Hoyga fanka

Hoyga fanka bogga suugaanta iyo fanka soomaalida
(3)

Qaybtii 2-aad gabaygii Toll'ayey                        ('Khaliif Sheekh)Qofkii gacalki dhacadiid u yaal, dhaax ma aarsa...
05/10/2023

Qaybtii 2-aad gabaygii Toll'ayey
('Khaliif Sheekh)

Qofkii gacalki dhacadiid u yaal, dhaax ma aarsado’e
Inkastuu nin dhiifoon ahaa, dhoollahaa maqane
Dan wow dhufaanmaa hadduu, dhoor lahaan jiraye

Dhoys ina adeerkaa ahoo, dhoohan baa badane
Dharab baydin qooyaye dagaal, waad ku dhimataane
Dharka soo qallaylsada biyaad, dhabacsanaysaane

Dhallaankiyo haweenkay ilmadu, dhabanka yaacayso
Dhafoorrada madoobaadey iyo, dhogor xumaantooda
Dhaddigoodka wada ooyayaa, way dhursugayaane

Waxaan dhoocanaynaa intaan, dhalad wadaagnaaye
Yaa nooga kiin dhow wax baa, laysku dherershaaye
Mase waad na dhiibteen? su’aal, dhaygag laa timide

Haddaan qooro dheeriya lahayn, nalaka dheereeye
Idinkoo dhabaalada arkiyo, waran kudhaabdhaabka
Haddaad hilib dhanaan leedihiin, maal ma dhaqateene

Sidii dhay lo’aad oo kalaa, nala dhammaayaaye
Daarood dhammaantiis wuxuu, noogu wada dhaartay
Kelinimada noo law dhigtaay, soo dhudhumiyeene

Dhammaw Khaalid iyo Tuuryar baan, dheehin qiiraduye
Barkad baan na dhinac joogsan iyo, dhudo Qayaadeede
Celi dhebi ma yeesheen Hayaag, soo dhakoobsadaye

Duni dhabaqday Maxamuud Garaad, waad isdhigateene
Dhafantii ugaasyadayadii, looma dhaadhicine
Yaxyow dhebedka fooryahaya oo, dhawle waad maqale

Garaad Faarax waa dhool gu oo, dhays la foorara’e
Sahamo u dhakuungalay haddaan, dheegtey wararkooda
Sidkoodii dhawaayaye inay, dhicinse ma aqaane

In kastoo dhabbaha reer Marqaan, dhirindhirkii laacay
Mar haddaan dhalaalo aad farteen, dhiishayada gaarin
In yar baad isdhaantaane yaan, dhoobo lays marine

War dhiiqdhiiqsi gabay maalintay, talo ka dhoocaarto
Cali-Dhuux haddii iil la dhigay, dhaaxa soo tiriye
Dhabtar Aadan iyo Samatar baa, loogu dhuub xiraye

Ayagana dhaqaaqjoogsi iyo, dhuukis baa galaye
Labaduba i dhaafsade sariir, daabac dhiina lehe
“Dhamas” seexde duulkaan lahaa, way dhifsanayaane

Gubaabo kuma dhiirradaan, dhuunte reer Hagare
Lafaha kuma dhaqaajaan tixihii, loogu naasdhigaye
Odayaal! dhitaysiga murtidu, waa dhabcaalnimo’e

Dadku kuma dhacaayaan waxaad, dhihi karaysaane
Haddaydnaan dhawaaq iyo hayaay!, igula dheeraysan
Magaceennii dheeraa dib baa, loo dhaqdhaqayaaye

Rabbi baa dhulkiisa cammirtoo, dhuunya aadniga’e
Dhiggiis loo calaacali karoo, dheef baxshaan jirine
Waxba yaanan hoosdhigan gacmaha, nimanka dhuuhayne

In kastaan dhukaan ahay Allaa, ii dhardhaar rogine
Abaaraha biciidkii dhangagay, dhaayin baa xigine
Dhugatadu mar uun bay idlaan, dhiida fuushaniye

Dhirta gubatey dhuxulaha kulhamay, dhumar dhallaandooxa
Dhaleecadiyo ceebaha wajiga, igu dhammaajaysan
Dhabayaco Ilaah lehe mar uun, bay ka fool dhaqane

Ma dhantaalmo qoonkuu Raxmaan, dhinac istaagaane
Rasuulkaa na dheegsoconayiyo, dhawr kun oo malage
Hartiyow abaal dhigo adduun, dhaymo siima lehe

DHAMAAD

Tolla'ayey  (Khaliif Sheekh Maxamuud 1981)Khaliif Markuu dhameeyay Gabayadii Hiil doonka ahaa ee Majeerteenka qabiiladii...
04/10/2023

Tolla'ayey
(Khaliif Sheekh Maxamuud 1981)

Khaliif Markuu dhameeyay Gabayadii Hiil doonka ahaa ee Majeerteenka qabiiladiisa ku saabsanaa oo u danbeeyey Gabayga ''Gargaar'' Wuxuu markaas u jeestay dhanka Hartiga, Wuxuuna u hormariyay Dhulbahante oo daris la,ahaa dhulka ay jabhadu halganka waday iyo isagoo ka hororsanayey rajiimka Siyaad Barre inay ka raacin. Gabaygiina waa kan wuxuu ka koobanyahay 114 tix

