Soona News

Soona News War Sugan iyo Deg Degsiinyo Waa Astaanta Soona News

04/06/2023

Guutadii 94-aad ciidanka Somaliland ayaa sheegay in ay ka baxeen Somaliland, saldhigooduna ahaa deegaano kamid ah gobalka Cayn, waxay sheegeen in Somaliland weerar xasuuq ah ka geystaay magaalada Laascaanood.

Taliyaha Taliska G/dhexe Maxamed-Deeq Muxumud Cabdi ayaa kudhawaaqay warkan, isagoo shir jaraa’id qabtay ku sheegay in ay ku biirayaan dagaalka Laascaanood.

04/05/2023

"Dulmi hadal laguma qariyo. Hadalka Raysal wasaare ku-xigeenka Soomaaliya; nuxurkiisu waxa uu taageersanyahay xasuuqa iyo barakicinta ay maamulka Hargaysa ku hayaan shacabka reer Laascanood. Hadalkani waa khudbadihii xukuumadda Muuse oo kanaal kale soo maray. - Sidaas waxa yidhi Xildhibaan Cali-mahdi Qalato oo ka tirsan Baarlamanka JFS lagana soo doorto Sanaag.

WAR DEG DEG AH: Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta muddo laba sano ah u kordhiyay muddo xileedka Madaxweynaha Somali...
10/01/2022

WAR DEG DEG AH: Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta muddo laba sano ah u kordhiyay muddo xileedka Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Diyaaradda Dowladda Masar ee Egpt Air ayaa dhawaan bilaabaysa duulimaadyo toos ah oo ku imanayso Muqdisho, sida uu daaba...
09/18/2022

Diyaaradda Dowladda Masar ee Egpt Air ayaa dhawaan bilaabaysa duulimaadyo toos ah oo ku imanayso Muqdisho, sida uu daabacay Wargeyska The Somalia Investor Magazine.

Waxa ay ku soo biiraysa Itoobiya, Turkiga, Qadar iyo Kenya oo iyana bilaabaysa socdaalladeeda Soomaaliya, hayeshee weli dadka Soomaaliyeed waxa ay wajahayaan dal-ku-gal adag (Visa) iyo tigidho qaali ah.

02/28/2022

: Safaaradda JFS ee Belgrade iyada oo fulineysa tacliimaadka Wasaaradda Arrimaha Dibadda JFS, waxaa ay dadaal xoog leh u gashay sidii adeeg Qunsuliyadeed loogu sameyn lahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dagaalada Ukrain ka socda ay noloshoodu saameysay iyo sidii loo soo badbaadin lahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xayirnaa xuduuda u dhaxaysa Ukraine 🇺🇦 iyo Poland 🇵🇱.

Sidaa awgeed; Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Belgrade Serbia 🇷🇸 waxaa sharaf u ah in ay u howlgashay, hubiseyna badqabka muwaadiniinta kala ah:

1. Mustafe Cabdul Daahir oo ah arday ka yimid Degamadda Gaalkacyo ee Gobalka Mudug.

2. Cabdullaahi Xuseen Mursal oo ahaa aday kana yimid Degamadda Waaberi ee Gobalka Banaadir.

3. Anwar Axmed Aadan oo ahaa muwaadin deganaa Caasimadda dalka Ukraine ee Kyiv, Anwar wuxuu ka yimid Degamadda Yaaqshiid ee Gobalka Banaadir.

Hadaba, si waafaqsan Sharciga Shaqada Dibadda, Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Belgrade waxaa ay sii laba jibaareysaa dadaalka wadaniga ah ee lagu samata bixinayo muwadiniinteena uu dagaalka Ukrain saameeyay.

Soomaaliya Soomaali baa leh.

Warar hoose ayaa ka soo baxaya Shirkii maanta dhexmaray Madaxweyne Siciid Deni iyo Isimadii ku jiray xallinta dhibaatadi...
02/26/2022

Warar hoose ayaa ka soo baxaya Shirkii maanta dhexmaray Madaxweyne Siciid Deni iyo Isimadii ku jiray xallinta dhibaatadii ka dhacday Boosaaso.

Waxaan la xiriirnay dad ku dhow labada dhinac si aan xog faahfaahsan uga helno Arrimaha hoose ee looga hadlay Shirkii maanta, gaar ahaanna Qodobada isfahamka laga gaaray iyo kuwa la isku-mari waayay.

Arrinta Kuraasta Golaha Shacabka: Madaxweyne Deni wuxu ballan-qaaday in uu Odayaasha Dhaqanka uga danbaynayo Kuraasta Golaha Shacabka, islamarkaana kursi kasta uu go’aankiisa leeyahay Isinka Beesha.

