa ku daray “Taageerada shacabka Falastiin ee aan waxba galabsan waa waajib diini ah, mid sharci ah, mid damiir iyo mid bini'aadanimo —taariikhdaasina uma naxariisan doonto kuwa ku abtirsada.”

10/10/2023

" Ha baqin waxaan nahay muslim kuma dilayno

Israailiyad ka sheekaynaysay sida ay ula dhaqmeen guutada AL-QASSAAM ee falastiin

©️Ogaansho

10/10/2023

"Looma Baahna In Suud Lawato Hadii Dani sidaa wax ka badali waayo Waa in Tuute la Xirto Dani Maxk**ada Lakeena Asad Osman Abdullahi ayaa Sidaas yiri

Shirwaynaha Mucaaradka PL

08/10/2023

Isimadda gobalka Mudug oo isku raacay in dag dag loo dhiso wadada Garacad ilaa Tuur-dibi oo xaduudda DDS ah, ayaa bulshada ugu baaqay in laga qeyb qaato.

05/10/2023

Caleema saarka Nabadoonka Reer Maxamed Axmed Fiqi Idiris (Awrtable) Nabadoon Cawil Nabadoon Axmed Nabadoon Muumin ayaa Gaalkacyo lagu calama saarey.

Address

Galcom
Gaalkacyo
252

Telephone

+252907766991

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ahmed Abdi Gurxan posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Ahmed Abdi Gurxan:

Videos

Share