Ilaahay Dhulbahantow wuxuu, noola kiin dhaliyey
Dhubbad iga yaraayow waxaan, kuu dhidhiinsanayey
Dhamastii shisheeyaha waxaan, kaaga dhicinaayey

Dhibaatada na haysiyo dulmiga, nalaku dhuuxyeeyey
Haddaydnaan ka dhiidhiiyin gun baan, ficil dhalaaloone
Walaalkay dhabeedow maxaan, kuugu dhololaayey

Waa udubdhexaad iyo xigtadu, xarig dhufeecaahe
Dhafar soohan weeyiyo sidii, hoosin dhaacle ahe
Haddaan caynka la isku dhifteen, lama dhaqnaadeene

Waxaa dhaxalwadaag looga dhigay, ha isku dhaateene
Dhaqaale iyo ”ii hiilli” way, naga dhexaysaaye
Bal isdhugo Shirshoorow tolkay, kuma dhegaysteene

Dhudhubaha bal jeedaaliyoo, dhaayo furan yeesha
Bal dhexmara Majeerteen dulliga, dhabarka loo saaray
Dharbaaxada naloo geystey iyo, foolka dhacay eega

Dhadhan beele inamihii gabdhaha, xubinta dheeraaye
Waataad dhismaha reerkayaga, dhab u jeclaydeene
Hablahaw ardaa dhigi jirteen, dhume raggoodiiye

Dhosoglow midgaan baa ku helay, meel dhexdhiinna ahe
Nin waliba ka dhereg naagihii, dheegga Maxamuude
Dhalandoorsan guurkood kuwaa, qaar idiin dhaxa’e

Ciddayada geyaan kuma dhawaan, loo dhaqmaad guda’e
Dhaddig iyo haddaad naga rabtaan, xidid isdhaafdhaafsi
Dhudub k**a helaysaan aroos, dheelmatiin wacane

Dhallintii Ibraahiim sidii, dhuguca loo boobye
Sidii geel Dharoor loo horoo, dhooddi ka cabbaaya
Nin kastaa ku soo dhababacee, dhiigga Talareere

Dhuuxii adoogeen haddaan, habari dhaandhaamin
Amaan hooyadiin dhega adkayn, nama dhasiigteene
Isku dhidid inaan nahay wax baa, noogu kiin dhimane

Dhayal ma aha hadalkaygu iyo, dhaadhac wiilnimo’e
Hadduu maydkayagu dhooban yahay, dhagidii Boohoodle
Asaydnaan dhirfayn waa inaan, idin dhalliilaaye

Labo dhoonhoraad oo Ilaah, dhaayday baan nahaye
Faradheeri mooyee si kale, waysu dhigannaaye
Haddaan qoloba qolo tiir ka dhigan, waynu dheelliyine

Ku dhegsadaye qaylada waxaan, kor ugu dheelaasay
Dhadhab ha iga moodina nin dhii, laysan baan ahaye
Noo soo dhaqsada waxaynu nahay, oday dhacaankiise

Idinkoon rag dhumuc weyn leh oo, dhalada noo waayin
Dhaawiciyo geerida haddii, nalagu sii dhawrto
Ilaahii dhammays idinka dhigay, haydin buux dhimo’e

Dhaantada ragyohow tumanayaa, dheeshu noo darane
Hadduu cood idiin dhalay annagu, dhacannay waagaane
Agoomaha u dhawrteeya waa, xeer inoo dhigane

Ku dhammaade aakhiro raggii, dheemmanta ahaaye
Dhalanteed carruuriyo wax aan, dhaamin baa haraye
Noo dhiciya maatada nabsigu, waa habeen dhixide

Dhinbilihii ”Murgumo” maansadaan, h**e u soo dhiibey
War i dhaafsanaa iyo qurjiga, caro dhagsiisaaba
”Maangaab!” dharaartaan lahaa, waydin dhaagsadaye

Waxse dhaadaddaydiyo runtii, dhab u caddaynaaya
Annagoo dhufays idin bidnoo, dhagaxa Hawd joogna
Oo idinku soo dhuumannaad, naga dhaqaaqdeene

Nimanyohow maryaha dheeri yaan, dhoonbir lay sidane
Dhankaad naga xigtaan buu xagaa, nooga soo dhacaye
Hohey! Dhaxanta naga soo dugsiya, dhawr ma celisaane

Haddaad dhaaban tahay ood lugaha, dhiiqo ku istaagtid
Dhashii aabbaha oo quraa, dhuubta kaa qoda’e
Dhutintoodu reer Ceelcad way, idin dhibaysaaye

La soco qaybta 2-aad ee Gabayga

29/01/2023

Su'aal : Saddex ii sheega
1. Rag abaartii ii sheega?
2. Dumar abaartood ii sheega?
3. Xoolo abaartood ii sheega?