Heshiiska DP World: Wuxu sheegay in Dekedda Boosaaso lagu wareejin doono shirkad ay wada leeyihiin Puntland iyo DP World, taas oo dowladdu ku leedahay %25 laguna kalsoonyahay, iyadoo isfaham laga gaaray Qodobkaas.

Qoondada Horumarinta Boosaaso: Madaxweynaha ayaa soo dhoweeyay Qoondada Horumarinta Boosaaso oo ay horay u go’aamiyeen Isimadu, balse wuxu su’aal ka keenay boqolleyda %17 isago codsaday in wax laga beddelo.

Arrinta PSF: Dood adag ayaa ka dhalatay, waana la isku-mari waayay, kadib markii Isimadu ku adkaysteen Go’aankoodii u danbeeyay ee ahaa in Agaasime Maxamuud Cismaan Diyaano loo daayo Hay’adda PSF. Sida wararka qaar sheegayaan Qodobkaas dib ayaa loo dhigtay.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ku ballamay kulan danbe oo lagu dhammaystirayo Wada-hadalka socda inkastoo aan wakhti cayiman la sheegin.

# News

Deg Deg :- Guddiga Hirgalinta Doorashada Hirshabeelle ayaa caawa shaaciyay 13  kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha shacab...
02/12/2022

Deg Deg :- Guddiga Hirgalinta Doorashada Hirshabeelle ayaa caawa shaaciyay 13 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha shacabka JFS, ee taalla magaalada Baledweyne ee gobolka Hiiraan.

Rooble iyo Safarkiisa Imaaratka......Ra'isalWasaare Rooble ayaa Xalay bartiisa Twitterka la soo galiyay Qoraal lagu shee...
02/02/2022

Rooble iyo Safarkiisa Imaaratka......

Ra'isalWasaare Rooble ayaa Xalay bartiisa Twitterka la soo galiyay Qoraal lagu sheegay in PM Rooble uu Imaaratka kala hadlay is dhex dhaglka dhinaca dhaqaalaha iyo Safarka ee Dubai iyo Muqdisho in la fududeeyo, saacado kadib Qoraalkii waa laga saaray ee la xariiray in Ra'isal Wasaaraha uu fududaynta VISA-ha kala hadlay Imaaratka.

Markiiba waxaa la soo galiyay Qoraal kale tilmaamayo in ganacsiga iyo xiriirka labada dal la xoojiyo iyo mandiqadaba.

Warkaas oo dhan waxaa beeniyay dhaxal-sugaha Imaaratka oo sheegay inuu la kulmay Ra'isalwasaaraha Soomaaliya xitaa magaciisa uusan xusin.

Dhaxalsugaha ayaa yiri ''Ra'isalWasaaraha oo qayb ka ah ka qaybgalayaasha Madasha ayaan ku kulannay halka ay ka dhacaysay waxaana ka wada hadalnay doorka horumarka Adduunka ee Nabadda in laga wada shaqeeyo horumarinadaas iyo sida Dubai ay arrintaas qayb wayn uga tahay in Caalamka Nabad waarta iyo horumar uu ka jiro.

Hadaba waa maxay

Waa madal aarah la isku dhaafsanayo oo ay ka qayb galayaan Dadka u ololeeya Nabadda, dhaqaalaha, Xuquuqul-Insaanka iyo Tiknoolojiyadda, madashaan loo qaban rabay sanadkii 2020 ayaa u baaqatay Koroona Fayrus awgiis oo adduunka kala xiray. Waxa ayna hadda Socon doonta illaa 30 March. Waxyaabo dheeri haddii aad rabto inaa ka ogaato Google gareey.

Majirto Casuumad Rasmi ah uu ku tagay Dubai Rooble ee waxa uu aaday sida uu uga qayb gali lahaa Bandhig Madal oo kuwa Soomaaliya lagu qabto oo kale ah. Waxyaabaha lagu daabacay barihiisa bulshada waa waxba k**a jiraan, kali ah waa hadal ragg iska dhicin ah iyo Siyaasad yari haysato.

Ibrahim Haji.

