20/09/2025
Madaxweyne Firdhiye ma tegi doonaa New York? Codsi cusub oo uu Xamse u gudbiyay Xasan Sheekh
Warar hordhac ah oo ay heshay Warbaahinta HORYAAL MEDIA ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre uu ka dalbaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, in Madaxweynaha WBS, Cabdikaadir Firdhiye, lagu daro ergada Soomaaliya uga qayb-galeysa shirka guud ee Qaramada Midoobay (UN General Assembly).
Qorshaha Firdhiye iyo Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa ah in maadaama hoggaamiyeyaasha caalamku ku kulmayaan dhacdadaas, shirar gaar-gaar ah oo Madaxweyne Xasan Sheekh la yeelan doono madaxda dalalka Mareykanka, Ruushka, Shiinaha iyo Turkiga si gaar ah loogu soo bandhigo Madaxweyne Firdhiye oo ah hoggaamiye goboleed kasoo jeeda Waqooyiga Soomaaliya, kana mid ahaa siyaasiyiinta muddo dheer ku raad-joogay madax-bannaani.
Su’aasha la isweydiinayo ayaa ah: Madaxweyne Xasan Sheekh ma aqbali doonaa codsigaas?