UPDATE:Fiqi Cabdinaasir Mire oo kamid ah isimada dhaqanka Mudug-Puntland ee beesha reer Xirsi oo xiligii Doorashada Soom...
20/07/2022

UPDATE:Fiqi Cabdinaasir Mire oo kamid ah isimada dhaqanka Mudug-Puntland ee beesha reer Xirsi oo xiligii Doorashada Soomaaliya is casiley, ayaa shaaciyey in uu ka laabtay is casilaadaasi, afar bilood ka dib.

Wargeysyada waaweyn ee dalka Jarmalka ayaa warbixino ka qoray  Orodyahanka Maxamed Muxumed oo ah wiil asal  ahaan ka soo...
20/07/2022

Wargeysyada waaweyn ee dalka Jarmalka ayaa warbixino ka qoray Orodyahanka Maxamed Muxumed oo ah wiil asal ahaan ka soo jeeda Somaliland.

Maxamed ayaa ku dhashay dalka Jarmalka, warbaahinta ayaa sheegaysa inuuu yahay rejada jarmalka ee dhanka ciyaaraha orodka.

Maxamed wuxuu tartan orod oo 5,000 oo mitir ah ka qeyb geli doonaa Habeenka Jimcada 22/07/2022 Marka ay saacaddu 03:10 habeenimo waqtiga Jarmalka ama Yurubta dhexe.

Magaalada Eugene Oregon ee Dalka Maraykanka uu tartanku ka dhacayaa.

Madaxweyne Deni "Anigu waxaan ahay reer xamar".
20/07/2022

Madaxweyne Deni "Anigu waxaan ahay reer xamar".

1. Shakhsiyadda gooni u socodka:_ waxay dareemaysaa wel-wel joogta ah._ waxay aaminsantahay in ay dadka kale ka meeqaan ...
20/07/2022

1. Shakhsiyadda gooni u socodka:
_ waxay dareemaysaa wel-wel joogta ah.
_ waxay aaminsantahay in ay dadka kale ka meeqaan hoosayso
- waxay ku hawlantahay wax dhaliilid
- malahan saaxiibo kabadan hal ama labo. Mararka ay xafladaha aadayso ma aaddo haddii uusan joogin qofka ay saaxiibka latahay. Xataa qoyska waxay ku leedahay hal ama laba saaxiib.
-waxay iska ilaalisaa in ay si toos ah dadku ugu dhawaadaan.

Xigasho: buugga sawirkiisu idiin muuqdo

Saaxiiboow haddaad tiriSeed geel ma hilib baaHadde saanta kabahaba Rag baa sabanno quutayeSannadkaa miyaad garan?--Qays.
20/07/2022

Saaxiiboow haddaad tiri
Seed geel ma hilib baa
Hadde saanta kabahaba
Rag baa sabanno quutaye
Sannadkaa miyaad garan?

--Qays.

16/04/2022

Aw cabdi muuse waxuu ku dhashay miyiga Ceel-Afweyn 1911 sida uu ii sheegay walaalkii Alla ha u naxariistee Axmed Muuse. Aw cabdi Muuse gabay aad u dheeraa oo uu u magac daray Dardaaran ayuu ugu sheegay in la joojiyo dooxaysigii iyo dilkii dhexmari jirey Isaaq Iyo Daarood.

Daarood iyo Isaaq Waxaynu nahay, duul walaalo ahe
Duullaan wixii laysku galay dooxatiyo weerar
Waa tii la duudsiyey wixii laysku daabulaye
Waa duni rag joogoo wanaag laga deyaayaaye
Duulaan dambaan kicinayaa taa ha laga daayo.

Madaxweyne Deni iyo Wafdigiisa ayaa galabta dib ugusoo laabtay Garoowe, Madaxweynaha aya maalmihii lasoo dhaafay safar s...
10/09/2021

Madaxweyne Deni iyo Wafdigiisa ayaa galabta dib ugusoo laabtay Garoowe, Madaxweynaha aya maalmihii lasoo dhaafay safar shaqo ku joogay Gobolka Mudug, wuxuuna maanta soo kormeeray dhismaha Dekadda Garacad.
Jama Deperani

Wuxuu aaminsanyahay in Allah uu kaga helaayo ajri wayn in uu kiiska Ikraan caddaalad ka falo. Sidaas si lamid ah haddii ...
10/09/2021

Wuxuu aaminsanyahay in Allah uu kaga helaayo ajri wayn in uu kiiska Ikraan caddaalad ka falo.
Sidaas si lamid ah haddii uu kiiskaan ka aamuso uu lamid noqon doono Kii ka horreeyay sida uu maanta u yahay dulli aan ummadna magac ku lahayn kuwii uu adeegayayna magac ku lahayn.

03/06/2021

Guddoomiyaha gobolka mudug oo shir guddoomiyaya shirka amniga gobolka ayaa sheegay in shirka ay ka soo baxeen:
1. In la xoojiyo awaamiirtii h**e.
2. In murashixiinta heer federal ay ula diyaar yihiin sugidda amnigooda.
3. In shaqaaqadii ka dhacday saldhigga degmada Bursaalax sida uga dhaqsaha badan uu maamulku usoo qaban doono wixii falkaas ka dambeeyay.

Address

Boosaaso

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hoyga fanka posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Share