Koofur Galbeed oo noqotay maamulkii ugu horreeyay ee bilaaba qabashada degaan doorashada labaad ee Magaalada Baraawe kuw...
01/28/2022

Koofur Galbeed oo noqotay maamulkii ugu horreeyay ee bilaaba qabashada degaan doorashada labaad ee Magaalada Baraawe kuwaas oo ah 13 kursi

 : Gudomiyaha Gobolka Nugaal Iyo Taliyah Qaybta Booliska Gobolka Nugaal Oo Gurmad U Fidiyay Shil Gaari Oo Sababay Dhimas...
01/28/2022

: Gudomiyaha Gobolka Nugaal Iyo Taliyah Qaybta Booliska Gobolka Nugaal Oo Gurmad U Fidiyay Shil Gaari Oo Sababay Dhimashada 6 Qof Iyo Dhawaca 3 Qof Oo Ka Dhacay Tuulooyinka Salaama Iyo Libaaxo Dhexdooda Ee Gobolka Nugaal.

Gudomiyaha Gobolka Iyo Taliyaha Qaybta Oo Tagay Halka Uu Shilku Ka Dhacay Ayaa Gurmad U Fidiyay Dadkii Waxyeeladu Soo Gaartay Kuwaaso Loo Soo Qaday Isbitaalka Garowe.

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal G/sare Xussen Cali Maxamuud Ayaa U Tacsiyadeeyay Qoysaskii Ay Ka Geryooden 6da Qof Halka Kuwii Dhacwacmayna Alle U Weydiiyay Inuu U Boga Dhayo.

Taliye Xussen Cali Ayaa Sidoo Kale U Mahadceliyay Ciidamada Booliska Degmada Dongaronyo,Ciidamada Wadooyinka,Shirkada Korontada Ee Nec,Sarakiisha Cafimaadka Ee Isbitaalka Guud Ee Garowe Iyo Cidwalba Oo Ka Qayb Qadatay U Gurmashada Shilkan.

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal G/Sare Xussen Cali Maxamuud Ayaa Darewalada Ugu Baaqay Inay Ilaaliyaan Badqabka Dadka Ay Wadaan.

Suuqa Boosaaso Bartankiisa ayaa saaka lagu dilay Taliyihii h**e ee Kantaroolka Magaalada Kabtan Barkhad Maxamed Jaamac B...
01/26/2022

Suuqa Boosaaso Bartankiisa ayaa saaka lagu dilay Taliyihii h**e ee Kantaroolka Magaalada Kabtan Barkhad Maxamed Jaamac Buryar (Gaduudane) oo hadda kamid ahaa saraakiisha Booliska Puntland .

Maydka Marxkuumka ayaa la dhigay Cisbitaalka wayn ee Magaalada lamana oga cidda ka dambaysay dilkiisa , laamaha Amaanka oo aan xiriir la samaynayna waxay noo sheegeen in baaris ay wadaan kana hordhacayn.

Kabtan Barkhad Gaduudane ayaa sanadkii 2020 Taliska Qaybta Booliska ee Gobalka Bari Gudoonsiiyey Abaalmarin uu ku mutaystay shaqo wanaag iyo dedaal dheeri ah

Deg Deg  Deg Guddiga hirgelinta doorashada KGS SEIT waxaa uu shaacinayaa jadwalka doorashada 5 kursi oo ka mid ah 11 kii...
01/12/2022

Deg Deg Deg
Guddiga hirgelinta doorashada KGS SEIT waxaa uu shaacinayaa jadwalka doorashada 5 kursi oo ka mid ah 11 kii kursi guddiga shaaciyey 1/1/022

Saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in la soo bandhigo is-faham laga gaaray Arrinta PSF iyo Xukuumadda Puntland sida ay ...
01/08/2022

Saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in la soo bandhigo is-faham laga gaaray Arrinta PSF iyo Xukuumadda Puntland sida ay sheegayaan warar lagu kalsoonyahay.

Dhinacyada ku hawllan Arrintaas oo Puntland Post la xiriirtay ayaa sheegay in arrima yar oo farsamo dhiman yihiin islamarkaana saacadaha soo socda isfaham la shaacin doono.

Dhinacyada ayaa ka gaabsaday in ay xogo hordhac ah ka bixiyaan is-fahamka socda maadaama aan weli la dhammaystirin Hawshaas.

Qaar kamid ah Isimada Puntland iyo mas’uuliyiin h**e ayaa Boosaaso u jooga xallinta khilaafka labada dhinac ee PSF iyo dowladda.

Guddoomiyaha Baarlamanka iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda Puntland ayaa sidoo kale ku sugan Boosaaso.

Soona News

  Afartoodaba Way Diideen In Amniga Dalka Lagu Wareejiyo Rooble Shirkina Ugu Danbayn Waa Lagu Kala TagaySonna  News
01/06/2022

Afartoodaba Way Diideen In Amniga Dalka Lagu Wareejiyo Rooble Shirkina Ugu Danbayn Waa Lagu Kala Tagay

Sonna News

01/02/2022

DEG DEG: Tigray oo habaartay Soomaaliya.

Tigray Waxay dheheen sanadka cusub carada ilaahay ha ku dhacdo dalalka kala ah Soomaaliya, Imaaraadka Carabta TURKEY, IRAN, ERITREA iyo ETHIOPIA. Sababtoo ah waxay weerar ku qaadeen dhulkii Tigray oo uu ku yaallay Masjidkii Al-Nejashi, waxaana duqayn u gaystay Ciidammadoodii naflacaariga ahaa.

Tigrai Online.

May the wrath of Allah be upon you in the New Year & for attacking the land of Al-Nejashi Mosque which was bombed by your wicked forces.

Xigasho > Wargeyska Haleel Media Inc .

12/30/2021

Midowga Musharaxiinta ayaa ku kala qeybsamay shir lagu taageerayo Ra’iisul Wasaare Rooble, loogana soo horjeedo isku daygii afgambiga ee lagu doonayay in Xafiiskiisa lagula wareego 27 bishan.

Munaasabad ka socoto Hotelka Afrik ayaa waxaa ka soo qeyb galay xubno ka tirsan Midowga Musharaxiinta oo ay ka mid yihiin Madaxweynihii h**e Xasan Sheekh, C/raxmaan C/shakuur, C/kariin Guuleed, halka ay ka maqan yihiin Madaxweynihii h**e ahna Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Sheekh Shariif iyo Ra’iisul Wasaarihii h**e Xasan Cali Kheyre.

12/29/2021

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY WASIIRO, WASIIRU DOWLEYAAL IYO WASIIR KU-XIGEENO.

Garoowe: 29 December 2021: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 48 ee December 29, 2021 kuna magacaabid Wasiiro, Wasiiru Dowleyaal iyo Wasiir ku-xigeeno ka tirsan Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad faqradiisa 5aad.

Marku arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo Waayo-aragnimadooda shaqo.

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo dhamaystirka Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland.

Markuu garawsaday: Shaqada baaxadda weyn ee shacabka Puntland ka sugayo xukuumadda.

Marku la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland.

Wuxuu xeeriyay :

1. Waxaa Axmed Yuusuf Qahar loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimiladda Dowladda Puntland.

2. Waxaa Rashiid Maxamuud Yuusuf loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda Dowladda Puntland.

3. Waxaa Khadar Faarax Maxamed loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Howlaha Guud, Gadiidka iyo Guriyeynta Dowladda Puntland.

4. Waxaa Cabdiraxmaan Yuusuf Faarax loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Dowladda Puntland.

5. Waxaa Cabdiraxmaan Cali Axmed loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyadda Dowladda Puntland.

*Xeerkani wuxuu dhaqangelaya marka uu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Cabdullahi Maxamed Nuur ayaa ka dalbaday Taliyaha Nabadsugida iyo Sirdoonka Qarank...
12/28/2021

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Cabdullahi Maxamed Nuur ayaa ka dalbaday Taliyaha Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka in uu 48 saac gudahood soo gudbiyo warbixin dhameystiran oo la xidhiidha xadhigga Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur.

Ciidamada Itoobiya ayaa bishii December 2018 Mukhtaar Roobow ka qabtay Baydhabo, kaddib amar ka yimid dowladda Soomaaliya, xilligaasoo uu isku diiwaan geliyay tartanka doorashada Madaxtinimada Koofur Galbeed.

Degdeg : Ilo wareedyo muhiim ah ayaa ii xaqiijiyay in Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed, Galmudug, Hi...
12/25/2021

Degdeg : Ilo wareedyo muhiim ah ayaa ii xaqiijiyay in Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed, Galmudug, Hirshabelle iyo Guddomiyaha Gobolka Banaadir ay go’aan ku gaareen in aysan ka qeyb gali doonin shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee la iclaamiyay in uu qabsoomo 27ka bisha December 2021.

Madaxdaan ayaa doonaya in la saxo faragalin iyo fowdo ay sheegeen in uu Raisul Wasaare Roble ku kala jabiyay Guddiyadii Heer Federaal iyo Khilfaadka.

Side u aragtaa in uu fashilmay shirki Gollaha Wadatashiga Qaran ee uu Rooble iclaamiyay.

12/24/2021

Beeldaaje ismaaciil beeldaaje yaasiin oo maanta ka hadley masjidka rowda bosaaso salaadii jimce kadib ayaa sheegay inay kalsooni ku qabin ciidamada ay jiraaan dhaqdhaqaaqyo ciidan, xaaladii xabad joojinta ahaydna aysan cago badan ku taagneyn. sidoo kale waxa uu cod dheeray ugu baaqey shacabkii boosaaso ka qaxey waxaa uu sheegay inay soo laaban xaaladu aysan fadhiyin. Dowladu ayuu ugu baaqey iney ka dhabeyso wxii lagu balamey. Waxaa kale oo sheegay inay ciidamada puntland yihiin beelo isu tagey faraha aysan ka laaban doonin xaalada bosaaso iyo duulanka qaawan ee lagu soo qaaday

12/23/2021

:- Kulan kuwajahan xaalka Boosaaso ayaa kasocda Aqalka Madaxtooyada ee Garoowe, una dhaxeeya Deni, Karaash iyo Guddoonka baarlamaanka qaarkood!!

12/22/2021

Dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa PSF ayaa markale dib uga qarxay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari. Dagaalka ayaa caawa ka socda jiho cusub oo dhanka xeebta ah.

Rasaas xooggan ayaa laga maqlayaa xaafadaha magaalada. Dagaalka caawa ayaa kusoo aadaya xili maanta lagu dhawaaqay xabad joojin.

12/22/2021

Deg deg boosaaso dagaal ayaa dib uga qarxay xiligan oo saacadu ku beegan tahay xili lakala seexday

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo Galabta dib ugu laabtay Caasimadda Garoowe ayaa hadda shir deg deg ah i...
12/21/2021

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo Galabta dib ugu laabtay Caasimadda Garoowe ayaa hadda shir deg deg ah isu'gu yeeray Madaxweyne ku xigeenka Axmed Cilmi Cismaan iyo Guddoonka Baarlamanka.

Shirkaas ayaa ku soo beegmay xilli maanta uu Boosaaso ka dhacay dagaal u dhexeeya Ciidamada dowladda iyo ciidanka ku sugan xarunta PSF oo taabacsan Agaasimihii xilka laga qaaday Maxamuud Cismaan Diyaano.

Isha Wararka SoonaNews

12/21/2021

DEG-DEG:PSF oo war ka soo saartay dagaalka Boosaaso.

"Waxaan ku jirnaa dagaal iyo is difaac. Dalkaan waan u soo dagaallanay; mana doonayno in aan hubkayaga aan u isticmaalno ciidamadaya la soo khalday". -Gen.Maxamuud Cismaan Diyano ayaa sidaasi ku yidhi farriin-qoraaleed uu u direy BBC.

12/21/2021

Xaaladda dagaalka Bosaaso ee saaka qarxay weli majirto cid kala dhexgashay , waxaana isa soo taraya tirada khasaaraha.

Xarumaha caafimaadka ee Bosaaso ayaa warbaahinta Daljir u xaqiijiyay 5 dhimasho ah iyo dhaawaca 29 qof oo shacab u badan , khasaaraha wuu sii kordhi karaa maadaama ay xaafadaha qaar oo dagaalku kadhacay ay adagtahay in la galo.

Dhinaca khasaaraha labada ciidan ayaana la xaqiijin karin.

Dekedda Bosaso ayaa tan iyo dagaalka markii uu qarxay shaqadeedu istaagtay kadib laba qoryaha culus laga soo ganay oo biyaha badda ku qarxay awgeed , waxaana laga saaray dekedda doonyihii iyo maraakiibtii kusoo xirtay masaafo dhowr kiilo mitir ah.

Diiwaanka wararka

12/21/2021

Khasaaraha dagaalkii Boosaaso

Dagaalki ka socday magaalada Boosaaso ayaa hadda qaboobay iyadoo rasaas goos-goos ah weli la maqlayo

Inta la xaqiijiyay dowladda waxa ka dhintay hal askari waxaana ka dhaawacmay lix kale.

Ciidanka ku sugan xarunta PSF waxa inta la xaqiijiyay ka dhaawacmay 8 askari.

Shacabka waxa la xaqiijiyay hal qof oo maydkiisa la geeyay isbitaalka iyo dhaawaca 7 ruux oo kale.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo maalmihii u dambeeyay Baydhabo joogay ayaa lagu wadaa in uu Galabta dib ugu laabto caasimadda Garoowe.

Lama oga in Madaxweynuhu ka hadli doono dagaalka Boosaaso iyo in kale.

MADAXWEYNE MAXAMED CABDULLAAHI FARMAAJO OO DALKA DIB UGU SOO LAABTAYMuqdisho, Diseembar 21, 2021; Madaxweynaha Jamhuuriy...
12/21/2021

MADAXWEYNE MAXAMED CABDULLAAHI FARMAAJO OO DALKA DIB UGU SOO LAABTAY

Muqdisho, Diseembar 21, 2021; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliso Marwada Koowaad ee Dalka Marwo Saynab Cabdi Macallim ayaa dalka dib ugu soo laabtay ka dib safar shaqo oo uu magaalada Istanbuul kaga qayb galay Shirweynihii Saddexaad ee Iskaashiga Turkiga iyo Dalalka Afrika.

Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Istanbuul waxaa uu kulan la qaatay Madaxweynaha Turkiga Mudane Reccep Dayyip Erdogan oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee ku qotoma dhinacyada iskaashiga ammiga, dhaqaalaha, ganacsiga iyo siyaasadda, sidoo kale, waxa uu shir doceedyo la qaatay madaxdii ka qayb gashay Shirweynaha oo ay ka mid ahaayeen Madaxweyneyaasha Dalalka, Ruwaanda Mudane Paul Kagame iyo Liibiya Mudane Maxamed Al-menfi.

Dhanka kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulamo la qaatay qaybaha kala duwan ee Jaalliyadda Soomaaliyeed ee u dhaqan dalka Turkiga iyo Dhakhaatiir Soomaaliyeed oo takhasusyo sare ku samaynaya Isbitaallada Dalkaas, isaga oo ka dhegeystay war-bixinno ku saabsan xaaladdooda nololeed.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

Cabdirashiid Maxamed Xaashi,
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

E-mail: [email protected]
Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/
Twitter:

12/20/2021

XOGTA CAAWA EE BOOSAASO.

Ciidamo Dawladda katirsan ayaa gaadiidka Dadweynaha ka celinaya wadada gasha Dekedda Boosaaso waana marin halbowle u ah Shacabka Xaafadaha Ridwaan iyo Saantoos , waxaana ay kamid tahay wadadaasi Wadooyinka sidoo kale Halbowlaha u ah Taliska Ciidanka PSF .

Saraakiil katirsan Ciidanka PSF oo aan xiriir la sameynay ayaa noo xaqiijiyey in Dawladda dhankeeda uga imaanayaan culeysyo ciidan oo sababi kara falal lid ku ah deganaanshaha Magaalada maadama Ciidamo la dhigay wadooyinka ay isticmaalaan.

Ciidan horleh ayaa iyana la dhigay afaafka h**e ee Meheradda One Saven oo dhinaca xeebta guryo kooban ka xigaan Taliska PSF waxaana dhinaca qorax ka soo baxa uga muuqda xarunta Madaxtooyada oo masaafo aan dheerayn u jirta xarunta Ciidankaasi.

Laamaha Amaanka qaybtood oo aan xiriiro la samaynay waxa iyana dhankooda noo sheegeen inaan wax dhibaato ah jirin , Ciidamada aagagaa ku sugganna yihiin kuwo Howlgalo kujira balse wax intaa dhaafsiisan aysan nala wadaagi karin .

Shacabka Deggan xaafadda Ridwaan ayaa marar badan Dareen cabsiyeed ka muujiyey dhaq dhaqaaqyada ciidan ee dhinaca Dawladda waxaana ay sababtay in Xaafadahooda isaga baxeen , inkastoo arintaas ay horay uga digeen Masuuliyiinta Gobalkaa iyo Taliska Qaybta oo Shacabka ku wargeliyey inuusan Dagaal ka dhacayn Boosaaso dibna ugu noqdaan guryahooda .

Waxaa xusid mudan dhinaca kale in isu socodka Magaalada gaadiidka iyo dadweynuhuba yihiin mid si caadi ah ku socda laakiin hadal haynta Bulshada waa mid aan meesha ka marnayn , rajada Shacabkuna waa Nabad kuwada noolaansho.

26-casho ayaa laga joogaa Caawa kadib markii uu Madaxweyne Deni soo saaray Digreetadii uu xilka uga qaaday Agaasimihii PSF Maxamuud Cismaan Cabdullaahi oo aan weli xilwareejin rasmi ah sameyn .

Mohamed Jabra

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa xilka ka qaaday xubno ka tirsan Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorasho...
12/18/2021

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa xilka ka qaaday xubno ka tirsan Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka kadib markii ay lumiyeen madaxbanaanidii guddinimo iyagoo ku milmay siyaasadda isla-markaana ay baal mareen xeer anshaxa doorashada

Guddiga Xalinta khilaafaadka ayaa sheegay in wado waafaqsan nidaamka doorashadda loo maray doorashada kursiga tirsigiisu...
12/15/2021

Guddiga Xalinta khilaafaadka ayaa sheegay in wado waafaqsan nidaamka doorashadda loo maray doorashada kursiga tirsigiisu yahay hop #067 ee uu horay ugu soo baxay Agaasimaha KMG ah ee NISA Yaasiin Faray.

Guddiga ayaa sheegay in aysan sax ahayn dacwada laga keenay doorashada kursigaas.

Raysalwasaare ku xigeenkii h**e ee Soomaaliya Mohamed Omar Arte Qaalib oo dhowaan Korneyl Biixi cafis u fidiyay in uu ku...
12/15/2021

Raysalwasaare ku xigeenkii h**e ee Soomaaliya Mohamed Omar Arte Qaalib oo dhowaan Korneyl Biixi cafis u fidiyay in uu kusoo laabto Somaliland ayaa maanta Hargeysa lagu xidhay.

Arte, ayaa ka tanaasulay aragtidii Soomaali weyn wuxuuna muddooyinkii u dambeeyay ku sugnaa Hargeysa.

12/13/2021

Golaha Wakiillada Somaliland ayaa furmay iyadoo ay fadhiyaan 29 xildhibaan.

Waxana laga hor akhrinayaa Xeerka furista ururada ee madaxweyne Biixi dib ugu soo celiyay iyo mooshinka Xildhibaanada Muxaafidku h**e u soo gudbiyeen.

12/13/2021

Degdeg : Boolis ayaa soo galay xarunta iyagoo doonaya in ay xidhaan Xildhaan Maxamed Khadar, gacan ka hadal ayaana dhexmaray.

Wargayska Wall Street Journal oo ka hadlay khilaafka ka taagan hogaanka PSF ayaa sheegay in Ciidamanki Uu Mareykanku Tab...
12/12/2021

Wargayska Wall Street Journal oo ka hadlay khilaafka ka taagan hogaanka PSF ayaa sheegay in Ciidamanki Uu Mareykanku Tababaray ay Hakiyeen Dagaalki Ka Dhanka Ah Kooxda Daacish.

“Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee uu Mareykanku tababaray ayaa hakiyay Dagaalka ka dhanka ah Kooxda Daacish kadib markii ay dhexda u galeen is rasaaseyn siyaasadeed”.
“Cutubyo ka tirsan ciidamada Kumaandooska Soomaaliya oo ay tababareen saraakiil ka tirsan Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Maraykanka ee loo yaqaan (U.S. Navy SEALs) ayaa noqday kuwo ku milmay loolan siyaasadeed oo gudaha ah, taasoo keentay inay joojiyaan howlgallada ka dhanka ah Islaamiyiinta ee loo abuuray inay la dagaalamaan.''
Sii hayaha safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa labo jeer la hadlay Mr. Deni, isagoo ku cadaadiyay inuu helo waddo nabadeed oo uu kaga baxo xiisadda taagan,

“Guud ahaan waxaan ku boorrinaynaa in ciidamada nooc kasta oo ka mid ah Soomaaliya ay ka waantoobaan ku lug lahaanshaha siyaasadda,” ayuu yiri dublamaasi sare oo Mareykan ah.

“Waxaan ku boorrineynaa dhammaan ciidamada ammaanka inay diiradda saaraan la dagaallanka ururada xagjirka ah ee rabshadaha sida al-Shabaab iyo ISIS-Somalia.”

Bankiga Adduunka ayaa ku dhowaaqay mashruuc ku kacaya 150 milyan oo dollar kaas oo dib loogu soo noolaynayo adeegga koro...
12/10/2021

Bankiga Adduunka ayaa ku dhowaaqay mashruuc ku kacaya 150 milyan oo dollar kaas oo dib loogu soo noolaynayo adeegga korontada Soomaaliya.

Bankiga Adduunka wuxuu sheegay in uu Somaliya siinayo koronto nadiif ah oo qiimaheedu hooseeyo oo ay helaan dad dhan 7 milyan oo Soomaali ah kuwaasi oo kala-badh ay yihiin dumar.

War saxaafadeed kasoo baxay Bankiga Adduunka ayaa lagu sheegay in ilaa 15 milyan oo qof oo Soomaali ah, 9 milyan oo ka mid ah aysan haysan koronto;

  1 Wasiirka Arimaha Dibadda ee Somalia Abdi Saciid Muse Ali iyo Raysal wasaarihii h**e ee Somalia Madaxweyne Abdiweli A...
12/09/2021

1

Wasiirka Arimaha Dibadda ee Somalia Abdi Saciid Muse Ali iyo Raysal wasaarihii h**e ee Somalia Madaxweyne Abdiweli Ali Gaas ayaa ku guuleystay dadaal Diblomacy-yadeed oo xoogga lagu saarayey in labaajiyo dagaalka Bosaso.

Wasiir Abdisaciid Muse Ali ayaa lahadlay Ergayga Arimaha Dibadda Mareykanka ee arimaha Geeska Africa Jeffrey Feltman iyo Taliyaha ciidamada Mareykanka ee Africa
Gen Stephen J. Townsend
taasoo horseeday in Madaxweyne Deni loogu hanjabay cunaqabatayn xagga safarada ah iyo in laga xayiro lacagaha account-yada dibadaha ugu kaydsan.

Sidoo kale Madaxweyne Abdiweli Ali Gaas ayaa ku guuleystay inuu ka dhaadhiciyo madaxda Dowladda Imaaraadka Carabta in Ciidamada PMPF-ta aan loo adeegsan dagaal-beeleedyada Puntland.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ballanqaaday inay goosan doonaan shanta Million 5M ee dollar ee ay bilwalba ku kabaan miisaaniyada ciidanka PMPF-ta haddii Saciid Deni qaado talaabo xadgudud ku ah heshiiskii Imaaraadka Carabta iyo Puntland.

Cabsida ugu wayn ee Saciid Deni soo wajahday waa isagoo aan haysan ciidan ku filan oo u dagaalama iyadoo ciidamadii Daraawiishta Puntland ka diideen inay la dagaalamaan walaalaha PSF-ta.

Taageerayaasha Deni ayaa haysta 150 askari oo laga keenay Madaxtooyada Puntland iyo ku dhawaad 100 askari oo ah Ciidanka Boliiska Gobolka Bari.

Sidoo kale baaqii Isimada Puntland ayaa hoos u dhigay sharciyada iyo awoodda dagaalgelineed ee Saciid Deni.

Xigasho Garlibaax

Halkan kala Soco wixii kuuso Kordha SoonaRealty

DEG-DEG:Maxk**adda Ciidamada qalabka-sida iyo Denbiyada culus ee Puntland oo amar dul-dhigtay Hoggaanka ciidanka PSF.
12/09/2021

DEG-DEG:Maxk**adda Ciidamada qalabka-sida iyo Denbiyada culus ee Puntland oo amar dul-dhigtay Hoggaanka ciidanka PSF.

12/09/2021

: Guddi ka kala socda labo dhinac oo nabad-raadin ah ayaa ku kulmay magaalada Boosaaso si ay wada xaajood uga yeeshaan xaaladda magaalada Boosaaso, gaar ahaana xiisadda la xariirta xil-wareejinta PSF.

Guddiga labada dhinac kasocday ee kulmay ayaa kala ahaa Wasiirka maaliyada Xassan Shire, wasiirka Warfaafinta Cabdullaahi Timacade, Wasiirkii h**e maaliyada Cabdullaahi Dhaqaaje iyo Xildhibaan Faarax Biyoole, kulankii 1aad ayay ku yeesheen Hotel Gacayte magaalada Boosaaso.

Labada dhinac in wada hadal la furo ayay isku afgarteen, kaas oo xaalada lagu xalinayo loogana durkayo halis-galin xagga amniga ah

SoonaRealty.

12/08/2021

: Sida ay ii xaqiijiyeen Ilo wareedyo kala duwan, Labo kamid ah goobaha Caafimaadka ee Boosaaso (Isbitaalka guud iyo mid gaar loo leeyahay) ayaa la galiyey shaqaalahooda heegan, gaadiidka gurmadka deg deg ah (Ambulance) ayaa hal-goob lays kugu geeyey.

Sidaas oo kale ciidamo ayaa lageeyey goobo kabaxsan magaalada, kuna wajahan xarunta PSF, Dhaqdhaqaaqa wuxuu kusoo beegmayaa, xili ay wali taagan tahay xiisadda la xariirta Hay'adda PSF, Madaxtooyada Puntland-na ay diiday war kasoo baxay Isimadda gobalka Barri oo la xariiray xalinta dhacdadan.

War qoraal ah oo kayimi Madaxtooyada Puntland, xalay waxaa lagu faray Agaasimihii h**e ee PSF in uu xilkan, gaadiidka iyo dhammaan ciidankaba kuwareejiyo Agaasimaha cusub.

Address

Weston Roud
Toronto, ON
M9N1W5

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Soona News posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Soona News:

Videos

Share

Nearby media companies


Other Media/News Companies in Toronto

Show All